Sawir iyo Sifayntii: 1aad

Sawir iyo Sifayntii: 1aad

50-Guurada dilkii Martin Luther King

Boobe Yuusuf Ducaale,

cankaabo@hotmail,com, cankaabo@gmail.com, dharaaro.com, dharaaro.net

Hargeysa. 6/4/2018ka

Xuska 50-Guurada Martin Luther King, waxaynu kaga qayb-gelaynaa Sawirkan iyo weedhan kooban ee aynu ka soo xiganayno Danjire Qaybe oo muddo rubuc qarniya Safiir ka ahaa Xarumaha adduunka ugu weyn ee kala ah: Moscow, New Yorka, Washington iyo London. Ilaa maanta Qaybe waa mudanka diblomaasiyadda Soomaaliyeed.

“…..Intii aan Qarammada Midoobay Safiirka Soomaaliya ka ahaa ayay Marwadii Martin Luther King nagu casuuntay aniga iyo dhowr Safiir oo kale magaalada Atlanta oo ay degganayd, halkaas oo ay ka dhistay “Martin Luther King Center.“ Martin Glider King wuxu ahaa Baadderi u dagaallami jiray xuquuqda shacbiga madow ee Mareykanka, dagaalkiisuna ma ahayn mid hubeysan ee wuxu ahaa kii Mahatma Gandi ku hoggaamin jiray shacbiga Hindiya oo kale.”

Coreta Luther King waa ta badhtanka taagan, Danjire Qaybena waa ninka dheer ee midigta ka xiga.

Qormooyinkani waxay noqon doonaan, idamka Ilaahay qaar gaaggaan oo aan idin kula wadaagi doono sawirrada aan kaydka ku hayo.

Waa inoo kal kale iyo kulan kale haddii Kariimku ina karsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *