Sawir & Sifayntii: 2aad

(Xuska 35-Guurada Hawl-galkii Bad-jeex ee Cabdillaahi Askar lagu furtay)

“Wax la yidhi Bir-jeex,

Waxa helay Bad-jeex,”

 

Muj. Aadan Tarabbi Jaamac,

Boobe Yuusuf Ducaale,

 

cankaabo@hotmail,com, cankaabo@gmail.com, dharaaro.com, dharaaro.net

Hargeysa. 12/4/2018ka

Waa laba sawir oo kale iyo sifayntood. Waa naftood-hurayaashii duhur la isla wada jiro u badheedhay Miiskii Saraakiisha ee Hargeys ee nidaamkii Maxmed Siyaad oo indhihiisa oo toban ah kala baxay Cabdillaahi Askar. Sidii aan hore idiin ku sheegay, waxaan u ambo-baxay in aan ereyo aad u kooban sawirradan taariikhiga ah ka idhaahdo.

11/4/1983kii, ayaan ka soo baxay Harar aniga oo jiidaha hore ku socday. Waan maqashiisnaa qabashadii Askar, waxaan se hoosta ka lahaa: “Ilaahow ha noo rumayn.” Muj. Siciid Shukri ayaanu gelin danbe isku weydaarannay buuraleyda Baabbili. Wuxu ii xaqiijiyay in Cabdillaahi Askar la qabtay. Waxaan ku soo hoyday Jigjiga. Habeennimadii ayaa haddana na loo sheegay in la soo furtay. Subaxnimadii ayaanu Xarshin oo colku joogay ku kallahnay. Waan xusuustaa oo Bakhaar cusbaa oo markaa farta laga qaaday ayay ku jireen. Waxaanan illoobayn burciid caddayd oo Bakhaarkaa lagu goglay. Magaalada Harar ayaanu caafimaad ahaan ugu soo qaadnay. Raas Hotel ayaa colkii oo dhan la dejiyay ka dibna baadhis caafimaad ayaa loo bilaabay. Waa badhtamihii bishii Abriil ee 1983kii. Magaaladu waa Harar. Sawirradan waxa qaaday nin Itoobiyaan ah oo meherad sawir-qaadis ah ku lahaa Harar.

 

Muj. Cabdillaahi Askar wuxu nabarro ku lahaa laabatooyinka intooda badan. Wareysiyadiisii haddaad dib ugu noqotaan silic-dilka loo geystay waxa u badnaa bac la dhalaaliyay oo gubanaysa oo laabatooyinka kaga da’aysay. Colkaa waxa ka jooga Hargeysa Muj. Aadan Maal iyo Muj. Cabdisalaan Turki oo sawirradan, duruuftii lagu qaaday iyo in ay dhab yihiinba goob-joog u ahaa. Saddexda nabar ee Cabdillaahi Askar ka muuqda waxa u dheeraa laba nabar oo kale oo garbaha kaga yaallay.

Waxaan jeclahay in aan idin la wadaago sawirrada aan hayo ee idinkana intiinna aan wadaagno, dadkana aan la wadaagno. Innagu haddii aynu is-qori weynno cid kale ha ka sugina in ay qorto wixii dal iyo dadba soo maray. Sow tii Hadraawi inagula dardaarmay:

“Galladduna waxay saran tahay, wax isu geyn-geyn,”

Waa inoo kal kale iyo kulan kale haddii Kariimku ina karsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *