Hees Baroor-diiq ah: “Bilicdii Dhallaannimo”

Boobe Yuusuf Ducaale,

cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

Hargeysa, 12/4/2018ka,

Fogaydaa xisku meel u ila tegay…….fogaydaa. Waxay ahayd sannadkii abaaraysnaa ee 1984kii. Waxaanu ku jirnay sannadihii dul-saarka ahaa ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta-qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Meeshu waxay ahayd magaalada Awaare iyo Geedkii Weerane, malahayga maanta ma taagna e’. Bishii Abriil ee 1984kii ayaa halkaa lagu qabtay Kal-fadhi Caadi ahaa oo uu Golaha Dhexe ee SNM lahaa. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Kal-fadhi Gole Dhexe la iskala soo baxo magaalooyinkii: Jigjiga, Harar iyo Diridhabeba. Waa cahdigii Muj. Damal Cabdilqaadir Koosaar oo xilka guddoomiyennimo hayay: Noof. 1983kii – Ogos, 1984kii. Xusuus gaar ah ayuu leeyahay Kal-fadhigaasi. Oo maxaa ka mid ah? In kasta oo aanan haynin nuqul Go’aammadii ka soo baxay ah, bal aan cabbaar maskaxda guhaadsho in ay godlato. Ila wadaaga gaaxdan yar ee ka soo dhiiqday:

  1. Markii ugu horreysay ayaa lagu oggolaaday Calanka SNM. Laba naamuunadood ayaa loo kala codeeyay. Saddexda midab waa ay ka sinnaayeen. Mid Allaahu Akbar oo khad madow ku qoran ayaa ku xardhanayd liidka cad badhtankiisa. Naamuunadda kale bil iyo xiddig ayaa badhtanka kaga yaallay. Waxa hal cod ku guulaystay Calankii Allaahu Akbar ku taallay oo 1987kii Shirweynihii 5aad lagu beddelay, Cod-qaadistaas labada calan tiraba ilaa saccex jeer ayaa lagu celiyay. Hal cod ayaa la is-dheeraaday. Mar danbe ayaanu ogaannay in xubin Golaha ka tirsanayd laba jeer laba codeysay, mar saddexaadkiina lagu qabtay. Xoghayaha Golaha Dhexe ayaan ahaa. Miyaan idiin sheegaa? Xaasha! Waa xogaha wadaagga ka reebban.
  2. Waxa la go’aamiyay in Xarunta SNM laga dhigo Awaare, Dugsiga tababarka Ciidammadana halkaa laga yagleelo,
  3. Maa-daama gaadiidka dadweynuhu ahaa keyd uu mar walba nidaamkii Maxamed Siyaad u adeegsan jiray xasuuqa dadka, waxa la go’aamiyay in dhammaan gadiidka yar yare ee Toyotaha ah la SNMeeyo dhammaantood. Muddo yar ka dibna 64 baabuur ayaa Awaare lagu soo xreeyay. Waxa lagu guulaystay in laba keliya qoryo la saaro oo ay kala lahaqayeen: Biikolo oo Gaashaammo la geeyay iyo Axmed Maxamed oo Xarshin la geeyay. Baabuurtii kale 1985kii ayaa dadkii lahaa loo celiyay,

Intaa, waxaan ku soo dhaafayaa Kal-fadhigaas. Arartan sida aadka ah u koobnayd waxaan uga gol lahaa in aan idin dhex geeyo duruuftii ururnimo ee aanu xilliyadaa ku noolayn.

Godolka xiga iyo gololodeenna maanta aan u soo dego. Waa maansada mowduuca ku suntan ee “Bilicdii Dhallaannimo.” Muj. Shahiid Axmed-daahir Cabdi oo aanu SNM ka wada tirsanayn ayaanu maalmahaa Awaare wada joognay. Waxay ahayd wax yar ka dib markii laga kacay gogoshii Maxamed Mooge Liibaan iyo saaxiibbadii oo jid-gooyo loogu galay meesha la yidhaahdo Qas-wareen. Waxaan is-leeyahay waa bishii Juun, 1984kii dhammaadkeedii.

Muj. Axmed-daahir Cabdi wuxu ahaa nin indheer-garad ah oo mutacallim ah. Taqaafad carbeed iyo mid diineed oo hodan ah ayuu lahaa. Mar ayuu noqday Xeer-ilaaliyaha Guud ee SNM, waxaanu bilowgiiba ku shahiiday Gudo-galkii 1988kii ee Hargeysa. Bishii Juun dhammaadkeedii annaga oo Awaare joogna ayuu goor casar ahayd ii mariyay oo aan ka qoray Heestan mowduuca maanta inoogu xardhan ee “Bilicdii Dhallaannimo.”

Wuxu Axmed-daahir galabtaa ii sheegay in uu Heestan Baroor-diiqda ah u tiriyay Shahiid Ifraax Boodhle oo ahayd ardayad Dugsiyada Hargeysa ku jirtay oo halkaa Jeelka weyn hoortiisa madfac ciidammadii cadowgu ku dabbaal-fegayeen 12/4/1982kii ku habsaday. Sidii ayay ku dhimatay. Wuxu intaa galabtaa ii raaciyay in uu macallin u ahaa. Sidaa darteed ayuu heestan “Bilicdii Dhallaannimo” ugu tiriyay, waxaanu ku deexday:  

“Beni-aadan waa kii,

Boholyow la ooyoo,

Barbarkiisa waxa yaal,

Belo iyo tabaaloo,

Baraduu degaa bay,

La-bariisataayoo,

Buulkay u hoyatiyo,

Bidhaanteeda ma arkeem

Isagoon baraad qabin,

Ayay booqataayoo,

Intay baylahdiisiyo,

Barta uu ka tamar galo,

Naafayso bowdyaha,

Oo ay biixi jebisay,

Bogga uun wareentaa,

Bisin laga cuskaday waa:

Naga baydhi Eebbow,

Waa lagu badhaadhaa,

Anna boqon I heertoo,

Beryo waan xusuusnaan,

Oon baanan nabarkii,

Barkimada dusheedaan,

Weli uga baroortaa,

Tii igu bannaanayd,

Baxsaney yartaydii,

Waa taan bud-dhigayee,

Araggana ka buuxsaday,

Basarkeedi weeyaan,

May beddelin geeridu,

Bilicdii dhallaannimo,

Baarriga qalbiga jira,

Bishmahaa qoslaayee,

Beenla isu sheegiyo,

Aan baran qamuunyada,

Ballan baan lahaynoo,

Baaq dheer waxay tidhi:

‘Ma bukoodo Geesigu,

Marna beer-nugeyl iyo,

Baqe lama gudboonee,

Noloshuu baxnaanshaa,

Bir hadday ka adag taha.’”

 

Naxariistii Janno Ilaahay labadoodaba ha ka waraabiyo, Aammiin,

 

Wa Billaahi Towfiiq

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *