Muj. Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Xaaji Basbaas)

Muj. Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Xaaji Basbaas)

1942kii – 2018ka

“Haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Goblan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Tuduc baroor-diiqdii Cali Sugulle ee geeridii Muuse Galaal, 1980kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

dharaaro.net – Mareegta Dhareero
www.dharaaro.net
the first SNM chairman Ahmed Mohamed Gulaid, better known as Ahmed Jimaleh, was born in Aden, Yemen on June, 16, 1930. His father, Jimaleh, immigrated to Aden during …

Hargeysa, 5/3/2018ka,

Waa maalmaheedii…..Waa dharaaraheedii…….Dhugucdada adduunyo ah, waa dhibaatadeedii iyo dhiilladeedii. Maantana ma geesaa godka lagu beenneday. Geeri loo dhalay, gabaygeeda iyo geeraarradeedana ma deyno. Bal an maantana gundhiyo godollo aan ku gelbimayo halgan-wadaag dalkan iyo dadkan af iyo addinba ugu soo ciidmay. Waa Xaaji Basbaas oo aan magac iyo muuqaal midnaba miskiin ka ahayn. Wuxu noolaa oo halgan is-daba-joog ahaa ku jiray tan iyo 1957kii oo uu ku soo biiray kooxihii fanka oo ay ku soo dhaweeyeen Gu’-roon-jire, Cali Feyruus iyo xertii badnayd ee kale.

Wuxu ku dhashay meel aan Degmada Oodweyne ka fogeyn. Isaga oo yar ayaa Berbera la geeyay markii uu miyigii Saldhigi waayay. Cadan ayuu uga gudbay. Muddo markii uu halkaa joogay ayuu Hargeysa ku soo noqonayaa oo caalamkii fanka iyo suugaanta ku biirayaa. 1958kiiba Xamar ayuu ka degayaa isga oo ka mid ahaa koox Riwaayad uu leeyahay sidday oo ay Cumar Dhuule, Dacar iyo qaar kale oo badani ka mid ahaayeen. Waa xilliyadii aanay habluhu masraxa qabatimin.

Xaaji Basbaas wuxu kulmiyay ama isugu tegay dhowr mowhibadood oo ay adag tahay sida qof keli ihi isugu keenaa. Hal-abuur Riwaayadaha iyo maansooyinkaba curiya ayuu ahaa. Waxa kale oo uu ahaa mulaxin codadka sameeya. Xaaji Basbaas wuxuu ahaa jilaa curin iyo gole-joogba leh oo lagu majeerto qaababka soo-jiidashada leh ee uu dareenka dadka u hanto.

Tuduca aan qormadan aadka u kooban ee aan u qalmin saaxiibkay, halgan-wadaaggay, fan-wadaaggay Xaaji Basbaas, waxa xabaashii Muuse Galaal ka dul tiriyay Cali Sugulle Dun-carbeed. Waxa goob-joog ahaa oo aaska ka soo qauyb-galay Maxamed Siyaad Barre oo mukur iyo is-yeel yeel u yimid, waxaana markhaati cad u ahayd siduu uga calool-adaygay in Muuse intii uu noolaa dhakhtar la geeyo. Markuu dhulka u dhacay ayay Deeqa Col-u-joog dhexda marada ku xidhatay oo la qaaday. Wuxu ku go’ay hawada Sucuudiga isaga oo dayuuraddii saran.. Cali Sugulle oo ku canaanayay sidii uu Muuse Galaal nolosha ugu deyriyay ayaan ereygiisii la gabban ee ku yidhi isaga ag taagan oo maqlaya:

Waxaynu ku qasban nahay in aynu ifka iyo nolosha isku aqoonsanno. Bal u fiirsada sida aasaska isugu habar-wacanno iyo sida aynaan u dul joogsan dadkaa meydkooda aynu baabuurta ku gelbinayno. Sow tii Gaarriye lahaa:

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiye,

Oo weliba eegay,

Aan aad u buurnayn,

Oo ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

Bal Xaajigeennii ku soo noqo. Faah-faahinta taariikh-nololeedkiisii waxaad kaga boganaysaan Barnaamajkii Madasha Hal-abuurka ee TV-ga Qaranka ee Xuseen-deeqsi ku wareysanayay. Halkaas ayaad Riwaayadihiisii iyo curinyiisii kaleba ka helaysaan.

Waxaan jeclahay in aan indhihiinna ku soo jeefiyo waxa ugu mudan ee Xaaji Basbaas lagu xusuusanayo oo ah qabcadda miyuusigga ah ee Radio Hargeysa warka ku furi jiray, ilaa maantadaa aan joognana Radio Muqdisho wararka ku ballaysimo. Sida uu Cabdillaahi Qarshe ugu sawiran yahay BBC-da ee ugu suntaday miyuusigga socodkii Arraweelo ee lagu furo, ayuu Xaaji Basbaasna maddane aan tirmayn ugu suntaday Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho. Waa miyuusigga heesta lagu qaado midhaheeda ay hooriska u yihiin:

“Ilaahayow, Ilaahayow,

Waa kugu mahad.”

Heestaa ma maqallo bal se qabcaddaa miyuusigga ah ayaynu ka haynaa. Noloshayda mar keliya ayaan maqlay oo Muj. Maxamed Yuusuf Cabdi ayaa dharaarihii halgankii hubeysnaa noo duubay. Waxay ku jirtaa keydkeyga cajaladaha maqalka iyada oo Cabdi-naasir Macallin Caydiid cuudka u tumayo.

Qormo gole-ka-fuul ah oo aan saaxiib qaali igu ahaa ku sagootiyayo ayay ahayd ee Naxariistoo Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana Samir iyo iimaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *