Sawir & Sifayntii: 7aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,   

cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com,

www.dharaaro.net

Hargeysa, 8/10/2018ka, 

“Waa Dharaaro yabloon,

  Ka dhammaan agtaydiyo,  

  Dhacdo waayaheedaba,

  Nin kastoo xusuustaa

  Dhabannada la haystee,

  Dharaaraa na soo maray,”

 

Maansada Dhayalsi, Axmed-genius,

Jigjiga, 6/8/1984kii,

Muddaakarooyinkii iyo “tashadduxii jabhadeed aan ku yar hakado.  Milaygu waa 1983kii. Magaaladu waa Harar. Maalintuna waa ku-sinnaan 19kii Abriil. Sidee ayaad ku heshay ama ku garanaysaa in maalintu taa sugan tahay ayaa taalla. Xuddunta sawirkani waa Muj. Cabdillaahi Askar Barkhad iyo naftood-hurayaashii soo furtay ee duhur cad kala soo booday miscirirtii Miiska Saraakiisha.

Sawirkan Muj Askar waa kii uu la galay Mujaahidiintii fulisay hawl-galkii Bad-jeex. Bal u fiirsada sida uu u fadhiyo iyo lebbiska uu xidhan yahayba.

Mujaahid Aadan Maal oo Kooxdaa Bad-jeex ka tirsanaa ayaan habeen dhaweyd la hadlay. Waxaan ka codsaday in uu dib u tiriyo maalmaha. Ku=ye: “Askar 11kii Abriil ayaanu kala baxnay Miiska Saraakiisha ee Dooxatadii Xamar. Habeennkaa meel dhexe ayaanu u hoyannay. Xarshin ayaanu subaxnimadii hore ee 12/4/83kii gaadhnay. Saddex maalmood ayaanu joognay. Jigjiga laba maalmood ayaanu joognay, habeenna Dugsigii Tababarka ee Baabbili  ayaanu ku dhaxnay. 18/4/83kii ayaanu magaalada Harar gallay.”

Intaasi waa xusuusta Muj. Aadan Maal. Anigu colkan maalin  labaaddii ay Xarshin joogeen ayaan ku soo biirayaa. Waan garanayaa Harar ayaan ka imid, Jigjigana habeen ayaan u soo dhaxay.

Xertii Bad-jeex Ras Hotei, Harar oo Huteelka magaalada ugu sarreeyay ayaa dhammaantood lagu dejiyay si ay u naastaan oo ay daal iyo diifba u tirtaan.

19kii Abriil subaxnimadii ayaanu abaabullay oo geynay halkii lagaga qaaday Sawirka taariikhiga ah. Studio Taswiirle ayaa lagu qaaday sawirkan ka-dib markii la sawiray colkii Bad-jeex. Raalli iga ahaada sawirka iyo maalmuhuba waa ay ila taraareene.

Maxamed Xaashi Diiriye in badan ayaan wax ka qoray aniga oo ku lammaaneeyay  hawl-galkii 17kii Oktoobar, 1984kii ee lagu muuneeyay maalinta Shuhadada SNM. Maalintaas oo laba dagaal oo is-barkani na qabsadeen waxa ku shahiiday oo Rabaso lagu aasay tiro aan ka yareyn 59 shahiid.

Askar, Lixle iyo aniga  marka laga tago, sawirkan taariikhiga ah Mujaahidka na afreeyaa, magac ka miskiin ma aha. Waa Mujaahid Maxamed Maxamuud Xeyd, magacii ha jiro e’. Geesi dhiirran oo dhowrsoon. Qawl suubban oo sireed. Sarriigasho iyo san-qadh-tirasho la yaab leh. Diyaar-garow iyo darbanaan.  Taliskii Qaybtii 26aad ee Xoog-ku-sheeggii nidaamkii Maxamed Siyaad Barre ee Hargeysa ayuu Duuliye  Helicopter ka ahaan jiray. Taliskii Qaybtaas ayuu hadba meel u duulin jiray oo uu ka tirsanaa. Hadda waa maalintii. Habeen oo dhanna SNM ayuu la joogay. Mujaahid Lixle ayuu ku ladhnaa…..ku lammaanaa. Aroortiina wuu iska shaqo tegi jiray. Markii xaaladdu adkaatay isaga oo bed qaba ayuu soo tallaabay. Maalmahaas ayaan Harar ku bartay. In aan taariikhdiisa ka sheekeeyo uma ambo-bixin ee bal ma idiin ka dhacaa sheeko la yaab leh oo soo martay oo uu habeen iiga sheekeeyay.  Waa mid ka mid ah Kun iyo Kowleyda mahadhooyinkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreyntii qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waxay ila tahay in aad u diyaar-garowgeen sidii aad tebintan tiraabta ah iiga dhegaysan lahaydeen.

Dhaqanka halgankii hubeysnaa ee SNM ayaa iska ahaa sida halgannadii kale ee la midka ahaa in had iyo jeer hubka iyo sannadda gudaha dalka lagu keydsado. Qayb hubkaa ka mid ahayd oo qoryo u badnayd ayaa la dhigay guri ku yaallay xaafadda Qudhac-dheer  oo dibuxoreyntii ka-dib iyadiyo qaybo kale loogu wanqalay Degmada Maxamuud Haybe  Unuggii SNM ee qarsoodiga ahaa ee hubka gacanta ku hayay ayaa go’aansaday in meel kale loo raro.

Baabuur ‘Cresida’ ahaa ayay gurigii dhigteen dirawalkiina waa ay iska direen. Nimankan hawsha maamulaya Mujaaxid wuu la socdaa oo waa ka mid. Gaadhigii ayaa qoryihii lagu raray. Dirawalkii waa kuwii iska diray. Dabcan muftaaxiina waa ay ka qaateen. Waa diyaar si ay hubkii meel kale u geeyaan. Laba walba isa saare bal se malahayga “Laba tagoogood is-ma ay saarin.“ Mujaahid Xeyd ayay furihii u dhiibeen si uu gaadhigii oo raran u kaxeeyo. Mujaahid Xeyd wuxu nimankii ku yidhi: “Baabuurka ma kaxayn aqaanno.” Iyagiina fajaciso ku noqotay. Waxay ku yidhaahdeen adeer kaa siisan meynno e’ gaadhiga dhaqaaji. Is-na tiisii ku adkaysay. Waxay kula doodeen dayuuradahaba waad kaxaysaaye gaadhiga dhaqaaji. Ma wax aanu weligii kaxayn ayuu dhaqaajiyaa. Muran badan ka dib ayay dirawal doonteen.

Alleylehe, Dharaaraa na soo maray. Malaha waa aynaan dhaadsanayn e’ Dharaarihiina way  socdaan innaga oo aan maansadii Dhayalsi qaybtii aynu lahayn ku marriimin. Sawir & Sifayntiina dheel-dheel ha moodina. Macallin Mujaahid Gaarriye ayaa waxyaabaha uu ka yaabo ee uu Xarumihii maamulka kala kulmo hal-hays u lahaa: “Inoo duuba filimmada iyo sawirrada jiidda hore ayaynu ku sifaysan doonnaaye.”

Ugu danbaynna Ma-daale Ilyaas Cabdi Carte aan uga mahad-celiyo xusuusta iyo soo-hadal-qaadkii sawirkan.Waa mid ka mid ah foolaadka da’-yarta carisa ‘Facebuugga.;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *