Xuska 14-guurada Aabbihii Miyuusigga Soomaaliyeed Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)

Qormadan aan ku xusayo 14-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe,

Waatan qormadii oo dhamaystirani:-

Xuska 14-guurada Aabbihii Miyuusigga Soomaaliyeed

Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)

(1924kii – 1997kii)

“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,

Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,

Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,

Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,

Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,

Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,”

Ibraahin Sh. Saleebaan (Gadhle) Jabuuti.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale , www.dharaaro.com

Arar

Waa qormo qormadeed……Waa qalin iyo xil-qaadkii……..Waa dawaad aan qallalin…..Waa qoolashii fanka oo qayoodkii doc kastaba u jiidhay…..Waa qunbe malab ah oo buuxa…..Waa ereyo aan meel la og yahay ka soo jaray oo muquuno ah….Waa mahadho aan damin….Waa milgo iyo maamuus….Waa mullaax aan ku marriimayo miyuusig iyo midho, dhaxalka aan duugoobayn ee uu ka tegay Cabdillaahi Qarshe, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Qormadan aan ku xusayo 14-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, waa warqad (Paper) aan ka akhriyay Jaamicad ku taal Finland oo la yidhaahdo Abo Turku University, 1998kii. Warqaddaas oo ku qornayd afka Ingiriisiga waxa lagu soo daabacay Buuggii Shirweynahaas ka soo baxay, Shirweynahaas oo la odhan jiray “Somali Studies Congress.” Baadi-soocda Buugga Qormadan xanbaarsani waa: “The Life, Music and Literary compositions of Abdillahi Qarshe (1924-1997), in Variations on the theme of Somaliness, Centre for Continuing Education, Turku, Finland, 2001,”

Maa daama ay maanta ka soo wareegtay afar iyo toban sannadood maalintii Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, waxaan ka wadi waayay in aan maqaalkaa idiin soo tarjumo aniga oo si weyn u nakhtiimay oo wax badan ka saxay isla markaana ku daray ama ku ladhayba. Iirka ama asalka qormadani af-soomaali ayuu ahaa. Cabdillaahi Qarshe Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waxaan xusayaa waa dhaxalkii faneed ee uu inooga tegay ee midho, miyuusig iyo codadba lahaa oo aan cid la ag dhigaa Soomaali ku jirin, keli iyo horseedbana ka ahaa; waana tan ta qiimaha u yeelaysaa Cabdillaahi Qarshe. Waa ninka xaraartaa butaystay ee aanay cidina ku haysanin ee looga danbeeyo ee weliba durbaankana loogu tumo. Haddii Eebbe idmo waxaanu ku ladhi doonnaa Qormadan xusuusta ah filim dokumentari ah oo gaaban oo ka hadlaya noloshii iyo curintii Qarshe oo TV-yada ka daawan doontaan.

Hordhac:

28kii Oktoobar 1997kii, waxay ahayd maalin dhiillo xanbaarsanayd oo aad ugu cuslayd, naxdin aan la qiyaasi karinna ku lahayd shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Horumarka is-gaadhsiineed ee dunidu ku tallaabsatay ayaa markiiba la duulay warkii ahaa in Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe ku geeriyooday magaalada London. Horaa Soomaalidu ugu maah-maahday: “War xumi dugsi ma fadhiisto.”

Warkaa dhiillada xanbaarsanaa “Internet-ka”, Fax-yada iyo qalabyada kale ee casriga ah ayaa ka adeegay tebintiisa. Idaacadaha iyo qalabka kale ee war-baahinta ayaa afaf badan ku sheegay. Markii qaarad iyo dalba la dhaafay ayaa warka culayskiisii iyo naxdintisiiba la hayn waayay oo guri ilaa guri la isu tebiyay. Qof ilaa qof ayaa dheg iyo dhab ba la isu saaray.

In kasta oo loo dhashay oo ay qaddar Eebbe tahay, haddana waxa dhacday geeri naxdin leh oo mahadho reebtay. Iftiinkii fankaa bakhtiyay, waxa dhintay: mulaxinkii, halabuurkii, muusigyahankii, heesaagii, aabbihii iyo calan-sidihii daah-furay muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Waxa meel fog iyo reero muskood ku geeriyooday bud-dhigihii masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tisqaaday, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo ku caan-baxay Cabdillaahi Qarshe; naxariistii janno Alle ha siiyo e’. Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku geeriyooday magaalada London oo uu ku noolaa dhowrkii sannadood ee geeridiisa ka horreeyay. Dhanbaalladii tacsidaa is-weydaartay, waxa soo rogamaday oo karkaarrada soo jabsaday mowjado heeso iyo maansooyin baroor-diiq ah oo gudaha iyo dibaddaba laga tiriyay. Af Soomaali iska daaye xataa maansooyin carabiya ayaa loogu baroor-diiqay. Xuseen Jaamac Rooble “Xaaji Gujis” oo ka mid ahaa halabuurkii heesahaa ballaysimay, tix uu tiriyay waxa xuddun u ahaa:

“Hadda qof iyo dhowr iyo,

Qoys iyo kamuu tegin,

Qolo waxaad tidhaahdo e’,

Annagoo quruunuu,

Qormaduu fadhiyi jiray,

Qarshi nagu banneeyee,”

Cali Xasan Aadan oo loo yaqaanno Cali Banfas oo ay Cabdillaahi Qarshe saaxiib iyo fan-wadaagba ahaayeen is-na baroor-diiqdiisa wuxu ku bilaabay:

“Fanku erey hadduu yahay,

Isir uu hiddaystoo,

Summad lagu arooriyo,

Aqal uu u hoydiyo,

Abtirsiimo loo qoro,

Carro-edeg abwaankii,

Udubkiisa taagee,

Adduunyada dhammaanteed,

Laga wada ogsoonaa,

Iilkiisa geerida,

Alle ha u siraadee,

Maanta aaska lagu noqoy,

‘Waa ayaanba ayaan,

Nin aroosanayaa,

Ninna iil gelayaa,

Dhakhso looga idlaa,’”

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo ay Qarshe isku dheeraayeen suugaan-wadaagna ahaayeen ayaa is-na warku magaalada Jabuuti ku gaadhay. Isaga oo ka adkaysan kari waayay geerida naxdinta leh ee ku timid qodkii ugu wenaa ee fanka Soomaaliyeed, wuxu is-na halkaa ka soo dawiyay gabay baroor-diiq ah oo halkudheggiisu ahaa:

“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,

Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,

Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,

Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,

Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,

Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,

Saxarrada ayaa nooga guri, sawdka iyo luuqda,

Toloow yaa sarbeebtiyo midhii, siigo ka ilaalin,

So’da laga cabbaayuu ahaa, seben-abaareede,

Allahayow muxuu silic u maray, guusha sahankeeda,”

Iyada oo aan la igu aqoon madasha suugaanta iyo curinteedaba, haddana waxaad ku dhex jirto debnahaaga iyo afkaaguba kama adkaystaan e’, aniguna intaa waxaan ku darsaday hees gaabnayd oo baroor-diiq ahayd oo dhowr beyd ka koobnayd oo beyd ka mid ahi ahaa:

“Muusigga cidaad iyo,

Culay kii u haystee,

Car-tirkana yiqiinow,

Caku weey! Qarshow,

Cabdillaahiyow!”

Axmed Yuusuf Ducaale oo is-na warkaa dhiillada lihi ku gaadhay magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa quudhiisu hees baroor-diiq ah oo Carabiya halkaa ka soo diray. Haddii ay ii suurtowdo dabayaaqada qormadan ayaan idiin ku soo qori doonaa haddii Eebbe idmo.

3dii Noofambar 1997kii oo maalin Isniin ah ahayd oo Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa ayay BBC-du oo markaa aan ahayn sidan ay immika tahay bal se ka fiican oo ka niyad wanaagsani, ka diyaarisay barnaamaj u gaar ah taariikhdii iyo wax-tarkii Cabdillaahi Qarshe. Barnaamajyadan oo ku duubnaa cajalad kuwan Rikoodhka ah waxaan ka ammaanaystay Abiib Iimaan oo Idaacadda iyo Telefishanka Qarankaba ka hawl gala. Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo. Tobankaa sannadoodba wuu u mitidayay.

Maxay haddaba maalintaa 3dii Noofambar 1997kii dadkii yaqaannay ka yidhaahdeen Cabdillaahi Qarshe:

1. Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille:

Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’ Yuusuf Xaaji Aadan wuxu ka mid ahaa hanaddadii u kacay dalkan iyo dadkanba. Dagaal ba’an oo saddex dhudood ah ayuu safka hore kaga jiray oo kala ahaa: halgan tacliimeed, mid gobannimo-doon iyo mid suugaaneed oo wuxu ka mid ahaa bud-dhigayaashii Masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tis-qaaday Kontonnadii Qarnigii hore. Haddaba muxu yidhi Yuusuf Xaaji Aadan markii uu Cabdillaahi Qarshe ka hadlayay:

“Wuxu ahaa nin fannaan ah oo weyn. Fannaaniintu waa in ay laba mid uun ahaataa:

Nin isagu dedaala oo fanka raadiya oo isagu dedaalkiisaa wax ku keena, Iyo nin fanku sida shinnidu dhirta u dhex gasho uu fanku sidaa isaga u dhex galo oo noloshiisaba uu ka mid noqdo,

Cabdillaahi Qarshe labada kan danbe ayuu ahaa. Marka hore waa in uu qofku midhaha heesta allifaa oo tiriyaa. Midhuhu marka la tiriyo waxay u baahdaan in la codeeyo, waxan aynu afka carabiga ku nidhaahno ‘Laxanka’ ayay u baahataa heestu. Ta saddexaad waxay tahay in uu tumo oo uu miyuusig aaladdu waxay doontaba ha ahaatee ku tumo. Ta afraadna waa in uu ku heeso. Heestu marka la tiriyo afartaa qof ayay u baahan jirtay, Cabdillaahi Qarshena isaga ayaa keligii afartaa qofba isku ahaan jiray. Wuxu ahaa nin afartaaba kulmiya. Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa nin waddaniya oo weyn oo halgankii gobannimo-doonka markii aynu ku jirnay hubkii lagu dagaallamay ka ugu weyn ayuu ahaa. Laba halgan baa berigaa is-barbar socdaye, wuxu ahaa raggii ololihii tacliimeed taageeri jiray oo had iyo goor dadka ku boorrin jiray kuna dhiirri-gelin jiray. Heesihiisa guubaabada tacliinta waxa ka mid ahayd: ‘Ogaada ogaada, Dugsiyada ogaada.’ Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo Cabdillaahi Qarshe.”

Afku kuma go’o. Si qurux badan ayuu Yuusuf Xaaji Aadan u raseeyay intii xirfadood ee Cabdillaahi Qarshe ku duugnayd. Waxa intaa u dheereyd oo uu qayrkiiba kaga tegay isaga oo xagga masraxana soo-saare (Producer) ka ahaa oo Riwaayadihii ugu horreeyay oo dhan isagu masraxa saaray. Waxa kale oo intaa u dheereyd xirfaddii abaabul iyo agaasin ee uu ku hoggaamin jirayKooxdii Faneed ee dadka Soomaaliyeed ugu horraysay ee Walaalo-Hargeysa.

Marka aynu racno xirfadahan Yuusuf Xaaji Aadan tiriyay ee Cabdillaahi Qarshe qof ahaan kelidii ku duugnaa, waxaynaan hilmaamayn inti la midka ahayd ee taariikhda fanka inagu soo martay ee ay ka midka ahaayeen: Cumar Dhuulle Cali, Xuseen Jaamac rooble oo Xaaji Gujis loo yaqaannay iyo Maxamed Mooge Liibaan oo is-na afartaa Yuusuf sheegay Jilaannimadu u dheereyd. Ciise Warsame iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo wada koobi karayn.

2. Maxamed Saleebaan Tubeec:

Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka mid ah foolaadka heesaaga Soomaaliyeed ayaa is-na mar uu Cabdillaahi Qarshe ka hadlayay BBC-da galabtaa la aasay ka yidhi:

“1957kii ayaanu is-barannay Cabdillaahi Qarshe oo joogay Hargeysa oo aan ka bilaabay shaqada. Cabdillaahi Qarshe wuxu fanka Soomaaliyeed ku soo kordhiyay horto wax la soo koobi karayo ma aha oo aan anigu maanta dhammayn karayo; in la isugu tago mooyaane. Cabdillaahi Qarshe waa ninka soo saaray ee abuuray heesaha lagu raaxaysto ee Qaraamiga. Waa ninkii ugu wax-soo-saarka badnaa heesaha Qaraamiga ah ee Soomaalidu ama fannaaniintu rag iyo dumarba qaadaan. Marka Qaraamigaa la xisaabiyo lix ama toddoba mooyaane inta kale isaga ayaa iska lahaa.

Waxaan ku xusuusanayaa Cabdillaahi heesihiisaa Qaraamiga ah ee uu soo saaray oo inta badan aan anigu qaadi jiray. Cabdillaahi Qarshe qof keliya ma ahayne dhowr qof buu ahaa. Intaa waxaan ku darayaa Ilaahay ha u naxariisto Cabdillaahi, dadkii uu ka tegay iyo Soomaali oo dhanna Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo. Haddii aan maanta dawlad ahaan lahaa oo calan ii taagnaan lahaa Maxamed Saleebaan ahaan, calankayga waan naaqusi lahaa mudnaanta uu Cabdillaahi igu leeyahay awgeed.”

Caalim kuma ihi Heellooyinka Qaraamiga, bal se cilmi-baadhis aan ku sameeyay aniga oo isku deyay bal marka hore in aan diiwaan-geliyo heellooyinkaa waxaan ku guulaystay in aan helo ilaa 45 heello oo kuwii Qaraamka ah. Waxa kale oo aan diiwaan-gelinayay cidda alxaanta lahayd maa daama heellooyinka marna qof tirin jiray marna la wadaagi jiray oo ay qalin-daraale iska ahaayee aniga oo ku kalsoon in Ismaaciil Axmed (Cagaf) ta’liiftooda ugu badsaday. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Ismaaciil Cagaf mar aan dhex qaaday dhaxalkii qornaa ee uu ka tegay ayaa waxaan ka dhex helay ilaa shan iyo toban heello oo aan aniga ii diiwaan-gashanayn. Labadaa markaan isku daro Qaraamka immika diiwaanka aan ku hayaa waa ilaa lixdan. Waxaan aamminsanahay in ilaa toban kale oo meelahaa ku liqaansanna la soo heli karayo.

Aan u soo noqdo tibaaxda Maxamed Saleebaan ee ah lix ama toddoba mooyaane codadka Qaraamka Cabdillaahi Qarshe ayaa iska leh. Waxaan aamminsanahay in Maxamed Saleebaan ay runtii tahay. Maanta halkan Qaraamkii oo dhan kuma soo wada tixi karayo bal se toddobadaa uu sheegay ayaan rumaysanahay in ay ahaayeen: Raaxeeye oo Halac lahaa, Madiix iyo La-yaab oo Gu’-roon-jire lahaa, Kaar iyo Murug oo Saxardiid leeyahay, Rifdoor oo Xudeydi leeyahay iyo mid uu lahaa Maxamed Cali Nahaari. Waa sida ay ila tahay in la I saxona xabka, oo hilmaan hadal kuma jiro.

3. Ciise warsame:

Ciise Warsame oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee xaraarta butaysatay ee dhinac walba fanka u rida maa daama uu mowhibado faro badan isku darsaday, ayaa isaguna wax ka yidhi Cabdillaahi Qarshe. Ciise Warsame waa halabuur riwaayado, maansooyin iyo heesaba leh. Waa jilaa. Waa Heesaa weliba ka mid ahaa calan-sidayaashii lixdannadii iyo toddobaatannadii. Waa miyuusig-yahan Kamankiisa tunta. Waa laxan-dhaadhi curiya codadka.

Ciise Warsame isaga oo London markaa joogay, heestan baroor-diiqda ah oo uu tiriyay codkana saaray ayuu isaga oo tumanaya kamankiisii ka qaaday BBC-da galabtaa Cabdillaahi Qarshe la aasayay:

“Haddaan nolosha aadmiga,

Ninna laga horreysiin,

Naxash laguma qaadeen,

Nasteexii Islaamkoo,

Nebigii Ilaahay,

Ka sameeyay nuurkaan,

Nabarka looga tudhi laa,

Dhibta looga nixi laa,

Naaraha Cadaabtiyo,

Nacaybkeeda aakhiro,

Allahayow ka nabad-geli,”

4. Seynab Xaaji Cali (Baxsan

Seynab Xaaji Cali oo ku caan-baxday Baxsan oo heesaaga Soomaaliyeed kuwa ugu magaca dheer oo gude iyo dibadba laga yaqaan, waxay BBC-du wareysatay iyada oo joogtay markaa magaalada Muqdisho, waxaanay tidhi:

“Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo. Tacsidiisii anigu waan diray. ‘Qulu-walle’, Alla-bari iyo Tawxiid ayaan ku dhammeeyay. Ilaahay ha u aqbalo oo naxariistii Janno ha siiyo. Cabdillaahi Qarshe waxaan marka hore ka tacsiyadaynayaa qoyskiisii. Marka xigtana fannaaniinta Soomaalida oo dhan baan tacsi uga dirayaa. Marka xigta ummadda Soomaaliyeed, inta Soomaalinnimada jecel ee calankoodii jeclayd burburay iyo inta beni-aadnimada jecel ayaan ka tacsiaydaynayaa. Naxariistii jannona Ilaahay ha siiyo oo waan ku cel-celinayaa. Cabdillaahi Qarshe wax badan, badan, badan ayaan la fadhiistay. Weligayna waan jeclaa, intii aanan dalka iman ee aan Itoobiya jiray ayaan jeclaa oo heesihiisa dhegaysan jiray. Ingiriiskii markuu Mandheera ku xidhay heesihii waddaniga ahaa ee uu ka tiriyay ayaan aad u xusuusanahay. Cabdillaahi Qarshe intaan la sheekaystay ayaan ku idhi horto miyaanad heeso caashaq ah adigu lahayn oo aanad weligaa iyo allahaa wax caashiqin. Cabdillaahi Qarshe wuxu iigu jawaabay oo igu yidhi annaga oo maalintaa Burco joognay: ‘Waan caashaqsanahay aniguyoo,’ inaantooy oo uu halhays u lahaa isaga oo leh, ‘Anigu waxaan caashaqsanahay dadka, dalka iyo calanka.’ Waxay ahayd 1963kii annaga oo Burco wada joogna. Haddii maanta Soomaali urursan oo dhisan oo mid keliya ah oo calan u taagan yahay haddii ay jirto calanka Soomaalida hoos baa loogu dhigi lahaa. Cabdillaahi Qarshe qof aan ku metelo weli maan arag.”

Halkaa markii ay maraysay ayay Xaaji Seynab tog ilmo ah soo rogaysaa oo iyada oo hiqlaynaysa odhanaysaa: “Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo. Maantana isaga oo Qaxootiya ayuu dhintay. Cabdillaahi Qarshe isaga oo Qaxootiya ayuu waddan ajnebiya ku dhintay. Naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo.”

Baxsan oohintii oo joogsan weyday ayaa hadalkii ka kala jartay. Anigii baa adkaysan waayay oo markaan ereyadan qorayay ku daray sidii waxaan la joogay maalintaa.

5. Maxamuud Ismaaciil (Xudeydi):

Maxamuud Ismaaciil oo loo yaqaan Xudeydi, waa fannaan Soomaaliyeed oo ku can-baxay garaacidda Kamanka. Waa halabuur waana mulaxin codadka sameeya, waxaana ka mid ah codadkiisa Rifdoor oo Qaraamiga ka mid ah.

Xudeydi isaga oo ka hadlaya Cabdillaahi Qarshe wuxu yidhi:

“Barashadu waa ay kala duwan tahay e’, marka hore Reer-Cadmeed ayaanu isku ahayn markii Tanzania laga keenay. Wuu iga weynaayoo isaga oo lug keliya ku booda oo kubbadda ciyaara ayaan aqaannay. Laakiin taa marka laga yimaaddo fan ahaan waxaan u bartay 1951kii annaga oo Hargeysa joognay. Fanka waan jeclaaday, waanu igala taliyay. Waxaan ku idhi aan Kamanka barto, wuxu iigu maah-maahay markaad wax baranaysay maxaa ugu horreeyay ee lagu weydiiyay, waxaanan ugu jawaabay buug iyo qalin. Kaman iyo Riishad iibso ayuu igu yidhi. Markaasaad baran karaysaa, waayo ‘Lesson’-kii lagu siiyay cashar ahaan baad uga soo baxaysaa oo guriga ayaad ku soo hagaajinaysaa. Barashadayadu halkaas ayay ka soo bilaabantay.”

Cabdillaahi Qarshe, marka uu Xudeydi sidaa ku waaninayo wuxu ogsoonaa wixii xanaf iyo xanuun ka soo maray barashadii kamanka oo uu marti uga ahaa nimankii carbeed iyo nimankii Hindida ahaa ee markaa qalabka miyuusigga gacanta ku hayay.

Bal hadda aan ku noqonno gaaxdii aqooneed ee Xudeydi:

“Waxtar boqol sano iyo ilaa in ka badan soo hadaafi lahaa oo lagu lug-gu’I lahaa ayuu soo koobay oo maanta marka loo ‘compare’-gareeyo fankeenna da’diisa iyo marka lagu miisaamo funuunta aan la tartamayno, keenna ayaa wanaagsan, waxaanu ku wanaagsan yahay dee waa konton jir keennu haddana waxaanu la tiigsannaa kuwii boqollaalka sannadood jiray. Sidaa aawadeed abaabulka bilowga ninka noo jilciyay waxa kan in ay suuro-geli karto waa Cabdillaahi Qarshe. Soomaalidu kollayba qofka dhinta, ammaan ha lahaado ama yaanu lahaanne, ammaantiisa ayay u bataan. Laakiin anigu runtaan ka sheegayaa isaga. Ilaahay ha u naxariisto e’ horto wuxu ahaa dadka aad xanta u neceb. Qof haddii ay is-dilaan oo aad ku tidhaahdo hebel wuu xumaa, aniga maxaa iigu jira yeelkadiisa…anuu waxaa ma rabo ayuu caado u lahaa oo adiga ayuu kugu xanaaqayaa.Ta labaad nin waddaniyana wuu ahaayoo maanta Soomaali loo sheegi maayo in uu waddani ahaa. Dadkuna ma kala xigin ilaa maalintaa maanta ah ee loo kala fadhiistay bah-bahda iyo odey-odeyga, isagu ma lahayn. Markaa Cabdillaahi waa ‘Monument’, waa Taallo…waa xusuus. Ilaahay ha u naxariisto e’ qof waa uu ka badan yahay.”

6. Cabdille Raage Daraawil:

Cabdille Raage Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, wuxu ahaa halabuur Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi. Wuxu ahaa jilaa ku soo caan-baxay Riwaayaddii Shabeel Naagood ee lixadannadii ee Xasan Sheekh Muumin. Beryihii Taliskii Siyaad Barrel ala dagaallamayay maansooyinkiisii caanka noqday waxa ka mid ahaa: “Duqa ha loo sheego.” Cabdille Raage markii ay BBC-du wax ka weydiisay Cabdillaahi Qarshe wuxu ku jawaabay:

“Cabdillaahi wuxu ahaa waddani aan is-tus-tus is-yeel-yeel ahayn oo lagu tilmaami karo Timacadde oo kale, gabyaa ayaanu ahayne, labadiiba Alla ha u naxariisto e’. Waxa la yidhaahdaa: ‘Nin rooni ma raago’, waxaanu leenahay Jannadii Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo. Ummaddii uu halganka la soo galay ama uu u soo galayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo. Meeshiisii oo kaleeto qof cusubi ummadda wuu ku jiraaye Alla ha naga siiyo ayaan leeyahay walaalkay. Lama soo koobi karo jacaylka uu fannaaniinta u qabay. Markii aanu Nayjeeriya aadnay oo dadku nooga soo baabi’I jiray, markii la yidhi igaarkaagii (inankaagii) ayaa dhintay, wuxu yidhi Cabdille Raage ma nool yahay. Markaa meel gooniya oo aniga iga go’day ayaa jirta, waxaan se ku samrayaa in naf waliba mowdka dhan-dhamin doonto. Waa wax anigana igu soo socda, taas ayaanan ku samrayaa gooni ahaan ayaanan u agoontoobay.”

 

Xuska 14-guurada Aabbihii Miyuusigga Soomaaliyeed Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe) – (Singub)

Singub oo ku caan-baxay curinta heesaha iyo riwaayadaha kana tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi ayaa is-na BBC-da wareysi ka siiyay siduu u yaqaannay Cabdillaahi Qarshe isaga oo ka soo hadlayay Toronto, waxaanu yidhi:

“Geerida Cabdillaahi Qarshe dhibaato badan ayay ku soo kordhisay ummadda. Cabdillaahi Qarshe mooyaane ma fan kalaa jiray? Waa wax uu isagu ababiyay, aasaasay ama waddada u jeexay. Nin kastaaba ha hadlee Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa rukun adag oo aad qaali u ah. Wuxu ahaa nin qabyaalad yar oo Soomaalinnimada jecel. Cabdillaahi Qarshe haddaan sii wado waan ku qiiroonayaa. Waxaan se aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa sharafta uu ku dhintay Ilaahay ha u naxariisto e’. Waayo qof baa wuxu ku dhintaa sharaf-darro iyo taariikh-xumo. Cabdillaahi Qarshe wuxu ku dhintay taariikh wanaagsan. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo carruurtiisana Soomaali oo dhan baa xil ka saran yahay. Wuxu ahaa ninkii Heesaha waddaniga ah ku heesi jiray ee odhan jiray: ‘Wiiloy waalidkaa ku waaninayee’, iyo ‘Xiddig yahay caddi waad na ciidamisee.’ Waad I ogaan-weydiinaysaane waad og tihiin wuxu Cabdillaahi arshe yahay ama qabtayba.”

8. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye):

Gaarriye oo aad wada garanaysaan oo maansayahan Soomaaliyeed ihi, markii Cabdillaahi Qarshe laga wareysanayay wuxu ku bilaabay:

“Maansadan la yidhaahdo ‘Af-kala-qaad’ saddex qof baan ku hal-qabsaday oo kala ah: Cabdi-sinimoo, Qadiija Balwo iyo Ciise Warsame, maansadan oo aan ugu talo-galay geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdillaahi Qarshe, waxaanay ku bilaabmaysaa:

Alleylehe qod baa dhacay,

Alleylehe qar baa dumay,

Qiiq baa ka kacay Bari,

Qab-qablaa u baxay Bogox,

Maantana qasaaraha,

Cabdi iyo Qadiijaa,

Qaban waayay luxudkii,

Qoodhay iyo xeraday,

Qaflad baa inagu timid,

Waxa dhacay Af-kala-qaad,

Qaran baa goblamay shalay,”

Hadduu sidaa maansadan baroor-diiqda ah ku ballaysimay Gaarriye, wuxu ku soo af-jaray:

“Qacda yeedhay waa nabar,

Geed baa ku qolof dhacay,

Damal baa qarqoorsamay,

Jirrid ay ku qoran tahay,

Ma qallalo Gu’ iyo Deyr,

Ma qalloocdo abidkay,

Weligay ma Qaran-jabo,

Waayaha I qiimaa,

Qudha igama gooyaan,

Markay laani qaadhaba,

Mid kalaan qotomiyaa,

Nin quustaana ima geyo,”

Intaa waxa ku dhan wareysiyadii BBC-da ee maalintii Cabdillaahi Qarshe la aasayay oo ahayd 3/11/1997kii oo maalin Isniineed ahayd. Marka hore aniga oo afkiinna ku hadlaya aan mahad aan duugoobin u celiyo Cabdisalaan Hereri oo si dareen iyo kalgacalba cokan barnaamajkaa u daaddahaynayay. Hadduu maalintaa joogay oo codkiisa dareenka leh ka soo dawinayay BBC dadka u dhexeysay, maanta Atlaantigga docdiisa kale ayuu joogaa bal in uu mar kale inagu habo codkiisii dooca iyo dareenkaba lahaa. Min BBC ilaa VOA. Mar labaadka aan mahad kale u naqo Abiib Iimaan oo cajaladdan ku faro-adaygay.

Ayaan-darradu se waxay tahay in aan ilaa maanta keydka Qaranka lagu hayn cajaladdii rasmiga ahayd ee laga duubay aaskaa Cabdillaahi Qarshe oo ka mid ahaa gelbisyadii taariikhiga ahaa ee dalkan iyo dadkanba soo maray kuwii ugu mudnaa. Berigaa ma jirin SLNTV oo beryo danbe ayaa la sameeyay, laakiin ciddii duubistaa u xil-saarnayd waxa laga sugayaa in ay cajaladdaa u soo xereeyaan Qaranka oo weliba si dhakhso ah tallaabadaa u qaadaan.

Raadcadii iigu dheereyd ayay ahayd oo ilaa maalintaa Qarshe la aasay cajaladdaa Video-ga ah waan daba-socday hawl badanina waa ay iga gaadhay. Nin Ibraahin Madoobe la yidhaa oo aan mas’uuliyaddeeda toos u lahayn ayaa ii sheegay meel ay taallo. Ilaa maalintii Cabdillaahi Qarshe la aasay ilaa maalinkaa maanta ah marka aan arkaba waan ku qaannabaa. Cali Asad baa la iigu sheegay. Maalmahan aan xuska u diyaar-garoobayay ayaan ugu danbayntii Cali Asadna la hadlay, bal se wuxu ii sheegay in aanu cajaladdaa ka war hayn. Cajaladdaasi cid haysaba waa qaan Qaran oo ku maqan. Si dhakhso ah keydka cajaladaha ee Qaranka cajaladdaa ha loogu soo daro.

Bal si aynu uga soo kabanno cajaladdaa aan yaboohinnoba oo nidhaahno: “Waar yaa baadidii bariday oo baadida cajaladaha sheega…. Cajalad ayay ahayd….VHS bay ahayd…..Summaddeedu Qarshe-Qaran bay ahayd…..Gelbiskii Cabdillaahi Qarshaa ku duubnaa….galab Isniineed ayay xer-ka-weydaaratay……Dooxadan Herer bay ahayd…..Sannadkii Aas-weyne ayay ahayd.” Marka la soo helana, ninka ama gabadha soo hesha aynu ku nidhaahno maalintaa: “Baadidaa bariday.” Malaha waan ku yar dheeraadaye aan halkaa kaga hadho yaboohda dhaxalkaa Qaran iyo baadi-goobka keydkaa dal iyo dadba ka maqan.

Maanta waxaynu xusaynaa 10-Guuradii maalintii Qarshe la aasay. Sannadkani waa 50-Guuradii BBC-da. Waa 60-Guuradii markii uu Cabdillaahi Qarshe codkiisii ugu horreeyay sameeyay. Waa 50-Guuradii sannadkii uu sameeyay codkan Socodka Arraweelo. Waa 66-Guradii markii uu hawada galay Radio Hargeysa. Waa 63-Guuradii markii Cabdi-sinimoo Balwada curiyay. Waa 60-Guuradii Heellooyinkii Qaraamka. Waa ilaa 51-Guuraadii Masraxa Hereriga ah. Bal inta munaasabadood iyo inta aan ka tegay ee aynu xusi karno ka warrama. Ma hodannimo iyo tanaad suugaaneed ba inoo dhiman.

Si aynu u soo xidhno suugaantii lagu gelbiyay Cabdillaahi Qarshe, bal aan soo qaato Heesta ugu danbaysa oo ah tii qabrigiisa laga dul qaaday oo uu curiyay Xasan Xaaji Cabdillaahi Ganey. Waa mar labaadkii taariikhda Soomaaliyeed fannaan hoyday lagu sagootiyay Hees. Marka hore waxay ahayd 2dii Jeeniweri 1962kii oo Hargeysa lagu aasayay Abwaankii da’da yaraa ee 32 jirka ku dhintay ee Maxamed Ismaaciil Barkhad-cas, oo ay Cabdillaahi Qarshe iyo Kooxdii walaalo-Hargeysa ka dul qaadeen:

“Waa ayaanba ayaan,

Duni Aakhir-sabaan,

Nin aroosanayaa,

Ninna aaska tegayaa,”

Ha idiin suntanaato maalintaa 2da Jeeniweri oo xusuuso badan lihi. Ma wada tixi karayo oo cilmi-baadhistii ay mudnayd maalintani baalasha taariikhda uma rogine: Dhimashadii Barkhad-cas, kow dhaha, Jebintii Jeelkii Mandheera ee 2dii Jeeniweri 1983kii, laba dhaha, geeridii Guddoomiyihii ugu horreeyay ee SNM Axmed Jimcaale oo is-na Qaahira lagu aasay 2dii Jeeniweri 1992kii, miyaan dagaalladii sokeeye, goobo iyo maalmo kaleba oo mahadho reebay idiin ku daraa.

Aan ku noqdo mowduucii aynu haynay ee ahaa heestii lagu sii gelbiyay Cabdillaahi Qarshe ee Xasan Ganey curiyay. Heestan baroor-diiqda ah waxa loogu wanqalay CABDILLAAHI WAAYEEL, waxaanu yidhi Xasan Ganey:

“Wahdigii aqoontow,

Weligii samaantow,

Fanka Waalidkiisow,

Wacyi-gelinta Qarankiyo,

Weedhaha tilmaanta ah,

Wehel lagu yiqiinow,

Waddo lagu badheedhiyo,

Weji lagu xishoodaba,

Weyne kii u siiyow,

Qofna waari maayoo,

Wedna baajin maayee,

War baa adiga kaa hadhay,

Waxtarkaagii baa nool,

Wuxu waajib u lahaa,

Wanaag sii gutaad tahay,

Cabdillaahi Waayeel,

Adoo weyso qaba buu,

Kuu yimid Wafaatkuye,

Hadduu ruux wanaagsani,

Taariikhda weelka ah,

Waar dahab ah kaga yaal,

Adaa jira Waddaniyoo,

Waayo waa tan adiga kuu qoran,

Kumanyaal wadaad baa,

Wardi kuu rogaayoo,

Wadartii dadkaaguna,

Waxay kugu waddacayaan,

Waddadii xaqa ahayd,

Qabrigu waasac kuu noqoy,

Nuur walac leh kuu noqoy,

Weydiin su’aalahaa,

Weji furan ku wada garo,

Weydaaran meyside,

Xuural-caynta wacan,

Weynahay ku geeyoo,

La wadaag Rasuulkii,”

Xasan Ganeyna intaa yidhi. Ilaahay ha ka abaal mariyo dhammaantood sida wanaagsan ee ay u sii gelbiyeen geesiga hoyday, Ilaahayna Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Aammiinta igu dara oo dhaha ha samaatoo ha la helo. Aamiin. Mahadna Eebbeha naxariista badan ayaa iska leh.

Intaa waxaan ku sii darayaa oo weliba hoosta ka sii xarriiqayaa in Cali Xasan Aadan oo Cali-Banfas loo yaqaannaa laba heesood oo baroor-diiq ah isu raaciyay Cabdillaahi Qarshe, iyaga oo dhanna goob iyo goor kale ayaynu ku kulmi doonnaa haddii Eebbe idmo. Lammaanahan oo keliya ma aha e’ heesaha oo dhanba.

Marka BBC-da oo keliya la eego, muusigga furitaanka oo loogu wanqalay “Socodkii Arraweelo”, wuxu ka mid yahay curintii iyo garaaciddii Cabdillaahi Qarshe. Barnaamajka af Soomaaliga oo keliya kuma koobnayne xataa barnaamajyadii Carabiga ahaa ee BBC-da ayaa lagu baahiyay geerida ku timid ‘Muusiqaarkii’ weynaa ee Cabdillaahi Qarshe.

Markii la wada maqlay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Qarshe oo aad looga tiiraanyooday, waxa Hargeysa ka bilaabmay qabanqaabadii aaskiisa oo Xukuumadda Somaliland u magacawday Guddi Wasiirro ah iyada oo isla markaana la go’aamiyay in loo sameeyo jinaasad iyo aas heer Qaran ah. Waxa kale oo la go’aamiyay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland la sameeyo xabaalo Qaran oo lagu aaso dadka mutaysta oo Cabdillaahi Qarshe noqday qofkii ugu horreeyay ee ballaysimay xabaalahaa Qaranka.

Waxa xus gaar ah mudan in meesha xabaalaha Qaranka laga dhigay ay hore u ahaan jirtay meel loo yaqaannay “Gooli-baadhka” oo beryihii gumeysigii Ingiriisku dalka haystay ciidammadiisu ku dhoog baran jireen. Xilligii nidaamkii Siyaad Barre goobtaa waxa loo bixiyay “Badhka” waxaana lagu togan jiray dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Laga bilaabo maalintaa Cabdillaahi Qarshe lagu aasay ayaa goobtaa loo aqoonsaday xabaalaha Qaranka dadkii halkaa hore loogu toogtayna waxa loo aqoonsaday dad shuhada ah sidii uu ku sheegay Khudbaddiisii uu jinaasadda ka akhriyay Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyada oo la moodayay in meydka Cabdillaahi Qarshe la keenayo subaxnimada, Hargeysa oo aan loo kala hadhin ayaa lagu waa-bariisatay madaarka. Shicib iyo dawlad looma kala hadhin. Xataa waxa marayay Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Nasiib-darro dayuuraddii ayaa daahday in kasta oo dadka intiisii badnayd aanay dib magaaladii ugu noqon ee ay halkaa ku sugayeen si ay u sii gelbiyaan shakhsiyad qaddarin iyo qiimaynba loo hayay oo halgannadii is-daba jog qayb libaax kasoo qaatay.

Wixii ku-talo-gal iyo tabaabushe ahaa ee loo sameynayay aaska Cabdillaahi Qarshe markii la dhammeeyay, ayaa la amray in meydkiisii laga soo qaado London si loogu aaso Hargeysa. 3dii Noofambar 1997kii goor ay saacaddu ku beegnayd 1.30kii gelinkii danbe ayay dayuuraddii meydka Cabdillaahi Qarshe sidday soo fadhiisatay gegeda dayuuradaha ee Hargeysa halkaas oo ay ku sugayeen: Xaaskiisii iyo carruurtiisii, Golayaashii Qaranku, qaybihii

Meydkii Qarshe oo calankii

Lagu hagoogay

kala duwanaa ee bulshadu iyo dadweyne aad u faro badani.

Sanduuqii meydka Cabdillaahi ku jiray ayaa laga soo dejiyay dayuuraddii. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland inta lagu hagoogay ayaa la saaray baabuur “dhooli” ah oo loogu talo-galay. Waxa loo dhaqaajiyay xaggii xabaalaha iyada oo la gelbinayo. Geeri arooskeed. Ma gelbis buu ahaa. Haddii aanan gefayn kii Cigaal uun buu laba ku ahaa. Goobta Cabdillaahi Qarshe lagu aasayay waxa ku sii diyaar ahaa: Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somliland, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, xubno badan oo ka socday Golayaasha Qaranka, Kooxihii fanka, ciidankiimuusigga, cutub ka tirsanaa ciidammada qalabka sida oo salaan-sharafeed goobta ku bixinayay iyo dadweyne aan tiradooda la koobi karin.

Halkii ayaa si qiime iyo qaddarinba leh Cabdillaahi Qarshe loogu aasay iyada oo

loo sii tumay muusiggii Qaranka astaanta u ahaa, cutubkii ciidammaduna ay salaan sharaf ku sii sagootiyeen. Markii labaad tariikhda shacbiga Soomaaliyeed, waxa kale oo Cabdillaahi Qarshe luxudka lagu dhigay hees baroor-diiq ahayd oo ay fannaaniintu si qiiro iyo oohinba leh ugu luuqaynayeen oo halkudheggedu ahaa: “Cabdillaahi Waayeel”.

Cigaal oo aaskii ka qayb-gelaya

Aaskaa Qaran ee Cabdillaahi Qarshe waxa lagu khatimay khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xaaj Ibraahin Cigaal, taas oo si faahfaahsan ugu guud-maray taariikh-nololeedkii iyo kaalinta uu ka soo qaatay halgankii gobannimo-doonka ee kontonnodaii qarnigii hore.

Haddaba kuma ayuu ahaa Cabdillaahi Qarshe?

Taariikhdii iyo Noloshii Cabdillaahi Qarshe:

Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku dhashay magaalada “Moshi” ee dalka Tanzania sannadkii

1924kii. Hooyadii waxay ahayd Dahabo Xirsi. Qarshe, waxa la odhan jiray aabbihii waxaanay Cabdillaahi wada dhasheen laba wiil iyo laba hablood. Cabdillaahi Qarshe, wuxu soo dhashay isaga oo lugta bidix naafo ka ah, noloshiisii oo dhanna wuxu ku boodi jiray qori, isaga oo markii uu weynaaday ku darsaday bakoorad uu gacanta kale ku qaato.

Cabdillaahi oo yar ayay reerkoodii ka soo wareegeen “Moshi” oo ay u soo guureen magaalada Cadan ee dalka Yaman. Waxa markaa Cadan deggenaa oo ganacsatada waaweyn ka mid ahaa walaalkii Yaasiin oo ka weynaa.

Cabdillaahi Qarshe sannadku markuu ahaa 1931kii ayuu waxbarashadiisii ka bilaabay magaalada Cadan. Cumar Bulxan Maxamuud oo ay Cabdillaahi Qarshe fanka iyo noloshaba saaxiib ku ahaayeen oo aan ku waresytay madaarka Hargeysa 3/11/97kii markaas oo aanu sugaynay meydkii Cabdillaahi oo London laga soo qaadayay ayaa ii sheegay in uu wax ka baran jiray Dugsi Tawaahi ku yaallay oo la odhan jiray MBS oo Baaderigu lahaa. Sida aan ka weriyay Cumar Bulxan, Cabdillaahi Qarshe gelinka danbe wuxu iibin jiray dukaan yar oo sharaable ahaa oo uu lahaan jiray Sheekh Siciid Meydh. Cabdillaahi silig ayuu ku xidhan jiray halkaa oo uu garaaci jiray.

Cabdillaahi Qarshe isaga oo aan Dugsigii dhammaysan ayuu Cadan ka soo guuray 1945kii oo uu Berbera yimid. Wax badan kuma raagin Berbera e’ markiiba Hargeysa ayuu u soo gudbay oo uu soo degay. Cabdillaahi Qarshe markii uu Hargeysa soo degay markiiba wuxu ka hawl-galay xafiisyadii maamulka ee Ingiriiska.

Meelihii uu Cabdillaahi ka hawl-galay waxa ka mid ahaa: Xafiiskii maamulka ee Degmada Hargeysa (DC), cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo ciidanka booliska isaga oo xilliyada qaar ku sugnaa oo ka shaqayn jiray Dugsiga Tababrka ee Mandheera. Siduu ii sheegay Cismaan Cawad Maxamuud oo Burco ku lahaan jiray hudheel laga cunteeyaa, maalintaa meydka aanu sugaynayna nala joogay gegeda dayuuradaha ee Hargeysa, 1948kii waxa ku caasi-garoobay Burco ciidan la odhan jiray “Camel Corps”. Ciidankaa waa la wada eryay, halkoodiina waxa la qoray ciidan la odhan jiray “Aaran bilays” (Armed Police). Cismaan Cawad Maxamuud, wuxu maalintaa sheekada iigu daray in uu Cabdillaahi Qarshe xarunta ciidankaa ka shaqayn jiray, halkaana uu deggenaa oo uu cuntada ugu geyn jiray.

Cabdillaahi Qarshe beryahaa ayuu ku tallaabsaday hayaankiisii dheeraa ee faneed ee qaatay muddada kontonka sannadood ahayd. Hayaan faneed oo keliya ma ahayne, waxa kale oo halkaa ka bilaabmay halgankii qadhaadhaa ee uu u adeegsaday muusigga iyo midhaha. Cabdillaahi Qarshe halgankaa uu bilaabay waxa ka soo gaadhay dhibaatooyin badan oo isugu jiray shaqada oo hadba laga eryo iyo xadhig uu galay 1949kii.

Cabdillaahi Qarshe, lixdankii ka hor ayuu markii ugu horreysay ku guursaday Hargeysa Rosy Cabdillaahi Caabbi oo u dhashay wiil keliya oo la odhan jiray Cartan. Cabdillaahi iyo Rosy iyaga oo qoys ah ayay wada deggenaan jireen Mandheera beryihii uu ka shaqayn jiray, laxawga iyo kalgacalkaa dhallinyaronnimada ku soo marayna heesihii uu muuno iyo muquunaba uga dhigay waxa ka mid ahaa:

“Aqalkay ku jirtiyo intaa u dhow,

Mandheeroo dhami waa udgoon dhaha”,

Cabdillaahi iyo Rosy iskuma ay raagin oo markiiba way kala tageen, Cartanna markii uu weynaaday wuxu bartay muusigga waxaanu ka mid noqday Hooballadii Waaberi, isaga oo tumi jiray aalad la afuufo oo afka qalaad lagu yidhaa “Trumpet”. Sannadkii 1977kii ayaa dalka Nayjeeriya lagu qabtay bandhig-faneed ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen Beelaha Madow ee dunida oo dhami. Bandhiggaas oo la odhan jiray FESTAC-77, waxa Soomaaliya uga qayb galay koox fannaaniin iyo aqoonyahanba isugu jirtay oo tiradoodu ka badnayd 150 qof oo uu ka mid ahaa Cartan Cabdillaahi Qarshe. Qayb kooxdaa Soomaaliyeed ka mid ahayd oo basas saarnayd oo ka ambo-baxday Lagos kuna socotay xarunta “Jos” ee gobolka “Plateau State” ee dalka Nayjeeriya ayaa basaskii mid ka mid ahi geed weyn oo waddada ku ag yaallay jiidhay. Dhaawac iyo dhimashaba kooxdii way yeelatay, Cartan Cabdillaahina wuxu ka mid ahaa dadkii maalintaa halkaa ku dhintay.

Cabdillaahi Qarshe, 1984kii ayuu magaalada Muqdisho ku guursaday Hibo Cali Suldaan oo u dhashay: Cawo iyo Cawil oo mataano ah iyo Wacays, kuwaas oo maanta deggan magaalada Hargeysa. Cawo waa la guursaday.

Intii ka danbeysay 1960kii, Cabdillaahi Qarshe noloshiisa intii ugu badnayd wuxu ku noolaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Sheekh Suufi oo ka danbeeyay Golihii Murtida iyo Madadaalada. 1991kii intii ka danbaysay markii uu xejin waayay dagaalladii sokeeye ee Muqdisho ka bilaabmay,

Xaaskii Qarshe Hibo, ubadkii: Cawil, Cawo iyo Wacays oo madaarka joogay maalintii meydkii aabbahood la keenayay.

Wuxu u soo guuray Hargeysa oo aanu qudheeda ku raagin ee uu uga gudbay magaalada Jabuuti. Markii uu Jabuuti wax aan laba sannadood gaadhin joogay ayuu u dhoofay dalkaa Ingiriiska, magaalada London oo uu ku dhintay 28kii Oktoobar 1997kii.

Noloshii faneed ee Cabdillaahi Qarshe:

(Curintii Muusig iyo suugaaneed)

Nolosha faneed ee Cabdillaahi Qarshe waxay ka bilaabmaysaa markii uu Cadan ka soo guuray ee uu soo degay Hargeysa. Cabdillaahi Qarshe wuxu yimid Hargeysa beryihii uu dhammaaday dagaalkii dunida ee 2aad. Isla beryahaa waxa unug ahayd Balwadii oo galbeed iyo Boorame ka tisqaadday. Calan-sidayaashii Balwadu waxay ahaayeen Cabdi Deeqsi oo loo yaqaannay Cabdi Sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loogu wanqalay kuna caan-baxday beryhii danbe Qadiijo-Balwo.

Cabdillaahi Qarshe, wuxu yimid Hargeysa isaga oo xiise iyo hammadba u hayay fanka gaar ahaanna miyuusigga. Markaa uu Hargeysa yimid Cabdillaahi ilaa heer ayuu ka gaadhay waxbarashadiisii oo aad ayay u adkayd si dalka looga helaa dad heerkiisaa gaadhsiisnaa. Waxa intaa u dheeraa waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee uu ka soo kasbaday degaannadii kala duwanaa ee uu ku soo barbaaray oo ay ku noolaayeen bulshooyin dhaqammadoodu kala duwanaayeen. Cabdillaahi Qarshe, waxa kale oo intaa u weheliyay afaf door ah oo uu degaannadaa kala duwanaa ku soo bartay, intaas oo dhammina saamayn laxaad leh ayay ku yeesheen guud ahaanba noloshiisii faneed.

Cabdillaahi, tan iyo yaraantiisii aad ayuu ugu hammiyi jiray tumista muusigga iyo heesahaba, sida laga hayo isaga iyo intii taqaannayba. Cabdillaahi Qarshe, mar lagu wareystay Telefishanka Jabuuti (RTD) 1993kii, isaga oo ariintaa ka hadlayay wuxu yidhi:

“Waxaanu lahaan jirnay hidde iyo dhaqan guun ah oo aad u gaboobay oo noocyo faro badan leh; laakiin ma aynaan lahayn miyuusig lagu tumo. Waxaa se jiray rag iga horreeyay oo damacsanaa in ay miyuusigga qabadsiiyaan. Waxa ka mid ahaa Qaraamigii – innamadii shaadhadhka gubi jiray ee dabka ku ridi jiray marna shaadhadhka jeex-jeexi jiray. Nimankaasi waxay isku deyi jireen in ay gabayga le’ekeysiiyaan heeso Hindiya, waanay u suuroobi weyday.

Markaa aniga hammadda ah in aan fanka soo dhex galo waxa igu kellifay, Cadan ayaa 1941kii lahaan jirtay Raadyow yar oo Cadan oo keliya laga dhegaysan jiray. Markii hore Idacaddaa yari afka Carabiga ayay ku hadli jirtay, marki xigayna waxa lagu daray af Soomaali iyo af Hindi. Saddexdaa qaybood oo midkiiba saacad badhkeed yahay ayay barnaamajyadu ahaayeen.

Markaa Carabtu miyuusig iyo heeso waa ay lahaayeen. Marka warku ka baxo ayaa heesaha Carabiga ah iyo Hindiga ah la saari jiray. Bal se marka warka af Soomaaligu ka baxo waxa la saari jiray gabayo oo heeso Soomaaliyeed ma jirin oo la saaraa. Markaa ardaydii aanu dugsiga ku wada jirnay meel ‘sentar’ (center) ah ayaanu ka wada dhegaysan jirnay. Ardayda Carbeed iyo kuwa Hindiga ah ayaa nagu qosli jiray oo odhan jiray: ‘Miyeydaan miyuusig lahayn.’ Markaasaan ku odhan jiray: ‘Waanu leenahaye waddankayagii ayuu jiraa.’ Markaa aniga hammaddaasaa igu kelliftay in aan fanka soo galo. Haddana ceeb ayay ahaan jirtay in qalabka miyuusigga la tumaa, sidaa darteed ayaan arrintii hoos u yar galay.”

Cabdillaahi Qarshe, isaga oo ay hammadaasi ku jirto ayuu yimid Hargeysa. Muxuu haddaba kala kulmay Hargeysa? Isaga oo arrintaa uga warramaya RTD-da Jabuutina wuxu Cabdillaahi Qarshe yidhi:

“Anigu markii aan Hargeysa imid waxaan markiiba la kulmay Balwadii oo soo baxday. Markii aan arkay habeenkii ugu horraysay iyada oo Hargeysa laga tumayo iyada oo ka soo baxday Boorame oo uu sharaf ku leeyahay, Alla ha u naxariisto e’ ninkii la odhan jiray Cabdi Sinimoo ee aan maqlay ayaan aad iyo aad ugu farxay, wixii aan soo urursaday ee jacburka ahaana waan iska tuuray; oo waxaan idhi: ‘Rag baa xilkii kaa furtay.’ Markaa waxaan ka mid noqday dadkii Dafka keliya gacanta ku garaaci jiray ee ku heesi jiray. Waxaan waayay cid wax I barta, waayo Carabta iyo Hindida ayaa wax tumi jirtay. Iyaguna waxay is-yidhaahdeen haddii aad kan Soomaaliga wax bartaan hadhow meheraddii tumistu waa ay idin ka wareegaysaa. Laakiin waxaan daba socdaba 1947kii ayaan gacanta hal cod keliya ku fadhiisiyay intii kale afka iyo Carabta oo ii tunta ayay ku ekaayeen.”

Codkii ugu horreeyay ee Cabdillaahi Qarshe sameeyo Kamankana ku tumaa wuxu ahaa hees waddaniya oo uu midhihiisa tiriyay Suudi Xaaji Aadan oo ay ka mid ahaayeen:

“Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan,

Ha maalin la leeyahay baan ahayeey,

Nin Hawd fadhiyoo harraad dilayoo,

Biyaha laga heegay baan ahayeey,

Nimaan hadalkiisu hadh-qoodaalka iyo,

Haweenkaba dhaafin bana ahayeey,

Dagaal nimuu haystoo meel halisoo,

Hubkiisu hangool yahay baan ahayeey,

Wixii ku habboon nin haybsanayoo,

Bahdii ka hor joogto baan ahayeey,”

Cabdillaahi markuu heestaa ku luqeeyay, ee la weydiiyay wixii markaa hor joogay, wuxu raaciyay:

“Waxa markaa jiray dhaqdhaqaaq ama hawo ummadda Soomaaliyeed ku jirtay oo ahayd in waddanka la kiciyo oo gobannimo-doon ahayd.”

Cabdillaahi Qarshe isaga oo guud ahaan ka hadlaya miyuusigga ama Codadka soomaaliyeed wuxu intaa ku daray:

“Waxa jira xukun. Codadka si kasta ha loo sameeyo, qofka mu’allifka ah ee sameeyana si kasta ha ka ahaato e’ waa se hadba dadku siduu ka dhigto. Codka ‘Raaxeeye’ oo kale aroortii lama tumi karo, duhurkii lama tumi karo, waxa se la tumi karaa galabtii weliba marka aad loo mirqaansan yahay ilaa habeenkii oo dhan. Wixii intaa ka horreeya dhadhan ma laha. Waa mar hawl lagu jiro codkanina waa mid lagu raaxaystaa. Aroortii waxa la tumi karaa hees-hawleed, hees waddaniya, heeso shaqada lagu tago oo ujeeddada loo ambo-baxayo ku fadhiy. ”

Barnaamajka 1993kii lagaga duubay Telefishanka Jabuuti ee RTD-da, ayaa Cabdillaahi Qarshe lagu weydiiyay Miyuusigga furitaanka ee BBC-da oo uu curintiisa lahaa, waxaanu yidhi:

“Aad baan u jeclahay in aan fikraddaa dadka gaadhsiiyo. Markii BBC-da la samaynayay 1957kii waxaan anigu ka shaqaynayay Radio Hargeysa. Waxaan ahaa ‘Broad-caster, musician’ iyo heesaa. Markaa waxay BBC-du na soo weydiisatay in aanu u soo samayno codad ay Idaacadda iyo barnaamajyada ku furaan. Markaa kolley shucuur waddaninnimana waa ay ku jirtay, markaa heestaas oo midho lahayd ayaan u geeyay. Markaa haddaan midhihii raaciyo ma ay qaateen, sidaa daraaddeed ayaan ugu bixiyay codkan ‘Socodkii Arraweelo’; heestaasina waxay ahayd:

“Dadkaan dhawaaqayaa,

Dhulkooda doonayaa,

Hadday u dhiidhiyeen,

Allahayow u dhiib,”

1957kii markaa BBC-da la furayay ee ay codadka miyuusigga soo dalbatay, laba cod ayay soo codsatay. Mid wuxu ahaa kaa Cabdillaahi Qarshe diray ee aynu ilaa maanta maqallo ee “Socodkii Arraweelo”, codka kale waxa tumay oo iska lahaa Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo e’. Wuxu ahaa cod “Baar-cadde” ah oo marka socodka Arraweelo lagu furo laga danbaysiin jiray. Mooyi in aad u fiirsateene maalin dhaweyd oo si qaab daran oo aad u arradan loogu dabbaal-degayay 50-Guuradii BBC-da ayaa codkaa iyo codkii furitaanka ee maalintii ugu horreysay ee Cabdi Ayuubba la saaray. Codkaa Gu’-roon-jire wuxu ku jiraa waxyaabaha maamulka godobaysan ee BBC-du joojiyay, iyada oo uu dirqi ku baxsaday Miyuusigga Socodka Arraweelo oo qudhiisa sidaan maqlay is-na mar la hakiyay bal se qaylo-dhaantii ka yeedhay la xejin waayay.

Bal abaal-darrida iyo xaqdhowr-xumada BBC-dan maanta daawada. Labadaa odey codadkaa ay BBC-du adeegsanaysay kontonka sannadood cawil-naqii ay mudnaayeen lagama siin markaasaa weliba ay ku cago-juglaynaysaa in ay joojinayso, midna horeba u joojisay. Hadda waa tii lagu qaannabi lahaa in ay sannad walba cawil-naqii ay mudnaayeen iyo abaal-marinba siiso dadkii curiyay ee iyada oo caddaysimo ah quruxdaa aan duugoobayn ku marriimay. Waa hawl u taalla qof kasta oo Soomaaliyeed oo dareen leh. BBC-dan aad arkaysaan mar bay iyaduba magan u ahayd Radio Hargeysa oo beryahaa loo yaqaannay laguna furi jiray: Halkani waa Hargeysa, Radio Somali. Idaacaddan yar e’ cawlani mar bay Soomaali dhegeha iyo maskaxdaba ka haysatay oo waxay sheegtona la dhegaysan jiray, waxay ku heestana laga dabo-qaadi jiray. Hargeysa, Radio Somali waxa la furay 1941kii, BBC-dana 1957kii. Qolka keydka cajaladaha ee Hargeysa 16 sannadood ayuu ka weyn yahay qolka keydka ee BBC-da ee yaan waxba la idin ku khuuhkin in ay wax idinka maqan yihiin. Wax badani dagaalladii kuma lumin. Cajaladahii Idaacadda intii badnayd waanu soo xeraynay annaga oo markaa ahayn Waaxdii Warfaafinta ee SNM xilalkayagana daryeelka dhaxalka suugaaneed ka mid ahaa. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo Qolka Keydka ee Radio Hargeysa waxa yaal maanta cajalado ka badan intii BBC-da taariikhdeeda soo gashay. Waxaan BBC-da ool ayaa yaalla. Waa keydka Soomaaliyeed ee ugu badan uguna hodansan maanta. Waa kow ee cidna laba kuma aha. BBC-da maanta ahaan wax caynkaa u sii ridani ma yaalliin, saddex sababood awgood sida laga soo xigtay looga-qaateenno xog-ogaal ah:

  1. Iyada oo keydkii cajaladaha ee u yaallay la qubay shan sannadood ka hor markii ay cajaladaha u rogteen ‘Digital-ka’; iyada oo keydkaa cajaladeed ee hodanka ah ee Soomaaliyeed loo qubay gobol baa lahaa,
  2. BBC-da oo si aan sugnayn oo ay adaga tahay sida loo raad-raacaa u suntatay waxa yar ee maanta u yaal (catalogue),
  3. BBC-da oo aan intan danbe wax keyd ah samaysan oo inta badan ku foognayd hawlo siyaasadeed iyo nac-nacdii Shir-ku-sheegyadii dibuheshiisiinta ee la meydhaamay,

Daryeel iyo hagaajin ayaa maqan, taasina innaga ayay inagu xidhan tahay. Yaan qalin-taraarin nimaan ababshay oo soo koriyayna abaal-ka-dhiciisa ku talax-tegin. Da’ yarta ayuun baan is-leeyahay dareensii dhaxalka u yaal intuu le’eg yahay iyo magac iyo maamuus waxay lahaan jireen maantana mar kale yeelan karaan. Intaa waxan ku soo dhaafayaa abaal-ka-dhaca BBC-da.

Aan ku soo xidho tuduc gabay ah oo uu lahaa Timacadde:

“Wixii dhacayba nimankaan ku waday, inaynu weydiinno,

Kol hadday u weysaysatoo, Weliyo loo haysto,

Waxba yaan waxbaynu isu nahay, la igu weyrixinin,”

Mar Cabdillaahi Qarshe la weydiiyay mahadhooyinkii uu fanka Soomaaliyeed ka soo maray, wuxu yidhi:

“…..Codkii soo baxa ee aan sameeyaba waxaan is-odhan jiray codkaa cod ka fiican oo danbe ma soo bixi doonaa oo ma samayn doontaa. Aad baan u yaabi jiray aad baanan u jeclaa. Markii ay Balwadu soo baxday waxa nagu kacay culimadii iyo odayaashii waayo dadkii ayaa fankii ku daatay gaar ahaan dhallinyaradii. Markii nalugu kacay ee nala tuur-tuuray ayaanu ka shirnay oo nidhi: ‘Waxan la inagu haystaa waa maxay’? Rag talo kama dhammaatee waxaanu isku raacnay in nalagu haysto magaca Balwo oo u taagnaa belaayo. Markaa waxaanu isku raacnay in magaca la beddelo oo waxaanu uga guurnay Heello. Markii aanu Heellada u rognay ayaanu dareennay in arrintii haddana weli sii taagan tahay oo dadkii na daba joogaan. Markaas ayaanu nidhi waxoogaa waddaninmo ah ha lagu badhxo, markaana waxa jiray dhaqdhaqaaq SNL iyo SYL. Sidaas ayaanu ku badhaxnay Heelladii. Waxa is-na barbar socday oo ahaa fan danbe oo soo baxay. Sannadkiiba iskuullada marka la xidhayo ardaydu waxay samayn jirtay Riwaayado, kuwaas oo ahaan jiray af Carabi. Markaa tallaabadii ugu horraysay waxa lagu masilay in yar oo carabiya, af Soomaali iyo Ingiriisi….”

Sidaa uu sheegay Cabdillaahi, markuu Hargeysa yimid waxa socday oo tisqaad ahaa Balwadii oo Boorame iyo galbeed ka soo curatay. Halkaas ayuu kala qabsaday oo ka bilaabay hayaankiisii dheeraa ee faneed ee uu waday ilaa maalintuu ka dhimanayay 28/10/1997kii. Waa halkan meesha uu Cabdillaahi Qarshe ku kasbanayaa abaal-marinta aan duugoobayn ee ah: Aabbaha miyuusigga Soomaaliyeed.

Cabdillaahi Qarshe miyuusigga wuxu ka bilaabay tumista dafka. Beryahaa kamanka iyo wax tumaaba way ku yaraayeen dalka. Haddii laga tegi waayo Maxamed-Siciid oo beryihii danbe ku caan-baxay “Gu’-roon-jire” ayaa ugu mudnaa magac la soo qaado oo kamanka lala xidhiidhiyo.

Markii uu Cabdillaahi Qarshe yimid Hargeysa, qalabka miyuusiggu wuu yaraa cid tumi taqaanayna iskaba daa. Dhaqan ahaan Soomaalidu ma ay lahayn qalab miyuusig oo aan ahayn durbaanka oo lagu ciyaari jiray ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Waxa ku xigay Dafka oo ka soo jeeday dhaqanka carbeed oo qaybo badan oo ka mid ahi ku milmeen fanka Soomaaliyeed. Sida aan ka soo xigtay Maxamed Xaaji Cali oo Sanyare loo yaqaan marar baa girgirayaasha tenaagta laga sameeyo la tuman jiray.

Intaa markaynu ka soo tagno waxa ku xigay: kamanka, dhex-yarta (violin) yo foodhida. Qalabkaa waxa markaa gacanta ku hayay oo tumi jiray niman Carab amaba Hindi ka soo jeeday oo ay ka mid ahaayeen: Maxamed-siciid oo loo yaqaanay “Gu’-roon-jire”, Ismaaciil Nahaari, Raaw iyo Ina Beenaale., kuwaas oo dhammaantood saamayntooda ku yeeshay guud ahaanba fanka gaar ahaanna miyuusigga Soomaaliyeed.

Markaad eegto Balwada, mowduuca ugu mudnaa ee lagu soo qaadi jiray wuxu ahaa jacaylka, markaad se u fiirsato Heelladan aynu kor ku soo sheegnay ee Cabdillaahi Qarshe ugu horreysay waxa muuqata in mowduucyo siyaasi ahi soo kordheen. Jowhariyo Luul ayaa ka mid ahayd Heellooyinka midhaha siyaasiga ah lahaa. Dhalan-rogga ku socday Heellada oo Balwadii ka timid, waxa la jaan-qaadayay baraarugga ay dadweynuhu ku baraarugayeen xornimadooda oo ay ka maroorsadaan gumeysigii Ingiriiska.

Kala-guurkan Balwada iyo Heellada oo ku xigtay, waxa ka dhashay taxane Heellooyin ah oo socday ilaa xilli ku sinnaa 1962kii oo la magac-baxay Qaraami kana yimid afka Carabiga oo jacayl la macne ah. Intii aanay Heellooyinku la wareegin magacan, Qaraamigu wuxu ahaan jiray gabay si gaar ah loogu luuqeeyo.oo dhex-yartana dhex taal looga dhigi jiray.

Haddaba, marka aynu dhuuxno Heellooyinkaa Qaraamiga, giddigood dhisme ahaan, waxay ka soo jeedaan “Dhaantada” oo ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka kuwa ugu da’da weyn. Dhaantada oo gole ciyaareed lagu ciyaari jiray ayaa markii danbe la fadhiisiyay oo ardaagii lala yimid. Halabuurkii kaalintaa ka adeegay kuwii ugu mudnaa waxa ka mid ahaa “Diiriye Baal-baal” oo horyaal ka ahaa ciyaaraha Batarka iyo Dhaantadaba. Dhaantadu waxay la bah tahay Wiglada iyo Hirwada oo intuba ciyaaro hidde iyo dhaqan ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *