Ma-huraan: Maanso baroor-diiq ah Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Ma-huraan: Maanso baroor-diiq ah Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Waa maanso baroor-diiq ah oo aan ku sii gelbinayo Maxamed Xaashi Dhamac oo loo yaqaannay Gaarriye oo 1dii Bishan Oktoobar ku geeriyooday dalkaa Norway oo uu muddo sannad ah jiifay.

Saaxiibbo qoys ayaanu ahayn. Suugaan-wadaag ayaanu ahayn. Fan-wadaag ayaanu ahayn. Halgan-wadaag ayaanu ahayn. Wuxu ahaa nin aanu waayaha wada dhandhamin jirnay oo aanu waxyaabo badan aragti ahaan ka mideysnayn.

Maansadani waa hordhac, waxaana raaci doona taxanihii qormooyinka ahaa ee ku saabsanaa taariikh-nololeedkiisii iyo curintiisiiba. Maansadiina waa tan:

Ma-huraanka geeridu,

Muddo-dhaaf ma laha oo,

Mowd baan ku deynine,

Mudankii afkeenniyo,

Miyuu hoyday Gaarriye,

Ninba meeriskuu tolo,

Maalmaha uu nool yahay,

Waa lagu majeertaa,

Lagu muunadeeyaa,

Milgo lagu xusuustiyo,

Magac buu ka qaadaa,

Aan abid ka maydhmayn,

Cidna kaga murmaynoo,

Taariikh u meel yaal,

Mahadhaad ka reebtoo,

Milaygaagi maad lumin,

Maad khasaarin miridhkiyo,

Saacadii ku soo maray,

Tixihii ad marisaa,

Dhaaxo lagu madiixoo,

Halgan nin u maleegtiyo,

Xaq-u-dirir maggaabshaa,

Murti haadintaadii,

Afkii aad marriintiyo,

Naxwihii ad miirtaa,

Nin dedaalay miistaa,

Badda maanso laga dhuro,

Laga miidho suugaan,

Mahwi baad ahayd bad ah,

Iyo mowjad aan gudhin,

Miisaanka maansada,

Sakal murugsanayd baad,

Muftaaxeedi noqotoo,

Malkadaa adaa degay,

Soo-dhicintii Maandeeq,

Raadcadii majiirreyd,

Markii lagu dagaallamay,

Muusannowga maad demin,

Runtu mur iyo deebaaq,

Maalay hadday tahay,

Adigaan ka maagine,

Milgaheeda marin jiray,

Dhamacow madhnaan iyo,

Maad aqoon mug weynoo,

Macnaa noloshu leedahay,

Meel dhexaad ka taagnayd,

Ninka talo maroorsaday,

Adigaan wax moodine,

Mucda hadalku leeyahay,

Abaalkiisa marin jiray,

Yaan midiidin qaayibin,

Malafsade u ciidamin,

Nolol aan macno lahayn,

Yaan mowd ka door-bidin,

Marna Macallin buuniya,

Mullaaxdii aqoontiyo,

Nin masuugba barannoo,

Uunku mahadiyaad tahay,

Adigaa miscirir iyo,

Mus-danbeed ahaayoo,

Da’-yar miigganaan iyo,

Dal-jacayl ku maamulay,

Muramaha adduunyada,

Xoogagga is-muquunshee,

Milliqsade is-biday xoog,

Adigaa miskiin habay,

Nin samaa majeertiyo,

Keena-diid ku magansade,

Murtidaad u tirisay,

Ku mahoobbiyaan guul,

Nin kibraa is-moodsiis,

Madax-taag naf moodee,

Hanka meel-fog hiigsiga,

Mayal-qabad laguu daa,

Jidhkaagoo maqnaadiyo,

Muuq-li’ida mooyiye,

Murtidaadi baa nool,

Mankaad beertay baa baxay,

Halkaad yoolka mudataa,

Da’-yartii miciin u ah,

Uunku mahadiyaayoo,

Loo miliilicaa nolol.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *