Hadimiyo Hantaaq (Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo

Hadimiyo Hantaaq (Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo

Waatan qormadii oo dhamaystirani:-

Hadimiyo Hantaaq

(Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo)

“Haa waa wadhiisii,

Sardhadii walaaqnayd,

Wiswiskiyo waswaaskii,

Wiishkii la tegi jiray,

Hurdadii la wici jiray,

Ee damaca waalani,

Keenada ku wadi jiray,

Caawana la weesaaq,

La wandaafiyoo duul,

Lana soo walaanwali,”

Maansadii ‘Waayo-arag’ ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Addis Ababa, 1983kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale  www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Hordhac:

Bisinka iyo Yaasiinka…..Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah:

Haa……Qalinow lagu jecel….. Lagu jamay oo laguu jeel…..Taariikhayna ma nin kaa tallaabsaday oo tixgelin iyo qadderin marna aan ku temmedin ayaa maanta ku tashaday in uu kugu tar-sheegto……Ma in aad xasho, cusho oo weliba cidaadna mariso ayay kaa doonayaan…..Tagtadeennii ma ay tegin…..Taallo waa la joogaa…..Ma timaaddadeennaa? Taariikhda togan baan, ka tilmaansan doonnaa….Dadow idinkuna nasiibkiin…..Ma mid aan idin danayn oo idinka danaystay ayaa maantana u darban in uu mar kale iyo marar badanba idin ku danaysto…..Hilbahaagi yaa cunay…Yaa haadka kuu wadhay…..Ma kuwii xuska iyo xusuusta intii ay xayga ahaayeen kaa waayay, ayaa hollinaya marka ay xijaabtaan in aad ku xurmeyso xuruuf xar galay oo hoosta ka qallalan oo ka qalaalan….Ma qof aan la xaalayn, ma qof aan la xiisayn, ayaa maanta xurmadaada raba….. Oo miyay dhacaysaa! Baabbacadaa timo ka eeg!…..Ninba intii uu geystay ayaa u taalla…..Miyaanu Cabdi Iidaan Faarax hore ugu odhan maansadiisii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’:

“Ninba weel uu daray baa,

Deyn loogu leeyahay,”

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Ninna afkiisa lagama xaal-siiyo.” Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa maalin BBC-da laga wareystay intii uu ku jiray doorashadii bishii Oktoobar ee 2004tii ee dalka Kenya, hal-muceedyadii maalintaa laga guntay waxa ka mid ahaa hadal u ekaa: “Soomaaliyi maanta Habaar-qabe aniga oo kale ah ayay u baahan tahay.” Horto ‘Odeygeennu’ maa daama uu magacan jantay oo uu run ahaantii aad ugu jeelay, innaguna kala masuugi meynno e’ waa aynu ugu deeqaynna oo weliba wan-qalna ugu bireynaynaa. Haddii laga tegi waayana xataa bunka waa u saloolaynaa ha ku fool baxsado e’. Maalintaa waxa kale oo hadalkiisa ku jiray in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee Maxamed Siyaad Barre xabbad kala hor taga ee ku rida. Malaha ‘Odeygu’ in uu hadalka inaga badhxo ayaa fiicnayd, maxaa yeelay abwaankeennii halgamaaga ahaa ee Hadraawi ayaa hore inoogu sheegay maansadiisii ‘Heeliyo’ Tuduc ahaa:

“Hollashada dagaalkana,

Hooto-rogasho ma aad lihid,”

Maxay xusuustu hadba tog ila xulaysaa! Waa halkii Hadraawi e’: “Maxaa qalinku sheekiyo, qubanaha dharaartiyo, kolba qodob la yaabliyo, mahadhooyin qorayaa.” Maanso uu Ibraahin-gadhle lahaa oo uu ugu jawaabayay Yam-yam, 1989kii, labadoodaba naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“War aan Gaarriyow helay,

Igu noqoy gantaaloo,

Xalay gelin dhexaadkii,

Gogoshaydi iga kici,

Gama’ iyo hurdaba nacay,

Gaydhaan la toosiyo,

Goohaan la jiifiyo,

Waxa gubashaday baday,

Yam-yam baa gob baan ahay,

Gabay noogu soo diray,

Annagana gun nagu yidhi,”

Alleylehe, tii teedii ayaa loo taagan yahay, oo nafta loo dudayo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaaba yidhi wax baan qorayaa oo weliba ummad aanu xilkeedii gudan oo uu weliba intiisii gumaaday, maantana cay iyo digashaba isu raaciyay.

Waa se nasiibkii haddii uu la tagoba. Malaha wuxu is-leeyahay guul ayaad la tallaabsan doontaa. Bal adba! Ibraahin-gadhle aan ku noqonno sidii uu ugu farxay in Yam-yam soo weeraro. Waa farxadda farxaddeedii, intii Ibraahin-gadhle maalintaa yidhina bal horto aan dhigo:

“Ma ninkaan tib iyo qori,

Usha ugu tukubayee,

Taagi laa maxkamad baa,

Igu tumay albaabbada,

Arrin waliba taa lee,

Tuuggu ways qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajoow,

Mid tiriig sitaa yimid,”

La ye: Maantana Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey oo la ogaa wixii uu Soomaali soo mariyay ayaa qalin iyio warqad qaatay oo buug qoray. Qalinka, Dawaadda iyo waraaqaha la masabidayba annaga ayaa xaal siinnay. Weligii qalin iyo waraaq is-ma saarin oo dhaqankaaba ma lahayn ayaa la idin ka yidhi. Waqii intii uu noolaa wax ma akhriyin. Intii xusulkii xabaal ka sarreeyayna, ninka buug ehel u noqday ma aha. Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa, sidii ayaanu u neceb yahay ilaa maantadaa aynu joogno. Waxaan is-leeyahay gororkan yar ee laga soo weriyay ee buugga lagu sheegayna, dirqi iyo si fool adag ayaa lagaga soo tuujiyay. Waxaan is-leeyahay rikoodh yar inta la hoos dhigay ayaa laga matajiyay.

Miyaanu Hadraawi ku odhan maansadiisii ‘Heeliyo’ mar kale iyo marar badan oo kaleba:

“Hadashada aqoontiyo,

Hindisaha garaadkana,

Hungo qaawan baad tahay,”

Bal Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo taariikh-nololeedkiisii ka sheekaynaya aan afkiisa ka qaadno innaga oo soo xiganayna qaybo uu arrintaa ka qoray, waxaanu sheegay in uu ku dhashay Birta Dheer oo Garowe u dhow 1934kii. Miyiga ayuu ku koray oo ku barbaaray, ka dibna wuxu qortay askari. Waqti ku beegnaa 1956kii ayaa dalkaa Talyaaniga loogu diray laba sannadood oo leyli sarkaal ah. Sidaas ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo koray kuna soo gaadhay halkan uu joogo. Ma aynaan maqal in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax isu baray sida saraakiil badan oo kale oo la mid ahayd oo aynu ka soo qaadan karayno: Jaamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Faarax caydiid.

Alla! Cabdillaahi Yuusuf Axmed iska aammus lahaaye! Miyaanu Cabdi-qays ku heesin:

“Shib baa igu habboonayd,

Debnehoon shakaalee,”

‘Odeygeennan’ cumaamaddii ka dhacaday ayay shibtaa iyo shanqadh-la’aantaasi ku fiicnaayeen. Bal maxaa ka hadliyay. Qaar aan u furayn ayaa u raray oo goob cidla’ ah kaga tegay.

Qormooyinkan taxanaha ahi, waa Naqdi aad u gaaban oo aan ku samaynayo buugga la yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa qoray. Tanna ma I noo danbaysay. Waa halkii Xaaji Af-qallooc ka lahaa:

“Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa,” Odhaah Soomaaliyeed ayaab ahayd:

“Ninkii dhiman waayaa muxuu tu walba arkayaa.”

Buuggan oo ka kooban 428 bog wuxu u qaybsan yahay Tusmo ahaan ilaa 96 xubnood, oo xubin kasta ama mowduuc kastaa bog ama bogag ka kooban yahay. Marka aad eegto baaxadda buugga, kama aan wada gaadhin in aan mowduuc kasta naqdiyo, bal se waxaan isku koobay qaarkood oo aan danaynayay ama dadkaba xiiso gaar ah u lahaa. Aniga oo si guud u naqdiyaya buuggan, ayaan haddana culayska saaray mowduucyo ay ka mid yihiin:

  1. SNM wixii laga yidhi,
  2. Halgankii SSDF,
  3. Hoggaamintii Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
  4. Xidhiidhkii Itoobiya, Liibiya iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
  5. Sababihii ay isku seegeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya,
  6. Iyo arrimo kale oo aan si aan dhumuc lahayn u qaadaa-dhigayo,

Maa daama aanu buuggani si buuxda gacantayda ugu jirin ee aan dad kale la wadaagayo, ha la yaabina haddii aan mar kale iyo marar badan oo danbe ku soo noqdo Naqdiga buuggan, maxaa yeelay wax mar lagu dhammayn karo ma aha.

Bilow iyo ballaysin aan bireysnayn:

Aan dhareerka dib u ceshado, oo horto hanbalyo iyo bogaadinba u diro cidda iska leh daabacaadda buugga oo si qurux badan oo tayo leh u daabacday. Jeldi iyo waraaqba waa heer sare, bal se wax ka hooseeya ayaan jirin. Guusha la iskama xistiyo e’, aan bahda daabacday buugga intooda u qiro oo ku idhaahdo hanbalyo iyo bogaadinba naga guddooma. Malahayga se, buugaag kale oo dadka uga faa’iido badnaan lahayd ayaa idiin ka habboonayd in aad dedaalkaa gelisaan. Quruxda iyo jeldiga ayaa lagu asturayaa madhnaanta iyo macno-la’aanta buugga.

Maansadii Jiitama ee Hadraawi ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“Dalka oo dhan nuurkiyo,

Dharka loogu xidhayaa,

Dhaanto loogu tumayaa,

Dhaldhalaalka beenta ah,

Ayaan dhuux ka hoosayn,”

Berigaa Hadraawi maansadan wuxu ka tiriyay dhaldhalaalkii dabbaal-degga Oktoobar loo samayn jiray. Shaqalka iyo sharaxa buuggan ayaa taas oo kale ka dhigan.

Mar labaadka, wixii uu doonaba ha qoro e’ in Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax ka hadhaanna ma xumo. Weliba intii cid kale wax ka sheegi lahayd, in uu isagu iska sheego oo iska sheekeeyo ayaa ka fiican oo aan berri la odhan been baa ‘odeyga’ laga sheegay.

Mar saddexaadka, waxaad madax-wareer ka qaadaysaa hab-raaca (Methodology) loo cuskaday qoraalka buuggan, wax walba buug laguma sheego e’. Bal ila eega qodobbadan tilmaanta iyo tusmadaba u ah:

· Ma aha sheeko taxan (narrative) oo loo dareerinayo sidii loo qori jiray sheekooyinka nooc ay yihiinba,

· Ma aha baadhis qoton iyo dhumucba leh oo mowduucyo la xiiseeyo oo dadka Soomaaliyeed saamayntooda ku leh lagu axadhayo ama lagu gorfaynayaba.

· Ma aha dhacdooyin taariikheed oo taxane ah oo la marinayo,

· Waa booshaaq sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka hillaacaya oo wax yar oo laga roon yahay hadba soo tufaya,

Waxa wax walba ka daran sida aanu buuggani u lahayn wax raad-raac ah (bibliography). Haddii aad wax qorayso sow qoraalka lagaagama horreyn oo in aad cid cuskato ama tixraacdo loo ma baahna. Buuggani waa dareeris sida aad u akhriyayso ayaa waxa kugu soo baxaysa kelmedda Dhammaad oo far waaweyn ku qoran. Hadal-tirada buuggan 428 bog ah ku qoran maxaa raad-raac loo hayaa? Haddii kale sow macno-la’aan ma aha.

Hore ayaa loogu maah-maahay “Nimaan quusan, naftiisa ayaa quus ah.” Bal ka warrama haddii Cabdillaahi Yuusuf Axmedba weli hadlayo. Miyaanu Cali Sugulle Dun-carbeed hore u odhan:

“Ma hadhin hadal la is-yodhaahdaa,

Hubsiimo hal baa la siistaa,”

Qalin iyo qoriba waa lagu dagaallamay oo xaq iyo baaddil ayaa is-laayay. Waa lagu kala calaf qaaday oo waa lagu kala guulaystay. Dorraad Deelleey ayaa foodda la isku daray. Waa la ogaa wixii ka dhacay oo waa tii Xasan Ganey guusheedii ka yidhi:

“Duub taa ku kala saar,

Lixley baa dillaacdee,

Dibudhaca af-jinacley,

Duhurkii guray tidhi,

Damacna yaanu kaa gelin,

Dib in aad u jebisee,

Ii sheeg da’daaduun,

Aad I noo ducaysid e’,”

Tolow, Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu duruustan baran oo aanu casharradan dhiganba. Ma in qeyrkii loo dardaar-werinayo ayuu moodayaa. In uu isaguna ku jiray miyaanu ka war-qabin.

‘Daalalleydiina’ miyuu illoobay! Ma wuxu moodayaa in dagaalkii weli socdo. Sow tii lagu kala food-qaaday ee intii uu ka tirsanaa ee Digtatoor iyo talo-maroorsade lahayd laga adkaaday. Ma iyagaa joogaba meel ay ka hadlaan. Gaal-la-joogtii xukun-maroorsiga ku mamtay sow tii shadaafta loo laabay. Miyay ku caweeyaan degelladii ay sida haldhaaga tallaabsan jireen. Sow ma ahayn in uu Cabdillaahi Yuusuf jaxaasto ‘Daalalleydii’ asaaggii loogu quus-gooyay. Hadraawi hadalka miyuu badhay? Miyuu dhex joogsaday? Inta uu ka badheedhay miyaanu odhan:

“Inta daran intaw daran,

Haddaan duulal lagu falin,

Haddaan deebta gumuciyo,

Lagu guban dabkaan shido,

Duhur laysla wada jiro,

Haddaan guusha lay deyn,

Alleylehe docdaydii,

Ha goblamo Dal-weynuhu,”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu ka dheregsanayn in aanu goblamin Dal-weynihii ee la dhacsaday oo maanta aanu dhex joogno oo aannaan marti ku ahayn meel baas iyo reero muskood.

Daawasho ku-digasho leh, bal aynu ku dhex qaadno waxan buugga lagu tilmaamay ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaan-darradiisa ku soo bandhigayo shakhsiyaddiisa dhabta ah iyo duunkiisa hoose waxa ku jira ee aan qowmiyad iyo qarannimo ehelka u ahayn bal se ku qotoma qudhunka iyo qabyaaladda aanu ka weynaan da’da uu maanta ayahay.

Buuggu waa mid jeldi adag (Hard Cover) oo weliba la huwiyay warqad aan is-idhi qurux ayaa looga dhigay, run ahaantiina lama huwiyeen haddii uu nuxur xanbaarsan yahay. Warqaddaa yar ee la is-yidhi ku astura marka aad rogto ee aad gasho gudaha oo bidixda ah, waxa ku yaalla sawir aanann garan waxa looga jeeday iyo halkudhegyo la taxay.

Waxba sawirka isku daalin meynno e’, bal aynu dhex qaadno halkudhegyada oo aynu qaarkood faallo aad u kooban saarno. Waa halkudhegyo ku dhex jira ‘kolmo’ ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Quotation’, oo malahayga aan is-leeyahay waxa laga soo xigtay ‘macallinka’ weyn ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo aad u jecel weligiina ku riyoon jiray in uu halkudhegyo yeesho sida hoggaamiyayaasha caan-baxay, bal se tix iyo tiraabba wax laga gunto la waayay inta si walba loo godliyay.

Wuxu ku bilaabayaa Itoobiya oo laga wada dheregsan yahay sidii iyo sida uu ula macaamilayba. Bal hadda tu’ Allaba badan e’, ‘Odeygeennii’ xakiimka ahaa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu I na leeyahay:

“Itoobiya waxay danaysaa in ay dalka ka dhismaan maamullo yar yar oo aan midnimadoodu yeelan karin awood ay boorka kaga jafaan siyaasaddii Soomaali-weyn oo ah laf dhuunta kaga taagan Itoobiya.”

Ma ila socotaan! “Odeygu’ horto Itoobiyadan uu ka hadlayaa maa tii hore ee Mengistu Xayle Maryam ee uu kabo-qaadka u ahaa ee uu Soomaali ku madhiyay baa, mise waa tan hadda jirta ee Meles Zenaawi ee uu gacan-saarka la lahaa? Ilaah baa igu og Naqdi kooban ayaan qalinka u qaatay e’, qodobkan oo keliya ayaa buug sidiisa ah laga dareerin karaa haddii loo muraado.

Bishii Maarj 1983kii waxa magaalda Harar ku qabsoomay wax loogu yeedhay Shirweynihii 3aad ee Jabhaddii SSDF-ta. Madashu waxay ahayd Akaademiyada ciidammada ee marka aad Raas Hotel ka tagto ee aad faras-magaalaha ku socoto bidixda kaa qabata. Waa fagaaraha ugu weyn uguna quruxda badan magaalada Harar. Taallada ninka waranka sita ee galbeed u jeeda ayaa ku taalla. Isla bishii Juulay 3dii 1983kii ayuu Shirweynihii 3aad ee SNM-na isla hoolkaa ka furmayaa.

Ka-qayb-galayaashii Shireynahaa SSDF-ta waxa ka mid ahaa Marxuum Iikar Xaaji Maxamed Xuseen[1] oo isla habeen lala toogtay Cabdiraxmaan Caydiid, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Labadan ninba saaxiibbo mabda’-wadaag ah ayaanu ahayn oo Gurigii Ummadda ee Xamar ayaanu muddo dheer ka wada shaqaynaynay. Waxaanu ka wada tirsanaan jirnay Guddidii Qoraalka ee wargeyskii Halgan ee XHKS. Maalmahaa Shirweynaha SSDF-tu socday ayaa Iikar Xaaji Maxamed Xuseen iigu yimid Hudheelka Raas ee magaalada Harar, isaga oo qoslaya. Iikar wuxu igu yidhi:

“SSDF ahaan waxaanu maanta Shirweynihii ku go’aansannay in aannaan dib u sheegan dhulka Soomaali-galbeed oo aanu u aqoonsannay in uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Itoobiya.” Maalmo yar ka dib ayay Dawladdii Itoobiya nafteedii qabsatay SSDF-tii oo ku tidhi: “Yaa waxan idin ka dalbaday.”

Qoodhiin iyo xeradiin iyo xilihiinba, intaad ifka ku noolaydeen hore iyo dib midnaba miyaad u maqasheen: Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya waa col! Bal hafarka iyo habaabinta intaa le’eg eega.

Beryahaa mar aanu joognay magaalada Harar ayuu goor qedadii ku beegnayd Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo direyskii ciidanka Soomaalida ee Korneylnimada leebbisani Raas Hotel oo Harar ku yaal noogu yimid. Markii uu baabuurkiisii ka soo degay ayaa laba land-cruiser oo daba socday waxa ka soo daatay ilaaladiisii gaarka ahayd oo la odhan jiray ‘Shibbanayaasha’. Waxaanu ahayn dhowr mas’uul oo SNM ah. Annagu markaa waanu qadaynay oo waanu sii baxaynay. Waxa kale oo Cabdillaaahi Yuusuf Axmed daba socday nin la odhan jiray Cabdilqaadir Bologna oo aan ka hadhi jirin dadka dhegihiisa haystana ka mid ahaa. Intayadii SNM ahayd maalintaa waxaan ka sii xusuustaa: Cabdilqaadir Koosaar iyo Ciise Curaagte.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo la gelbinayo ayaa Ciise Curaagte ku jeestay oo ku yidhi: “Waar Ciise ma nabad baa? Oo horto ma Cadan ayaad ku dhalatay.” Ciise Curaagte inta uu ilka-caddeeyay ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sii socda ku yidhi ama ugu jawaabayba:

“Wallaahi maya e’ Hawd ayaan ku dhashay oo caqli-xumaanta mar baan Mudug ku dhalan gaadhay.”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sii koraya sallaankii hudheelka Raas ayuun baa mar keliya ku war helay dadkii oo qosol rafanaya, macaa Shibbanayaashii ilaalinayay.

Habeennimadii 8dii Jeeniweri iyo galabnimadii 9kii Jeeniweri 2012ka ayaan daawanayay Universal TV, barnaamaj London ka socday. Waxa ku doodayay laba nin oo mid sheegtay in uu Guddoomiye u yahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga, ka kalena ahaa Cabdirashiid Aadan Seed oo isaguna sheegtay in uu yahay safiir wareega, cidda uu ka socday garan maayo e’. Cabdirashiid waa dadka Cabdillaahi Yuusuf Axmed jarka ugu tallaabsaday ee uu ugu mahad-celinayo buuggiisa isaga oo sheegay in ay gacan ka siiyeen qoraalka. Cabdirashiid wuxu ka mid yahay dadka qoray weedhan aan faallaynayo ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku eedaynayo Itoobiya.

 

 


[1] Xaaji Maxamed Xuseen, wuxu ahaa siyaasi caan ku ahaa saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed. Wuxu ka mid ahaa madaxdii Xisbigii Somali Democratic Union ee loo yaqaannay ‘Calan-casta’. Wuxu ka mid ahaa geesiyaal uu abwaankii weynaa ee Qaasim ku xusay maansooyinkiisa, markii uu ku lahaa maansadii Hasha: “Arbow Ina Xuseen baan lahaa, haw alleen-jaro e’”.

Qormadii: 5aad

Habeennadanna Cabdirashiid Aadan Seed wuxu daafacayay soo gelitaanka Itoobiya ee Soomaaliya. Bal markee ayuu qaldan yahay? Markee se ayuu saxsan yahay? Adeerkii Cabdillaahi Yuusuf Axmedna waa iska caynkaas oo kale. Oo weedhan daliil ma u haynnaa? Haa oo waa kan daliilkeedii aniga oo Cabdillaahi Yuusuf, Seed iyo intii ku xeernaydba u maragsanaya.

Hoos aan u daaddego. Isla Jeldi-horaadka buuggan waxa kale oo ku qoran oo Cabdillaahi Yuusuf laga soo xigtay:

“Siyaasadda Yemen ee Soomaaliya ku beegan ayaa ah mid aan marna is-beddelin oo ku salaysan sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa in ay dhab ahaan dib isugu taagto cagaheeda.”

Bal Ilaahay ayaan idin ku dhaariyay e’ halkee ayaynu ku aragnay siyaasad Yamaneed oo ku aaddan ama ku beegan Soomaaliya oo aan ahayn in ay dammaanad qaadday in ay Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka hayso dadka Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan aafooyinkiisa. Geesta kale miyaanay weedhani iska noqonayn odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “Af wax cunay xishoo.” Waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo aan biyo is-marin. Ceebtii ma aha ee waa caadadii. ‘Odeyga’ dee si wanaagsan uma taqaannaan e’, marba waa halka uu joogo iyo cidda uu la joogo. Haddii uu maanta Addis Ababa joogi lahaana Itoobiya sidaa ulama hadleen, haddii uu Masar ku sugnaan lahaana af carabi ayaabu wax ku qori lahaa.

Ayaan-darrooyinka ugu badan ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed soo maray waxa ka mid ahaa in aanu dhaafin derejada ‘Korneylnimada’, taas oo ay sabab u ahayd labadii nin ee uu ku dayan jiray ee higsiga iyo yoolkaba (Role model) u ahaa oo diiday in ay is-dallaciyaan. Qaddafi iyo Mengistuba waxay ka joogsadeen in Jananno noqdaan oo waxay ku engejisteen Korneylnimadii. Cabdillaahi Yuusuf Axmed taas ayaa caqabad ku noqotay oo wax loogu yeedho wuxu ugu jeclaa ‘Caqiidka’ oo u dhiganta Korneylka oo loogu yeedhi jiray ninkii uu hadhkiisa ahaa ee Mucammar Al-Qaddaafi.

Kol haddii aanu buuggani lahayn Tusmo hagaagsan oo la raaco si loo gorfeeyo, dantu waxay igu qasbaysaa in aan hadba meel u boodo. Waxaan kor ku soo qaaday saaxiibkay Iikar Xaaji Maxamed Xuseen. Inta aanan hore u sii socon aan soo qaato sheeko la xidhiidha dilkii fulaynimada ahaa ee Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen oo isla goob lagu dilay goor fiidnimo ah, 17kii Oktoobar 1984kii oo ku beegnayd isla maalintii Burco-duurrey ee ay shahiideen Mujaahid Lixle iyo Mujaahidiinti kale ee lixdanka ku dhaweyd ee Rabaso lagu aasay. Waa maalinta taariikhiga ah ee loogu wan-qalay maalinta shuhadada. Ilaahay ayaa isku beegay labadan goobood.

Bogga 179aad ee buuggan ayuu Cabdillaahi Yuusuf ku soo qaadanayaa dilkii Cabdiraxmaan Caydiid oo uu ka cabanayo in si gar-darro ah loogu eedeeyay. Waxa wax ka soo qaad leh in aanu Cabdiraxmaan Caydiid siinnin meeqaankii uu lahaa.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ceebtii ma aha ee waa caadadii. Cabdiraxmaan Caydiid wuxu u haystay ilaa maantana u haystaa in uu qof keliya ahaa. Waxa ka qaldan in uu ahaa Guddoomiyihii garabkii SDLF ee la midoobay SSF iyo SWPP ee sameeyay SSDF. Habeenkaa waxa goobta lagu laynayaa waa garabkii SDLF iyo hoggaankeedii oo saddexan ahaa, Cabdillaahi Yuusuf Axmedna in uu goobta duqsi ku dhintay lama ay ahayn.

Iikar Xaaji Maxamed Xuseen waxaanu goor barqo iska raacnay Hotel Itoobiya. Waxaanu tagnay Ghion Hotel. Meel berende ah ayaanu fadhiisannay. Iikar waayahaygii ayuu iga wareystay, su’aashii ugu mudnayd ee uu I weydiiyayna waxay ahayd: “Saaxiib ma soo diyaar-garowday oo reerkii ma soo hagaajisay oo meel sugan ma kaga timid.” Saaxiibkay Iikar niyadda ayaan u dejiyay, waxaanan u sheegay in aan soo diyaar-garoobay. Waxaan sheekada uga socda laba arrimood oo uu maalintaa Iikar Xaaji Maxamed Xuseen ii sheegay oo kala ahaa:

  1. Maa daama aan ku raagay naqdida iyo wax-ka-sheegga Jabhadda SSDF iyo hoggaamiyaheeda Cabdillaahi Yuusuf, saaxiibkay Iikar wuxu igu la dardaarmay:

“Yaakhii Boobe, waxaan Jabhad maaha. Qabiil hubeysan waaye. Adiga oo sii jeeda intay dhabarka kaa toogtaan ayay dadka ku odhanayaan: ‘Waa fakahaayay.’” Saaxiib is-ilaali ayuu igu yidhi oo afkaagana dhowr.

  1. Waxa kale oo uu maalintaa iiga sheekeeyay saaxiibkay Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, sheeko baraley aan u malaynayo in dhaqammada carbeed laga soo xigtay. Wuxu ii sheegay in uu jiray Boqor aad u naxariis darraa oo wixii uu taabtaaba xumaanayeen. Wuxu tusaale iigu soo qaaday in haddii uu dahab taabto uu maar noqonayay. Wuxu intaa iigu daray in madaxdii Soomaaliyeed sidaas oo kale noqotay oo wixii ay taabtaanba xumaanayaan. Maxamed Siyaad Barre ayuu tusaale iigu soo qaaday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Wuxu igu yidhi dawladnimadii markii ay gacanta u gashay ayay xumaatay. Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayuu soo qaaday haddana. Ku-ye isgana markii ay Jabhadnimadii gacanta u gashay ayay iyaduna xumaatay.

Weli weedhahaasi maskaxdayda ayay ka sii qaylinayaan mana illoobin. Mar kasta oo aan Addis Ababa tago oo aan haleel yeesho, miiskii aanu Iikar wada fadhiisan jirnay waa aan soo booqdaa, haddii ay cidi ii raacdana sheekooyinkaa waa aan u mariyaa.

Su’aashu waxay tahay haddaba Iikar Xaaji Maxamed Xuseen iyo saaxiibkii Cabdiraxmaan Caydiid side ayay ku dhinteen? Jawaabtiina waa tan ee gaawaha u soo cusha.

Sida aan hore u soo sheegay waa 17/10/1984kii, bil ammaara maalin Arbaca ahayd. Magaaladu waa Diri-dhabe. Xilligu waa fiid ay hoyanayeenba. Waa meel aan ka fogayn Xarumihii ay deggenaayeen SSDF iyo SNMba.

Qormada: 6aad

Markan ay sii hoyanayeen guryaha ayaa u dhawaa oo ka sokeeyay Xafiisyada. Waa meel aad loo deggenaa oo waxay dhex socdeen dhowr xero oo Itoobiyaan ah oo la ilaalinayay. Waxa iska soo hor jeeday: guri ay deggenaayeen duuliyayaasha dayuuradaha ciidanka, wershed yar oo saliidda miirta, Xaruntii cagafyada Wasaaradda Hawlaha Guud oo waddooyinka ka shaqaynaysay, iyo xarumo kale oo door ahaa.

Waxa sii hoyanayay Cabdiraxmaan Caydiid, Iikar Xaaji Maxamed Xuseen iyo heesaagii Cabdi Muxumed Amiin. Xagga danbe ayaa lagaga yimid oo nin la sheegay in uu baastoolad sitay ayaa toogtay dhammaantood. Cabdiraxmaan Caydiid saddex xabbadood in ay ku dhaceen ayaa la sheegay oo aanu nafba dhul ula dhicin. Iikar qudhiisii waxa la soo weriyay in ay saddex xabbadood ku dhaceen, laakiin uu aad u sakaraaday oo cabbaar naf-xaraarihii galgalanayay oo shaadhkii iyo garankiiba ka baxeen. Cabdi Muxumed Amiin isagu waa uu cararay. Ninkii wax tooganayay ayaa sida la sheegay xabbad la tiigsaday oo la waayay. Tii labaad ayuu halkaa sinta kala helay, sidii ayuu Cabdi Muxumed Amiin dhulka ugu dhacay.

Sida la soo sheegay Cabdi Muxumed Amiin oo galgalanaya ayaa waxa soo dul joogsaday Yaasiin Cabdi Samatar (Ina Cirrid-yaambo) oo Cabdillaahi Yuusuf Axme seeddi u yahay oo uu qabo walaashii Xaawa. Yaasiin wuxu watay baabuur Volvo ah oo madow oo uu lahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Gaadhigii markii uu arkay ayuu Cabdi Muxumed Amiin qaaday dhagax oo muraayaddii danbe ciid kaga dhigay. Anigu subaxnimadii markii aan soo galay Xeradii ay SSDF iyo SNM wada degganaayeen ee xafiisyada u ahayd, waxa soo gelayay baabuurkii ‘Volvo-da’ ahaa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu waday Yaasiin Cabdi Samatar (Ina Cirrid-yaambo). Waan yar sugay. Baabuurkii ayaa is-taagay. Waxa ka soo degay Yaasiin Cirrid-yaambo. Waan salaamay, waxaanan ku idhi: “Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo saaxiibbadeen, iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

Isaga oo iska dhigayay in uu ka murugaysan yahay, ayuu inta uu gacanta I qabtay igu yidhi hadal u ekaa: Walaal Boobe, maxaan samayn karnaa. Maxamed Siyaad Barre meel walba waa inagu beegsanayaaye. Shalay Caydiid iyo Iikar ayay ahayd, berri waa aniga, saad-danbe waa adiga. Maxaan ka qaban karnaa.

Weli gacmaha ayaanu is-haysannaa. Inta aan si fiican u fiiriyay, ayaan Yaasiin ku idhi: “Saaxiib, Yaasiin aniga liiskaa iga saara oo ha igu darina.” Mooyi in uu fahmay oo gartay duur-xulkaygu wuxu ahaa. Waa beryihii cabsidu badatay ee lagu dhawaaday in la samaysto muraayad-haad qofka ku dabbo-socda aad ku aragto si aan dhabarka lagaaga toogan, in kasta oo ay markii danbe nagu adkaatay sidii habeennimada laydh wax iftiimiya loogu samayn lahaa.

Waxa iigu darreeyd Sabtidii oo ahayd 20/10/1984kii ayaan subaxnimadii kula kallahay xafiisyadii SSDF-ta iyo SNM-ta cajalad aan ka duubay BBC-da, Focus on Africa oo ku saabsanayd dilkii ka dhacay Diri-dhabe 17/10/84kii. Waxaan is-lahaa aad u dhiibtid Agaasimihii Guud ee Xafiiska Nabad-sugidda ee Itoobiya, Korneyl Mashasha oo maalmahaa dilku dhacayay la socday Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Xafiiskii markii aan subaxnimadii Sabti galay ayaan Korneyl Mashasha oo meel marayay arkay. Bariido ka dib ayaan ku idhi: “Miyaad barnaamajkii dilka ku saabsanaa ee Focus on Africa dhegaysatay?”

Marka aan hadalkaa leeyahay, gacanta ayaan jeebka sare kula jiraa oo cajaladdii in aan u dhiibo ayaan rabaa. Korneyl Mashasha oo yaabban ayaa iigu jawaabay, isaga oo maqan: “Ma sidayda ayaad xalay soo jeedday.” Mar keliya ayaa caqligii igu soo degay oo inta aan cajaladdii dib jeebka ugu celiyay ku idhi: “Haa…..oo qoladayadan qayishaa maba seexanno e’.” Bad baan galay ma maqli jirteen, Alleylehe maalintaas ayaan bad-weyn muquuran gaadhay. Sadaqad ayaa igu baxday. Waxaan ku dhawaaday in aan shaadali kariyo oo aan bun saloolo.

Maalmahaa sidaas ayay SSDF-tu u odhan jirtay Siyaad Barre ayaa laayay, iyada oo la isla xuli jiray haddana in dilku Jabhadda dhexdeeda ka dhacay Xafiiskii Nabad-sugidda ee Itoobiyana asturayay ama daboolayayba (cover). Kiiskaa in kasta oo loo xidhxidhay dad SSDF-ta ka tirsanaa, haddana cid lagu xukumay ma jirin.

Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen waxa lagu aasay 18/10/1984kii xabaalaha Diri-dhabe. Si fiican ayaan u xusuustaa maalin murogo iyo tiiraanyaba cokan ayay noo ahayd oo kolleyba anigu aaskaa kama qayb-gelin. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaanu is-raacnay oo maalintaa wada joognay. Waxaanu uga qayb-geli waynay kuwii loo aanaynayay ayaa xabaashii lammaanahan dul taagnaa oo iska dhigayay qaar ka naxsan.

Bal hadda aan ku yar hakanno buugga Hilin Hayaan ee uu qoray Cabdi Muxumed Amiin ee uu ku soo ururiyay heesihiisii iyo maansooyinkiisii. Cabdi Muxumed Amiin oo 2011kii ku dhintay, laguna aasay magaalada Nayroobi wuxu ka soo hadhay hawl-galkii dhagareed ee lagu dilay saaxiibbadii Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen. Cabdi Muxumed Amiin hees uu laximay oo uu ku luuqeeyay isaga oo Cadan joogay markaa ama maalmahaa oo lagu baananayay, ayaa wuxu heestan oo la yidhaahdo: ‘Maxaan hog abeeso galay’, ayuu hordhac uga dhigay:

“Waxaan joogay dalka Itoobiya, waxaan qoray heestan markii aniga iyo laba saaxiibadey ah lagu weeraray magaalada Diridhabe, labadii kale way dhinteen, anna waan dhaawacmay. Waxaan ku metelayay heestan intaan Jabhadda joognay waxaan u ekeyn dad god bahalo ay ku jiraan ku dhex dhacay oo mar walba in la qaniino sugayay.”

SSDFT-tii Cabdillaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayay ee uu ku faanayay hal-abuurkii ka tirsanaa sidaas iyo si ka daran ayay u arkayeen. Maansooyinkani tan oo keliya ma ay ahayn ee tammuuxaa waa ay ka badnaayeen.

 

Qormada: 7aad

Bal heestii Cabdi Muxumed Amiin oo aan wadan miyuusiggii iyo jiibtii macaanayd ee ku ladhnaydba iga guddooma:

“Maxaan hog abeeso galay,

Maxaan halaqyo ugu tegay,

Maxay miciyo I heleen,

Maxaan waabay hirqaday,

Maxaan geerida ka haray,

Hobeeyaa Hobey Hobeeyaa,

Hobey caashaq huursanow wah,

Hobey hurdan taaganow wah,

Hobey ubax ii hirow wah,

Hobey guul aan huboy wah,

Maxaan keligey hammiyay,

Kuwii hiil iigu xigay,

Hareertay maxaan ka dayay,

Muxuu igu dumay habeen,

Maxay ilmo hibiq I tidhi,

Hobeeyaa Hobey Hobeeyaa,

Hobey caashaq huursanow wah,

Hobey hurdan taaganow wah,

Hobey ubax ii hirow wah,

Hobey guul aan huboy wah,

Badbaado markaan hubsaday,

Sidii hurdo ruux ka kacay,

Waxaan haab-haabtay qalab,

Halkaasi ayaan ku baxay,

Oo aan caawa heesayaa,

Hobeeyaa Hobey Hobeeyaa,

Hobey caashaq huursanow wah,

Hobey hurdan taaganow wah,

Hobey ubax ii hirow wah,

Hobey guul aan huboy wah,”

Heestu waa dhowr beyd ee intaas ayaan ka soo xiganayaa, Cabdi Muxumed Amiin iyo saaxiibbadiina Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Waa kaa sawirkii dhabta ahaa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waxa intaa dheer weliba sawirrada kale ee aad ka dheehan kartaan maansooyinka kale ee laga tiriyay mahadhooyinkii laga soo maray hoggaamintii la eeday ee la dagaalay ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Nin Jabhad ahaa oo ka tirsanaan jiray SSDF-ta oo la odhan jiray Cabdalle ‘Wadhafit’, ayaa ka mid ahaa dadkii cagaha wax ka deyay ee dib ugu noqday Maxamed Siyaad Barre. 1984kii ayuu Jigjiga nagu soo maray isaga oo firxad ah oo cararaya, waxaanu ka tegay murti hal-hays noqotay oo ahayd:

“Ka tag talo-xume, u tag talo-xume, anna talo-xume waa tabtaan ahay.”

Arrintan dilka ah mar uu ka hadlayay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, wuxu soo qaaday shan arrimood oo aad u taabtay oo mid ka mid ahi ahayd:

“Eedayn gardarro ah ee la igu masabiday shirqoolkii lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo raggii la socday, shirqoolkaas oo sida uu Ilaah igu og yahay aanan meelna ka soo gelin. Waxaase jiri karey sababo maangal ah, oo oo shirqoolkaas, qaab si isku mid ah ama kala duwan, ay ku maleegi kareen Mengistu iyo qaar kaleba.”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed halkan wuxu kaga dhaaranayaa in aanu shuqul ku lahayn dilkii Cabdiraxmaan Caydiid iyo saaxiibbadii. Cabdillaahi maxaa ka dhaariyay? Hadalkan se uu ka qoray in aanu ka qayb-gelin dilkii Caydiid iyo saxiibbadii wax la qaadan karo ma yahay. Bal haddaa aad u dhuuxa hadalka Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka soo yeedhay in uu macno samaynayo iyo in kale.

Bal hadda immikana aan ka boganno sida uu arrintaa dilka u arko ruug-caddaaga Aadan Muuse Jibriil oo ka tirsanaan jiray Guddidii Fullinta ee SSDF-ta, mar aan hadal kooban kaga duubay Hotel Maansoor, Hargeysa, 13kii Jeeniweri 2012ka oo saacadduna ku beegnayd ilaa 5.30kii galabnimo, wuxu arrintaa ka yidhi:

“Laba jeer ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed dad aan ka tirsanaa dil toogasho ah ku xukumay. Marka hore waxay ka bilaabantay shir Gole Dhexe SSDF-ta ah oo lagu qabanayay Diri-dhabe. Annagu Addis- Ababa ayaanu joognay. Waxaanu ahayn: Aniga, Cumar Salaad, Cabdiraxmaan Caydiid, Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, Cabdillaahi En-lai, Maxamuud Cabdi Cali Beyr iyo qaar kaleba. Mukhaabaraadkii Itoobiya waxay dhammaantayo nagu amreen in aanu Diri-dhabe tagno, halkaas oo la sheegay in shir SSDF-tu leedahay lagu qabanayay. Anigu Aaadan ahaan waxaan la deggenaa oo aan guri kula jiray madaxdii SSDF-ta.

Annaga oo gaadhi ku jirna oo ku soo soconna Itoobiyan Hotel, ayaa waxa sheekeystay Yaasiin Cabdi Samatar (Ina Cirrid-yaambo) oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed seeddi u ahaa iyo niman kale oo baabuurka nala saarnaa. Hadalkoodii waxa ka soo dhex baxday in Diri-dhabe marka la tago, la qabanyo hawshii nimanka.

 

Qormada: 8aad

Habeenkii ka horreeyayna Ilaahay ha u naxariisto e’ Korneyl Axmed Maxamed Ciise oo loo yaqaannay Il-giir, ayaa noo sheegay oo nagu yidhi: ‘Waaryaadha, Diri-dhabe ha tegina, wax baa idin ku gaadhi doona e’.’ Il-giir markaa isagu wuxu mooday xabsi iyo in la is-xidh-xidhayo. Wuxu intaa Il-giir noogu daray: ‘Ha tegina Diri-dhabe waxaan ogahay in la idiin tashaday oo meeshaa la idin ku xidhxidhayo e’.’ Markaa weli Addis Ababa ayaanu joognaa.

Cabdiraxmaan Caydiid oo guri kale deggenaa waxa u yeedhay Nabad-sugiddii Itoobiya. Waxay ku yidhaahdeen: ‘Waxa nala faray oo nalagu amray in adiga iyo kooxdaadu Diri-dhabe tagtaan si shirkii SSDF loo qabto.’ Annaga oo ku tashanaynay digniintii Korneyl Axmed Maxamed Ciise (Il-giir) noo sheegay waxaanu go’aansannay in aannaan tegin Diri-dhabe. Iikar Xaaji Maxamed Xuseen aniga ayaa la ii diray oo la igu yidhi la hadal, si aanu u tegin halkaas. Cabdiraxmaan Caydiidna waxa loo diray ninka la yidhaahdo Cabdillaahi En-Lai. Laakiin Cabdi Muxumed Amiin iyo labaa nin in ay tagaan ayay goosteen. Iikar ayaan u sheegay oo aan ku idhi: ‘Waar meeshu waa khatar ee ha tegin.’ Waxaanu iigu jawaabay kol haddii Cabdiraxmaan Caydiid tegayo miyaan ka hadhi karayaa.

Cabdiraxmaan Caydiid isaguna dhinaciisa, wuxu Cabdillaahi En-lai ugu jawaabay madaxda Itoobiya ayaa igu amartay oo waan tegayaa. Sidaas ayay saddexda ninba ku amba-baxeen oo Diri-dhabe ku tageen. Maxamuud Cabdi Cali Beyrna ‘already’ Diri-dhabe ayuu joogayba. Horto, dilkaasi sidaas ayuu ku dhacay, giddigayana waanu ku jirnay. Marka waxaanu xog ku haynaa annaga oo siddeed ah in ay ahayd in halkaa nalagu khaarajiyo.

Markaa intayadii kale waxaanu ka tashannay sidii aanu ku badbaadi lahayn. Mar waxaanu isla soo qaadnay aan SNM u tagno oo saldhigyadoodii u tallowno. Rag aan ku jiraana waxaanu soo jeedinnay waar kama gaadhno. Ka dib waxaanu go’aansannay in aanu safaaraddii Yamaneed u tagno. Sidaas ayay nagula qaban-qaabiyeen in aanu Cadan u baxno. Laba-laba iyo saddex-saddex ayaanu u baxnay. Cadan baanu tagnay.

Markii uu ogaaday in aanu baxnay ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed jiidda hore tegay. Wuxu dhisay maxkamad milleteri ah. Waxaanay soo saartay annaga oo 17 ah in dil nalagu xukumo. Toddoba iyo tobankayagaa shan qof mooyaan e’ inta kale reerkooda ayay ahaayeen oo niman Majeerteen ah ayay ahaayeen. Khaarajinta iyo dilku caado iyo dhaqan mar hore bilaabmay ayay ahaayeen.”

Arrintan ee SSDF-tu arrin aad u murugsan oo ay Itoobiya iyo madaxdeeduba ku dawakheen ayay ahayd. Haddana marka aad si qoto dheer ugu fiirsato, Itoobiyada nafteeda ayaa mushkiladda qayb ka ahayd oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa markii horeba Jabhadda SSDF-ta u gacan-geliyay nabad-sigidda Itoobiyaanka.

Bishii Meey ilaa labaatankeedii 1984kii waxa magaalada Diri-dhabe noogu yimid Mengistu Xayle Mariyam iyo wefdi aad u ballaadhnaa oo jananno iyo wasiirraba lahaa oo uu hoggaaminayay. Wefdigaasi wuxu Diri-dhabe ku sugnaa muddo dhowr maalmood ah oo ay ku mashquulsanaayeen arrimo la xidhiidha murankii iyo is-maan-dhaafkii ka dhex aloosnaa SSDF-ta. Waxaan xusuustaa hadal laga soo xigtay Mengistu Xayle Mariyam oo ahaa dadkan aan xukumo ee toddobaatanka milyan kor u dhaafayba waxa igaga daran dhowrkan kun ee Soomaaliyeed ee SSDF-ta. Hadda ogaada xilligaa uu Mengistu ku hawllanaa SSDF-ta waxa Addis Ababa lagu xusayay 21-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Midowga Afrika oo sannad kasta 25ka Meey la xuso.

Dilalkii dhagareed ee SSDF-ta dhexdeeda ka dhacay ma ay yarayn intooda bandanna shakiyo badan ayaa ku gedaaman. Su’aashu waxay tahay: Muxuu ama side ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed uga jawaabayaa dilalkii badnaa ee ku dhacay Jabhadiintii iyo madaxdii SSDF-ta.

Mahad-celin aan milgaba wadan:

Mahad-celinta buuggani waa mid aad u gaaban oo aad u qaab daran. Waxay ka kooban tahay 36 erey oo ku yaalla afar sadar oo weliba mid dhiman yahay. Waxa lagu ballasimay ama lagu bilaabayba ereyga Mahadcelin. Hadda dadka la sheegay in ay buuggan wax ka qoreen ama ka tifaf-tireen, tammuuxaa ka badan. Waa bun-tirsi oo waxba la is-amaahin mayo e’, marka horeba ereygani wuxu sax ku yahay Mahad-celin oo laba erey oo la isu geeyay. Qaladka kale ee ku jiraa waa ereyga mahadnaq oo qudhiisu laba erey ka kooban oo kala ah mahad-naq. Qalab kale oo qaybtan kooban ku jiraa waa ereyaga lama illaawaan oo isaguna sax ahaan ugu qormaya lama-illaawaan.

Intaa ka dib waxa la taxayaa lix magac oo ka ugu horreeya oo keliya ereyo kooban la raacinayao. Waa Qoraagii Siciid Cismaan Keenadiid oo isagu dhintay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. ‘Odeygeennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey, wuxu ninkan Qoraaga ah ku qorayaa: “…Wuxu geeriyooday bishii Soonka, 2011 inta uusan buuggu soo bixin.” Ma yaabteen! Bal ka warrama bisha Soon iyo 2011kii! Ma laba is-qabtaa? Bal ka warrama haddii aynu qorno bishii Juun ee 1432kii Hijriyada! Miyaa la inaga siisanayaa?

Qormada: 9aad

Ma Qoraageennii weynaa ee Siciid Cismaan Keenadiid ayuu sixi kari waayay taariikhda uu xijaabtay? Sannaduhu miyay isugu jiraan nimanka qorayaasha laga yaabay sheeganaya? Lixda magac ee mahad-celintan ku qoran midna tilmaan lagama bixinayo.

Waxa uugu daran ninka shanaad oo ah ama lagu qoray Aadan Buryar oo sax ku ah Bur-yar maa daama uu laba erey oo la isku kabay magacu ka kooban yahay. Miyaanu ninkani ‘Odeygeenna’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed xurmo iyo qaddarinba ka mudnayn? Maxaa loo soo hubin waayay magaciisa? Mise run ahaantii waxba lama qaban oo meeshaba ma joogin ee waa la iskaga qoray? Waa sida ay u muuqato, illeyn haddii kale isaga ayaaba magaciisa la taseeyay saxan lahaa e’.

Mahad-celintan tasaysani waxay markhaati cad u tahay, waxan aynu akhriyaynaa in aanu buugba ahayn ee uu ahaa wax madbacad lagula cararayay oo iga gee ahaa.

Malaha haleelkayga ayaad ka yaabteen. Hasaawaha iyo medadaaladu qoraalka waa ka badh, oo dadka waxyaabo khafiif ah oo ay qoraalka iskaga dejiyaanna in aad u raacisaa waa qasab.

Ma hibeyn hadoodilan, hafarka iyo faankaa:

Hibeynta qudheedu ma badna oo waa ay iska kooban tahay. ‘Odeygeennii’, Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu buuggan u hibeeyay oo uu yidhi: “Waxaan buuggan u hibeeyay dhammaan dadkii ila galay halgankii dheeraa ee aan soo maray rag iyo dumarba, intii dhimatay iyo inta maanta weli noolba.”

Halgankaa dheeraa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed sheeganayo meelna kuma haynno innagu. Mid waa la hubaa oo ‘Odeygeennan’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed jiidaal dheer oo xanaf iyo xanuunba lahayd waa uu u soo maray in uu mar madaxweyne noqdo, in kasta oo ugu danbaystii markii uu noqday aan laga taransan waxaan taws ito tabaale ahayn. Muxuu cid ku tari isagii ayaa maanta dibad ka jooga e’. Kaasina halgan noqon maayo e’, waxaynu u qaadanaynaa in uu u mahad-celinayo intii ku gargaari jirtay shirqolladii dhagareysnaa ee uu maleegi jiray si uu madaxnimadii Soomaaliyeed u maroorsado.

Heestii Hadraawi miyaanay ahayn:

“Halgan iyo waddaninnimo,

In aad hereto mooyee,

Weligaa dab uma hurin,”

Gogoldhigga gaabiska ah:

Bogga 9aad ee buuggan ayaad ugu tegaysaa wax lagu magacaabay Gogoldhig. Waxa halkan kaaga muuqanaysa aqoon-darrida hab-qoraalka ee kooxda sheeganaysa in ay buuggan diyaarisay. Hab-qoraalka gogoldhiggani haba iska liito, bal se waxa ka muuqata in aanu ahayn gogoldhig bal se u dhawaan karo Hordhacii buugga. Maxaa yeelay waa hordhaca kan lagaga hadlaa buugga iyo qaybaha uu ka kooban yahay. Kan aynu ka hadlaynaana maba aha buug qarqooran oo qaybsan oo hordhac loo samayn karayo.

Hordhacu waa kadinka ama albaabka laga galo qoraalka ama buugga aad akhriyayso. Wuxu akhristaha siiyaa sawir kooban oo la soo ururiyay oo ku saabsan buugga iyo qoraalka hadba markaa gacanta lagu hayo. Marka Hordhaca laga hadlayo waxa ku hagaysa Tusmada buugga oo ay ku kala qarqooran yihiin mowduucyada laga hadlayaa. Buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed waa ay adkaanaysaa sida Hordhac loogu sameeyaa, maa daama aanay mowduucyadu kala qarqoorrayn oo aanay kala qallayn. Bal ku dhaca in aad Hordhac u samaysaan buug ay tusmadiisu ka kooban tahay 96 mowduuc, sida kan Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee ina hor yaal ee isku-daadsanta ah

Tusmo aan tayaysnayn, tiro-beelka taxanaha:

Marka hore aan indhihiinna xaal ka siiyo waxan aanay u dul qaadan karin ee aan hor wadhayo. Wixii hore oo dhammi wuxu iska ahaa salleello! Bal ka warrama Tusmadan idin hor taal? Weligiin tan oo kale ma aragteen? Buugga aad doonto soo qaado, afka uu doonana ha ku qornaado, xataa Shiine ama Urduu, bal hadda ag dhiga Tusmadan weydda ah ee buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waa Tusmo ka kooban 96 mowduuc oo ku qoran 428 bog oo uu buuggani ka kooban yahay. Bismillaahi Raxmaani Raxiim! Iyo inta qof ee meesha ku qoran ee buuggan iskugu tagtay. Bal tabaalahaa daya.

Odhaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hilbo iyo kala qalan illeyn hadal.” Bal idinka oo raalli iga ahaan doona, aan idin soo hordhigo Tusmadan tasaysan ee buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Farshaxannimo la’aan, fan la’aan iyo fool-xumo la yaab leh ayaa ka muuqata. Taas ayaa habeen walba niman la soo shir tegayaan oo shaashadaha telefishannada ku wareerinayaan. Bal tusmadan iga guddooma:

Tusmada buugga – Contents

1. Mahadcelin

2. Hibayn

3. Gogoldhig

4. Tuulada Birta Dheer

 

Qormadii: 10aad

5. Nolol Cusub: Ciidammada

6. Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)

7. Iskudaygii Afgenbigii Woqooyi Galbeed 1961kii

8. Yaa ka dambeeyey af-gembiga?

9. Dib ugu soo noqoshadii Koonfur

10. Dagaalkii Itoobiya-Soomaaliya 1964kii

11. Ururkii Lib-Side

12. Waddada Afgenbiga

13. Magacaabiddii Taliye Cusub ee XDS

14. Siyaasaddii Cigaal ee Caruusha

15. Furitaan Xisbi Xisbi mucaarad ah (Dabka)

16. Iscasilaaddii Taliyaha Booliska Soomaaliyeed

17. Doorashadii 1969kii

18. Welwelka Maxamed Siyaad Barre

19. Aniga iyo Maxamed Siyaad Barre

20. Maxamed Siyaad iyo Saraakiisha Sarsare ee XDS

21. Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid 15kii, Oktoobar, 1969

22. Yaa lagu tuhmayaa dilkii Madaxweynaha?

23. Afgenbigii 0ktoobar 1969kii

24. Nolosha Xabbiska (1969-197)

25. Iskudaygii Afgenbigii Cirro

26. Dagaalkii Soomaali Galbeed

27. Xaaskaagii way dhicisay

28. Afgembigii Cirro

29. Aasaaskii Jabhadda Badbaadinta (SSF)

30. Hanaqaadka SSDF

31. Dhibaatooyinkii loo geystay Gobolka Mudug

32. SSF iyo Koofurta Yemen

33. SSF iyo Liibiya

34. SSDF iyo Itoobiya: Bilowgii is-afgaranwaaga

35. SSDF iyo? Dhabarjebinta Itoobiya

36. Ka soobixii xabbiska Itoobiya

37. Maxaa wiiqay guulihii SSDF

38. SSDF: Burburka Soomaaliya dabadiis

39. Qabsashadii Muqdisho iyo dhammaadkii

40. Taliskii Siyaad Barre

41. USC

42. Unisom

43. Walaalaha Jabbuuti ‘KOW’

44. Aniga iyo Al –Itixaad

45. Dhabarjebinta AI-Itixaad

46. Isbahaysiga Caydiid iyo AI-Itixaad

47. Shirkii nabadaynta Gaalkacyo

48. Shirkii Dibu-heshiisiinta ee Addis Ababa

49. Shirkii nabadda ee Gaalkacyo (Muqdisho)

50. Halgan Iyo Hagardaamo – Taariikh Nololeed

51. Shirweynihii SSDF ee Qardho

52. Salballaar

53. Caafimaad xumo ila soo deristey

54. Shirkii SODARE

55. Burburinta Shirkii SODARE

56. Aasaaskii Puntland

57. Dhismaha Dawlad Goboleedka Puntland 1998kii

58. Shirweynaha ergooyinka beelaha shanta gobol

59. Walaalaha Jabbuuti ‘LABO’

60. SRRC

61. Isku daygii majaxaabinta Puntland

62. Afgembigii Islaan Maxamed

63. Shirkii Dibu-heshiisiinta Nayroobi 2002-2004

64. Dhismihii Hay’adaha Qaranka

65. Doorashadii Madaxweynaha

66. Aniga iyo Cabdullaahi Axmed Caddow

67. Dhaartii Madaxweynaha 14kii 0ktoobar 2004

68. Dhismihii TFG

69. Is-hortaaggii hanaqaadka dawladda

70. Ka-qaybqaadashada Shirkii Dooxa ee 77

71. Aniga iyo Shariif Xasan (Yemen)

72. Soo cagadhigashadii Dalka (Jowhar)

73. Ku soo noqoshadii Jowhar

74. Mar labaad Aniga iyo Shariifka (Yemen)

75. Baydhabo

76. Baydhabo: Midayntii TFP

77. Dilkii Mudane Cabdalla Deerow Isaaq

78. Isqarxintii la ila beegsaday

79. Isbahaysigii la dagaallanka Argaggixisada

80. Dagaalkii Saddexaad ee Muqdisho

81. Isballaarintii Midowga Maxkamadaha UMM

82. Heshiiskii Koowaad ee Kharduum

83. Heshiiskii Labaad ee Kharduum

84. TFG (Isbeddel Istiraatiijiyadeed)

85. Dagaalkii Maxkamadaha Dalka looga saaray

86. Odayaasha Beelaha HAWIYE

87. Maamulka Gal-Mudug

88. Shirkii Dibuheshiisiinta ee Muqdisho*

89. Dhammaadka Xukuumaddii Cali Geeddi

90. Ka hor dhismaha xukuumad cusub

Qormadii: 11aad

91. Xukuumaddii labaad ee TFG

92. Maxaa ka danbeeyey?

93. Siyaasadda dhabta ab ee dawladda Itoobiya

94. Walaalaha Jabbuuti ‘SADDEX’

95. Gunaanad

96. Dhammaad

Qof aanu aad saaxiibbo u nahay oo qurbaha deggen ayaan qormooyinkan qaar ka mid ah u diray. Show qofkan aan qormooyinka u dirayaa hore ayuu u arkay buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ka dibna wuxu ii soo qoray: “Buugna ma aha ee waa faan, fatoosh iyo faataa-dhug.”

Sawirrada la saanyaday, saldhiggoodu waa maxay?

Sida dhaqanku yahay badiba sawirrada aad qoraalladaada raacinaysaa, waa in ay noqdaan qaar kaabaya oo wax taraya qoraalkaaga. Isla markaa waa in ay sawirradani ka markhaati kacaan waxan aad qorayso. Sawirrada aad qoraal u cuskanayso waxa laga dheehan karaa qofka aad tahay iyo fikirka aad qabtaba. Bal hadda aynu dhex qaadno sawirrada aan sidaa u sii kala fogeyn ee uu xanbaarsan yahay buuggan Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Sawirka ugu horreeyaa wuxu ku yaallaa bogga 20aad ee buugga, waxaanu ku sheegayaa in ay ahaayeen dhowr iyo toban sarkaal oo Soomaaliya laga qaaday oo Talyaaniga lagu soo tabobarayay oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka mid ahaa. Sida ka muuqata sawirkan oo uu yahay kii koowaad ee buuggani ku furmo, waa sawirka ugu da’da yar sawirrada Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Taa macnaheedu waxa weeye in aanu wax sawirro ka hayn yaraantiisii iyo barbaarrintiisii hore midna. Cabdilaahi Yuusuf Axmed meelna kuma xusayo buuggiisa waxa uu ku soo bartay kulliyadda ciidammada ee uu labada sannadood ku soo jiray.

Sawirka labaadna wuxu ku yaallaa bogga 26aad oo waxa ku sawiran laba qaybood oo ka tirsan ciidankii Xoogga Dalka oo rag iyo dumar u kala qaybsan. Bogga 33aadna waxa ku sawiran Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo caddaysimo ah oo aan cidna la joogin in kasta oo uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Kaaga-daranta waa sawir aan rasmi ahayn oo aanu odeygu xihdnayn ama sidan koofiyaddii caadada u ahayd. Tolow miyaanu Aadan Cabdille Cismaan madaxweyne kale aragba? Miyaanu salaamin mise sawirradaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed ma urursan oo ma keydsan! Dan qabiil ayaan kaga xidhnayn. Milgaha iyo maamuuskuba waxay ahaayeen in uu odegyga Aadan Cadde ka soo qaato sawir rasmiya. Madaxweynennimada ka-sokow Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu qiimayn soddognimada oo aanu odeyga ka xishoonayn.

Bogagga 38aad, 39aad, 41aad, 42aad iyo 43aad, dhammaantood waa sawirro muujinaya Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la taagan madax kala duwan oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin: Madaxweynihii Talyaaniga Antonio Segni, Madaxweynihii Mareykanka John F. Kennedy, Jamaal Cabdinaasir Madaxweynihii Masar, Hoggaamiyihii Nayjeeriya ee Tafeewa Belawa, Khurushoofkii Midowga Soofiyeti, Chu En Lai-gii Shiinaha iyo qaar kaleba.

Sawirka xigaa oo ku yaalla bogga 47aad, waa Cabdillaahi Yuusuf oo Dolow jooga xilligii 1964kii ee la soo af-jarayay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray, sida qoran. Bogga 48aadna waxa ka muuqda nin dharka ciidanka lebbisan oo sii jeeda oo lagu sheegayo Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo billad iyo dallcaad la siinayo. Billad iyo dallacaadeey idinkana la idin jecel oo dal iyo dadba la idiin rog.

Bogga 52aad waxa ka muuqday sawir lagu sheegayo meydkii Janan Daa’uud oo la keenayo oo markaa isagu ahaan jiray Taliyihii Xoogga Dalka ee Maxamed Siyaad Barre beddelay. Waxa hoosta kaga qoran:”Sawirkan waxa ka muuqda: Siyaad, Caydiid iyo Cabdillaahi Yuusuf.”

Bogga 53aad malahayga sawirka ku yaalla cidiba kama maqna saraakiishii Soomaaliya ee berigaa, waxaana hore u soo yar fadhiya oo aad uga dhex muuqda Maxamed Siyaad Barre.

Bogga 54aad waa mar kale iyo Cabdirashiid oo Madaxweyne ah iyo saraakiishii oo soo dhaweynaysa. Bogga 57aad waxa ku yaalla muuqaal wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray ee Somali News oo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ku sawiran yahay. Cigaal wuxu u quudhi waayay in uu sawir dhab ah ka qaado iska daa madax uu salaamayo e’. Bogga 69aad waxa ku sawiran Maxamed Abshir Muuse oo lebbisan direyskii Janannimada ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Bal is-yeel-yeelkaa ka warrama! Aadan cadde iyo Cigaal iyo waxba uma quudho.

Marka laga tago bogag kooban oo lagu soo qaatay sawirro bogag wargeysyadii xilliyadaas ah, waxay sawirrada kale ka muuqdaan bogagga: 305aad, 306aad, 307aad, 308aad, 309aad, 310aad, 311aad, 312aad, 313aad iyo 314aad. Miyaad garanaysaan bogaggaa sawirrada ku yaalla? Bal amarka Ilaahay waa ‘Odeygeennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo la taagan madaxdii adduunka qaar ka mid ah. Waa intii uu u noolaa ee uu u soo maray saymo la og yahay oo silic iyo saxariirba lahaa, Soomaali badanna uu ku galaaftay kuna sahayday. Sawirradaasi wax murtiya oo ay xanbaarsan yihiin ma jirto oo aan ahayn in aynu aragno in Cabdillaahi Yuusuf Axmed madaxweynayaal la kulmay. Bal maxaa Soomaali uga shan iyo toban ah. Keliya waa in aynu qirno in uu ahaa madaxweyne la kulmay madaxweynayaal.

 

Qormada: 12aad

Waxaan soo xusuustay sheeko ku saabsanayd Madaxweynihii Afrikada Dhexe Jean Bedel Bokaasa oo billadaha aad u jeclaa. Waxa la sheegay in uu booqday dekedda Muqdisho oo uu urursaday furarkii Kookaha isaga oo ku tilmaamay billado dayacan. Ninkaasi wax ka billado jeclaa, sidaa darteed ayaa Maxamed Siyaad Barrena xayn billado ah siiyay. Meel uu ku kala dhejisto markii uu waayay ayaa maro dheer oo la dabo-jiido loogu dhejiyay. Ma is-tidhaahdeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa sidaas oo kale ku noqday sawirradii.

Raalli iga ahaada waan idin daaliyayba e’. Kaaga daranta sawirro aanan idiin soo gudbinba ayaan idiin taxay. Maxaad halkaa ka fahamteen oo aad kala baxdeen sawirradan dhinaca ka raran ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed?

Bogga 151aad oo keliya ayaad ku arkaysaa sawir laga qaaday mid ka mid ah Shirweynayaashii SSDF oo ay rag badani ka muuqdaan.

Mar dad gaar ah iyo reero gaar ah ayuu ku buuxaa. Mar kalena waxaad arkaysaa kalgacalka iyo jamashada uu u qabay direyskan lagu gubtay ee aynaan xidhaneen haddii uu amarka Ilaahay dharba ka soo hadho. Inta uu madaxweynaha ahaa wuxu ku lebbisan yahay ‘Suudh’ oo direyskii wuu iska bixiyay, maxaa yeelay isaga direysku sallaan uu xukunka ku qabsado ayuu u ahaa, halka maalmahan dalkeennaururrada iyo xisbiyadu ka yihiin sallaan madaxtooyada lagu tago, sida ay tiraabeen hoggaamiyayaasha urarradaa qaarkood.

Bal u fiirsada sida aanu muuqaalladaa iyo sawirradaa ugu jirin sawirro SSDF-tii muujinayaa iyo sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed buuggiisa mowduucaa ugaga hadlayo. Miyay is-qabanaysaa taasi oo waa aynu ka siisanaynaa? Run ahaantii SSDF ma u jirtay odeyga? Haddii ay jawaabtu haa tahay muxuu u soo sawiri waayay muuqaalladeedii ama dokumentigeedii? Mise xilliyadaa ‘odeygu’ keyn-joog ayuu ahaa oo maba ay soo gaadhin qalabkan wax lagu sawiraa? Mise tolow sawirradaa dhammaantood jeelkii ayaa lagaga furtay.

Kuwaa haddii aynu iskaga hadhnaba, ‘odeygu’ wefdi mooyaan e’ intii uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya hayay miyaanay ku habboonaateen in uu inoo soo sawiro dhibaatooyinkii hor taagnaa, guulihii uu xaqiijiyay (haddii ay jireenba) iyo kulammadii iyo shirarkii uu dalka gudihiisa ku galay.

Gunaanadkayga, waxba yaanan mowduucan taban ku xiiqin e’ halkaana waxa inooga muuqanaysa in sawirrada loo adeegsaday si gurracan oo aan waxba u tarayn buuggan lagu soo sawiray, bal se kala dhantaalaysa. Xirfad iyo aqoon-la’aanay ba’! Iyaba waa taa ‘odeygeennii’ halkaa dhigtay ee kuwa uu u mahad-naqayaana jarka uga tallaabsadeen.

‘Hubka Mudug ku talax-tegay’:

Waa bogagga 136aad ilaa 138aad. Waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo wixii dhibaato Soomaali loo geystay halkan ku soo qaadanaya oo keliya wixii Mudug ka dhacay. Nin-qarameedkeennii belaayada ahaa, wuxu qoray:

“Gobolka Mudug guud ahaan, gaar ahaan dadka Majeerteenka ee gobolkaas ku dhaqan oo beesha Cumar Maxarnuud ay hormuud u tahay, wuxuu maamulkii Maxamd Siyaad Barre u geystay dhibaatooyin aad u ballaaran oo maanka fayoobi diidayo inay dawladi dadkeeda ku sarnayso . Dhibaatooyinkii badnaa ee dadkaas ay ku sameeyeen ciidamadii iyo dawladdii xilligaas jirtay waxaa ka mid kuwan hoos ku xusan:”

Haa ‘odeygeennii hoggaanka Soomaaliyeed sheeganayay bal eega waxa uu ka hadlayo. Xataa heer Majeerteen ma taagna. Bal ka werrama! Khasaaraha Soomaali gaadhay sidan ayuu u arkaa, bal ha inoo taxo e’ aan eegno, waxaanu yidhi ama qorayba:

· “Waxaa laga burburiyey boqolaal Barkadood oo dadka reer miyiga ah iyo xooluhuba noloshoodu ku tiirsanaayen,

· Baraagaha ciidammada buburiyeen waxay ku yaalleen tuulooyinka ku teedsan Togga la yiraahdo Daara-Doonle ee ka bilowda agagaarka Burtinle, waxaana ka mid ahaa tuuoolyinka Malaasle, Qalaanqal, Sallax, Buubi, Sidoo kale ceelashii ku yiillay,

· Degaanka Kaalmoone iyo Seemade qaarna ciidanka ayaa sun ku shubay, qaarna waxay u diideen dadkii inay ka cabbaan. Tuula kasta waxay ka reebeen hal barkad oo iyagu ka cabbaan inta hawl galka ciidanku socday,

· Waxaa iyana xusid mudan dhacdo kale oo sirgaxan oo tiiranyo leh oo Taliska Siyaad Barre ay ka sameeyeen tuulada Malaasle. Tuulada Malaasle waxay degaan iyo saldhig u ahayd Islaan Cabdulle (Islaanka beesha Cumar Maxamuud) iyo odayaasha guurtidiisa ka mid ahaa ee degaanka. Waxaa ciidankii lagu soo arnray in xoog lagu soo qabto Islaanka iyo raggiisa kaddibna waxa weerar lagu soo qaaday islaankii iyo raggiisii. Nasiib wanaag islaanka waxaa difaacay dhallinyaradii degaanka ee uu caaqilka u ahaa oo jilibka u laabay ciidankii doonayey qafaalka Islaanka. Nasiib darro waxaa halkaas ku dhintay in ka badan toban nin oo dhallinyaradii degaanka ahaa iyo qaar badan oo ku dhaawacmay. Waxaa hoodo, guul iyo ayaan noqotay in dhallinayradii ku guulaysteen difaacii Islaanka kaddibna ula cararaan dhinaca degaanka hawdka,

Sidoo kale waxaa ayaan darridooda, dadkii reer miyigaa ahaa ciidankii loogu talo-galay inay difaacaan, ku sameeyeen in xoolahoodii moodka ahaa ay dhacaan oo hadba sida ay doonaan ka yeelaan. Geela intii la rabo ayaa la iska kaxaysanayey, arigna waxay ka dhigteen masruuf ay iska qashaan maalin kasta,

· Dhibaatooyinka kale ee fooshaxumaa oo dadkii reer miyiga ahaa lagula kacay waxaa xusid mudan in inta miyiga laga soo qabqabtay rag badan oo geelooda iyo reerkooda lajoogay kaddibna la isugu keenay Xero ciidanku lahaa oo ku taallay tuulada Burtinle. Burtinle iyo magaalada Gaalkacyo waxay isku jiraan 110 Km. Saraakiishii waxay markaas arnar ku bixiyeen in dadkii xeryaha lagu xereeyey oo geelooda laga soo kaxeeyey in masaafada qiyaastii halkii Kiilomitirba inta qofla dilo meydiiksa waddada la dhigo. Sidaas waxaa lagu dilay 100 nin kaddibna meykoodii waddada lagu waray. Ujeedadu waxay ahayd in dadka la cabsi geliyo,

· Waxyaabaha kale ee foolxumada lahaa ee dadkii lagula kacay waxaa ka mid ahaa in kufsi, iyo faraxumayn lagula kacay dumarkii beesha iyaga oo aan waxba loo aabbayeelin,

· Dumarka kufsigaas lagula kacay waxaa ku jiray islaamo labaatan sana ka hor dhalmo daayey oo waayeel ahaa,

· Waxaa tixgelin gaar ah mudan dhacdo kale oo murugo ahayd oo ahayd inay soo qafaaleen gabdho yaryar oo jiray 14-15 sana oo arday ahaa kaddibna ay baabuurta weyn ee askarta qaar badan ku soo gurteen si ay u kufsadaan. Gabar gabdhihii ka mid ahayd ayaa markaas baabuurkii ka boodday isaga oo socda si aan loo kufsan. Nasiib darro gabadhii mad axa ayey ka dhul-bilowday waa ayna indha-beeshay Gabadhii dhibkaasi ku dhacay maanta sannadka 2011 ayey nooshahay iyada oo sidii ay maalintaas u indhabeeshay weli ku laxaad la’ oo indha la’,”

‘Odeygeenni’ nin-qarameedka (Statesman) sheeganayay sidaas ayuu u arkaa dhibaatooyinkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dhacay ee nidaamkii Siyaad Barre geysanayay muddadii 21ka sannadood ahayd. Meel kale iska dhaaf e’ xataa intii loo tirinayay in reerkoodu deggen yahay ayaanu waxba ka sheegin. Marka ay sidaas tahayna, malahayga reer Hargeysa iyo dhulkii madaafiicda iyo dayuuradaha lagu dalbaday iyaga waxba laga weydiin meynno.

Wuxu intaa hore Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku kabayaa:

Dhibaatooyinkaas iyo kuwa ka sii foolxun ayaa dadkii reer miyiga u badnaa iyo kuwa badan oo reer magaalka ahaabaa nidaamkii kula kacay. Dhibkaas iyo gumaadkaas markii shacbigii loo geystay waxay soo aadeen dhinaca jabahadda, waana arrimha keenay inay jabhaddu si sahlan ciidan iyo cududba ku hesho.”

Cabdillaahi Yuusf Axmed tani waxa ay ahaydba badhaadhihiisa oo waa kan inoo sheegaya in uu sidaas ciidan badan ku helay.

Intaa hore wuxu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku sii darayaa isaga oo tilmaan ka bixinaya fartana ku fiiqiya ciddii eeddan gashay, waxaanu qoray:

“Saraakiishii iyo madaxdii hawlahaas fulisay waxay u badnaayeen saraakiil reer Waqooyi ahaa oo beesha lsaaqa u badnaa. Raggaas ay dawladdu u soo idmatay gumaadka iyo burburinta gobolka Mudug waxa ka mid ahaa:

· G/ le Dhagaweyne (oo jabhaddu markii dambe qabatay kaddibna ku biiray halgankii hubaysnaa ee SNM),

· Maxamad Kaahin (SNM),

· Tansaaniya (Jabhadda SSDF ayaa gobolka ku dishay),

· Ina Askar iyo qaar kale oo badan,”

Wuxu ku bilaabayaa G/Le Dhegaweyne oo aanu u qaadannay Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi (Dhegaweyne) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM. Wuxu intaa ku darayaa in Jabhaddii SSDF-tu markii danbe qabatay oo uu ku biiray halgankii hubeysnaa ee SNM. Laba hadal is-ma qabanayaan: eedda la taxay ee Ibraahin iyo saaxiibbadii uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo oogay, iyo SSDF-tan qabatay ee sii daysay. Labadan arrimood sidee ayay isu qabanayaan? In uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed arrintan sharax ina qanciya ka bixiyo miyaanay ahayn? Mise waxan aynu akhriyayno waa la iska qoray uun. Ibraahin Dhegaweyne waa uu nool yahay eeddanna waa iska daafacay, waanu iska daafici doonaa.

Maxamed Kaahin iyo Cabdillaahi Askar Barkhad ma ay joogin meeshaba. Maxamed Kaahin 1976kii ayaa ugu danbaysay, Cabdillaahi Askar Barkhadna ninka weligiiba ka hawl-galay ma aha. Taansaaniya malaha in magaciisa oo saddexan la sheego ayay ahayd, maantana wuu inaga hooseeyaa. Xataa Askar ayaan la hubin cidda loola jeedo. Waa tayo-darrida, hubin la’aanta iyo baadhis la’aanta buugga ka muuqata.

Bal hadda Cabdillaahi Yuusuf Axmed aan dhegeha u yar raaricinno ama indhahab u yar furno. Waa kan tog kale oo hor leh soo rogaya. Ku-ye:

“Nasiib darro saraakiishaas shacbiga xasuuqay, qaar ka mid ah weli maanta way joogaan oo magaalada Hargeysa ayey ku xarragoodaan iyagoo sheeganaya inay mujaahidiiin yihiin oo magaca (SNM) ku soo dagaallamay. Nimankaas saraakiisha ah siday doonaan ayey dadka yeeli jireen, sharci iyo xeer ay ka biqi jireenna ma jirin. Hawsha loo idmay ayaa ahayd inay dadka gumaadaan, degaankooda burburiyaan, xoolahooda dhacaan.”

Qormadii 14AAD

Miyaanay maah-maahda Soomaaliyeed ahayn: “Maroodigu takarta saaran ma arko, ee ta maroodiga kale saran ayuu arkaa.”

Waa kow Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo saraakiishaa eedaynaya iyaga oo sannado wada joogay Itoobiya. Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu Soomaaliya Madaxweyne ka noqon? Miyaanu Moorgan iyo dhagar-qabayaashaa boqollaalka kun xasuuqay ee magaalooyinka dumiyay hoosta ku haysan oo aanu marar badan ku adeegan? Berkadahan uu sheegayo kuwii dumiyay miyaanu Muqdisho Madaxweyne ugu noqon? Miyaanay halkaa ku xarragoonayn? Muxuu ka qabtay?

Xaq ayay u yeesheen saraakiishani in ay dhulkooda ku xarragoodaan. Xarragada iyo mushaaxu waa godob la’aanta. Waxa dibad-joog ah ciddii godobta iyo dhagartaba geysatay ee dhulku u dhaqdhaqaaqayo. Waa halkii Cabdi Iidaan Faarax e’:

“Anuu daaha kama rogin,

Dadku se wuu yaqaannaa.”

Calaacalkan Cabdillaahi Yuusuf Axmed ugu barooranayo berkadahan uu leeyahay Mudug ayaa laga dumiyay, waa saanbuuse laga eedaamay. Dadka ayuu maqashiinayaaye, haddii uu ka damqanayo beri hore ama beryo hore ayaynu ka maqli lahayn.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed muxuu uga hadli waayay wixii xasuuq iyo xinjiro laa daadiyo ka dhacay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed? Gobol kasta miyaan dhiillo ka dhicin inta ay doonataba ha le’ekaato e’? Miyaanu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka mid ahayn kuwii dhiillooyinkaa ilaa maanta taagan geystay? Budh-cad badeedda loo caal waayay yaa abuuray? Miyaanu isagu ka danbayn? Haddii aanu ka danbayn waa kii waayo xukumayay Puntland ee muxuu ka qabtay? Mise mushkilad uma arko sida ka muuqata? Miyaan dekedaha Puntland laga dhoofin dad iyo duunyaba? Miyaan dhirtii ma-guuraanka ahayd laga dhoofin? Miyaan intii soo hadhayna la gubin oo aan la dhuxulaysan? Miyaanu Madaxweyne ka noqon? Muxu ka qabtay? Haddii uu wax ka qaban kari waayay, muxuu ka yidhi ee laga guntayaa maanta?

Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanay ku fiicnaateen in uu iska aammusaa? Mise, tolow ‘odeygeennani’ waxaabu is-lahaa intan aad qortay ayaa la akhriyi doonaa oo waa la iska aammusi doonaa? Xaasha! Taana daayoo!

Laba sannadood oo uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya, burburka iyo dhagarta dhacday intee ayay le’ekeyd? Miyaanay ahayn haddii uu mowduuci yahay oo uu runta ka hadlayo in uu wax ka sheego?

Beryo hore oo ku beegnaa 1983kii ayuu Hadraawi maansadiisii ‘Heeliyo’ kaga hadlay wixii Gobolka Mudug ka dhacay. Taasina waxay ka marag-kacaysaa in aan laga aammusin dhibaatadii ku habsatay dadka aanu walaalaha nahay. Si qurux badan oo suugaamaysan ayuu Hadraawi u dhigayaa. Tixdan ayaa sida ay u badan tahay noqotay halkudhegyo iyo hal-haysyo ay dadku inta badan soo xigtaan oo ay ku qurxiyaan haasaawahooda. Hadraawi wuxu yidhi:

Baaruudda huguntee,

Ambatee habawdee,

Habi li’I sokeeyaha,

Ku hawaawi- duushee,

Hadhka yeelataay yaad,

Hungo madhan in aad tahay,

Ka hadoodilaysaa,

Hamta iyo digtaadii,

Dhulka hogag la yaabliyo,

Haaray ka jeexdoo,

Hanfariirka meydkaa,

Hayn waayay luxudkoo,

Haabiil gilgilashada,

Hanqalkuu la boodoo,

Hanbadii aboorkiyo,

Harag iyo laf keliyaa,

Hanbabarey dareenkoo,

Hurdadii ka toosoo,

Hiyigayga waxa galay,

Nimankaad is-hayseen,

Kala hoyatay guushee,

Gaarriyow hireydiyo,

Hayayda iyo qaylada,

Dhul fog baan haystee,

Ma hareerahaygaa,

Hooshaarka aarkiyo,

Huntutuulka dhidarkiyo,

Hangagaarka baqayaha,

Handashada waraabaha,

Raqda heelka taallee,

Laga haagay ii sheeg,

Qormadii: 15aad

Hiyigayga waxa galay,

Nimankaad is-hayseen,

Hadhadoodi weeyoo,

Waxad kala hufaysee,

Kala haadinaysiyo,

Hirka dhiigga muuqdaa,

Ma halbowlahaygaa,

Haybad iyo xishoodlaay,

Waayeel habsooboo,

Hangabsiga dhawaaqiyo,

Higsanaaya beeshoo,

Hollashada culayskii,

Hadi waayey socodkoo,

Hindiwaas tallaabada,

Hakinaaya jaantiyo,

Hablo meydhax diirtiyo,

Hibashada xanuunkiyo,

Haydaarta xanaftiyo,

Ma-hadhada ajarankii,

Ummul fool-hallowdoo,

Abidiyo hurgumadii,

Hoosteeda yaalliin,

Qaryad weerka hooggiyo,

Hengel iyo asay xidhan,

Hadal-barad gurguurtoo,

Hawadiisu caaniyo,

Hooyo naaska joogtiyo,

Habaqlaha aroorkiyo,

Horashada ku jeeddiyo,

Jidib iyo hangoolliyo,

Habartana ma geydaa,

Hawsaryahow gurxamayaa,

Hodaddaabadaadiyo,

Halkaan kuugu talo-galay,

Hal-xidhaale noqotee,

Galley iyo hadhuudh iyo,

Ninka halo ku dhaafsaday,

Hayntiisa kugu gaday,

Hindisana ku talo-galay,

In uu kugu hor joogsado,

Hororkiyo cadaawaha,

Hawo damac ka soo galo,

Hiddihiisa gobannimo,

Halistana iskaga jiro,

Haybaddaada gaarka ah,

Ma in aad heddiisiyo,

Hooggiisa joogtaa,

Hadimada garoowiyo,

Hanaq-go’a Nugaaleed,

Halka aad tummaatiday,

Waxa kaga habboonaa,

Dar kaloo I hawlee,

Huqdaad reebtay weynaa,

Hibashiyo ladh kululaa,

Colka Bari harraatiyay,

Hubka Mudug ku talax-tegay,

Alleylehe hubsiimiyo,

Haki buu u baahnaa,

Adigaa halyeygiyo,

Hanaddada ku dabar-go’ay,

Himilooy u baahnaa,

Hebelow laguu sheeg,

Ummaddaad hankeediyo,

Hilbaheeda gadataa,

Hiilka kaaga baahnayd,

Hawsaryahow gurxamayaa,

Caku halalacdaadiyo,

Habar-wacashadaadee,

Ku hawurantay meeshaad,

Haab-haabanaysee,

Kor u qaad hinaasaha,

Dadka haybi weligaa,

Hilimmadana kala baro.”

Waa mid ka mid ah sawirradii laga bixiyay burburkii nidaamkii Siyaad Barre u geystay qaybo ka mid ah gobolka Mudug xilliyo ku beegnaa bilowgii sagaashanaadkii.

(La soco…………………………….)

Qormadii: 16aad

Hadaaq nin hadraaya: Been-ka-sheegga SNM

Qaybtan waxaan jeclahay, in aan wax aan sidaa u sii badnayn kaga idhaahdo hafar iyo af-lagaaddo Cabdillaahi Yuusuf Axmed is-leeyahay SNM ayaad ku canbaareyn karaysaa.

Miyaanu Hadraawi hore ugu odhan Maansadiisii Jiitama:

“Dheeraad nin haystoo,

Aqalkiisu dhalo yahay,

Nabaddiyo ku-dhaqankeed,

Hadduu tuuryo dhaafsaday,

Miyaan kiisa dhagax karin,

Maan dhadhaabta xaabsado,

Haddii awr dhufaanii,

Isku saydhay dhibidii,

Dhirta maan jejebiyoo,

Anba dhoosha ka cartamo,

Nin dhukani hadduu jiro,

Amba maan is-dhego maro,”

Bal hadda Cabdillaahi Yuusuf Axmed loogu taag waa fadhigaa iyo fuudkaa yicibeed adiga oo Yaman iska fadhiya isku fuuqso e’. Bal ma eegnaa baalashan ay u soo xar-xarriiqeen waxa uu ka helo.

Ma aan wada dhex qaadin buugga oo dhan, bal se aan ku yar raasukho intii aan ka yar halacsaday, waayo ma aha buug aad xiiseyn karto oo sidaa kuu soo jiidanaya. Sidii aan horeba u soo sheegay ma aha wax qoton iyo dhumucba leh bal se waa wax sar-ka-xaadis ah oo aan macno caynkaas u sii ridan lahayn. Ilaahay ‘odeyga’ khaatumadii waa uu seejiyay kol haddii uu ‘aakhiral-cimri’ noloshiisii waxan ku sagootiyay. Guul-darrooyinkiisii ciidda ka badnaa ayuu taagga is-leeyahay u rogo guulo lagu tanaado oo lagaa gunto, bal se taasi waa mid aan suurtoobayn oo aan laga siisanayn.

Marka, aan amba-baxo. Aan soo xigto qayb ka mid ah bogga 155aad. Bal amarka Ilaahay waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo u holladay in uu SNM wax ka sheego. Ku-ye:

“Waxaanu samaynay Istaraatiijiyo dagaal oo ku jiheysan gobollada woqooyi bari. Annaga oo arrintaas abaabul ugu jirna, ayaa waxa na hakiyay xiriir ay nala soo sameeyeen ururka SNM. Kulammo na dhex maray waxaanu isku daynay talo ahaanna ugu soo jeedinnay in labada Jabhadood la mideeyo, taladaas SNM way diiddey.”

Bal hadal-tiradan ka warrama! Cabdillaahi Yuusuf Axmed waa ay jirtay beryo uu ku hadaaqi jiray aynu ururrada mideyno. Bil ammaara bishii Feeberweri 1984kii ayaanu SNM ahaan mar aanu kaftamaynay u soo jeedinnay in ay fadhi rasmiya ku kulmaan labada jabhadood Golayaashooda Dhexe oo ay doortaan hoggaan ku-meel-gaadh ah oo midnimo u gogol-xaadha. Annagu waanu sii ogeyn in aanu Cabdillaahi Yuusuf Axmed yeelayn arrintan. Ilaahay waa ogaa cabaadkii ka dhacay Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hubay in maalintaa meel cidla’ ah lagaga guurayay. Beryahaa waxa SNM Guddoomiye u ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Miyaanu idiin la ahayn hadalkani mid si fudud loo yidhi oo aan laga fiirsan. Bal hoos u dhugta ereyadan Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka soo yeedhay ee ah: “Kulammo na dhex maray waxaanu isku daynay talo ahaanna ugu soo jeedinnay in labada Jabhadood la mideeyo, taladaas SNM way diiddey.”

Ku-ye midnimada labada jabhadood ayaanu soo jeedinnay oo SNM nagu diiday. Cabdillaahi Yuusuf Axmed intaa kuma gaabsan ee waa uu sii soconayaa. SNM-tii ayuu sii kala baandhaynayaa oo wuxu gaar ula baxayaa Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo markaa ahaa Guddoomiyaha SNM, waxaanu intaa hore ku kabayaa:

“Diidmadaasna waxa ku wacnaa guddoomiyaha SNM mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Waxaanu dhinacayaga isku raacnay in aanu xiriirka labada jabhadood xajinno intii aanu kari karno.”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed uma taariikheysna e’, markani waa Oktoobar 1984kii ka dib Shirweynihii 4aad ee SNM ee Siilaanyo lagu doortay.

Alleylehe! Waxaasaa hoggaamiye la yidhaahdaa. Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu SNM-ta moodayay ilaa maantana ay la tahay in ay la mid ahayd SSDF-tii uu jeebka ku sitay ee uu isagu wax walba ka ahaa ama u ahaa.

Marka hore sidaad u wada garan kartaan labada jabhadood ma noqon karaan wax nin isaga oo makhaayad taagan iska odhan karo aynu midowno. Haa waanu garan karnaa in SSDF-tii Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax walba ka ahaa sidaas yeeli karaysay, bal se SNM waa ay ka duwanayd. Arrintan midnimadu ma ay ahayn wax Cabdillaahi Yuusuf Axmed la soo qaaday Guddoomiyihii SNM ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

(La soco………………………)

Qormadii: 17aad

SNM Dastuur ayay lahayd, kaas oo dhigayay in awoodda ku-milanka ama ku-darsanka urur kale ay tahay mid uu iska leeyahay Shirweynaha SNM. Ma ay ahayn awood Guddi-fulineed iyo mid Gole Dhexe midna. Shirweyne ayaa iska lahaa, Axmed Siilaanyana ma ahayn qab-qable jabhadeed sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed, bal se wuxu ahaa Guddoomiye dastuuriya oo aamminsanaa dokumentiga aasaasiga ah ee SNM kuna dhaqmi jiray.

Maalmahaa Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen lagu dilayo Diri-dhabe ee 17/10/1984kii, maalmo ka dib ayay SNM iyo SSDF samaysteen laba Guddi-hoosaad oo ka wada hadla sidii la isu kaashan lahaa. Guddi-hoosaadkaasi waxay ka koobnayd 8 xubnood oo ururba afar ayaa ka socday. Waxaan xubin ka ahaa guddi-hoosaadkii ka socotay dhinaca SNM, markii aanu dhowr goor isu nimidna annaga oo aan waxba soo saarin ayaanu kala tagnay. Xaqiiqaduna waxay ahayd in aannaan waxba soo wada saari karayn, maxaa yeelay isku dhismo iyo isku go’aan-qaadasho ma aanu ahayn. Iyagana Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo keliya ayay wax ka go’ayeen annagana waxa goobta fadhiday Guddi-fulineed oo talooyinkeedu si ku-meel-gaadh ah

uga go’ayeen Guddi Joogto ah oo 15 xubnood ka koobnayd, taas oo markeeda u gudbinaysay Kal-fadhiyada Golaha Dhexe, kuwaasina haddii ay xeer noqoto ka ansixinayeen Shirweyne caadiya ama mid aan caadi ahayn. Bal ka warrama marka uu Cabdillaahi Yuusuf Axmedna isku qobtolo waxaan is-qabanayn ee uu u qaato wax qof kale lagala sheekaysanayo.

‘Qoraageennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu u soo jeedsanayaa, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihii SNM, waxaanu ku qoray bogga 156aad isaga oo ka hadlaya midnimada labadii jabhadood ee SSDF iyo SNM:

“…..Si loo xoojiyo halganka hubeysan oo looga horjeedo Maxamed Siyaad barre iyo taliskiisa, loona dedejiyo riditaankiisa, loona hiso jabhad iyo mucaarad loo dhan yahay waxaanu soo jeedinaynaa in labada jabhadood la mideeyo. Arrintaa iyada ahi waxay dalka ka badbaadinaysaa in uusan dhicin dagaal qabali ah markii la guulaysto kaddib. Siilaanyo wuxuu iigu jawaabay, Xisaab 60kii khaldantay jeeraan saxno waxba idin ku darsan mayno taasoo macnaheedu yahay inaan SNM rabin midnimo Soomaaliyeed’. Haddaba, haddaan muddadaas kaddib talo kale ku dhalan Siilaanyo ulajeedadiisu waa in ay goostaan goboladii Ingiriisku gumaysan jiray.

Waxaase wax lala yaabo ah woqooyi oo doonaysa inay si qabiilnimo ah uga go’do Soomaaliya in ay sheegato Sanaag, Sool iyo Cayn oo guri Harti ah iyo Awdal oo guri Ciise iyo Godabiirsay ah, waxaa la yaab leh in qabiil ku fakaro inuu qabiil kale xoog ku goosan karo sheeganna karo xuduuddii Isticmaarkii Ingiriiska sidii iyagu ay yihiin caruur Ingiriis dhalay oo dhaxalkiisa leh. Haddaba woqooyiga Soomaaliya ha ogaadeen,Soomaali dhammina ha ogaato inaan arintaasu suuragal ahayn, maxaa yeelay markii la israacay kaddib 1961kii afti baa la qaaday ummadda Soomaaliyeed oo dhammi waxay isku raacday midnimo, xuduuddii Ingiriiska iyo Talyaaniguna meeshay ka baxday. Waxaan haddaba kula talinayaa Siyaasiyiinta waqooyiga: (waxaan suuragal ahayn inayan Shacabka Soomaaliyeed oo woqooyiga deggan ku maaweelin).”

Innaa Lillaah! Bal hadda ‘Odeygii’ caqliga iyo cilmiga sheeganayay waxan uu booshaaqay eega.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu ka hadlayaa SNM oo goosanaysa iyo 1984kii annaga oo xilliyadaa ku sugnayn magaalada Diri-dhabe ee Itoobiya, haddana sheekadiisa waxa ku jirta Sool, Sanaag iyo Cayn. Hadda berigaa Puntland, Sool, Sanaag iyo Cayn midna lama hadal-hayn. Cayn miyeynaan maqal markan Puntland la sameeyay, mise ‘Odeygu’ kama war haynno e’ laambad yar oo wax u bidhaamisa ayuu leeyahay. Ma laga yaabaa in uu maalin dhow weli kaashif ah sheegto.

Muddo yar oo maalmo ah ka dib markii Caydiid iyo Iikar lagu dilay Diri-dhabe ayay SSDF iyo SNM isugu imanayaan wada-hadallo ma-dhalays ahaa oo aanay waxba ka soo bixin oo ku saabsanaa mideynta labada jabhadood. Sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku doodayo arrintu ma ay ahayn mid isaga ka timid, bal se waxa ay ahayd mid ay wadatay dawladda Liibiya. Waa laga yaabaa waanay u badan tahay in ay Liibiya iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax isku ogaayeen. Wada-hadalladaa kharash aan sidaa u sii badnayn oo maalin-dagaal (per dium) u badnaa ayaa ku baxay oo weliba maalmo yar socday.

Laba Guddi oo kooban ayaa la saaray oo xusuus-qorradaydii markii aan dib u eegay aan ka helay magacyadoodii:

SSDF:

1. Cumar Stalin: Guddoomiye,

2. Axmed Daahir: Xubin,

3. Maxamed Ismaaciil (Bari-bari): Xubin,

4. M. F. Ismaaciil: Xubin,

SNM:

1. Cali Maxamed Cosoble (Wardhiigley): Guddoomiye,

2. Xasan Ciise Jaamac: Xubin,

3. Maxamed Xaashi Cilmi: Xubin,

4. Boobe Yuusuf Ducaale: Xubin,

Waxba kama soo bixin wada-hadalladaa, waayo Cabdillaahi Yuusuf Axmed laftiisa ayaan doonayn in ay wax ka soo baxaan, maxaa yeelay dadka u soo dirtay Itoobiya ma ay deggenayn intooda badani oo Reer Nayroobi ayay ahaayeen.

 

Qormadii: 18aad

Aan ku noqonno Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo iska-warrankii aan xaqiiqada ku qotomin. Wuxu mar kale qoray:

“Markii ay noo caddaatay siyaasadda qaran dumiska ah oo ay faraha kula jiraan, af buuxana noogu sheegeen in ay ka hawlgelaayaan gobollada woqooyi oo keli ah oo aaney wax dan ah ka lahayn dalka intiisa kale, ayaannu go’aan ku gaarney in aannu ciidammadayada ka soo qaadno woqooyiga oo isugu geynno xudduudka u dhexeeya Itoobiya iyo koofurta Soomaaliya, halkaas oo hore aannu saldhigyo ciidan ku lahayn. Koofurta Soomaaliya waxaannu hore uga wadney hawlgallo dhuumaalaysi ah, jidgooyo iyo qaraxyo ciriiri lagu gelinayay isu socodka dalka, hawlahaasise waxay muddooyinkii hore oo dhan ku koobnaayeen gobollada Mudug, Nugaal iyo Bari.”

Waa ayaan-darro. Cabdillaahi Yuusuf Axmed saldhigyadii ku teedsanaa xuduudda gobollada woqooyi ugama guurin SNM, bal se, macangagnimadii hoggaamintiisa, dimuqraadiyad-la’aantii iyo ku-dhaqankii qabyaaladda ayaa soo koobay oo soo ururiyay xubinnimadii jabhadda SSDF iyo ka-qayb-galkii halganka ee dadweynahaba. Maalinba rabac ayaa ka goosanayay hoggaan-xumida Cabdillaahi Yuusuf Axmed, taas ayaana keentay in saldhigyadii ballaadhnaa ee fidsanaa ee SSDF soo urururaan oo meel keliya isugu yimaaddaan.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed meelo badan oo buuggiisan ka mid ah ayuu ku soo qaadayaa in ay SNM mar walba dhabar-jebinaysay. Wuxu marar badan ka hadlayaa oo qorayaa in hubkii SSDF-ta la siiyay ama loo kala qaybiyayba SNM iyo USC isaga oo culays badan saaraya SNM. Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan wax hub ah oo SSDF-tu leedahay SNM ahaan aan marna nala siinnin. Walaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo jooga walaa isaga oo maqan ayaan nala siinnin hub ay SSDF-tu leedahay. Waxa is-weydiin mudan wax SSDF lahayd in uu jiray iyo in kale. Ma hubka iyo rasaasta bakhaarrada Itoobiya yaallay ee ciidammadii SSDF-tu qaadan kari waayeen sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed qoray, ayay SNM qaadan karaysay.

Hubka iyo rasaasta Cabdillaahi Yuusuf Axmed meel walba waa ay taallay iyada oo beylah ah. Been ku hadli mayo haddii aan idhaahdo jabhaddii Eretreeya xoreysay marsooyinka Casab iyo Musawac waxay ugu taagtay hubkii Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo meesha ka buuxay.

SNM uma ay baahnayn hubka SSDF-ta maxaa yeelay habka dagaalka ee aanu guddoonsannay ayaan noo saamaxayn. Dagaal shacbiya oo xoreyneed ayuu kaayagu ee ma ahayn mid fool-ka-fool ah. Bal yaa haddii aanu heli lahayn, intan oo Taangiya shidaalka ku shubaya.

Xataa ta Cabdillaahi Yuusuf Axmed haddii la raacaba, haddii ay SSDF baaba’do dhaxalkeeda miyaanay lahayn jabhadaha Soomaaliyeed ee dagaallamayaa? Cabdillaahi Yuusuf Axmed midhkaa waa uu ka hinaasayaa oo wuxu ka jeclaan lahaa in jin iyo jaan qaato, halka ay Soomaaliyi ka qaadanayso.

Xilli ku beegnaa 1983kii ayay SNM go’aansatay in ay SSDF la qaaddo weerar wada-jir ah oo ku aaddanaa magaalada Burco. Go’aankaasi wuxu ahaa mid ciidan oo jiidaha hore ka dhashay oo ay wada galeen labada talis ciidan ee SSDF iyo SNM. Taladaas soo-jeedinteeda waxa iska lahaa Korneyl Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo markaas ahaa taliyihii Ciidammadii SNM. Waa xilli ka horreeyay Juulay 1983kii oo xilkaasi ka wareegay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Bal hadda aan daalacanno Cabdillaahi yuusuf Axmed oo sheeganaya wax aanu waxba ka ogeyn, waxaanu ku qoray bogga 155aad ee buuggiisa:

“Sidaas darteed, waxannu SNM u soo jeedinney in aannu samaysanno hawlgallo ciidan ee midaysan. Taas waxay noogaga jawaabeen in aannu ka taageerno hawlgallada ay doonayeen in ay sameeyaan. Waxaannu dabadeed hawlgallo ka samaynay Gobolka Togdheer. Waxaannu u soo jeediney in Burco weerar lagu qaado, wayse nagu diideen.”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu ka sheekaynayaa waxaanu war iyo wacaal midna ka hayn. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi iyo saraakiil la socotay ayaa tagtay jiidihii ay deggenaayeen ciidammada SSDF iyo taliskoodiiba. Waa Wardheer iyo Wal-waal iyo saldhigyadii ku dhawaa. Waxa SSDF-ta taliye ciidan u ahaa Korneyl Cabdirasaaq Cumar Xaaji (Cirro) oo aanu aad isugu dhaweyn. Run ahaantii Taliyayaashii SSDF-ta intooda badan xidhiidh aad u dhow oo wanaagsan ayaanu lahayn. Nimankaa waxa ka mid ahaa: Cadde Muuse iyo Cabdilqaadir Gadh-dheere. Weliba Gadh-dheere markii xilka laga qaaday Cabdillaahi Yuusuf Axmed waa uu dabo-galay oo in la khaarajiyo ayaa la doonayay. Waxaan xusuustaa in aanu subax hore kala kallahnay ama jarmaadnay hudheel ku yaallay Diri-dhabe oo uu deggenaa oo aanu geynay jiidda hore gaar ahaan saldhiggii Gawlaale oo beri u xigay si uu ugu gudbo jiidaha hore ee beeluhu deggen yihiin. Bil ammaara waxaanu adeegsannay oo aanu ku sii qaadnay baabuur cusbaa oo ‘fayfle’ ahaa oo la siiyay Guddida Joogtada oo midabkiisu casaan ahaa. Xilligaa waxaan ahaa Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada.

Aan ku noqonno Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo inoo sii wada sheekadii aanu waxba ka ogeyn, waxaanu qoray:

“Waxay beddelkeedii noo soo jeediyeen in weerarro lagu qaado tuulooyinka magaalada ku dhow. SNM waxay garaneysey in xoogga dagaalka la qaadayay ka imanayay dhinaca SSDF, oo SNM aaney waayadaas lahayn wax cudud ah. Sidaas awgeed, diidmada Burco-weerariddu waxay ka soo jeeddey cuqdad ah, in qabashada Burco loo arki lahaa guul u soo hoyatey SSDF oo SNM aaney wax lug ah ku lahayn.

(La soco…………………………………………………)

Qormadii: 19aad

SNM run nooma sheegin oo wax bay naga qarsaneysey, sidaas awgeedna waxay ka baqeen in qabsashada Burco oo SSDF ka danbayso ay taageerayaasheeda weji-gabax ku noqoto, sidaasna ay ku waydo madax-bannaanideeda, isla markaasna ay meesha ka baxdo ka miro-dhalinta waxa ay naga qarsanayeen. Taas oo aannu xaqiiqadeeda muddo gaaban ku ogaanney, oo naga yaabisay. Hore ugama fekerin, iyada oo laga wada dheregsanaa xukun-xumadii dalka ka jirtey, in halkii gacmaha la isqabsan lahaa sidii dalka looga xorayn lahaa musiibada ku habsatay, ayey rag tiro badani jabhad isugu urursadaan una hawlgalaan sidii ay dalka u kala goyn lahaayeen.”

“Lax dhukani abaar moog,” ma maqli jirteen. Cabdillaahi Yuusuf Axmed war-moog ayuu arrimahan ka ahaa. Markii talisyadii SSDF iyo SNM isugu tegeen jiidda hore ee saldhigyadii SSDF, waxa la go’aansaday in hawl-gal wadajir ah la qaado. Ciidammadii waa la diyaariyay waxaana loo soo dhaqaaqay xaggan iyo jiidda Burco.

Ciidammadan wadaagga ahaa ee labada jabhadood ka dhexeeyay waxay ka koobnaayeen tekniko SSDF-tu lahayd iyo ciidan lug ah oo SNM u badnaa. Iyada la wada socdo ayaa xadka laga tallaabay oo Burco loo jihaystay. Intaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxba kama ogeyn. Xilliyadii xadka laga tallaabay ayaa hawl-galka wadaagga ah loo sheegay.

Cabdillaahi Yuusuf Axmedkan ka hadlaya jabhado la mideeyo iyo nidaamka Siyaad Barre oo la jebiyaa, halkaa iyada oo uu hawl-galkii socdo oo Burco loo dhow yahay ayuu amar ku soo celiyay ciidammadii SSDF-ta, waxaanu ku soo yidhi hadal ahaa SNM hub iyo tekniko ma wadato, waxa isku jabaya ee meesha ku burburayaana waa qalab iyo xoog Daarood ee soo noqda. Sidaas ayuu hawl-galkan cabdillaahi Yuusuf Axmed ka sheekee is-leeyahay ku baaqday kuna burburay oo isaga ayaa sabab u ahaa.

1981kii markii aan SSDF-ta soo galay ee aan Addis Ababa imid ayaa waxaan belef ku maqlay in inqilaab Hargeysa laga qabanqaabinayay laga fashiliyay Addis Ababa oo uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed halkaa kala xidhiidhay nidaamkii Siyaad Barre.

Waxa la isla dhex-marayay in nimankii saraakiisha ahaa la qabqabtay oo uu weliba ka mid ahaa Ilaahay ha u naxariisto e’ Maxamed Yuusuf (Afrikaan) oo taliye ka ahaa Guutadii Gebilay deggenayd, beryihii danbena ku caan-baxay culuunta xiddigiska, Hargeysana beri dhaweyd ku dhintay laguna aasay. Beryahaa uu dhimanayo wuxu wargeyska Jamhuuriya ku qori jiray taxanihii “odey-ka-sheekee.”

Saaxiibbadii kala soormay: Isa-seeggii isa-sudhanta

Bogagga ka bilaabmaya bogga 157aad, ayuu Cabdillaahi Yuusuf ku suntanayaa mowduuca ah: SSDF iyo Itoobiya: Bilowgii khilaafka. Waa nasiib darro in Cabdillaahi Yuusuf Axmed dadka Soomaaliyeed u qaato wax aan waxba kala garanayn oo wax walba lagu odhan karo ama loo qori karo si ay u akhristaan. Miskiin! Had maa laga tegay warkaa!

Hor iyo horraanba SSDF-tii Cabdillaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayay iyo Itoobiya maxay kala ahaayeen? SSDF uu beri hore Itoobiya gacanta u geliyay si uu u laayo Jabhadiintii dagaallamaysay, ayuu mar ay isagii ku biyo-keentay ka sheekaynayaa ama inaga dhaadhicinayaa in Itoobiya iyo SSDF ay laba wax kala ahaayeen. SSDF Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo keliya ayay ahayd ka dib markii uu taladeedii maroorsaday ee uu saraakiishii Itoobiyaanka qaarkood jeebka u geliyay.

Bal hadda aan daalacanno, Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo farta dhexda ka qaniinsan dhabankana dhafoorka ku haya oo ka hadlaya khilaaf uu sheegay in uu soo kala dhex galay isaga iyo Itoobiyaanka. Qosol jaanta ma wadheen inta uu qofba kii xigay gujiyay!

Hadda ma aha khilaaf soo kala dhex galay SSDF iyo Itoobiya ee waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya. Maxaa yeelay Itoobiya iyo SSDF weligood is-maba ay arag ee waxa had iyo jeer kulmi jiray Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya. SSDF iyo Itoobiya had iyo jeer sida guura-raaca waxa u kala warrami jiray Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Weligii Cabdillaahi Yuusuf Axmed lama kulmin dawladda Itoobiya iyada oo cid SSDF ka tirsani weheliso. Haddii laga tegi waayo mid mid uu aamminsanaa oo magac-u-yaal ayaa mar mar sii raaci jiray oo uu hubay in aanu waxba ku diidayn ama ka sheegaynba.

Aan soo xiganno Cabdillaahi Yuusuf oo leh ama qorayba:

“Waxa welwel ku ridey ciidammadii Siyaad Barre, SSDF oo hawlgalladeedii ciidan si fiican ugu socdaan, mooraalka ciidankeeduna heer sare marayo, joogitaankeeda iyo hawlagaladeeda ciidanna laga dareemay Soomaaliya oo dhan. Xukuumaddii ay dagaalka kula jirtey ay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba taag yaraysey oo ay gudaheeda is-cunayso, ciidankeediina burbur foodda u saran yahay, Siyaad Barre qirtay in aaney talo faraha ugu jirin oo sababahaas awgood ay khasab ku noqotay in uu ku dhawaaqo xukun deg deg ah, kaas oo uu u adeegsaday in uu xabbiska u taxaabo shakhsiyaadkii ugu firfircoonaa xukuumaddiisa, ayaa, nasiibdarro, xukuumaddii Itoobiya ku tallaabsatay siyaasad lid ku ahayd qarannimada Soomaaliya, heshiiskii iyada iyo SSDF ka dhexeeyay iyo gaar ahaan shakhsiyaddayda.”

Wixii gef qoraalkan aan soo xigtay ku jira aniga la ii aanayn maayo, qoraageenna Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo bahdii la talinaysay, ayaa mas’uuliyaddaa loo raacayaa. Bal hadda xigashadan sare aan xabbad-qaadno. Halka ugu danbaysa ka soo qabsada. Xigashadu waxay ku dhammaanaysaa “….iyo gaar ahaan shakhsiyaddayda.” Horto haddii aad weydaan ereyga ‘Aniga’, Cabdillaahi Yuusuf Axmed ma aydaan arag. Cabdillaahi Yuusuf Axmed anaaniyadda, is-ammaanka iyo naf-hafarka ayaa ku badan, run ahaantiina waa waxyaabaha uu eeday ee dagaalay ee halka maanta uu yaallo dhigay.

(La soco…………………………………)

Qormadii: 20aad

Bal hadda si fiican indhaha uga buuxsada Tusmo-ku-sheegga buuggiisan aynu gorfaynayno. Waxa ka buuxa: Aniga iyo Siyaad Barre, Aniga iyo Al-itixaad, Aniga iyo dawladda Itoobiya, Aniga iyo Shariif Xasan, Aniga iyo Shariif Xasan mar kale…….Dee bal idinku wada uun. Marka danbe ee cid kale oo uu isku ladho waayo ayuu ku dhawaanayaa in uu yidhaahdo: “Aniga iyo Aniga.”

Waxa kale oo ay xigashadan kore ku dhammaanaysaa isaga oo dawladda Itoobiya ku eedaynaya in ay ku tallaabsatay siyaasad lid ku ah heshiiskii Itoobiya iyo SSDF ka dhexeeyay. Miyaanay Cabdillaahi Yuusuf Axmed waajib ku ahaayn in uu heshiiskaas uu sheegay summaddiisa, taariikhdiisa iyo baadi-soocdiisa meel uun ku xuso. Ninna afkiisa lagama xaal siiyo, Cabdillaahi Yuusuf Axmedna waxa looga fadhiyaa in uu ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo heshiiskaa qarsoodiga ah ee uu kula jiray dawladdii Itoobiya.

Annagu haddii aanu SNM ahayn wax heshiis ah oo aanu kula jirnay dawladdii Itoobiya ma jirto meelna laga soo heli maayo. Cabdillaahi Yuusuf Axmed se waa kaa isagii qirtay.

SSDF waxay ahayd jabhad Soomaaliyeed oo hubeysan oo nidaamkii Maxamed Siyaad Barre kula jirtay halgan siyaasadeed oo hubeysan. SNM ahaan waxay noo ahayd garab iyo gaashaan nagaga beegnaa qayb cadawga ka mid ah. Bishii Ogos 1982kii ayaan Itoobiya ku soo noqday aniga oo markan ka tirsanaa SNM. Ciidammada SSDF waxay ku taxnaayeen xuduudda Soomaaliyeed Gees-tiir oo galbeed ah laga soo bilaabo ilaa koonfurta halka ugu danbeysa. Soomaali oo dhan ayaa ka tirsanayd. Jiiddii woqooyiga ku beegnayd oo keliya meelihii ay ka deggenayd waxa ka mid ahaa: Lafo-Ciise, Sheed-dheer, Lama-dega oo Aroorayska u dhow, Xarshin, Qudhac-raamaale iyo Laan-qayrta. Laakiin maxaa jabhaddaa ku dhacay? Muddo yar ka dib waxaas oo dhami waa ay soo xidhmeen, cabbudhintii iyo dimuqraaddiyad-la’aantii Cabdillaahi Yuusuf Axmed awgeed.

Hor iyo horraanba Soomaalidii aan Majeerteenka ahayn ayaa cagta dhulka loogu dhuftay oo uu ka eryay saaxaddii dagaalka.

1982kii wuxu shadaafta u laabay oo uu hubkii ka dhigay wixii aan Cumar Maxamuud ahayn. Ciidammadii Cismaan Maxamuudka waxaan jeclahay in Wardheer hubkii lagaga dhigay oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed sidaa amray. Markii uu sidaa ku guulaystay ayuu ciidammadii Ciise Maxamuudka ee Jigjiga deggenaa iyagana Itoobiyaanka ku amray in hubka laga dhigo.

Waxa isku soo hadhay Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo ciidankii Cumar Maxamuud. Bahal caydhin ma daayo, iyagii ayuu haddana u soo jeestay oo u kala saaray saddex kala ahaa: Reer Mahad oo uu isagu ka dhashay oo hubkii cuslaa iyo teknikadii wada saaray, Reer Xirsi iyo Reer Khalaf oo uu tiir iyagana ku xidhay. Jabhaddan SSDF ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka sheekaynayaa 1984kiiba ma ay dhaafin, ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Waxa intaa raacsanaa sidii uu uga takhalusay garabkii hantiwadaagga u janjeedhay ee ay ka midka ahaayeen labadii jabhadood ee SDLF ee Cabdiraxmaan Caydiid madaxda u ahaa iyo SWPP oo Siciid Jaamac Xuseen madaxda ka ahaa.

Waa kan Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo dhawaanaya sidii uu arkayay ama u sharxayayba wixii ay isku seegeen dawladdii Itoobiya ee ay isa-sudhanta aan kala soocnayn ahaayeen, waxaanu yidhi:

Itoobiya, iyada oo ka duulaysa aragti gaaban oo ay ku doonaysey in ay dareenka shacbigeeda ka jeediso mashaakilka faraha badan ee gudaha iyo dibeddaba ka haystey, ayay calankeeda ka taagtey degmooyin Soomaaliya ka mid ah ee ay jabhaddu qabsatay, sida Galdogob iyo Ballanballe, isla markaasna ku dhawaaqday in degmooyinkasi ka mid yihiin dalka Itoobiya. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Col. Goshe Wolde wuxuu warsaxaafadeed ku sheegay (sannadkii 1984) in degmooyinkaasi ka tirsan yihiin dalka Itoobiya, balse laga wada xaajoon karo, haddii lagu heshiiyo in la qeexo xudduudaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Qof ahaan waan ka warqabay in belaayo ka taagnayd Itoobiya gudaheeda, taas oo Mingistu uusan u hayn wax xal u ah, iyada oo weliba abaar aad u xumi ay dalka ka taagnayd.

Hadda arrintani arrin yar ma aha. Bal se Cabdillaahi Yuusuf Axmed maalmaha iyo taariikhduba uma suntana. Wuxu sheegayaa in arrintan uu ku dhawaaqay Goshe Wolde oo xilliyadaa ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, isaga oo aan taariikh sugan sheegayn bal se hilaadinaya in ay ahayd 1984kii. Ta labaad wax qoraal ah oo tix-raac iyo baadi-sooc leh oo uu cuskanayaa ma jirto. Waxaanu idin leeyahay wax alle yaale wax ka jiraa arrintan ma jiraan.

Bal hadda aan eegno Cumar Salaad Cilmi oo madaxdii SSDF-ta ka tirsanaa isaguna sida uu arko, Wuxu dareenkiisa ku cabbiray buug-yare (Pamphlet) lagu daabacay Madbacadda Beel-deeq oo Muqdisho ku taal, Diisambar 1993kii, waxaanu ku qoray bogagga 17aad iyo 18aad:

“Hoggaankii SSF-tu waxay isu dhiibeen Itoobiyaankii iyo Liibiyaankii, taas oo ay ku doorsadeen ama siisteenba in mucaaridka SSDF-ta dhexdeeda dhabarka laga jebiyo. Itoobiyaankii iyo Liibiyaankii arrintaa aad ayay u jeclaysteen, waxaanay bilaabeen in ay xasuuqaan garabkii dimuqraadiga ahaa ee SSDF-ta. Sir-doonkii Itoobiyaanka oo ay maal-gelinayeen hoggaankii SSDF iyo Liibiyaanku ayaa ololihii xasuuqa iyo sifaynta ku tallaabsaday. Ololahaa sifayntu wuxu ka koobnaa: dil, xadhig, masaafurin, silic-dil iyo in dadka laga xaaraantimeeyo wax kasta oo ay ku noolaan karaan ama quudan karaan….kala-badh jabhidiintii ah ayaa lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin war-doonka Siyaad Barre si loo khaarajiyo. Duruufahaa iyo kuwo kale awgood ayuu ku baaqday Shirweynihii qabsoomi lahaa Feberweri 1983kii, kaas oo ku danbeeyay SSDF oo kala jabtay.”

Qormadii: 21aad

Arrimahan lagula kacay xubnihii waddaniga iyo horusocodka ahaa ee SSDF-tu waa idin ku sheeko. Arrintaa gaajo-ku-dilka aan mid idiin ka soo qaado. Maalinta qiyaame ayaa la ii soo joojiyaa. Waa sannadkii 1983kii ilaa badhtamihiisii ama dhammaadkiisiiba. Waa magaalada Addis Ababa. Waxaanu hor taagnayn Ethiopian Hotel goor barqo ah. Waxa soo joogsaday baabuurkii madoobaa ee ‘Volvada’ ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Baabuurkii markii la joojiyay waxa ka soo degay Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo suudh xidhan. Korneyl Axmed Maxamed Ciise (Il-giir) oo diif iyo daranyo socon kari la’ ayaa xaggii Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hudheelkii gelaya u tallaabsaday. Cabdillaahi ayaa dib u soo eegay oo salaamay. Ma aanu maqlayn wixii ay is-yidhaahdeen oo waanu ka yar fogayn e’, waxaanu arkaynay Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo jeebka gacanta geliyay. Il-giir ayuu wixii uu ka soo saaray u dhiibay. Kala dhaqaaqe. Il-giir oo ilmadu indhiisa buuxisay ayaanu ku yaacnay. Show toban Birr ayuu u dhiibay. Naxdin weynaa. Annigii ayaa is-baadhbaadhnay oo waxoogaa dhowr boqol oo Birr ah halkii ugu ururinnay. Inta yaacday, inta waaltay, inta is-dhaafta, inta saska iyo wiswiska qaadday, inta bacdu ku xidhantay hadalkeeda daa. Maye Cabdillaahi Xaaji Cilmi iyo? Mee Axmed Daahir Seed Sanweyne? Mee Taangiiste? Ma hebellaa! Miyaan tirin karayaa.

Bal hadda aan godollo ka soo qaadanno maansaooyinkii Gaarriye iyo Hadraawi ee la xidhiidhay dhacdooyinkan dhagareed ee lagu xasuuqayay garabbadii waddaniga iyo dimuqraadiga ahaa ee SSDF-ta.

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa 1983kii isaga oo Addis Ababa jooga maanso qurux badan ka tiriyay dhiilladii ku habsatay jabhadiintii SSDF-ta ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed seefta kula dhex dhacay; ama sidii uu Cabdi Muxumed Amiin sheegay ku hilboobay qaniinyadii halaqa. Sawirkii dhaxal-galka ahaa ee uu Gaarriye maalintaa isaga oo goob-joog ahaa ka bixiyayna waa kan ee hadhuubbada u soo cusha, waxaanu yidhi:

“Immikay far wargeysyada,

Bogga hore far waaweyn,

Si wanaagsan ugu taal,

‘Wax la waayay Geelloow,

Ninkii waalan baw duda,’

Intaasi waa markii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku hungoobay riyadiisii uu dhex degay Villa Soomaaliya ee beenta ahayd subaxdiina ka dul kacay ‘wanbarkiisii’ gaabnaa ee Addis Ababa u dhex yaallay. Ka dib maxaa dhacay?

Waa kan weriyaheennii Gaarriye ee giraanta taariikheed maalintaa iyo xilliyadaa inoo duubayay, waxaanu intaa hore ku kabay:

“La ye weedaddowgii,

Ka wareegtay xeegadu,

Muxuu haddaba Cabdillaahi yuusuf Axmed riyadaa ka dib ku tallaabsaday? Waa tan dhiilladii dhacday iyada oo si qurux badan u sawiran, mana aha faallo immika dhacday ee waa sawirradii Mujaahid Gaarriye xilliyadaa qaaday, waxaanu yidhi:

“Wax se laga werwerayaa,

Doc-wareemadkuu dhigay,

Ubaxuu wadnaha jaray,

Soo-ma-waabtayaashii,

Badi haadka loo wadhay,

Halkan ayuu Gaarriye ka gelayaa dhibtii iyo dhiilladii Cabdillaahi Yuusuf Axmed u geystay barbaartii SSDF ee halgamaysay iyo shacbigii ballaadhnaa ee taageerayay, waxaanu intaa hore ku darayaa:

“Inta wiil yar naafo ah,

Inta hooyo weer xidhan,

Waayeelka dibad-baxay,

Waxa jaho-wareer dhacay,

Bal Il-giirba weyddii,

Aaway walacsankii Mudug,

Warandaci Nugaaleed,

Aaway warasadoodii,

Nugulkiyo hor-weyntii,

Warihii biyeysnaa,

Aaway wacanayaashii,

Dhiiggooda waqafka ah,

Baabuurka lagu waday,

Ka dib intaa haddii uu dhigay, Gaarriye waa kan inoo bilaabaya inta raabe ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed rogay, waxaanu yidhi:

“Cakuyeey wah! Iyo ciil,

Khalqiguu wakala-rogay,

Qaar baan war laga hayn,

War-daddabiyo been iyo,

Waxna waad xujowdiyo,

Wanjal bay ku xidhan yiin,

Waranweerki qaarkood,

Waddankay ku laabteen,

Badhna way waqaafeen,

(La soco………………….)

Qormadii: 22aad

Debedday wareegaan,

Badhna waranka loo daab,

Badhna loo dardaar-weri,

Badhna waabay waasheen,

Inta waadhka jiiftaa,

Iyaguna wacaal ma leh,

Waxay wadhi ka joogtaa,

Wajar iyo Hadraawoow,

Waxoogaaga soo hadhay,

Waqtigiina digo-rogay,

Wacdarihii Dheg-dheer iyo,

Waa baa waxaa jirey,

Canuggii ka weynaa,

Suul-cayn ka waantoow,

Ragna waa is-waajahay,

Sawirrada Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo hoggaamintiisii laga bixinayaa kuma koobna Gaarriye oo keliya. Waxa isaguna jiray Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa hal-abuurkii indhaha ku hayay dhacdooyinkii dadnimo-ka-baxa ahaa ee halkaa ka socday. Hadraawi isla xilligaa wuxu ka tiriyay maansadii caan-baxday ee ‘Dallaalimo’ oo la waqti iyo ujeeddaba ahayd maansadan ‘Waayo-arag’ ee Gaarriye oo ku wada duubnaayeen cajalad la odhan jiray “Dhegayso oo is-dhaafi”.

Halgankii loo baxay mid ka sii daran ayaa lagala kulamy goobihii la tegay, markaas ayaa maansooyinkan laga tiriyay. Maansadii ‘Dallaallimo’ ee Hadraawi aynu tuducyo ka soo qaadanno, waxaanu yidhi:

“Qaranow daryeelkaa,

Xorriyoy u-doodkaa,

Dulmiyow tilmaantaa,

Duudsiyow ka-murankaa,

Xaqow daafacaaddaa,

Danyarey u-hadalkaa,

Ummad yahay u-digiddaa,

Gabayow dakanadaa,

Midnimoy u-dirirkaa,

Xadhig miiggan lay diir,

Dabar adagna lay sooh,

Keeno laygu daaddihi,

Deli laygu seetee,

Duddo laygu oodee,

Darbo iyo guhaad iyo,

Digashiyo colaad iyo,

Druid iyo canbaar iyo,

Inta daranba lay mari,”

Intaa marka uu maansadiisan arar uga dhigto, ayuu u gudbayaa ka-warranka waayihii jabhadnimo ee lagu noolaa, gaar ahaan kii Cabdillaahi Yuusuf Axmed hoggaanka ka ahaa, waxaanu intaa hore ku sii kabay isaga oo tilmaamay sababta halkan loo joogay, waxaanu yidhi:

“Garan waayay doogtiyo,

Halka xaalku deridiyo,

Isha daban ka leeyahay,

Doon-doonay oo helay,

Waxa la isku dilayaa,

In xumaa la doorshiyo,

Xil-daryeeliddiisiyo,

Dad-u-hiilin maahee,

Geenyada dekaanka ah,

Anna aan dul-buuxshoo,

Dala’sado markaygee,

Daadka aan ku dhaafee,

Iiga soo deg weeyaan,”

Intaa marka uu dhigo ayuu Hadraawi u gudbayaa in uu tilmaamo ka bixiyo dadka iyo sida aanay u ahayn, waxan ay u haystaan kelidood-taliyayaasha ay ka midka ahaayeen: Siyaad Barre, Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo qaar kaloo badan……iyo qaar kaloo badan waa halkii Maxamed Mooge Liibaan e’ iyo hal-hayskiisii caan-baxay.

Hadraawi wuxu intaa hore ku kabayaa tuducyadan soo socda oo noqday hal-haysyo la guntaday oo aan Cabdillaahi Yuusuf Axmed dhegeha looga duwi jirin haddii la arkaba, waxaanu yidhi:

“Dadku maaha kii hee,

Dawliilka beenta ah,

Duubka loogu xidhi jiray,

Dadku maaha kii hee,

Sal-fudaydka dalagta,

Dabinnada u geli jiray,

(La soco…………………..)

Qormadii: 23aad

Dadku maaha kii hee,

Isagoon denbi lahayn,

Digo-xaadh la marin jiray,

Dadku maaha kii hee,

Maqli jiray daryeelkee,

Arki jiray darxumadee,

Saadaal ku degi jiray,

Dadku maaha kii hee,

Dabar lagu ilaashiyo,

Dooh lagu xasilin jiray,

Dadku maaha kii hee,

Darka ceelka horashada,

Dalawada irmaanta ah,

Afar-deeqda madiga ah,

Dib intay u waabshaan,

Diran jiray candhoolaha,

Duulka la isku haystaa,

Illaa duunyo maahee,

Doob kaloo hawoodiyo,

Nin kaloo u dadab-gala,

Ku dumaala seynsaab,

Ka il-baxe duruustaas,

Oo haddii ay duruustan iyo casharradan Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo asaaggii ka il-baxeen maxay ka doorteen haddaba. Waa Hadraawi mar kale aniga oo aan maansadani sidii ay u taxnayd ee loo mariyay idiin ku taxin, waxaanu yidhi:

“Waxay taas ka doorteen,

Ama talo ku daastaan,

In ay deyrtan manta ah,

Inta timaha loo dabay,

Ama darayamuus xidhan,

Dalka gu’gan hablaa kacay,

Ta u ladan ka doortaan,

Cashaday dareemaan,

Daacaddeeda waayaayaan,

Dalqaddeeda siiyaan,”

Ayaan-darrada taallay waxay ahayd, suugaanta miisaankaa iyo murtidaaba leh ayaa ku khasaartay ninman aan kursi mooye hankooda wax kale uga hoosayn. Bal ninka isaga oo aan xil qaban intaa iyo in ka daran loo tiriyay, ayaa maanta inoogu bu’aya bug ayaan ka qoray halgankaygii la hagardaameeyay. Halgankee dee! Cabdillaahi weyddiiya bal.

Waynu ka yar nasannay e’, aynu ku noqonno buuggii Cabdillaahi Yuusuf Axmed boggiisa 157aad isaga sii wada muddaakarooyinkiisii ku saabsanaa wixii ay saaxiibbadii Itoobiyaanka ee ay gacan-saarka lahaayeen isku seegeen, waxaanu qoray mar kale:

“Sidaas oo kale, waxaan xogogaal u ahaa in ay dawlado dhawr ihi u kala dabqaadayeen Siyaad Barre iyo Mingistu, doonayeenna in si Itoobiya raalli ku noqon karto ay ku soo afjaraan colaadda Soomalia iyo Itoobiya. U kala dabqaadidda labada keligi-taliye welwel naguma hayn, maxaa yeelay, jabhaddayadu waxay awood u lahayd in ay ciidammada Siyaad Barre dalka gudihiisa kula dagaallanto.

Arrinta welwelka weyn igu haysey waxay ahayd in, Siyaad Barre oo aan ogahay xukun jecaylkiisa, dawladdiisuna maalinba maalinta ka danbaysa ay sii tabaryarayneysey, kaddib markii jabhaddu ay goobo badan ku jebisey, ay naf-lacaarinnimadu u geyso in uu indho la’aan ku yeelo wax allaale wixii uu Mingistu rabo, oo uu si fudud u saxiixo heshiis caalarni ah ee uu kaga tanaasulayo qaddiyaadda soo jireenka ah ee Soomaali Galbeed.”

Miyaydaan la yaabin Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo Siyaad Barre iyo Mengiste ku tilmaamaya ‘Laba keligii taliye’. Oo isaguna muxuu markaa noqonayaa? Bal ka warrama oddoroska Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waxaan is-leeyahay cidi kuma gaadho kulana tartami meyso. Ma soo wada xigan karayo buugga oo dhan, bal se aan soo qaato hal-muceedyada Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee bogagga kuwan hore ku xiga ilaa bogga 160aad. Aan idiin qodobbeeyo intii aan hadal dheer oo taxane ah soo qaadan lahaa, waxaanu qoray Cabdillaahi Yuusuf Axmed:

1. Waxaanu go’aansannay in Jabhaddu (SSDF) la wareegto xilka difaaca qarannimada,

2. Waxaanu u yeedhnay shir degdeg ah oo Guddidii Fulinta ah,

3. Waxa la isla meel dhigay in ummuurtaas laga hortago oo adduunka loo caddeeyo in dalka Soomaaliya uusan gorgortan geli Karin,

4. Waxa soo baxday su’aal la xiriirta sida ugu habboon ee guddida Fulintu uu go’aankiisa ku meel marin karo,

5. Waxa la is-weydiiyay in Itoobiya gudaheeda lagu faafiyo go’aankaas iyo in dibaddiisa lagu ekeeyo,

6. Xubnihii Guddidu waxay dhammaantood isku waafaqeen in ay tahay taag yari siyaasadeed in dibadda lagu faafiyo aragtida Jabhadda, sidaas awgeed ay habboon tahay in gudaha Itoobiya lagu faafiyo,

Qormadii: 24aad

1. Taladii ugu adkayd waxay noqotay yaa Idaacadda Radio Halgan ka hadlaya, taas oo dhammaan xubnihii Guddida Fulintu ka aammuseen,

2. Waxaan soo jeediyey in Xasan Cali Mire oo u qaabbilsanaa Jabhadda Waaxda Arrimaha Dibaddu uu ka hadlo Idaacadda, isla markaana ahaa soo-jeediyihii talada aanu gaarney. Xasan wuu ka cudur-daartay in uu Idaacadda ka hadlo, wuxuuna yiri: ‘Anigu cagaha ayaan dhulka ku hayaa oo sida dadka qaarkiis qar-iska-tuur ma ahi.’

3. Waxaan mar labaad soo jeediyey in Cabdulqaadir Is-barriije oo Waaxda Warfaafinta noo qaabbilsanaa xil ahaanna ahaa af-hayeenka Jabhadda uu Idaacadda ka hadlo. Cabdulqaadir wuxu yiri: ‘Neef baa I haysa oo codku iga soo bixi mayo, waxaanan tegayaa Biyo-kulule oo Addis Ababa u dhow.’

4. Guddida intiisii kale madaxa ayay hoos u rogeen, halkaasna waxa iiga caddaatay in raggii baqay,

5. Hadalkii ayaan qaatay oo si guud-mar ah wax uga taataabtay qaddiyaddii aanu u dagaallamayney iyo taariikhdii halgankii aanu muddada ku soo jirnay.

6. Guddidii waxaan ku iri: ‘Kol haddii aad ka gaabiseen in aad Idaacadda ka hadashaan, aniga ayay qasab igu noqotay in aan Idaacadda ka hadlo.’

Aan halkan ku yara nasanno. Ma daasheen? Maxaad ka taqaanniin Cabdillaahi Yuusuf Axmed? Waa badraan geesiya oo wixii rag ka maago ku tallaabsada. Wuxuu inooga sheekaynayaa halkii ay ku kala dhaqaaqeen dawladdii Itoobiya ee uu jeebkeeda isagu is-geliyay si uu hal-doorkii SSDF oo cid walba lahaa u gumaado. Isagii ayaa aakhirkii meel cidhiidhi ah galay. Wuxu inaga dhaadhicinayaa in uu dawlad uu magan u yahay oo kor iyo hoosba u og hawlaha uu ku jiro, uga hanjabo idaacad dalkeeda ku dhex taalla oo ay iyadu leedahay. Waxaa ma u dul qaadan karaysaan? Haddii ay jawaabtiinnu haa tahay, waxba yaan idin ka hagran ee aan idiin sii wado sheeko-baraleydii Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waa: Ma dhacday taariikhda SSDF-ta intii uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayay Guddi-fulineed oo shirtaa. Cid walba weydiiya, meel kastana ka doona. La soo heli maayo taas. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Ma Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo kuwii uu samaystay arrin faray ayaa lagu diidayaa? Ma Cabdilqaadir Is-barriije ayaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed hadal ku soo celiyay? Taa dameero loo sheeg.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu go’aansay sida uu qoray in uu isagu ka hadlo Idacaddii halgan, bal se wuxu intaa ku daray dardaaran uu Guddidiisii Fulinta la dardaarmay. Allow yaa idiin ka dhaca in aanu Cabdillaahi Yuusuf Axmed Guddi Fulineed iyo Gole Dhexe midna aqoonnin.

Muxuu qoray Cabdillaahi? Waa kan isaga oo sii wata sababayntisii wixii ay isku seegeen dawladdii Itoobiya ee uu dabo-dhilifka u ahaa, waxaanu yidhi:

1. Mar haddii aad ka gaabsateen in aad Idaacaddii ka hadashaan, aniga ayay khasab igu tahay in aan Idaacadda ka hadlo,

2. Waxa keli ah ee aan idin weydiisanayaa waa in, haddii aan arrintaas dhib kala kulmo , aad midnimadiinna ilaalisaan, halgankiina meeshiisa ka sii waddaan,

3. Subaxdii ku xigtey waxaan tegay Raadiye Kulmis/Halgan…..oo aan ka sheegay in Guddida Fulinta ee jabhaddu uu fadhi ka yeeshay sida ay dawladda Itoobiya ugu xad gudubtey qarannimada Soomaaliya,

Faan weynaa! Ma maqli jirteen. Waa kan haddaba tusaalaha ugu fiicani. Cabdillaahi Yuusuf Axmed markii uu wadhiisii ritay sida uu inoo sheegay, xafiiskiisii ayuu u shaqo tegay. Sheekadan waxaad ka daalacan kartaan bogagga 159aad iyo 160aad. Waxa kale oo uu intaa raacinayaa in ay Itoobiya bilowday in ay si tartiib ah u curyaamiso hawlihii Jabhadda oo aanay markiiba tallaabo xadhig ah kula soo boodin ama aanay waxababa weydiin ama ka soo qaadin hadalkii uu Idaacadda ka sii daayay.

Hadda aan Cumar Salaad Cilmi mar kale ku noqonno si aynu u hello aragtiyihii kala duwanaa ee madaxdii SSDF-ta, waxaanu qoray mar kale aniga oo idiin qodobbaynaya, bal se buug-yarihiisii soo xiganaya:

· Halkaa markii la marayay, ayay dawladda Itoobiya iyada oo ka faa’iidanaysa kala-tagga iyo jajabka SSDF-ta, taag-darrida iyo ku-tiirsanaanta gacanta shisheeye ee hoggaanka SSDF-ta, ay ku tallaabsatay in ay qorshayaal maleegto,

· Waxay Itoobiya go’aansatay in ay qabsato qaybo Soomaaliya ka mid ah si ay Siyaad Barre u cabsi-geliso, maa daama uu lumiyay taageeradii dalalkii hantiwadaagga ahaa isla markaana aanu helin dammaanad taageero oo uga timaadda dalalka reer galbeedka, taas oo ku kallifi karaysay in uu ka noqdo sheegashadii qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaana holliyo in uu heshiis la galo,

· Bishii Juulay 1982kii ayay ciidammada Itoobiya qabsadeen laba degmo oo kala ahaa Balan-balle iyo Gal-dogob iyada oo ay ciidammada SSDF taageerayaan,

· Hoggaankii SSDF-ta waxa la faray in ay sheegtaan qabsashada labadaa degmo, amarkaas oo ay degdeg u qaateen,

· Mowqifkaa qasabka ahaa ee uu qaatay hoggaankii SSDF-tu ayaa si aan ka-soo-noqosho lahayn u kala fogeeyay labadii garab ee jabhaddu u kala jabnayd,

· Siyaad Barre wuxu qabsashadan ku kasbaday taageero dadweyne oo ballaadhan iyo kaalmo dibadeed oo xoog elh,

Aynu ku noqonno Cabdillaahi yuusuf Axmed ee sheeko hor leh oo ku saabsan dhaqankii cusbaa ee ay dawladda Itoobiya la soo baxday marinaya ka dib markii uu Idaacadda ka hadlay sida uu isagu inoo sheegay, kii oo aan cidna u maragsan daliilna u cuskan.

Qormadii: 25aad

Cabdillaahi Yuusuf Axmed isaga oo dhaqankaa cusub ee Itoobiyaanka ka sheekaynaya wuxu qoray:

“Itoobiya waxay bilowday in ay tartiib-tartiib, si doqoni-ma-garata ah, ay u carqaladeyso hawlgalladii jabhadda, isla markasna ay ciriiri geliyaan dhaqdhaqaaqii iyo shaqadii madaxda jabhadda. Dhaqanka cusub ee ay Itoobiya bilowday in ay nagu wajahdo ayaa ahaa mid tallaabo-tallaabo ula saanqaadaya saddex arrimood oo kala duwan, kuna salaysanaa siyaasadda Itoobiya ka lahaayd Soomaaliya.

Midda kowaad, waxay ku saabsanayd wada hadallada ay kula jirto Siyaad Barre, oo ay ku dooneyso in ay la gaarto heshiis lid ku ah danaha Soomaaliya. Itoobiya waxay Siyaad Barre kula gorgortamaysey SSDF oo noqotay fallaar wadnaha kaga taagan. Itoobiya waxay ku rajo weynayd in Siyaad Barre wax walba uu u saxiixayo si uu mar uun uga takhalluso SSDF.

Tan labaad, waxay ku saabsanayd garab ka dharbaaxa iyo dhiirrigelin Itoobiya ku koolkoolinayso SNM si ay u noqoto jabhad madaxbannaan oo u taagan gooni u goosadka gobollada Woqooyi Galbeed.

Tan saddexaad, waxay la xiriirtey faraggelin hoose oo ay Itoobiya ku kala qaybinaysey madaxda Jabhadda si ay uga dhex kasbadaan dad danaheeda u fuliya oo ay adeegsadaan. Muddo hal sana ku dhow, wadashaqayntii ka dhaxeysey Jabhadda iyo Itoobiya mugdi bay ku jirtey, oo shakigii kala dhexgalay wuxuu gaarey quus aan isu soo noqod lahayn. 1984kii wafdi aan hoggaaminayo ayaa SSDF uga qaybgalay shir lagu qabtay dalka Liibiya oo looga hadlayay sidii PLO loogu ururin lahaa ciidammo xoreeya Falastiin. Dhammaan wufuuddii shirkaas ka soo qaybgashay waxay halkaas ka soo saareen go’ aan midaysan oo boqolkiiba-boqol lagu oggolaaday ajeendadii la soo hor dhigay. Go’aannadii shirka laga soo saarayna aniga ayaa u saxiixay jabhadda SSDF, wax tafaasiil ah se kama aanan bixin halka aan ciidanka ka keenayo.”

Itoobiya uma ay baahnayn jabhad ay faro-geliso iyo in ay cid ka dhex samaysato SSDF, maxaa yeelay Guddoomiye Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa jeebka ugu jiray oo beri hore isu dhiibay, dadkuna waa uu ka wada dheregsanaa. Mengistu, labada dhaban ayaa gacmuhu ku engegeen lacagtii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku saydhin jiray hay’adaha ammaanka ee Itoobiya. Lama sheegin xafiis aanu shandad buuxda oo ‘Samsonite’ ah oo doollarkii Liibiya ka buuxda kaga tegin. Waxa la yaab leh in aanu Cabdillaahi Yuusuf Axmed inta badan la xidhiidhi jirin Safiirka Liibiya ee Addis Ababa bal se uu ku xidhnaa kuna qasbanaa wiil yar oo Liibiyaan ah oo la odhan jiray ‘Miftaax’ oo cid walba ka sarreeyay, wax kastana laga doonan jiray.

Tallaabada labaad ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo qaadayaa SNM isaga oo been ka sheegaya, waxaanu odhanayaa:

Tan labaad, waxay ku saabsanayd garab ka dharbaaxa iyo dhiirrigelin Itoobiya ku koolkoolinayso SNM si ay u noqoto jabhad madaxbannaan oo u taagan gooni u goosadka gobollada Woqooyi Galbeed.”

Miskiin! Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxa gabaahiirta aqooneed dhigay kas-la’aan iyo aqoon-darro. Bal hadda aan qodobkan ku yar hakado in badan ayuu buuggiisa ku soo noqnoqonayaa e’. SNM ma y goosanayn, mana aamminsanayn xilligaa isla markaana waxa dkumentigeedii aasaasiga ahaa ku qornaa in ay SNM ka soo hor jeeddo in dalka loo kala jar-jaro gobollo. Sidaas ayaa ku qornayd Dastuurka iyo barnaamajka Siyaasadeedba, nuqulladiina ilaa maantadaa aynu joogno waa la soo helayaa waa ay ku qoran tahay. Haddaba maxay ahaayeen sababaha kale ee gooni-u-goosadku meesha uga baxayaa:

1. Dawladdii Itoobiya ee Mengistu madaxda ka ahaa waa ay ka soo hor jeedday wax la yidhaahdo gooni-isu-taag iyo dal kala googo’a oo waxay difaacaysay midnimada qaran ahaaneed ee Itoobiya oo gobollo badan dagaal gooni-isu-taag ahi kaga socday oo ay Eretreeya ka mid ahayd, kuwo kalena ay ka baqaysay,

2. Beesha caalamka oo si buuxda uga soo hor jeedday dalal kala go’a,

3. Beesha hantiwadaagga oo aanu la ollog ahayn ama dhex deggenayn oo hiil iyo hooba noo ahayd oo ka soo hor jeedday dalal kala go’a,

4. SNM ahaan annaga oo si buuxda u ogeyn in aanay dan noo ahayn halgankayagana wiiqaysay haddii aanu goosasho ku dhawaaqno,

Sidaa darteed ayaanay SNM marna ugu hawl-gelin kala go’, bal se waxa noo qornayd xukun-daaddejin baahsanayd oo gobollada awoodda dhexe wax laga siinayay. Waxaad ka warraantaan marka uu ku dacaayadeeyo kii aad halgan ahaan bahaysanaysay ee uu kaaga soo horreeyo cadawgii aad la dagaallamaysayba.

Waa tan halka ay sheekadu u dhimatay. Aan in yar ka soo xigto qaybta hore ama kore ee aan ka soo qaatay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, intaas oo ah:

1. 1984kii wafdi aan hoggaaminayo ayaa SSDF uga qaybgalay shir lagu qabtay dalka Liibiya oo looga hadlayay sidii PLO loogu ururin lahaa ciidammo xoreeya Falastiin,

2. Dhammaan wufuuddii shirkaas ka soo qaybgashay waxay halkaas ka soo saareen go’ aan midaysan oo boqolkiiba-boqol lagu oggolaaday ajeendadii la soo hor dhigay,

3. Go’aannadii shirka laga soo saarayna aniga ayaa u saxiixay jabhadda SSDF, wax tafaasiil ah se kama aanan bixin halka aan ciidanka ka keenayo.”

Bal hadda Qodobkan saddexaad ee ugu danbeeya aad ugu fiirsada. Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu inoo sheegayaa in uu go’aammadaa isagu u saxeexay SSDF-ta “isaga oo aan wax tafaasiil ah ka bixin halka ciidanka laga keenayo.”

Qormadii: 26aad

Oo ma carruur ayuu inoo haystaa aan ogeyn in aanu lahayn ciidammo kale oo aan ahayn kuwa SSDF-ta. Bal sidee loo geynayaa Falastiin iyo PLO si ay u xoreeyaan? Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam side ayay ku aamminayaan?

Waa yaab! Fajaciso iyo fakalloon! Bal hadda aynu eegno Aadan Muuse Jibriil oo ka mid ah rug-caddaagii SSDF oo weliba muddo dheer ka tirsanaa Guddida Fulintu, sida uu arrintan u arko. Doc kale ayaynu ka joogsanaynaa, oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa halkan lagu eedaynayaa in isaga naftiisu uu wada-hadal qarsoodiya kula jiray Maxamed Cali Samatar oo mid ahaa madaxdii dawladdii Siyaad Barre. Muxuu haddaba odhanayaa Aadan Muuse Jibriil mar aan Jimcihii, 13kii Jeeniweri hudheelka Maansoor ee Hargeysa hadal kaga duubay? Waa kan Aadan muuse Jibriil ee ka durduurta:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim…..Horto buuggaa la sheegayo ee Cabdillaahi Yuusuf qoray oo uu doonayo in uu taariikhda u qoro sidii uu isagu doonaayay, sida la ii sheegay cajaa’ib ayuu leeyahay. Haddii aan u soo noqdo hoggaankii SSDF iyo Itoobiya wixii ay isku khilaafeen, sida aynu u soo joognay, markeeda horeba SSDF-tu kama madax-bannaanayn Itoobiya. SSDF waxa kale oo aanay ka madax-bannaanayn taliskii Qaddaafi iyo wixii la odhan jiray ‘Lijaan Al-Shacbiya’ ama Guddiyadii Dadweynaha ee ka dhisnaa dalka Liibiya. SSDF waxay ahayd urur la odhan karo urur millateriya oo aan lahayn ‘Qiyaadad’ (hoggaan). ‘Qiyaadaddu magac ayay ahayd, bal se waxa meesha ka talinayay oo mar walba isagu go’aan kasta gaadhayay nin keliya ayuu ahaa, ninkaasina Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayuu ahaa. Markii waqtigaa aynu sheegayno ee 1984kii la soo gaadhay, waxay jabhaddu gaadhay in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed qof alleyaale qofkii uu arko mucaarid oo weliba nin doorkii reerkiisa ah la khaarajiyo. Lagu khaarajiyo jiidaha hore, lagu khaarajiyo magaalooyinka Itoobiya haddii ay joogaan…..waxaana waxa fulinayay rag isagu uu dirsaday oo ilma-adeerradii ah, waxaana la ogaa ‘Lijaankii Shacbiga ahaa’ ee Liibiya, dilalka qaarkood sidii Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen. Waxa la ogaa mukhaabaraadka Itoobiya.”

Haddii uu Aadan muuse Jibriil intaa yidhi wuxu ku sii kabay:

“OK. Cabdillaahi Yuusuf Axmed si door ah oo qoto dheer ayuu isugu dhiibay dawladdii Itoobiya ee markaa jirtay iyo Qaddaafi. Maxay Itoobiya isku khilaafeen ayaa timid?

Waxay isku khilaafeen, waqtigaa markii la soo gaadhay, waxa jiray wada-hadallo hoose oo uu qabanqaabiyay sida aynu ka war haynno Qaddaafi, oo ku salaysnaa in Siyaad Barre lagu inqilaabo dalka gudihiisa oo aan dibadda waxba lagaga tarayn. Si qorshahaas loo fuliyana, Qaddaafi wuxu isku xidhay Maxamed Cali Samatar iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Wada-hadallada waxa gadh-wadeen ka ahaa oo qaadi jiray nin markii danbe ay dawladda Liibiya dishay oo ay ka soo tuurtay dhisme siddeed dabaq ahaa oo Liibiya ku yaallay. Ninkaas ayaa xidhiidhin jiray Maxamed Cali Samatar iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxaana la odhan jiray Cabdilqaadir Bologna.

Arrinkaa lagu heshiisinayo Maxamed Cali Samatar iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu odhanayaa in ciidanka SSDF Soomaaliya ku noqdo, heshiis ka dhex dhaco Siyaad Barre, sidaa ciidanku ku noqdo marka hore, Cabdillaahi Yuusuf Axmedna ka bado galo ka dibna Siyaad Barre inqilaab xukunka lagaga qabsado. Ajenduhu wuxu ahaa in marka hore la yidhaahdo ciidanka SSDF tababar ayaa loo geynayaa Liibiya. Cabdillaahi Yuusuf Axmed hore ayay Qaddafi ugu soo heshiiyeen in ciidammadaa la qaado oo lagu magaacaabo ciidammo ‘umamiya’ oo islaamiya oo Liibiya jooga oo la yidhaahdo ‘Al-faylaqal Islaami’ oo loo diro hadba meeshii islaam ah ee la doonayo in la xoreeyo.

Khiddaddaa, Itoobiyaankuna illeyn waa dawlad guun ah e’ waxay ula socdeen tallaabo-tallaabo hadba meesha wax marayaan. Markii ay soo gaadhay fulintii, ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed la hadlay ciidammadiisii jiidaha hore joogay. Sidii aynu maqallay saddex meelood oo ay ciidammadii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka fadhiyeen jiidaha hore hadalladii iyo farriimihii uu u dirayay Itoobiyaankana waa ay u duubnaayeen. Mar walba is-gaadhsiintii Cabdillaahi Yuusuf Axmed adeegsanayay waxa lagu samaynayay ‘interception’ ama duubis joogto ah. Cabdillaahi Yuusuf Axmed markaa farriimihiisii la duubay waxa ka mid ahaa maalinta taariikhdu ay caynkaas tahay, dhammaan ciidammada SSDF-tu xagga Soomaaliya ha galaan oo ha u tallaabaan.

Waan idiin soo sheeko-dhaafay e’ horto markii hore ama ka horba Itoobiya ayuu weydiistay in loo oggolaado in ciidammada la geeyo Liibiya si loo soo tababaro. Anigu ma aan joogin e’, waxa la ii sheegay in ninkii Mogus Habte Mariam ee Nabad-sugidda madaxda ka ahaa ku yidhi:

‘Waaryaa Cabdillaahi haddii ay ciidammadu tababar u baahan yihiin halkan ayaanu ugu haynaa.’

Bal hadda Aadan Muuse Jibriil ha inoo sii wado gaaxdiisii:

“Waa niman warka Cabdillaahi Yuusuf Axmed la socda e’, waa ay ka diideen, waana markaa waqtiga uu amarka ku bixinayaa in ciidammadu Soomaaliya u tallaabaan. Markii ay intaasi dhacday ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed amarkaa ciidammadiisii siiyay, ayay isaga iyo Cabdillaahi Maxamed Xasan oo ‘Faash’ loo yaqaannay goosteen tigidhkii ay Itoobiya kaga dhoofi lahaayeen.

Habeennimadii saqdii dhexe ayaa na loo sheegay in iyagii oo berri oo kale dhoofaya inta gurigii loogu tegay la soo xidhay. Oo xaggee lagu xidhay? Waxaa lagu xidhay xaruntii Nabad-sugidda dhulkeedii hoose. Waa tii Hudheelka ‘Gunnet’ galbeedka kaga beegnayd ee waddadu u dhexeysay jeelka caanka ah ee ‘Alam baqa’.

Qormadii: 27aad

Kaas ayuu ahaa khilaafkii dhex maray Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo dawladdii Itoobiya. Waa run….waa biyo-kama-dhibcaan…..qof kale oo la weydiinayaana ma jiro. Taariikhda runta ahi waa taa.”

Haa…Intaasi ma ina kala gaadhay. Sheekadu waxay ku urursan tahay ciidanka SSDF oo la doonayay in uu Soomaaliya u tallaabo, iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ku andacoonaya in uu u dirayay Liibiya si ay uga qayb galaan xoreynta Falastiin. Hadda ha u deymo-la’aanina in aan la isku diiddanayn in ciidanku baxayay.

Annagu markaa Diri-dhabe ayaanu ku sugnayn oo waxyaabaha dhacayay si ayaanu uga war qabnay gaar ahaan, xidhiidhkii Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo xarumihiisii Diri-dhabe iyo saldhigyadii jiidda hore oo ay Itoobiyaanku dhegaysan jireen is-gaadhsiintooda iyo waxyaabihii ay ku wada hadlayeen. Taas ayaana ugu mudnayd waxyaabihii ama sababihii Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo saaxiibbadii loo xidhay.

Bal hadda u fiirsada in Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo intii ku xeerreyd lagu xidhay Addis-Ababa. Waxa kale oo la xidhay waa taliskiisii Diri-dhabe, intii jiidda hore joogtayna waa kan inoo sheegaya in dagaal ka dhacay oo lagu hoobtay.

Halkan waxa loo baahan yahay in laba arrimoodba la guntado:

1. La iskuma diiddana in ciidanka SSDF amar ku qabay in uu Itoobiya ka baxo oo Soomaaliya u tallaabo. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo bahdiisu waxay ku doodayaan in ay Liibiya u baxayeen oo ay ka mid noqonayeen ciidammo Islaamiya oo Falastiin lagu xoreynayay,

2. Ra’yiga ka soo hor jeedaana wuxu odhanayaa in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku amray ciidammadiisa in ay Soomaaliya u tallaabaan iyada oo uu qorshuhu ahaa in ay isaga iyo Maxamed Cali Samatar ku inqilaabaan Maxamed Siyaad Barre,

Bal Cabdillaahi Yuusuf Axmed ha inoo sii wado muddaakaraadkiisii daarranaa sababihii iyo sidii loo xidhay, aynu soo xiganno bogga 163aad qayb ku jirta oo odhanaysa:

“SNM waxay, iyada oo ka duuleysa ujeeddadeeda qaran dumiska ah, si toos ah isugu dhiibtey Itoobiya, isla markaasna la gashay heshiis qarsoodi ah oo ku salaysnaa kala goynta Soomaaliya iyo la dagaallanka SSDF iyo guddoomiyaheeda oo ay u arkayeen caqabad hor taagan meelmarinta heshiiskooda. Waxaa xusid mudan in, heeshiiskaas laga qariyey muwadiniintii ka tirsanayd SNM oo ay ku talaxtageen koox yar oo uu Siilaanyo hoggaaminayay, dhaqangelintiisase si dadban loogu adeegsadey SNM.”

Sida ay diinteenna suubban iyo dhaqankeenna hufaniba ina farayaan, cid kasta oo wax sheegtaba waxa looga baahan yahay in ay daliilkii keento. ‘Odeygeennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu halkan ku soo qaadanayaa ‘Heshiis’ qarsoodi ah oo ay SNM la gashay Itoobiya oo Soomaaliya lagu kala goynayo. Bal hafarka intaa le’eg eega. Miyaanu dawgu ahayn in Cabdillaahi Yuusuf Axmed halkan inoogu soo gudbiyo heshiiskaas. Cabdillaahi Yuusuf Axmed inama laha “waan maqlay heshiiskaas” iyo “waa la isla dhex marayay”, bal se si cad oo aan mugdi ku jirin ayuu u leeyahay “waxa jiray heshiis”. Lagaaga fadhiyee, haddii aad keeni weydana waa sheegaa-ma-dhaafto.

Wixii hore oo dhan daadiya. Bal ka gura ‘odeygeennii’ tan kale ee uu soo wado. Halkan hore wuxu kaga hadlayay ‘heshiis’, immika ka sii dar oo wuxu ka hadlayaa 13 waraaqood oo sir-doonkiisii belaayada ahaa qabtay. Iska dul qaata oo ‘odeyga’ waxoogaa aan ka gurno, waxaanu yidhi ama qorayba:

“Hoggaanka wardoonka ee SSDF wuxuu gacanta ku dhigay qorshe sir ah oo ay ka danbeeyeen Itoobiya iyo SNM, kaas oo ku salaysnaa sidii la igu dili lahaa, dabadeed wuxuu bilaabay in uu tallaabo-tallaabo ula socdo hadba heerka ay marayso fulinta qorshahaasi. Sidaas oo kale waxannu helnay 13 waraaqood oo lagu amrayay in aniga iyo madax kale oo jabhadda SSDF ka tirsanayd toos loo laayo.”

Malahayga Cabdilaahi Yuusuf Axmed waa ay ku yar adkaanaysaa haddii aynu nidhaahno 13ka warqadoodba na tus e’, bal xabbad keliya ma ka codsannaa? Xataa mid been-abuur ah haddii uu hayo. Waa hadduu keeno, haddii kale idinka ayaa u-magac-bixin doona.

War la’aan baa idin haysa. Show ‘odeygaba’ maba taqaaniin. Bal hadda ha inoo sii wado musalsalkiisii, waxaanu intaa hore ku daray:

“Markii mu’aamrnaraadka Iidka nagu ahi ay gaareen heer aan loo dulqaadan karin, ayaan Mingistu, hordhigay waraaqihii xambaarsanaa go’aannada SNM ku gaartey in nala laayo. Waxaan xusuusiyey in labada jabhadoodba ay magangelyo ku joogaan Itoobiya, sidaas awgeedna xukuumaddiisa ka codsanayno, haddii aaney iyadu lug ku lahayn mu’ammaraddaas, in ay degdeg wax uga qabato. Waxaa kale oo aan. u sheegay in dulqaadkii naga dhammaaday oo haddii aan degdeg arrintaas wax looga qaban ay SSDF khasab ku noqon doonto in ay isdaafacdo. Mingistu wuxuu iigu jawaabey in ayan Itoobiya ka shaqayn isku diridda Jabhadaha iyo in aaney mama dhexgelin muran iyaga ka dhaxeeya. Wuxuu kale oo igu yiri: ‘ Waraaqaha aad ii keentay waxaan u gudbinayaa xaafiisyada ku shaqada leh si ay baaritaan ugu sameeyaan, dabadeedna natiijada ka soo baxda ayaan kugu soo wargelin doonaa hadda iska tag oo war iga sug’”.

Alla! Oo show ‘odeygeennu’ waraaqahan uu sheegayaaba waa qaar jira oo u geeyay Mengistu Xayle Mariam. Bal haddaa innagana buugaagtiisa danbe ama mareegahaba qaar ha inoogu soo daabaco.

Qormadii: 28aad

Dee haddii kale sidee lagu rumaysanayaa. Xataa cid kale oo uu u maragsanayaa ma jirto oo buuggani tix-raacyo iyo raad-raacyo labadaba waa ka arradan yahay.

Ma yaabteen! Alla ‘odeygu’ belaayaysanaa. Wuxu yidhi 13 warqadood oo SNM qortay oo dilkayga lagu qorshaynayay ayaan Mengistu hor dhigay oo uu akhriyay, xafiisyadii ku lugta lahaana u gudbiyay. Bal ‘odeyga’ ma weyddiinnaa afka ay waraaqahaasi ku qornaayeen? Ma SNM-ta ayaa afka Amxaarigaa sidaa u baratay, mise Mengistu laftiisa ayaa af-soomaaligii sidaa ugu wadh-wadhay. Mise Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaabu ina odhanayaa af-ingisriisi ayay ku qornaayeen? Haddii ay sidaa tahay ma waxaynu rumaysannaa SNM go’aammadeeda af-ingiriisi ayay ku qaadan jirtay.

Markii uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed 13kaa warqadood u geeyay Mengistu, wuxu ‘odeygeennii’ ina leeyahay jawaabtii la I siiyay waxay noqotay iyada oo xigasho ah oo qodobaysan sidan hoos ku taxan:

1. Ilaaladaydii Dirir Dhaba joogtey baa waxaa loo diidey in ay tagaan xarumihii ciidankayga ee Dirir Dhaba ka baxsanaa,

2. Sir-doonka Itoobiya iyo madaxdii SSDF ee gacansaarka la lahaa waxay iska dhaadhiciyeen in socdaalka raggaasi la xiriiray qorshaha Cabdullaahi Yuusuf uu ciidanka kaga saarayo Itoobiya,

3. Afar ka mid ah ilaaladayda baa iyaga oo ku sii jeeda gurigii aan degganaa ayaa koox ka tirsan ciidanka Itoobiya oo saraakiil SSDF ahi hagayso dhexda ku joojiyeen oo amar ku siiyeen in ay hubkooda u dhiibaan, iyaguna way diideen, maxaa yeelay kuwa amrayay ayaa laftoodu hubaysnaa,

4. Markii xoogaa hadalkii la isla dhaafay, Itoobiyaankii rasaas ayay oodda uga qaadeen. Ilaaladii waxay isku dayeen in ay isdifaacaan, xoog ayaase lagu muquuniyey,

5. Goobtaas waxaa lagu dilay saddex ka mid ah Ilaaladii, midna waa la dhaawacay. Kii la dhaawacay horay ayay u qaateen, kaddibna way dileen. Ilaaladii hal nin ayay Itoobiyaanka ka dhaawaceen,

Malahayga hadal-tirada ayaa idin ku yar badatay oo waad naga goosateen aniga iyo Cabdillaahiba e’, horto meeshu waa Diri-dhabe (Midkaayaba si ayuu u qoray e’), waxaan is-leeyahay waa 1985kii bilihiisii danbe. Waa habeennimo oo meesha waanu joognay. Xero ciidan iyo meel u dhow midna ma ay ahayn. Waa magaalada badhtankeeda oo xagga bari yar xigta. Inta aan idin hago aan idin geeyo goobtaa ciidanka SSDF-ta ee cabdillaahi Yuusuf Axmed ku sheegayo ilaaladiisa lagu laayay.

Waxaad ka soo dhaqaaqaysaa xaggaa iyo xaafaddii ‘Kooneel’ oo waxaad ka soo tallabaysaa dooxii (caddaadkii) magaalada dhex marayay adiga oo biriishka ka soo gudbaya oo weliba u jeeda woqooyi iyo waddada tagta Istaanka tareenka. Marka aad biriishka ka dhammaato xagga bidix ee galbeedka ku beegan waxa kaga soo jeeda Xafiiskii Gobolka ee ay ku qornayd Xarunta ‘Awraajaha’ Ciisaha iyo Gurguraha ee Maxamuud Jarmal Guddoomiyaha ka ahaan jiray. Dhanka midig oo biriishka ku dhejisan waxa ku yaal National Hotel oo cunto iyo hurdaba ah. Hudheelka haddaad dhaafto waddo ayaa midig kaa qabanaysa dhanka bari u kacda. In yar haddaad socoto waa Saldhigga Booliska ee 1aad (Andhenya boolis daabiya). Dugsi Sare oo afka farasiiska lagu barto ayaa isna halkaa ku yaal. Marka aad bari u socoto waxa bidixda kaa qabanaya hudheel laga cunteeyo. Nimanka ilaalada ah ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed sheegayo hudheelkaa hortiisa ayaa lagu laayay iyaga oo hubeysan oo lagu tuhunsanaa in ay rag SSDF-ta dilayaan oo shirqool u maleegayaan. Hudheelka dadka fadhiisan jiray waxa ka mid ah Maxamed Faarax Jimcaale oo deggen hadda magaalada Muqdisho, isla markaana ka mid ahaa dadka uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed buuggiisan ku eedaynayo in xilka looga qaadayay. Waxaan deggenaa meel in yar u jirtay goobtaas oo dooxa ayaa noo dhexeeyay waxoogaa xagga koonfureed ayaan ka yar xigay. Habeenkaas Ilaahay wuxu igu og yahay in aan maqlayay rasaastaas maa daama aanan maalintaa qayilin oo aan goor hore soo hoyday.

Maxamed Faarax Jimcaale waa uu nool yahay e’ bal intiinna haleeshaa arrintan iyo arrimaha kaleba ka wareysta.

Aynu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku noqonno qoraalkiisii, waxaanu intaa hore ku darayaa innaga oo ka sii dhammanayna bogga 164aad:

“Isla subaxdaas ayaa aniga iyo Dr. Cabdullaahi Maxamed Xasan (Faash) nalooka yeeray xarunta Nabadsugidda Itoobiya. Saraakiishii aannu halkaas ugu tagnay waxay nagu wargeliyeen in Wasiirka Amnigu na doonayay oo ay xafiiskiisa noogu geynayaan. Waa tahay baan ugu jawaabey. Meeshii nala geeyey waxaannu ugu tagnay Wasiirkii, kaaliyeyaashiisii ugu sarreeyey iyo dhawr Janan oo wsaaradda Gaashaandhigga ka socdey. Soo dhoweyn iyo salaan kaddib, raggan meesha fadhiyey waxay noo sheegeen wixii nalooku yeeray, taas oo ahayd in aan hoggaanka Jabhadda ku wareejiyo Maxamed Faarax Jimcaale oo markaas Jabhadda u qaabbilsanaa waaxda Arrimaha gudaha.”

Bal hadda sheekadii aan idiin waday iyo hadalladan Cabdillaahi Yuusuf Axmed isu eega, Maxamed Faarax Jimcaalena wax ha la weydiiyo waa uu nool yahay e’.

Mahadhooyinka cabdillaahi Yuusuf Axmed aan sii durduuranno, intaa horena waxa uu ku sii kabay, aniga oo idin siinaya dhey geel oo aad iskaga dejisaan:

“Wasiirkii iyo Janannadii la fadhiyey waxaan ugu jawaabay: ‘Xil iyo ciidan midna wareejin maayo’. Waan gartey in ay doonayaan in aniga si qorshaysan la iiga takhalluso. Ka takhalluskayguna dhaco marii aan xilka wareejiyo, oo ku soo baxo nin aan xil hayn oo caadi ah, dabadeedna ka takhalluskayga (dil ama xabbis) dunida loogu muujiyo tallaabo caadi ah oo laga qaaday qof dambi galay.

Qormadii: 29aad

“Dood dheer kaddib, markii aannu isla garan weyney taladii ay soo jeediyeen baa Wasiirku amar ku siiyey Janannadii gaashaandhigga ka socdey in Xarunta Gaashaandhigga nala geeyo si ay madaxda halkaas joogtaa isugu daydo in ay igu qanciyaan in aan taladooda raaco oo xilka wareejiyo. Sidii bay yeeleen oo xaruntii gaashaandhigga baa nala geeyey. Waxaa nala socday wiil ilaaladayda ka tirsanaa oo bastoolad sitey. Halkaas waxaannu shir kula galnay dhawr Janan, kuwaas oo xaraf xaraf iigu soo mariyey taladii aannu isku mariweyney aniga iyo wasaaraddii amnigu. Markii ay iga quusteen bay si hoose u wada hadleen, kaddibna saraakiil kale bay amar ku siiyeen in nala geeyo xabsiga ciidammada. Raggii amarka la siiyey waxay nagu yiraahdeen: ‘ Ina keena meel baan idin sii marinaynaaye’.”

Bal wuxuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed inoogu sheekaynayo eega! Hore wuxu inoogu sheegay in uu soo diiday amarkii Wasiirka Amniga iyo Jananno la joogay, ka dibna loo gudbiyay Jananno wasaaradda Gaashaandhigga fadhiyay. Ma wuxu moodayaa in aynaan garanayn siday xafiisyada Itoobiya u kala sarreeyaan. Haddaad ka tagto Wasiirka Amniga, cidda keliya ee laguu gudbin karayay waa Mengistu Xayle Mariam illeyn meesha toban sannadood ayaanu joognay e’.

Intaa ka dib maxaa dhacay? Cabdillaahi Yuusuf Axmed bal aan dhowrno wuxu yidhaahdo, waxaanu tiraabay:

“Waan gartay meesha naloo wado. Wiilkii nala socday oo lagu magacaabi jirey Canbaashe Cabdulle Xaashi Xanaf waxaan ku iri: ‘Meel dhow baannu ka soo laabaneynaaye halkaaga nagu sug’. Waxaan ka cabsaday in, markii xabsiga nala dhigo, uu dagaallamo oo meesha lagu dilo. Markii aannu gaarney xabsigii waxaa toos noola wareegey taliyihii xabsiga. Xabsigu wuxuu ka koobnaa dhowr qaybood oo ku kala jaango’an dembiyada kala duwan ee loo kala haysto eedaysanayaasha meesha ku xabbisan. Annaga waxaa nala geeyey qaybta lagu magacaabo “Yemakananroj qooye kifil” oo ah meesha saraakiishu xukunka ku sugaan marka la soo xiro. Aniga waxaa la igu xiray qolka 4aad, Cabdullaahi Faash-na qolka 5aad. Isma aannaan arki karin, islamana hadli Karin.”

Laakiin sheekadaasi ma run baa? Aadan Muuse Jibriil wuxu inoo sheegay Cabdilalaahi Yuusuf Axmed iyo Cabdillaahi Maxamed Xasan in la xidhay goor habeennimo ah oo weliba lagu xidhay dabaqa dhulka hoostiisa ee xaruntii nabad-sugidda ee Itoobiya. Waa nimankii Cabdillaahi Yuusuf Axmed u adeegsan jiray khaarajinta iyo silic-dilka Jabhadiintii daacadda ahayd ee SSDF-ta ee firxadkoodii meel walba gaadhay.

Bil ammaara meeshan lagu xidhay waa xaruntii nabad-sugidda ee ku taallay galbeedka Hudheelka weyn ee ‘Guennet’, isla markaana waxa ka soo hor jeedaa xabsiga weyn ee caanka ah ee loo yaqaanno ‘Aalem Baqa’. Annagu waxaanu maqli jirnay iyaga oo afar ah in ay ku jireen ‘Aalem baqa.’ Itoobiyaanku imtixaan ayay ahaayeen oo, meesha dhowr jeer ayaan tegay intii aan ka tirsanaa SSDF-ta iyo SNM-taba. Daar qurux badan oo dul iyo hoosba u dhisan ayay ahayd. Muraayado badan ayaa ku samaysnaa albaabkana aad ayaa loo ilaalin jiray oo ciidan hubeysan ayaa taagnaan jiray. Waxaan aad ugu qosli jiray boodh ku dhejisnaa oo meesha magaceeda tilmaami jiray. Miyaad malayn karaysaan waxa boodhkaa ku qornaa? Waxa far waaweyn ku qorna: “RESEARCH BUREAU.” Bal ka warrama raad-gadashada intaa le’eg.

Waxa kale oo la qabtay sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed sheegayo saraakiil iyo madax ay ka mid ahaayeen: Siciid Dheere, cabdilqaadir Is-barriije, Cabdillaahi Cali Mire (Carays), Maxamuud Maxamed Cali (Sigane), Hoorri iyo Daahir Mire Jibriil. Laba nin oo kala ah Daahir Mire iyo Is-barriije Addis ayay kula xidhnaayeen, laakiin waxa jiray oo nimankan ka mid ahaa saraakiishii joogtay ama mas’uulka ka ahayd xaruntii SSDF-ta ee Diri-dhabe. Xadhiggani wuxu ku salaysnaa taararkii dhex marayay: Jiidda hore, Diri-dhabe iyo xarunta Addis Ababa oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku sugnaa ee lagu amrayay ciidammada SSDFT-tu in ay u tallabaan Soomaaliya taas oo ay Itoobiyaankuna kor iyo hoosba ula socdeen.

Maxay dawladda Itoobiya u doonaysay in ay khaarajiso Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waa kan isagii oo bogga 166aad kaga warrmayaa:

“Sababaha Itoobiya ku khasbay in ay dadaal dheer u gasho, wakhti badan u quurto ka takhalluskayga, kama maqnayn welwel ka galay heerka sare ee tirada iyo tayada ciidanka SSDF gaarey, kaas oo aan ka madaxbannaanayn oo keli ah siyaasaddeeda, balse uu khilaaf qota dheeri soo kala dhexgalay. Welwelkii ay Itoobiya hore uga qabtey

ciidanka SSDF oo ay tiradiisu gaareysey 8 kun, kuna hubaysnaa nooc kasta oo hub ah, wuxuu ku sii weynaadey markii ay si bareer ah ugu gacansayreen go’ aankii ay gaareen Itoobiya iyo raggii la shaqaynayay, isla markaasna ay soo cayriyeen kuwii madaxda sheeganayay oo ay u dirtay.

Dhacdooyinkaas kaddib, Itoobiya waxay cambaarayn dusha uga tuurtay raggii la shaqaynayay, amarna ku siisay in ay keenaan rag dadku maqli karo. Shirqoolkii labada dhinac iska kaashadeen oo la igaga takhallusay waxaa ka horyimid caqabado aaney hore ugu talaggelin, kuwaas oo taladoodii ka dhigay hal bacad lagu lisay. Waxaa Itoobiya durba u soo baxay in, raggii ay dhabarka ka soo dharbaaxday ee hore ugu bishaareeyey in ay wax walba gacanta ku hayaan, aaney jabhadda waxba ka ahayn, wax xiriir ahna la lahayn taageerayaasha iyo ciidaanka jabhadda, bal iska daa awaamiir ay siiyaane.”

Sheeko dheer aniga oo idiin soo gaabinaya, waxa isku dhacay ciidammadii Itoobiya iyo kuwii SSDF-ta. Bal aan eegno sida Cabdillaahi Yuusuf Axmed u sharxayo:

“Isku day badan oo ay Itoobiya samaysay si ay ciidanka uga qanciso in ay yeelaan amarka madaxda cusub wey ku fashilmeen. Ciidankii ma diidin oo keli ah taladii Itoobiyanka, waxaybase ka codsadeen in degdeg xabbiska la iga soo daayo. Dad badan oo kale oo Itoobiya u dirtay sidaas oo kale ayay ku yiraahdeen.

Qormadii: 30aad

Markii tala cakirantay ayaa waxaa lagu dhawaaqay in magaalada Harar Jagu qaban doono shirweynihii Jabhadda. Maxamed Abshir Walde oo markii la i xiray ku meel gaar ahaan jabhadda loo dhiibay wuxuu diidey in uu ka qaybgalo tartaankii madaxnimada SSDF.”

Bal ka warrama haddii uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed leeyahay xadhiggaygii ayaa gadood ciidan ka dhacay! Maalintaana waa la joogay, maantana waa la nool yahay ee bal jabhadiintii ha la weydiiyo sumcadda uu ku dhex lahaa SSDF-ta. Hadda ballanka Ilaahay dadku khaati ayuu taagnaa.

Muxuu haddaba intaa hore inoogu darayaa, waa kan mar kale:

“Maxamed wuxuu ogaadey in ayan cidina amar ka qaadateen, xataa haddii uu jagadaas ku guuleysan lahaa, dabadeedna dayuurad buu Addis Ababa ka qaatay oo Nayroobi buu ku noqday. Kolkii Walde iska tagey, waxaa guddoomiye laga dhigay Xasan Cali Mire. Xasan wuxuu is yiri xoogaa dadaal ah isku day bal in aad ciidanka qanciso, markiise uu gaarey aaggii ciidanka waxaa lagala horyimid buuq iyo qaylo, wuuna isaga soo noqday. Dawladda Itoobiya waxay garatay in madaxdii jabhadda ee maqaarsaarka ahaydi ayan waxba wadi karin. Mingiste arrintii waa la kharaaraatey. Wuxuu shir u qabtay Xasan Cali Mire iyo kooxdiisii, shirkaas oo lagaga dooday sidii lagu heli lahaa talo caqligal ah ee lagu hagaajin karo xaaladda adag ee soo foodsaartay.

Welwelka xulafada wada haystey ka sokow, Mingiste waxaa u dheeraa kan ka haystey halista uga iman kartey joogitaanka ciidan 8kun gaaraya oo aad u hubaysan oo dhulkiisa ku sugan. Dr. Xasan Cali Mire iyo kooxdiisii waxay Itoobiya u soo jeediyeen in

ay ciidanka SSDF amar ku siiyaan in ay hubka dhigaan, haddii ay ka diidaanna ay xoog uga dhigaan. Ciidanka SSDF wuxuu kala fadhiyey Wardheer, Qorrof, Galdogob iyo Balanballe. Kolkii Itoobiyaanku ku dhaqaaqay fulinta amarkii lagula taliyey, ciidankii SSDF wuxuu diidey in uu hubka dhigo. Markii la is mari waayay, waxay Itoobiyaankii ka

fursan waayeen in ay xoog adeegsadaan. Sidaas ayaa waxaa ku bilawday iska horimaad xooggan oo dhexmaray ciidammadii Itoobiya iyo kuwii SSDF ee kala fadhiyey Wardheer, Qorrofiyo Galdogob. Itoobiyaanku si fudud uguma bareeri karin ciidanka Jabhadda ee waxay ogayd in ay iyadu gacanta ku hayso maqaasiinnada ay rasaastu u tiil labada ciidan.”

Maxaa ciidammada SSDF-tu rasaastooda u dhiibay ciidammada Itoobiya ee weliba maqaasiinnadooda gacanta loogu hayay, sidan uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed sheegayo. Ma maalintaas ayaa lagala wareegay mise waa ciidan hubkoodii iyo rasaastoodiiba beri hore Cabdillaahi Yuusuf Axmed kula heshiiyay in ay Itoobiyaanku gacanta ku hayaan isaga oo ka ilaalinayay gacantii Soomaaliyeed ee xaqa u lahayd in ay iyadu hayso? Ma markii waagii dabadiisa ka beryay ayuu hanbabaray?

Dawladda Itoobiya si ay uga war hayso dhaqdhaqaaqyada ciidanka, waxay isku hawli jirtay in ay ciidammada jabhadaha gacanta ku hayso. Annagu SNM ahaan waanu ka bed qabnay oo ciidankayagu waa uu ka fogaa xeryaha Itoobiyaanka. Faa’iidada labaad ee aanu qabnay waxay ahayd annaga oo ku dagaallamaynay qaabka ‘Guerilla’ ama dagaalka dadweynaha oo waxaanu sidanaba ciidanku degta ku qaadi karayay. Sida SSDF-ta kuma aanu dagaallami jirin dagaal fool-ka-fool ah (conventional). Rasaasta garab-rarato ayaanu ahayn, shidaal caynkaas ahna uma aanu baahnayn. Waxa daliil cad u ah 1988kii markii aanu Burco iyo Hargeysa soo gallay cidna fasax ugama aanu qaadan.

Bal Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxa uu ku faanayo eega! Ku-ye waxaanu ku dagaallamaynay: Wardheer, Qorrof, Gal-dogob iyo Balanballe oo weliba ciidammo Itoobiyaan ah oo dalkoodii jooga kula dagaallamaynay iyaga oo rasaastii iyo shidaalkiiba gacanta noogu haya. Miyaanay caqli-xumo ahayn iyo dad la loogayo! Cabdillaahi Yuusuf Axmed ma sidan ayuu kulliyad ciidan oo Talyaaniga ku taalla kaga soo qalin-jebiyay? Sidee ayaad dagaal u geli kartaa iyada oo ciidanka aad la dagaallamaysaa ay gacanta kuugu hayaan rasaastaadii iyo shidaalkaagii! Waxaasi ma wax lagu hadlaa!

In ay sidaasi dhacday Cabdillaahi Yuusuf Axmed naftiisa ayaa markhaati iiga ah:

“Muddo markii dagaalku socdey baa ciidankii Jabhadda waxaa ka dhammatay rasaastii. Sababtaas ayaa Itoobiya u suurtagelisey in ay gacanta sare yeelato. Iska horimaadkaas waxaa dhinaca jabhadda kaga shahiidey dad gaaraya 60 qof, halka tiro in taas ka badanina ka dhaawacantay. Khasaarada Itoobiyaanka soo gaarteyna aad iyo aad bay

intaas uga badnayd. Badi ciidankii jabhadda waxaa dabadeed, iyaga oo hub la’ aan ah, lagu hareereeyey xeryahoodii. Ciidankii ku sugnaa Balanballe markii uu ogaadey wixii ka dhacay meelihii kale wax dagaal ah ma qaadin. Intii yarayd ee ka hartay oo ku sugnayd taliska guud ayaa waxaa u tegey Muuse Islaam, kaasoo u sheegay in uu Nayroobi gaarayo oo ay halkooda ku sii sugaan inta uu uga soo noqonayo.”

Bal hadda jabka ciidankaa SSDF-ta ku dhacay iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxan uu qoray isu eega. Ku-ye Muuse Islaan ayaa u tegy oo u sheegay inta uu Nayroobi ka soo noqonayao in ay sii sugaan. Muuse Islaankaa miyaad taqaanniin? Wuxu ka mid ahaa deris-ku-nooshii sida dhillowyahanka ugu noolayd dhiigga iyo dheecaanka jabhadiinta SSDF-tu. Waxani waa idin ku sheeko. Xer dhan ayaa jirtay oo odayaal ah oo innamada yar yar u sasabi jirtay oo u hoosaasin jirtay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxaanay ku noolaayeen qurbaha gaar ahaan magaalada nayroobi. Wama meesha lagu cuni jiray dhaqaalihii Qaddaafi laga soo qaadi jiray.

Bal hadda wax aan badnayn aan ku hakanno ciidammadan SSDF-ta iyo Itoobiyaanka ee is-hor-fadhiayay ama dagaallamayba.

Qormadii: 31aad

Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu inoo sheegay in uu ciidankiisu gaadhayay ilaa siddeed kun oo kala deggenaa meelaha ama saldhigyada: Wardheer, Qorrof, Gal-dogob iyo Balanballe. Bogga 153aad ee buuggiisa mar uu kaga hadlayay ciidanka uu doonayay in loo hubeeyo ama loo dhiso wuxu u qoray sidan:

· Tirada ciidanka: 5,000 oo askari,

· Taangi T55: 40,

· Beebbeeyada: 60,

· Ururrada ‘Altillariga’: 12 Qori,

· Lidka dayuuradaha: 80 Qori,

· Gaadiid badan oo qoryaha iyo ciidankaba ku filan,

· Qalab war-is-gaadhsiinta ah,

· Rasaas lix bilood ciidanka ku filan,

· Lix bilood shidaal iyo raashin ciidanka ku filan,

· Saddex malyuun oo dollar oo caddaan ah oo hawlaha lagu socodsiiyo,

Intaa ka dib ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed leeyahay, waxa nala weydiiyay in aanu u baahan nahay: PM21, ka dibna waxay ku jawaabeen in ay u baahan yihiin:

· Laba urur oo PM21 ah,

· Laba urur oo PM25 ah,

· 107mm oo 12 dhuumood ah,

Maansadii Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeyda ee ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“Doontaba an yeellee,

Damacdaba an raacnee,’

Bal hadda tan Cabdillaahi Yuusuf Axmed aan qushi-raacno. Aynu ka soo qaadno in uu hubkaa, lacagtaa iyo ciidankaaba haystay iyo in ka badanba. Su’aashu waxay tahay intaas oo afar saldhig oo Wardheer ugu shisheysay deggenaa maxay ka qaadi karayeen Ciidammadii Maxamed Siyaad Barre ee dawladda Itoobiya hor taagnaa?

Taasi waa salleello oo dad Soomaaliyeed ayay wada ahaayeenba. Bal ninkan Addis Ababa jooga ee taagtan sheeganaya ee Itoobiya dhex yaal oo ay isa seegeen ee innammadii yar yaraa dagaal-geliyay ka warrama! Marka uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed taagtan iyo tamartan u sheeganayo dawladda Itoobiya ee uu la dagaallamayo, maxay Itoobiya awood lahayd iyaduna.

Marka aad ka tagto ciidammadii caadiga ahaa ee gaasaska Itoobiya ahaa ee 10aad oo Jigjiga deggenaa, 20aad oo Dhagax-buur deggenaa iyo gaasas badan oo kale oo meelo kala duwanaa deggenaa, waxa jiray oo aanu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka geyoodeen Ciidanka Gabraa’iilka ee Wal-waal deggenaa oo ka koobnaa:

· Ilaa 25,000 oo ciidan askar ah,

· Ilaa 500 oo tekniko iyo Taangito ah,

Ciidanka laxaadkaas leh ayaa deggenaa Wal-waal oo 12km oo keliya u jirta Wardheer. Miyaanu dhudhub cidhiidhyoon ku jirin ninkan innammada yar yar sadqaynayay. Ma ninkaasaa Kulliyad Ciidan ka baxay oo fanka, farshaxanka iyo farsamada dagaalka bartay. Taana daayoo!

Marka aynu ka hadlaynno dhismihii ciidammada Itoobiya ee xilligaas, sheekadu waxan Gaasaska loo yaqaanno waa ay dhaafsiisnayd. Waxa laga hadlayay oo dhisnaa: Ciidanka Koowaad ee Kacaanka Itoobiya (First Ethiopian Revolutionary Army) oo xaruntiisu ahayd magaalada Harar oo Gobollada Harargee ilaa Diri-dhabe iyo qaybo kale xukumayay. Saldhig ciidan dayuuradeed ayaa xataa ku yaallay Diri-dhabe oo uu taliskaasi adeegsan jiray. Waxaynu ka hadlaynaa Ciidanka labaad ee Kacaanka Itoobiya oo xaruntiisu Asmara ahayd oo qaabbilsanaa Eretreeya. Ciidanka Afraad oo deggenaa Awasa oo ah xarunta Gobolka Sidaamo. Bal ka warrama idinku ciidammada farahaa iyo awooddaa leh ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed isaga oo dhex deggen oo ay taakuleyntiisii gacanta ku hayaan uu u hanjabayo. Bal adba.

Qaybtanna Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu ku soo khatimayaa:

“Si loo waayo qof loo hirto ayaa Itoobiyaanku waxay Islaan Cabdulle Islaan Faarax xabsi dawlo ahaan ugu xirtay magaalada Harar. Sidaas oo kale, waxay xabsiyo kala duwan dhigeen saraakiishii ciidanka ugu magac weynayd. Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa Saciid Dheere, Cabdulqaadir Isbarriije, Cabdullaahi Cali Mire (Carays), Maxamuud Maxamed Cali (Sigane), Hoorri iyo Daahir Mire Jibriil. Mar qur ah bay kala yaaceen dhammaan kuwii madaxda sheegan jirey oo midmid ayay u dhuunteen. Itoobiyaanku waxay gacanta ku dhigeen hubkii jabhadda oo dhan, waxayna ku xeraysatay bakhaarro gaar ah oo ay ugu talaggashay. Mudda kaddib waxay hubkaas kala siisay SNM iyo USC, kuwaas oo ay gadaal ka riixayeen, oo ay doonayeen in ay u muujiyaan in ay yihiin jabhadaha keli ah ee Siyaad Barre dagaalka kulajira. Itoobiyaanku laba ujeeddo bay buunbuuninta arrintaas ka lahaayeen: mid waxay ahayd in ay muqaal waddaninnimo u yeesho jabhado ku sheeg ay maamulato; tan labaadna waxay ahayd in ay jabhadaan ku bahdisho SSDF oo isku daydo in ay ka dhigto wax aan jirin, tariikhdeediina sidaas ku aasto. Been abuurka iyo dhaqan xumida Itoobiya waxay gaareen heer ay ciidankii yaraa ee xaruntii jabhadda ku sugnaa ay halkooda ku masruufto, si ay dunida ugu muujiso in jabhaddii SSDF iskeed isaga baabba’day oo waxa ka haray oo keli ah yihiin xoogaaga xaruntoodi ku sugan.


Qormadii: 32aad

Waxay riwaayaddaas u dhigeysey oo keli ah in aan lagu eedayn in ay iyadu baabbi’isay jabhaddii ku dhowaatey in ay Siyaad Barre dalka ka xorayso, qarannimadii dalkana sugto.”

Waxa jirta sheeko yar oo kale oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed marinayo maalmahaa la qabtay oo ku saabsan dilkii Gaashaanle Sare Dr. Cabdilqaadir Cabdi Samatar, waxaanu qoray:

“Canbaashe Cabdulle Xaashi Xanaf, wuxuu ka mid ahaa Ilaaladayda gaarka ah, markii uu na waayay gurigii buu iska aadey. Goortii uu gurigii tagey ayaa la weydiiyey raggii meesha uu ku og yahay? Wuxuu ku jawaabey gaashaandhigga ayay iiga tageen oo nagu sug yiraahdeen, waana la waday meel la geeyeyna garan maayo. Wiilkii waa lagu jeesjeesay, waxaana lagu eedeeyey nacasnimo, fuleynimo iyo mas’uuliyaddarro. Wiilkii wuu niyadjabay, dabadeed habeen-barkii buu bastooladdii la soo boodey oo ku tiriyey Dr. G/ sare Cabdulqaadir Cabdi Samater oo ay qol wada seexan jireen ilmo abtina ahaayeen. Subaxdii wiilkii Itoobiyaankii ayaa xabsiga u taxaabay, mar danbena dib looma arag waxaana lagu diley xabsiga.”

Waan idiin soo sheeko dhaafay e’, Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu ina barayaa in maalintii la xidhayay isaga iyo Cabdillaahi Maxamed Xasan oo Faash loo yaqaannay uu wiilkani waardiye ahaan ula socday. Waxa la yaab leh in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed qofkii la taabtaba yidhaahdo ilaaladayda gaarka ah ayuu ka mid ahaa. Waa kaa inooga sheekeeyay siduu ku dhintay Dr. Cabdilqaadir oo uu inagu yidhi wiilkan toogtay ayay ilmo-abti ahaayeen. Xaasha! Intaas oo keliya ma aha. Dr. Cabdilqaadir waxay walaalo ahaayeen Marwo Xaawo, oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa seeddi laxmiya u ahaa. Ma sidaa aadka u fudud ayaa wax lagu toogtaa? Maxa digtoorka gaashaanlaha sare ah la seexiyay wiilka yar ee waardiyaha u ah? Hadda meesha la joogaana waa gurigii walaashii. Sheekooyinkan waxa kale oo dhex-taal u ah Yaasiin Cirrid-yaambo oo ay walaalo yihiin Dr. Gaashaanle Sare Cabdilqaadir oo labadaba Cabdillaahi Yuusuf Axmed seeddi u yahay. Bal maxaa mar walba meel xun oo xil leh dhigay nimankan uu seeddiga u yahay? Bal Soomaalidii kale ka warrama. Bal idinba!

Laba sababood oo kaleba waa la sheegayaa oo la xidhiidha dilka Dr. Gaashaanle Cabdilqaadir. Haddii aan noqdo qof mowduuciya oo aan cid gaar ah ku buuxin, sababihii waa kuwan:

1. Mar waxa la leeyahay oo niman SSDF-ta ka tirsanaa ii sheegeen in wiil wax dilayba maskaxda ka jirranaa,

2. Qaar kalena waxay ii sheegeen in dilkani la xidhiidhay kii Diri-dhabe ka dhacay ee saddexda askari lagu toogtay, midkana lagu dhaawacay. Dilkan Dr.Cabdilqaadirna dilkaa Diri-dhabe maalin ka dib in uu dhacay ayaan u malaynayaa. Run ahaantii aad ayay isugu dhawaayeen.

Sidaas ayaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed lagu xidhay xabsigana uu ugu jiray ilaa 1991kii markii la riday xukunkii Mengistu Xayle Mariam.

Gebo-gebada Sheekada:

Qormooyinkan kuma aan wada naqdiyin buugga Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo dhan. Farta ayuun baan idiin daray oo waxaan afar ilaa shan qaybood aan ka badnayn ayaan ku soo qaatay. Sababtu wax kale ma aha ee buuggii ayaan gacanta iigu wada jirin oo waxaan haystay maalmo yar oo aan ammaanaystay. Intan aan qorayna waa wax aan ka tuujiyaya maalmahaa yare e aan haystay, aniga oo culayska saaray halka uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka bbaaray ambinta iyo raag-gadashada oo ah wixii ay isku seegeen dawladdii Itoobiya ee xilligaa jirtay.

Maansadii Waayo-arag, Addis Ababa, 1/1/1983kii,

“Maansadan, Waayo-arag waxay ka faallootay hoggaankii SSDF oo ay Waa-suge u bixisay iyo hoggaankii SNM oo ay Waa-dhawr u bixisay.

Waa-suge habeen buu intuu seexday ku riyooday, isaga oo xilli barwaaqo ah Villa Soomaaliya ku jira, oo lagu waardiyeynayo. Wuxuu nimcadaas ku jiraba, kolkii waagu beryay ayuu is-arkay isaga oo gawaan cidla’ ah jiifa. Wuu u qaadan waayay. Markaas buu maradii haab-haabtay oo gaadhi halkaas joogay shidhka u galay, si uu riyadiisii u rumeeyo oo uu Villa Soomaaliya uga soo dhex tooso. Hase ahaato e’, isaga oo aan meeshii gaadhin buu jar kala dhacay.”

Maansadan Waayo-arag oo dheereyd bal aynu ka soo qaadanno, intii ku saabsanayd riyadii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku degay Villa Soomaaliya. In aanaan Cabdillaahi Yuusuf Axmed been ka sheegaynna waxa daliil u ah maansadan oo ka hadlaysa qofkii uu ahaa, Jeeniweri 1983kii. Waa xilli ku beegan soddon sannadood ka hor, Gaarriyena wuxu berigaa yidhi:

“Haa waa wadhiisii,

Sardhadii walaaqnayd,

Wiswiskiyo waswaaskii,

Wiishkii la tegi jiray,

Hurdadii la wici jiray,

Ee damaca waalani,

Keenada ku wadi jiray,

Caawana la weesaaq,

La wandaafiyoo duul,

Lana soo walaanwali,

Qormadii: 33aad

Waa kan isagii oo dhex jooga Villa Soomaaliya oo dad badani u taagan yihiin soo-dhaweyntiisa, waxaanu yidhi Gaarriye:

Wuxu sheed ka halacsaday,

Ummad weer ka wada siman,

Oo waabab hoos tuban,

Iyo guri wacdaro qaba,

Oo meel barwaaqo ah,

Gunta waadi kula jira,

Oo wiil badraaniyo,

Wiil-waal garoomo leh,

Lagu waardiyeeyoo,

Deyrku waayir leeyahay,

Ooy godolki waaberi,

Shinbiraha wishiirriyey,

Heeso aad u wacan iyo,

Waayo-waayo saareen,

Webiguna dhegaha nabay,

Oo xareedda wadhan iyo,

Waqallada ransanayaa,

Warka hoos u dhigayaan,

Oo weedhka karantiyo,

Warihiyo jidhaamaha,

Onkodkii ku weyraxay,

Danabkuna wisiisiyay,

Oo seer-ma-weydadu,

Waraqyada baldhiidhiyay,

Ku dul weehanaysoo,

Intay dhigatay wiiqii,

Wax xilleysku dhigayaan,

Qorraxduna wac soo tidhi,

‘Odeygeennii’ Cabdillaahi Yuusuf Axmed isaga oo barwaaqadaa ku jira ayu ku hanbabaray isaga oo gaabhiir cidla’ ah hurda, maansadiina waa tan:

“Riyo been ah weeyee,

Isagoo wilwiladiyo,

Wigladaas ku jira buu,

Waa-suge baraarugay,

Mise wuxu kor yaallaa,

‘Wanbarkiisii’ gaabnaa,

Wajaqyoo maraanmaray,

Weeqaaq hareeraha,

Waylaalistii ma leh,

Waaheelku sahansaday,

Ku wareer hummaaggii,

Werwer baa ku kowsaday,

Weerar buu u halabsaday,

Waagiina maba sugin,

Weli waa alleyl dam ah,

Habeen waaxi nooshahay,

Mugdi gaashe weyne ah,

Gaadhiga warraahana,

Waalashiyo waxaa go’an,

Waayirrada indhaha shida,

Is-na waa wadwaad falan,

La-wajaaf habeeno leh,

Laga waani biimaha,

“Waar aayar” lagu yidhi,

Soo joogso laga waa,

Waayeelki loo diray,

Walag way ka quusteen,

Wax kalaa ka salag lee,

Wiyil qooqan heensee,

Baabuurki weetee,

Si aanu waqti uga lumin,

Wade kalena loo helin,

Waddadii taraarsii,

Wabadaran afka u saar,

Qardo-jeex waraaraha,

Waalalowte kala dhacan,

Weeraarta ximanka leh,

Wabataqanta oo idil,

Waaxyaha rakaabkiyo,

Ragga uu wasaashaday,

Ku weydaaray buuraha,

Waarwaarri oo luud,

Dalcadaha waddaranka ah,

Dib u soo walaandee,

Hadba wiil ku taakee,

Una loog waraabaha,

Wuxu “wadhdhac” leeyoo,

Hadba doc isku waababa,

Wuxu qaw ka weecdaba,

Wax la yidhi, Hadraawoow,

Maantaa war joogaa,

Wiriq oodan buu galay,

Shilna wayna daan-weyn,

Xaggu gebi wed baa yaal,

Wadhfiyoo ka soo noqoy,

Mise wager xagguna gebi,

Guntu ‘walac’ isugu timid,

Immikay wargeysyada,

Bogga hore far waaweyn,

Si wanaagsan ugu taal,

‘Wax la waayey, Geelloow,

Ninkii waalan baw duda.”

Idinka oo raalli iga noqon doona, halkan ayaan ku so oaf-jarayaa Qormooyinkan taxanaha ahaa. Malaha waan idin daaliyay. Waxaan dareemay in aanay dadka intiisa badani Qormooyinka badan ama dhaadheerba akhriyin.

Sidaa iyo nabad-gelyo, waxaanan soo dhawaynayaa wixii naqdi ee aniga qudheyda la iga qorayo. La iga odhanayo ma aha, oo anigu wax ma odhan ee waan qoray. Naqdiga qoran ayaan soo dhaweynayaa.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *