Muj. Korneyl Abiib Cabdi Jaamac Cawaale: 1952kii – 2018kii

Muj. Korneyl Abiib Cabdi Jaamac Cawaale: 1952kii – 2018kii
“Aniguna dhulkaygow,
Waxan dhaxanta Jiilaal,
Dhudhubbada cidhiidhiga,
Dhedo saran buuraha
Dhadhaabta u cuskanayaa,
Waxan bacad dharaareed,
Sida bahal dhabbacashada,
Intaa aan dhufayskiyo,
Dhirtaada u hadhsanayaa,
Waa guul ad dhaxashide,
Allow anan horteed dhiman,
Iyadoon dhammays noqon,”

Axmed M. Warsame, ‘Genius’,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Tuducan ballaysinka aynu ka dhigannay, aan waxaan sidaa u sii badnayn ka taariikheeyo. Waxaan ka soo qaatay Maansada Dhayalsi (Dharaaraa na soo maray) ee Axmed-Genius. Wuxu tiriyay bishii Ogos, 6dii, 1984kii. Waa galab, waana Xafladdii Furitaanka ee Shirweynihii 4aad ee SNM. Maa-daama uu halgan hubeysnaa oo dibuxoreyn Qaran ahaa ku jiray, nabaadiino-xidh ayuu ka dhigtay. 6dii Noofambar, 1984kii ayay isaga iyo ciidankii uu ka tirsanaa cidhib barako leh ku dhufteen. Gudaha ayay isku shubeen, 9kii Noofambarna wuxu ku shahiiday meesha Shalow-dheer ee aan ka fogayn Boodhka Gelli-galool. Ciidankaa Mujaahidiintii ka tirsanayd Muj. Abiib-dhagax ka mid buu ahaa. Waa intii Ducadii Axmed-Genius u rumowday. Muj. Abiib-dhagax ku soo noqo.
Habeen Khamiiseed, Arbacina sii galbanayso oo shadaafahaba sii laabatay, ayuu goor habeennimo ah Muj. Gaashaanle Sare Cabdillaahi Ibraahin war dhiillo leh dhambaal-qaadaha ina rigaystay ii soo mariyay. Waa 21kii bil-halgmeedda Feebarweri, 2018ka. Ku-ye: “Muj. Abiib ayaa mar dhaweyd go’ay.” Anna yaabay oo idhi: “Abiibbadu badan e’, waa kee?” Ku-ye: “Dhagax.” Geeri waa loo dhashee, maantana ma Muj. Gaashaanle Sare Abiib-dhagax baa. Dib ayaan ayaan ugu noqday xusuus duugowday oo waayo sirgacan, badnaa oo jiitamay, tawstiisiina weli taagan tahay ku tuntay. Anigii baa is-weydiiyay: Horto Abiib goor ma ayaa isugu kiin horreysay? Halkeed ku baratay? Waayaha idin kulmiyay muxu ahaa?
Tagto-duubtadii oo beryahan danbe casrigan degdegaya la jaan-qaadday oo ‘digital’ iyaduna noqotay ayaan hadba sannad, bil, toddobaad, maalin, saacad iyo daqiiqadba ku dhuftay. Dhallaaxda inta aan soo qaaday ayaan ilaa il-bidhiqsiyadii ku dhuftay. Mar keliya ayuun baan dareemay dhacdooyinkii oo sida daadka khaanadihii xusuus-tebinta ku soo qulqulaya.
Sheeko dheeraan karta oo ilaa intii la doono la kala jiidi karo, aan idiin soo duubo oo tiraab gaaban idiin ku soo gudbiyo, aniga oo waqtigiinna iyo dul-qaadkiinnaba dhowraya.
Waxay ahayd bishii Diisambar 1980kii. Xamar ayaan joogay oo waxaan ka hawl-geli jiray Hoggaankii Idiyoolajiyada ee Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Gelin danbe aniaga oo hurda ayay walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale, Suldaan Cabdi, Cali Jire iyo Barre Xaashi Cilmi I toosiyeen. Ku-ye ina keen, Jabhaddii Soomaali Galbeed ayaad Golaha Dhexe noo gelaysaaye. Waxaanan weligay illoobayn markaan ku idhi: “Guriga Ummadda ayaan ka shaqeeyaa, Maxamed Siyaad Barrena wuu og yahay oo isaga ayaa Xisbiga Xoghaye Guud u ah.” Waxay iigu jawaabeen: “Waxba ma laha isagana Xisbiga ugu jir, annagana Jabhadda noogu jir.” Dhabanno-hays ayay igu noqotay. Muraan aad u dheeraa ka dib sidii ayaan ku raacay oo Shirweynihii Jabhadda uga qayb-galay. Toodii ayay noqotay oo Jabhaddiina waan ku jiray, mushaharka iyo gunnadana Xarunta Xisbiga ayaan ka qaadan jiray.
Badhasaabka Xarshimeed ayaa la ii magacaabay. Hargeysa ayaan iman jiray aniga oo la kulmi jiray odayaasha iyo Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey. Commander Maxamed-cali ayaanu sidaas isku barannay iyo qaar ka mid ahaa ciidankii Guutadaas. Muj. Gaashaanle Sare Abiib ciidankaas ayuu ka mid ahaa.
Kuma ayuu ahaa Muj Abiib-dhagax? Wuxu ahaa Nuj. Abiib Cabdi Jaamac Cawaale. Hooyadii waxay ahayd Kaaha Ibraahin Warsame. Wuxu ku dhashay meesha Toon la yidhaahdo oo aan sidaa uga sii fogayn degaanka Saxatiley. Wuxu dhashay 1952KII. Wuxu ifka kaga tegay 13 carruur ah: 7 hablood iyo 6 wiil.
Toddoba wiil oo dhallin-yaro ah oo Maxamed-cali la socon jiray ayuu ka mid ahaa. Ciidankii Sheekh Biliso ayay ka tirsanaan jireen. Waa unuggii ama yagleeshii ugu horreysay ee Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-galbeed. Maxamed-cali ayaa abaabulkeeda lahaa. Waa sababta deegaankaa meel ka mid ah loogu yeedho Geedka Maxamed-cali. Guutadani waa unugii ciidammadii xoreynta ee SNM oo saldhiggoodii ugu horreeyayna Durya ahaa. 1978kii ayuu Abiib-dhagax raacayaa Maxamed-cali.
Maxamed-cali markii uu abaabulkii Guutada 4aad dhammeeyay, Waxa Taliye ka noqday Axmed Sheekh Faarax Dhuxul, Maxamed-calina wuxu u gacan-bannaanaaday kaalintiisii hoggaaminta Gaaskii Axmed-Gurey iyo xidhiidhadiisii ciidankii Sh. Biliso. Waxaas oo dhan waxaan uga gol lahaa in aan guud-mar kooban idiin ku sameeyo waayihii adkaa ee uu ku soo barbaaray isla markaana kacaamay, Muj. Abiib-dhagax. Tan iyo 1978kii ayuu noloshaa daafaca iyo weerarka ah ku soo jiray. Ka geyoon meynno hawl-galladii uu ka qayb-galay, haddii aynu taxa is-nidhaahno. Hawl-galkaa 1984kii kow dhaha. Kii 1988kiina ku dar. Waxa la yaab lahaa mid uu dhammaadkii 1982kii ku soo galay Hargeysa/ Waxay ahaayeen: Muj.. Taliye Axmed Cumar, Muj. Hoos-ujeed iyo Muj. Abiib-dhagax.
Waxa waajib lagu soo siiyay in ay khaarajiyaan Sarkaal Sare oo ciidammadii Nidaamka ka tirsanaa. Hawl-galkii ayaa fashilmay. Labadii Mujaahid ee kale waa la qabtay, isaguna lug ayuu ku soo baxsaday oo halkii uu ka duulay ayuu bed-qab ku yimid. Hoos-u-jeed isaguna xabsiga Dhexe ee Xamar ayuu lug kaga soo baxsaday, Axmed Cumatna beryo danbe ayaa la soo daayay.
Aynu u soo ducaynno naftii-hure Mujaahid Korneyl Abiib Cabdi Jaamac. Dhallinyaradana waxaan ku boorrinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo ay tusaalayaashan nool diiwaan-geliyaan si loogu deydo oo aan habaar-qabayaasha dal iyo dadba hagraday aan hiigsi iyo hirasho looga dhigan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *