Xaaji Cabdikariim Xuseen (Xaaji Cabdi-waraabe)

(1905kii – 2019kii)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Hargeysa, 10.05.2019,
cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net
“Suugaanta guunka ah,
Af gobaadsi-geed iyo,
Gaal-gaalka jiiftada,
Godka hoge-tusaalaha,
Ninka gawda baanaha,
Gaawaha hayaad tahay,”

Maansada Galaal ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Maanta oo ay Bisha Abriil 10 tahay 2019ka, una dhiganta Ramadaan 5teeda 1440 sannadka Hijriyada ku-sinnaan 1.30kii duhurnimo, maalin barkhadeed oo Jimce ah ayuu Xaaji Cabdikariim Xuseen ku dhintay magaaladan Hargeysa. Ilaahay naxariistiui Janno ha ka waaraabiyo eheladii, asxaabtii iyo dadka Soomaaliyeed oo dhanna Ilaahay Samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Siciid Maxamuud Gahayr oo ka qoray Buugga ‘Samo-talis ayaan weydiiyay goortii uu dhashay Xaajigu. Siciid wuxu igu yidhi markii aan su’aashaa Xaajiga weydiiyay, jawaabtiisii waxay noqotay: “1940kii aniga oo 35 jir ah ayaa Caaqil la iga dhigay.” Taas macnaheedu waxa weeye in uu Xaaji Cabdi-waraabe dhashay 1905tii, waxaanu ku dhashay Uubaale oo Hargeysa wax yar ka sarreysa. Hooyadii waxay ahayd Qaayiba Faarax Shabeel.

Sheekadii ugu da’da weyneyd ee aan dhegahaygaa Xaaji Cabdi kaga maqlaa waxay ahayd 1943kii. Wuxu noo sheegay in ay ergo cuqaal iyo Salaaddiinba leh ku tageen deegaan colaadi ka jirtay oo ku yaallay waddadaa loo yaqaanno Haro-tirista. Harahaasi in ay Haro-garduur yihiin ayaan filayaa, waayo aniga oo Boobe ah waddadaa waan maray oo Awaare ayay Bari uga baxdaa. Ergadaa sidii uu Xaajigu noo sheegay Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye ayaa ka mid ahaa. Hilib-geel la qurbay ayaa loo soo dhigay. Suldaankii ayaa in yar far suul ku qaatay. Saabuun ayuu dalbaday. Berigaa dhulkaba ma ay wada gaadhin. Biyo diirran ayuu ku faro-xashay mar danbena kuma noqon. Xaajigu sheekada wuxu uga gol lahaa is-barbar-dhigga da’da maanta joogto iyo milgihii madax-dhaqameedku lahaan jireen.

Waxa kale oo aan Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ka martiyay tirada xaasaskii Xaaji Cabdi-waraabe iyo tafiirtiisii, waxaanu iigu sheegay sidan hoos ku shaxan ee aan anigu idiin soo tebinayo.

Xaaji Cabdi wuxuu guursaday saddex xaas oo uu Alle kala siiyay awlaad tiradoodu tahay 29. Magacyadoodu waxa ay kala yihiin:

1. Xalwo Nuur Axmed oo ahayd dumaal uu ka dhintay walaalkii Nuur Xuseen. Waxa uu dumaalay markii uu walaalkii Nuur Xuseen (Nuur-Buqul) geeriyooday Disember 1939kii. Xalwo waxa ay Xaaji Cabdi u dhashay laba hablood,

2. Faadumo Cismaan Guuleed, oo godob-reeb ahaan loo siiyay xilli qiyaas ahaan ku beegan 1923kii, iyadoo yar, aqal-galkooduna dhacay 17 sanno ka-dib, Xaajigana u dhashay illaa toban carruur ah. 2017kii ayay geeriyootay,

3. Haweeya Muuse Yuusuf oo uu guursaday 1981kii, Xaajigana u dhashay carruur dhan 17, kuwaasoo ay afar ka mid ahi ay yaraan ku geeriyoodeen.
Waa ta la yidhaahdo: “Dhawaqu meel dheer ayuu ku dhacaa, dhagaxna meel dhow.” Fasaxyo gaabnaa oo aan Hargeysa ku imaaddo mooyaan e’ laga bilaabo 1964kii ilaa 1981kii waxaan inta badan deggenaa magaalada Muqdisho marka laga reebo sannado aan Tacliin Sare dibadaha ugu maqnaa. Sidaa darteed Xaaji Cabdi-waraabe maqal ayuu igu ahaa. Waxaan la hawl-galay 1988kii iyo wixii ka danbeeyay.
Beryahaas ayaan arkay markii ugu horreysay isaga oo hadlaya. Geed hadhkii ayaa Mujaahidiin iyo dadweynaba lagu shirsanaa. Waa Balli-gubadle. Annagaa dadka idin ka haynay oo dawlad ayaanu moodaynay. Maantaba la isu wada yimid e’ waa inoo dagaal, hadal aan sidaa ka fogayn ayuu fagaarihii ka yidhi Xaaji Cabdi. Markaasaan yiqiinsanayaa dhiirranaantiisii iyo run-sheeggiisii. Intaa wixii ka danbeeyay aad ayaan u xiisayn jiray hadba meesha uu joogo iyo meexaanihiisa.

Waa halkii Cali Mooge e’, waxaan aamminsanahay in Xaaji Cabdikariim Xuseen taariikhdiisa iyo hal-ka-tebintiisuba tahay qalin-ma-koobaan. Oo sidee ayuu ku noqonayaa? Cabdi Iidaan ayaa laga hayaa: “Dib u badan tilmaamuhu.”
Xaaji Cabdikariim ama Cabd-waraabeba marka aynu ka hadlayno, waxaynu ka hadlaynaa soo-jireen u soo taagnaa hilaad ah 110 sannadood wax ka badan dhacdooyinkii dalkan iyo dunidan aan ku nool nahayba ka aawanaa. Waxaynu ka hadlaynaa wuxuu u soo joogay…….wuxu arkay…….wuxuu maqlay…….wixii dhacayay wixii lagaga tashaday…….sidii loo maareeyay…….kaalintii uu ku lahaa.
Cabdi-waraabe marka aad maqasho maxaa kugu soo dhacaya? Qof ka-sheekee ma aha. Waa quruuni-ka-sheekeysay. Qof iyo laba, koox iyo kulan intuba waa ay ku hafanayaan. Judha horeba waxaad ku xiiqaysaa oo aanad dooran karayn Cabdi-waraabihii aad ka sheekayn lahayd. Ma-caaqilkii? Ma salad-sixii iyo weyso-dhawrkii? Ma samo-talintii iyo xumaan-suulintii? Ma shirrabihii iyo jitaabiyihii nolosha? Ma sheekeeyihii? Ma haasaawiyihii? Ma cod-karkii aan masaalka lahayn? Ma keni-adayggii iyo nafta-xakamayntii? Ma dhiirranaantii aanu hadalka cidna kala gabban jirin? Ma kaftankii iyo xifaalihii xariirta ahaa? Ma hoga-tuskii iyo hawaale-warrankii? Ma sidii aanu indhihiisa iyo dareenkiisa ugu leexin jirin walacsiga iyo dhaldhalaalka beenta ah? Ma lebbis-dhaqameedkii iyo cimaamad-duubashadii? Ma Somaliland jacaylkii iyo midnimo-ku-marnaantii? Ma Soomaali-jeclaantii iyo waano la-daba-jooggii? Ma guurtinnimadii iyo gole-jooggii? Ma abhintii iyo eed-ka-digiddii? Ma samirkiyo dul-qaadkii? Ma ololayntii iyo abaabulkii? Ma aabbonimadii iyo ubad-danayntii? Ma qun-yar-socodkii iyo qarannimo-danayntii? Ma sidii uu khudbadaha ugu qalayn jiray sheekooyinka iyo maah-maahaha? Ma naxariistii? Ma naxli iyo nacayb la’aantii? Ma hagaagga iyo horumar-jeclaantii? Ma murti-dhaadhigii iyo dhaqan-dhaadkii? Ma kalsoonidii iyo kal-furnaantii? Ma Suldaankii? Ma nabadayntii? Ma dibuheshiisiintii? Ma dmuqraaddiyayntii iyo yagleelkii heykalka dawladnimo? Ma wixii uu duco iyo dardaaran u guntay da’-yartii is-guursanaysay kol ay Ina Canbaro ku tahay? Waa halkii Maxamed Mooge e’: “Iyo qaar kaloo badan iyo qaar kaloo badan.”
Soomaalidu hore ayay hadal u dhammaysay oo waa tii la yidhi: ” Fule xantii ma mooga.” Qaar idin ka mid ah ayaa hoos u leh: “Xaajigu miyaanu iinba lahayn? Oo muxuu ku mutaystay waxan oo aqoonsiya ee Boobe kula dul kufay?” Ii oggolaada in aan is-yar barraxo:
1. Hor iyo horraanba marka hore waxan aadmi ma bixiyee waa deeq Eebbe,
2. Mar labaadka cimri dheerida ayaa u sabab ah oo inta aad sii jirtaba imtixaanka iyo abaal-marintuba waa ay sii kordhayaan, wax badanna cimri-dhererkaa leh,
3. Sida aad hadba ka-fal-celinta dhacdooyinka maalmaha ugu guulaysato ayay abaal-marintaaduna u badanaysaa oo deeqdii Eebbe aqoonsi dadweyne ayaa kuu soo raacaya,
4. Xakamaynta nafta iyo ka-adkaanta naftaada iyo hankaaga ayaa iyaguna abaal-marin badan wata,
Cabdi Iidaan ayaa laga hayaa:
“Doontaba an yeellee,
Damacdaba an raacnee,”

Bal intiinna hoos ii higgaadinaysa ee leh: “Xaajigu miyaanu iin iyo goldaloolo midna lahayn? Aniga oo aan wax xumaan ah u hayn waxaan leeyahay:

“Marka hore sida aanan dareenkiinna uga xumayn ee aanan ula yaabbanayn, anigana kayga ha uga xumaannina. Xaajigu dadka ayuu la mid yahay oo macsuum kama aha dhaqannada aadamaha loo aaneeyo oo dhan. Waxaan idin leeyahay isu geysta waxaad u haysaan ee taban oo dhan oo weliba daalac ku darsada. Wadarta taban ee idiin soo baxda ka gooya wadartiisa togan ee aan kor ku taxay iyo in muxsiniin kale ku dari doontaba? Qoodhiin iyo xeradiin Xaaji Cabdi-waraabe celceliskii daalac dheer ma leeyahay?”

Waan idin malaynayaayoo aammuska ayaad ku yar dheeraateen, taasina waa qiraal. Xaaji Cabdi-waraabe aan u hibeynno nolol hodan ahayd oo uu ku guulaystay, aakhirona aan halkii roon iyo Jannooyinka kuwa ugu wanaagsan uga barino Illaahay.

Cabdi-waraabe…… Xaaji Cabdi…..Xaaji Cabdikariin……Magacyadaas oo dhan ayaan u aqaannaa. Markii maqalkiisa iigu horreysay waxaan u maqlay Cabdi-waraabe. Berigaa iigu horreysay ee aan magacaa Cabdi-waraabe maqlayo, waxa ku lammaanaan jiray magac kale oo aan da’ iyo hayb ahaanba uga fogeyn oo ay inta badan wada socon jireen oo la odhan jiray Cali-waraabe. Waa siddeetannadii Qarnigii hore. Beryahaa aan Cabdi-waraabe magaciisa maqlayo waxaan deggenaan jiray magaalada Muqdisho oo aan ka shaqayn jiray xaruntii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Waxaan aad xogogaal ugu ahaa wixii dalka ka socday, gaar ahaan dhinaca siyaasadda. Waxaan aad u danayn jiray waxyaabihii ka socday gobolladii woqooyiga gaar ahaan tacaddigii iyo cadaadiskii dadkii gobolladaa degganaa kaga iman jiray nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre.
Si’ aanu xog dheeraad ah u hello, waxaanu ku xidhnayn madaxdii dalka markaa ka talinaysay qaarkood oo aanu u san-bannaanayn, qaarkoodna aanu si’ dadban oo laba-shub, saddex-shub ama dhowr-shubba ah dareennadooda u heli jirnay oo uu ku jiray ninkii ba’naa ee dalka ka talin jiray ee Maxamed Siyaad Barre. Madaxdii aanu inta badan la xidhiidhi jirnay ee aanu la qadayn jirnay lana fadhiisan jirnay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray Madaxweyne-ku-xigeen, Kaaliyaha Xoghaya Guud ee XHKS isla markaana ka mid ahaa Guddidii Siyaasadda ee XHKS. Guriga Ummadda ayaanu Ismaaciil Cali Abokor ka wada hawl-geli jirnay oo mararka qaarkood xafiiskana waanu ku kulmi jirnay. Bishii Juulay 1976kii oo la aasaasay XHKS, mar uu xanuunsaday isaga oo Shirweynihii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed dhex fadhiya oo cisbitaalka Madiina ee Booliska la dhigay ayaan halkaa ku booqan jiray, wargeysyana ugu geyn jiray. Run ahaantii laga bilaabo xilligaas iyo intii ka danbaysayba waanu is-aamminnay oo nidaamkii Siyaad Barre waanu wada xaman jirnay, wararka, macluumaadka iyo dhagartii dalka ka socotayna waanu is-dhaafsan jirnay.
Madaxdii kale ee aanu sida joogtada ah u kala war-qaadan jirnay waxa ka mid ahaa: Cismaan Jaamac Cali oo Wasiirka Kalluumaysiga ahaa, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Hoggaanka Ganacsiga ee XHKS ahaa, Axmed Maxamuud Faarax (Lax-was) Hoggaanka Arrimaha Bulshada ee XHKS ahaa isaguna iyo Ibraahim Meygaag Samatar oo ahaa hoggaanka arrimaha xisbiga. Guryaha Cismaan Jaamac Cali iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isu dhawaa waxa u dhexeeyay Gurigii Muuse Rabbiile Good oo isaguna ahaan jiray wasiirka Caafimaadka oo aan kolleyba anigu sii mari jiray marka aan labadaa guri u kala gudbayo. Qoys ahaanna wax baanu wadaagnay, mararka qaarkoodna tabashada dalka taalla, gaar ahaan woqooyiga waanu ka wada sheekaysan jirnay.
Aniga oo sheeko dheeraan lahayd idiin soo gaabinaya, waxa gogol-xaadhkan igu kallifay oo iila galay sidii iyo waxyaabihii aan ku bartay Xaaji Cabdi-waraabe oo aan beryahaa u aqaannay ama loogu yeedhi jiray Cabdi-waraabe. Halgankii dibuxoreynta qaran hadba heer ayuu taagnaa…..hadba marxalad ayuu joogay……hadba qaab iyo muuqaal ayuu lahaa……hadba xeelad iyo istaraatejiyad ayuu lahaa…..hadba qaybo dadka ka mid ah ayaa ka adeegi jiray…..hadba si ayaa loo dhigi jiray…..hadba si ayaa loo sabaalayn jiray…..hadba si ayaa loo gaal-gaali jiray…..hadba si ayaa loogu gurguuran jiray……hadba si ayaa loogu xiddigin jiray oo xidaar guun ah iyo Xeydho-dayeba loogu dooni jiray.
Nimankan aan idiin sheegayo ayaa waxa la fadhiisan jiray odayaasha hadba ka yimaadda gobolladii woqooyiga gaar ahaan Hargeysa. Inta badan waxa ay ku soo degi jireen hudheelkii Siinay ee Xaaji Cabdi Jaamac Xeyd. Waxa halkaa isaguna ku yaallay oo ka soo hor jeeday hudheel hilibka lagu kariyo oo uu lahaan jiray nin Cabdi-dheere la odhan jiray. Hilib aan waslado ahaan jirin bal se waaxyo ahaa, oo Muqdishoba ku cusbaa.
Inta badan waxa Hargeysa ka iman jiray odayaal door ah oo soo qaadi jiray tabashooyinka iyo cabashooyinka dadweynaha oo inta badan ka dhalan jiray cadaawaddii, nacaybkii iyo boobkii ay ku kici jireen madax-ku-sheeggii gobollada woqooyi loo soo beddeli jiray. Sawirrada ugu fiicnaa ee boobkaa laga bixiyay waxa ka mid ahaa mid uu curiyay nin Cawaale la odhan jiray oo reer Boorame ahaa oo nimankaa ku tilmaamay in ay soo tosheen kiish afkiisu Boorame yaal, dabadiisuna Kismaayo taal. Bal yaa buuxin karaya! Bal adba.
Odayaasha kal-soo-baxa ahaa ee Muqdisho iman jiray waa ay badnaayeen, waxaanan ka sii xusuustaa: Suldaan Cabdiraxmaan, Cabdi-waraabe, Cali waraabe, Xaruur iyo qaar kale oo badnaa. Madashaa aan ka soo sheekeeyay iyo madal kale oo labaad ayaan Cabdi-waraabe ku bartay ama markii iigu horreysay ku maqlayba.
Madasha labaadna waxay ahayd mid taa hore la mid ah, bal se Hargeysa ku taallay oo ahayd goobihii ay odayaasha oo dadweynaha masilayaa kula kulmi jireen madax-ku-sheeggii nidaamkii Siyaad Barre. Madaxdaasi laba ayay ahayd: mid mar mar Muqdisho ka iman jirtay oo Maxamed Siyaad Barre madaxa hayay iyo mararka qaarkood tu heer gobol ah.
Xaaji Cabdikariin waxa uu dhashay ku-sinnaan 1905tii. Mar la weydiiyay markii uu xilka caaqilnimada qabtay wuxu ku jawaabay in ay ahayd 1940kii. Su’aasha labaad ee la weydiiyayna waxa ay ahayd da’ada uu xilligaa jiray, waxaanu sheegay in uu markaa 35 jir ahaa. Sidaas ayaa dhalashadiisii loogu suuraynayaa 1905kii. Tan iyo maalmahaa ayuu Cabdi-waraabe soo taagnaa isaga oo dareensanaa kana fal-celinayay wixii dhacayay ee dal iyo dadba soo maray.
Cabdi-waraabe waxyaabaha ugu mudan uguna badan ee lagu jecel yahay waxa ka mid ah hadal-caddaanta iyo hal-adaygga. Marka uu hadlayo si qurux badan oo aan turxaan iyo tummaati midnaba lahayn ayuu u hadlaa. Hawraarta iyo tiraabta Cabdi-waraabe waa mid hodan ah oo murti, maad iyo mahadhooyin kaleba leh. Cabdi-waraabe ma hadlo oo keliya, bal se waa hadal miisaaman oo taariikhaysan. Waa hadal milgo iyo maamuusba huwan. Waa hadal ku marriiman murtida iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa hadal hillaaban masalooyin dhacay iyo wixii maah-maah laga yidhi. Waa hadal nin weyn oo waayo-arag ah oo intaas oo goobood u soo taagnaa si xisaabtan iyo xishmadba leh uga soo baxay. Waa hadal hadalkii. Waa hadal hana-qaad ah oo hillaaban wixii Soomaali hidde iyo dhaqan u lahayd.
Dhacdo kasta, taariikh kasta, goob kasta, arrin kasta iyo wax kasta oo uu ka hadlayaba wuxu raacinayaa oo ku ladhayaa wixii raad iyo tix-raacba looga baahnaa. Marka uu hadlayo waxa hadlaya soo-jireen cimriyay oo xiskiisa iyo xusuustiisuba dhan yihiin. Waxyaabaha kale ee uu ku fiicanaa waxa ka mid ah xusuustiisii fiicanayd iyo jidhkiisii caafimaadka qabay oo aan ku iman dhayal iyo ciyaar.
Cabdi-waraabe dhaqan ahaan ma quudan jirin cuntooyinka dibadaha laga keeno, bal se wuxu ku noolaa waxyaabaha dalka ka baxa. Qaadka iyo sigaarka midna ma aqoon oo isaga oo intaa dalka ku noolaa oo agtiisa qaad iyo sigaarba lala fadhiyay ayaanu isku deyin ee ka adkaystay. Halkaana nin keni-adayg iyo hal-adaygba sheegtay ku dheh.
Xaaji Cabdi-waraabe waa taallo iyo tilmaan u taagan dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Waa diiwaan laga dheehan karo tagtadii, taallada iyo timaaddada Soomaliland iyo guud ahaan Soomaaliyeedba. Waa soo-jireen soo tamarinayay yan iyo 1905kii oo ilaa maalintii uu gaashaan-qaadka noqday talinayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *