Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa

Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hadal sokeeye iyo hilib Idaad labadaba waa la qaboojiyaa.” Afartan-bax iyo toddoba-bax ayaynu dhaqan iyo hiddaba u lahayn, sidaa darteed ayaan aniguna arrintan qoraalka u afartan-bixinayay,

Waatan qormadii oo dhamaystirani..

 

Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa

(Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”: 19/3/12ka-4/9/12ka)

“Ma da’-furin ogaalkay,

Xaska dabada maan gelin,

Derejada ilhaamkiyo,

Hibadii dalaysneyd,

Uma dhiibin duudduub,

Weli Dalawadaydii,

Doobigeedi may dhimin,

Dib-u-dhigasho mooyee,

Wax is-doorshay may dhicin,

Afartaa xan durugtiyo,

Danni jira wax-sheeggii,”

Daalacan (Deelleeydii 2aad), Hadraawi, Muqdisho 11/12/1979kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale 


www.dharaaro.com

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

Qormadii: 1aad

Ballaysinka Qormooyinka:

Bisinka iyo Yaasiinka…..Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah: Alla-cuskashadii ayeeyooyinkeen.

Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hadal sokeeye iyo hilib Idaad labadaba waa la qaboojiyaa.” Afartan-bax iyo toddoba-bax ayaynu dhaqan iyo hiddaba u lahayn, sidaa darteed ayaan aniguna arrintan qoraalka u afartan-bixinayay, oo waa anigaa idiin soo qoray markii ay afartan buuxdaa ka soo wareegtay markii aan sida quruxda badan ee iimaanka qabtay xilkii u wareejiyay. Waxa suurto-gal ahaan lahayd haddii aan qoraalkan qori lahaa markii aan xilka wareejiyay maalmihii xigay in aan ku hadli lahaa waxyaabo badan oo aan milgahayga iyo maamuuskayga midnaba ahayn.

Waa sunnaha xil-qabashada, xil-qaadka iyo xil-ka-qaadka. Sunnahaas ayaa ina faraya in aynu sarriiganno, sarbeeb iyo sogordahba adeegsanno oo aynaan luuqda sare u dhig-dhiginn innaga oo aan gacmahana saydhayn. Waa sunnaha qaabka hadal-tebinta ee suubban Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Waa sunnaha sar-gooya wada-jirkeena iyo wada-joogeenna. Waa sida uu sunnahaa Hadraawi inoogu sawiray, markii uu inoo marinayay maansadiisii caan-baxday ee “Sirta nolosha”. Waa sunnaha is-waansiga iyo is-waaceensiga beelaheenna wada yaal. Waa sunnaha isku haya wadarta iyo wadaagaha danta guud ku walaaloobay ee Somaliland wada yeeshay.

Sunnaha xilka meertada ka dhigay ayaa ina faraya in aynu raad ka reebno raranka iyo raxanraadka ragaadiyay qarankan raad-qaadka ah. Sunnaha ku-camal-falka awaamiirta madaxda ayaa ina faraya in aynu waayo-aragnimadeenna guntanno oo uga tagno da’-yarta. Sunnaha feejignaanta iyo sanqadh-tirashada ayaa ina faraya in aynu dhacdooyinka dhowranno si aynu dhawr iyo dhaawacba uga dheeraanno. Sunnaha gudbinta taariikhda is-waansiga iyo iska-war-haynta ayaa ina faraya in aynu is-weheshanno oo aynaan is-weetayn.

Sunnaha wada-tashiga iyo talo-wadaagga ayaa ina faraya in aynu hadalka u iilanno halkii aynu hub iyo hagardaamo uga iilan lahayn. Sunnaha isu-tanaasulka iyo isu-hannaynta ayaa ina faraya in aynu hadalka iyo hawraarta ku wada arrinsanno.

Nac iyo naxli midnaba ma aha. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo daarran maalmo koobnaa oo aan ka tirsanaa xukuumadda Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo aan u hayay xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Waa Qormooyin kooban oo aan isku barraxayo, idinkana idin ku war-gelinayo. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku caddaynayo in aanay Wasaaradda Warfaafintu Jin iyo Jaan midnaba ahayn, bal se aafadu dibadda kaga imanayso. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan kaga warramayo wixii aanu saddex bilood ku qabannay, annaga oo garba-duubnayn laba bilood oo danbe. Waa Qormooyin kooban oo taxane oo aan tusmo, talo iyo tilmaanba ku siinayo maamul war-tebinta iyo tilifoon-qaadkuba ku yar yahay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan kaga hadlayo sababihii la igu maagay.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku abhinayo fidmo-walayaasha barriinsaday xarumaha xukuumadda ee u darban in ay wiiqaan hawlaha Qaranka. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan uga gol leeyahay nin dan lihi aanu guulaheenna guul-darrooyin inooga dhigin. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku difaacayo goob afartii bilood ee ugu danbeeyay aynu gelinnay adduun ku dhow ilaa laba milyan oo Doollar oo haddana la inaga dhaadhicinayo in Jin iyo Jaan barriinsadeen lagana furdaaminayo. Goob la inaga dhaadhicinayo in musuq-maasuq hadheeyay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan digniin uga dhigayo inta daanka oo qudh ah la doogsin-cararta ee dalqada indhaha ku leh. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku barriijinayo deris-ku-noosha dal iyo dadba daashatay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ugu dardaar-werinayo kooxaha dillaaliinta ah ee isu bahaystay in ay Qarankan curdin-dhadhiyaan iyaga oo dhandhamo, dhalanteed iyo dheecaan ay nuugaanba siisanaya.

Qormadii: 2aad

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku durayo inta danta guud wiiqaysa ee madaxda Qaranka wararka khaldan ku marin-habaabinaysa si ay muraadkooda u helaan. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ugu hiilinayo shaqaalaha daacadda ah ee hawshooda u darban ee aan dusduska iyo war-sheekada xarumaha Qaranka la meeraysan, wanjalka iyo wadeecadana aan caadaysan oo aan weliba lagu majeeran. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku daafacayo Idaacadda cusub ee aynu ku hadaaqaynay oo maanta hirgashay bal se la ina leeyahay waa meel baas oo aan lagu nagaanayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muunaynayo halgankii sharafta lahaa ee hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee dalkan iyo dadkanba lagu xoreeyay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan milgo iyo maamuusba uga dhigayo geeddiyaashii la mahadiyay: dibuheshiisiintii, nabadayntii, hubdhigistii iyo geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku caddaynayo in aan wax walba halgan lagu sheegin, bal se dhacdo walba ereygeeda loo adeegsado, halgankana halgan loo barto. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in aanu hooyo-caygu halgan ahayn ee uu halgaad yahay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in midabka cadi caddaan yahay, madowguna madow yahay oo aanay wax la isku badhxi karo ama la isku khaldi karaba ahayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku qeexayo in qaddarku ka Eebbe yahay, yahay, bulshaduna tix-raaca, talada iyo guddoonkaba leedahay oo aanay qof iyo kooxi muquunin karin. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo markhaati cad u ah in aanu Dhagax-tuurkii been ahayn, shalay aanay dheereyn, waxa dhacayna fududayn. Waa hal-muceedyadii Hadraawi. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan uga gol leeyahay in aynu garanno waxa inaga khladan iyo sidii aynu maaro ama xal waara ugu heli lahayn.

Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, aniga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sidan ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.

Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.

Magacaabistaydii:

Guurti waayeel iyo gamboolay haween midnaba ma aan diran. Gurbood carruur ahi uma gurguuran. Af-miishaar iyo intii uunku habaaray kama arrimin. Kooxo ku gooddiyay iyo danaystayaal ka adeegay ma jirin. Gini iyo guunyo lagaceed midnaba lagama bixin. Ma gurguuran, ma gaatamin mana aan goobyaalin. Lama gujin……lama guhaadin lamana gawdhin madaxda Qaranka. Ma dalban, ma doonan kumana doodin.

Waa maalin Sabti ahayd. Waa bishii Maarj 10dii, 12ka. Barqadii ayaan ka baxay Xafiiskaygii. Waxaan sii qaatay CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad oo Gebilay Guddoomiye Gobol ka ahaan jiray oo xilkii laga qaaday. Madaxtooyada ii gee ayuu igula dardaarmay. Xirsi oo ah Wasiirka Madaxtooyada ayaan u geeyay.

13/3/12ka:

Waa maalin Salaasa ah. Salaaddii casar ka dib ayaan hurdo ka soo toosay oo aan u holladay in aan cabbaar soo lugeeyo. Tilifoonkii gacanta ayaa dhacay. Saa waa ninkii Xirsi ee aan CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad u dhiibay. Wuxu ii sheegay ama igu yidhiba, caawa ayaan odeygii arjiga liqsiinayaaye, si uun ula soo xidhiidh oo u sheeg in aad adigu soo-jeedinta leedahay ee aanay aniga iga iman. Wuxu adeegsaday ereygaa ah ‘liqsiinayaa’. Hawraarsan ayaan ku idhi, bal se cidna lama aan xidhiidhin, waayo marka uu isagii sidaa igu leeyahay cidda aan la xidhiidhayo ayaan garan waayay.

Sidii dhaqanka ii ahayd waqti hore ayaan iska seexday habeenkaas oo ay saacaddu ku beegnayd qiyaastii ilaa sagaalkii iyo badhkii habeennimo. Sida xusuus-qorkayga ku xardhan xilli ku beegnaa 11.00 saacadood ee habeennimo ayuu tilifoonkii gacantu dhacay aniga oo hurda. Waan qabtay. Saa waa saaxiibkay Xirsi. Wuxu ii sheegay in uu CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad Odeyga u gudbiyay, ka dibna Odeygu yidhi Boobe laftiisu mee. Hadda waa sida uu igu yidhi. Xirsi waxaan u sheegay in aan Odeyga u iman doono ilaa berri, bal se wuxu igu soo celiyay: “Hoo oo tilifoonka kula hadal.”

Tilifoonkii dacal aniga ayaa haysta, dacalka kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xirsi weheliyo. Waa inta aan ka war-qabay. Odeygu wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan qabto xil Wasiirnimo. Aniguna si tix-gelin iyo qaddarinba leh ayaan ugu jawaabay in aanan u diyaar ahayn, oo carruurtaydii Qaaxo ku habsaantay aan carruuraha gaadhsiinayo. Wuu iga garowsaday, waxaanu igu yidhi bal cid kale igula tali. Waxaan ugu jawaabay ilaa berrito ayaan kuu iman doonaa, wuxuu se igu soo celiyay berri ma sugi karayo e’ caawa cid ii sheeg.

Mar kale ayuu Madaxweynuhu igu yidhi, iga guddoon xilkaa aan doonayo in aan kuu magacaabo. Aniga oo qaddarin iyo tix-gelinba codsigaa Madaxweynaha siinaya ayaan ugu jawaabay: “Aan ka soo tashado.” Wuxu igu yidhi: “Yaad kala tashanaysaa.” Aniguna waxaan ugu jawaabay: “Xaaskayga.”

Qormadii: 3aad

Annaga oo hadalkii haynna ayay Mujaahid Faadumo hurdadadii ka soo kacday oo I soo ag joogsatay aniga oo daaradda taagan. Ku-ye: “Waa ayo? Yaad ilaa waqtigan la hadlaysaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Waa Madaxweynihii.” Mujaahid Faadumo waxay igu soo celisay: “Muxuu Odeygu goortan doonayaa?” Waxaan ku idhi: “Wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan xil wasiirnimo qabto.” Dhankaa iyo dhankaa midna ma ay eegin e’, waxay igu tidhi: “Ka oggolow waa tii aynu duurka u gallay e’, kollay cid dibadda ka timid ayaa qaban doonta e’.”

Madaxweynihii oo dacalka kale tilifoonka ka haystay oo ay sheekadayadii xidhiidh-furatay, ayaa igu yidhi: “Waa ayo? Yaad la hadlaysaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Waa xaaskaygii.” Odeygu wuxu igu celiyay: “Oo maxay ku leedahay.” Waxaan ugu jawaabay: “Xilka Odeyga ka guddoon ayay I leedahay.” Inta uu nafisay, ayuu Madaxweynihii igu yidhi: “Faadumo ayaa ku dhaanta.” Hore ayuu iyada iyo curaddayda Bilanba u yaqaannay.

Xaskayga hooyadeed waxay ula baxday Faadumo-cawo. Waa Ina Xasan Diiriye Bil-qariye. 19/7/1977kii ayaa gurigayaga la taagay. Bilan iyo afar wiil ayay dhashay. Qof iimaanka qabta oo aan salad salad ku darin. Hooyo hawlaha gurigeeda iyo kuwa sama-falka wixii kaga soo beegma ka soo dhalaasha. Ka-qayb-galkii halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ayay ku sii dallacday oo ay ku noqotay Mujaahid Faadumo-cawo. Ma hawlihii ay ka soo qabatay bartii caafimaadka ee Durya oo ay iyada iyo carruurteeduba deggenaayeen. Bahdii caafimaadka iyo dhaawicii bartaa soo maray ayaa ka markhaati ah. Loo noqon maayo. Weligeed xisbiga Kulmiye ayay nafta u bixin jirtay. Lammaanahayga-nololeed intaa in ka badan ayay iga mudan tahay e’, mar kale ayaan u soo noqon doonaa, waayo idinka ayaa degdegaya oo dhareerkii ceshan kari la’.

Odeygu Wasaarad ii ma sheegin, bal se tibaax ayaan ka helay. Hadalkiisii ayaan mar ka dhadhansaday waa meel aad garanayso oo in badan ayaad arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ku soo dhex jirtay. Wax sidaa u eg ayaan ka maqlay, anna waxaan u qaatay in uu igu magacaabayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Qoyska. Ma aan jeclaysan in aan tago Wasaaraddaas, aniga oo isla markaana ka xishooday in aan Odeyga mar kale wax ku diido. Waan iska aammusay. Rubuc saace ka dib ayaan Wasiir Xirsi garaacay oo aan u sheegay meesha aan danaynayaa in ay tahay Warfaafinta. Aniga ayaa Odeyga u sheegi ayuu igu yidhi, aniguna kalsooni ayaan ku qaatay in ay sidaas u dhacayso.

Run ahaantii dareenkii iigu horreeyay halkaas ayaan ka qaatay. Waxaan is-weydiiyay bal Madaxweynuhu wuxu doono ha kuu qoondeeyo e’, miyaanay ahayn in uu isla markaa waxaan danayn karo ama ka shaqayn karo uu ila doono.

Sidii ayaan gogoshii ku tegay, bal se aanan ku gami’n. Waxaan ka fekerayay noloshan cusub ee ugubka ah ee aan geli doono. Waqti ay saacaddu ku beegnayd 4.30kii subaxnimo ayuu Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynuhu, Cali-yare, ii soo diray tilifoon, waxaanu ii sheegay in la ii magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Horto magacaabistaydu sidaas ayay u dhacday. Waxyaabaha kale ee I sii dhiirri-geliyay waxa ka mid ahaa waqtigii (dead-line-kii) ay xaaskaygu ii qabatay in aan siyaasadda geli karo oo isaguna dhawaa. Waxay iga soo bedeysay toban sannadood oo aan ka maqnaa oo aan ku hawlanaa halgankii shacbiga ahaa ee hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo I sii dhiirri-gelisay aniga oo go’aansaday in aan Akaademiyada ka tago maa daama aan ilaa laba iyo toban sannadood ka shaqaynayay. Madal dhex-dhexaad ah ayaan intaa ku jiray oo waxaan u baahnaa in aan nefiso oo aan si cad mowqifyadayda u caddeeyo, Akaademigana dhiig cusub oo da’ yari soo galo: wiilal iyo gabdhaba. Taasina waa ay I sii dhiirri-gelisay.

Waa dhinaca aan sheekada ka taagnaa, maa daama aanan ka war hayn xaqiiqada ka jirtay dacalka kale ee tilifoonku na xidhiidhinayay. Markii aan doc kasta iska taagay ee khayaalkayga iyo mala-awaalkaygaba dabarka ka furay, laba door-bidba (options) waa ay igu soo dhaceen:

1. In uu codsigani curis ahaa oo uu ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

2. Iyo in uu Wasiirka Madaxtooyadu afka isku kaayo geliyay Madaxweynaha oo uu isagu magacayga soo hor dhigay,

Sidii ay doontaba ha u dhacdo e’, waayo-aragnimo aan mahadinayo weeye oo aan raalli ka ahaa, mana qoomamaynayo. Iyagana mahad iyo abaalba waan ugu hayaa. Xaaskayga Mujaahid Faadumana waan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaadatay oggolaanshahayga xilkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, xilkaa waan ka guddoomay, abaal iyo mahadna waan ugu hayaa.

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa magac-dhowgaygii iyo habkii xilka la iigu dhiibay. Laba qaybood ayaa ka hadhsan ‘Musal-salkan’ ama taxanahan kooban. Fadlan, waan gar-naqsanayaaye, waxaan magan idiin ka ahay in aad si fiican uga bogataan waxyaabihii Wasaaradda ka qabsoomay intii aan joogay oo aanan keligay anigu qaban. Sidii Cali Sugulle Dun-carbeed u yidhi: “Dadkaa geesi lagu yahay.” Waxaan magan idiin ka ahay in aad qormadaa ‘Xil-gudashadaydii’ ee soo socota si fiican u akhridaan si aad u go’aamisaan: In aan gar-darnaa iyo in la iga gar-darraa oo Qarannimadii, dawladnimadii iyo karaamadii ummadda meel lagaga dhacay.

Qormadii: 4aad

Xil-gudashadaydii:

Markii aan xilka tirsaday, waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u hagaajin lahayn duruufta nololeed iyo ta shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Iyada oo ay haynta iyo dhaqaaluhuba na xukumayeen, waxaanu gufaynta qabyada ku ballaysinnay in aanu horumar aan badnayn ka samaynno xaaladda nololeed ee ciidanka Wasaaradda ilaaliya oo aanu u dhisnay meelo kooban oo ay seexdaan iyo meel ay ku cunteeyaan. Kow iyo labaatankaa sannadood ciidankaasi waxay seexanayeen geedaha hoostooda, waxaanay ku cuntayn jireen geed hoostii. Waxa intaa noo dheerayd hanuunin joogta ah oo aanu shaqaalaha ku haynay oo ahayd in wasaaradda la wada leeyahay isla markaana wakiil looga yahay dadweynaha iyo dawladda. Waxaanu ku disnay mabaadiida wada-lahaanshaha iyo war-wadaagga.

Intaa yar ka dib waxaanu bilownay in aanu nadiifinno wejiga hore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa ee foosha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada. Intaa ka dib waxaanu qandaraas la gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda. Boqol mitir ayaanu gelinnay dhagaxii qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno albaab saddexaad iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu qorshaysannay in aanu waddada laamida iyo dayrka Idaacadda inta u dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno. Waxaanu ku guulaysannay in aanu tobankii mitir ee ugu horreeyay dhagaxaa qoran dhigno. Hawshan fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur.

Muwaaddin Cali oo ka tirsan ciidanka waddooyinka ee Somaliland oo ii yimid maalmahaa aanu deyrka iyo qarannimadaba qurxinaynay, ayaa igu yidhi:”Aakhirona meel la tago lehe, horto wasaaraddii waad u fool-dhaqday.”

Tallaabadii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka mid ah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay.

Tallaabadii taa noo xigtay waxay ahayd in aanu baahida xafiis ee jirtay awgeed kala jar jarno dhowr meelood oo aanu u aragnay in la beekhaamin karo, si shaqaaluhu xilalkooda u gutaan. Waxaanu meel u samaynay Qaybtii Tababarrada in kasta oo aanaan ka gaadhin qalabayntii. Waxa kale oo aanu Istuudiyaha TV-ga Qaranka ka dul qaadnay Qaybtii Barnaamajyada Ingiriisiga oo aanu meel u samaynay.

Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno isla markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay. Hanbalyadeedii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waanu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan. Waxaanu ku guulaysannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani.

E-mailladii (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hirarka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii. Waa mid ka mid ah taallooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay.

Qaybta telefishanka, markii ugu horreysay ayaanu “live” ka dhignay oo ay noo suurto-gashay in aanu toos hawada u gallo markii loo baahdo. Kharash iyo tamar aan la qiyaasi karin ayaa ku baxday. Waxa kale oo aanu ku guulaysannay in aanu dalka Holland uga soo iibinno qalabka iftiiminta iyo makrifoonno miisaankoodu dhammaa 120kg oo uu naga caawiyay Muwaadin Axmed Xaaji Barkhad, Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e’.

Markii aan xilka wareejinayay, waxa ka socday wasaaradda mashaariic qiimo iyo qaayaba leh oo ay maal-gelinayso Hay’adda USAID, waxaana fulinayay hay’adda DAI, mashaariicdaas oo ku kacaysa lacag dhan 380,000. Ma aha mashaariic la filayo, bal se waa qaar socday, waxaanay u kala baxayeen:

1. Dibudhiska iyo qalabaynta istuudiyaha Radio Hargeysa,

2. Dibudhiska iyo qalabaynta Istuudiyaha TV-ga Qaranka,

3. Dibudhiska iyo qalabaynta Qolka Keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa oo ah ka ugu da’da weyn qolalka cajaladaha ee dadka Soomaaliyeed,

4. Qol weyn oo ay fadhiistaan weriyayaasha iyo tifaf-tirayaashu,

5. Laba xafiis oo madaxdu fadhiisato iyo laba masquulood,

Waxa ku baxaya 67,000 Doollar,

6. Keenidda qalab TV-ga ah oo dhan 66,000 oo Doollar,

7. Hal baabuur oo Land Cruiser ah oo cusub oo dhan 45,000 oo Doollar,

8. Waab-hawleedyo (Workshops) iyo tababarro shaqaalaha lagu carbinayo agabka cusub: 62,000 oo Doollar,

9. Is-gaadhsiinta Istaraatejiga ah: 30,000 oo Doollar,

10. Lacag dhan 59,000 oo Doollar oo xafiisyada lagu qalabaynayo,

11. Kharashka lama-filaanka ah: 15,000 oo Doollar,

12. Mashaariicda IOM-ta oo dhan 100,000 oo Doollar oo u kala baxaya:

· Qolka shirarka ee shaqaalaha oo qaadaya ilaa 300 oo qof oo ay ku baxayso lacag dhan 60,000 oo Doollar,

· Agabka ammaanka ee kamiradaha iyo digniinta (alarm) iyo dab-demiska oo ay ku baxayso lacag dhan 40,000 oo Doollar,

Waxa kale oo intaa dheer laba Istuudiyo oo Idaacadeed oo cusub oo midna la socday Idaacadda cusub oo la rakibayba oo uu hawl-gal yahay, midna ay Wasaaradda ugu deeqday Hay’addii EDC oo keyd ahaan u yaalla. Waxa kale oo yaalla 15 Computer oo ay ku deeqday hay’adda BBC-du.

Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii shanta sannadood ee 2012ka ilaa 2017ka (Strategic Planning) oo aanu ku salaynay Qorshaha Horumarinta ee Qaranka iyo Higsiga soddonka sannadood ee soo socda ee Qaranka.

Qormadii: 5aad

Bishii Feeberweri 1987kii ayaa magaalada Harar ee dalkaa Itoobiya waxa lagu qabtay Shirweynihii 5aad ee SNM. Waa mar labaadkii Guddoomiye Siilaanyo la doortay. Hal-doorkii SNM ayaa goobtaa isugu yimid. Waxaan jeclahay in aan soo qaato ama soo xigto halkudhegyo ay halkaa ka soo jeediyeen qaar ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu fiicnaa SNM. Waa Mujaahid Danab Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine iyo Damal Cabdilqaadir Koosaar. Hal-muceedyadii maalintaa laga guntay ee aanu ka duubnay waxa ka mid ahaa kii Danab Aadan-Shiine ee ahaa:

“Waxaan soo jeedinayaa in aynaan khaldamin. Waa dagaal waxaynu ku jirnaa. Iskuma raalli-gelin karno waxa dhiig ku daadanayo. Halkan in aynu isku raalli-gelinno uma aynu iman.” Laaxin laga jari maayo. Dalkan uma wada joogno in aynu gefafka dhacaya ka aammusno oo isku raalli-gelinno. Maalintaana dhiig ayaa daadanayay, maantana dhiig la og yahay ayaa u soo daatay.

Bal hadda Mujaahid Damal Cabdilqaadir Koosaarna aan sunnaynno. Maalintaa isaguna wuxu yidhi oo laga guntay: “Anigu markan waxaan ku talo-bixinayaa: arrimaha aasaasiga ah ee Urur ahaan I noo haysta ee ay ka mid tahay dayaca aynu dayacaynno qalabkeenna ama qalabkeenna oo aynu si xun u isticmaalaynno…oo aan saydhaynno rasaas, raashin, dhar iyo baabuur ku ay tahayba iyo xubinta ‘mafhuumka’ ururnimadeenna iyo xidhiidhka maamulka……saldhigga iyo maamulka oo labada dhinac ah, in aynu arrimahaas culayska saarno sidii aynu wax uga qaban lahayn.” Bal maalintaa iyo maanta ka warrama. Hadda waa 1987kii. Xisbi iyo Xukuumad xidhiidhsan maantana ma haynno.

Bishii Maarj 19dii, 2012ka ayaan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta si rasmiya ula wareegayay waxaan idhi:

“Maanta waxaynu halkan u joognaa, si aan u tirsado xilkan culus ee Wasaaradda Warfaafinta. Halkan ama Wasaaraddan uma aan iman in aan ka shaqaysto. Halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in gaadhi ka iibsado. Uma aan iman in aan si kale ugu danaysto. Han garoocan idiin lama aan iman. Xaashaa! Gurmad ayaan idiin ku imid. Waajibkii Qaaxo iyo halgankii hubeysnaa isku keen baday ayaa maantana ii yeedhay. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayay. Mushaharka aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqaaladna ka bixiyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud, Siilaanyo, ayaa xilkan ii gartay oo iigu yeedhay, anna waan ka guddoomay. Waxaan uga oggolaaday aniga oo aamminsan in qaranku cid walba xaq ugu leeyahay in uu waajib ugu yeedho.” Ruuxaa iyo niyaddaa saafiga ah, damiirkaa xalnaa iyo qalbi-samaantaas ayaan ku hawl-galay, shaqaaluhuna igu soo dhaweeyeen.

Markii ay SNM Hargeysa soo gashay ee dalka la xoreeyay bilowgii Feeberwari 1991kii, waxaan ahaa Xoghayihii Warfaafinta ee SNM oo xubin ka ahaa Guddidii Fulinta ee ugu sarreysay ururkaa SNM. Dhul iyo guri midna kama doonan hantidii dawladda. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), laga soo bilaabo, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ iyo dhammaan intayadii Guddida Fulinta ka tirsanayd dhul iyo guryo-boobkaa kamaanu qayb-qaadan. Xaaraan maqdac ah ayaanu u arkaynay, ilaa maantadaa la joogana u aragnaa.

Markii aan maalmo xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta hayay, ayaan ku baraarugay in aanay dad badan oo xilal xukuumadeed haya iyo qaar dibadda ka joogayba jeclaysan magacaabistaydan. Waxa la ii sheegay in qaar subaxnimadii Madaxtooyada ku soo kallahay ay qarracmeen markii ay magacaabistayda arkeen. Maa daama ay kedis ahayd dad badani waxay iska jeclaan lahaayeen in ay sii ogaadaan si ay u hor joogsadaan. Waa dareenkii iiga muuqday xarumaha xukuumadda qaarkood iyo qofaf gaar ahba. Diidmadii ugu badnayd waxay iiga muuqatay Madaxtooyada. Si badheedh ah ayaa aniga iyo Wasaaraddaba wargeysyada qaarkood si joogto ah loogu caayi jiray, inta waxaa qorta ama ehelka u ahna lagu soo dhaweyn jiray, sidii waxay xukuumadda nafteedu is-dacaayadaynayso oo ay durbaan qaylo dheer is-daba sidato. Waxyaabihii ay ku faani lahayd ayay u muuqatay mid caydooda iyo ceebtooda soo dhawaysanaysay.

Dareenkaa la yaabka lihi mid aan qarsaday ma uu ahayn. Madaxweynaha oo ay ilaa saddex Wasiir la joogaan ayaan dacwaddayda mowduucaa daarraneyd u qaddimay oo ay ka garaabeen, bal se halkii kuma ay joogsan. Toban maalmood ma aan hayn xilka markii aan maalin barqadeed hor fadhiistay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aan u sheegay in aanan u haysan in uu I siiyay warqad-magacaabineed (Letter of appointment) bal se ay ahayd warqad dagaal-gelineed ama aan sidaa u qaadanayo. Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan dagaal-galo, bal se aanan qaadanayn xabbad Madaxtooyada laga soo rido oo aniga oo sii jeeda dhabarka la igaga toogto. Waxay igu kelliftay in aan aad ugu sii faah-faahiyo.

Qaar badan oo aan Madaxtooyada kula kulmi jiray waan ka xarragoon jiray in aan salaamo, maxaa yeelay sababta ay meesha u joogeen iyo ta aan u imid ayaa kala duwanaa aadna u kala fogaa. Bal hadda xusuusta hees-hawleeddii geela ee ahayd:

“Ragna dhuunuu,

Kuu dhex joogaa,

Ragna dhaqashuu,

Kuugu dhabar-jabay,”

Maalmihii ugu horreeyay ee aan dareemay sida xaal yahay ee aan loo wada socon, ayaan go’aansaday in aan Madaxweynaha la soo qaado xilalkaygu waxay yihiin. Waxaan ka shakiyay in wixii xumaadaba la ii aaneeyo. Waxaan go’aansaday in aan suntado xilalka ay tahay in la igala xisaabtamo. Maalin maalmahaa ugu horreeyay ka mid ahayd ayaan hor fadhiistay. Waxaan weydiiyay xilalkaygu ka wasiir ahaan waxay yihiin. Wuxu iigu jawaabay in aanay wax qoran oo qarqoorani jirin. Waxaan ku celiyay waan soo qoranayaa ee bal waynu ka wada-hadli oo wada eegi doonnaa. Sidaas ayaanu isku raacnay.

Waxaan u soo qoray warqad qabyo (draft) ah oo af-Ingiriisi ah oo ilaa 9 Qodob ahayd. Cabbaar ayaanu wada akhrinay aniga iyo Xoghayihiisa Gaarka ahi. Mabda’ ahaan waanu isla oggolaannay. Warqaddaa lama saxeexin in kasta oo aanay sidaasi ula-kac iyo niyad-xumaan ku dhicin. Xoghayihiisa Gaarka ah mar iyo laba waanu ka wada-hadallay. Bal ila eega waa kan nuqulkiiye:

Qormadii: 6aad

Madaxweynaha intan hoos ku qoran ayaan u soo jeediyay si aan xilalkayga u qarqoorto oo waxyaabaha la igula xisaabtamayaa iigu caddaadaan, muranna aanay u gelin, si aan la iigu xad-gudbin aniguna aanan cidna ugu xad-gudbin:

Draft proposal

Portfolio of the Minister of Information

  1. To run the affairs of the Ministry of Information including its five departments:

· Radio Hargeisa,

· Somaliland national TV,

· Dawan Paper,

· Somaliland News Agency,

· Training and Planning Department,

  1. To manage press releases and statements on behalf of the government,

· This includes statements concerning governments internal and external communications,

· This does not include specific issues mandated under the Presidency and each Ministry,

  1. To manage any other affairs as deemed appropriate by the Office of the Presidency including the coordination of activities relating to regional affairs,
  2. To coordinate with the activities of the non-state actors and other social groups,
  3. To manage and collaborate with private media both national and international,
  4. To draft media standards and laws to effectively govern state and private media activities and relations in collaboration with the Social Affairs Sub-committee of the House of Representatives, passing them to the council of Ministers for approval,
  5. To manage and appoint ministry and state media representatives for overseas and internal missions,
  6. Only at the request of the office of the President to review any and all statements,
  7. To be the official spokes-person of the government of Somaliland,

Muddo yar ka dib, bil ammaara markii wefdigii Madaxweynuhu ka soo noqday Dubai, ayaa si rasmiya warqaddan kore ee qabyada ah oo Madaxweynuhu saxeexay la I siinayaa. Waxa la I siiyay iyada oo af-soomaali loo tarjumay oo saxeexan oo lambarkii ‘borotokoolka’ leh oo Madaxweynuhu saxeexay. Is-beddelka keliya ee lagu sameeyay wuxu ahaa in af Soomaali lagu tarjumay. Halkan haddii aan idiin ku soo daabici lahaa waqti iyo meelba waa ay iga qaadanaysaa. Qodobka 9aad ee Af-hayeennimada ayaa wax laga beddelay oo waxa laga dhigay wax u eg in aan “xukuumadda daafaco marka loo baahdo.”

Waxba ma aan dhibsan oo Af-hayeennada xukuumadda ayaa iska badnaa kolka horeba. Curfiga caalamiga ah lama raaci jirin ee wax aanad garanayn oo qabyaalad ku fadhiya ayaa jawaabaha loo cuskadaa. Qof haddii uu xukuumadda wax ka sheego waxa loo dalbadaa Wasiirka ama Suldaanka reerkooda. Waa wax caynkaas ah oo isku cayn iyo beyd go’an. Dadka iska dhigaya in ay xukuumad daafacayaan wax ma soo qortaan ee sida dhaqanku yahay inta ay iska soo toosaan ayay iyaga oo aan ku talo-gelin qaybo saxaafadda ka tirsan u yeedhaan, markaas ayay waxay doonaan ku hadlaan. Saxaafadda qaybo ka mid ahina iyaga oo aan u diyaargaroobin oo aan macluumaad ku filan sidan ayay goobta iman jireen. Hoosta waxaan ka odhan jiray: “Ilaahow colkayaga col ku furo.” Haddii aad Wasiirka Warfaafinta tahay uma baahnid in aad hadashaba. Dad heegan ah oo darban ayaa hilimmada Madaxtooyada hoganaya oo sugaya oo keliya in la dalbado. Dadkii qaarkii meherad ayay u ahaydba.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa la igu soo kediyay oo la igu yidhi: “Miyaanad cidna u jawaabayn. Hebel baa hadlay, hebel kale ayaa hadlay iyo waxyaabo la mid ah.” Maalintaas ayaan idhi: “Bal kan ugu danbeeyay aniga ayaa u jawaabaya e’ ha la ii daayo.” Galabnimadii aniga oo guriga jawaabtii ku qoraya oo boggii labaad maraya, ayaa TV-gii waxa soo galay mid ka mid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha. Ninkii aan idhi aniga ayaa u jawaabaya, ayuu u jawaabay aniguna halkii ayaan qoraalkii ku joojiyay. Waxaan xusuustaa berri oo kale oo Khamiis ahayd ayaa arrintii lagu soo qaaday Golihii Wasiirrada iyada oo aniga la igu eedaynayay in aanan cidna u jawaabin. Aniguna waxaan isku barraxay: “Haddii cid kale oo dhami aammusto, aniga ayaa jawaabaya.” Madaxweynuhu arrintaa wuu ku qancay, waxaanu yidhi hadal u ekaa Boobe xilkaa wuu ka soo bixi karayaa. Bal yaa se aammusinayaa dadkan wada diyaarka ah.

Tilifoonnada lagaa qaban maayo. Wasiirradan aad xilalka wadaagtaan qaadi maayaan lambarkaaga iyaga oo garanaya in badanna Wasiirradu si rasmiya iyo si dadbanba waa ay uga cawdeen arrintaa foosha xun leh ee curyaaminaysa Golaha iyo wada-shaqayntiisaba. Ninba cid baa ugu daran/darneyd, anigu se inta ayaaman ayaan ku jiray runtii. Haddii laga tegi waayo waxa iigu xumaa oo markii danbe aan iska daayayba Samaale iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar. Beryihii danbe waxaan is-odhan jirayba malaha waxay moodayaan in aad shaxaadayso. Weliba, Samaale ayaa ka fiicnaa Maxamed Cabdillaahi Cumar. Tilifoonnada aan diro ee sida joogtada la iiga qaban jiray waxay ahaayeen: Marwada Madaxweynaha, Mudane Xirsi Xaaji Cali, Mudane Maxamed Carraale Duur, Mudane Sacad Cali Shire, Xoghaynta Madaxweynaha iyo dhowr Wasiir oo kale oo aanan aad u garaaci jirin. Intaa aan soo sheegay qabashada waxa u dheeraa in ay igu soo celin jireen haddii ay mashquul yihiin, abaalna waan ugu hayaa xaq-dhowrkaas. Wasiirrada aanan magacaabin ma aha in aan eedeynayo intooda badan. Waxa intaa ii dheeraa in uu Madaxweynuhu marka uu ii baahdo tilifoon igu heli jiray, aniguna mar kasta oo aan u baahdo ku heli jiray. Madaxweynaha Xafiiska iyo gurigaba marka aan u baahdo waan kula kulmi jiray, in kasta oo aan kulammada guriga door-bidi jiray. Waa ay ka deggenaayeen, jaanta iyo jabaqduna waa ay ku yaraayeen. Mahad iyo abaalna waan ugu hayaa isaga iyo intii ii fududayn jirtayba. Mar kasta buugga, qalinka iyo muraayadahaba diyaar ayuu la ahaa. Arrintan waxyaabo door ah ayaa u sabab ahaa.

Malaha waxaydin odhanba: “Sow tan ninkii la mustafeeyay.” Xaasha! Ballan-qaadka ayaa ahaa in aan runta iyo wixii dhabta ahaa ee jiray idin ku haasaawiyo.

Dadku waxay aamminsan yihiin in xilka la iga qaaday maalintii warqadda la ii qoray oo ahayd 29/8/2012ka. Xaasha! Waa ay ka horreysay. Tahan iyo wax badan ayay ka horreysay.

18/6/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, xilli galabnimo ah ayuu I soo garaacay nin aanu aad saxiibbo u nahay iyo weliba tilifoon-wadaag waayaha iska wareysata. Wuxu ii sheegay in Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta maanta la beddelay. Hadda waa warkii mefrishyada oo ka warramaya xaalado rasmiya oo ay ahayd in aanu wada-tashi ka gallo. Waa waxyaabaha ii iftiimiyay in aanan xilkii Wasaaraddaa si buuxda u wada haynin.

Waxan aan qorayaa cay iyo af-lagaaddo midna ma aha ugamana jeedo. Bal u fiirsada waxyaabaha aad ku sheekaysataan, ku hadaaqdaan, mefrishyada kaga haasawdaan ee aad makhaayadaha ku gorfeysaan. Bal u fiirsada luqadda aad ku hadashaan iyo siyaabaha qaawan ee aad wax u faallaysaan. Aniga taydu waa ay ka duwan tahay taas

oo taagtayda waxaan is-leeyahay aad wax ku saxdid. Waxaan doonayaa in aan idiin muujiyo in aynu qalinka iyo ereyga wax ku sixi karaynno. In kasta oo intiinna badani qormooyinkan xiisaysaan, waxa kale oo jira dad ila soo xidhiidha oo igula taliya in aanan waxaba qorin. Waxay igu yidhaahdaan tilifoon iyo e-mailba qaranniamada ha qaawinnin. Waxaan is-weydiiyaa kuwa boobka iyo gabbood-falka joogtada ah ku haya hantida iyo xeerarka dalka in ay la hadlaan iyagana iyo in kale. Iyagana waan u mahad-naqayaa, aniga se sidan ayay ii la ekaatay. Sharku haddan dabar iyo seeto loo yeelin, meel uu ku joogsado ma yeesho.

 

Qormadii: 7aad

25/6/2012ka ayuu Feysal Cali Sheekh xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejiyay nin cusub oo dhallinyaro ah oo aan hore shaqo dawladeed u soo qaban oo xilkani ugu horreeyo isla markaana dukaan farsamada tilifoonnada ah ku haystay faras magaalaha Hargeysa meel u dhow Boodhari Daryeel Dumar. Maxamuud Xaashii Cabdi, Wasiirka Duulista ayaa marka uu iga soo hor baxaba igu odhan jiray yarkii wax ma baranayaa. Kala haab! Show meeshu dadna Wasaarad ayay u ahayd dadka qaarkiina dugsiyo wax lagu barto oo laga soo aflaxo. Show qudhayda ayaa macallin ahaa, halka dadku wasiir iiga haysteen. Karis-xun iyaduna ku la’! Malaha odhaahda xaaladahan oo kale loo cuskan jiray ayaa caynkaas ahayd. CV-yada dadka ay xukuumaddu hawl-gelinayso qolannimada ayaa ugu mudan. Waxaan soo xusuustay tuduc ahaa: “Taana waan naqaannaa, Toobbadayna yeelkaa.”

Hadda reer walba nooc kasta waa laga soo helayaa ee bal adba garo’ waxa xukuumaddeenna indho-saabay. Dibudhaca jira xulasho-xumadana wax kaga dara.

Maalintaa Feysal Cali Sheekh xilkii laga qaaday ayaan xaqiiqsaday in aanan meesha sii joogayn, xataa haddii aan sidaa anigu sii jeclaysto. Waxa si cad iigu muuqatay in tallaabooyin kalena la qaadi doono. Wax-qabadkii aanu ka wadnay wasaaraddu halkaas ayuu ku joogsaday oo qaskii iyo wareerkii wasaaradda dibadda looga soo waariday ayaa bilaabmay.

29/7/2012ka: Ka dib markii uu ballan iyo laba aanu la lahayn nagaga baxay, waxaanu barqadii Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimayaashiisii kula kulannay Wasaaradda Maaliyadda. Anigana waxa ila socday mas’uuliintii maaliyadda iyo xisaabaadka ee TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Mowduuca dooddayadu laba qodob ayuu ahaa:

  1. Kab miisaaniyadeed oo dhammaa 1.2 bilyan oo Somaliland shilin ah oo Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Maxamed Xaashi Cilmi ku kabay Wasaaradda Warfaafinta 2011kii oo maantana loo baahan yahay, miisaaniyadda 2012kana aan lagu darin,
  2. Idaacaddii cusbayd oo aanu shidaalkeedu miisaaniyaddan 2012ka ku jirin sidii kharash loogu heli lahaa,

Arrintaa markii aanu Wasiir Samaale iyo xertiisii isla gorfaynay, ee ay faylashoodii baadheen waxay noogu jawaabeen waa gar, xaqna waad u leedihiin ee annagu kharash ma hayno. Waxaanu ka codsannay sidii kal hore dhacday ee Maxamed Xaashi Cilmi yeelay in ay warqad noogu qoraan Madaxtooyada si ay kharashkaas meel kale uga raadiso. Wasiir Samaale wuxu noogu jawaabay aniga ayaa Madaxweynaha afka uga sheegaya. Kal hore Maxamed Xaashi Cilmi markii ay xaaladdu halkaas oo kale joogsatay, warqad rasmiya ayuu u qoray Madaxweynaha, sidaas ayaana kabka lagu siiyay Wasaaradda.

Weedha ‘Waa gar’ ee Wasaaradda Maaliyaddu noogu garowday ayaa I soo xusuusisay ma-hadhooyinkii laga reebay awowgay Xaaji Abokor Axmed. Awowgay wuu lug la’aa oo waxa la ii sheegay in Turkigii toogtay, malahayga magtiisii dhawaan ayaanu doonan doonnaaye. Wuxu ahaan jiray af-hayeen garta niqiddeeda loo igmado. Qolo ayaa gar u kaxaysatay, isla markaana ka ballan-qaadday in ay abaal-marin u siin doonaan Baqal uu fuulo. Waa ay u keeni waayeen, marka uu weydiiyana waxay ku odhan jireen: “Waa gar.” Markii uu daalay ayuu ku yidhi: “Ma gar baan fuuli.” Waa tabta ay Wasaaradda Maaliyaddu noogu tidhi: “Waa gar.” Haddaba annaguna “Ma gar baanu shidan, oo shidaal noo noqon.”

30/7/2012ka subaxnimadii oo maalin Isniin ah ahayd ayaa 7.00 saacadood ee subaxnimo aniga oo gurigayga jooga ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrkii xidhay xafiisyadii oo baadhis ka bilaabay xafiiskii xisaabaadka iyo maamulka ee uu mas’uulka ka ahaa Xasan Maxamuud oo tan iyo xilliyo hore diiraddu saarnayd. Waa nin maalintii la I magacaabay Madaxtooyada la iiga sheegay in aan xilka ka wareejiyo, anna aan diiday waayo sabab aan ku eryo ma garanayn oo xilba lama aan wareegin siduu u hawl-galana ma aan arag. Ciddii eriga dalbanaysay waxaan ku idhi: “Ma kiisas uu galay intii iga horreysay ee Xaabsade iyo Geel-jire ayaan ku qaadaa illeyn xilba lama wareegin e’.” Markii aan xilka la wareegayba Xasan Maxamuud waan u yeedhay waxaanan u sheegay siduu u hawl-galo in aan kula xisaabtami doono. Nidarkaas ayaanu wada gallay, waanu ku hawl-galay. Xasan Maxamuud xadhiggiisa iyo erigiisa ma aniga ayaa la ila sugayay, laba sannadood oo hore miyaanu shaqaynayn!

Markii hore ama maalmihii horeba baadhis jihaysan oo Xasan Maxamuud oo keliya ku wajahan ayay ahayd in kasta oo la is-daba-qabtay oo maalmihii danbe la yar baahiyay. Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka mar ay saacaddu ku beegnayd 12.30kii saacadood ee duhurnimo Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka ayaa lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur.

1/8/2012ka: Maalmuhu iskuma jiraan e’ waa maalin Arbacaad. Kulan awliyo. Aniga oo xafiiskaygii goor barqo dheer ah fadhiya, ayay xoghayntii Madaxweynuhu tilifoon ii soo dirtay. La-ye Madaxweynaha ayaa ku doonaya. Anna xaggaa iyo Madaxtooyadii isku shubay. Madaxweynihii ayaan u galay. Waxa la joogay Xoghayihiisa Gaarka ah oo keliya. Mar danbe oo ilaa toban daqiiqo ka danbaysay ayuu Wasiirka Madaxtooyaduna soo fadhiisanayaa oo nagu soo biirayaa. Madaxweynuhu wuxu I weydiiyay sida xaalka Wasaaraddu yahay iyo Hanti-dhowrka galay. Arrintu aniga lur caynkaas ah iguma hayn oo meeshaba saddex bilood ayaan joogay.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa igu eedeeyay in aan suuqa iyo meelahaa ka idhaahdo Madaxtooyada ayaa Hanti-dhowrka soo dirtay. Aniguna waxaan odeyga u sheegay in aanay taasi dhab ahayn ee ay wararku u badan yihiin in uu Xirsi hanti-dhowrka soo diray. Waa sida la sheegay in laga soo bowsaday shaqaale wasaaradda ka tirsan oo xidhiidh la leh Madaxtooyada.

Waxaan kala hadlay inanka miskiinka ah ee Xasan Maxamuud ee la xidhay, waayo haddii meesha musuq ka dhacay mas’uuliin ka sarreysay ayaa jirtay.

Qormadii: 8aad

Dadka qaarkii ayaa moodaya in aan iska qorayo taxanahan. Warqadda xilka sida gardarrada iyo maagga ah la igaga qaaday waxa la ii dhiibay 29/8/2012ka, waqti ku beegnaa ilaa kowdii iyo waxoogaa. Dastuur ahaan Magacaabistayda iyo Xil-ka-qaadistaydaba waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo taa muran maanta ka taagani ma jiro. Markii aan gurigayga tegay ayaan tilifoonka qabsaday. Waxaan la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u sheegay hadalladan kooban:

· In ay warqaddii xil-ka-qaadistu I soo gaadhay oo aan uga mahad-celinayo,

· In aan mahad-naqayga iyo dareenkayga ku soo gudbin doono qoraal taxane ah oo in muddo ah socon doona,

· In aanan bulshadii rayidka ahayd dib ugu noqon doonin bal se aan ku sii jiri doono saaxadda siyaasadda ee uu I soo geliyay,

Intaa ayaanu isku ogeyn Madaxweynaha oo aan u sheegay oo anan ka qarin. Waxa se la yaab lahayd in deris-ku-nooshii dalqada indhaha ku lahayd ee hudheellada hoganaysay meelaha qaar ka lahaayeen hadallo aan fiicnayn ayuu Boobe Madaxweynaha ku yidhi. Waa se doqmo e’ yeelkood.

2/8/2012ka: Waa Khamiis Jimce ka ordaysa iyo kulankii Golaha Wasiirrada. Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd Xafiisyadii Wasaaradda ayaan kormeer ku soo maray subaxdii hore. Xafiiskii Agaasimaha TV-ga Qaranka markii aan marayay ayaan arkay nin aan ahayn Agaasimihii TV-ga Qaranka oo kurisgii Agaasimaha ku fadhiya. Waxaan weydiiyay sababta uu u fadhiistay kursi aanu xilkiisa hayn. Waa Agaasimihii TV-ga Qaranka ee Ingiriiska. Wuxu iigu jawaabay in uu isaguba xil hayo. Anigu waxaan u arkayay in aanu qof iska fadhiisan karin kursi aanu xilkiisa hayn. Ciidankii booliska ee Wasaaradda ilaalinayay ayaan u yeedhay oo aan ku amray in ay kursiga ka kiciyaan xeradana dibadda uga saaraan. Markaas ayay xertii uu ka midka ahaa is-doonatay oo ay Wasiirka Madaxtooyada Xafiiskiisii isku shubeen. Soomaalida ayaa tidhaahda: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.”

Maa daama ay Khamiis ahayd xaggii Shirka Gokaha Wasiirrada ayaan u kacay. Marwo Ifraax oo Xoghaynta Madaxweynaha ka mid ahayd ayaa iigu soo gashay qolkii Golaha Wasiirrada, waxaanay ii sheegtay in Madaxweynuhu i doonayo. Waan u tegay Madaxweynihii iyada oo ay la fadhiyaan Wasiirkii Madaxtooyada iyo afar Agaasime-waaxeed oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsani. Waxay kala ahaayeen: Guddoomiyaha Dawan, Agaasimaha TV-ga qaranka ee Ingiriiska, Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha Waaxda farsamada ee Radio Hargeysa. Intaasi dhinac ayay ka soo jeedday. Wasiirka Madaxtooyadu dhinaca kale ayuu ka soo jeeday. Waxa la isku soo kaxaystay in Madaxweynaha la iga ashkateeyo. Bal ka warrama dawladnimada iyo dhaqanka caynkaas ah. Weli sheeko iyo shaahid ma ku haysaan nidaamyadan casriga ah wax caynkaas oo kale ah oo ka dhaca. Aniga oo deggen oo xeerinaya xilka Qaran ee I saran ayaan Wasiirka Madaxtooyada ag fadhiistay oo ku idhi: “Waar Odeygu hawlo Qaran ayuu hayaa e’ waxan ha ku dawakhin ee xafiiskaaga ina gee.”

Wuxu iigu jawaabay Wasiirkii aan shaqadiisa u hagaajinayay: “Maya, kol haddii ay Agaasimayaashu halkan soo gaadheen, Odeyga ayay la hadlayaan.” Anna waxaan ugu jawaabay: “Bal soo roga togagga aad haysaan.” Waxoogaa buuq ah ayaa halkii ka dhacay. Hadalka wada saafi maayo e’, waan sar-ka-xaadinayaaye. Waanu murannay, ka dibna sidii aan sheegayay waxay sheekadii ku danbaysay in aanu xafiiskii Wasiirka Madaxtooyada isla tagno iyada oo aanu Madaxweynuhu wax amar ah arrinkoodii ka bixin aan ahayn ‘ha la wada shaqeeyo.’ Wasiirka Madaxtooyadu wuxu iga codsaday in aanan wax tallaabo ah nimankan ka qaadin inta baadhista hanti-dhowrku dhammaanayso. Wax badan oo kale is-ma aanu odhan, anna waayo-aragnimo hor leh ayaa ii korodhay. Aad ayaan ula yaabay. Waxaan si cad u ogaaday waxaan ku dhex jiraa wuxu yahay. Hadallada iyo mahadhooyinka idiin ma wada saafi karayo ee waan idiin sarayaa.

3/8/2012ka: Waa maalin Jimce ah. Habeennimadii ayaan Madaxweynaha anigu u tegay oo ku booqday gurigiisa. Dhaqanku sidii uu ahaa si ixtiraam leh ayaa la ii soo dhawayn jiray, waxaana la I fadhiisin jiray halka aan kula kulmayo. Inta aan sugayo waxa la ii keeni jiray koob shaah ah ama sharaab ah, hadba sidaan dalbado. Habeenkaa sidii dhaqanka ahayd ayaa la I fadhiisiyay. Dhinaca bidix ayaan badanaa ka fadhiisan jiray aniga oo bari u jeeda isna dhinaca koonfureed isaga oo woqooyi u jeeda. Habeenkaa in yar haddii aan fadhiyay, waxa ii soo galay Wasiir Duur oo isaguna ila fadhiistay isaga oo khamiis xidhan maa daama ay Ramadaan ahayd. Cabbaar ka dib waxa soo galay Wasiir Xirsi oo isaguna khamiis xidhan. Anigu macawis iyo cumaamad ayaan sitay.

Odeygii oo qalinkii, buuggii iyo muraaydihii sita ayaa soo galay. Cabbaar ayaa la iska haasaaway oo wax gaar ah lagama sheekaysan. Haddii laga tegi waayo markii uu Madaxweynuhu noo soo galay ayay is-taageen oo Mudane Madaxweyne ku yidhaahdeen. Anna inta aan is-taagay ayaan ku salaamay: “Mujaahid iska warran.” Wasiir Duur ayaa hoos iigu yidhi: ‘Ma sidaasaad u salaantaa?” Anna aniga oo saaxiibkay la kaftamayay, waxaan ku idhi: “Haa, waa inta aanu idin dheer nahay.”

Iskama aan iman meesha ee muraad aan Madaxweynaha u lahaa ayaan u imid oo u baahnaa in aanu keli isku noqonno sida ay aniga iigu muuqatay, saaxiibbaday oo aan uga soo horreeyay oo meesha yimidna garan waaye in ay noo faq daayaan. Markii aan waxoogaa fadhiyay, ayaan Madaxweynaha ku idhi: “Madaxweyne faq yar ayaan kula yeelan lahaaye, Wasiirradu ma ina fasixi karaan?”

Madaxweynihii inta uu aad u naxay oo afka gacanta saaray ayuu yidhi: “Ma Wasiirrada?” Aniguna waxaan ku celiyay: “Haa.” Isaga oo aan wax hadal ah odhan ayay labadii Wasiir kaceen. Markii ay naga yar fogaadeen ayaan madaxweynihii ku idhi: “Adeer, miyaad yar yaabtay?” Wuxu iigu jawaabay: “Haa.” Waxaan ku idhi: “Immisa habeen ama maalmood ayay kula joogeen annaga oo maqan oo weliba mararka qaarkood xaq u lahayn in aanu goob-joog ahaanno.” Intaa ka dib ayaan u sheegay wixii aan doonayay oo u raaciyay wixii immika ka danbeeya kol haddii aan ku sheegay ciddii aad doonto waad la wadaagi kartaa. Sidaa ayaan ku hoyday. Dhaqan ahaan aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, waxan caado u lahaa in aan ku idhaahdo “Adeer.”

Qormadii: 9aad
Badanaa sabab la’aan uguma tegi jirin Madaxweynaha, marka aan muraad u yeeshana haddii ay cidi noo faq-deyn weydo, waxaan dhaqan u lahaa in aan codsado oo cidda la joogat ku idhaahdo: “Hawl ayaan u socday e’, Odeyga noo yar kala baxa.” Waxaan u malaynayaa in habeenkaasi ahaa kii saddexaad ee aan sidaa codsado. Inta badan Xildhibaanno ayaan ka dhammaan jirin. Madaxweynaha, dan gaar ahaaneed, shaxaad iyo waxyaabo la mid ah weligay ugu ma tegin, Dan guud waxaan ahayn ulama tegin, inta la igu ixtiraami jirayna intaas ayay ahayd, sida aan is-leeyahay. Saacadda ma eegi jirin, laakin inta badan ilaa 20 daqiiqadood kama badsan jirin oo in aan daaliyo ama aan waqti ka qaado ma aan jeclayn. Cagtaydu kuma ay badnayn, kamana maqnaan jirin si aan la isugu kaayo dhufan. Qof aan I daa odhan weligay anigu xidhiidhka kama goosan, waaba se Madaxweyne. Habeen habeen ayaan ugu tegi jiray maaweelin iyo xusuus. Aad ayuu u qosli jiray oo mararka qaarkood aan ka baqan jiray in uu qosolka dheer ee aan kala go’a lahayn ku saxdo oo wax ku noqdo. Wuxu ugu fiican yahay mararka uu kelida yahay.
Madaxaweynaha anigu dhawaan ma aan baran. Waxaan aqaannay tan iyo waqti ku sinnaa 1976kii. Gurigii ummadda ee u ahaa Xarunta Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ayaanu ka wada hawl-geli jirnay. Fadhiyo iyo kulammo kaleba waanu isugu iman jirnay, gaar ahaan xilliyadii la aloosayay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Guri iyo xafiisba waanu ku kulmi jirnay. Tan iyo 1984kiina SNM ayaanu ku wada jirnay oo weliba kaalin-hoggaamineed kaga wada jirnay. Tan iyo 1991kii markii dalka la xoreeyayna ma aanu kala maqnayn ee si’ aad u dhow ayaanu u wada xidhiidhi jirnay ama iskaga war haynayba. Aqoontaas dheer ayaanu isu leenahay oo aan ku garanayo shakhsiyaddiisa dhabta ah is-na ku garanayaa qofka aan ahay.
Shaqaalaha wasaaradda cidi kama war hayn, anigana wax la igama weydiin jirin. Cid kale ayaa hawshaa u qaybsanayd. Shaqaalaha Wasaaraddu wuxu gaadhaa ilaa 375 qof, haddana waxa Madaxtooyada barriinsaday ee laga war-qaataa waa ilaa lix qof oo aan hawlahoodaba ka adkayn oo miciin biday in ay wasaaradda xeyndaabkeeda ka baxaan. Cidi wax ma weydiiso boqollaalka kale ee daacadda ah ee hawlahooda ku foogan. Mararka qaarkood ayaanu Madaxtooyada dalab u soo samayn jirnay, markaasaa naloogu jawaabi jiray uma baahnidin. Marka aanu sababta weydiinno si badheedh ah ayaa naloogu odhan jiray hebel baa noo yimid oo noo sheegay ama injineerkii ayaa sidaa yidhi. Waa dhaqammadii inta xero-weydaarka noqotay.
Kooxdaa Madaxtooyada ku xidhnayd sas iyo sakati ayay ku beereen wasaaradda iyo dadka ka hawl-galaba. Dadkeenna waad iska taqaannaan oo marka la yidhaahdo kooxdaasi Madaxtooyada ayay ku xidhan tahay cabsi ayaa meesha timaadda. Kooxdan xero-weydaarka ah ayaa mararka qaarkood laga yaabaa in ay shaqaalaha qaarkoodba ugu hanjabaan in ay eryi doonaan, sida ay ahayd xanta wasaaradda lala meeraysanayay.
Xaalado caynkaas ah oo aan loo dul qaadan karin ayaa iska abuurmay oo weliba dhiirri-gelin helay. Wasaaraddu hanti aan qof ahaan anigu lahaa ma ay ahayn. Hanti Qaran iyo hanti ummadeed ayay ahayd, haddana dhaqanku wuxuu ahaa sidii wax ay reer Aw Yuusuf Ducaale leeyihiin oo aniga la igu xumaynayo Marar badan ayaan is-weydiiyay sababihii la ii magacaabay kolka horeba.. Diidmooyinka iyo hor-joogsiyada aan maamulka kala kulmayay waxaan u arkayay in la doonayo in aan anigu fashilmo, bal se waxaanay kuwaasi ogeyn oo aanay dareensanayn in hay’ad Qaran oo ummadeed fashilmayso. Beryihii danbe waxaan xaqiiqsaday in ay sii joogistaydu hagardaamo ku noqonayso sii socodka hawlaha, maa daama taakuleyntii ay wasaaraddu u baahnayd ay qof ahaantayda ku waayayso.
4/8/2012ka: Waa Sabti oo waa tii aanu xalay Odeyga la joognay. Subaxnimadii hore waxa igu soo kallahay nin la yidhaahdo Cabdilcasiis Aadan Habbane oo loo yaqaanno ‘Siisto’. Wuxu ii sheegay in uu ergo yahay oo uu ka socdo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi. Wuxu ii sheegay Cabdilcasiis in uu Mudane Xirsi iga duubay hadallo aan tilifoonkayga kaga hadlayay oo isaga liddi ku ah. Sidaa darteed wuxu iga codsaday Cabdilcasiis in aan oggolaado in aan daw-bixiyo Mudane Xirsi oo haya faro ama ’iksibidh’ (exhibit) aanan dafiri karin. Wuxu intaa iigu daray in uu maanta Mudane Xirsi kula ballamay xafiiskiisa Madaxtooyada si uu cajaladdaa uu iga duubay u maqashiiyo.
Intiiba waan ka oggolaaday, waxaanu ii raaciyay marka uu Madaxtooyada ka soo noqdo ee uu cajaladdaa soo dhegaysto in uu I soo mari doono. Wuxu igu soo noqday ilaa kow iyo tobannadii, waxaanu ii sheegay in uu cajaladdii wax ka soo maqlay oo aanay firaaqo badan Xafiiskii Xirsi ku helin. Aniguna waxaan ku idhi marka aad ballanta soo xidhaan daw-bixiye ayaan ahay. Aniga hadalka la iga duubay haddii uu jiray iyo haddii aanu jirinba, dhibaato iguma hayn. Bal se waxa aan aad u dhibsaday tilifoon aan ku hadlayay cidda xalaalaysatay in ay duubato, oo weliba markan ah cid Madaxtooyada Somaliland mas’uul ka ah. Xuquuq dastuuriya oo aan muwaaddin ahaan u lahaa ayaan xaqiiqsaday in lagu gabbood-falay oo weliba ciddii ilaalin lahayd aanay dhowrin. Waxaan xaqiiqsaday jabkii iyo burburkii halgankii ka dhacay in aan waxbaba lagu qaadan oo dhaqannadii nidaamkii Siyaad Barre weli taagan yihiin. Waa markii iigu horreysay ee aan maqlo nin Wasiir ah oo ku dacwoonaya waxaan wasiir kale ka duubay ayaan soo bandhigayaa, ee ha laga gar-naqo. Saaxiibkay Xirsi gogoshaas iyo ballantaas midna ma dhigan. Ilaa maanta waa ay taagan tahay. Aniguna waxaan aamminsanahay kol haddii uu wasiirku yidhi wasiir kale ayaan wax ka duubay in aanay duubistaasi keligay igu koobnayn, bal se ay faro badan tahay meelo badan oo kalena gelayso.
Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 10.00kii saacadood ee barqannimo ayaan tagnay Xafiiska Wasiirka Madaxtooyada, halkaas oo aanu kaga wada-hadallay sidii loo maareyn lahaa arrimihii taagnaa oo ay ka midka ahayd sidii Xasan Maxamuud dammiin loogu soo deyn lahaa. Annaga oo sidaa Mudane Xirsi maalintaa mowduucaa uga wada-hadlayna, ayay Agaasimayaashii u soo warrami jiray qaarkoodna la ii sheegay in ay joogeen xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ay ka raadinayeen waraaqo ay Xasan Maxamuud ku soo eedeeyaan. “kala haab”, ma maqli jirteen!

Qormadii: 10aad

Haa….Show ilaa cabbaar waa aynu kala maqnayn. Qormadii 9aad iyo sidii aad u aragteen. Dhacdadii shalay ku soo noqo iyo duubisteedii. Waa meelaha muranku ka taagan yahay. Intiinna badani waxaad jeceshihiin in taxanahani sii socdo. In yar oo inaga mid ah oo aan weli go’aan qaadani waxay door-bidaysaa in la yar hakiyo. Inta hantida qaranka iyo boobka ku mamtay ee laasintay, taxanahan ma arki karto, aniguna macmiil ayaan leeyahay oo kuwaas iyo rabitaankooda ayaa I khuseeya. Kuwaas ayaan u dabranahay. Iyaga cid aan ahayn uma heellani.

Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, miyaanu odhan:

“Codkii dadka baahan,

Caroogga saboolka,

Adduunka ku ciillan,

Anaa cudha haysta,

Anaa Cabdillaahi,

Wargeys u ah caydha,

Caloosha danleyda,

Anaa cabbiraaya,

Anaa carrabkayga,

Xammaalku cabbaayo,

U-diiday Cir-weyne,

In aan ku casuumo,”

Bal hadda arrinta u fiirsada. Labadan docood ee soo socda ayaad u kala bixi kartaan: Nin ku andacoonaya in uu qof mas’uul ah wax ka duubay oo cabanaya kuna andacoonaya in laga xaal-mariyo. Nin kale oo xuquuqdiisii Dastuuriga ahayd lagu xad-gudbay oo isaga oo aan ogeyn wax laga duubay oo kii eedda ka galay xaal-marin iyo garawshiiyo ka rabo. Bal hadda akhriste labadaa dhinac mid is-taag. Sheekada oo dhami waa intan. Waa xaq iyo baaddi. Waa gar iyo gardarro ee mid garabka saar, Ilaahayna sidaas ayuu kugu abaal-marin doona

Kuma ayay tahay in uu aammuso oo dhunto? Aammus maanta inoo ma bannaana ee waa in aynu ka dul eedaannaa kuwa ugu dhaadheer buuraheenna oo dhawaaqa meel walba gaadhsiinnaa.

Cabdilqaadir Xirsi oo loo yaqaannay Yam-yam ayaa beri tiriyay maanso la magac-baxday ‘Dhuux-tagoogo.’ Ibraahin sheikh saleebaan oo loo yaqaannay Gadhle ayaa ku jawaabay tixda la magac-baxday ‘Tuhun-reeb’ oo tuduc ku jiray ahaa:

“Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid.”

5/8/2012ka: Waqti ama xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 2.00 saacadood ee duhurnimo, Maxkamadda Gobolka ayaa Xasan Maxamuud ku soo daysay dammiin uu ilaa maanta dibadda ku joogo, xilkiisiina uu kaga maqan yahay. Xasan Maxamuud waxay ahayd in la soo eedeeyo oo xilka laga qaado, ama sharaftiisa loo soo celiyo oo xilkiisiina loo dhiibo. Ilaa maantadaa aynu joogno kiiskaasi waa uu furan yahay oo Hanti-dhowr dacwaddii xidhay ama gebagebeeyay ma jiro. Bal is-weydiiya waxa Hanti-dhowrkaa loo soo diray ee uu ilaa maantada aynu joogno hawshaasi u laalan tahay. Waxay Wasaaradda soo galeen 30/7/2012ka. Ma Xasan Maxamuud ayuun baa shaqada laga joojinayay, mise Wasaaradda ayaa dhab ahaan loo baadhayay.

6/8/2012ka: Waa maalmihii ay Marwada Koowaad ku maqnayd London. Maa daama ay Ramadaan ahayd, macaankayga oo hoos u yar dhacayana aan dareemay, xilli ku beegnaa ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan gurigaygii tegay. Maalmahaa indhaha saxaafaddu waxay ku jeedeen wada-hadalladii Xaglo-toosiye ee Oog ka socday. Malahayga markii aan saacad badhkeed joogay gurigii ayaa wiilkayga Diiriye ii dhiibay tilifoonkaygii oo soo dhacay. Waan qabtay. Mise waa Madaxweynihii oo yar kacsan. Si deggan ayaan ‘haloo’ u idhi. Madaxweynuhu wuxu igu yidhi, waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamuud) la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay? Aniguna ma Xasan Maxamuud. Iyo haa. Intaa ka dib ayaan u sheegay in uu xafiiska u yimid si uu mushaharkiisii u qaato. Ka dibna Madaxweynuhu wuxu igu yidhi inta baadhistu socoto, shaqo ma qaban karo.

Sida aan wedkayga u hubo ayaan u hubaa in aanu Madaxweynuhu arrintan isagu dabo socon, bal se inta ku dhow ee uu aamminay ay dhaqammadan xeyndaabka qarannimo iyo madaxnimo ka baxsan iyagu ula imanayaan, halkii ay karaamadiisa, sharaftiisa iyo ta Qarankaba ka dhowri lahaayeen.

Xasan Maxamuud maalintaas ilaa 11.30kii ayuu xerada Idaacadda yimid, Madaxweynuhuna wuxu ila soo hadlayay saacad ka dib. Bal ka warrama! warka laga diray Idaacadda ee Madaxweynihii gaadhay ee uu ila soo hadlay. Intaan is-yar taagay ayaan maskaxda ka yar shaqaysiiyay, daqiiqadna iguma ay qaadan in aan suureeyo sida wax u dhaceen iyo sida ay wax isugu xidhmeen. Lambarka Madaxweynuhu igala hadlayay waan garanayay, cidda leh waan garanayay, qofka markaa gacanta ku hayayna waan garanayay. Raxantii Madaxtooyada ku xidhnayd mid ka mid ah oo aan hebel u garanayo ayaa tilifoon diray, kii ka qabtayna Madaxweynaha ayuu warkii u sheegay. Ninkan madaxweynaha warka gaadhsiinaya inta Idaacadda joogta qof keliya ayuun baa la hadli karayay, run ahaantiina kii baa la hadlay. Waa intaasba sida aan aamminsanahay ama ku suureeyayba. Lambarkii ayaan ilaa saddex, afar jeer dib u garaacay, waana la iga qaban waayay. Lambarkaa dhakhso ayaa la iiga qaban jiray oo waa tii aan ka mahad-celiyay, saranseerkani se wuxu dhacay intan lagu jiray hawl-galka TV-ga lagaga jarayay Wasaaradda Warfaafinta sababao dhaqaale awgood. Sidaas ayaan ku xaqiiqsaday qofkii markaa gacanta ku hayay. Qofka aan ka hadlayo intii aan karayay ee aan aniguna ku sarriiganayay idiin sawiray e’ aan ku soo xidho weedhaydan murti-dhaadhigii af-maalka waddaniga ah ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo e’, xaaladdahan oo kale wuxu odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se waa yaqaannaa.”

Halkaa sheekada u dhaafi maayo oo waa tii aan hordhacaygii ku ballan-qaaday in aan sarriigan doono.

Qormadii: 11aad

Hal ducasho iyo dihasho ku yimid oo aan halacsaday shalay, ma yar haadiyaa? Bal ka warrama xukuumadda hadalka u hollatay ee Sayid-gaab ka hillaac is-tidhi, Haatufna ka hoor, hungo qaawan in ay tahay, miyuu hadal ka joogaa. Aan tixdii ‘Daahyaley’ tuduc uga baadhno oo nidhaahno:

“Doqon yahay maseyrkiyo,

Danni lagu abuuree,

Deeqdii Ilaahay,

Deel-qaaf ka mudataay,

Adigiyo Dangaladaa,

Da’ kastoydin qooqdaan,

Waxa aydin dihataan,

Daratiyo ma caal baa,”

Akhristayaashayda sharafta leh ee dadka iyo dalkaba kalgacalka u haya iyo inta qarannimada danaynaysaba, waxaan marti uga ahay in aanay cidna u jawaabin. Innagu majare cad oo aynu danta guud ku daafacaynno ayaynu haynaa, kaas ayaa la inaga leexinayaa. Innagu qof uma jeedno, qolo uma jeedno, gobol uma jeedno. Waxaynu u jeednaa inta dal iyo dadba xumaynaysa. Sidii ku jirtay maansadii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay) ee Deelleeydii ka midka ahayd ee “Ka dartaye ma dibi baa” aynu nidhaano:

“Dalka kii xumeeyow,

Degdeg oo ha noolaan,”

Anigana Ilaahay intan ha iga dhaafo, qalinkeennaba ma geyaan e’.

Sow tii Mujaahid Macallin Gaarriye intii aanu hoyan inala sii dardaarmay ee inagu lahaa:

“Majaraan hayaa,

Duul hore u maray,

Ay mahadiyeen,”

Waxaan idin ka codsanayaa in aydaan leexan ee toobiyaha iyo tubta toosan haysataan. Intaa kore ee aan idin ka adeegsaday xagga danbe ayaan idiin kaga kabayaa, raalli ahaada.

Sheekadii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Xaaladda oo sida u laba-legdaynaysa ayaan 11/8/2012ka hawl ugu ambo-baxay Juba, xarunta Koonfurta Soodaan. Habeennimadaa aan baxayay Agaasimayaasha oo dhan Hotel Maansoor ayaan casho ugu sameeyay oo kula sii dardaarmay. Xilkii Wasaaraddana waxaan kaga sii tegay Agaasimaha Guud. Xertii Madaxtooyada ku xidhneyd ayaa isku maaweelin jirtay inta uu maqan yahay ayaynu wax walba beddelaynaa.

Warbixinta Juba: 12-15/8/2012ka

Lagama yaabo in badan oo idin ka mid ahi in ay xiiseyso sheekada Juba, bal se aan idiin ka dhaco. Dhinac kale ayaynu iska taagaynaa qaababkan dalka iyo dadkaba loo hoggaamiyo. Waab-hawleed (Workshop) saddex maalmood ah ayaan u tegay oo lagaga doodayay mowduuca ah: Koonfurta Soodaan maxaa lagu aqoonsaday ee Somaliland loo aqoonsan waayay? Si wanaagsan oo hagrasho lahayn ayay xukuumaddu ii sii mabo-bixisay, waanan uga mahad-celinayaa.

Mowduucaas ayaanu ka hadlaynay. Somaliland saddex qof ayaanu ahayn:

1. Ladan Caafi (aqoonyahan Soomaaliyeed) oo ka hadlaysay taariikhdii Somaliland intii 1960kii ka horreysay,

2. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay taariikhdii Somaliland: 1960kii-1991kii,

3. Aadan Xaaji Cali oo qaatay: Sababaha aqoonsiga aan loo helin,,

Waxa xusuus gaar ah mudan oo aan halkanna uga mahad-celinayaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo xilal wasiirnimo oo badan soo qabtay oo madashaa dood hodan ah kaga qayb-galay. Run ahaantii wax badani nooma suuro-galeen la’aantiis.

Aqoonyahanno kale oo caalamiya ayaa nagala qayb-galay doodda, waxaana madasha laga soo jeediyay waraaqo (papers) la falanqeeyay oo marka danbena buug ahaan u soo bixi doona dabayaaqada sannadkan.

Dal cusub oo ugub ah ayuu ahaa. Dal hodan ah oo dagaallo rigeysteen dibudhac badanina ka muuqdo. Laakiin rajo badan ayaa taallay. Jaaliyad reer Somaliland ah oo ilaa 200 oo qof gaadha ayaa ku sugneyd oo intooda badani shaqaysata. Waxa kale oo deggen jaaliyad reer Soomaliya ah oo aad u faro badan.

Waa meel u heellan Somaliland bal se la dayacay. 15/8/2012ka ayaan ka soo dhoofay. Bal se intii aanan soo bixin waxa ii suuro-gashay in aan la kulmo laba wasiir oo kala ahaa: wadaWasiirka Warfaafinta iyo ka Arrimaha Dibadda oo ka danbe aanu isku gacan-qaadnay qolka martida ee Madaarka Jubba.

Maaalintaa mar ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan Wasiirka Warfaafinta, Mr. Benjamin kula kulmay xafiiskiisa. Si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay oo aanay jabhadnimadii ka madhnayn. Biyo ayaa na loo soo dhigay iyada oo loo yeedhay raxan TV-ga ka socotay. Waanu isa salaannay, ka dibna fadhiisannay. In yar ka dib ayaan la soo qaaday Addis-ababa iyo goobihii Mujaahidiinta labada Jabhadood ku kulmi jireen, gaar ahaan bartii Idaacadda. Waxa kale oo aan la soo qaaday labadii af-garasho ee labadii Jabhadood ee SNM iyo SPLA oo kala ahaa 06 iyo 07. Mar kale inta uu is-taagay ayaanu isku dhegnay oo il-bidhiqsiyo xusuusannay maalmahaa dul saarka nagu ahaa.

Markii aanu hadalkii fadhiga ku dhammaysannay ayuu gacanta I qabtay oo igu idhi: TV-gana aynu farriin ka gudbinno.” Waan ka guddoomay oo aniga ayaa ku horreeyay oo ka sheekeeyay sababta aanu Juba u nimid iyo mahad-celin dawladda iyo dadka ah annaga oo soo wadaagnay halgan hubeysnaa oo aad u qadhaadhaa.

Ka dibna waxa makrifoonkii la wareegay Mr. Benjamin, waxaana hadalkiisii dhaabad u ahaa:

· Soo-dhaweyn uu na soo dhaweynayay,

· In ay Somaliland xaq iyo dawba u leedahay in la ictiraafo oo adduunyadu aqoonsato,

· In ay marti-qaad u fidinayaan wefdi rasmiya oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soodaan booqasho ku yimaadda,

· In ay diyaar u yihiin in ay Somaliland Juba ka furato xafiis diblomaasiyadeed,

Farriimahani ma aha qaar aan idinka uun idiin qorayo oo aan idin ku beer-laxawsanayo, bal se waa qaar aan Madaxweynaha u gudbiyay markii aan soo noqday. Maalmahaa aan Juba joogay ayay dawladda Muqdisho Safiirkeedii soo diratay oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay.

Qormadii: 12aad

Jaalliyadda reer Somaliland ee Juba ku nooli waxay ii sheegeen in ay diyaar u yihiin xataa in ay wax ka bixiyaan oo qaadhaamaan kharashka ku baxaya xafiiska wakiilka Somaliland ee halkaa loo soo diro. Mushkiladda ugu weyn ee haysatay waxay ahayd arrinta la xidhiidha baasaaboorrada oo haddii loo gurman waayo ay magan uga noqon doonaan Safaaradda Soomaaliya ee Juba.

Juba, waxa la ii sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland weli ka taagan yahay isaga oo ku dhex jira calammada adduunka. Waxa intaa la iigu daray in calankii hore googo’ay oo ay mid cusub ku beddeleen. Waxay jaaliyadda Somaliland ee Juba ku nooli aad uga xumeyd in aanay xukuumadda Somaliland xusuusan kana soo qay-gelin xuskii sannad-guuradii labaad ee looga dabbaal-degay Koonfurta Soodaan. Baasaboorka Somaliland Juba marti kuma aha cidina wax ku weydiin meyso ee shaabbadda markaaba waa laguugu dhufanayaa. Mujaahidiinta marka aad sheekada isla heshaanna, xaalkuba waa dhag oo is-af-garasho la yaab leh ayaa dhacaysa.

Dadku aad ayay u jeclaysteen wefdigii Somaliland ee ka qayb-galay dabbaal-degyadii maalinta xornimada ee Koonfurta Soodaan. Sidaas oo ay tahay haddana jaaliyadda Somaliland booqashadaasi xusuuso kale oo aan weli xiskooda ka tirmin ayay kaga tagtay oo ay tahay in duruus laga barto. Si habaqle ah oo aan habaysnayn oo aanay tirada iyo ujeeddada wefdiguba caddayn ayaa lagu tegay. Markaasaa meel la kala seexdo la waayay. Immika oo ay sannad jirtay oo aanu dabbaal-deg jirin ayaan Juba laga helayn meel la seexdo. Waa habaqlihii London lagu tegay habaqlihiisii. Biil-maalmeed iyo gacan-maris aabbihii goblamay ayaan dadkii looga taag-helayn, madaxdiina aanay ka joojinayn. Inta aynu dan gaar ahaaneed daba soconno, haddii aynu danta guud ka shaqayn lahayn maxaa inaga xumaan lahaa!

Markaa wefdi baa baxaya la maqlo ayaa Madaxaweynaha saf loo gelayaa oo mid waliba sheeganayaa sababo gaar ahaaneed oo ay tahay in wefdiga loogu daro. Cid dantii guud masilaysa oo wax kala hortaa ma jirto. In qofka maya lagu yidhaahdaa waa wax aad iyo aad ugu adag madaxda Qarankeenna. Sidaas ayay dantii guud ku luntay. Xataa mararka qaarkood dad aan dhoofin ayaa kharashka qaata oo aan cidina ka soo celin marka la ogaado in aanay meelna tegayn. Maxaad se kaga daali mararka qaarkood iyaga oo la og yahay in aanay dhoofaynba ayaa laga yaabaa in la siiyo e’. Wakiilkii Somaliland ee Juba fadhiisan lahaa muddo ayuu magacaaban yahay inta badanna waxaad arkaysaa isaga oo meelahaa meeraysanaya oo aanay cidina waxba u diranayn. Haddana sida la sheegayo ictiraafkii waa la inoogu maqan yahay, ictiraaf Jabhadda Koonfurta Soodaan xukunta ka dhowna garan maayo. Waa halkii Gaarriye e’: “Garo’ oo wax baa si ah.”

Booqashadii Koonfurta Soodaan intaa aan kaga baxno, waad u yar baahnaydeen nasashada iyo in aad dibadahana wax ka ogaataan. Sheekadaa an soo xidho.

Teennii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Qaylo-dhaantu ma yara. Dhawaaqyada ugu badan ee igu soo dhacayaa waa qaar loo xiddigiyay oo aan is-idhi xarafka ‘Ga’da ayaa loo irkaday. ‘E-maillada’ iyo tilifoonnada igu soo dhacayaa ee dhinaca inta taxanahan dhibsatay ka imanayaa, waxay u badan yihiin: Soo gaabi, soo gunaanad, soo gebagebee iyo waxaad haysaba mar soo wada genbi. Maanta heerka aynu marayno qofna iguma laha qoraalladan jooji, in kasta oo inta xumaha dalkan iyo dadkan jeceli joojintiisa u codeyn lahayd. Maxaa se idinka galay wax kasta oo ay la yimaaddaanba “Veto” ayaa la saarayaaye.

Anna waxaan ugu jawaabaa: “Maxaan soo genbiyaa maba aan bilaabin e’.” Inta saska iyo sakatigaba qabtaa waa inta u heellan hadimada iyo hagardaamada Qarankan aan weli la aqoonsan ee badbaadada iyo ilaalintaba u baahan. Ma waxay moodayaan in aan qalinka u qaatay ka-sheekaynta waxyaabihihii ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta? Sheekadu tahan ayay ka durugsan tahay. Dhaar iyo nidarba waa lagu maray. Dalka iyo dadka badbaadintoodii ayaa bilow ah. Ma aha maqaallo dhammaanaya iyo qormooyin la soo qarqoori doono. Xaalku waa geeddi-socod (process) bilaabmay oo qalin iyo qowlba ah. Haddii aan sidii Hadraawi iyo Gaarriye dabka ugu xiddigiyo, geeddi-socodkan sidan ayaan u sifayn lahaa:

“Murti gooli-baadhoo,

Gibil saran weeyaan,

Gudban iyo shax weeyaan,

Gunaad biiray weeyoo,

Gumuc lala dhacaayoo,

Umal gaaxday weeyaan,

Gubashiyo ladh weeyaan,

Gocashiyo dan weeyaan,

Gabay iyo xil weeyaan,

Bahal loo gabbanayoo,

Nin geddiis yaqaannaa,

U gurguuranaayoo,

Gaadaayo weeyaan,”

Hadda waxaanu xiganaynay maansadii Gol-janno ee Hadraawi. Ma gabay iyo geeraar ayaynu waayaynaa. Kuwii horaa buuxa, kuwo danbaa yaal, raadcaduna ma daallana. Abwaankii Cabdi Iidaan Faarax isagana waxa laga hayaa:

“Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo-jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka Qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

Waxaan soo noqday 26/8/2012ka ka dib markii aan hawlo caafimaad u soo joogay Addis-Ababa muddo oo geeridii Meles Zenawina nagu soo gaadhay. War iguma seegganayn Wasaaradda oo e-maillada iyo tilifoonaduba waa ay taxnaayeen, si fiicanna waa ay u xidhiidhsanaayeen.

Intii aan Addis-Ababa joogay ayaan ku war helay in Idaacad siddeedaad oo la jitaabiyay oo FM ah la dhex dhigay Radio Hargeysa. Idaacadaha rasmiga ah ee Wasaaradda u diiwaan-gashan ee sida rasmiga ah u dhex yaallaa waa: FM BBC, FM VOA, saddex FM oo dawladdu leedahay, laba hirarka gaaban ah (Short Wave) oo 100 kw iyo 25 kw kala ah oo ay iyagana dawladdu leedahay. Maalintii aan xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta tirsanayay, waxa xarunta diyaar ku ahayd in la rakibo Idaacad ay leedahay Star FM. Maa daama aanan haynin wax xeer ah oo fasaxaya Idaacado dalka laga furo oo weliba radio Hargeysa lagu dhex rakibo, waxaan ka talo-geliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu go’aaminnay in aan la rakibin. Sidii ayaan idaacaddii Star FM kaga saarnay Radio Hargeysa. Araajida lagu dalbanayo Idaacado cusub oo ay dadku furtaanna waa ilaa dhowr iyo toban codsi. Markaa anigu Wasiir ahaan ma aan oggolaan karayn in ay Idaacad kale timaaddo meesha. Xeerkii Idaacadahaa iyo furashadooda lagu maamulayay wuxu hor yaallaa Golaha Wakiillada.

26/8/2012ka: Madaarka Berbera ayaan ka soo degay galabnimadii aniga oo ka imid Juba, xarunta Koonfurta Soodaan iyo Addis-Ababa oo aan caafimaad u soo maray.

Qormadii: 13aad

27/8/2012ka:

Maalinnimadii:

v Waxaan subaxdii hore ku kallahay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta. Waqti ku beegnaa ilaa 7.30kii saacadood ee subaxnimo ayaanu bartaa ku kulannay Wasiirkii Wasaaraddaas, Sheekh Khaliil. Bariido ka dib waxaan weydiiyay wuxu ka og yahay Idaacadda FM-ta ee Radio hargeysa la dhex dhigay. Wuxu si deggan oo aan shaki lahayn iigu sheegay:

Ø In uu ka war qabo, uu ogaa in Idaacaddan Radio Hargeysa la geeyay oo lagu jitaabinayay,

Ø In ay ku talo galeen in ay noqoto Idaacatul-Quraan oo Quraanka lagu baahiyo,

Ø In ay Wasiirka Madaxtooyada ay isla og yihiin,

Ø In miisaaniyadda kal-danbe lagu dari doono oo xukuumaddu iibsanayso kol haddii la jitaabiyay,

Ø In ay damacsan yihiin in Idaacadda cusub maalin lala furo,

Wixii halkan ka danbeeya, Idaacaddan cusub ee la dhigay Radio Hargeysa waxay taxanaheennan inoogu suntanaan doontaa Idaacadda Siddeedaad.

Waxba kama waalin Sheekh Khaliil ee waxa keliya ee aan ku idhi waxay ahayd in uu si rasmiya u soo sharciyeysto Idaacadda oo aanay si dhuumasho ah Radio hargeysa ku gelin, inta uu sharciyaddaa soo samaysanayo ka horna laga dhex saaro Radio Hargeysa oo aanay saacad danbe sii dhex oollin. Waan ka tegay annaga oo sidaas ku heshiinnay. Bal ka warran adiga oo xarun aad xukumayso la soo dhigo Idaacad la hadli karta ilaa shacbi ku dhow milyan qof! Yaa mas’uuliyaddaa qaadaya. Alla inta dawladnimada laga garanayaa yaraa. Bad bad aan la gelin baa jirta.

Idaacadda haddi la oggolaadayba in ay dalka timaaddo sow meel walba laguma jitaabin karayn maxaa Wsaaradda Warfaafinta loo la soo doonanayaa?

v Laba ka mid ahaa Agaasimayaashii Waaxaha ayaan xilkii ka wareejiyay oo aan ku amray in ay u tiriyaan kuwa ku xiga. Agaasimayaasha aan xilalka u magacaabay mid waan garanayay oo Xuseen Cabdillaahi Deeqsi ayuu ahaa, ka labaad se weligay ma arag mana aqoon ee waxa la ii sheegay in uu ku-xigeen mas’uul ah yahay. Go’aankii Wasiir ee aan maalintaa soo saarayna waa kan ee iga guddooma:

REPUPLIC OF

SOMALILAND SOMALILAND

JAMHUURIYADA

Wasaaradda Warfaafinta Ministry of Information

& Wacyigalinta Qaranka & National Guidence

Contact address: 0025-2 523981, 00252-24240188/4424258/4142533;

Ref: 05/08/2012ka,

27/8/2012ka,

Ujeeddo: Go’aammo Wasaaradeed

Aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan ku soo saarayaa Go’aammo-maamul oo daarran dar-gelinta hawlaha Wasaaradda qaybo ka mid ah. Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in aanu hawada iyo saaxaddaba ka saarno hadal-haynta demi weyday ee lagu saydhinayo Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maamulka iyo hoggaanka Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtowdo in guulihii xukuumaddan dedaashay loo beddelo guul-darrooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro-ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha Wasaaraddan.

Go’aammada Wasiirka:

1. Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-ga Qaranka:

Soddonkii Bishii Juulay, 2012ka ayaa Hanti-dhowr ku waa-bariistay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, hawl-galkaas oo dhaliyay in Saldhigga kood-buur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii deysay dammiin. Intaa ka dib warqad u qoran sidii taararkii hore ayuu Hanti-dhowrku noo soo qoray oo ay ku sheegeen:

· Tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay,

· Iyo in aanu hawhiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhammaanayso,

Xasan Maxamed Maxamuud Xeerada Warfaafinta in uu soo galo wax fal-denbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu hawshiisii hore qaban ilaa inta ay baadhistu dhammanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taal ma aha, umana taallo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo arrin khusaysa ma aha. Waa hawl u taal Hanti-dhowrka iyo Garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal-fali doonaa wixii go’aammo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daama ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee Wasaaradduna u xannibnaan karin, waxaan si-ku-meel-gaadh ah xilkaa ugu magacaabayaa:

Maxamed Sheikh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa,

2. Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ah Madaxa Barnaamajyada ee TV-ga Qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga Qaranka,

3. Cumar Maxamed Faarax oo ah Tifaf-tiraha Wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay Guddoomiyaha Dawan Media group,

Aniga oo hawshoodii hore ay u soo qabteen uga mahad-celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba debecsan uga codsanayaa Madaxdii xilalkaa hore u haysay in ay Madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahadsan ugu danbeyn, 1da bisha Sebtember, 2012ka.

Waxa xilalkaa kala-wareejintooda u xil-saaran in ay fuliyaan Guddida hoos ku qoran:

  1. Cabdirashiid Jiibrii Yuusuf: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
  2. Siciid Aadan Cige: Agaasimaha Radio Hargeysa,
  3. Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,

Fiiro Gaar:

Baahida jirta awgeed, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Maaliyadda iyo Xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxu hawshiisa bilaabayaa berrito oo ay bishu tahay 28ka, Ogos 2012ka, haddii Eebbe idmo.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

Qoramadii: 14aad

Go’aammadaas ayaan qoray oo soo saaray war-baahinta dalka iyo dibaddana ku faafiyay. Labadan Agaasime ee aan beddelay waxay ku jireen awoodaha Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo waxay xilka ku hayeen Go’aammo uu saxeexay Geel-jire oo ahaa Wasiir iiga horreeyay Wasaaraddan Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Kama aan bixin xeyndaabkii awoodeed ee wasaaradda, sida laga yaabo in dadka qaarkii qabaan ama aamminsan yihiinba. Madaxweynuhu wuxu awood iyo mas’uuliyadba u leeyahay magacaabista iyo xil-ka-qaadista Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.

Bal hadda u fiirsada warqaddan digniinta ah ee Agaasimaha Guud mar hore ku abhinayay kooxdan ka baxday xeyndaabkii Wasaaradda.

Arrintan xil-ka-qaadista Agaasimayaashu ma ay ahayn mid aan ku degdegay. Kor iyo hoosba waan ula hadlay dadkan arrimihii Wasaaradda suuqa la galay. Digniin ayay ahayd aan uga jeeday in ay inta hadhay wax ku qaadato, waanay ku qaadan lahayd, bal se madaxdii Qaranka ayaan diyaar u ahayn hab-samaanta maamulka, oo aan filayaa in ay dhabarka ak taabteen.

Xilli aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa dhammaadkii bishii Abriil ayaan habeen Madaxweynaha kala hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka oo aan go’aansaday in aan xilka ka wareejiyo. Wax aan badnayn ayaanu ku yar murannay markii danbe se wuxu igu yidhi Wasaaradda adiga ayaa ka mas’uul ah ee waxaad doonto samee adiga ayaan kaala xisaabtami doonaaye. Habeenkaa waxaan u dhiibay CV-ga ninka aan u magacaabayay Agaasimaha TV-ga Qaranka. Maalin iyo laba ka dib ayaa culays xad-dhaaf ahi meelo kale iga fuulay oo la igu yidhi bal mar naga qallee. Qalad iyo qalad la’aanba, codsigaa waan oggolaaday. Aniga oo taa ka dhaqaaqayay isla markaana aan doonayn in aanu cid danbe muranno ama culaysba la I saaro, markan danbe Go’aanka inta aan qaatay ayaan qaybiyay, aniga oo aan diyaar u ahayn in aan cidna gorgortan kala galo.

Si aynu isula soconno oo isula jaan-qaadno bal aynu isla fahamno Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, dhibaatooyinka ama murannada ka taagan iyo waxyaabaha u sabab ah murannadaas. Si kooban in aan idiin ku sawiro ayaan isku deyayaa ee ial socda oo ha iga hadhina.

Tan iyo 1991kii waxaad maqlayseen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, xaqiiqada jirtaana waxa weeye Wasaarad jirta oo miisaaniyad loo qoondeeyaa ma jirto. Maxaa jira haddaa? Waxa jira laba qaybood oo la kala yidhaahdo Radio Hargeysa iyo TV-ga Qaranka. Xukuumadda Dhexe Miisaaniyad-sannadeedka waxay kharashka u qorshaysaa labadaa qaybood, waxa kale oo dhammina iyaga ayay hoos yimaaddaan, markaas ayaa la isku yidhaahdaa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Weliba inta badani Radio Hargeysa oo TV-ga ka miisaaniyad yar ayay hoos yimaaddaan. Markaad labada Miisaaniyadood is-ag dhigto tan Radio Hargeysa waxba ama aha, waxaana shilis oo wax lagu waday tan TV-ga Qaranka.

Markii dalka la soo gelayay waxa jirtay Waaxda Warfaafinta ee Ururkii SNM. Meey, 1991kii markii Burco lagu soo dhisay Xukuumaddii ugu horreysay, Waaxdii Warfaafinta ee SNM ayaa isu beddeshay Wasaaraddii Warfaafinta. Aniga ayaa ahaa Xoghayihii Waaxda Warfaafinta ee SNM oo xilkaa ku wareejiyay Cismaan Aadan Doo loo loo yaqaannay ‘Quulle’ Ilaahay ha u naxariisto e’. Halkii ay Waaxdaasi deggeneyd ayay Wasaaraddii Warfaafintu qaadatay.

Markii radio Hargeysa la dhisay ayay Wasaaraddii Warfaafintu u wareegtay xarunta Radio Hargeysa, sidaa darteed ayaa Wasaaradda lagu dul dhisay Radio Hargeysa oo Wasiirku fadhiisan jiray bartii uu lahaa Agaasimaha radio Hargeysa.

Markii aan Wasiirka ahaa mushaharka waxaan ka qadan jiray Radio Hargeysa, gunnadana Tv-ga Qaranka. Tusaale kooban haddii aan idin siiyo Wasiirka iyo Agaasimaha TV-ga Qaranku mushaharka wax caynkaas ah is-maba dheera, halka Agaasimaha Radio Hargeysa aanu wax caynkaas ah ka qaadan.

Radio Hargeysa waa idaacaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee la furay, ballaysinkeeduna wuxu ku beegnaa ilaa 1941kii. Hantida ugu qiimaha badan ama dhaxlka suugaaneed ee ugu qaalisani waa ka dhex yaal Qolka Keydka ee radio Hargeysa. Sidaa ay tahay agabka qiimahaa lihi wuxu marti u yahay TV la furay 2005tii oo marna laga jaro, marna lagu jilo. Waa nasiib. Ma is-tidhaahdeen waa hangoolkii lagama-maarmaanka ahaa habeenkiina dibadda lagaga seexanayay ee aan guriga meel ku lahayn.

Qormadii: 15aad

Aynu dib ugu noqonno raad-raaceennii taariikheed. Aynu ku noqonno magaalada Harar ama Adariba, hadba sida aad u taqaannaan. Waa Shirweynihii 5aad ee SNM oo ahaa mid aan caadi ahayn. Maxaa ka dhigay mid aan caadi ahayn? Shirweynihii 4aad ee caadiga ahaa ee SNM wuxu ku qabsoomay magaalada Jigjiga 6dii bishii Ogos 1984kii. Sidaa darteed Shirweynaha 5aad ee caadiga ahi waxay ahayd in uu qabsoomo bishii Sebetember 1986kii. Si aan dastuuri ahayn ayaa shir habaqle ah loogu qabtay magaalada Awaare. Waa bishii Juun 1986kii oo ku beegnayd beryihii Siyaad Barre shilka baabuur galay ee lagu daweynayay dalka Sucuudiga.

Dastuurka SNM wuxu qorayay in Golaha Dhexe ee SNM isaga oo ka shidaal qaadanaya soo-jeedin Guddida Fulinta ah uu dib u dhigi karo Shirweynaha Ururka muddo lix bilood ah. Golaha Dhexe wuxu ku go’aan-qaataa Kal-fadhi caadiya ama aan caadi ahayn. Golaha Dhexe marka uu go’aan-qaadanayo waa in uu fadhiyaa. Bal se maalintaa iyada ah oo aan Golihii Dhexe la fadhiisin (14 keliya ayaa goobta ku sugnaa) ayaa Xubnihii Golaha Dhexe mid waliba halkii uu joogay lagaga soo saxeexay si aan sharci ahayn, in muddo lix bilood ah Shirweynahaa 5aad dib loogu dhigo.

Haddaba Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine isaga oo ka hadlayay Shirweynahaa mar labaadkii lagu dooranayay Guddoomiye Axmed Maxamed maxamuud, Siilaanyo, waxaanu Shahiidku yidhi:

”Ilaaa laga bilaabo shirkii Awaare hadallo iyo dacaayad baa socota. Maamulkaa wada. Reer hebel ma dagaal gelayo ayaa socota oo Maamulkaa wada. Reer hebel baa ka soo hor-jeedsanaya oo inaga soo hor-jeedsanaya Maamulkaa wada oo waad wada og tihiin. Waxaad wada og tihiin in halkan la idinku yidhi ragga duday madaxtinnimo ayay doonayaan. Waar yaanu madaxtinnimada ka doonaynaa ee aanu ugu nimid ee aanu weydiisannay? Yaanu ku nidhi madaxtinnimo ayaanu doonaynaa? Waa kuma? Waar madaxtinnimo ma doonaynno oo ma doonaynno oo wixii doonaya na ma doonaynno. Waxaanu leenahay ayaanu xaqa inaga daboolin qof aynu leenahay madaxtinnimo ayuu doonayaa oo aan doonayn, ayuu xaqa inaga luminin. “

Isla maalintaa Koosaarna isaga oo dimuqraadiyadda ka hadlayay wuxu yidhi:

“Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama inaan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan inaanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamul na odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay mid na waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtu na waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.”

Bal hadda xaaladda wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta u fiirsada. Wax muran iyo dood ah kama maqallo Radio Hargeysa iyo Waaxyaha kale ee Wasaraaradda. Muranku wuxu ka dhacaa waa dheef iyo dhadhan. Miyaanay halhays inoo noqon ‘Hebel meel dhadhan leh noo gee.’ Ma aha wax lala kala gabbado. Intaas oo qof ayaan ka xishoon Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax caynkaas ah ula badheedha.

Sheekadeennii ku soo noqo. Hadal-haynta Wasaaradda Warfaafintu waxay ka timaaddaa waa TV-ga Qaranka, waxaanay sal iyo cidhibba ku leedahay dhaqaale. Dhaqaalahaasi laba ilood ayuu ka yimaaddaa:

1. Miisaaniyadda Xukuumaddu ay siiso TV-ga Qaranka, gaar ahaan qaybta ku beegan Laamaha Dibadda oo ay ka hawl-galaan qiyaas dhan ilaa 33 qof oo u kala qaybsama: Ingiriiska 14, USA 3 qof, Holland 1 qof, Norway 2 qof, Sweden 2 qof, France 2 qof, Djibouti 1 qof, Kenya 2 qof iyo Ethiopia 3 qof. Marka laga reebo dadka ku qoran dalalka Geeska Afrika oo midkiiba bishii loo diro 1,000$, inta kale ee Yurub iyo Mareykan joogta midkiiba bishii waxa loo diraa 1,400$.

2. Arrinta kale waa waxan loo yaqaanno ‘Satelite’-ka oo laba u kala baxa:

· Satelite-ka ‘Thaicom’ waxa heshiiskiisa la bilaabay bishii November 2010kii waxaana waqtigaa heshiiska u saxeexay Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Cabdillaahi Geel-jire, lacagta bil kasta lagu bixiyaana waa 37.767.56$. Heshiiskaasi ilaa maantadan aynu joogno waa uu taagan yahay waanu shaqaynayaa. Satellite-ka Yurub ee ‘Hotbird’ oo Heshiiskiisa la bilaabay bishii Ogos 2011ka, heshiiskaasna waxa saxeexay Wasiirkii iga horreeyay Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa igu maqaale ah in Wasaaradda Madaxtooyada iyo Baashe Cawil ka mid ahaayeen dadkii ka qayb-galay suurto-gelinta heshiiskan. Heshiiskan ‘Hotbaird’-ka waxa bishii ku baxaya 24,000 oo euro una dhiganta 33,600$.

· Intii danbe ee aan Wasaaradda imid Baashe wuxu ka mid ahaa dadkii ku hawlanaa in la jebiyo ama la buriyo Heshiiska lagula jiro Shirkadda ‘Thaicom’ oo min maalintii la I magacaabay ilaa maalintii aan xilka tirinayay la igu disayay in la beddelo. Qandaraaskaa lagula jiray ‘Thaicom’ Madaxweynaha iyo Madaxtooyaduba waxay u arkayeen in dhac iyo boob badan oo dul saar ahi ku jiray oo aanay dalka iyo dadkaba dani ugu jirin. Laakiin Wasiir ahaan waxba kama aan qaban karayn oo wuxu ahaa Heshiis uu saxeexay Wasiir iga horreeyay oo weli aanu xukuumadda ku wada jirnay, waqtigiisiina aanu dhicin. Waan se ku taageersanaa Madaxweynaha iyo ciddii kale ee danaynaysaba in la yareeyo kharashyada baxaya. Waxaan la yaabay waxay aniga nafta iskugu kay keeneen, ee ay Wasiirradii iga horreeyay ugu qabsan waayeen Heshiiskan ‘Thaicom’ lagula jiray. Bal adba! Ilaah baan ku dhaartee inta goor ee la igala hadlay in aanan tiro ku garanayn, hadda waa laga soo bilaabo maalintii xilka la ii dhiibay. Ereygii ugu horreeyay ee uu Madaxweynuhu arrintaa u adeegsaday wuxu ahaa: “Dhiig-bax ayuu Heshiiskaasi nagu yahay.” Waa maalintii ugu horreysay ee aan arkay markii la I magacaabay, marka uu Madaxweynuhu sidaa igu leeyahay. Waxaan is-weydiin jiray: “Tolow kuwii kaa horreeyay maxaa looga codsan waayay in ay arrintan dhammeeyaan oo sidaada oo kale dhiigga loogu yareyn waayay?”

Qormadii: 16aad

Waxa laga yaabaa in aydaan sidiisa u garan xigashadii aanu shalay ka soo qaadannay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo.

Damal Shahiid Koosaar xigashadiisii shalay waxay daarranaeyd marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taagersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Si fiican oo xogogaalnimo ah ayaan ula socday waxyaabaha wasaaradda ka socday iyo waxyaabaha waxyeellada ku ahaa hawlaha Qarankaba. Tan iyo maalintaa Heshiiska lala galay Shirkadda ‘Satelite-ka’ ee ‘Hotbird’ xafiiska Wasiirka Madaxtooyada iyo Bashe Cawilba waxa kale oo ay ku hawlanaayeen sidii loo beddeli lahaa Heshiiska ‘Thaicom’ oo London ayaa laga raadinayay meel looga guuro. Dhinaca London waxa hawshan kaga jiray Agaasimaha TV-ga Qaranka oo xidhiidh joogta ah la lahaa Madaxtooyada iyo Wasaaradda Warfaafintaba. Hadda in Xukuumadda kharashyada laga yareeyaa wax ceeb ah ma laha, aniguna waxba kama qabin, bal se qaabka wax loo beddelayaa mid muuqda ama xalliiban (transparent) waa in uu noqdaa oo la wada arkayo.

Maa daama aan Wasaaradda imid iyada oo ay xaalad caynkan ahi taagan tahay, aniguna dhinaca ayaan kaga qabtay. Haa……Wasiir Xirsi waan kala hadli jiray arrimahan la xidhiidhay sidii ‘Satelite’-ka ‘Thaicom’ looga guuri lahaa, bal se Baashe Cawil kalama aan hadli jirin kol haddii aanu jirin xil qaran oo aanu wadaagnay oo na kulminayay.

Maalmahaa maalin ka mid ah ayaa e-mailka dhinaca London Agaasimaha TV-gu iiga soo geliyay Heshiis la rabay in aan wasiir ahaan soo saxeexo oo la ii sheegay in Shirkad la yidhaahdo ‘RR Sat’ lala gelayo. Heshiiskii waan saxeexay, waxaanan ku celiyay Agaasimihii TV-ga Qaranka ee London aniga oo ogeysiiyay Wasiirka Madaxtooyadana.

Maalmo ka dib ayaa yaabkii iigu weynaa igu dhacayaa. Waxay ahayd in Heshiiskaas qabyada ahaa la ii soo celiyo iyada oo uu dhinacii kalena soo saxeexay. Waxba la ii ma soo celin. Dhowr maalmood ka dib ayaan si balaf ah ku maqlay Heshiiskii wuu hirgalay oo Baanka Dhexe ayaa lacagtii diraya. Anigu mar walba waxaan la taagnaa Heshiiska ‘Thaicom’ waxa laga baxayaa ama la jebinayaa oo keliya, marka ‘Satelite’ kale oo beddeli kara la helo. Maalin danbe ayaan Baankii Dhexe tegay. La-ye lacagtii Heshiiska ayaa la dirayaa oo hadhow Wasaaradda Warfaafintu bixin doontaa. Anna yaabay oo idhi: “Yaa amarkaa bixiyay.” Qoraal iyo af midna la ii sheegi waa, aniguna madaxdii Baanka waxaan u sheegay oo aan kaga tegay in aanay Wasaaradda Warfaafinta ee aan mas’uulka ka ahay Heshiiskan aqoonsanayn ilaa uu sharci noqdo oo uu dhinaca kalena soo saxeexo. Waxyaabahan sida caadiga ah aad ugu sheekaysataan ayuun baan idiin qorayaaye wax kale ha u qaadanina. Ma is-tidhaahdeen odeygu wuxu yar muujiyay dhego-adayg iyo debecsanaan la’aan aan loo baahnayn. Bal adba!

Been ku hadli maayo e’, aniga oo Juba iyo Koonfurta Soodaan jooga ayaan ka fekerayay in TV-ga laga hoos-saari doono Wasaaradda, ka dibna xaalku gawaan cidla’ ah noqon doono. Bal hadda sheekadan u fiirsada. Agaasimaha TV-ga Qaranka ee maanta xilkaa hayaa beri hore ayuu ka yimid dalka Ingiriiska. Waa waqtigii Hargeysa laga furayay Hargeisa International Book fair-ka (HIBF). Guriga shaqaalaha ayaan ku arkay ama kula kulmay maalmihii loo diyaargaroobayay oo ahayd bishii Juulay. Isaga oo laba bilood joogay Hargeysa gudaheeda ayaanan maalin keliya arkin ama aanu xafiiska iigu iman aniga oo Wasiir u ahaa, xaqiiqaduna waxay tahay in aan ugu magacawnaa bal se cid kale mas’uul ka ahayd una ahayd. Hadalka waxba intaa u dhaafi maayo.

Wuxu ninkaasi ka dhexeeyay Xafiiska Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka iyo Madaxtooyada gaar ahaan ninka Baashe la yidhaado. Shaki igagama jirin in uu jiray qorshe la fulinayay. Dhacdooyin taxan ayaa ii muuqday: beddelaaddii Agaasimaha Guud, Hanti-dhowrkii, Xadhiggii Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga iyo saansaan badan oo kale. Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka waa ay ku adkaatay in ay cid kale ku beddelaan, waayo cid kasta oo iman lahaydba waxay ahayd mas’uuliyad aan wasiir ahaan u lahaa oo aan la ii dhaafi karayn. Maxaa loo danaynayay TV-ga? TV-ga wax kale oo loo danaynayay ma jirto mana jiri karin oo aan ahayn dhaqaale. Halkii uu TV-ga Qaranku ka gargaari lahaa hay’ado warfaafineed, ayaa laga door-biday in ay qofaf ku danaystaan sida aan is-idhi. Hadda waa malahayga, in ay dhacdana la arkee. Xidhiidhadii e-maillada waxyaabo badan oo aan ka soo xigan karo ayaa jira oo aanan u hollanayn bal se ka sarriiganayo.

Bal hadda u fiirsada tiro-koobyada aanu hore idiin siinnay. Qaaradda Maraykanka saddex qof ayaa TV-ga Qaranka uga hawl-gala, magaalada Londonna 14 qof. Ma caqli baa? Oo miyaad ka siisanaysaan?

Radio Hargeysa haddii aad u baahato Jadwalka uu hawada ku galo, toddobaadkiiba mar ayaa la sameeyaa oo aad garanaysaa saacad kasta iyo maalin kastaba waxaad dhegaysan doonto. Halka TV-ga Qaranku aanu lahayn jadwal caynkaas ah, xataa mid maalinle ah. Shaqaalaha dibaddu waa 34 iyo 85 shaqaale ah oo gudaha Hargeysa iyo gobollada ka hawl-gala. Mushkiladduna ma aha shaqaalaha, bal se waa hoggaaminta oo tan iyo maalintii TV-ga la taagay aan wax hawl ah qaban, saacado ku soo hamaansaday oo ay si habaqle ah u buuxiyaan mooyaan e’. TV-ga Qaranka ma cid baa ka dareentay barnaamajyo naf leh oo shaqaalaha London ka hawl-galaa soo diraan. Halkaa qudheeda mushkiladdu ma aha shaqaalaha bal se waa hagidda iyo agaasinka. Waxa noo qorshaysnayd in shaqaalahaa la dhimo, hawl-gelintoodana la hagaajiyo. Far ayuun baan idiin daray, ee qabyada meesha taallay waa ay badan tahay.

Wargeyska Dawan waxa ka hawl-gala in ka badan 45 qof. Wargeysku ra’yal-caamka wax kama beddelo, dhaqaale ma soo hooyo. Bal hadda idinku sheega sababta ay u jirto. Waxaad ag dhigtaan kuwa gaarka ah ee afarta qof ka hawl-galaan. Bal adba! Mar kasta mushkiladdu shaqaalaha ma ahaa waayo wax badan ayaa lagu qaban lahaa, bal se hoggaamin iyo hal-abuur la’aan ayaa jirta. Hubsiino la’aanta iyo xog-la’aanta ayaa wax walba ka daran. Shaqaalahaasi waxay habi lahaayeen TV-ga iyo Radioga haddii la jihayn lahaa oo la hawl-gelin lahaa. Qorshe hawleed istaraatejiya oo shan sannadood ah ayaanu u samaynnay oo weliba xil-wareejintii ku darnay.

27/8/2012ka:

Habeennimadii:

Madaxweynaha ayaa ii yeedhay habbeennimadii sida aan ku helay farriin tilifoon ahayd. Aniga oo yar xanuunsanaya oo hargab kala imid Addis-Ababa oo roobbanayd, ayaan sii luuday. Dooddan iyo sheekadaniba waxay ka dhacayaa guriga Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxu la soo fadhiistay laba warqadood oo gacan ku qornaa, muraayadahii indhahana waa uu xidhnaa. Waxaan is-leeyahay warqaddu khad cas ayay ku qornayd, qalinna waa uu haystay, sidanna waxa u dhacay kulankayagii:

Qormadii: 17aad

Madaxweynuhu wuxu la soo fadhiistay laba warqadood oo gacan ku qornaa, muraayadahii indhahana waa uu xidhnaa. Waxaan is-leeyahay warqaddu khad cas ayay ku qornayd, qalinna waa uu haystay, sidanna waxa u dhacay kulankayagii:

v Aniga oo dareensanaa in uu habeen adag noqon doono, bariido ka dib aniga ayaa hadalka bilaabay, si aan bal jawiga caadi uga dhigay. Weji furan iyo dareen fayow oo sheekadaydii xiisaynaya ayuu igu qaabbilay, waanan uga mahad-celinayaa. Warbixin kooban ayaan ka siiyay safarkaygii Juba, koonfurta Soodaan iyo Itoobiya oo geeriyeysneyd,

v Madaxweynaha ayaa hadalkii la wareegay. Wuxu igu bilaabay isaga oo ilko-caddaynaya oo weji furan hadal u ekaa oo inankan Agaasimaha TV-ga ee Maaliyadda ahaa waxa la sheegay in adiga laguu mari la’ yahay. Aniguna si deggan ayaan ugu jawaabay:

· Madaxweyne, ogaantay arrintiisu Hanti-dhowrka Guud iyo Maxkamadda ayay u taallay oo wax midkeenna go’aan ka qaadan karo ma aha, aniguna Wasiir ahaan maanta si ku-meel-gaadh ah ayaan xilkii uga wareejiyay,

· Haddii kale Madaxweyne, yarku laf dhuunta gashay ayuu ku noqday maamulka e’, intaan xaflad ugu qabto Hudheellada mid ka mid ah aan shahaadooyin siiyo, shaqada in uu ka fadhiistana ka codsado,

Madaxweynuhu inta uu yar naxay ayuu igu yidhi hadal u muuqday, maya ee sidaas ha yeelin. Aniguna mowduucaa waxaan kaga baxay: “Haddaba Maxkamadda aan ka sugno.”

v Ka dib mowduucii adkaa ayaa bilaabmay. Waxoogaa su’aalo ah oo aan ii cusbayn oo in badan la I weydiiyay oo ku saabsan ‘Sattelite-ka’ TV-ga oo lacag badan laga qaado iyo sheeko lacago la lunsaday ku saabsan ayuu I weydiiyay. Anna waxaan u sheegay in aan meeshaba joogay oo aan xilka hayay muddo gaaban oo afar bilood ku dhow, heshiisyadan ‘Satetelite-kana’ uu saxeexay Wasiir iga horreeyay, heshiiskaasina weli taagan yahay. Arrintii lacagaha iyo xisaabaadka oo in badan soo noqnoqotayna, waxaan ku gaabsaday in ay fiican tahay in hanti-dhowrka iyo Maxkamadaha loo dhaafo. Waxaan amminsnahay in Madaxweynaha beryahanba lagu disayay musuq-maasuq ayaa Wasaaraddii Warfaafinta hadheeyay, si uu xidhiidhkayagu u xumaado, dan se kama aan gelin. Waxaan aamminsanahay in muddaba Madaxweynaha la liqsiinayay in Wasaaradda musuq-maasuq ka jiro, anigana inta badan waxa la igu odhan jiray Xasan Maxamuud ayaa loo jeedaaye, adigu ha is-mashquulin. Caqligooda ayaan la yaabi jiray. Oo Xasan Maxamuud miyaanu ka mid ahayn hawl-wadeennada Agaasimayaasha ah ee xilku iga saaran yahay. Sidee loo takooraa oo gaar looga dhigaa aniga miyuu iiga soocan yahay inta kale. Xasan maxamuud waxa intaa noo dheeraa in naloo aanaynayay in aanu Dila iyo Gebilay ka soo kala jeednay, taasina xaaladda degaan carqaladaynaysay. Dareenkaa Madaxweynaha kama aan qarin, waanan u sheegay wixii loo maagi waayay intii ay wasiirradii hore joogeen.

v Intaa ka dib Madaxeynuhu wuxu igala hadlay labadii Agaasime ee aan xilalka ka wareejiyay, isaga oo iga codsaday in aan ku soo celiyo xilalkoodii. In kasta oo muddo saacad ku dhow laga murmayay arrintaa oo hadalka la isku cel-celiyay, waxaan Madaxweynaha si qaddarin leh ugu sheegay in aanan go’aankayga ka noqonayn. Waxaan u sheegay in ay tahay awooddayda Wasiirnimo in aan amarradaa soo saaro, karaamadaydana aanay ahayn in aan ka noqdaa. Dooddii markii ay nagu dheeraatay, ayaan Madaxweynaha ka codsaday maa daama aanan go’aankaygii ka noqonayn, in uu isagu aniga xil-hayntayda go’aan ka gaadho, haddii kale aan anigu istiqaaladdayda soo qorayo. Tuduc Hadraawi lahaa ayaa igu soo dhacay oo odhanayay:

“Dhimashadau xabaal iyo,

Maro laba-dhudoodiyo,

Rubaddoo ku dhaaftiyo,

Iil dhexdiisa maaha,

Sharafkoo dhantaalmiyo,

Dhex-xumaanta weeyaan,”

Sidee ayaan ku oggolaadaa laba Agaasime oo aan warqad beddel ah u qoray oo war-baahinta gashay soo celi! Sharaftayda qofnimo ma aha. Sharaftayda wasiirnimo ma aha. Sharaftayda xubin xukuumadda ka tirsa ma aha. Sharaftayda halgamaa Mujaahid ah ma aha. Sharaftayda muwaaddin caadi ah oo reer Somaliland ah ma aha. Sharaftayda muwaaddin Hargeysaawiya ma aha. Sharafta xubinnimadayda aan kula shaqeeyo ee kula bah ahay Madaxweynaha ma aha. Dee markaa side ayaan ku aqbalayaa? Arrintani waa mid su’aal aan jawaab loo hayn gelinaysa cidda run ahaantii haysa mas’uuliyadda Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Ma Wasiirkaa xilka haya mise raxanta war-sheekada?

v Idaacadda siddeedaad: Mowduucani wuxu ka mid ahaa mowduucyadii aad iyo aadka xasaasiga u ahaa ee aanu Madaxtooyada habeenkaa kaga doodnay ama kaga murannayba. Markii aan u sheegay in aan toddoba Idaacadood Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kaga tegay haddana aan ugu imid Idaacad siddeedaad, ballanka Ilaahay labada dhaban ayuu gacmaha saaray isaga oo anfariirsan. Wuxu la soo booday: “Oo yaa leh?” Anna waxaan u sheegay in aanay Idaacaddan koontarabaanka ahi iyada oo lugeynaysa wasaaradda dhex tegin ee dad mas’uuliin ahi ay dhex geeyeen oo weliba xukuumadda uu madaxda ka yahay iibsan doonto oo miisaaniyadda kal danbe ee 2013ka lagu dari doono. Idaacadda aanu Madaxweynuhu ka war qabin, wasiirradiisa qaar ka mid ah ayaa og oo ka mid ahaa dadkii meesha dhigay iyaga oo kaashanayay dad aan xilkas ahayn oo xilal ka haya wasaaradda.

v Arrimaha kale ee habeenkaas la igu qabsaday waxa ka mid ahaa in mushaharka shaqaalaha TV-ga ee dibadda aan qofka mas’uulka ka ah u wada diro oo uu isagu sida ay ula muuqato ama uu is-yidhaahdo waa loo hawl-galayba ugu qaybiyo. London oo keliya ayay 14 qof ka qoran yihiin. Mushaharka qofka shaqaystay ayaa leh, anna waxaan ku adkaystay in aan qof walba ‘Account-kiisa’ Dahabshiil ugu shubayo, tirada shaqaalahana la dhimi doono oo ilaa 4 keliya laga soo reebi doono, isla markaana CV-yadooda la weydiin doono oo aqoon iyo waayo-aragnimo wax lagu xulan doono. Waa mar labaadkii aan Madaxweynaha iyo inta ku xeersan aanu mowduucan mushaharka qofka loo dhiibayo ka wada hadallo. Maalintii Mudane Xirsi iyo afarta Agaasime-waaxeed Madaxweynaha iga dacweynayeenna madashii waxaan ka caddeeyay in aanu Qarankan tamarta yari qaadi karayn 14 shaqaale oo London ka hawl-gala, isla markaana aanan mushaharkooda qof keliya ku hagaajinayn oo ay curfiga dawladnimo iyo nidaamka maamulka lacagta ka soo hor jeeddo. Waxaan u soo gaadhay haddii mushaharka shaqaalaha Madaxtooyada qof loogu dhiibo, waaba arrin la eegi karo, laakiin wax aanay iyaguba yeelin in aniga la igu dirqiyo ma ay ahayn.

v Habeenkan dheeraa, waxaan kala hadlay Madaxweynaha in aanan hawsha Wasaaradda ku wadi karayn is-bar-bar yaac iyo cid kale oo laga dhegaysto xaaladda iyo warbixinta Wasaaradda. Waxaan u sheegay in aanan dhaqanka caynkaas ah ee la caadaystay ku shaqayn karayn.

v Aad ayaan xanuunkii I hayay u dareemayay habeenkaas, Madaxweynuhuna markii uu xaaladdaydii arkay ayuu igu yidhi orod iska hoyo. Dabayaaqadii dooddaa, waxa nala soo fadhiistay Madaxweyne-ku-xigeenka oo aan waxba nagu darsan maa daama aanu hadalka horraantiisii ogeyn. Waa sida aan is-idhi. Sidaa ayaan ku hoyday aniga aad u daallan.

Maxaa intaa ka danbeeyay? Waa inoo berri haddii Eebbe inagu simo.

Qormadii: 18aad

Waxaan jecelahay in yar oo aan idiin soo sheeko-dhaafay in aan dib ugu noqdo. Maalintaa ay taariikhdu ahayd 27kii Ogos ee aan qoray warqaddii aan ku beddelay labadii Agaasime-waaxeed, sidii dhaqankooduba ahaa raxantii Wasaaradda Warfaafinta xero-weydaarka ka ahayd, waxay isku shubeen Madaxtooyada. Barqadii waxa halkaa tegay saddex ka mid ah Agaasimayaashii Waaxaha oo kala ahaa: Axmed Saleebaan oo ah Agaasimaha Waaxda Farsamada, Khadar oo ahaa Agaasimihii TV-ga qaranka ee London iyo Dhuxul oo ahaa Agaasimihii TV-ga Qaranka. Sida aanu wararka ku helaynay, Agaasime Khadar oo keliya ayaa la sii daayay oo Madaxweynaha ugu tegay gurigiisa. Khadar keli ahaantii sababta loo sii daayay waxa loo aanaynayaa isaga oo xidhiidh aad u dhow la leh Baashe Cawil oo uu Madaxweynuhu soddog u yahay. Habeennimadii 27kii Ogosna Madaxweynuhu wuxu ii sheegay in maalinnimadii uu qof keliya arkay, mar aan ka dacwoonayay dadkan shaqaalaha ah ee ay ku qaabbilayaan Madaxtooyada, kaas oo aan anna u qaatay in uu Khadar ahaa. Waxaan amminsanahay warqaddii khadka cas ku qorneyd ee uu habeenkaa Madaxweynuhu ila soo hor fadhiistay in uu Khadar u tebiyay waxyaabihii ku qornaa oo aan ahayn wax igu cusbaa. Waa sida aan is-leeyahay ee weliba ay una badnaan karto.

Arrinta kale ee xusuusta iyo hoos-ka-xarriiqa mudani waa ka-war-hayntii Mujaahid Faadumo-cawo ee waxyaabahan dhacayay. Mujaahid Faadumo-cawo waayo-aragnimo badan ayay arrimahan aan ku jiro ku qabtay, aadna waxay u taqaannay dhaqammadayda. Tusaale ahaan mararka ay tilifoonnadu igu soo dhacaan inta badan waa ay garataa halka ay ka yimaaddeen iyada oo aan maqlayn.

Habeenkaa 27kii ogos markii tilifoonka Madaxweynuhu igu soo dhacay waan ag joogay xaaskayga. Sidii dhaqankuba ahaa markii aan lambarkii I soo garaacay arkay, ayaan qolkii hurdada degdeg ugu dhaqaaqay aniga oo intii aan sii socday hadalka gaaggaabinayay si aan la ii maqal. Markiiba waxay garatay in tilifoonku meel sare ka yimid. Qolkaygii hurdada waxaan ka soo baxay aniga oo suudh xidhan oo isu diyaariyay in aan Madaxweynaha la kulmo. Waxba kama qarin ee waxaan u sheegay in Madaxtooyadii la iiga yeedhay. Si fiican ayay ula socotay xaaladda taagnayd iyo waayaha aloosnaa ee ku xeersanaa Wasaaraddii aan ka hawl-gelayay.

Markii aan habeennimadii soo hoyday ee aan qolkii hurdada galay ayay igu tidhi: “Bal ii warran, sidee wax u dhaceen? Intii aad maqnayd oo dhan ma hadal baad ku jirtay.” Waxaan ugu jawaabay: “Haa Odeygii iyo baanu wada-hadlaynay, waxaanan u malaynayaa in uu ilaa xad wax iga qaatay.”

Mujaahid Faadumo-cawo, waqti badan kuma ay qaadan in ay dareenkeeda iyada oo qanacsan I siiso, waxaanay igu tidhi habeenkaas: “Xataa haddii uu qancay, waa lagaaga danbeynayaa oo warqaddi eriga berri ama saad-danbe waad helaysaa.” Waxay intaa ii raacisay: “Goor baas ayaad u tagtay, waynu se ka reysan doonnaa.”

Habeenkaana sidaas ayaan ku seexday aniga oo dareensanaa in culays badani iga dhacay.

28/8/2012ka:

v Kala-maan! Subaxnimadii markii aan xafiiskaygii soo galay ayaan wareystay in Idaacaddii Siddeedaad Radio Hargeysa laga saaray iyo in kale, waxaana la iigu jawaabay in ay weli dhex-taal xarunta. Heer ayaan gaadhay aan Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Sheekh Khaliil ka codsado in uu xafiiska Wasaaradda Warfaafinta iigu yimaaddo, maa daama aanu shalay ballan ku kala tagnay. Markii uu Sheekhu ii yimid, waxaan ku idhi: “Fadlan Idaacaddan Siddeedaad iiga saar xarunta Wasaaradda oo adba Wasaarad ayaad leedahay e’ taada geyso.” Waxa kale oo aan u caddeeyay in aanan diyaar u ahayn in aan arrintan saxaafadda u baahiyo, bal se waqtigan aan isku koobi doono in aan isaga codsigaa u sameeyo. Waxaan u arkayay in ay halis ku ahayd ilaa maantana ku tahay ammaanka iyo nabadgelyada qaranka. Bal ka warrama Idaacad la jitaabiyay oo hadlaysa oo wasaarad aad mas’uul ka tahay wasiirro kale soo dhex dhigtaan. Miyaanay halis Qaran ahayn? Wuxu iga ballan-qaaday in uu maalinta Sabtida oo ay bisha Sebtember 1da tahay ka qaadi doono, maa daama uu magaalada ka maqnaa Injineerkii meesha dhigay. Oo Injineerka ma waxaad moodaysaan mid Wasaaradda dibaddeeda ka yimid. Ninkan aynu ka sheekaynaynaa waa ninka mas’uulka ka ah mishiinnada laydhka ee Wasaaradda Warfaafinta oo ilaa lix mashiin gaadha. Bal ka warrama xil-qaadka iyo xil-gudashada caynkaas ah! Waa wiil yar oo aan maqlay in aanu xataa Injineer iyo wax u dhow midnaba ahayn. Waa wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay xabsiyada Ingiriiska oo halkan loola soo cararay, sida aan maqlay, lala doontay xilkan halista ah ee qarankana halbowlaha u ah. Waa mashaakilka ugu badan ee haysta hay’adaheenna qaranka. Marka aanu qofku aqoon iyo waayo-aragnimo lahayn, ayuu dhaqannadan aan ka sheekaynayo naf moodaa, sidaana dantii guud ku burburtaa. Wax lagu faano ayay noqotayba ‘Madaxtooyada ayaan ku xidhanay ama hebel ku xidhan yahay.’ Waxaan garanayaa maalmo aanu aniga iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaraddu ka dalbannay in uu warbixin qoran naga siiyo xaaladda mishiinnada oo aanu ugu taag weynay. Waa ninka ay Wasaaradda Madaxtooyadu nagu odhan jirtay ‘Injineer’ Axmed Saleebaan ayaa noo sheegay in aydaan mishiinkaa u baahnayn. Bal ka warrama dee! Nasiib-wanaagga Sheekh Khaliil, nasiib-darradayda ama nasiib-darrada Qarankaba kii ay doonto ha haato e’, Arbacadii oo ay bisha Ogos ahayd 29ka, 2012ka ayaa xilkii Wasaaradda si rasmiya la iiga qaaday. Wasiirkaasi ballankiisa ma fulin, bar halis ah oo xarunta Wasaaradda ahna waa ay ku xeraysan tahay Idaacaddii Siddeedaad ee koontarabaanka ahayd. Waxay dhex taal qolka uu ku rakiban yahay baahiyaha TV-ga Qaranku oo mas’uuliyaddisu aad u xaddidan tahay. Anteenadeedu waxay ku rakiban tahay oo ay sida dhillowyahanka ugu maran tahay ‘Anteenada’ TV-ga Qaranka. Markii hore intii aan Juba ku maqnaa ayaa Anteenada Idaacaddan Siddeedaad lagu maray Anteenada Idaacadda FM-ta ee VOA-da oo cabasho ka dib laga furay ama rogayba. Haddii baahi dawladeed loo qabo maxaa loo adeegsan waayay shanta idaacadood ee ay dawladdu leedahay ee meesha ku rakiban? Laba hirarka gaaggaaban ah iyo saddex FM oo dawladdu leedahay ayaa yaal ee maxaa looga baahan yahay miinadan Wasaaradda la dhex dhigay. Shaqaaluhu waxay u yaqaannaan ‘Fanji’ oo af Amxaari ah lana macno ah miino. Waad la yaabaysaa mararka ay ka sheekaynayaa. Waxay yidhaahdaan: “Fanji” baa la keenay. Waa ta halkaa la sii sido. “Fanjadii” waa la rakibay. Waa la jitaabiyay. “Fanjidii” way hadashay iyo wax la mid ah.

Qormadii: 19aad

v Weli waxaynu ku irnaa 28kii Ogos 2012ka. Subaxnimadii hore Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa tilifoon ii soo diray. Wuxu igu yidhi arrin degdeg ah ayaa jira ee ii kaalay ama aan kuu imaaddo. Si dhiillo leh ayuu ii la hadlay, anna waan iska fahmay in ay sheekadii xalay tahay. Aniga ayaa xafiiskiisa ugu tegay. Wuxu ii sheegay xalay markii aanu Madaxtooyada ka baxay in ay isaga iyo Samsam halkii aan ka kacay soo fadhiisteen oo ay mowduucii sii wadeen. Waxa kale oo uu intaa igu daray in Madaxweynuhu soo faray in aanay arrintu codsi ahayn, bal se ay amar tahay oo la iiga baahan yahay in aan ku camal-falo, haddii kale isku-dhac imanayo. Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaan ka yaabay. Waxaan aad ula yaabay isku-dhacan uu qofka iiga dhigay ee uu igu leeyahay haddii kale wuu imanayaa. Maxaa isku-dhacba keenay? Awooddaydii xileed ee Wasiirnimo ayaan adeegsaday oo aan laba Agaasime xilkii kaga qaaday. Wasiirku subaxdaa wuxu igu yidhi maxaad labadan nin u sheegaynaysaa maad kuwii aafadan dhigay eridid. Anna yaabay oo idhi: “Oo kuwee?” Ku-ye mushkiladdan waxa u aabo ah dad aan guriga iyo Madaxtooyadaba ka bixin. Wuxu ku daray intaa hore in xataa hanti-dhowrka ay iyagu u yeedheen. Waxaan la yaabay wuxu hadda iigu sheegayo. Wasiirku waxa kale oo uu igu yidhi nimankan aad xilalka ka qaadday magacaabistooda waxa iska leh Madaxweynaha sida uu xalay noo sheegay, bal se markan wuxu u wakiishay Wasiir Geel-jire. Waan la yaabay, hoosna waxaan isku idhi oo Wasiirku ma wuxu moodayaa in Mudane Siilaanyo aanu hadda is-barannay. Si qabow ayaan ugu jawaabay. Waxaanan ku idhi Madaxweynahana Korneyl iyo Janan amarro bixiya midna kuma aan ogeyn, anigana askarinimo iguma uu ogeyn, arrinna wuxu iga taagan yahay halkii aanu Madaxweynaha xalay ku kala tagnay.

Sidii ayaan kaga baxay. Laba iyo saddex jeer oo kale ayaan Wasiirka tilifoon kula soo hadlay bal in uu jawaabtii Odeyga gaadhsiiyay iyo in kale. Maya, ayuu intiiba igu soo celiyay. Waxa isku kay qaban waayay sidii dhiillada lahayd ee uu saaka subaxnimadii ii la soo hadlay iyo sida aanu Madaxweynaha war ugu celin. Run ahaantii, aniguna markii danbe waxaan ka shakiyay in ergo ahaan loo soo diray iyo in kale oo Odeyga naftisii ayaan la hadlay si aannaan isu seegin ama sidii Wasiirkuba sheegayay aannaan isugu dhicin, tiisaba aan raacee.

Ilaahay ha u naxariisto e’, Cabdi Iidaan Faarax ayaa maansadiisii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ tuducani ku jiray:

“Damacdaba an raacnee,

Doontaba an yeellee,”

Intii aan ka hawl-gelayay Xukuumadda ayaan bartay in isku-dirka iyo war-sheekadu door la yaab leh ka qaataan isa-seegga madaxda qaranka, hagaaska iyo habacsanaanta ka muuqata hab-sami-u-socodka hawlaha qaranka. Sidaa darteed ayaan Madaxweynaha ula hadlay si uu toos ugu helo ra’yiga aan qabo oo aanay cid kale iiga tarjumin oo aanay war aanan qabin ama odhanba ugu gudbin.

Waxa kale oo si cad iigu muuqatay in aanu Wasiirkan ila soo xidhiidhay iyo ku kale midnaba ergo noqon karayn. Maxaa yeelay, marka aynu ergo ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa qof u kala ergayn kara laba qof oo arrin dhex maray oo labadaba dhex u ah. Bal se dhaqan ahaan iyo Islaam ahaanba Wasiir Madaxweyne ka socdaa kama ergeyn karo Wasiir kale oo ay Madaxweynihiisii arrin isku seegeen. Sidaa darteed ayaanan ugu qanacsanayn in Wasiirku ergo ahaa bal se aan u arkay nin la iigu soo dhiibay farriin.

Markii warqadda xil-ka-qaadista la ii soo qoray ayaa dhowr meelood la iiga sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu lahaa: “Isagaa qaldan, miyuu amarka Madaxweynaha qaato.” Oo anigu ma in aan isaga ahay ayuu moodayaa.

v Isla subaxnimadaa 28kii Ogos, waxa isaguna igu soo kallahay Guddoomiyaha Dawan oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay. Wuxu iga codsaday in aanu Sabtida sugi karayn ee xilka laga wareejiyo ilaa berri. Waxaan u sheegay sidii go’aanku ahaa in ay Sabtida u soo diyaar-garoobaan xil-wareejinta. Sidaas ayaanu ku kala tagnay. Markii aan Wasiirka Arrimaha Dibadda ka soo baxay, aniga oo Cisbitaalka Guud hor maraya xilli ay saacadduna ku beegnayd ilaa 10.300kii saacadood ayuu Guddoomiyihii Dawan I soo garaacay, waxaanu igu yidhi:

§ Wax xil ah oo aan wareejinayaa ma jiro sidii aan saaka kuu sheegay,

§ Dagaalkaygii aniguna immika ayaan bilaabayaa,

§ Hooyadaana u sheeg,

v Waxba uma celin oo aan ahayn: wax kasta oo aad samayn karto samee, laakiin hooyo-caygaa dhaqanka kuu noqday waad qoommamayn doontaa,

Qedadii markii aan gurigaygii tegay oo ah halka ugu asturan ee aan Madaxweynaha kala hadli karo, ayaan tilifoon u diray oo aan u sheegay:

· In ay arrintu halkii xalay taallo oo aanan go’aankaygii ka noqonayn,

· In aan Agaasimayaasha aan beddelay dhabarka laga taaban oo aan lagu odhan xilka ha tirinina, sida dhacday ee immika mid ka mid ahi ii sheegay. Waxaan intaa ugu daray in ay qarannimada iyo dhismaha hay’adaha qaranba ay wax yeeli doonto.

· In aanan go’aankaygii beddelin ee uu warqaddiisii xil-ka-qaadista soo qoro ama aan tayda soo qoro, waxaanu iigu jawaabay: “Degdeg ayaad jawaabta u helaysaa.” Aniguna waan u mahad-celiyay.

Labada Agaasime-waaxeed go’aanka aan xilalka kaga wareejinayay waxaan siiyay barqadii ay bishii Ogos ahayd 27ka. In kasta oo meelo badan laga soo sheegay in ay aamminsan yihiin in xilku meerto yahay oo ay wareejinayaan oo xataa mareegta caynabonews ay wareysi caynkaas ah siiyeen oo aad ilaa immika ka dhegaysan kartaan, haddana 28kii bishii wixii barqadii ka danbeeyay waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hanjabayeen in ay shir-jaraa’id qaban doonaan. Arrintaasi wax saxaafaddu moogtahay ma aha oo inta jeer ee loo yeedhay waa ay garanayaan. Waxa la yaab leh waxa ay sheegi lahaayeen.

Qormadii: 20aad

Malahayga waxay ila tahay in aynu ka yar dhaqaaqno halkan aynu joogno, si aanay inoo soo halabsanba inta garashadu halka ay taagan yihiin dhigtayba. Miyaanu hal-abuurkii waddaniga ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax tixdiisii taariikhiga ahayd ee ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ ku xardhin:

“Dabro-celinta leexada,

Kolka la isku deel-wadho,

Hubka culusi deeddamo,

Darandoorri loo rido,

Dul-ka-xaadsi laga tago,

Afarrey nin daaqsaday,

Lixley kuma dagaallamo,

Laga durug hoggiisii,

Wax la tegay Dagaarida

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) Maansadiisa qaaliga ah ee Gol-janno tuduc ku jira ayaa odhanaya:

“Haki Maxamed Geenyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

Intiinna laga yaabo in Af-soomaaligu ku adag yahay, tuducan sare wax kale ma sheegayo oo aan ahayn: “Mowduuc kale ayaan gelayaaye, in yar ii dul qaata, meeshana kama madhna in la soo rogaal-celin doono, taas oo iyaduna .”

Inta aan xilka la iga qaadin, bal aan in yar dib idiin celiyo oo aynu ku noqonno SNM iyo xaaladihii ay ku sugnayd beryaha qaar. Waxaan doonayaa in aan laba arrimoodba idin dareensiiyo:

  1. Ururkii SNM waayihii uu ku sugnaa iyo sidii ay u dhaqmi jireen hay’adaheedii hoggaamintu gaar ahaan Golihii Dhexe oo wax badan ka fog kana duwan ururrada iyo Xisbiyada maanta jira oo aynu wax yar ka maqallo Shirweyne, Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed oo shir loo qabtay,
  2. In aynu daalacanno qaabkii hoggaamineed ee Madaxweynaheenna maanta, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo shan sannadood iyo badh ah soo hoggaaminayay SNM,

In Urur ama Xisbi la hoggaamiyaa, macno badan ma sheegayso, bal se waxa wax badan sheegaya qaabka wax loo hoggaamiyay: Ma mid taban ayuu ahaa mise mid togan. Waa halkan halka ay murtidu jiiftaa. Qormadaydan 20aad iyo Qormooyin door ah oo ku taxan oo xigaba, waxa raad-raac iyo xigashaba u ah Hadal-qorkii (Minutes) Kal-fadhigaa 1aad ee Caadiga ahaa ee Golihii Dhexe ee SNM oo bishii Maarj 1987kii ku qabsoomay Xaruntii SNM ee magaalada Diridhabe.

Bisinka iyo Yaasiinka qabsada haddaba, suumankana xidha oo ka durduurta waa tii aad wax badan u harradanaydeen e’. Abwaankeenna weyn ee Hadraawina waxaynu ka haynaa:

“Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira,

Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane,”

Kalgacalka aan idiin hayo awgeed ayaan Geeddigan aan maanta idin raray uga soo min-guuriyay Xusuustayda Halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd oo la yidhaado: “Dharaaraa na soo maray.”

Ma malayn karaysaan inta ay igu qaadatay in aan ka tashado in aan Geeddigan idin raro oo aan idiin ka soo garooco Geeddiyaal weli dihin oo aan ifkaba arag, dhaayana cidiba saarin. Yaanan dhareerka idin ka dhammayn e’ xejista lambarka.

Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM:

(Maarj, 1987kii, Diridhabe)

Sheekh Yuusuf Cali Sheekh Madar, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ oo ahaa Guddoomiyihii 2aad ee SNM ayaa marka uu maqlo Heesta Cabdi-qays ee ‘Hargeysaay ha dhicin, ha dhantaalmin weligaa’ odhan jiray: “Tan Hees iyo lama yidhaahdo e’, waa Munaaqibkii Hargeysa.”

Haddaba Qormooyinkan aan idiin galay immika, waxay leeyihiin astaantooda ee aan xuso Shahiid Axmed Maxamed Warsame (genius) oo tuduc ballaysin inoo noqda ka soo qaato maansadiidiisii dareenka mujaahidnimo ku dheehnaa ee Dhayalsi, oo idhaahdo:

“Waa Dharaaro yaabloon,

Ka dhammaan agtaydiyo,

Dhacdo waayaheedaba,

Nin kastoo dhegaystaa,

Dhabannada la haystee,

Dharaaraa na soo maray,’

Sida ku qeexnayd Dastuurka, dhaqanka ururkana ahayd, marka Shirweyne xidhmo dawgu wuxu ahaa in la isugu yimaaddo Kal-fadhiga 1aad ee Golaha Dhexe. Maa daama sidaa lagu dhaqmi jiray markii Shirweynihii 5aad hawlihiisii dhammaystayba intii aan Hararba laga soo bixin ayaa loo ballamay in Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM la isugu yimaaddo magaalada Diridhabe oo ahayd xaruntii maamulka ee Ururka.

Inta badan Kal-fadhiyada Shirweynaha xigaa ma yeeshaan Ajende ballaadhan, maxaa yeelay arrimaha intooda badan waxa lagu gorfeeyaa, go’aammana lagaga gaadhaa Shirweynaha. Laba hawlood ayaa kal-fadhiyada caynkaas ah dhaqan u ahaan jiray in ay qabtaan:

  1. Qabyo-tirka Habka Xeerka Dastuurka (Procedures/Regulations) oo Shirweynuhu u soo igmado si uu Kal-fadhigu Dastuurka u waafajiyo,
  2. Dhismaha Guddiyada Fulinta iyo Joogtada, Taliska Guud iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee ururka,
  3. Iyo wixii Qodobbo kale ah ee markaa taagan ama ahaa xaal-xaal uu waqti u waayay Shirweynihii,

Qormadii: 21aad

Inta aanan Qormadaydan 21aad bilaabin, aan mar kale idin ka codsado in aydaan dan ka gelin cidna, oo aydaan u jawaabin. Meel ayaynu ku jeednaa qof iyo qolana uma jeedno. Intiinna qalinka haleelaysaa diyaar-garooba oo sida daadka u soo rogmada maalinta ay maqaalladaydu joogsan maayaan e’ ay yar hakadaan.

Kal-fadhigu intii aanu furminba waxa ka hor-timid mushkilad lagala soo guuray Shirweynihii oo aan la iska hubsanba markii go’aanka laga qaadanayay. Shirweynahaa 5aad waxa la tirtiray oo meesha laga saaray jagadii Guddoomiye-ku-xigeenka ururka. Sidaas oo keliya ayaa markaa loo arkayay, waxa se soo baxday in Guddoomiye-ku-xigeenka ururku isla markaana ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Kal-fadhiyada Golaha Dhexe. Bal adba! Si uu u furmo Kal-fadhigu waa in marka hore la doortaa shir-guddoonka oo uu ka magacawnaa oo keliyi Guddoomiyaha oo Shirweynihii lagu soo doortay. Shir-guddoonku wuxu ka koobnaa: Guddoomiyaha, Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Golaha Dhexe.

Kal-fadhigu wuxu ka furmay Diridhabe 21/3/87kii. Xoghayihii Golaha Dhexe aniga ayaa la ii doortay, Ibraahin Meygaag Samatarna Guddoomiye-ku-xigeenka Kal-fadhiga oo markan oo keliya ah, bal inta maaro loo helayo mushkiladdan jagada nagu soo bannaanaatay ee aannaan ka fiirsan markii la go’aaminayay.

Raalli kama aan ahayn in xilkaa Xoghayaha Golaha Dhexe la ii doorto oo eedeyntiisa ayaa badnayd. Kal-fadhigani intii uu socdayna tiraba laba jeer ayaan diiday ee Golaha ayaa iga aqbali waayay, anna markii danbe waxaan go’aansaday in aan lambarka xejisto. Cod ayaa la geliyay istiqaaladdaydii, waxaanu codkii u dhacay sidan:

In aan hawsha wado:

Oggol: 23 cod,

Diiddan: 5 cod,

Aammus: 2 cod,

Waxay arrintii ku dhammaatay hawsha oo aan sii wado iyo Guddoomiyaha oo yidhi: ”Waxaan qabaa in Golaha Dhexe Guddi u saaro, marka aynu dhammaynno hawlaha Guddida Fulinta.”

Shaqo xun oo aan nebcahay ma ahayn, bal se waxay ahayd hawl muhiim ah oo xiiso leh. Iyada oo hawl badnayd ammaano iyo xafidaad badanna u baahnayd ayaanu ururku u hagar bixi jirin. Wixii qoraal, ajende iyo go’aammo aad Shirweyne ama Gole Dhexe u qaybiso cidina ma xafidi jirin. Mid waliba hudheel ama mefrish uu ku qayilay ayuu waraaqaha kaga tegi jiray. Markii uu u baahdo ayuu koobi kale soo doonan jiray. Muran baa bilaabmi jiray waad qaadatay iyo maan qaadan. Beryihii danbe waa laga saxeexi jiray. Gef qof sameeyay haddii ay ku dhintaan toban qof laba Cali is-ma weydiin jirin, erey hadduu qaldamo ama Idaacaddu weedh aan saxnayn sii dayso cirka iyo dhulka ayaa isku dhegi jiray. Dhinaca kale markaad iska taagto xafiisyada maamulku waxaad u baahato kuma ay siinayn, haddana waxay doonayeen in ay wax waliba si qumman u socdaan.

Markii shir-guddoonkii la dhisay, waxa lagu horreeyay oo maalmo lagu jiray is-waafajintii Dastuurka iyo Habka Xeerka Dastuurka iyo qodobbo kale oo la xidhiidhay hawlaha ururka. Waxa ka mid ahaa Xoghayntii Taakuleynta iyo Gaadiidka oo la raaciyay Waaxda Ciidammada Xoreynta. Waxa looga gol lahaa Xoghaynta Ciidammadu si ay hawl-gal u noqoto inay gacanta ku wada hayso oo ay amarkeeda ku baxaan saddexanka ah: Ciidammada, Taakuleynta iyo Gaadiidka. Fikrad fiican ayay ahayd, maxaa yeelay intaasiba gacmo kala duwan ayay ku jireen, waanay kala hadhi karayeen iyada oo loo baahnaa in ay is-raacaan. Dood kulul ayaa arrintan ka dhacday, markii danbena cod baa lagu kala baxay. Maamulku wuxu doonayay in aan la isku darin Waaxahaa saddexda ah, colka ka soo hor jeedayna waxay doonayeen in la isku daro. Wax la yaab leh arrintani ma ahayn oo maamulku xilal badan oo uu dadka u qaybiyo ayuu doonayay ama door-bidayayba.

Shirarku sidoodaba hawlo badan ayay qabtaan, markaynu se dareenkeenna eegno Soomaali ahaan innaga shirarku waxay I noo la macno yihiin doorasho. Hawlaha kale oo dhan dan laga magalo. Waxay I nagaga dhegtaa yaa la dooranayaa? Dastuur, Barnaamaj Siyaasiya iyo Go’aammo kale midna dan kama gallo. Maalmaha shirarka dooduhu jiraan madashu way madhan tahay, maalmaha wax la dooranayana mid aan ergey ahayn ayaad khaati ka joogsanaysaa oo odhanaya codka ayaan dhiibanayaa.

Waxa xataa la yaab leh dhadhanka aynu u leenahay dadka la dooranayo. Sifooyinka aynu dadka ku dooranno weynaan ayaa ku jirta oo aan ahayn da’da bal se mararka qaarkood dherer iyo buurnaan loo noqdo. Way adag tahay nin gaaban oo jimidh yar sida loo doortaa.

Aniga oo shirka shir u aqaan una aamminsan ee aan doorasho u aqoon, ha I la yaabina haddaan doorashooyinka ku yara hakado. Waa meelaha ururka ay wax badani kaga xumaadeen. Kala-qaybsanaanta iyo kala-tagga SNM-na meelaha uu ka soo ambo-qaadayaa waa halkan.

Doorashadii Guddida Fulinta:

Guddoomiye Siilaanyo, wuxu caado u lahaa in uu dhowr maalmood yidhaa wada-tashi ayaan ku jirayaa si aan Guddida Fulinta u soo dhiso. Axaddii, 29kii Maarj, 87kii, barqadii ayaan soo maray barxadda Kaara-mardha oo ah Hudheelkii Guddomiyuhu deggenaa. Waxaan daadahaynayay yarkayga Colaad. Siilaanyo waxa la fadhiyay Shakiib Cabdilqaadir oo malahayga wada-tashigii ayay ku jireen. Shakiib ayaa kacay, markaasaan Guddoomiyihii bariidiyay. Wuxu igu yidhi: “Wada-tashigii ayaan ku jiraa, adna Golaha Dhexe ayaad ku jirtaaye, miyaanad waxba I odhanayn.” Intii uu sida I lahaa waan taagnaaye, waan la fadhiistay. Waxaan ku idhi: “Ninkan kaa tegay waa Shakiib. Waa Suldaan. Gaadiid iyo Taakuleyn ayaad u dhiibtaa, dadkuna wuu wada baahan yahay. Shakiib ha dilin ee xilkan ka daa oo mid kale u dhiib oo uga dhib yar oo uu ku badbaado.” Hadal kale ugu ma darin e’ intaa ayaan kaga tegay.

31kii Maarj, 87kii, maalin Salaasa ah ayuu Guddoomiyihii soo dhigay Guddidii Fulinta. Kal-fadhiga Golaha Dhexe subaxdaa waxa joogay 36 xubnood oo Golaha Dhexe ah, Guddoomiyuhuna sidan ayuu u soo qaddimay Guddida Fulinta:

“Aad iyo aad waxaan ugu dedaalay la-tashigii iyo dareenkii guud in aan mar walba tixgeliyo. Iyadoo dadka intiisa badani ay culayska saarayeen Waaxda Ciidammada Xoreynta, 80% magacyada la ii keenay waxa u badnaa magac ama nin. Anna kii uun baan soo dhigay. Dadka qaar ayaa hebel ha laga daayo odhanayay tiina waan tixgeliyay. Qolada Baarrey iyaga oo wada jira ayay aaraadooda ii wada keeneen. Waxaan caam ahaan wada tixgeliyay aagagga laakinn ku maan xisaabtamin reer hebel intaa sii, Guddidii Fulintuna waa tan:

Qormadii: 22aad

Guddidan Fulinta ayuu soo qaddimay mudane Guddoomiye Silaanyo maalintaas:

Tiro

Xoghaynta

Xoghayaha

1.

Ciidammada Xoreynta

Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi

2.

Maaliyadda

Siciid Maxamed Nuur

3.

Arrimaha Dibadda

Axmed Maxamed Qayir

4.

Diinta iyo Caddaaladda

Cabdinaasir Sheekh Cali

5.

Warfaafinta

Xasan Ciise Jaamac

6.

Maamulka Dhexe

Xuseen Cali Xirsi

7.

Abaabulka

Daa’uud Kheyrre Kaahin

8.

Arrimaha Bulshada

Suldaan Shakiib Cabdilqaadir

9.

Aagga Baarrey

Maxamed Ibraahin Warsame

10.

Aagga Mustaxiil

…………………………………….

Guddoomiye, Siilaanyo, hadalkiisii gaabnaa wuxu ku soo af-jaray: “Haddii la yidhaa la noqo Guddida Fulinta, waa in aan dib u soo dhisaa.”

Sidii dhaqanku ururku ahaa, Kal-fadhigii ayaa la yar xidhay si dibadda loogu baxo oo afka la isu geliyo, loogana wada-tashado wixii laga yeeli lahaa cod-bixinta Guddida Fulinta. Waqti badan laguma qaadan wada-tashigii degdegna waxa loogu soo noqday qolkii shirka. Waa gelin danbe iyo xaruntii maamulka ee SNM ee Diridhabe.

Codkii ayaa la qaaday, waxaanay natiijadii noqotay:

Oggol: 14 cod,

Diiddan: 20 cod,

Aammus: 1 cod,

Waa 35 cod iyo Guddoomiyihii Kal-fadhiga oo aan codkiisii dhiiban oo tirada guud ka dhigaya 36 cod. Hadda Guddoomiye Siilaanyo codkiisa wuu dhiibtay oo, marka arrin Guddida Fulinta ku saabsan laga hadlayo xilka Shir-guddoonka wuxu ku wareejin jiray Guddoomiye-ku-xigeenka Kal-fadhiga oo had iyo jeer wuxu odhan jiray: “Waa arrin I khuseysa oo guddoomin maayee waan ka doodayaa.” Sidaa ayuu ku soo dhex fadhiisan jiray xubnaha Golaha Dhexe oo uu doodda iyo cod-bixintaba uga qayb- qaadan jiray.

Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM sidaa ayuu ku diiday Guddidii Fulinta ee ugu horreysay ee uu soo dhisay Guddomiyuhu. Dhacdadani waxay bud-dhig u noqotay muranka riiq-dheeraaday ee SNM ku kala qaybsan tahay ilaa maanta. Sida codka loo kala bixiyay ayuu Golaha Dhexe u qaybsami doonaa taas oo aan abidkeed ka hadhin SNM.

Qaadan-waa iyo af-kala-qaad ayay ku noqotay Mujaahid Siilaanyo; in ay ku noqotona ma ay ahayn oo wuu garan karayay in aanu codka helayn, maxaa yeelay murankii badnaa ee Shirweynihii 5aad ka dhacayba waxa saldhig u ahaa xilal uu soo cel-celiyay oo murankaa saldhig u ahaa.

Cod-bixintii markii ay dhammaatay ayauu Siilaanyo soo booday oo yidhi: “Waxaan doonayaa in aan ogaado waxa lagu diidayo. In ay mid guud iyo mid gaar tahayba, anna dadka ayuun baan wax weydiinayee uur-ku-baalle ma ihi. Markaa in la ii sheego haddii aan reer ka tegay iyo…….”.

Xubno Golaha Dhexe ka tirsanaa ayaa hadalkii qaatay:

Maxamed Kaahin:

“Iyadoo Goluhu uu leeyahay in uu dib kuugu celiyo iyo in uu wada qaataba; waxa habboonaan lahayd in mid mid looga doodo oo ay ururka dantiisana tahay, haddana waa tii shalay Goluhu isku raacay”,

Maxamed Axmed (Dayib Gurey):

“Anigoo Kaahin la qaba, anna waxaan qabaa in aad adigu kelidaa soo dhisto, muddona ururka waad joogtay, waxaana laga yaabaa in aad fikradahaa badan ku jaho-wareerto.”

Muuse Biixi:

“Iyada oo Xoghayayaasha aad soo dhigtay kala badh ay kuwii hore yihiin, aniga oo is-leh kuwii hore tijaabada u galay hadday toosan yihiin kuwii hore inta kale way jiidan lahaayeen”.

Siciid Maxamed Nuur:

“In Goluhu shan nin oo shirku ku kalsoon yahay oo Guddoomiyaha la taliya ay saaraan”.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi):

“Mid looma jeedo oo ah in adiga luggooyo lagaaga dhigo cel-celinta. Markaa aniga waxay ila tahay in aad nin walba shan daqiiqo siiso si loo ogaado qof walba.”

Xasan Guure:

“Nin walba waraaq baa hor taal ee wuxuu diiddan yahay ha ku qoro.”

Siilaanyo:

“Anigoo la qaba tii shalay in duuduub loo qaato, haddana la igu diiday, markaa waxay I la tahay in Goluhu go’aan ka gaadho diidmadu intee bay soconaysaa?”

Midhkaa Siilaanyo xaq buu u lahaa, waayo xeer kama qornayn inta jeer ee lagu diidi karo Guddoomiyaha Guddi-fulineed oo uu soo dhigay.

Kal-fadhiyada Golaha Dhexe ee SNM had iyo jeer waxa jiri jirtay khalkhaliso ku gedfan oo inta badan xubnaha babbiso ayaa loo tuuri jiray. Inta badan cir-ka-soo dhac ma ay ahayne, farshaxan laga soo shaqeeyay ayay u badnayd. Had iyo jeer waxa loo iilan jiray hadallo kutiri kuteen ah oo ahaa: “waxa la yidhi”, “waxa la sheegay”, “waxa la isla dhex marayay”, “la lahaa” iyo wax la mid ah. Hadallo shaabbadaha wata ayaa taxliil looga dhigi jiray Kal-fadhiyada.

Qormadii: 23aad

31kii Maarj, 1987kii ayaa Guddoomiyaha lagu diiday Guddidii Fulinta. 1dii Abriil, waa maalintii xigtay ‘e, saacaddu markay ahayd 16.10 saacadood oo casar ah, ayuu Guddoomiyihii hadalkan u jeediyay Kal-fadhigii Golaha Dhexe. Inta badan hadallada caynkan ahi ma ay raacin jirin khudbadaha furitaanka iyo xidhitaanka, bal se waxa lagu ladhi jiray marka xaal hirig noqdo.

Maalintaa wuxu Guddoomiyuhu yidhi:

Waxan doonayaa in aan idin dareensiiyo dhacdooyin badan oo hareeraheenna ka socda, sida Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ay Maxamed Siyaad Barrena ilmo-adeer ahaayeen oo Adis-ababa u yimid arrintii Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu soo qaaday Mengistu Xayle Mariam Diri-dhabe yimid oo ay is-arkeen Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka wada hadlaya kolley arrintii dhex-dhexaadinta iyo kuwo iyaga u gaar ahba. Dhinaca kale Jigjiga iyo Ciidammadeennii iyo degaankaa waxa ka taagan iyo aagga Woqooyi abaabulka uu immika kaga jiro goobaha dagaalka iyo dagaallada dhabarka, oo innagana ay Mujaahidiinteennii hadda halkan iyo Jigjiga tuban yihiin. Waxa kale oo suuroobi waayay, Shirweynaheennii ka hor dhowr hawl-gal. Markaa joogitaankeenna iyo murankeenna halkani wuxu keenayaa dibudhac. Waxa kale oo I na soo gaadhaya waraaqo dibadaha ah oo sheegaya in la inagu soo maqan yahay. In kasta oo ay fadhigeennii badnaa ay ka soo baxeen go’aammo badan oo loo baahnaa haddana maa daama ay inteenna halkan isugu timid ay yihiin intii ummadda u talinaysay, waxaan soo jeedinayaa in aanay waqti dheer inagu qaadan”.

Su’aaushu se waxay ahayd ha la tagee maxaa lagu tagaa? Guddoomiyiha Shirweynihii ayaa doortay, hay’adihii kale se maye? Beryihii danbe sheekadu waxay gaadhay kubbad ayaa Soomaaliya iyo Itoobiya ciyaarayaan ee dhakhsada.

Doodda inteedii badnayd waxay ku saabsanayd sidii Guddoomiyaha loogala talin lahaa Guddida Fulinta iyo sidii codka loogu qaadi lahaa. Cod-qaadista waxa la isku hayay ma mid mid ayaa loogu qaadaa mise duuduub oo mar keliya ayaa la soo dhigaa. Si arrintaa cod-qaadista go’aan looga gaadho Guddoomiye Siilaanyo ayaa codsaday in Mujaahid Cabdilxakiim Maxamed Aadan (Qaaddi Sumuni) oo hore u ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare aqoon fiicanna u lahaa sharciga isla markaana ku habboonaa in uu ururka kala taliyo.

Hadal dheer ka dib Qaaddi Cabdilxakiim wuxu talo-bixintiisii ku soo ururiyay in la raaco habka Golaha Dhexe loo doorto oo qaabka doorasho ee ururku mideysnaadaan. Sidaa darteed wuxu soo jeediyay in mid mid codka loogu qaado. Habkaasina wuxu ahaa hab fudud oo qofka aan la doonayn ayaa hadhayay, Guddoomiyuhuna sidaa ayuu ku camal-fali lahaa oo kii lala hadhaba wuu beddeli lahaa.

Guddoomiye Siilaanyo ma uu jeclaysan talo-bixintaa Qaaddi Cabdilxakiim arrintiina wuxu geliyay cod. Waxay cod-bixxintaasi u dhacday:

Duuduub: 16 cod,

Mid mid: 16 cod,

Aammus: 2 cod,

Markay codadkii is-le’ekaadeen waxa codkiisii riday Guddoomiyihii oo raacay intii duuduubka ku cod-bixisay. Ka dib Kal-fadhigu wuxu iska xulay Guddi kala talisa Guddoomiyaha sida uu u soo dhisayo Guddida Fulinta ee danbe, kuwaasoo kala ahaa:

  1. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi),

  2. Muuse Giirre,

  3. Ismaaciil Xaaji Cabdi,

  4. Muuse Biixi Cabdi,

  5. Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle),

Guddidaasi waxay sidatay kalsoonidii Kal-fadhiga 1aad, waayo waxa isla oggolaaday 25 cod, waxaana diiday 4 cod oo keliya. Kal-fadhigii hakad ayaa la yar geliyay Guddidiina waxay u baxday si ay ula soo taliso Guddoomiyaha, iyada oo wixii talooyin ah ka sii qaadatay xubnihii Golaha Dhexe. Guddoomiyaha waxay ugu tageen Hudheelkii uu degganaa ee Kaaraa-mardha.

Galabnimo ayaa Kal-fadhigii dib loo furay, waxaana nagu soo noqday Guddidii oo ka dardaar-werinaysa Guddoomiyihii oo ka talo-qaadan waayay. Waxay isku soo qanciyeen innaga ayaa tashan e’ Ina keena. Waxay uga warrameen xubnihii Golaha Dhexe in uu Guddoomiyihii ka talo-qaadan waayay, sidaa darteedna uu Golaha xil weyni fuulayo.

Isla galabnimadaa ayaa Guddoomiye Siilaanyo soo dhigay Guddidiisii Fulinta ee labaad iyada oo xubnihii Golaha Dhexe ay isa sii qanciyeen oo ay meel dhigteen waxa ay yeelayaan. Bal qabsoo bil ka hor ayaa laga soo baxay Shirweynihii 5aad oo lagu doortay Guddoomiye Siilaanyo. Sidaa darteed xubnaha Golaha Dhexe waxay isku qanciyeen si magaca iyo karaamada ururka loo dhowro oo aan loo odhan waa urur waalan oo ninkii ay shalay ku doorteen Shirweynaha ayaa Kal-fadhigii Golaha Dhexe bil ka dib lagu riday; waxa lagu sii heshiiyay wax kasta oo uu soo dhigo in la qaato oo codka la siiyo. Hadda dulqaadka iyo talo-qaadshaduba wax Guddoomiyaha faran ayay ahayd. In uu Golaha iyo inta badan u hoggaansamo oo mabaadiida ururka dhowro ayay ahayd, ma se yeelin.

Waa tan Guddidii Fulinta ee labaad ee uu soo dhigay:

Tiro

Xoghaynta

Xoghayaha

1.

Ciidammada Xoreynta

Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi

2.

Abaabulka

Cabdinaasir Sheekh Cali

3.

Diinta iyo Caddaaladda

Shakiib Cabdilqaadir

4.

Warfaafinta

Xasan Ciise Jaamac

5.

Arrimaha Dibadda

Axmed Maxamed Qayir

6.

Arrimaha Bulshada

Daa’uud Kheyrre Kaahin

7.

Maamulka Dhexe

Xuseen Cali Xirsi

8.

Aagga Baarrey

Maxamed Ibraahin Warsame

9.

Maaliyadda

Siciid Maxamed Nuur

10.

Aagga Mustaxiil

……………………………………..

Sida idinkaba idiin muuqan karta wax is-doorshay ma dhicin oo aan ahayn saddex Xoghaye oo jagooyinkoodii hore uu is-weydaarshay. Dhaqankii ururka iyada oo la raacayo hakad ayaa Kal-fadhigii la geliyay si loo soo wada-tashadao. Run ahaantii wada-tashi hadhayba ma jirin, ee wax sunne ah ayay ahayd in la isla baxo oo afka la is-geliyaa. Laguma raagin e’ markiiba madashii Kal-fadhiga ayaa lagu soo noqoy.

Qormadii: 24aad

Cod-bixintii ayaa loo qaaday Guddidii Fulinta, waaxaanay ku dhammaatay:

Oggol: 34 cod,

Diiddan: 1 cod,

Aammus: 0

Isugeyn codadka kal-fadhigu marka ka Guddoomiyaha Kal-fadhiga lagu daro waa 36 cod. Dad baa u macnaystay in aanu Golaha Dhexe waxba ahayn oo Guddidii Fulinta ee ay shalay diideen maanta yeeleen oo Guddoomiyuhu libaax yahay oo uu wax alle yaale wixii uu doono ee uu ku adkaysto marsan karo. Qiimaynta iyo go’aanka kama-danbaysta ah se dadkaa leh.

Halkan waxa ka bilaabantay dhacdo la magac-baxday “Dhagax-tuurkii yaraa”, hadda kii weynaa wuu danbeeyaa. Ninka doonaya in uu fahmo qaybsanaanta riiq-dheeraatay ee SNM halka ay ka timid halkan ayuu ka bilaabayaa. Dhacdadaasi ilaa maantadaa aynu joogno xanafteedii iyo xadaafiirteedii way ku leedahay dadkii ururka ka tirsanaa.

Intaasi markii ay dhacday ayaa la bilaabay doorashadii Guddida Joogtada ee Golaha Dhexe. Markiiba waxa la isiku raacay in ay Guddida Joogtadu ka koobnaato 15 xubnood, ka dibna waxa la saaray Guddi soo xusha xubnaha loo soo sharraxayo Guddida Joogtada. Guddidaa xulku waxay soo saartay 14 xubnood, waayo xubinta 15aad waxa noqonayay Xoghayaha Golaha Dhexe oo isla markaana ahaa Xoghayaha Guddida Joogtada ah. Guddidii waxay soo xushay:

1. Cabdi Yuusf Ducaale – Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,

2. Jaamac saalax Axmed,

3. Cumar Maxamed warsame (Xiinwaal),

4. Carab Nuur Xandulle,

5. Ismaaciil Xaaji Cabdi,

6. Maxamed Cumar Duqow,

7. Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde),

8. Axmed jaamac Seed (Jibiiqe),

9. Muuse Giirre,

10. Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle),

11. Cismaan Aadan Dool (Quulle),

12. Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,

13. Cabdi Cali Mahdi,

14. Yuusuf Sheekh Ibraahin (Quraab),

15. Xasan Guure Jaamac,

Kal-fadhigu wuxu isku raacay in ay Guddida Joogtadu intaa noqoto. Waxa hadhay Guddoomiyihii Guddida. Codku wuxu u dhacay:

Oggol: 32 cod,

Diiddan: 0,

Aammus: 1 cod,

Guddoomiye Siilaanyo markii Guddidii Fulinta loo ansixiyay hadalladii uu madasha ka jeediyay waxa ka mid ahaa weedhan hoos ku qoran:

“…Waana malaynayaa in cidi diidmo ka qabi karto, laakiin waxaan codsanayaa in aanay inagu reebin uur-xumo.”

Intaa ka dib Guddoomiyihii Guddida Joogtada ayaa cod loo qaaday. Waxa sharraxnaa: Yuusuf Sheekh Ibraahin (Quraab), Cismaan Aadan Dool (Quulle) iyo Xasan Guure Jaamac oo kala helay: 14 cod, 15 cod, 2 cod, 1 cod oo aammusay iyo mid dibadda u baxay oo maqnaa markii codka la qaadayay. Waxa xusuus gaar ah lahayd in aanu Quulle isu codayn galabtaas, halka uu Quraab gacanta isu taagay.

Hadraawi markii uu majarihiisii hore ku soo noqonayay ee uu inoo marinayay maansadiisii caan-baxday ee Gol-janno, wuxu ku soo galay:

‘”Gol-jannaan ka shaxayee,

Goormaan dawaafkii,

Tegay Webi Ganaaniyo,

Gabbalaha dusheenna ah,”

Aniguna aan idiin jilciyo e’, goorma ayaan ka dhaqaaqay taxanaheennii xidhiidhsanaa ee aan xaafadihii Diri-dhabe ee “Gende Dibboo” iyo “Gende Qora” idiin la ambo-baxay!

Sheekadii ku soo noqo iyo qaybtii labaad ee Maagistaydii.

29/8/2012ka:

Si caadiya ayaan u toosay. Nabaddii iyo deggenaanshihii aan ku seexday ayaan ku waa-bariistay. Culays badan oo I saarnaa ayaan arkayay in uu iga degayo. Qalalaase aan muddo ku soo dhex noolaa ayaan arkayay in uu iga soo dhammaanayo. Hawl qaran oo la ii igmaday oo aan la iigu xil-qabin ayaan haynteedii iyo gudashadeedii iga soo dhammaanaysay.

Gelinkii hore waxaan ku hawlanaa oo aan ka fekerayay sidii loo hanan lahaa ammaanka Idaacadda cusub oo aan ka shakisanaa intii aan u qayshan lahaa in ay ila badbaadin doonto iyo in kale. Barqadii ayaan tegay Hudheelka Maansoor oo lagu qabanayay Shir ballaadhan oo ay NGO-yadu qabteen. Ma aan fuulin halkan sare ee ay inta badan madaxdu isku taxdo, bal se waxaan iska fadhiistay dadweynihii martida ahaa maa daama aan iyaga ka tirsanaa, ka imid isla markaana ku noqonayay. Dhowr Wasiir ayaa iga codsaday in dusha u baxo, bal se waxaan arkayay in aanay iyagaba qadayn aniguna dhqankaa is-tusnimada iskuma tiryo in aan leeyahay.

Cabbaar ayaa la sugayay Madaxweyne-ku-xigeenkii oo madasha furayay. Waa dhaqan ay madaxdu iska leedahay in aanay waqtiga qiimihiisa dhaadin. Ceebtood ma aha ee waa caadadood in ay dadka waqtiga ka lumiyaan oo saacado badan loo dabranaado. Markii aan cabbar fadhiyay ayaan Wasaaraddii iskaga noqday. Waqti saacaddu ku beegnayd 1dii duhurnimo ayaan xaggii xaafadda ama guriga u ambo-baxay. Haddii aan marayo batroollaha Total ee Maansoor u dhow waxa igu soo dhacay tilifoon igaga yimid Madaxtooyada. Ninkii ila soo hadlayay wuxu ii sheegay in uu warqad ii sido waxaanu I weydiiyay halka aan joogo. Waxaan kula ballamay Huteel Guuleed hortiisa.

Huteel Guuleed hortiisa ayaa waqti ku beegnaa ilaa 1.20 gelinkii danbe ah warqaddii xil-ka-qaadista la iigu dhiibay. War la qabaa xiiso ma lahayn e’ ninkii siday inta aan u mahad-celiyay ayaan hoyday.

Markii aan hoyday ayaan Madaxweynaha tilifoonkaygii ugu danbeeyay u diray. Farriintaan maalintaa u diray maxay ahayd? Maxaa se warqadda iigu qornaa?

Ka warrama hadii aynu intaana burrito ku quraacanno? Ilaahay ha inagu simo. Kol haddii aan Diri-dhabe ka soo noqday oo aynu soo wada dawaafnay diyaar ayaan u ahay in xilka la iga qaado.

Qormadii: 25aad

Subax wanaagsan. Waa mar kale iyo taxanaheennii. Waa tii aynu ballanta lahayn saaka in aynu ku wada quraacanno Qormadan 25aad. Aniga waa igu Qormada, dalabkiinna kalena idinka ayuu idiin yaalla, ninba waxa uu ku liqi karayo.

Warqaddii la ii dhiib. Aniguna xishmayn iyo qadderin awgeed gurigii ayaan la tegay oo xataa waxan ka xishooday in aan warqad Madaxweyne ka timid suuqa iyo baabuurka ku dhex furto.

Hadda waxaan joogaa gurigaygii, weliba qolkii hurdada oo cid la’ ah. Warqaddii ayaan furay. Waa kuwii caadiga ahaa ee buluugga khafiifka ah ahaa. Summaddeedu waxay ahayd: JSL/M/XIL Q/249/1-1280/082012, kuna taariikhaysnayd: 29/08/12, kuna suntanayd Xil-ka-qaadis. Warqaddani waxay ku jihaysnayd Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. Bal hadda u fiirsada, waxa la igala hadhay oo la ii quudhi waayay Wacyi-gelintii. Sheekadu waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Waa Madaxtooyadeennii oo qaldaysa magacyadii Wasaaradaha. Fiirsasho-la’aanta jirtaa ilaa xadkaas ayay soconaysaa. Belo waa danbeysaa ee ii yar kaadiya.

Warqaddani waxay ogeysiin ugu socotay xil keliya oo ah Wasiirkeenna amran ee Gaashaandhigga, saaxiibkay Axmed Xaaji Cali Cadami. Haddaba warqadda maxaa ku qornaa?

Warqadda oo ku bilaabmaysay: Mudane, waxay ka koobnayd ilaa lix sadar ama laynba. Madaxweynuhuu, wuxu ku bilaabayaa:

“Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.”

Wuxu intaa ku kabayaa:

“Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee JSL.”

Bal hadda u fiirsada in aan weli qayb Wasaaraddii ka mid ah oo Wacyi-gelinta ah aanu Madaxweynahan xilka iga qaadayaa xusin soona hadal-qaadin. Waxay ka mid tahay gefafka maamul ee madax ilaa minjo ku taxan maamulkan uu Siilaanyo madaxda ka yahay.

Odhan maayo anigu Xisbiga talada haya ee Kulmiye, maxaa yeelay haddii uu talada dalka hayn lahaa 25kaa Qormo ee aan idiin soo bandhigay iyo kuwa soo socda meel ayuu ka soo geli lahaa. Waa xisbi iyo xukuumad run ahaantii aan wada joogin ee kala maqan oo aan waxba wadaagin.

Qalinkaa hadba ila taraaraya oo inta nabar guudkeenna ku taal ayaa hadba mid I damqanayaa, markaasaan kii hore illoobayaa. Sheekadeennii ku soo noqo.

Warqadda Madaxweynuhu xilkii Wasaaradda Warfaafinta igaga qaaday ee aanu ku asdayn halka uu geeyay xilkii kale ee aan hayay ee Wacyi-gelinta, wuxu ku soo gunaanadayaa:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Bal qoraalka ereyadan u fiirsada. Laba sadar iyo badh ayay ku jiraan labada erey ee aan madoobeeyay oo si qaldan loo qoray. Waa ayaan-darrada Af-soomaaligii haysata oo xataa Madaxweynihii aanu dan iyo muraad ka lahayn in si qalad ah loo qoray iyo in kale. Ma laga yaabaa in aanu Mdaxweynuhuba aamminasanayn in qoraalka iyo higgaadda Af-soomaaliga xil ka saran yahay.

Waxaan isu diyaariyay in aan xilkii wareejiyo sidaa Madaxweynuhu codsaday aniga oo mar kasta u arkayay in ay qalad ahayd sababta uu xilka iiga wareejinayay. Awooddeeda iyo sharciyaddeeda waa uu leeyahay oo isaga ayaa marka horeba I magacaabay. Gefka iyo gabbood-falku wuxu ku jiraa in uu iska kay hor taago oo weliba xilka igaga qaado awood aan sharci ahaan u lahaa oo aan adeegsaday oo aan laba Agaasime-waaxeed ku beddelay oo uu isku deyay in uu igu khasbo in aan soo celiyo oo go’aankaygii wasiirnimo ka noqdo. Markii aan ka diidayna aniga ayuu xilkii iga qaaday, waxaanan aamminsanahay in aanu awood iyo xaq midnaba u lahayn in uu iga hor joogsado in aan aniguna xilalkayga iyo awoodahayga adeegsado. Waa gef aan qiil loo hayn oo meel-ka-dhac ku ah habsami-u-socodka hawlaha Qaranka. Madaxweyne kastaa wax kasta oo madaxiisa ku soo dhaca ma samayn karo. Wuxu samayn karaa oo keliya wixii uu xeer iyo xaagaan ahaan xaq u leeyahay ee Dastuurka Qaranka ugu cad.

Malahayga, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi maansadiisii Gudgude, ma aydaan dhuuxin gefba ha igu ahaato e’. Sow kii ina lahaa:

“gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane,”

Cabbaar markii aan guriga joogay ayaan garaacay lambarkii aan Madaxweynaha kala hadli jiray. Saacaddu waxay ku beegnayd ilaa 1.30kii duhurnimo. Dareenkayga markii tilifoonka la iigu dhiibay waxaan is-idhi waa uu qedaynayaa. Hadda waa malaawaalkayga.

Aniga ayaa hadalka ku horreeyay. Bariido ka dib, waxaan u sheegay Madaxweynaha oo aan ku idhi:

* Mudane madaxweyne, waan helay oo waa ay I soo gaadhay warqaddii xil-ka-qaadista ee aad ii soo qortay,

* Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadista,

* Mahad-naqayga aan arrintan kaaga mahad-celinayo qoraal ayaan kuugu soo gudbin doonaa,

* Mudane Madaxweyne waxa kale oo aan kuu soo qori doonaa maqaallo kale oo taxane joogto ah noqon doona,

* Mudane Madaxweyne, waxa kale oo aan kuu sheegayaa in aanan dib ugu noqon doonin bulshadii rayidka ahayd,

* Sidaad iiga soo kaxaysay ayaan uga maqnaan doonaa bulshadii rayidka ahayd oo aan is-lahaa noloshaada ku dhammayso,

* Waxaan kaa ballan-qaadayaa inta nolosha iiga hadhay in aanan saaxadda siyaasadda ka maqnaan doonin,

Ka dibna waxaan soo saaray War-saxaafadeedkan oo aan ku baahiyay qalabka war-baahinta intooda badan.

Sida ay u socdaan Qormooyinkanina waxay I noo noqon karaanba Buug-yare aynu jaxaasanno oo laabta ku haysanno. Hadda waxa aan idiin ka warramayaa waa wixii iga qabsaday afar bilood oo aan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta joogay. La-ye: “Meel kastana in gubtaa waa ay hoos taallaa.” Odhaahda guunka ah ee Soomaaliyeed ayaa sidaa ahayd.

Qormadii: 26aad
Akhristayaasha ayaa soo codsaday in aan halkan ku soo daabaco wareegtadii xilka la igaga qaaday, sidan ayaanay u qornay:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

Ujeeddo: Xil-ka qaadis

Mudane,

Waxa aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Haa…..Warqaddii Madaxweynuhu ii soo qoray taas ayay ahayd, tilifoonkaasina waa uu ka danbeeyay.
30/8/2012ka:
Hees Cali Sugulle Duncarbeed lahaa oo ay qaaddo ama ku luuqayso Hibo-nuura ayaa waxa ku jiray:
“Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaayee,
Hubsiimo hal baa la siistaa,”

Subaxnimadii aniga si fiican u lebbisan oo suudh madow xidhan ayaan ku kallahay xafiiskaygii sidii uu dhaqanku ahaa. Aad ayaan iskaga deggenaa oo culays badan ayaa iga dhacay, werwer badanina waa uu iga hadhay, mas’uuliyaddii aan la iigu xil-qabin ee inta badan la igu wanjali jirayna waa ay iga hadhay. Ilaahay mahaddii ayay ahayd in aanay Wasaaraddii Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu gacantayda ku burburin. “Ilaahow colkayaga, col ku furo” ayaan hoosta ka odhan jiray.

Waxaan xaqiiqsaday beryihii danbe oo dhan in ay wasaaraddu xuquuqdeeda iyo taakuleynteeda ku waayi jirtay: “Boobe ha fashilmo.” Bal se anigu ma aan fashilmayn e’, waxa burburayay hay’ad dawladeed, hay’ad ummadeed oo shaqaale afar boqol gaadhayaa ka hawl-gelayeen.

Subaxnimadii markii aan xafiiska tegayba, waxaan shir loo dhan yahay yeedhay Agaasimihii Guud iyo dhammaan Agaasimayaashii Waaxaha Wasaaradda. Waxaanu ka wada tashanaynay waqtiga ugu dhakhsaha badan ee xafladda xil-wareejinta loo samayn karo. Dhammaantood waxay isku raaceen in ay xil-wareejintu dhacdo 4/9/2012ka oo weliba lagu Hoolka TV-ga Qaranka. Sidaas ayaanu ku kala ambo-baxnay oo ay cid waliba waajibkeedii ku qaadatay.

War-saxaafadeed
Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), una dallacay derajada ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa war-saxaafadeedkan ku saabsan arrimaha la xidhiidha xil-wareejinta. Waa war-saxaafadeed kooban oo ku saabsan arrintaa xil-wareejinta oo keliya. Sida xil-ka-qaadistaydu ku timid waa dhacdo kale oo maalinteeda ama maalmaheedaba yeelan doonta, waana la iga dhur-sugayaa inta aan xilka dawladnimo wareejinayo, damiirka xalan ayaana sidaa I faraya.
27/8/12ka, waxaan soo saaray Go’aammo Wasaaradeed oo ku suntanaa Ref: 05/08/2012ka, oo uu ka mid ahaa:
Si ku-meel-gaadh ah in uu Xasan Maxamed Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-gu xilkiisii ugu wareejiyo Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa.
Xil-wareejintaas waxa hirgeliyay Guddidii aan u magacaabay oo ka koobnayd Agaasimaha Guud, Agaasimaha Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta. Intaas waxa raacsanaa xil-ka-qaadista Agaasimihii Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan Media Group, oo halkoodii aan laba Agaasime oo cusub u magacaabay. Xil-wareejintaasi mid fulaysa uma eka, in kasta oo aan u muddeeyay maalinta Sabtida ee ay Bishan Ogos 1da tahay.
Aniga oo mar walba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celinaya magacaabistaydii hore iyo xil-ka-qaadistaydan danbeba, milge iyo maamuus badanna ugu haya qiimaynta uu I qiimeeyay, waxaan war-saxaafadeedkaygan kooban ku dalbanayaa:
1. In aan la gar-garoocan Go’aammadaydii ama Digreetadaydii Wasaaradeed oo aanay qaarna dhadhan samayn oo aan lagu degdegin kala-wareejinta, qaarna aan isha laga qarsan oo aanay fulin,
2. In xilalkii aan magacaabay xil-wareejin rasmiya oo ta Wasiirka ka horreysa loo sameeyo maa daama ay kala horreeyeen, milgaha dawladnimana sidaa ina farayo,
3. Haddii kale in Madaxweynaha JSL soo saaro go’aan uu ku burinayo Go’aammadii ama Digreetadii Wasaaradeed ee 27kii bishan dhammaanteed ama qaybo ka mid ahba,
Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan u hoggaansanahay hirgelintada Digreetadii Madaxweynaha ee xil-ka-qaadistayda, mahad iyo abaalna ugu hayo walaalkaygii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.
Gobannimo dadkaa mudan,
Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),
Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,

Qormadii: 27aad

Idinka oo raalli ah shalay waxaan idiin soo gudbiyay Magacaabistaydii 28aad. Raalli iga ahaada waa tan Magacaabistaydii 27aad oo ka horreyn lahayd Qormadaa hore. Idinka ayaa xidhiidhsan doona.

Akhristayaasha Qormooyinkan kooban ee taxanaha ah iyo inta dal iyo dadba danaynaysa waxaan mar kale iyo marar badan oo kaleba ka codsanayaa in aanay cidna u jawaabin. Toobiyaha iyo tubta toosan ee aynu ku hollinayno in aynu wax ku saxno yaan la inaga leexin. Waa codsi. Dheg ha u dhigina dhawaaqyada idin ku soo dhacaya. Waxa la doonayaa in aynu qof qof iyo koox koox isku qabsanno, innagana ujeeddadeennu intaa waa ay ka fog tahay. Yaan la damqan oo aan dareen loo yeelan inta u darban in ay jidka toosan inaga leexiso.

Intaasi waa iga dardaar-werin e’, taxanaheennii dib ugu soo noqo iyo toosinteennii, ttoobiyaheennii toosnaa.

Warqaddii xilka la igaga qaaday ee Madaxweynuhu ii soo qoray 29/8/2012ka, waxa la igu amray oo qoraal la igu faray:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Hore ayaan idiin ku sheegay oo gar-naqsigaygani waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Labada erey ee niyad sami iyo ku meel gaadh sidan Madaxweynuhu ku saxeexay uma qormaan ee waxay sax ku yihiin niyad-sami iyo ku-meel-gaadh. Malahayga waxa fiicnaan lahayd in Madaxweynaha Qaranka sharaftiisa iyo karaamadiisa la dhowro oo loo geeyo Af-soomaali saxan oo sugan oo aanay Odeyga waxba kaga soo noqon. Bal u fiirsada inta qof ee u shaqaysa ama xafiisyo ah ee Wasaarad Madaxtooyo iyo Af-hayeenba leh.

Anigu markii aan warqaddaa helay, War-saxaafadeedkii aan idiin soo daabacay ayaan qoray. Run ahaantii waxa ka yar horreeyay waxaan u malaynayo in uu wareysi ahaa oo wargeys iga qaaday oo aan ku sheegay in xil-wareejinta Wasaaradda ay ka horreyso xilalkii aan magacaabay oo la wareejiyaa. Labadan arrimood ayaa deggenaansho-la’aan ku riday Madaxtooyadeennii hilaadda, saadaasha, oddoroska iyo agatidaba gaabnayd ee aan qorshe-hawleedka la raaco lahayn.

Qormooyinkan taxanaha kooban ah ee aan idiin soo qoro waxaan bilaabay toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii Sebtember. Qormo walba inta aanay iga bixin ee aanay I dhaafin wax ka badan 10 jeer ayaan akhriyaa oo tifaf-tiraa. Intaas oo jeer ayaan

tilifoonno diraa oo aan ereyada macnahooda iyo sida ay u qormayaan iska hubsadaa. Marka iigu danbeysa dhowr qof ayaan e-mail ahaan ugu diraa bal in ay iga hubiyaan in aan wax qalad ah ama af-lagaaddo ah qoray. Si kale hadii aan u dhigo waa la iga soo dhadhamiyaa, markaa ka dib ayaan daabacaadda wargeysyada iyo mareegaha u gudbiyaa.

Bal ka warrama afartan erey ee Madaxweynaha la hoos dhigayo ee ay qorayaan nimanka degdegga iyo diihaalka la sahayaa. Bal adba!

Aniga oo uu Madaxweynuhu qoraal igu faray in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhigga inta uu cid u soo magacaabayo, ayay haddana Madaxtooyadu soo jeedday habeenkii 31kii Ogos iyo 1dii Ogos kala wareegayeen. Bal hadda dhacdooyinkani yaanay idiin dhuuman ee u fiirsada. Isla habeennimadaa saqdii dhexe oo dhaqanka Madaxtooyadeenna ah, waxa la magacaabay Wasiirkii Warfaafinta. Waqti ku beegnaa 2.00dii saacadood ee subaxnimo ayaa la magacaabay, Wasaaraddana waxa la geeyay ilaa 7.00dii saacadood ee subaxnimo si wararka Radio Hargeysa loo raaciyo. Wefdigii Madaxweynuhu hoggaaminayay ee ka qayb-gelayay aaskii Meles Zenaawi wuxu Hargeysa ka baxay subaxdii hore ee ay bisha Ogos ahayd 1da, waayo aaska ayaa ku beegnaa 2/8/2012ka.

Ma maqli jirteen: “Hashu maankaygii gadday e’ ma mansaar ayay liqday.” Bal waxaad ka warrantaan Madaxtooyadan labadan go’aan qaadatay. Ka warrama Madaxtooyada 29kii Ogos tidhi “inta aan cid u soo magacaabayo” ee haddana habeennimadii 31kii Ogos Wasiirka magacawday. Qolyaheennii Bulshada rayidka ah ahayd waxaynu lahaan jirnay “Strategic Planning” iyo Qorshe Hawleedyo sannadle ah, bille ah, toddobaadle ah, maalinle ah, saacadle ah iyo waxyaabo la mid ah.

Bal ka warrama dalkan ku jira sidii Timacadde yidhi:

“Marka anad hammoon noloshu, waa mooyi dabadeed,”

Go’aankaa Wasiirka Warfaafinta lagu magacaabay, waxa la socday xilal kale oo dad loo magacaabay. Waxa halkan xusid mudan in TV-gii Qaranka laga gooyay Wasaaraddii Warfaafinta ee uu ku sidkanaa ee uu habi jiray, isla markaana loo magacaabayay Maareeye. Agaasimihii TV-ga Qaranka oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay waxa loo magacaabay Af-hayeenka Madaxtooyada.

1/8/2012ka:

Sidii caadada ii ahayd ayaan u shaqo tegay si aan u diyaariyo xil-wareejintii Wasaaradda. Xafiiskii inta aan ka imid ayaan Hudheel Guuleed oo aan qolo kula ballansanaa imid. Dhaqankayga ma aha in aan hudheellada camal-la’aan ama ballan-

la’aan iska tagaa ama iska fadhiistaa. Waa ilaa yaraantaydii, immikana waqti aan dhayal ku lumiyo maba haysto.

Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 11.15 gelinkii hore ah ayaan Hudheel Guuleed ka tegay. Aniga oo sii baxaya oo weli mooska dul socda, albaabkana aan gaadhin ayuu tilifoonkaygii soo dhacay. Waan eegay. Saa waxa shaashadda ku qoran “Timacad”. Markiiba waan gartay oo saaxiibkay Abiib Diiriye ayaa sidaa iigu diiwaan-gashan. Wuxu igu yidhi: “Waar Boobe iska warran.” Aniguna waxaan isu raaciyay: “Waxaan kugu hanbalyaynayaa xilka cusub ee laguu dhiibay.”Mahadsanid,” ayuu yidhi. Waxaan ugu daray: “Halkeed joogtaa.” Oo waxaan doonayay in aan u tago. Wuxu iigu jawaabay: “Golihii Wakiillada.” Intaa ka dib waxaan is-idhi malaha wuu hawlan yahay e’ la ballan, waxaanan kula ballamay Wasaaradda iyo berri.

Abiib waan ku mahadinayaa in uu ila soo hadlay oo weliba igaga horreeyay. Subaxnimadii aanu ballannay waanu isu nimid. Waxaan u sheegay in Madaxweynuhu qoraal igu siiyay in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhiigga, ka dibna adiga ku magacaabay. Waxaan intaa ugu daray in aan Cadami arki doono.

 

 

Qormadii: 28aad

Malaha arrintani mid sahlan ayay idin la tahay. Waa mid ka mid ah ceelashii Gobolka Gebilay laga qodayay. Haddii wasiir la magacaabay, aniga amar danbe la ima siin af iyo qoraal midna oo la iguma odhan xilka Wasiirka cusub ku wareeji. Run ahaantii waxaan u qaatay in ay Madaxtooyadu ku talo-gashay in aanu mar kale aniga iyo Wasiirka cusubi isku qabsanno xilka wareeji iyo Cadami ayaa la igu yidhi ku wareeji.

Waxa intaas oo dhanba ka sii darneyd cid aanu wax weydiinna ma ay joogin dalkaba oo Madaxweynihii inta uu go’aammadan aan is-qabanayn soo saaray ayuu iska dhoofay. Waxaan la hadlay Wasiirkii Gaashaan-dhigga ee la igu yidhi xilka ku wareeji, waxaanu ii sheegay in uu u ambo-baxayo Bariga Sanaag oo aanu Hargeysaba joogayn.

Intaasi markii ay dhacday waxaan go’aansaday oo aan Wasiirka cusub ee Warfaafinta u sheegay in uu u soo diyaar-garoobo xafladda xil-wareejinta oo ku beegnayd 4/82012ka. Wuxu ahaa dariiqa keliya ee ii furnaa ama noo furnaa labadayadaba. Qasab ayay igu noqotay in aan buriyo amarkii qornaa ee aan haystay ee Madaxweynuhu qoraalka igu siiyay. Maxaa kale ee aan samayn lahaa! Wasiirkii la ii soo qoray “Inta aan ka soo magacabayo” maalin ka dib ayaa la iga daba keenay iyada oo aan wax ogeysiis ah la I siinnin. Amar danbe oo qoran la ima siin oo la I leeyahay Wasiirka cusub xilka ku wareeji, bal se kii hore ayaa sidiisii lagu daayay.

Wasiirkii la igu yidhi ku wareejina bari guntii iyo Sanaag Bari ayaa loo diray. Wasiirka in aan ku wareejiyo qoraal la iguma siin. Kaaga daranta Madaxweynihii wax la weydiin lahaana bax. Sidaa darteed ayaan go’aan ku gaadhay in aan wasiirka cusub xilkii ku wareejiyo si aanay meesha ugu dhicin malahayga xiisad loo dan lahaa oo Gobolka Gebilay mar kale lagu khalkhalinayay. Intiinna malawaalkan ka soo hor jeedda ama aan liqi karaynini, bal haddaba idinku keena saharaxa iyo fasiraadda sababaha ay waxyaabahan murugsan ee aan is-qabanaynini ku dhacayaan.

3/8/2012ka:

Subaxnimadii hore ayaanu Wasiirka Gaashaan-dhigga isugu soo gallay Shirkadaha magaalada mid ka mid ah. Wuxu ii sheegay in uu saacaddaa u baxayay bari, run ahaantiina barxaddii baabburta ayaan ku arkay gaadhigiisii oo diyaar u ahaa in uu baxo.

4/8/2012ka:

Mar kale ma aan raacin go’aankii Madaxweynuhu ii soo qoray markii uu xilka iga qaadayay ee uui farayay in aan xilka Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyo Wasiirka cusub, bal se saaxiibkay Abiib Diiriye Nuur wixii aan xil hayay oo dhan ayaan ku wareejiyay oo uu ku jiro xataa TV-gii Qaranku.

Inta badan waan suntadaa khudbadahayga oo sida dadka qaarkii xaalkaygu gole-ka-fuul ma aha. Khudbaddaydii xilka aan kula wareegayay waa ay qornayd, khudabaddan aan xilka ku wareejinayayna qudheedo waa ay qornayd oo labaduba war-baahinta si xoog leh ayay u galeen. Haddii aan soo xigto, markii aan Wasiirka cusub xilka ku wareejinayay waxaan ku idhi:

“Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul.

Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku asturo hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya. Sidaasna waan ku duceeyay. Aammiin.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,

Bal hadda fiiro gaar ah u yeesha sida Madaxweynuhu go’aankii xil-ka-qaadistayda ii faray in aan Wasiirka cusub ku wareejiyo Wasaaradda Warfaafinta iyo sida aan ugu wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wasiirka cusub waxaan aad iyo aad uga xumahay in lagala hadhay qaybtii Wacyi-gelinta oo weliba markii danbena laga jaray TV-gii Qaranka oo Radio Hargeysa oo sharaf iyo kaaramaba lahaa caddaysimo laga dhigay. Xaqiiqadu waxay tahay in aan caddaysimo oo keliya laga dhigin, bal se TV-gii naas-nuujinayay ee habayay laga door-biday in lagu gunneeyo dad aan qarankan meerisna u soo tolin.

Taariikhdu waa ay iska soo noqnoqotaa, suugaanta ma-guuraanka ahna waxaad ku garataa sida ay goor walba u taagan tahay. Bal hadda qormadeennan 28aad aan ku soo xidhno beydad aynu ka soo xiganayno Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maanso uu tiriyay 1961kii oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Muqdisho tegay, waxaanu yidhi:

“Dan Soomaaliyeed lama hayee, wa dabbaal kale,

Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,

Danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,

Ee daasaskeennii wixii yaallay, lagu doortay,

Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaan e’,

Dibjirkiyo haddaan lala hadlay, dumarkan gaajaysan,

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degin e’

Hadduun baa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye,”

 

Qormadii: 29aad

Malaha waan idin daaliyayba. Kol haddii aan ka tirsanaan jiray Bulshada Rayidka ah, bal aan dhaqankeennii raaco oo idiin soo koobo ilaa immika inta Qormo ee aynu wadaagnay ama wada akhrinayba iyo mowduucyadii aan kaga hadlay (Recap).

Waxaan idiin ku bilaabay Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa:

1. Ballaysinka Qormooyinka oo ahaa arar iyo hordhacba. Waxa dhex-taal u ahaa ereyga Sunnaha iyo waa Qormooyin kooban oo taxane ah,

2. Magacaabistaydii oo ku saabsanayd sidii xilka la iigu magacaabay. Labadaa qodob waxay igu qaateen saddex Qormo oo taxanahaygii koobnaa ah,

3. Xil-gudashadaydii waxaan ku soo koobay Qormadii: 4aad oo keliya, waxaanan idiin guud-maray wixii noo qabsoomay iyo mashaariicdii markaa socotay ee aan dhammaan. Waxa qaybtan idiin ku ladhnaa Qorshahayagii Shan-sannadoodlaha ahaa oo aan ku wareejiyay maamulkii xilka iga tirsaday,

4. Laga soo bilaabo Qormadii 5aad ilaa Qormadii 28aad waxaynu ku dhex jirnay Maagistaydii oo ahayd qaybta ugu dheereyd oo aan ku qaadaa-dhigay fal-xumadii iyo fool-xumooyinkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ka dhacay iyo saamaynta taban ee ay Madaxtooyadu ku leedahay habsami-u-socodka hawlaha Qaran, gaar ahaanna Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

5. Waxa dhex-taal u ahaa Qormooyinkii 20aad ilaa 24aad oo aan kaga hadlayay Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Diri-dhabe bishii Maarj 1987kii oo aan uga dan lahaa:

* Ururkii SNM waayihii uu ku sugnaa iyo sidii ay u dhaqmi jireen hay’adaheedii hoggaamintu gaar ahaan Golihii Dhexe oo wax badan ka fog kana duwan ururrada iyo Xisbiyada maanta jira oo aynu wax yar ka maqallo Shirweyne, Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed oo shir loo qabtay,

* In aynu daalacanno qaabkii hoggaamineed ee Madaxweynaheenna maanta, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo shan sannadood iyo badh ah soo hoggaaminayay SNM,

* Dhex-taallada kale ee aan soo qaatay ee SNM la xidhiidhay waxa ka mid ahaa xigashadii xikmadihii Danab Aadan Sheekh Maxamed (Shiine) iyo Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi. Xigashadooduna wax kale ma ay ahayn e’, hadalladii ay berigaa fogeyd ku hadleen ayaa maantana taagan oo sidoodii u nool. Danab Aadan-shiine waxaynu ka soo qaadannay: “Halkan in aynu isku raalli gelinno u maynu iman. Waxa dhiig la og yahay ku daadanayo isku raalli-gelin meynno.” Waa runtii Shahiidka oo maantana xikmaddaa ma-guuraanka ahi waa ay taagan tahay oo waxa dhiig la og yahay ku soo daatay la isku raalli-gelin maayo. Laaxin laga jari maayo.

* Damal Cabdilqaadir Koosaarna waxaynu ka soo xigannay: “Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama in aan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamulna odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay midna waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtuna waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.” Oo Damal Koosaar muxuu u jeedaa? Waxa laga yaabaa in aydaan sideeda u garan xigashadan Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo. Damal Shahiid Koosaar xigashadiisani waxay daarran tahay marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taageersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Qormadaydii: 2aad, waxaan ku soo gunaanaday:

“Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, aniga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sidan ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.

Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.”

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee koobnaa anigu qofaf, kooxo iyo qolooyin ugama dan lahayn weligayna waxaasi iyo wax la mid ahi midkoodna hadaf iyo yool aan

higsado ii ma noqon. Waxaan kaga hadlayay oo aan si naxli la’aan ah Qormooyinkaygan ku gorfeynayay arrimo iyo dhacdooyin (isuues and events) shacbigan Somaliland saamayntooda ku leh oo sabab u ah dibudhaca iyo hagaaska taagan ee aynu la hinqan la’ nahay.

 

Qormadii: 30aad

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee kooban waxaan ku qaadaa-dhigayay oo ummaddan tabaalaysan ku hoga-tusaaleynayay:

* Ku-takri-falka awoodaha kala duwan ee Dastuurka iyo xeerarkuba siinayaan Madaxda kala sarreysa ee Qaranka,

* Adeegsiga ay dadka ama Madaxda qaarkeed adeegsanayaan awoodo aanay xeer iyo xaagaan midnaba u lahayn,

* Hab-sami-u-socodka maamulka hay’adaha Qaranka gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta iyo qalin-daaridda joogtaysan ee ku socota,

* Sida aan habboonayn maamulkana hagardaamada ku ah ee loo magaacabo madaxda xilalka kala duwan loo igmanayo, iyada oo inta badan loo cuskado abaal-marin loo siinayo adeegyo qarsoon oo ay madaxda igmanaysa u fuliyeen amaba u fulin doonaan. Abaal loo hayo waxa kaliya ee u soo raaca ee lagu cugtaa waa qolannimo madhan oo aan macno sidaa u sii ridanba lahayn,

* Musuq-maasuga iyo qaab-darrida loo maamulo ama loogu danaysto hantida qaranka,

* Qaabka tebinta warbixinaha oo aan Madaxweynaha/Madaxtooyada ku gaadhin oo keliya ama u marin tubaha rasmiga ah, bal se mararka qaarkood qaab war-sheeko ah looga qaato dad baydhsan oo Wasaaradda ka hawl-gala,

* War-is-gaadhsiinta iyo war-isu-tebinta Xubnaha Golaha Wasiirrada oo aan isu gudbin tilifoonnadana la iska qaadin, arrintaas oo go’aan-qaadashada iyo fulinta hawlaha Qarankaba dhantaalaysa oo ragaadinaysa,

* Isku-xidh-la’aanta iyo kala go’doonsanaanta dadka xukuumadda ku wada jira ee ku qaybsan danaha gaar ahaaneed iyo kooxaysiga sadheeyay maamulka jira,

* Wadaag la’aanta xukuumadda ee dhacdooyinka dhacaya iyo wararka ay tahay in la isu gudbiyo si ay cid waliba xogogaal u noqoto, go’aammana uga qaadato,

* Illowsanaanta madaxda qaarkeed ay illowsan tahay in ay xukuumadda ka tirsan yihiin oo aanay ahayn in ay isla xukuumaddii ay ka tirsanaayeen dacaayadeeyaan ama ay jabkeeda ku diirsadaan haddii aanay ku wiirsanba,

* Idaacadda Siddeedaad iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto habsami-u-socodka hawlaha radio Hargeysa iyo amniga Qarankaba kol haddii aanay sifo sharci ah ku soo gelin kuna dhex oollin xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

* Aamminasanaan-la’aanta madaxda Qaranka qaarkeed oo aan adeegsan war-baahinta qaranka bal se u iisha inta badan war-baahinta gaarka,

* Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud:

Waa mowduuc kale oo aad iyo aad xiiso u lahaa oo aan ku soo qaatay Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaana ka mid ah: Faro-gelintii Hanti-

dhowrka iyo hawl-galka Hanti-dhowrka laftiisa. Waxa lama-huraan ah in aynu mowduucan iyo ‘Hanti-dhowraha Guudba’ ku yar hakanno oo cabbaar ku raasukhno. Faham kala duwan ayuu dadku ka haystaa Hanti-dhowrka iyo Hanti-howraha Guudba. Waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta oo aan ka madhnayn sababihii loo abuuray hay’addan Qaran iyo qaababka aan la jeclaysan ee ay u hawl-gasho.

Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii xafiiska ayaan u boqoolay. Waan iska garanayay in aanay ahayn baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Guud iskii u iman bal se uu ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badnayd in badanna la igala hadlay. Waa tii aan hore idiin ku sheegay in maalintii warqadda Magacaabista la ii dhiibay la igala dardaarmay sidii aan ninkaa u kharaajin lahaa. In badan oo danbena hadalkiisa iyo sida aan meesha looga rabinba waan maqlayay.

Waxaan soo xusuustay maansadii ugu horreysay ee Timacadde tiriyay 1969kii markii ay ciidammadii millaterigu taladii dalka Soomaaliya af-genbiga ku qabsadeen. Tixdaas oo aan ‘Rabaab’ (Violin ama dhex-yar) u bixiyay, tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Riig looxaan ah nin qaatay,

Oo Raadyowgan ceelal ka baadhay,

Kola rays kama gaadho e’,

Rash uun buu yidhaaye,”

Si kale kuma garataan e’, Maxamuud Dheere waxaan u haystay in uu subaaxdaa Riiggaa Looxaanta ah noola yimid. Wixii ka gaadhayna waaba loo wada joogi.

Uma aan qaadin baadhis caadiya. Xafiiskaygii ayaan gal is-idhi. Mise waa mid bilays ah oo indho iyo dhegoba xidhan oo sidii noobiyadda ku hor qallalay oo qori la hor taagan. Yaab ayaan labada gacmood dhabanka saaray. Dhowr iyo labaatan askari oo bilays ah oo wasaaradda ilaaliyaa, qoryo lama soo galaan Xafiisyada, lamana hor fadhiistaan oo waa ka mamnuuc. Waxay qoryaha la hor-joogsadaan labada albaab ee waaweyn ee laga soo galo Wasaaradda: baabuur iyo dadba.

Anigu weligay bilays iyo ciidan I ilaaliya ma kaxaysan mana yeelan. Xataa intii yareyd ee aan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ahaa, ma aan yeelan ciidan I ilaaliya. Gurigayga ma ay joogin. Xaafiiskayga ma ay joogin. Baabuurkaygana weligood iyo waqood ma ay raacin. Xataa mararka aan gobollada u baxayo aniga iyo dirawalka oo keliya ayaa bixi jirnay. Ilaahay baa wax ilaaliya, anna dhagar cid I disha la iga ilaaliyo iskuma aan ogeyn oo saskaa iyo cabsidaa ma aan qabin.

Askarigii Maxamuud Dheere (Hanti-dhowraha Guud) watay ee xafiiskayga hor taagnaa ayaan ku idhi: “Bal xafiiska iiga hor dhaqaaq, oo halkan qori lalama soo galo e’, dibadda ula bax. Haddii kale ciidankaa ammaanka ayaan kuugu yeedhayaa.” Sidii ayuu ku baxay aniguna aan ku fadhiistay xafiiskaygii oo la haysto, oo uu weliba mas’uul aanu dawladda iyo xukuumaddaba ka wada tirsan nahay oo aan I soo war-gelin in uu xafiiskayga baadhayo, ama Wasaaradda aan mas’uulka ka ahay kormeer ku samaynayo.

Saaxiibkeen Maxamuud Dheere igama foga oo waan arkaa isaga oo sii jeedaa oo Xasan Maxamuud wax weydiinaya. Albaabkayga iyo ka Xasan Maxamuud waa ay iska soo hor jeedaan, waxaana noo dhexaysa oo keliya Fadxiya oo ah Xoghaynta Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Waan garan karaa in aanu Madaxweyne Siilaanyo soo dirin Maxamuud Dheere oo ah Hanti-dhowraha Guud. Cid ka hooseysa ayaa soo diraysa sida ay nala tahay, maxaa yeelay Mudane Siilaanyo sida dadka qaarkii maanta iyo waqti u dhow midna ma aan baran. In badan ayaan aqaannay, dhaqammadanna qaar uu lahaa ama yeeshay ma aha e’ waa qaar ay caadaysteen inta ku xeersan ee nasteexa iskaga dhigaysaa.

Hanti-dhowraha Guud wax ogeysiin ah ima siin intii aanu Wasaaraddii aan mas’uulka ka ahaa shanta la soo gelin. Haddii laga tegi waayo, markii uu malahayga todoobaad joogay ayuu maalin ii soo galay oo igu yidhi wax u ekaa waa baadhis caadiya oo sannadle ah. Kulankayaguna intaas ayuu ahaa, run ahaantiina dhaqanka caynkaas ah ma aan jeclaysan. Waan ogaa, mararka qaarkoodna goob-joog ayaan u ahaa in uu si joogto ah warbixinta ugu geyn jiray Madaxtooyada, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada, bal se aniga wax lur ah iguma hayn. Meeshaba saddex bilood ma aan joogin. Waxaan u malaynayay in qorshe soo socda shaxdiisa la sii dhigayay.

 

Qormada: 31aad

 

Ma aan jeclayn in aan ku dheeraado Qormooyinkan danbe, oo gebagebo ayaan iska taagnaaba. Bal se, xusuusta ayaa hadba meel

xadantaynaysa, markaas ayuu dareenku u hollanayaa tuducyadii Hadraawi ee tawsta iyo tabaalahaa ku mudnaa. Waxa kugu soo dhacayaa tuduc ahaa:

“Hinji qalinka nabaryahow,
Hohe! Leebka igu mudan,
Waxba hawla kala hadhin,”

Halkaa halkeedii ayaan taaganahay ee nin kastaa candhuuftiisa dib ha u liqo. Markii uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ daf na soo yidhi isaga oo aan waxba I ogeysiin Wasiir ahaan, waanu iska garannay in uu jihaysan yahay sidii uu beryaha qaar ahaan jiray.

Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka ayaa Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur. Xasan Maxamuud markan la xidhayo, lagama kaxayn xafiiskiisa iyo suuqa midna, bal se iyada oo lagu wareysanayo xafiiska Hanti-dhowraha Guud ayaa lagu yidhi, sidii dhaqanku ahaa, halkan ha ka bixin. Goor ay saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ahayd oo ay malaha 2.00 duhurnimo saacaddu dhaaftay ayaa loo sheegay in uu xidhan yahay. Saldhigga Kood-buur in lagu xidhi ayaa qudheedu malahayga sama-fal ayay ahayd oo reerka iyo ehelkaba u dhaweyd.
Sidii dhaqankeennu ahaa odayaashii iyo Xil-dhibaannadii gobolka Awdal ayaan u kala hadhin oo habeenkii oo dhan raadinayay Hanti-dhowraha Guud, bal se il iyo baal ma ay saarin oo waa uu ka dhuuntay tilifoonkiina waa uu ka xidhay. Illeyn ma ay sii deyn karayn e’, waxay is-lahaayeen bal in dammiin lagu sii deyn karo. Habeennadii kheyrka ee Ramadaan ayay ahayd, oo habeenno la is-hantaaqo oo la is-hagardaameeyaba ma ay ahayn. Waa ninkii Ilaahay solansiiyo. Qolo kale oo ay ahayd in ay Xasan Maxamuud u gurmataana, Ilaahay mahaddii ayay taagnaayeen oo waxay la meeraysanayeen ciddii ay ku beddeli lahaayeen. Hadda arrin sahlan ha u qaadanina, waa arrin jirtay oo in badan agtayda lagu dhuftay, dad aanu sheeko-wadaag lahaynna lala soo qaaday si ay si dadban iigu soo gudbiyaan. Waanay dhacday. Ilaahay ceeb ha sturo.
Xasan Maxamuud, 5/8/2012ka ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la hor geeyay, waxaana lagu sii daayay dammiin uu ilaa maantadan aynu joogno ku jiro. Hadda waa ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/11/1012ka. Bal ka warrama?
Markii Xasan Maxamuud dammiinka lagu sii daayay, Hanti-dhowraha Guud wuxu u soo qoray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta warqad sidii taararkii xilliyadii Ingiriiska u qoran oo wada far waaweyn (capital) ah oo uu ku sheegayo: Lacagta Xasan Maxamuud loo haysto oo ku dhaweyd 300.000.000 Sh/S/L iyo sanaati warqadaas oo ay soo qoreen 1/8/2012ka. Waxay intaa soo raaciyeen in Xasan Maxamuud laga wareejiyo xilkii Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka ee uu hayay. Hadda nimankii baadhista bilaabay 30/7/2012ka, ayaa markiiba helay qaladkii-xisaabeed ee jiray oo ciddii mas’uulka ka ahaydna xidhay. Alla nimanku belaayaysanaa ma ‘FBI-dii’ baa mise waa ‘Scotland Yard-tii’ Ingiriiska ee laga yaabay. Hadda ninka sidaa loo soo eedaynayaa, weli dammiinkii ayuu ku jiraa afar bilood ka dib. Ma deyrkii Maka ayaanu gubnay haddii aanu nidhaahno, waxba lama baadhayn ee in Xasan Maxamuud shaqada laga saaro keliya ayaa Maxamuud Dheere loo soo diray, mana aha ceebtii ee waa caadadii.
Intaa hore waxbaba ma aha ee bal tan nala dhandhamiya:
Xasan Maxamuud, rummaankii ugu horreeyay wuxu ahaa 31kii bishii Juulay ilaa 14kii bishii Sebtembar 2012ka, waana 45 maalmood oo ahayd intii xaqa loo lahaa in dacwad lagu keeno, ma se ay dhicin. Hanti-dhowraha Guud wuxu korodhsaday 45 maalmood oo kale oo ka bilaabmaysay 15kii Sebtembar ilaa 28kii Oktoobar. Halkaa waxa ku dhammaday sida la ii sheegay 90kii maalmood ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xaqa u lahayd.
Intaa lagagama hadhin. Markanna Hanti-dhowraha Guud wuxu u biyaystay Maxkamadda Racfaanka oo uu ka dalbaday 30 maalmood oo dheeraad iyo korodhsiimo ah oo ka bilaabmaysay dhammaadkii bishii Oktoobar, 2012ka.
Ma maqli jirteen: “Ma annagaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa?” Bal miskiinkan yare e la moodo in aanu beni-aadamba ahayn ee uu seylad xoolaad dhex joogo eega. Xasan Maxamuud haddii uu eed ka galay hantidii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta maxaa lala sugayaa oo Maxkamad loo geyn waayay?
Maansadii Shiinleyda ee Cabdi Iidaan Faarax ayaa waxa ku jiray beyd ahaa:
“Shuf u dhimo nin ragi waa geyaa, sharafna nooloow,”
Xasan Maxamuud, geeri iyo nololba xaq ayuu u leeyahay, laakiin waxaan qabannin oo aan muwaaddin kasta qaban summadda qoorta loo geliyay 31kii Juulay ilaa maantana ka lulata ee milgaha iyo sharafta muwaaddinka meel-ka-dhaca ku ah. Xasan Maxamuud waxa qortiisa sudhan summad baas oo far waaweyn ku qoran oo ah “EEDEYSANE’.
Xaaskiisa, saaxiibbadii iyo intii la shaqayn jirtay ayaa subax kasta iyo mar kasta oo ay arkaanba weydiiya goorta ay marxaladdan kala-guurka ee eedeysanuhu dhammaanayso. Waxaa lay weydiiyaa goorta uu is-barraxayo ama xabsiga gelayo si Qaranku uga guto eedaha uu galay. Saaxiibbadii iyo tolkii ayaa arka. Shacbiga ayaa guud ahaan arka, oo maalinba maalinta ka danbeysa sii rumeysta in uu ‘DENBILE’ noqon doono oo ay ku caddaan doonto maalin aan fogeyn. Miyaanu muwaaddin xuquuq dalka ku leh ahayn?
Kaaga daranta, markan Hanti-dhowraha Guud, warqadda uu ku codsanayo shaqo-ka-joojinta Xasan Maxamuud, oo malaha dardaaranka uu qabay ahaa in uu Agaasimaha Guud la xidhiidho oo aanu wasiirnimaydadaba aqoonsanayn, lacagta Xasan Maxamuud lagu soo eedeeyay waxay dhammayd 300.000.000 sh/SL ah iyo sanaati.
Laakiin waxa aydaan ogeyn markii Xasan Maxamuud Maxkamadda la geeyay lacagta lagu soo eedeeyay oo dhammayd 927,725,500 Sh/SL. Wax lala yaabo ma aha in uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ tiro kale oo lacageed ku eedeeyay Xasan Maxamuud oo uu u gudbiyay Madaxtooyada.
Sidaa ay tahay ayuu weliba Xasan Maxamuud buro sidaa oo inta ka liidata ee Hanti-dhowraha Guud eedeeyay ku odhanayaan:
“Bal ninkaad u tahay deni,
Iyo Xaaji soo degay,
Saadaasha kugu daray,
Is-na tiisa daymood,”

Qormada: 32aad

Bal hadda aan dhanka kale ka eegno, arrinta iyo sida loo qoray warbixinta hore oo u eg waraaqihii ay qori jireen dadkii ka hoos adeegi jiray nidaamkii bahalka iyo kelidii-taliyahaba ahaa ee Siyaad Barre. Bal hadda kelmadahan u fiirsada uu Hanti-dhowraha Guud adeegsaday ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri faley, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax uu Qarankani ugu qabtay”. Hadda lacagta uu sheegayo ee Xasan Maxamuud ku takri-falay qaddarkeedu wuxu dhan-yahay 927, 725,500/=. Tolow Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ma isagaa kelidii haystay.

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah kan isku keen haya ee aynu Jamhuuriyadda iyo dawladdaba ku nahay wuxu qorayaa oo uu qabaa in Eedaysanuhu yahay denbi-laawe ilaa ay Maxkamad awood u lihi ku caddayso. Sidaas oo kalena Xeerka uu Hanti-dhawrku u cuskaday eedaynta Xasan Maxamuud waa Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa oo ah Xeer Lr. 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad, kuwaas oo iyaguna la-jaan-qaadaya Qodobka Dastuuriga ah ee odhanaya: Qofku wuxu Denbiile noqon karaa oo keliya marka uu jiro xukun Maxkamadeed oo “kama-danbeys ahi”. Bal haddaba waxaad is-weydiisaan xukun Maxkamadeed goorta uu kama-danbeys yahay ama noqdaba.

Xukun Maxkamadeed wuxu kama-danbeys noqon karaa oo keliya marka uu oofsado dhammaan jaran-jarada looga qaato rafcaannada ee Maxkmadaha Rafcaan iyo Maxkamadda Sare, saddexdaasina isku raacaan: “In danbigaasi dhacay, Eedaysanuhuna yahay kan galay danbiga”. Mar haddiiba ay sharcigii iyo Dastuurkiiba sidaa cad wax u qorayaan, maxay ka dhigan yihiin weedhahan dhagareed ee Hanti-dhowraheennii amranaa adeegsanayo ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri-faley”.

Miyaanay weedhan hoosta ka xarriiqan ee Hanti-dhawraha Guud muujinayn in uu dusha u ritay xilkii saarnaa Xeer-ilaaliyaha Guud iyo mas’uuliyaddii shaqo ee Garsoorku lahaa? Miyaanay erayadaasi meel-ka-dhac ku ahayn damiirka iyo magac-samida shakhsi ahaan qofka eedaysan? Miyaanay gef ku ahayn Dastuurka iyo mabaadiida bud-dhigga u ah garsoorka ee loo yaqaan “presumption of innocence” ama in qofka loo qabo Eedaysane ilaa Maxkamad horteed denbi kaga caddaanayo?

Dhinac kale aan ka eegto marka uu Hanti-dhawrku qoray warbixintan ugu horreysay 1/8/2012ka ee uu cayimay tirada guud ee lacag ahaan uu ku eedeysan yahay Xassan Maxamuud oo dhammeyd 927,725,500/=, bal hadda tirada hoos u eega waa mid sugan, oo aan muran geli karin, erayada uu ku muujinayana waxay u dhigan yihiin “waxa marag ma doon ah in uu si badheedh ah ugu tagri faley”.

Haddiiba ay sidaa uu sheegayo wax ka jiraan maxaa keenay ilaa maanta in Xasan Maxamuud damiin ku joogo oo kolba muddo kordhin ay codsadaan. Miyaanu saaxiibkeen Maxamuud Dheere ka dhigneyn islaantii loogu maah-maahay “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay”. Waxa intaba ka daran qoraalka danbe ee uu ka daba-geeyay Maxamuud Dheere oo uu cinwaan uga dhigay “TAAR” oo far waaweyn ku qoran, sidii wuxu joogo xiligiyadii gumeysigii Ingiriiska ee Taarku ahaa waxa kaliya ee war la iskugu gudbiyo, taas oo uu haddana qaddarkii lacageed ee uu isagu ina lahaa waa marag ma doon kaga noqday ama ku buriyay, mid cusub oo hor lehna ku abuuray. Qaddarkan danbe, sidii aan shalayba idiin soo qoray waa lacag dhan 300,000,000 /= iyo sanaati. Bal hadda halkaa u fiirsada!

Hanti-dhawrku wuxu eeddiisa sal uga dhigay Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa Xeer Lr: 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad. Mar haddii ay dacwadi ku socoto qofka shaqaalaha ah waxa xaaraan ah in tallaabo anshax-marineed ay ku sameeyaan mas’uuliyiinta ka sarreysaa ilaa iyo ay dhammaanayso dacwadda qofka shaqaalaha loo haystaa, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawlada Xeer Lr. 07/96 Qodobkiisa 33aad. Ujeeddadu waxay tahay in aan qofka shaqaalaha xuquuqdiisa lagu tuman muddadaa uu ku meel-gaadhka ku jiro ee aanay waxna ku caddaan (Denbiile) ama aan wax lagu waayin (la sii deyn), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa Xasan Maxamuud badhtamihii bishii Ogos, 2012ka u qoray warqad uu ku amrayo in aanu xeyndaabka Wasaaradda soo geli karin. Miyaanay ka dhignayn ceebayn sumcad-dilis ku ah magac-samida qof shaqaale ah oo xuquuqdiisa leh oo isaga oo ku jira xaalada ku tilmaaman Qodobka 33 ee Xeerka Shaqaalaha Dawlada sidaa foosha xun loola dhaqmayo. Bal hadda waxaad u fiirsataan sharciga iyo nooca shaqo ee shakhsi gaar ah sharaf-dilkiisa loo adeegsanayo, iyo awoodda maamul ee cidi iska maroorsatay. Sharciga miyaan loo sinnayn? Miyaan xuquuq isku mid ah muwaaddiniintu lahayn?

Bal hadda dhanka kale aan ka eegno oo aan is-weydiinno awoodda Hanti-dhawraha Guud inta ay le’eg tahay sharci ahaan. Hanti-dhawrku waa Hay’ad madax-banaan oo ku aasasan Xeer Lr. 05/98. Waxay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baadhis hufan ku sameyso kharashka iyo dakhliga dawladda soo gala, isla-markaana ay diiwaan-geliso dhammaan buugaagta cashuuraha lagu qabto oo la isku yidhaa “GR” ama General Receipt. Xagga baadhista haddii ay uga soo if-baxaan fal-danbiyeedyo, waxay diyaarinayaan Gal-dacwadeed, kaas oo ay tahay in ay u gudbiyaan Xeer-Ilaaliyaha Guud. Mas’uuliyadda Hanti-dhowrku waa in ay laba shay caddeeyaan: Marka koowaad waa in ay sugaan in denbi dhacay, marka labaadna waa in ay xaqiijiyaan in eedaysanuhu yahay kan galay denbiga,

Hanti-dhawraha Guud wuxu leeyahay diyaarinta warka hore ee eedda in uu bixiyo, kana caawiyo Xeer-ilaaliyaha Guud sugidda caddaymaha kala duwan. Qaabka wada- shaqayneed ee labadan hay’adood ee kala madaxa-bannaan waxa qaabeeya laguna

dejiyay Qodobka 20aad iyo 21aad ee Xeerka Hanti-dhawrka iyo 70aad iyo 71aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Guud.

Haddaad saddexdaa qodob isla akhrido, waxa kuu soo if-baxaysa, in Hanti-dhawraha Guud ku fashilmay gudashada xilkiisa isla-markaana uu tahli kari waayay in uu badheedhihiisii fadalka caddaa ee uu marag-ma-doonta ugu hal-qabsaday uu irbad caaradeed u soo gudbiyo hay’adaha Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta. Haddiiba wuxu sidan yahay miyaanay habboonayn in isaga lagu soo oogo dacwad ka dhan ah oo daarran “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran” ama “Magac-dil”. Miyaanu qabaneyn Xeer Lr. 38/2007 ee uu isagu cuskanayay Qodobkiisa 8aad ee “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran”, mise sharcigaba wuxu u yaqaannaa meel waxaad doontana aad ka qaadanayso, waxaad doontana ka tegayso, hadba sida isaga u dan ah.

Dhacdooyinka iigu xanuunka iyo soo-jeedkaba badnaa intii aan noolaa waxa ka mid ahaa dilkii bahalnimada ahaa ee Jibriil Aammin iyo wiilkii dhallinyarada ahaa ee Cali- Mazda. Odeyga Jibriil Aammin waxa laga xidhay Wasaaradda Caafimaadka ee Muqdisho oo uu Agaasime Guud ka ahaa. Wiilkaa yaraa ee Cali-Mazda wuxu Maxamuud Dheere ka xidhay Wakaaladdii Dayactirka Gaadiidka ee ‘WAGAD’ ee magaalada Berbera. Wuxu ku eedeeyay boqol kun oo shilin sida aan maqlay. Hadda hantida gobolkan Woqooyi-galbeed ee uu mas’uulka ka ahaa lagu boobayay malaayiin dollar waa ay gaadhaysay. Qolyaha reer koonfureedku gobolladii Woqooyi aad ayay u jeclaayeen oo waa ay ku hodmi jireen, waxaanay u yaqaanneen ‘Abu-dabi’.

Labadaa marxuum badbaadintooda muddo ayaanu ku jirnay oo xataa habeenkii ugu danbeeyay Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynihii Jabuuti oo la ii sheegay in ay Jibriil Aammin ilmo-abti ahaayeen ayaa Maxamed Siyaad Barre tilifoon kula soo hadlay. Sidaas ayaanu u ulanayay in labadoodaba xabsi-daa’in laga dhigi doono. Nasiib-darro subaxnimadii danbe ayaa labadiiba la toogtay. Gurigii Jaamac Rabbiile Good, Ilaahay ha u naxariisto e’, ayaanu habeenkii oo dhan ku soo jeednay.

Anigu maanta xil Wasiirnimo oo la yidhaahdo Xasan Maxamuud ayuu ku ilaalinayaa ma lihi ee bal inta Maxkamad la geeyo ha lagu soo oogo waxa lagu haysto. Wasaaradda 375 qof ayaa ka shaqeeya, Xasan Maxmuud keliya ayaa eedaysane ahna wax la qaadan karo, ma aha e’, bal dee Maxkamadda ha la saaro

Waa I noo bilowgii gebegebeda Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa iyo berrito haddii Eebbe inagu simo.

 

 

Qormada: 33aad

Aniga oo ku dhex jira soo-ururintii taxanahaygan kooban (Re-cap), ayuu ila taraaray Qodobkii Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud. Run ahaantii waa qodob xiiso leh oo mudan in lagu talax-tago, maxaa yeelay Hay’ad ay ahayd in ay u adeegto maamul-wanaagga ayaa laga yaabaa in loo adeegsaday maamul-xumaynta iyo khal-khalinta hay’adaha Qaranka. Immisa sannadood ayaan xisaab-xidh lagu samayn Miisaaniyadda Qaranka? Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda immisa bilood ayaa lagu hayay Imperial Hotel? Hadda waxyaabihii ugu mudnaa ee lagaga caban jiray xukuumaddii hore waxa ugu mudnaa xisaab-xidhka? Maanta maxaa lagu illoobay? Mise awrka ayaa lagu kacsanayay.

Xukuumadda maanta dalka ka jirta waxa la gudboon in ay dib u eegto hawl-galka Hanti-dhowraha Guud inta aanu dal iyo dadba la amban oo aan meel dheer la inaga doonin. Hay’adda Hanti-dhowrka iyo inta ka hawl-gasha ayaa u baahan badbaadin iyo xil-gudashadooda oo dib loo habeeyo, sumcaddoodiina loo soo celiyo. Waxaynu u jeednaa ma aha cay iyo dhaleecayn. Haa….Waa laga yaabaa in ay dadka qaarkii sidaa ugu muuqato, innaga xaggeenna se waa badbaado iyo daryeelka, dad iyo dal u baahan horumar iyo nabadgelyo buuxda oo waarta. Waxaynu u jeednaa sidii aynu caddaalad ijtimaaci ah oo aynu u siman nahay u heli lahayn.

Maanta intaa aan kaga hadho, aniga oo ku rajo weyn in aynu waqtiyo danbe fursad intan ka badan isu heli doonno, haddii Eebbe inagu simo.

Maxaanan Qormooyinkan taxanahaa ahaa ee kooban uga gol lahayn ama uga jeedinba:

Aan soo xigto oo ballaysin uga dhigo qaybtan, tuduc uu lahaa Macallinkii halgamaaga ahaa ee ku caan-baxay run-sheegga iyo xaq-u-dirirnimada, Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye. Sow kii lahaa:

“Wallee qalin-daraalaha

Denbi Qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada.

Wallee qoonta mililka leh

Qaarka sare ma dhay-dhayo”.

Sida dadka qaarkii oo aad iyo aad u koobnaa ay kaga soo fal-celiyeen Qormooyinkan taxanaha ahaa ee koobnaa ugama aan jeedin:

* In aan cid gaar ah ama qof gaar ah, xilka uu doonaba ha hayo e’ ku eedeeyo ama dhaleeco uga dhigo,

* In aan ku gudbiyo ama ku faafiyoba wax ay ummaddan iyo Qarankani gaar u leeyihiin,

* In aan ku cadho-burburo ama ku aar-goostaba, waayo xil-ka-qaadista wax ceeb ah uma haysto, umana haysan, umana haysan doono mustaqblka, Madaxweynuhuna waxba I ma yeelin ee in uu ii naxariistay ayaan u qabaa oo uu weliba I qiimeeyay,

Waa ayo dadka inta badan nebcaysta ama aan jeclaysan qormooyinka noocan oo kale ah:

* Dad aan jeclayn in runta la sheego ama xukuumaddaba la tilmaamaba,

* Dad aamminsan in ay ummadda inteeda kale ka xigaan Xukuumadda, oo aan si maan-gal ah u caddayn karayn sababta ay dadka uga xigsanayaan. Hadda weliba sidaa ay tahay wax sad-bursiimo ah oo ay difaacaa ku qabaan ma jirto,

* Dad Xukuumadda dano gaar ah ku qaba oo dalka iyo dadka intiisa kale aanay waxba ka gelin,

* Dad dawladda amah ku leh ama wax kaleba ka naawilaya,

* Dad xilal haya oo haddii ay u rixiyaan (xagliyaan ama jeclaystaanba) Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban ka baqaya in shaqooyinkooda loogu yimaaddo,

* Dad aan aqoon ku filan lahayn oo intaa aynu kor ku soo sheegnay ku cabsi geliso, sirtii dawladda ayaa bannaanka la soo dhigayaa,

* Intaa waxa dheer daan-la-roortii, intii dalqada indhaha ku lahayd ee sidii gorgorrada geedaha dul fadhiday,

* Inta jabka iyo halaagga ummadda diillaasha ee ka dhigta wax ay ‘Mashruuc’ u yaanniin,

* In xasadka iyo xiqdigu uurkooda biyo-dhigeen oo hinaase la duuban ama ku fal-celisaba. Waa dad iska bukaan-socod ah,

Intii aan Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban qorayayba dhallinyaradu aad ayay ii la soo xidhiidhaysay. Waxa jiray qaar doonayay in ay Qormooyinkani joogsadaan oo u arkayay in SIR dawladeed la faafinayay. Waxaan si la yaab leh uga helay wiil dhallinyaro ah oo maalin e-mail ii soo diray, isaga oo u jawaabayay kuwa ku andacoonaya in SIR dawladeed la faafinayo ayuu iyagii soo weydiiyay su’aal ahayd: MA SIR DAWLADEED baa mise waa WAA SILIC DAWLADEED. Hoosta ayaan ka xasuustay tuduc Deelleeydii Dheeg ku jiray oo ahaa:

“Dalka waan ka quustee,

Dunida show rag baa nool,”

Aan marka horeba is-barraxo. Intii aan idiin soo baahinayay Qormooyinkaa taxanaha ahaa ee koobnaa, marna idiin ma soo qorin wax SIR dawladeed lagu sheego ama lagu tilmaamaba.

Marna idiin kagama sheekayn, idiin mana soo qorin wax ku saabsan ama loo aaneeyaba:

* Gantaalo riddada dhexe ah oo Somaliland ugu rakiban meelo istaraateji ah oo ay cadawgeeda kaga toogato,

* Qaacidad ama qormo-sin (formula) Somaliland leedahay oo ay ku samaynaysoo dawo aan nooceeda hore loo arag,

* Dayax-gacmeed Somaliland hawada sare u ridayso oo ku rakiban bananka: Xadeed, Geeriyaad, Qool-caday, Ban-cadde, karamaan ama bananka kale ee dalka intiisa kaleba ku yaal,

* Ciidammada Qaranka ee kala duwan iyo xog ku taxan arrimahooda,

* Wax Qaranka Somaliland ugu suntan SIR ama dokumenti qarsoodi u ah,

In badan ayaan wax qorayay, waxaanan halkan ka caddaynayaa in ay Qormooyinkani ahaayeen kuwii iigu xiisaha badnaa ee noloshayda ii soo mara. Waxay ahaayeen:

* Kuwii ugu akhriska badnaa,

* Kuwii ugu danaynta iyo xiisaynta badnaa,

* Kuwii ugu fal-celiska badnaa,

* Kuwii ugu faafidda badnaa,

* Kuwii ugu keydinta badnaa, oo dadku iyaga oo aan iga fasax qaadan ayay Qormada ay helaanba fayl ama gal gashanayeen,

* Kuwii iigu tilifoonka iyo e-mailka badnaa, marka aan eego intii aniga la ii soo diray iyo faallooyinkii soo galay mareegtayda www.dharaaro.com iyo facebook-ga,

* Kuwii ugu badnaa ee ay dadweynuhu iga codsadaan in aan buug uga dhigo,

* Kuwii ugu badnaa ee ay bulshada Somaliland meel ay joogtaba akhriskeeda ka sinnayd,

* Kuwii ugu mudnaa ee la tix-raaci kari waayay isla markaana laga jawaabi kari waayay ee intii lagu dhalliilayay ku hafatay,

Tilmaamahan aan kor ku taxay maxay ku yimaaddeen ama sabababba u ahaa, siday ay ila tahay?

Intaa iyo in kale waa inoo berri haddii Eebbe inagu simo.

Qormadii: 34aad

Qormadii aan idiin soo gudbiyaba fal-celis la yaab leh ayaa ka soo noqda. Aniga oo galabta Qormadan 34aad garaacaya, ayaa nin I soo garaacay. War dhiillo leh ayuu ii sheegay oo ah in Jibriil Aammin markii la toogtay, ninkii beddelay ‘Foojarkii’ la waayay ee lagu dilay ka helay khasnadda dabadeeda mar xafiiska la sifaynayay.

Qaybtii 33aad ee Magcaabistaydii, waxaan idiin ku sheegay sifooyin badan oo togan oo ay uu taxanahan koobani leeyahay. Waxaan intaa idiin ku daray in aan idiin sheego sababaha sifooyinkaa keenay. Sida ay aniga ila tahay, waxaan idiin ka sheeekeeyay, waxyaabo aydaan hore u maqli jirin oo noloshiinna iyo aayihiinnaba taabanaya. Waxaan si hufan oo aan dhaleeeco iyo shakhsi-weerar lahayn idiin ku guud-maray siyaabaha dalkan loo maamulo. Waxaan ku dedaalay in ay Qormooyinkaygu noqdaan qaar mowduuciya (objective) oo aan ‘daati’ (subjective) ahayn.

Qoraalladayda waxaan idin kula wadaagay dhacdooyin dhab ah oo I soo maray, aniga oo aan qofna ribayn qofna aan iskaga rixin. In badan oo aan qormooyinkaygan ku dhalliilay, haddana waxaan ka marag kacay waxyaabo togan oo ay sameeyeen ama ay ila qabteenba. Xaasha! Cidna libin ay leedahay kagama aan masuugin. Mar mar waan idin la yar fogaaday si aan u soo lumiyo ma-kas waxaanay ahayn iska dhigaysay. Raallina waad ka ahaanaysaan haddii aan idin la fogaaday.

Waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii faraha badnayd ee dalkan iyo dadkiisaba xoreysay. Sida in badan oo ila mid ah, wax gaar ah kuma aanu doonayn. Waxaan aamminsanahay sida in badan oo idin ka mid ah in aan dawlad iyo xukuumad midnaba nalaga xigin. Xukuumadduu waa tii aanu u soo halgannay, waa tii aanu doorannay. In aan ceebeeyo iyo in aan xajiimeeyo midna qalinka uma hollan.

Sida dadka qaarkii fikrad ahaan xaggayga dadku (macaa dawladdu) Muxaafid iyo Mucaarid iiguma qaybsana. Su’aasha qofka caqliga lihi is-weydiinayaa waxay noqonaysaa: Maxaan Muxaafid ku noqdaa? Maxaan se Mucaarid ku noqdaa? Yab-yab iyo yagleel ayaynu nahay aan weli loxos goyn. Xaalkeenna waxaan u arkaa: “Xaggan qabo iyo halkan ka toosi.” Wax la isku riixo iyo wax la kala riixdo midna ma haynno. Waxaynu taagan nahay ma jirnaa, Geeska Afrika iyo adduunkaba ma ka muuqanna. Taasina waa mid aynu karaynno

Xukuumaddeenni dhabanka iyo gacanta ayaa isku engegay. Waa ay xiiqsan tahay. TV-gii Qaranka waad arkaysaan habeen walba inta soo gelaysa ee wax-qabad iyo guulo soo hoyday ka sheekaynaysa. Xog-ogaal ayaan isku tiriyaa, in aan qaldanahayna waa suuro-gal oo qiimayntu tayda ma aha ee waa ta Eebbe. Wixii soo raacaa waa qiimaynta shacbiga. Xukuumaddan waan ka tirsanaan jiray, in kasta oo ay muddadu koobnayd.

Markaygii horena, shacbiga ayaan ka tegay immikana iyagii ayaan ku soo noqday oo inta noloshayda ka hadhayna aan is-leeyahay ka tirsanow. Xukuumaddu intii aan ki jiray waxay aad iyo aad iyo aad ula yaabbanayd waxan dadweynuhu u arki waayeen mashaariicdan faraha badan ee ay hirgelisay. Intii aan Xukuumadda ku jiray si dadban iyo si toosanba waa looga hadli jiray. Alla, werwer iyo walaac badnaydaa!

Hadda xaaladdaasi meel xun ayay soo gaadhay oo waa tan Odeygii fadhiba loo diiday ee safarrada bari iyo Galbeed galaa-bixinayo. Hadda safarradaa innaga oo ka da’ yar ayaan qaadi karneen. Midi waa geed ka-go’an oo mashaariicda la hirgeliyay intan ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay aad iyo aad ayay uga badan tahay intii ay Xukuumaddi UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin qabatay ama ku tallaabsatayba. Taa muran kama taagna. Hadda anigu ma aan odhan Xukuumadda Kulmiye, bal se waxaan leeyahay oo ku adkaysanayaa Xukuumadda Siilaanyo. Kaasi waa nabar.

Arrintani, waxay inala gelaysaa sheeko-baralaydii ahayd: Timirta iyo Sonkorta kee ayaa macaan? Ninkii odeyga ahaa ee su’aashaa la weydiiyay wuxu ku jawaabay: “Ma Nahda hore, mise Raandhiiska danbe?” Sidaas ayuu sonkortii iyo timirtii u kala siiyay labadii sifo. La iskuma haysto in Xukuumaddan Siilaanyo mashaariic badan hirgelisay, xaqiiqadu se waxay tahay in aanay Nah iyo Raandhiis midnaba lahayn. Mashaariicdii ayaa markaa ku soo koobmaysa daar, waddo, ceel ama wax la mid ah oo la taagay bal se aan lahayn maamul iyo agaasin hagaagsan oo aqoon leh. Wixii marka ay sidaa noqdaanna, wax saamayn ah kuma yeelanayaan noloshii mujtamaca, bal dhibaato ayay la imanayaan. Nin aqoonyahan ah oo reer Hargeysa ah oo mashaariicdan iyo hay’adaha Xukuumadda Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo ka hadlayay ayaa laga hayaa: “Waa bilaa ‘Software’ ama ‘Software’ ayaanay lahayn.”

Mashaariicdan la sheegayo, ayaa dib ugu noqonaya tilmaamihii maansooyinkii Gaarriye, markii uu lahaa:

“Dusha jidhifta mooyee,

Show dhuuxba kuma jirin,”

Mararka qaarkood ayuu baadi-doonku kugu dheeraanayaa si aad u hesho suugaan aad xaaladahan oo kale ku sifayso ama ku tilmaantaba. Dib waxaad ugu noqonaysaa, naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, fannaanadii caanka ahayd ee Khaliimo Khaliif Cumar. Waa Riwaayaddii horraantii lixdamaadkii ay fannaaniintu ka dhigeen Hargeysa. Waa Riwaayaddii ay saddexda nin ku kala dooranaysay ee ay lahayd:

“Mid qun loo abuuroo,

Qurux loo dhammeeyaa,

Ka qalaalan hoostood,

Qawaddaa hadhowtee,”

Mashaariicdan la sheegayo ayaa dadka ula muuqata waxa hoosta ka qalaalan oo aan dhuuxba ku jirin. Hadda ha ila ambanina, mashaariicda naftooda ayaan u jeedaa e’. Ma tusaale nool ayaad doonaysaan. Inta aad doontaanba aniga ayaa idiin la diyaar ah. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: “Meyd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa la sii sido.” Si aan la ii odhan dad kale ayuu maagayaaba aan idiin ku noqdo bartii aan ka hawl-geli jiray ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wax la raadiyo Ictiraafka aynu ku il iyo dhegba beellay, waxa inoo raacayay Idaacad dalka oo dhan laga wada dhegaysto. Bal hadda fadlan ila socda oo ha iga hadhina.

Idaacad 100 kw ah oo dalka Shiinaha laga keenay oo aan loo hagar-bixin. Waxa ka qiimo badan oo looga han-weyn yahay Idaacadda Siddeedaad ee koontarabaan ahaanta u dhex taal barta uu yaallo Muuq-baahiyaha TV-ga Qaranku. Gabayaageennii weynaa ee Axmed Ismaaciil, Qaasin ayaa laga hayaa:

“Gobaad waxay la daaqdaa sagaal, Goroyo-cawleede,

Wax la yidhi gal daayeer cabbaa, habari geysaaye,

Wax la yidhi gujaa lagu lisaa, labada gooroode,

Gol-qaniinna waa loogu daray, yaanay gaaggixin e’,”

Idaacadda cusub markii aan ka quustay shidaalkii ay afarta bilood ee sannadka ka hadhsanaa ku shaqayn lahayd, ayaan door-biday in aan ka maqnaado kol haddii aanan ka muuqanayn. Odhaahda ayaana sidaa ahayd.

Idacadda cusub ee 100ka kw ah, waxa laga jaray oo loo quudhi waayay TV-gii Qaranka ee gunnayn lahaa, oo laga door-biday sida la sheegayo ee laga yaabo in ay weliba muuqato in lagu gunneeyo dad gaar ah oo aan Madaxtooyada ka fogeyn. Hadda farsamayaqaannadii ka hawl-gelayay waa ay bakhtiyayaan. Hadal-haynteeda yaraatay ayaad ka garanaysaa in aanay samayn saamayntii ay samayn lahayd.

Waxaas iyo wax la mid ah ayay Xukuumaddeennii doonaysaa in aynu u riyaaqno oo durbaan been ah u qaadanno. Xagga Hay’ad-dhiska Xukuumaddeennu waa ka hungo-qaawan oo hor Ilaahay ayay ka joogtaa. Shaqaalihii waaya-aragga ahaa ee aqoonta lahaa maalintii ay xilka tirsatay ayay u qaadatay xaaqin aan murxayn oo aan madhanayn oo ay ilaa maanta dabada haysato. Dad aan melena shaqo u soo marin ayaa tuurta lagu sitaa oo sidaa loogu saydhayaa hay’adihii Qaranka, intii xilalka gudan karaysay ee xishoonaysaynna dibadda loo tuurayaa. Aqoontayda gaaban, waa sida ay ila tahay.

Faanku wuxu ku jiraa xulidda, carbinta, korinta, tababaridda, dallacsiinta, u-xaq-sooridda iyo aqoon-u-kordhinta shaqaalaha hay’adaha dawladda ka hawl-gala (Human resources development). Faanka iyo reyn-reyntu kuma jiraan inta goobood ee aad dhisto. Adiga oo aan wax maaddiya (material) dhisin, ayaad shaqaalaha aad dhisataa meel cidla’ ah wax kaaga soo saarayaan, meel la dhisay oo kuwa ka shaqaynayana hayb, eex iyo qolo lagu soo xulay oo aan wax kale loo eegin, gool ku dhalan maayo, dadkana lagu sabi maayo. “Waa dad soo gubtoo jabay.”

Qormadii: 35aad

Habeenkii, waxaan Qormooyinkan taxanaha ah ee kooban u qaybiyaa wargeysyada, subaxda horena waxaan u qaybiyaa mareegaha iyo saaxiibbada qaarkood oo xiiseeya. Tilifoonnada iyo e-maillada ayaa mararka qaarkood sida roobka iigu soo daata. Subax kasta waxaan ku quraacdaa dareenka iyo fal-celiska akhristayaasha qiimaha leh, sida ay iyaguna ugu quraacdaan Qormooyinkan aanay xiisahooda ka ledin. In badan oo ila soo xidhiidhay ama I soo hor joogsatayba ayaa ku tilmaanta Qormooyinkan ‘Faleebbo’ ku socota oo rajadoodii iyo ididiiladoodii soo noolaysay.

Saaka markii aan e-mailladaa dhex qaadayay waxa igu soo baxay, kan aan waxoogaaga ka soo garoocanayo, aniga oo aan uga fasax qaadan wiilkii ii soo qoray. Raalli, ha iga haado aniga oo magaca sheegayn, waxaanu yidhi:

“Marka hore salaan Mujaahid, Marka xiga ma laga yaabaa, in Wasaarad laguu magacaabo in khayrku ku jiray? Waxa aan sidaa u leeyahay, waxa noo caddaatay in aan dawladi dalkan u maqnayn. Ma laga yaabaa in ay Madaxtooyadu aamminsan tahay meeshu in ay tahay shirkad xawaaladeed oo aanay aqoonba u lahayn dawlad iyo dawladnimaba? Waxa aad noo ahayd mashqac qudhunkii huursanaana bannaanka ayaad noo soo dhigtay eesh-calaa.”

Mar danbe oo galabtii ah ayaan jawaabtan ka helay, aniga oo xalay weydiistay in aan daabaco iyo in aan magaciisa sheego, waxaanu iigu soo jawaabay:

“Marka hore salaan, Mujaahid. Marka xiga jawaabtaydu waa haa. Email-kii shalay aan kuu soo gudbiyay dhawr erey oo xagga qorista aan qalday ayaan hadda soo saxayaa markaa halka aad la jeclaato ku talbiis. Fuleynimo iskuma ogeyn e’ waxba ha qarin magacayga.” Magaciisuna wax la sheelo ama la qariyo ka weyn oo Badeed ayaa la yidhaahdaa. Ma is-tidhaahdeen ninkan odeyga qofkii baddiisa galaa, waa uu ku hafan. Salaamaad!

Miyaynaan ‘Marathon’ dheer soo ordin! Bal hadda aan ku soo daaddego biyo-dhacaygii iyo gobo’da sheekada.

Gegegebada sheekada,

Waa gunaanadkaygii,

Gar-naqsigii ku soo noqo,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, waxaan aamminsanahay oo aan rumaysnahay isla markaana u hoggaansanahay in uu Xeer, Xaagaan iyo Xaqba u leeyahay in uu Wasiir ii magacaabo, isla markaana iga qaadi karo xilka. Taa ma diiddani. Ninkii jiray se waxa laga hayaa: “Xaaqda ayaan diiday.”

Waxaan beddelay oo aan xilka ka qaaday laba Agaasime-waaxeed oo Wasiir iga horreeyay uu magacaabay. Tabta uu Madaxweynuhu Xeerka, Xaagaanta, Xaqa iyo

awoodahaba ugu leeyahay in uu Wasiir beddelo, ayaan Wasiir ahaan aniguna u lahaa awoodo ay Xeerka, Xaagaanta iyo Xaquba I siiyeen. Ma ay ahayn in uu Madaxweynuhu igu yidhaahdo: “Labadan Agaasime ku celi shaqadoodii oo go’aankaagii ka noqo.” Madaxweynuhu aniga oo ixtiraamaya, Xeer, Xaagaan iyo Xaq midna iiguma lahayn in uu iga hor joogsadao adeegsiga aan adeegsanayay awood uu isagu ii igmaday in aan gadh-wadeen ka noqdo, hago oo hoggaamiyo hawlaha ballaadhan ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Isagana waa la dhaariyay, anigana isaga hortiisa iyo Golaha Xukumadda dhexdiisa ayaa sidaas oo kale la iigu dhaariyay. Kaasi waa nabar.

Labadii Agaasime-waaxeed ee aan xilka ka qaaday mid wuxu u magacaabay Af-hayeenka Madaxtooyada oo waa awood uu leeyahay oo aan cidina ku haysan. Xeer, Xaagaan iyo Xaqba wuu u leeyahay. Agaasimihii labaad ee aan xilka ka qaaday, Madaxweynuhu wuu rumeystay in aan xilkii ka qaaday oo Wasiirkii cusbaa ee ii beddelay ayaa u qoray warqad cusub oo magacaabis ah oo uu xilkiisii hore ku haynayo. Taas macnaheedu waxa weeye in ay go’aan-qaadashadaydii aan labada Agaasime ku beddelay ahayd Xeer, Xaagaan iyo Xaqba.

Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay: Muxuu Madaxweynuhu u aqoonsanayaa go’aammada Agaasime-waaxeedyada ay Wasiirradu ku magacaabayaan ee uu u aqoonsan waayay go’aammada ay Wasiirradu Agaasime-waaxeedyada xilka kaga qaadayaan. Muxuu Madaxweynuhu saddex Wassiir oo uu hawl isku mid ah marba mid u magacaabay, qaarna go’aammadooda u aqoonsanayaa, anigana go’aammada aan Wasiir ahaan u qaatay u deedafaynayaa ee iigu qasbayaa Agaasimayaal Waaxeed oo aan xil ka qaaday in aan ku celiyo.

Ma milgaha iyo maamuuska dawladnimo oo aniga iga qarsoonaa baa? Ma qaababkan cusub ee dawladnimada loo doojiyaa? Qoodhiin iyo xeradiin bal gartaa naqa, aniguna kii wixii la saaro qaata ayaan ahay.

Ma diiddani in xilka la iga qaado, bal se qaabka iyo qiimaynta aan qof mas’uul ah qaban ayaan qawaday oo quudhsaday. Bal idinkuba qiyaasa oo miyaan ku qaldanahay? Mise waan ku qummanahay?

Waxaan hortiinna ka qirayaa in aan ka nastay oo aan ku qaboobay, kuna faraxsanahay in aan xilkaa ka tegay oo aanan wax qoomammo ah u qabin. Docda kale yaan Madaxweynaha lagu eedayn in uu shaqadaydii Akaademiga I seejiyay, markii danbena muddo gaaban ka dib xilka iga qaaday. Taasi ma aha mid Madaxweynaha eed looga dhigayo. Aniga ayaa qaatay go’aanka xil-qabashada, raalli ka ahaa isla markaana go’aansaday in aan Akaademiga ka tago. Fadlan, yaan loo qaadan in Madaxweyne Siilaanyo iigu talo-gakay luggoyada. Kiiskaa saaxiibkay, Mujaahid Axmed ma qabo ee yaan la saarin.

Markii xilka la iga qaadayay, Madaxweynuhu wuxu ii soo qoray: “…..Xilalka Qaranka ayay dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee JSL.”

In la iga qaado wax ceeb ah ma laha, bal se waxaan I qaban, Qarannimadana aan qaban in xilka la iiga qaado awood aan sharci ahaan u lahaa oo aan adeegsaday. Ma aan hanan kari waayin xilalkaygii Madaxweynaha iyo Qarankuba ii igmadeen. Xaasha! Indhaha dadweynaha iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaan u maragsanayaa, waxaan qabtayna wax la qarin karo ma aha.

Dardaarankii Macallin Gaarriye, ayaa I faray in aan sidan yeelo oo garasho ayaa igu tidhi yeel. Miyaanu Gaarriye odhan:

“Wallee qalin-daraalaha,

Denbi qaranka laga galay,

Kama qariyo wadhatada,

Wallee qoonta mililka leh,

Qaarka sare ma dhaydhayo.”

Su’aalahan ayaa iyaguna jawaab idin qancisa anigana I qancisa u baahan:

1. Waa kee Xeerka uu TV-ga Qaranku ku yahay Hay’ad dawladeed oo Madax-bannaan? Ma Xeer la’aan ayaa lagu aasaasay? Miyaan Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Kaahin lagu eedayn jirin Xeer la’aantan? Xeerekee iyo Xaagaantee ayaa Maareeye loogu magcaabay?

2. Maxaa lagu sababayn karaa TV-gan laga gooyay Wasaaraddii uu gunneyn jiray? Ma dhab baa in cid gaar ah loo gooyay?

Kun iyo kow su’aalood oo kale ayaa Xukuumadda maanta looga baahan yahay in ay ka jawaabto. Waa halgankii Qalinka iyo Qowlka ee ha la isu dul-qaato.

Aan ku soo xidho tuducyo ay iga codsadeen akhristayaasha Qormooyinkani, gaar ahaan nin Riyaad xalay igala soo hadlayay. Waa tuducyo aan ka soo qaadanayo Maansadii ‘Dallaalimo ee Hadraawi. Sida dhayda geela u durduurta ama casiirkaba, hadba halka aad joogtaan, Hadraawina wuxu yidhi:

“Nafta haw darraannoo,

Ha is-taagin daaftee,

Dusha soo kor lay yidhi,

Duug hadhaan se ka xigsaday,

Dabka aad shidaysiyo,

Dabra-weerarkaagiyo,

Debci hawsha lay yidhi,

Dan-yar baan se ka xigsaday,

Inta fudud dabayshiyo,

Duufaan ha qaadee,

Ka danayso lay yidhi,

Doobi buuxa lay dhiib,

Daadi baan se ka xigsaday,”

Dhammaan akhristayaashii iyo qalabkii war-baahinta ee habka daabacan qormooyinkan u tebin jiray aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa. Intii igula soo xidhiidhay e-maillada ama ku soo fal-celisayba waxaan ka codsanayaa in ay ii oggolaadaan in aan daabaco dareenkoodaa waddaniga ahaa. Waa I noo qormooyin danbe oo xiiso leh. Waxaynu ka hadallaa inaguma yara, anigana dedaal I faran. Fadlan raalli iga ahaada oo hoosta ha iga yar higgaadinina. Waa markiinnii. Waa daran-doorri sheekadu ee dabarka ka gooya qoraalladiinnii oo xakamaha u sii daaya, in badan ayaad I sugayseen e’. Salaama iyo kulammo danbe oo xiiso leh.

Waa saaxiibkiin, adeerkiin, abtigiin, awowgiin, halgan-wadaaggiin, sheeko-wadaaggiin, walaalkiin, dal-wadaaggiin, dad-wadaaggiin, waa dareen-wadaaggiin iyo qalin-wadaaggiin Boobe Yuusuf Ducaale.

(Dhammaad)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *