War-murtiyeed wada-jir ah

 War-murtiyeed wada-jir ah

Hay’adaha ugu sarreeya ee saddexda Urur ee kala ah: SNM, USC iyo SPM,

 

Taariikhda: 2/10/1990ka

Hay’adaha ugu sarreeya ee saddexda Urur ee kala ah: SNM, USC iyo SPM,

Iyaga oo maanka ku haya in midnimada Ururrada mucaaradka ah ee halganka hubeysan ku jiraa tahay lagama-maarmaan, taasi oo la’aanteed ay adag tahay in dhakhso loo rido Taliska faashiga ah ee Siyaad Barre, dadka Soomaaliya laga sabato- bixiyo xasuuqa lagu hayo iyo baaba’a dhaqan-dhaqaale ee haysta;

Iyaga oo si’ mideysan isula gartay xaqiiqada ah in Taliska Siyaad Barre aanu badanaaba ku sii taagnayn awooddii dawladi lahaan jirtay, hase yeeshee tan miiq-dheeraatiisu cuskanaysaa tahay tafaraaruqa iyo midnimo-la’aanta xoogagga xoreynta Soomaaliya ee halganka hubeysan ku jira, ayay ku heshiiyeen:

1. In ay midoobaan kuna midoobaan qaabka midnimada dallaayadda ah,

2. In ay samaystaan guddi mideysan oo ka kooban saddexda Urur eek ala ah USC, SNM iyo SPM, Guddidaa iyada oo u xil-saaran fulinta, kormeerka iyo hawlaha isku-dubba-ridka midnimada ee ay goostaan hay’adaha saddexda urur ugu sarreeyaa,

3. In saddex urur ee kala ah SPM, SNM iyo USC ay gebi ahaanba dhinacyada halganka hubeysan ee siyaasiga ah ka midoobaan, dhinacyadaas oo kala ah: dhinaca siyaasadda, ciidammada xoreynta, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha, ayna dhinaca siyaasadda iyo warfaafinta ka lahaadaan cod mideysan,

4. In Guddida mideysan ee saddexda urur ay muddo lixdan maalmood gudahood ah ay guddigooda fulinta iyo golayaasha dhexe warbixin uga keenaan si’ go’aan rasmi ah looga qaato,

5. Saddexda urur iyaga oo si dhab ah u og tabaha khaa’innimada ah ee uu eegga wado Taliska faashiga ah ee Siyaad Barre oo ay ka mid yihiin: La-hadalka xoogagga xoreynta Soomaaliya, samaynta doorashooyin been-been ah iyo afti-ku-sheeg ; ayay saddexda urur si’ mideysan u caddaynayaan in aanay qayb ka noqonayn arrimaha lagu khatalayo dadka Soomaaliya, laguna jaho-wareerinaayo ra’yal-caamka dunida,

Sidaa awgeed ayay saddexda urur si’ mideysan ugu heshiiyeen in wada-hadal kasta oo taliskaa isaga ah lala gala uu ma-dhaleys yahay, cid kasta oo uu taliskaasi caleemo-saaraana anay ummadda matali karin, saddexda uruna aanay oggolayn.

Maxamed Caydiid Faarax Cabdiraxmaan Axmed Cali Axmed Cumar Jees

The USC Chairman The SNM Chairman The SPM Chairman

Fiiro gaar ah:

War-murtiyeedkan wada-jirka ahaa waxaan idiin ku soo gudbiyay sidii uu ahaa, waxaanan hubaa in wax badan laga baayac-mustareeyay oo loo sheegay sidii aanu runtii ahayn.

Waa inoo mar kale ee nooli kulantee.

Boobe Yuusuf Ducaale

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *