Sawir & Sifayntii: 6aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale:

Hargeysa,  /9/2018ka

cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

Waa waayo xusuustood. Sannadku wuxu ahaa 1968kii. Bishu waxay ahayd Ogos, tirsigeeduna 13kii. Maalintu waxay ahayd mid maalmaha ka tilmaaman. Salaasa ayay ahayd. Gelinka ma sugi karo waxaan se aamminsanahay in uu gelin hore ahaa. Muhu mihii weeye. Waa Dugsigii Sare ee Benaadir ee ku yaallay magaalada Muqdisho. Waxa dhisay Midowgii Soofiyeti waxaana la furay 1964kii. Hormadii (Dufcaddii) ugu horreysay ee gasha kana baxday ayaanu ahayn. ,

Sawirkan maalintaas ayaa la qaaday. Saddex Fasal ayaanu kaga baxnay maalintaas. Sida sawirkan iyo mid kale oo aan idiin soo gudbin doono ka muuqata ardaydii qalin-jebinaysay marba 12 arday ayaa la sawirayay. Sawirkan waxa whatsapp iigu soo diray Mr. Suudi oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Af-hayeen u ah. Wuxu ii sheegay in uu ka helay Cali Madar Amarre oo ah ninka sita lambarka 8aad. Funaanadda madow ee aan xidhanahay ayaan ku garanayaa in ay ahayd maalintii qalin-jebinta oo waa sawirka shahaadaddii la I siiyay ku yaal. Funaanaddaa madoobayd oo suuf ahayd walaalkay ayaa iiga keenay New York 1966kii. Xusuustaas ayay igu lahayd.

Ardaydani meelo kala duwan ayay joogaan. Intooda dhimatay Ilaahay ha u naxariisto. Inta aan ogahay ayaan idiin ku suntay in ay dhinteen. Daal badan ayaa naga qabsaday sidii aanu magaca iyo sawirka isu waafajin lahayn, haddii aanu gef samaynayna raalli ha nalaga ahaado sidii loo sixi lahaana aan u wada hawl-gallo..

Ardayda sidata lambarrada: 1aad, 4aad iyo 9aad Hargeysa ayay joogaan. Ciyaaryahanka ku lebbisan funaanadda: 2aad Ceerigaabo ayuu ku sugan yahay. Lambarka: 8aad Sweden ayaa iigu war danbeysay. Lambarka: 11aad oo run ahaantii fannaan ahaa Dugsigana Riwaayad caan-baxday u jilay waxaan ku ogaa Jarmalka. Riwaayaddaa Axmed Saleebaan Bidde iyo Huryo ayaa noo curiyay oo Dugsiga oo hoy ahaa waayo nala deggenaa. Waxaan u malaynayaa in ay heesihii Riwaayaddaa ay ka mid ahayd: “Aan kula lug ahaadoo, kaa laab ahaado, waa lur iyo ciilee., liibaane laafyahakan, libixdooda iga daa.” Idaacadaha in ay kaga baxday codka nin Baashe la odhan jiray ayaan u malaynayaa.

Xusuus daal iyo duug badanba mudatay ayaan taagga idiin dudduucayaa bal in ay doobiga wax idiin ku soo dhacaan si aad u durduurataan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *