Salaan Carrabey: Sukayaashii Suugaanta Sii-yaalka ah:

1840kii – 1943kii
“Haddaad dhimato geeridu mar bay, nolosha dhaantaaye,
Dhereg iyo mar bay kaa yihiin, dhaqasho xaaraane,
Nin dhirbaaxo-quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye,
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhowrataa abid e.,”

Salaan Carrabey,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

Hargeysa, 16/6/2018ka

Naxcariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo oo ha ka abaal-mariyo suugaanta hodanka ah ee uu dadka tilmaanta iyo tusaalahaba teed walba ugu dhigay. Wuxu noolaa intii u dhexeysa xilliyada aynu kor ku suntannay. Salaan Carrabey wuxu ka dhashay qoys raacato ah. Wuxu ku koray degel iyo degaan raacato ah. Xilliyadaa uu barbaarayo nolosha dadka Soomaalidu meel ay joogaanba waxay u badnayd xoolo-dhaqato. Galberedka Somaliland waxa lagu tiriyaa dad beeraley ah, waa se waayadan danbe taasi. Aniga oo aan meel fogba tegin waxaan nolol ku soo gaadhau dabar-go’ii geelii aabbahay oo markaa shan halaad oo keliya ahaa. Xataa fardihii ayaa reerka markaa joogay oo geenyo caddayd ayaan ka sii xusuustaa. Waqti sidaa u sii fogba ma ay ahayn oo dhowr iyo ko0ntonkii dhawaa ayay ahayd. Beertii aabbahay aanu ka dhaxallay waa ay jirtaa, tii awowgayna waan garanayaa. Laakiin, beer qoysku lahaa oo ka horreysay ma jirto. Sidaas ayuu dhaqanka beeraleynimaduna u dhawaa.

Waxaan uga gol leeyahay sheekadan marna dheer marna iskaba gaaban in aan daaha idiin ka rogo in uu Salaan Carrabey ku dhashay kuna barbaaray degaankaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed u badnaa ee raacatannimo.

Sidaa darteed, waxaynu odhan karnaa fikirka iyo curinta maanseed ee Salaan Carracey noloshaas iyo xidhiidhadii beelnimoo ee dadyowgii deriska ahaa dhex taallay ayaa qarqoortay oo saamaynteeda ku yeelatay: mid togan iyo mid tabanba. Xilliyadaa Salaan barbaarayay iyo intii danbe ee uu noolaaba, barwaaqo-heeskaas ayaa lagu jiray. Waana xilliyada ay maansahanyadu sida aadka ah u dararaan una godladaan ee ay ugu wax-soo-saarka badan yihiin. Kama ay madhnayn meesha in ay jireen wareegyo abaareed oo kal-dhac ama mar-la-arag ahaa. Mararkaana maansooyinkooda ayay si farshaxannimo leh ugu sawiri jireen.

Dadkii uu Salaan ka dhashay iyo kuwii ay deriska ahaayeen waxay lahaayeen xeerar tiro badan oo dhaqameed oo sar-goyn jiray noloshooda iyo xidhiidhadooda. Intaa waxa u dheera oo weliba bud-dhig u ahaa Diinta Islaamka. Sidaas ayay suugaantoodu u ahayd mid hufan, naxli la’ oo bir-ma-geydo iyo sarriigashada ugu sarreysaa ku dheehnnayd, waana sababta ay ilaa maanta u nooshahay ee ay qiimaha ma-guuraanka ah u leedahay.

Sidii uu Hadraawi Maansadiisa Gudgude ugu yidhi:

“Gosha hooyo waa laga koraa, Goodir kay tahay,”

Ama horeba loogu heesay:

“Ragga socodku waw door,
Haddii mowdku daayee,”

Salaan Carrabey markii uu barbaarayba cidhib barako leh ayuu ku dhuftay oo sidii raggii ragga ahaa ayuu tacabbir miciinsaday si uu wax u soo taransado, qoyskiisa iyo qaraabadiisana u soo tabantaabiyo. Bad-mareen maraakiibta laasimay ayuu noqday. Sida looga-qaateenkii aqoonta u lahaa ay soo tebiyeen, taariikhduna werisay, intaa uu maraakiibta ku gooshayay waxa u suurto-gashay in uu barto afafka: Ingiriisiga, Carabiga, Sawaaxiliga, Amxaariga iyo Urduuga (Hindiga). Cadan iyo Nayroobiba waa uu joogi jiray, maraakiibtana dalal badan ayuu ku gooshay.

Haddii uu Salaan Carrabey sidaa dal-mareen iyo bad-mareenba u ahaa, waxaanu shaki ku jirin in uu ka korodhsaday barashada dhaqammo iyo qaabab nololeed oo dadyow kala geddisani leeyihiin. Intaa waxa u dheer oo saamaynta koowaad noloshiisa ku lahayd Diinta Islaamka iyo dhaqanka soo-jireenka ah ee dadka Soomaalida.

Haddii aan malee is-idhaahdo sida ay dhaqammadaasi Salaan ugu yeesheen saamaynta, waxaan tusaale u soo qaadan karaa sida dhaqanka Soomaaliyeed u saameeyay dhiggiisii ajnebiga ahaa ee Hargeysa oo kale ku noolaa. Siddeetannadii ayaan goor barqo ahayd fooqa Jirde Xuseen ugu soo galay Hindi dukaan ku haystay dabaqa hoose. Haween badan ayaa wax ka iibsanayay. Walaashay Safiya-eemar ayaanu wada soconnay. Isaga oo haweenkii alaabtii u dhiibaya, ayuun buu mar keliya yidhi: “Dani waa seeto ayuu yidhi, Ducaale Suldaan.” Bal ka warrama waayaha Salaanna baray intaas oo af!

Sidaa darteed, marka aynu ka hadlaynno Maansada hodanka ah ee Salaan Carrabey waxaynu ka hadlaynaa curinta shakhsiyadda intaas oo ilbaxnimo ah kulmisay. Shaki kuma jiro markii uu maansada bilaabayay in ay ka maqnayd ilbaxnimadan dibadeed,

Hodannimada iyo sida Maansada Salaan Carrabey u tahay mid lab oo luxdan, waxaynu ka dheehan karnaa sida ay weli u nooshahay, waqti kasta ula jaan-qaadayso dadkuna uga dhigtaan hal-ku-dhegyo ay noloshoda ku sar-goostaan iyo hal-beegyo ay ku cabbirtaanna uga dhigtaan.

Bal hadda aynu dheehanno meeriskan qudh ah iyo miisaanka uu ku leeyahay nolosha aadamaha, waxaanu yidhi:

“Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara e’’,

Afka, wuxu Salaan Carrabey uga jeedaa ‘ereyga’ oo uu kala mid dhigay hubka dilaaga ah. Maah-maah Soomaaliyeed ayaa jirta oo tidhaahda: “Ushu waa ay qabowdaa, ereygu se ma qaboobo.” Waa marag-fur u dhacaya Salaan. Marag-furkuna waa iska muush oo gude iyo dibadba waa aynu u irkan karnaa. Ma Hadraawi baan odhan:

“Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal-furan weeye,
Sunto faro-ku-hayntiisa,
Weloigaa ha sii deynin,”

Bal is-weydii waxaad qalinka ku falayso. Wax kale ma aha oo aan ahayn in uu yahay soo-saaraha ereyga qoran. Ereyga odhaahda ahi weli Afkii ayuu ku xidhan yahay. Ma tusaale dibadeed baa? Miyaan ilbaxnimada reer-galbeedku war-baahintan u aqoonsan awoodda 4aad. Hadda adhaxda iyo ma-dhaafaanka war-baahintuna wax kale ma aha oo aan ahayn ereyga.

Ka dabbaalan meynno haddii aynu is-nidhaahno dhex qaada suugaanta ma-doorsoontada ah ee Salaan Carrabey Bal hadda godollo kalena aan tuducyo ka soo qaadanno. Mar uu ka cabanayay sida aan loo tebin ilaa loo baahdo,, sow kii lahaa:

“Ma hangoolka sidiisaa,
Marka reerku hayaamo,
Hawsha laygu tebaa,”

Dhoofkiisii iyo dal-mareennimadiisii waxaynu ka dheehan karaynaa meerisyadan:

“Lakjar Faranji niman baa akhriya, laawis iyo beene,
An se waxaan u laqimahayaa, tix ay ku luuqshaane,”m

Waxa inooga muuqanayaa halkaas ereyada qalaad ee ‘Lecture’ iyo ‘Laws’.

Mar uu gabowga haleelay ka hadlayay, sow kii lahaa:

“Lufan baa ka hadha dawliskiim liil samaan jifraye,
Haddii an beri liilsanaa, liicday adhaxdiiye,
Waa taa lanleemada indhaha, araggu liitaaye,”

Waan idin daaliyayba e’ aan ku soo xidho tudiucan Diiniga ah:

“Dadku laba waduu raacayaa, oo wadaahiya e,
Aan midina mid u weecanayn, oon wadaagtamin e’,
Wastana ma laha diintiyo kufriga, wax u dhexeeyaaye,”

Wa billaahi towfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *