Magaca Heesta: Xisbiyada Ereyadii: Boobe Yuusuf Ducaale

Laxankii: Aadan Xuseen, Karroone, Muusiggii: Axmed-weli, Furinle,

Duubistii: Maxamed Aw Aadan, Isku-dubbaridkii: Cabdiraxmaan Dheegsan Codadkii:


  1. Ayaan-hoodo,
  2. Amran-star,
  3. Axmed-Reys,
  4. Najiib Wadne-kaabe,

Xisbiyadu abbaar iyo,

Mabda’ lagu xiloodiyo,

Xeerar loo sameeyiyo,

Tusmo lagu xisaabtamo,

Yool lagu xafiiltamo,

Xagal laga dagaallamo,

Xurmaa lagu dhaqaajaa,

Xubno loo tix-raacoo,

Xil-kasaa u hiiliya,

Codka xoog ku daafaca,

Xisbiyadu sidoodaba,

Xeelad maaha lagu tago,

Xarumaha Xatooyada,

Barta loo xubeeriyo,

Kuraasida xajiinta leh,

Ma-xishoode jecel yahay,

Lagu xado agoomaha,

Xisbi reero noqon waa,

Xaafadaysi noqon waa,

Xigsintii qabiilkiyo,

Kooxaysi ku xarraan,

Xeyn dan isku raacdiyo,

Qof-jeclaysi waw xulad,

Eexdu waa ka xaaraan,

Xag-jir wuu ku riiqdaa,

Mid xaq oo xalaaliyo,

Doorashaw xannaano ah,

Xisbiyadu sidoodaba,

Xaflado iyo dhoof iyo,

Ubax la isu xidho iyo,

Shir-jaraa’id xiiseyn,

Is-xayd-xaydka maahee,

Dad xaraar butaystaa,

Xaqa maqan ku raadshoo,

Marna ugu xiddigiyoo,

Xornimada ku bila oo,

Ku xasiliya nabaddana,

Haddii ay xukuumadba,

Maamul-xumadu taabtoo,

Xad-darradu bannaan tahay,

Xalku ma aha toosin e,’

Xisbigii sameeyiyo,

Xeraday ka timid baa,

La xisaabtan yaalla,

Alif kaa xumaadaa,

Al-boqraba ku xiijee,

Xilna daa qof daayacay.

Link

Halkan ka daawo: 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *