Wasiir Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyey Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu shahaado sharaftan ugu maamuusay Halganka uu Boobe Yuusuf Ducaale geliyey Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanaTaariikhda halgankii S.N.M, taasoo Boobe Yuusuf Ducaale ka qoray Buugaag badan oo lagu akhristo qaarkood Makhtabadaha aduunka.

Buugii ugu danbeeyey uu soo saaray Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ahaa S.N.M LIBERATION STRUGGLING, kaasoo ah Buug aad u qiimo badan oo taariikhda Halgankii soo koobaya.

Munaasibada uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ku gudoonsiiyey Boobe Yuusuf Ducaale Shahaado Sharaf, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Aqoonyahanad Sucaad Carmiye iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *