Dugsigii Sare ee Benaadir ee Muqdisho: 1964kii – 1968kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale:

Hargeysa, 24/9/2018,
cankaabo@hotmail.com,cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net,

 

(Waa garooc aad u kooban oo aan idiin ka soo raray Bogga 70aad ee Qabyada Buug aan ka diyaarinayay noloshayda. Waxaan Qormadan sida aadka ah u kooban marriin uga dhigayaa Sawirkan taariikhiga ah ee aanu ku gallay Dugsigii Sare ee Benaadir maalintii aanu ka qalin-jebinaynay ama ka baxaynayba. Dugsigan oo si rasmiya loo furay 1964kii. Waxaanu ahayn ardaydii ugu horreysay ee gashay. Waxa dhisay Midowgii Soofiyeti, macallimiinta oo dhamina halkaas ayay ka yimaaddeen marka laga reebo Agaasimihii iyo saddex macallin oo diinta, carabiga iuo afka Ingiriisiga dhigi jiray. Immina waqtigan aynu joogno waxa loo beddelay xarun caafimaad oo Turkigu maamulo.)

Intan yare e aan idiin ka maarmi waayay ee aan soo garoocayna waxaan ku idhi:

“Dugsiga Sare ee Benaadir, wuxu ahaa Dugsi saddex-dhudood ama saddex-laagood ah (Triple Stream). Aan is-barraxo ama sii jilciyaba. Hore waxaan idiin ku soo sheegay in uu Dugsigaygii Dhexe ee Axmed-gurey laba-dhudood ahaa lana kala odhan jiray: Woqooyi & Koonfur (North & South). Dugsigan Sare ee Benaadir wuxu ahaa sannadkii saddex fasal oo siman. Haddii kale sida intiinna badani aad u taqaannaan ‘lot-kiiba’ saddex fasal ayuu ahaa oo is-barbar yaal.

Si fasalladaa saddexda ah ee sannad walba ah baadi-sooc loogu kala yeelo, jihooyin laguma suntin ee tirsiyo ayaa lagu kala sooray. Fasal wal oo sannad kastaba ah, waxa la siiyay laba lambar. Tirsiyada la qaatay waa: 1, 2 iyo 3 oo keliya. Waa tii aynu nidhi waa saddex-dhudood ama laagood. Markaa Dugsigeennan Sare ee Benaadir waa saddex dhudood ama laagood. Sidaa darteed, wuxu u qaybsamayaa: 1aad, 2aad iyo 3aad.

Dhuddii ama laagtiiba waxay maraysaa afar sannadood oo waxbarashada Dugsigu soconayso. Sidaa awgeed dhuddiiba ama laagtiiba afar sannadood oo ku suntan: 1, 2, 3 iyo 4 ayay maraysaa. Marka aynu sidaa u xisaabinno ee labadii lambar ama tirsi u lammaanayno, waxa inoo soo baxaya tirsiyadan oo dhudihii iyo sannad-dugsiyeeyadiiba koobaya.

Sannadka (Lot-ka) 1aad:

11aad, 12aad iyo 13aad: waa fasalladii oo tirsigaa yeeshay,

Sannadka 2aad:

21aad, 22aad iyo 23aad,

Sannadka 3aad:

31aad, 32aad iyo 33aad,

Sannadka 4aad:

41aad, 42aad iyo 43aad,

Sidaas, ayuu ‘lot-kiiba’ saddex fasal u ahaa baadi-soocdaa tirsiga ahna u lahaa. Waxoogaa waad ku yar dawakhdeen sow ma aha! Aan ka soconno. Fasalkiiba waxa dhigan jiray 25 wiil ugu badnaan, Maxamed Saleebaan Turki oo aanu isku fasal ahaan jirnay ayaan kula kulmay Hargeysa 24kii, Noofambar, 2017kii. Waxaanu cabbaar iska wareysannay Dugsigii, macallimiintii iyo waayihii aanu ku noolayn. Wuxu I xusuusiyay in aanu afartii sannadood ku jirnay fasalladii: 11aad, 21aad, 31aad iyo 41aad.

Hadda, ha moogaanina in aan idiin ka muddaakaroonayo 53 sannadood ka hor iyo ardaynimadaydii aniga oo aan muuqaal, qoraal iyo maqal midnaba haysan oo aan daalacanayn.

Gelinka hore oo keliya ayaanu xiisadaha rasmiga ah geli jirnay. Waxa laga yaabaa in aad is-weydiisaan: muxuu Mujaahidku uga jeedaa xiisadaha rasmiga ah? Waa xiisadaha ku suntan Manhajka waxbarasho ee Dugsiga oo ahaa sidaan ku xusuusto afar gelinka hore ah. Haddaba gelinnada danbe maxaa jiray?

Gelinnada danbe, waxa jiray xiisado aan rasmi ahayn. Macallin waliba wuxu gelinka danbe casharro dheeraad ah siin jiray ilaa dhowrka arday ee fasalkiisa ugu fiican. Casharradaa dheeraadka ahi waxay ahaayeen qaar aanay ardayda kale la wadaagin. Geesta kalena xiisado iska furan oo qofkii dedaalayaaba geli karo ayay ahaayeen. Nin iyo dedaalkii, haleelkii iyo garashadii ayay ahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *