Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)(1956kii – 1987kii)

 Waa mar kale iyo Bogaggii Taariikhda soo-jireenka ah. Waa mar kale iyo maalmihii qadhaadhaa ee la isku haleelay goobihii naf-hurka iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Halgan hasaasihiisu bilaabmay dhowr iyo toddobaatannadii qarnigii 20aad. Halgan u digo-rogtay mid hubaysnaa ku-sinnaan 6dii Abriil, 1981kii markii London lagaga dhawaaqay ururkii gobannimo-doonka ahaa ee SNM.

 

 

 

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

 

(1956kii – 1987kii)

 

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

 

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

 

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

 

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

 

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

 

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

 

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –


www.dharaaro.com

 

Qormada: 1aad

 

8/12/2015ka

 

Hormayn:

 

Waa mar kale iyo Bogaggii Taariikhda soo-jireenka ah. Waa mar kale iyo maalmihii qadhaadhaa ee la isku haleelay goobihii naf-hurka iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Halgan hasaasihiisu bilaabmay dhowr iyo toddobaatannadii qarnigii 20aad. Halgan u digo-rogtay mid hubaysnaa ku-sinnaan 6dii Abriil, 1981kii markii London lagaga dhawaaqay ururkii gobannimo-doonka ahaa ee SNM.

 

Muddo sannad ku beegnayd ka dib ayay saraakiishii ugu horreysay iyo Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-galbeed ka gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM ayaa laga yagleelay Durya. Saraakiishii ciidan ee ugu horreysay ayaa xuduudda ka tallowday. Hoggaankii Ururkii SNM ayaa isaguna ka soo digo-rogtay qurbihii oo yimid Itoobiya. Iyada oo la isu soo dhammaaday, ayaa halkaa laga bilaabay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd ee sida buuxda ee xarragada lahayd u guulaystay bilowgii bishii Feeberweri, 1991kii oo Gobolladii Woqooyi laga xoreeyay dooxatadii nidaamkii Siyaad Barre.

 

Maantana ballaysinku waa Bashiir oo ka mid ahaa baashayaashii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Inta aanan qormooyinkaygan kooban u gondo-degin marka hore aan waxoogaa isa saxo oo is-barraxo. Maansadan ‘Dhoobada Hawaas’ ee Timacadde ee aan ka soo ergistay ama ka soo xigtayba Tuducan sare, Diiwaankii Maansada Timacadde ee aan daabacay 2006kii, waxay ku taariikhaysnayd 1964kii. Halkaa qalad ayaa ku jira aan ogaaday 2012kii aniga oo Jabuuti kaga qayb-gelayay 40-guuradii qoraalkii far-soomaalida. Berigaa hore ee aan Diiwaanka daabacay waxaan u haystay oo aan aamminsanaa in uu tixdan ka tiriyay dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya dhex maray 1964kii. Bal se, 2012kii waxaan ka ogaaday niman reer Ayshaca ah in uu tixdan ka tiriyay xasuuqii Ayshaca ka dhacay 1961kii. Qodobkaasi waa mid sixitaan ah oo Daabacaadda Saddexaad ee Diiwaanka Maansada Timacaddena ku soo bixi doona, haddii Eebbe idmo. Waa Diiwaan qormay oo daabacaad diyaar u ah, waana kii saddexaad ee aan anigu qof ahaan Timacadde ka qoro. Waxa dheer mid xul ah oo Ingiriisiya oo aan ku koobay maansooyinka caalamiga ama goboleedba ah.

 

Marka xiga tuducan ballaysin iyo baalallayn ugama dhigin qormooyinkan kooban ee aan Mujaahid Bashiir maamuuska iyo muquunada uga dhigayo oo keliya e’, bal se waa tixdii iyo tuducii uu ugu jeclaa Bashiir Maansada Timacadde. Beydka tuducan ugu danbeeya ee ah: “Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,” eed ku geli maayo haddii aan idhaahdo Mujaahid Shahiid Bashiir afka kama dhigi jirin. Xirsi-xidh iyo belaayo-xijaab aanu marnaba dhigin ayuu u ahaa. Wuxu dhaqan iyo caadaba u lahaa in uu suunka gashado oo isaga oo isku laaban ku xidho Diiwaankii Timacadde ee ugu horreeyay oo xanbaarsanaa 54 maanso oo la daabacay 1983kii. Waqtiyadiisa firaaqada ah, haddii uu helaba kaas ayuu ahaa wixii u soo raaci jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee uu naftiisii qaaliga ahayd u huray isaga oo soddon-jir ku shahiiday Hargeysa dhexdeeda. Waa sidii ay igu yidhaahdeen xogogaalkii ku lammaanaa ee ay inta badan wada socon jireen.

 

Intaasi ha inoo noqoto hormayn iyo arar dadab-galkeediiba. In badan ayaan ku taamayay in aan mar uun qalinkayga iyo waqtigaygaba u huro mudanka hal-doorradii ummaddan naftoodii u soo sadqeeyay. Maalintaas aan inta badan sugayay, waa taas maanta ina soo martay. Marka Ilaahay qaddaro ayay wax waliba qabsoomaan. Maanta ayaynu doonisteennii iyo qaddarkii Eebbeba isla haynaa. Waxa i dhiirri-geliyay sahankii cilmi-baadhista mowduucan aan u sameeyay oo aan ku helay waxyaabo badan oo togan oo laga dhaqaaqi karo si wax looga qoro shakhsiyaddii la-yaabka lahyd ee Maxamed Ibraahin Xirsi oo magac-halgameedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir.

 

Waxyaabaha ugu mudnaa ee i dhiirri-geliyay waxa ka mid ahaa sawirka ku suntan qormooyinkan ee Bashiir. Ilaahay ka abaal-mariyo e’, waxa iigu deeqay ama inoogu deeqdayba Marwo Sahra Maxamed Cajab, xaaskii Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo ahaa Gudoomiyihii 3aad ee SNM, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa sawir ku jiray keydkii sawirrada ee Damal Koosaar.

 

Mujaahid Bashiir, waxa Taliye u ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah dadkii aanu ka wareysannay. Mar uu ka hadlayay Mujaahid Bashiir iyo Mujaahidiintii ay isugu dhawaayeen waxyaabihii ay aamminsanaayeen, waxaanu ka gunudnay:

 

“……………Nimankaasi, waxay aamminsanaayeen in cadawga gudaha loogu dhaco oo lagu cabsi-geliyo halka ay joogaanba, ma ay aamminsanayn dagaalkii dibadda laga qaadayey. Waxaa nimanka weheliya oo is-na saddex ku ahaa nin la yidhaahdo Ismaaciil Cabdi Taani oo Sarkaal Boliis ah ahaa oo sheekh ah oo had iyo jeer saddexdoodaas ayaa isku dhinac ahaan jiray oo meel wada seexanayey, iskuna go’aan ahaa.”

 

Waxay ila tahay saddexda qof ee Muuse Biixi sheegayo in aad laba haysaan oo Bashiir iyo Ismaaciil Cabdi Taani ah. Ninka saddexaadna waa Mujaahid Shahiid Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Raage-bidaar kuna shahiiday Xeebta galbeed isaga oo ka tirsanaa Guutadii 99aad. Wuxu halganka ku soo biiray isaga oo ahaa ganacsade watay baabuur Mercedes 19 ah. Inta uu taayirradii ka saaray oo dallacay, ayuu qoriga qaatay oo weliba Taliye u noqday kooxdii hawlaha ugu khatarsan qaban jirtay ee sahanka gudaha.

 

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Male rag waa mudacyo afkood.” Waxa lagu jiray halgan hubeysnaa oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM horseed ka ahayd. Waxa intaa noo dheeraa in uu ahaa halgan hubeysnaa oo siyaasiya oo weliba lahaa baadi-sooc dadweyne ama ahaaba waxan afka qalaad lagu yidhaahdo ama loo yaqaanno “Guerilla warfare.’ Wuxu ahaa dagaal noociisu ku cusbaa dadk

 

a Soomaaliyeed meel ay joogaanba. SNM, jabhad ahaan waxa ka horreysay oo dagaalkan hubeysan ballaysin u ahayd jabhaddii aan tisqaadin ee SSDF. Waxa intaa weliba sii dheeraa in ay SSDF ku dagaallamaysay qaab millateri ama waxa loo yaqaan ‘conventional war’ oo aanay marnaba adeegsan qaab-dagaaleed dadweyne. Jabhad hubeysan oo shacbiga ku tiirsanayd ma ay ahayn, bal se waxay ahayd jabhad dadku iyada ku tiirsanaayeen ama wax moodi jireen oo u doonan jireen. Waa sababihii ay u noqotay dimuqraaddi-ka-baxa ee ay digtaatooriyaddu u qabsatay markii danbena u baaba’day.

 

Waayihii jabhadeed ee ay SNM ku bilaabantay kuna soo af-meertay halgankeedii hubeysnaa ayaa ahaa qaabkaa dadweyne oo ay ku soo caano-maashay in kasta oo xilliyadii danbe dagaalka loo adeegsaday hubka waaweyn oo ay teknikadu ugu badnayd. Ugubnimada noocan dagaal ee cusub ayaa keentay in lagu doodo oo lagu murmo qaabka loo xoreynayo dalka. Codka iyo saamaynta ugu badan waxa iska lahaa saraakiishii ka soo digo-rogatay ciidammadii xoogga dalka ee Soomaaliyeed oo u janjeedhay qaabka dagaal ee nidaamiga ah ama millateri. Waxa se jiray rag badan oo fikirkaa mid ka duwan qabay oo culayska saarayay:

 

  • In halganka loo wareejiyo dalka gudihiisa,

 

 

 

  • In qaabka dagaalku noqdo mid dadweyne oo aan loo iilan ka dagaalka nidaamiga ah ee millateri,

 

Kaftanno badan oo maadeed ayaa ka dhacay qaababkan dagaal iyo sidii la isugu maan-dhaafsanaa. Abiib-dhagax oo ka mid ah aasasayaashii Guutadii 4aad ee unugga u ahayd ciidammadii xoreynta ee SNM ayaa maalin hawl-gal loo diray meel aan ka fogeyn Gadhka-yogol. Sarkaal aan u malaynayo in uu ahaa Ina Biixi ayaa u dhiibay ‘kaartadii’ dagaalka oo sawiran. Mujaahid Abiib-dhagax oo ciidanka duulayay kaxaysanayay, ayuu ku yidhi: “Laagtaa ma aragtaa? Xabbad miino ah ayaa ku jirta ee iska ilaali.” Mujaahidku ‘kaarto’ iyo warkeed maqal mooyaan e’, ma uu arag. Sahanka wuu dirtaa, waajibaadkana wuu gutaa. Sidaas ayuu u yaqaannaa dagaalka. Mujaahid Abiib oo sawirkan la hor dhigay ka yaabban, ayaa Muuse ku yidhi: “Horto miinadan aad sheegayso meesha ka saar.” Wixii meesha joogayba, qosol ayay jaanta wadheen.

Is-maan-dhaafyadii ciidanka iyo saraakiishii millateriga waxa kale oo aan ka xusuustaa dhacdo aan goob-joog ka ahaa annaga oo ku sugnayn Tuulada Gob-yarrey oo ah Tuulada ugu xigta Wajaale marka xagga Jigjiga lagu socdo. Waa xilli ku beegnaa 21kii Oktoobar, 1982kii. Waxay ahayd gelin danbe. Ciidammo ka tirsanaa Gutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey oo ahayd unuggii iyo aasaaskii ciidammada xoreynta ee SNM ayaa weerar u darbanayd. Korneyl Aadan Saleebaan Cabdi ayaa xaashi ballaadahan oo ‘filip chart’ ahayd u dhiibay Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul, oo ciidanka sii kaxaysanayay. Sida dhaqanku yahay, ‘kaartadaa’ waxa ku sawirnaa awoodda cadowga oo lahayd: Jiibab, Madaafiic, Beebbeeyo iyo taangiyo wixii uu cadawgu haystay ama lahaaba.

Taliye Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul oo aan waxan oo kale hore u arag ayaa yidhi: “Ciidanka ayaa kaxaysanaya?” Waxa loogu jawaabay: “Adiga.” Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul, ayaa intaa ka dib yidhi: “Sahankayga aniga ayaa diranaya, qaabka aan u dagaal-gelayana aniga ayaa samaysanaya ee ha la ii sheego keliya waxa loo baahan yahay in la sameeyo ama hawl-galkan lagu fuliyo.” Dhuxul maalintaa qaab-dagaaleedkii loo sawiray waxa ku caddaa in uu magaalada Tog-wajaale saddex jiho ka weeraro. Galbeed oo ahayd in uu xaggan Jigjiga kaga tago, xagga Magaalo-cad in uu kaga yimaaddo iyo dhinaca Geed-ballaadh. Dhuxul, wuxu u sheegay nimankii saraakiisha ahaa in dhinacan Jigjiga soo xigaa miinaysan yahay. Dhuxul maalintaa wuxu go’aansaday dhinaca saddexaad ee uu Wajaale ka soo gelayaa in ay noqoto xagga Kalabaydh oo weliba uu isagu unuggaa ku soo hoggaamiyo Tog-wajaale, sidiina waa uu yeelay.

Hadba meersis ayaynu tolaynaaye, maanta ta aynu haynaa waa taariikh-nololeedkii Maxamed Ibraahin Xirsi oo loo yaqaannay ama magac-dagaaleedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir.

Taliyayaashii ciidammada xoreynta ee SNM ee sida aadka ah u aamminsana dagaalka dadweynaha (popular war), waxa kale oo aynu tusaalayaal u soo qaadan karnaa hoggaamiyihii weynaa ee Maxamed-cali Faarax oo Jabhaddii Soomaali-galbeed ka soo jeeday dibadahana lagu soo carbiyay. Waxa kale oo tusaale nool inoo noqon karaya Taliye Maxamuud Xaaji Xasan oo loo yaqaannay Mujaahid Hurre oo asalkiisii hore ahaan jiray macallin, beryihii danbena waayaha jabhadeed u tababaray in uu noqdo Taliye ciidan isaga oo ka gaadhay derejada ah Taliye Aag (Sector Commander). 1986kii ayuu Hurre shahiiday, halka Maxamed-calina ka shahiiday 1988kii.

Wax waliba barashadiisa ayuu leeyahay e’, duruuftii cusbayd ee jabhadnimo ayaa qasabtay in la irkado ama loo iisho qaab-dagaaleedkii dadweyne (Guerilla), saraakiil badan oo kulliyadihii ciidammada ka soo baxdayna waxay noqdeen Mujaahidiin curis iyo hal-abuurba leh.

Qormadii ku soo noqo. Mujaahid Shahiid Bashiir qiimayntiisa iyo qaddarintiisu maanta ii ma aha. Xaashaa wujuud! Isaga oo nool oo halgamaya ayuu ii qiimaysnaa, weliba waxaan ka mid ahay intii aragtay ee nasiibka u yeelatay in ay sheeko la wadaagto. Waa bilowgii 1987kii. Waxaanu joognay Diri-dhabe. Xafiiskii SNM ee saldhiggaas Raamaale ayaanu Mujaahid Bahiir iyo saaxiibkii oo Khadar Abshir Xuseen la odhan jiray ku kulannay. Dhowr maalmood ayaanu is-aragnay oo wada sheekaysannay. Markaa dilkii Axmed Aadan oo ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Hargeysa waxa laga joogay maalmo kooban. Maalin maalmahaa ka mid ahayd ayaan Mujaahid Bashiir ka codsaday in uu hawl-galkaas ii qoro. Buug yar oo kuwan dugsiyada carruurtu ku tagto ayaan u dhiibay iyo qalin. Waxaan filayaa in uu saddex ilaa afar bog wax iigu qoray sidii hawl-galkaasi u dhacay. Habeenkaa 19kii Diisambar, 1986kii wixii goobtaa ka dhacay ayuu isku koobay. Hal mar ayaan waraaqahaa sawiray, nuqulkiina waxaan Hotel Kaaraa-mardha hortiisa oo xagga woqooyi-bari ah ugu dhiibay Guddoomiyihii SNM oo markaas ahaa Axmed-siilaanyo oo markaa baabuurkiisii caddaa fuulayay. Warqaddii isirka ahayd ee Mujaahid Bashiir ii qoray waxay raacday oo lagu qaatay sanduuqyadii ciidammada Siyaad Barre ay ka qaateen xaruntii SNM, berigii ay soo galeen, Diisambar 1990kii.

Sidii uu Mujaahid Bashiir iigu qiimaysnaa waxa daliil cad u ah, wiilkaygii iigu dhashay Durya 14/2/1990kii in aan u bixiyay Bashiir. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor oo markaa Hargeysa ka soo qaxday oo Durya nala deggenayd, ayaa iyaduna wiilkan dhashay u bixisay Ayaanle. Saamayntii la yaabka lahayd ee ay Hooyaday qoyska ku lahayd awgeed, magacaygii ma tis-qaadin ee magacii Hooyaday bixisay ayaa tis-qaaday, kamana xumi. Waxaan sheekadan gaaban uga gol leeyahay in aan akhristaha tuso halka uu qof ahaan Mujaahid Bashiir iga taagnaa tan iyo maalintaas.

 

Intan aan immika diyaarinayay qormooyinkan taxanaha noqon doona ee Mujaahid Bashiir, ayaan xaaskayga Mujaahid Faadumo-cawo weydiiyay Maryan oo ay Bashiir walaalo yihiin oo ay isku yaqaanneen Xaafadda Kood-buur, meel Saldhigga Booliska bari kaga dhejisan. Mujaahid Faadumo-cawo waxay ii sheegtay maalintaas in ay qof ahaan u taqaannay Bashiir oo uu ugu iman jiray gurigayagii Jigjiga. Wuxu ku soo maray maalintan uu u soo ambo-baxayay Hargeysa ee uu shahiiday. Waxay xusuusataa sidii uu ugu faraxsanaa in uu Hargeysa ku socdo. Waxa kale oo uu u sheegay in ay dalka dhakhso u xoreyn doonaan oo si deg-deg ah dalkii loogu wada noqon doono. Waxay intaa iigu dartay in ay aad u dareentay intii yareyd ee uu la joogay sida uu qabyaaladda u nebcaa. Keligay ma aha ee xataa qoyskayga ayaa helay fursaddaa ay Mujaahid Bashiir ku barteen. Qof farxaan ah oo qalbi furan ayuu ahaa sidii ay Mujaahid Faadumo-cawo ii sheegtay.

Maalmahan ayaa iigu horreysay in aan go’aansado in aan Mujaahid Bashir si hagar-la’aan ah wax uga qoro. Horeba hindisuhu wuu iigu jiray, laakiin is-ma aan lahayn macluumaadka aan immika helay oo kale waad helaysaa. Macluumaadkan aan cuskanayaa laba ilood oo muhiim ah ayay ka soo burqadeen:

  1. Xubno ka mid ah qoyskiisa iyo xigto aad ugu dhow,
  2. Dadkii la soo hawl-galay ee ay ciidammada wada ahaan jireen, gaar ahaan kuwii ay ka wada hawl-geli jireen sahankii gudaha ee la yabka lahaa,

Dhalashadii Maxamed Ibraahin Xirsi (Mujaahid Bashiir):

Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi oo loo yaqaannay ama magac-dagaaleedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir, wuxu ku dhashay magalada Geed-ballaadh, 1956kii sida uu ii xaqiijiyay walaalkii Cabdiqani oo loo yaqaanno Abaadir. Waxa kale oo iyaduna sidaas aamminsan oo ii sheegtay Maryan oo da’ ahaan ku xigtay isaga. Hooyadii waxay ahayd Caasha Sheekh Cabdillaahi Ciise, waxaanay ku dhimatay magaalada Hargeysa muddo immika laga joogo lix sannadood ka hor, sida ay saaka (10/9/2015ka) ii caddaysay Maryan oo aan Hargeysa ku booqday saaka meheraddeeda Degmada Kood-buur ku taal. Waxa kale oo ay Maryan ii sheegtay in aabbaheed Ibraahin Xirsi Kaahin, isaguna ku geeriyooday magaalada Hargeysa, bishii Oktoobar 1993kii.

Qoyska Reer Ibraahin Xirsi

Aniga oo xogtan ka martiyay Cabdiqani Ibraahin Xirsi (Abaadir) oo ay Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) walaalo ahaayeen, bal aan si aad u kooban u dul-marro xubnihii qoyskaas, wax nool iyo wax dhintayba.

Ibraahin Xirsi Kaahin oo odeyga reerku ka tafiirmay ahaa, wuxu ku dhashay Geed-ballaadh, waxaanu noolaa 1909kii-1993kii. Halkaas ayuu ku koray, kuna soo barbaaray. Waxay ahaayeen xoola dhaqato geelley ah. Geel badan ayuu lahaa, waxaanu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen Xasan Xirsi Kaahin iyo Maryan Xirsi Kaahin.

Xasan Xirsi Kaahin

Xasan Xirsi Kaahin, wuu dhintay waxaanu ka tegay laba wiil oo kala ahaa Ismaciil iyo Cismaan. Xasan markii uu dhalay labadaa nin ayuu ku dhintay dagaal ka dhacay geelal la kala qaaday oo Ogaadeenka dhex maray. Xaaskiisii oo ahayd Faadumo Maxamed Askar waxa dumaalay Ibrahin Xirsi Kaahin, waxaanu ahaa guurkiisii ugu horreeyay.

Maryan Xirsi Kaahin

Waxa guursaday Gahayr Odowaa, waxaanayy dhashay afar wiil iyo afar gabdhood. Waxay Bashiir xidhiidh fiican lahaayeen oo ila immika reerka ku xidhan Xaashi Gahayr Odowaa oo Mujaahid weyn ahaa.

Cismaan Xasan Xirsi

Xukuumaddii Siyaad Barre ayaa ku toogatay Hargeysa horraantii 1987kii markii gurigiisa laga soo saaray qori AK47 ahaa oo Bashiir ku aasay. Garo’ oo waxa Cismaan la tooganayaa dilkii Axmed Aadan ka dib. Wuxu ka tegay afar wiil iyo laba gabdhood oo dhammaantood hooyadood la nool.

Ismaaciil Xasan Xirsi

Ismaaciil waa uu ka weynaa Cismaan. Markii Cismaan la toogtay ayuu dumaalay xaaskiisii oo ahayd Xasna Ceelaabe, waxaanay u dhashay inan keliya waanu nool yahay, waana dhallinyar. Ismaaciil wuxuu dhintay miyiga markii aynu dalka soo galnay.

Caruurtii Ibraahin Xirsi Kaahin

Bah-Faadumo Maxamad

Axmad Ibraahin Xirsi

Curad dhashay 1940kii, wuxu ku dhintay Gabilay 1986kii isaga oo markaa aroos ah. Waxa la sheegay in uu wadnuhu is-taagay. Geeridiisa murugada ka soo gaadhay abbihii Ibraahin Xirsi aad iyo aad ayay u xanuun badnayd. Cabdiqani xanuunkii maalintaas aabbihii gaadhay wuxu ku sifeeyay in uu ku dhawaaday sidii Nebi Yacquub in uu indho-beelo. Waxay ahayd tii ugu naxdinta badnayd ee abidkii soo marta.

Aw-Maxamad Ibraahin Xirsi

Wuxu dhashay 1945kii. Wuu nool yahay, waxaanu deggen yahay Calool-la’, waa xaas carruurna weli ma yeelan.

Caasha Ibraahin Xirsi

Waxay dhalatay 1950kii, way nooshahay waxaanay leedahay 13 caruura,

Sadexdaasi isku bah ayay ahaayeen waana bahda waawayn hooyadoodna waa:

Faadumo Maxamad Ducaale Askar,

Waa Bahdii ugu horreysay ee Ibraahin Xirsi Kaahin oo dumaal ahayd. Markaa ka dib ayuu guursaday Bahdiisii labaad oo ahayd Caasha Sheekh.

Ku-biiritaankii Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi ee SNM

Maxamed Ibraahin Xirsi, bilowgii 1984kii ayuu Gebilay yimid, ka-dib markii uu muddo gaaban ku sugnaa dalka Ciraaq. Markiiba wuxu u ambo-baxay magaalada Jabuuti. Ka-dib wuxu u soo xadhko-xidhay xaggaa iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Isaga oo ay isa sii raaceen Mujaahidiin kale oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Yaxye Cabdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi, Ina-abtigii, Maxamad Ibraahin Geeddi,
  2. Cumar Aadan Cawaale,
  3. Ismaaciil Cabdi Taani,
  4. Dayib Cali Nuur,
  5. Xaashi Gahayr,

Wuxu ku biiray xoogagga SNM, bishii Ogos 1984kii, markaasi oo magiciisii hore uu u beddelay Bashiir Muxumed Yuusuf. Intii aan SNM ka tirsanaa, garan maayo Mujaahid magaciisa beddelay oo magac-dagaal (Nom de guere) samaystay. Waan arkay ama maqlayba Mujaahidiin naanayso kula baxday halgankii hubeysnaa, bal se sidaa Mujaahid Bashiir cid magac-dagaal samaysatay waa ii kow. Waa meelaha aad ka dareemayso ama ka garanaysaba sida uu ugu soo talo-galay jihaad dhab ah oo uu naftiisa ku sadqeeyo in uu galo.

Ka-sokow in uu Mujaahid ahaa, waxa kale oo ka muuqday dhaqan-halgameedkiisii in uu ahaa kacdoon-huriye ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Revolutionry’ aamminsana oo ku dagaallamay kacdoon iyo gadood dadweyne, sidaana naftiisii ku sadqeeyay. Wuxu ahaa qaab cusub oo horumarsanaa oo aan is-leeyahay malaha SNM, haddii ay halgankaas kuu sii jiri lahayd, waa ay u-digo-rogan karaysay, haddi aanay hoggaan-xumo ku dhicin.

Xilligaa uu Jabuuti uga soo ambo-baxayay ka-qayb-galka halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, ka-sokow in uu go’aansaday in uu naftiisa huro, Mujaahidiintii ay maalintaa wada socdeen qaar ka mid ah ayaa ii sheegay in af-duubkii diyaaraddii Somali Airlines ee Adis-ababa la soo dejiyay 11984kii ay sii dhiirri-gelisay.

Markii aanu bilownay daabacaadda Qormooyinkan Mujaahid Bashiir ku saabsan ayaanu la kulannay Mujaahid Abshir Nuur oo Kanada ka yimid oo beryahaa ahaan jiray wakiilka SNM ee magaalada Jabuuti, waxaanu noo sheegay oo aanu ka duubnay:

“Alle ha u naxariistee Bashiir markii uu Jabuuti ka soo degay waxa uu haystay waraaqo Jabuuti ah oo ah nooca la yidhaahdo Kaar-dameer oo muwaaddin buuxa ma uu ahayn. Waxa weeyaan qofka sidaas ahi ma codeyn karo lamana dooran karo, laakiin wuxu ahaan karaa muwaaddin ku shaqeysan kara ama wax ku qabsan kara. Warqadda noocaas ah ayuu haystay, ka-dib markii uu damcay ee uu doonay in uu SNM-ta ku soo biro, ayuu xafiiska iigu yimi, waxaana uu igu yidhi ii soo samee Fiisahii aan ku tegi lahaa Itoobiya, magacaygana ha igaga qorin. Waayo? Waxa aan haystaa waraaqahaas Jabbuuti oo way iga xumaanayaan. Ka-dib waxaan ku idhi, waa ok aniga ayaa magac kuu bixinaaya, magacayga ayaana aan magac kaaga dhigayaa magac, markaas ayaan ku idhi adiga waxa lagu yidhaahda Bashiir oo magacayga ayaan magac kaaga dheegayaa sidaas ayaana uu ku dhoofay, kuna yimid dalka markii dambena uu jabhaddii ugu soo biiray.Muddada aanu is-naqaannay horta may badnayn, farsamadiisuna waxa ay ahayd Wastaad, oo markii uu Jabuuti joogayba wastaad ayuu ahaa, wastaadnimo ayuu ku shaqeysanaayey se markii uu aniga ii imanaayey waa uu ka qancay wastaadnimada iyo waxaas oo waxa uu goostay in uu ku soo biro jabhadda, marka runtii wax aqoon ah oo badan isu maanan lahayn, waa uu isu kay sheegay, markii uu isu kay sheegayna waan gartay, marka wixiisana sidaas ayaan ugu bedelay oo aan magaca kalena ugu soo bixiyey, kuna yimi oo uu jabhadda ugu soo biiray Laydh gelinta iyo wastaadnimadana labadaba waa uu ku shaqeynaayey. Bashiir waxkhtigaa uu aniga ii yimi nin dhallinyaro ah dayuu ahaa oo runtii markaaba u muuqday in ay ka soo go’an tahay howshan in uu gallaa oo uu u soo badheedho. Warqaddiina waan raadin, waayo 15kii sanno ee u dambeeyey waraaqahaygii qol ayey ku xidhan yihiin.”

Markii ay Mujaahid Bashiir iyo saaxiibbadii soo gaadheen xarumihii maamul iyo saldhigyadii Jabhaddii SNM, waxa lagu jiheeyay oo ay galeen Dugsigii Tababarka Ciidanka ee Awaare oo ay ii sheegeen in ay ku jireen muddo sagaal bilood ah. Looga-qaateenkii ay wada socdeen oo aan wareystay, waxay ii sheegeen in Mujaahid Bashiir dirawal ahaan loo qaatay, markii uu tababarkii dhammaaday ee ciidankii dhammaystay la kala qaybinayay. Mujaahid Bashiir, waxa kale oo intaa u dheeraa in uu noqday Taliye-xigeenka ciidanka sahanka, kaas oo uu Taliye u noqday Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Mujaahid Raage-bidaar oo hore u ahaan jiray nin ganacsade oo ku shaqaysan jiray baabuur Mercedes ah oo 19 ahaa, kaas oo uu keymihii miyiga ku dallacay, kana door-biday in uu noqdo Mujaahid naftiisa u hura xoreynta dalka iyo dadkaba.

Mujaahidiinta looga-qaateenka ah ee aanu ka wareysannay Mujaahid Bashiir, waxa kale oo ka mid ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay Talis ahaan hoos iman jireen oo ay wada hawl-geli jireen.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo ka warramayay markii ugu horreysay ee ay Mujaahid Bashiir kulmaan ama is-bartaanba ayaa yidhi:

“…..Bashiir waxaanu annagu isugu nimid Jabhaddii SNM. Wuxu ka yimid Gebilay, waxaanan filayaa in ay ahayd 1985kii. Mujaahidkaasi, wuxu ii yimid isaga oo diyaarsan. Dadka qaar waa la tababaraa, qaarna iyaga oo tababaran ayey kuu yimaaddaan.”

Mujaahid Bashiir ma keli ama suke ayuu ahaa markii uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi u yimid? Muuse Biixi oo su’aashaa ka jawaabaya, ayaa yidhi:

“…..Ninkaa waxa gacanta ku hayey oo ay saaxiib ahaayeen Mujaahid Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Raage-bidaar. Mujaahid Bashiir ninkaas ayay saaxiib ahaayeen oo ay wada socdeen oo laba nin oo isku nooc ah ayay ahaayeen. Waxay ahaayen niman halganku ka dhab ahaa, niman naf-hurid u yimid oo iyagu ‘Commanda-rro’ ahaa, iyagu askar ah, Taliyeyaal ah, siyaasiyiin ahaa oo go’aan-qaadasho lahaa.”

Marka aynu ku eegno indhaha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Bashiir caynkee ayuu u ekaa ama qof caynkee ah ayuu ahaa?

Waa kan Mujaahid Muuse Biixi oo jawaabta su’aashaas inoo baacinayaa, waxaanu markanna yidhi:

“……Markaa ninkaasi wuxu ahaa nin dhuuban oo dadkan la yidhaahdo waa weyd ah. Wuxu ahaa nin dheer oo cas. Mujaahid Bashiir ma uu ahayn nin balwadeed oo waa uu ka duwanaa badanka Mujaahidiinta oo had iyo jeer qaadka iyo sigaarka ku waallaa. Mujaahid Bashiir qaadka wax yar ayuu ka cuni jiray. Ma uu ahayn nin kaftan iyo hadal badan, bal se wuxu ahaa nin ku mashquulsan halganka oo keliya oo aanay waxba u labayn. Isaga iyo Raage-bidaar waxay cajiib ku ahaayeen in aanay marnaba kuugu iman si ay kuu wareystaan oo ay kugu wareeriyaan ama kugu scel-celiyaanba: ‘Maxaa la yidhi?’ Afkoodu, ma uu aqoon weedhaas. Afkoodu wuxu yaqaannay oo qabatimay: ‘….Qorshe ayaan haynnaa, war sugan ayaanu soo helnay iyo waxaan ku talin lahayn.’ Intaa ka dib, waxay kuu soo qaddimaanba, waxay ahayd fikrad dagaal.”

Mujaahid Bashiir markii uu saldhigga yimidba, waxa la geliyay tababar yar. Waxa loo diray Dugsi Tababar oo gaar ah oo ay ciidammadii SNM ku lahaayeen meel koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Qabri-bayax ee Kililka 5aad ee Itoobiya ee Soomaalida. Wuxu ahaa dugsi si gaar ah loogu tababari jiray ciidammada loogu talo-galay in ay magaalooyinka ka dagaallamaan ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Urban war.’ Dhallinyaradii dugsigaa wax ku baran jirtay ama lagu carbin jirayba, Bashiir waa uu ka yar weynaa. Dhallinyaradaa waxa ka mid ahaa Maxamed Weere, Cumar Miino iyo qaar kale oo badan.

Mujaahid Bashiir intii aanu iman dugsigaa Qabri-bayax, qiimayn lagu sameeyay waxa lagu ogaaday in uu u baahnaa dab-ridka oo hubka noocyadiisa kala ah: Baastooladda, AK-47ka, BKM-ka iyo RBJ-7-ka oo uu intaas si fiican u maamulo. Codsigii Mujaahid Bashiir ee xilligaas ayaa u badnaa in uu intaas oo qudh ah uu tababarkooda ka ciil-baxo.

Mujaahid Bashiir waxa lagu wareejiyay si uu u carbiyo Mujaahid Indho-case oo ‘Kamaandowsta’ ahaa. Waxa kale oo ku lammaanaa Mujaahid Raage-bidaar. Dardaarankii Mujaahid Indho-case la siiyay wuxu ahaa in uu rasaasta u badiyo oo uu inta uu doono u qaado RBJ-7-ka mooyaan e’. Laba maalmood markii ay u baxeen dab-ridka, ayaa waxa Mujaahid Muuse Biixi loo keenay natiijadii.

Muuse Biixi oo natiijadii dab-ridkaa ka soo baxday ka hadlayay, wuxu yidhi:

  • Baastooladdana waa 90%,
  • Qoriga AK-gana 100%,

Intaa ka dib, Mujaahid Indho-case waxa la faray in uu hubiyo in Mujaahid Bashiir orod wax ku ridi karo oo wax ku toogan karo. Meel ayaa loo dhigay wax uu toogto isaga oo ordaya, waxaanu qiimayntii keenay wax wanaagsan. Waxa ka sii fiicnaan lahayd in lagu tababaro yool ordaya, laakiin markaa lama hayn.

Aniga oo qaybo badan oo xogtan ah marti uga ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, bal aan idiin soo daayo isaga oo ka hadlaya Mujaahid Bashiir iyo sahammadii gudaha, waxaanu yidhi:

“….Horto, ninkaasi ninka sidaas dagaalka ugu xariifka ah ayuu ahaa, waxaana aan u soo diray dhowr hawl-gal (Mission) oo hore isaga, Raage-bidaar iyo Fooxle. Markii ugu horreeyey sahan gudaha ah ayay soo dhammeeyeen. Waxay soo sugeen yoolalkii aanu doonaynay, waa ay soo noqdeen. Yoolkii hore ee ay ka soo noqdeen waa uu naga dhicisoobay. Mar labaad ayay soo noqdeen. Gaar ahaan, waxaa soo noqday isaga, Raage-bidaar iyo Ismaaciil Cabdi Taanigan nool, ka-dibna waxay soo taabteen badda Bullo-xaar. Waxay ka soo lugeeyeen Durya. Soo-noqodkii labaad waxay soo sahamiyeen meelo aanu hub dhiganno. Hubkii waxay ku aaseen meelo u dhow buurahan ka hooseeya Agabbar. Markii ay laba door geeyeen waxa u qorshaysnaa in halkaa hub badan la dhigo, buuraleydaa la fadhiisto oo dariiqqaa Jabuuti la kala gooyo. Nin basaas ahaa, si uu u ogaaday mooyaan e’ oo reeraha meesha deggan ahaa ayaa qoday xabaalihii ka-dibna la baxay hubkii, waxaanu u sheegay ciidammadii Siyaad Barre. Bashiir, Raage-bidaar , Ismaaciil Cabdi Taani, Fooxle iyo Cali-sandheere, waxay go’aan ku gaadheen in ay helaan ninkii hubka la baxay. Inta ay Durya ka soo lugeeyeen ayay raadkiisii gureen, waanay ku guulaysteen in ay helaan.

Tababarkaas, markii uu Mujaahid Bashiir dhammeeyey ilaa saddex, afar jeer oo kale ayaan Hargeysa u soo diray oo sahan iyo yool sugan ah. Saddex ayaa naga khasaaray, kii ugu horreeyey ilaa kii uu ku dhintay.”

Hawl-galkii Abaarso:

Sida aan ka weriyay looga-qaateenkii ka qayb-galay, hawl-galkan waxa laga fuliyay magaalada Abaarso 17kii Oktoobar, 1986kii. Waa maalin amran. Waa mid ka mid ah maalmaha xuska iyo xusuustaba ka mudan Mujaahidiinta iyo dhammaan geyiga Somalilandba. Waa maalin ku beegnayd sannad-guuradii 2aad ee Xuska maalinta shuhadada oo ka soo bilaabantay 1984kii. Inta badan hawl-gallada SNM iskama ay dhici jirin, bal se dabka ayaa loogu xiddigin jiray si loo muuneeyo loona maamuuso maalmahaa dhawrsan ee halgameed.

Lix Mujaahid oo muddo laba habeen ah socod lug ah kaga soo maqnaa magaalada Dibiile oo ay ka soo ambo-baxeen, ayaa goor ay saacaddu ku beegnayd qiyaastii ila 6.30kii subaxnimo kula kulmay magaalada Abaarso saddex baabuur oo ay wateen nin caddaan ah iyo lix ilaa toddoba Soomaali ahi. Lixda Mujaahid waxay kala ahaayeen:

  1. Axmed Ibraahin (Raage-bidaar),
  2. Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir),
  3. Nuur Muhindis,
  4. Mooge Xasan Samaawiye,
  5. Maxamed Odowaa,
  6. Maxamed Cali Guuleed (Ina Indho-case),

Magacyadan Mujaahidiinta waxaan ka martiyay oo ii yeedhiyay Nuur Muhindis. Mujaahidiintu saddexdii Baabuurba halkii ayay ku furteen kuwaas oo kala ahaa laba Land-cruiser iyo Xaajiyad ‘singeer’ lahayd. Hal Land-cruiser oo caddaa Guddoomiyaha SNM ayaa lagu maamuusay, labadii kalena ciidanka ayaa adeegsan jiray. Wax khasaare ah oo Mujaahidiinta soo gaadhay ma jirin.

Baabuurkan Guddoomiyaha oo uu dirawal ka ahaa Mujaahid Cabdi Xiis, ciidammada cadowgu 29kii Diisambar 1990kii, mar ay soo weerareen xaruntii SNM ee Balli-gubadle ayay dib u kaxaysteen.

Waxa kale oo isaguna jiray baabuur land-rover ahaa oo ay boolisku lahaayeen oo oo uu wadan jiray sarkaal la odhan jiray Bay-lambar oo ay SNM af-duubtay oo lagala noqday oo ay haddana mar kale soo kaxaysatay. Nin Mujaahid Ismaaciil la odhan jiray ayaa isagana waday.

Hawl-galkii Colka wadhaf ma lagu deyay:

Magaca Hawl-galka waxaan ka soo xigtay Cismaan Awr-liqe. Waa mid ka mid ahaa hawl-galladii ugu dhiirranaa uguna mudnaa ee ay SNM ka fuliso magaalada Hargeysa dhexdeeda goor cawayskii ku beegnayd, 19/12/1986kii. Dhowr jeer ayaa sahanka la kala qaaday oo la hubiyay. Markii si sax iyo maan ah loo sugay sahankii ayaa la soo diray saddex Mujaahid oo kala ahaa: Mujaahid Bashiir, Mujaahid Cismaan Awr-liqe iyo Mujaahid Nuur Muhindis.

Mujaahidiin badan oo kale ayaa hawl-galkaas ka qayb-qaadatay oo qofba kaalin kaga jiray, waxaana Mujaahidiintaas ka mid ahaa Maxamed Oomaar oo habeenkaa hawl-galka baabuurka sida waday aadna ay isugu xidhnaayeen iyo Mujaahid Qureysh oo ka mid ahaa dadkii Bashiir magaalada ku hayay

Maxamed Oomaar ayaa iiga sheekeeyay dhacdooyin xanuun iyo xaradhaamoba oo soo maray Mujaahid Bashiir intii uu hawl-galkan Hargeysa u joogay ee ay ku mashquulsanaayeen hawlihii sahanka. Laba dhacdo aan tusaale u soo qaato:

Dhacdada koowaad:

.

Maxamed Oomaar ayaa ma-hadhadan marinaya, waxaanu yidhi: “Waa intii aanu hawl-galku fulin oo cid walba loo baahnaa. Xog iyo waanu u baahnayn. Adduun iyo taakuleyn ayaanu u baahnayn. Siyaabo badan oo kalena in naloo caayo ayaanu u baahnayn. Ayaan-darrda na haystay se waxay ahayd in dadka intiisa badani iska kaayo ilaalinayso oo ay baqanayee. Galab ayay niman dhallinyaro ahaa oo aanu arrin iyo adduunba ka sugaynay nagula ballameen Makhaayadda Ina Garow. Halkii ayaanu sii fadhiisannay oo shaah iska dalbannay. Heeso ayaa ka socday rikoodh Makhaayadda ka shidnaa. Si ay wax u dhaceenba nimankii ballantii waa ay nagaga baxeen. Shaahii ayaanu iska cabbaynay annaga oo heesihii iska dhegaysanaynay.

Annaga oo yar niyad-jabsan oo heesihii isku baananayna ayuu soo galay Maxamed Saleebaan Tubeec oo cod Qaraamiya ku qaadayaa. Codkaasi in uu Aroor ahaa ayaan filayaa. Tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Dhibtayda kuwaa ka dhuumanayow,

Dhirtoo maqashaan i dhaafteen oo,

Dhagaxaa ii damqan laa dhadhaabta ah,”

Mar keliyaa ayaan arkay muuqii iyo dareenkii Mujaahid Bashiir oo is-beddelay. Waxaan arkay isagii oo is-beddelay. Inta aan naxay ayaan markiiba weydiiyay waxa ku dhacay. Waxaanu iigu jawaabay: ‘Heestan miyaanad maqlayn innaga ayay inala hadlaysaaye.” Wuxu intaa ku dabo-karay ninka Makhaayadda leh inoo weydii oo inooga soo qaad, sidiina waan yeelay oo waan ka soo qaaday si aanu boogaha iyo nabarrada ballan-darrada ugu dheyno uguna baananno.”

Dhacdada labaad:

Waxaynu weli maalaynaa gaaxdii xusuuseed ee Mujaahid Maxamed Oomaar. Waa dhacdo kale oo la yaab leh. Maxamed oo sheekadan marinayaa, wuxu yidhi: “Mujahid Bashiir ayaa fuulay Bas uu is-lahaa Gol-janno u raac. Waa uu iska fadhiistay isaga oo sugayay inta uu buuxsamayo. Bashiir oo fadhiya oo sugaya inta uu Basku buuxsamayo, ayuu mar keliya ku war helay Mujaahid hore uga tirsanaan jiray Unugtiisii Sahanka ee Diibiile oo cadowga isu soo dhiibay ama soo galayba oo siro badan bixiyay. Labadood indhood ayaa si buuxda oo aan mugdi lahayn isugu dhacay.

Bashiir ayaa markii uu ninkii si dhab ah u aqoonsaday, Baskii ka degay oo hortiisa fadhiistay. Gaadh ayuu ka hayay ilaa intii uu Basku buuxsamayay. Wuxu iska ilaalinayay in uu ogaado halka uu Baska kaga degayay. Baastooladdii ayuu cabbaystay, waxaanu go’aansaday haddii uu ka soo dabo-dego in uu qudha kaga jaro. Ilaa intii uu Baski dhaqaaqayay wuu hor taagnaa. Ninku cadow sirtii SNM ee weliba Sahanka nin la soo tallaabay ayuu ahaa. Sidii ayuu Baskii ku dhaqaaqay. Maalin iyo laba ka dib ayaanu aragnay isaga oo la socda Taliyihii NSS-ta oo warbixintii bixiyay. Ninkii aanu hawl-galka ku fulinaynay ayaa meelihii lagu yaqaannay oo dhan beddelay.”

Maxamed Shiil Dhidar oo maalmahaa hawl-galkan la sahaminayay ahaa Taliyihii Ciidankii Guulwadayaasha oo ay derejadiisu xilligaas ahayd Gaashaanle ayaan kula kulmay Hudheelka Summer Time 19kii Sebtember, 2015ka. Waa xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo. Waxaan hayay tibaax ah in uu wax ka ogaa hawl-galkaas. Waxaan ka codsaday in uu iiga warramo wixii uu ka ogaa ama kala socdayba hawl-galkaas lagu khaarajiyay Axmed Aadan oo ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Gobolkii Woqooyi-galbeed.

Codsigaas ayaan weydiistay Maxamed Shiil Dhidar. Wuu iga oggolaaday, waxaanu ku deexday:

“Aniga oo habeen habeennada ka mid ahaa gurigayga iska fadhiya oo TV ku daawanaya oo aanay innaba iga qasnayn, ayuu ii soo galay nin SNM ah oo ka tirsanaa kooxdii sahanka ee hawl-galkii Axmed Aadan lagu khaarajiyay. Ninka hore ayaanu isu naqaannay muddo aan fogaynna wuu tallaabay oo SNM ayuu ku biiray. Wuxu iiga sheekeeyay waxay u socdaan isaga oo isla markaana i weydiiyay su’aalo ku saabsan tilmaamaha Axmed Aadan iyo meelaha laga helo.

Intii aan u tilmaami karayay ama u sheegi karayay ayaan u sheegay. Aad ayaan u naxay oo waxaan is-idhi malaha waxani inta ay fashilmaan ayaa khsaare badani ka dhalan doonaa. Aniga oo sidii u anfariirsan ayaan ninkii ku idhi wixii immika ka danbeeya waxaad la xidhiidhi doontaa Dhamme Maxamuud Ibraahin Guuleed oo aan kugu ballamin doonaa.

Maalin ama laba maalmood ka dib aniga oo xafiiskaygii fadhiya ayaa waxa ii soo galay nin go’ shaal ah hagoogan. Ku-ye: ‘Ma i garanaysaa?’ Aniguna: ‘Maya’, ugu jawaabay. Ku-ye: ‘Waxaan ahay Bashiir. Tilmaamihii aad na soo siisay ayaa nagu fillaan waayay. Waxanu u baahannay tilmaamo intaa hore ka badan.’ Naxdintii hore bikh. Ninkan xafiiska iigu soo galay ee Bashiir go’a waxa uga hooseeya oo aan halacsaday: laba bambo iyo baastoolad.

Waxaan ku idhi wixii aan war idin siin karayay waan idin siiyay oo waxba idin kama hagran. Wuxu igu yidhi: ‘Waxaan u baahanahay in aan arko oo la i tuso qofka aan dilayo, maxaa yeelay ma doonayo in aan ku qaldamo cid kale oo aan waxba galabsan’ Yaabkii iyo amankaaggii ayaa igu sii batay. Annaga oo jiq isku ah ayuu noo soo galay Dhamme Maxamuud Ibraahin Guuleed. Sheekadii ayaanu si deg-deg ah ugu marinnay.

Ku-ye: ‘Ina soo saara aniga ayaa soo tusaya e.’ Baabuurkii Dhamme Maxamuud ayaanu wada raacnay. Hargeysa Kilaab markii aanu maraynay, ayuu Dhamme Maxamuud baabuurkii dib u soo kala fireeyay oo yidhi: ‘Aniga iyo Bashiir ayaa raadinayna Axmed Aadan e’, adigu gaadhigaagii ku noqo. Sidii ayay isku raaceen, aniguna aan xafiiskaygii iyo gaadhigaygii kaga hadhay. Iyaga oo guriga shaqaalaha hormaraya oo Axmed Aadan raadcaynaya, ayuu kaga soo baxay guriga shaqaalaha isaga oo markaa soo dhammaystay shir uu ku jiray. Waxoogaa ayay barbar carareen, ka-dibna wuu u joogsaday, iyaguna waa ay dhinac is-taageen. Dhamme Maxamuud ayaa inta uu si wanaagsan Axmed Aadan u salaamay ku yidhi: ‘Meel kasta oo ay joogaanba, dadku waa kaa raalli. Aad ayaa laguugu han-weyn yahay.’ Intaa haddii u ritay ayuu jalleecay Mujaahid Bashiir oo gaadhiga la fuushanaa, waxaanu ku yidhi: ‘Waa kan ninkii Axmed Aadan ee aad ammaanaysay.’ Mujaahid Bashiirna si fiican ayuu indhaha uga buuxsaday, ka-dibna waa ay kala dhaqaaqeen.”

Axmed Aadan wuxu ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Gobolka Woqooyi-galbeed. Wuxu ahaa nin khatar iyo halisba ku ahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Wuxu ahaa nin nidaamkii uu ka tirsanaa ee Siyaad Barre 100% daacad u ahaa si la yaab lehna ugu adeegayay. Axmed Aadan, dhinaca kale marka aad ka joogsato, wuxu ahaa nin dadka aad iskaga dhaadhiciya oo dhulka isu dhiga naxariis badanna u muujiya. Dadweynuhu iyaga oo daalacanayay wejiga wanaagsan ee uu tusayo aad ayay ugu han-weynaayeen oo aanay u haysan ama aamminsanaynba in uu yahay ka boqnaha jaraya.

(La soco, haddii Eebbe idmo)

 

QAYBTII LABAAD

Muuqaalka Axmed Aadan, waxa kale oo Mujaahid ku tusay xarunta Nabadsugidda Mujaahid Qureysh iyo Mujaahid Maxamed Oomaar. Sidii ay looga-qaateenku ii sheegeen, Mujaahid Bashiir wuxu ahaa qof keliya ee magaalada Hargeysa kelidii lugeyn jiray maalintii maa-daama uu Xamar noloshiisa intii badnayd ku soo qaatay oo aan la garanayn.

 

 

Maa-daama uu dhaqankaa qosol-ku-jabka ah dadweynaha tusi jiray, wuxu heli jiray wararka ugu badan ama xogta ugu badan ee jabhaddii hubeysnayd ee SNM. Sidaas ayay SNM-na ugu arkaysay in uu yahay cadowga 1aad ee ay ku leedahay Hargeysa. SNM wuxu u ahaa yool shiishku haysto oo mar walba laga fekerayay khaarajintiisa.

 

 

Haddii aynu tusaale kale barbar dhigno, waxa jiray nin isaguna ba’naa oo Jeneraal Gaanni la odhan jiray. Bahal qallafsan oo cadow ah ayuu ahaa. Xanuunkii iyo xasuuqii uu dadka ku hayay, dadweynuhu aad ayay uga cadhoon jireen oo ay u kici jireen, dhinaca SNM-tana ugu soo biiri jireen. SNM-tu, waxay u taqaannay ‘Diiriye.’ Ninkan Axmed Aadan se, waa uu ka duwanaa oo isagu marka indhaha SNM lagu eego, wuxu noqonayay Seexiye ama Suuxiye. Halis aan la malaysan karin ayuu ku ahaa halgankii hubeysnaa. Wuxu ahaa nin dadka buste saarayay oo u sakhirayay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre. Sidaas ayuu ku noqday yool mar walba u tagnaa in la abbaaro oo khadka laga saaro, inta kalena lagu cabsi geliyo oo sas iyo sakati lagu beero. Nidaamkii Siyaad Barre ayaa laga bartay qaababka saska iyo sakatiga loo abuuro. Heesihiisii waxa ka mid ahaa: “Hadhkaagaa lagu diray, Haatuf kula socdaa jira.”

 

 

Mujaahidiinta SNM waa ay dhammaysteen sahankooda iyo qaabka ay u hawl-gelayaanba. Mujaahid Maxamed Oomaar oo Mujaahidiinta hawl-galka fulinaysay baabuurkiisa ku sii qaaday ayaa igu yidhi, mar aan arrintaa ka wareysanayay:

 

 

“Annaga oo iska qayilaynay habeennimadii oo dhammaantayo wada joognay, ayuun baa Bashiir oo aan is-idhi malaha waa uur-ku-baalle mar qudh ah nagu yidhi: ‘Ina kiciya caawa ayaynu hawl-galkii fulinaynaa oo ninkii aynu meeshii ka helaynaaye.'”

 

 

19/12/1986kii, goor ay saacaddu ku beegnayd ilaa sagaalladii habeennimo, ayay ciidankii hawl-galka fulinayay oo afar Mujaahid ahaa hor fadhiisteen Dhakhtarki la dumiyay ee haweenka lagaga ummulin jiray ee Cosob oo u dhow Xarunta Wargeyska Jamhuuriya. Saaqiyadaha biyo-mareenka ah ayay dukl fadhiyeen. Cabbaar haddii ay halkii fadhiyeen oo ay ku sugayeen Taliyaha xafiiskii Nabad-sugidda ayuu ka soo baxay xaruntiisii oo ahayd halkan dibudejintu deggenayd.

 

 

Waa baabuurkiisii oo Pajero midabkiisu boodh yahay ahaa. Waa ay dabo-socdeen ilaa meel ku dhaweyd tiyaatarka oo uu dhaqan iyo caadaba u lahaa in uu tago. Meel u dhow ayay Mujaahidiintu baabuurkii kaga degtay ka dibna rasaastii ayay bilaabeen. Halkii waxa ku qudh-baxay shan qof oo uu Axmed Aadan ku jiray.

 

 

Muuse Biixi oo ka hadlayay hawlgalladii iyo dagaalladii uu ka qayb-galay Mujaahid Bashiir, wuxu yidhi:

 

 

“……..Intaasi waa inta ugu mudan wixii uu gudha ka qabtay, bal se inta hawl-gallo ah ee ciidammada uu dibadda (xuduudda) kula galayna waa ay yaraayeen oo kii Balli-cabbane waa uu nala galay, weerarkii Geed-ballaadhna waa uu nala galay ee dhibta badnaa, ragga badanina ku dhaawacmi jireen waa uu nala galay oo labadaba gaadhiga ayuu la socday oo waan xasuusta.”

 

Habeenkii hawl-galka ka-dib iyo Mujaahid Bashiir

 

 

Ma maqli jirteen: “Ka-rog oo mid kale saar.” Mujaahid Abaadir ayaa hadba sheeko hor leh oo walaalkii Shahiid Bashiir la xidhiidha inoo saraya. Bal markanna wuxu inoo marinayaa, habeenkaa markii uu dilkaasi dhacay, halkii uu Mujaahidku tegay iyo sidii uu yeelay.

 

 

Habeenkaa hawl-galkaas waxa la fuliyay xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa tobannadii habeennimo. Afartii Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay Bashiir iyo Nuur Muhindis dhinac ayay isu raaceen, Cismaan Awr-liqena dhinac kale ayuu u baxay, Maxamed Oomaar oo baaburka ku sidayna isagu markii uu dhigayba wuu ka tegay hawl-galkaba hortii. Sidaas ayay laba jiho u kala qaadeen. Xilli ay sacaddu ku beegnayd 12.00kii habeennimo ayay Bashiir iyo Nuur Muhindis iyaguna kala leexdeen ama kala tageenba oo midba meel gabbaad u doontay. Mujaahidiintu dhowr habeen ayay sii joogeen Hargeysa.

 

 

Bal hadda immikana aan ku yar raasukhno sheekadan uu u mariyay Ismaaciil Xasan Xirsi, waxaanu ka weriyay Abaadir oo uu yidhi:

 

 

“19/12/1986kii, habeennimadii markii uu dilka fuliyay wuxuu u yimid Ismaaciil Xasan Xirsi oo aanu Ima-adeer ahayn oo ‘waashimaan’ ka ahaa geerash weyn oo ku yaal Gannad korkeeda. Geerashkani wuu sii jiraa mana shaqeeyo.”

 

 

Bal hadda immikana aan Ismaaciil ka yar gurno markii uu Bashiir u yimid tallaabooyinkii uu qaaday, waxaanu intaa hore ku kabay:

 

 

“Bashiir gurigii yaraa ee aanu deggenayn ayuu ka wada saaray alaabtii taallay. Shamaciina waa uu ka qaaday. Sibidhkii oo khali ah ayuu soo reebay, wuxuu soo qaday fur wayn oo foosto-gobolo. Dab ayuu ku dul shiday isla qolka dhexdiisii. Salli aad u googo’an oo aanu tuuray ayuu dhulka ii dhigay, gacanta midigna aad ayuu ii duubay saliid badanna wuu ku shubay. Salligii ayuu i jiifiyay barkimo xun oo aad u usgag badnaynna wuu ii dhigay. Barkimadaas ayuu qorigiisiina ka hoosaysiiyay, isaguna shaad usgagoobay iyo macawis xoog u jactadday oo aan iska beddelay ayuu xidhay. Guriga marka la soo galo waxaad mooddaa dad aanay nafi u dambaynini in ay galaan.”

 

 

Isla habeennimadiiba hay’adihii nabadgelyada ee nidaamku waxay soo rogeen bendoo aanay cidina dhaqaaqi karin iyo magaalada oo dhan in si dhakhso isla habeennimadaas loo baadho. Waa sida aanu ka soo xigannay looga-qaateenkii saraakiishii xilalka haysay ahayd markaas ama berigaaba.

 

 

Ismaaciil oo uu Mujaahid Bashiir ku soo dhuuntay buulkiisii yaraa ayaa sheekada inoo wada, waxaanu intaa hore ku kabayaa, sida uu Abaadir qoraal iigu soo gudbiyay:

 

 

“Habeennimadaas ayaa albaabkii geerashka xoog loo tumayaa. Wuu kacay, wuu furay, waxaana soo galay askar aan ku qiyaasay ilaa tobaneeye. Siday u soo yaacayeen ayay I dul yimaaddeen, markii ay waayeen wax ay baadhaan oo ay ku raagaan ayaa inta aanay su.aal na weydiin ayuu Bashiir ku yidhi: “Odeygan oo aabbahay ah oo geerashkan ku jabay ayaan meesha ku hayaa.

 

 

Deg-deg ayay guriga uga wada baxeen. Geerashkii ayay muddo saacad-ku-dhawaad ah baadhayeen oo ay ku raageen. Ka-dib markii ay waxba ka waayeen ayay iyaga oo tallaabada deddejinaya naga baxeen. Waxay galeen guri daso ahaa oo uu geli jiray Cismaan Xasan Xirsi. Waa ninkan geerashka ‘waashimaanka’ ka ah walaalkii. Dasadan ama buulkan ay galeen waxa yaallay qori RBD ah oo Mujaahid Bashiir hore ugu keenay, waxaanu ku jiray saqafka sare ee buulka caws-saloollo dhexdood. Waxoogaa ayay galalafeen. Waxba way ka waayeen, deg-deg ayaanay nooga baxeen.”

 

Sheekada idin kama kala jaro e’, qormadan 9aad waxay ku soo beegantay 29-guurada hawl-galkaas colka wadhaf ma lagu dayayTaana Ilaahay ka badbaadi. Marka uu masiibo ka badbaadaba mid kale ayaa meel u sii taal. Weli Ismaaciil ayaa inoo kalwinaya. Waxa qoraal ahaan iigu soo tebiyay, Mujaahid Abaadir oo uu uga sheekeeyay, sidaas ayaan aniguna hadba hadhuub idiin soo darayaa. Intaa hore wuxu ku sii karayaa:

”Cismaan Xasan Xirsi gaadhi-ximaar ayuu ku shaqaysan jiray, waxaanu u ahaa xuddun udub- dhexaad ha oo uu xataa ku dhuuman jiray, waayo buullooyinka noocan oo kale ah wax muhiimmad ah adigaagaasi ma siin karaysid qof dirqi-ku-nool ahi wuxu haleelayoba ayaa iska yar. Laba bilood ka-dib dilkii Axmad Aadan waxa la qabtay Cisman Xasan Xirsi, isaga oo ay basaaseen dad nidaamka u shaqaynayay. Gurigiisa oo xoog loo baadhay waxa laga helay hal qori oo dabo-laab ahaa. Qabashada Cismaan kama annaan dabo-tegin. Ma jiro qof xaafadda ah oo ka xaadiray meelihii ninkaa lagu ciqaabayay. Saddex toddobaad ka-dibna waa la khaarajiyay. Cismaan Xasan Xirsi waxa lala dilay lix nin oo kale oo Hargaisa laga soo xidh-xidhay, isaga qori ayaaba lagu qabtay e’, waxa igu maqaale ah in lixda nin ee kale ay ku jireen qaar ganacsadayaal ahaa oo la iska qabtay uun.”

Sida aanu xogta ku hellay Bashiir iyo Nuur Muhindis dhowr habeen ka dib markii ay hawl-galka fuliyeen ayay Hargeysa xagga woqooyi uga baxeen iyaga oo u sii jeeday saldhigyadii SNM ee xuduudda ku yaallay. Sida uu noo sheegay Mujaahid Maxamed Oomaar oo si dhow ula socday hawl-galladaasi, labada Mujaahid ee Bashiir iyo Nuur Muhindis waxay sii mareen jiiddaa Horu-haadlay, ka dibna waxay ku hagaageen Guluc iyo gurigii abtigii ee lagu gunnayn jiray ama xilliyadaas oo kale loogu loogi jiray. Waxa sheekada naloogu daray intii ay jidka sii socdeen in ay sii abaal-mariyeen dabo-dhilifyo nidaamkii dalka ka talinayay u adeegi jiray.

Marwo Mujaahid Aamina Xasan Suldaan oo ah xaaskii Sheekh Muuse Sheekh Cabdillaahi oo ka muddaakaroonaysay xaaladdii uu xilligaa ugu yimaaddeen labada Mujaahid, waxay noo sheegtay in Mujaahid Bashiir ay labada lugoodba saantu ka baxday oo uu ku duudduubay garankiisii oo uu jeex-jeexay. Waxay intaa noogu dartay in Nuur Muhindis isaga ka yar roonaa oo iska ladnaa.

Fal-celintii Nidaamkii Siyaad Barre ee hawl-galkii Axmed Aadan

Isla habeeenkii dilku dhacayba, bendoo ayaa magaalada lagu soo rogay. Baadhis ballaadhan oo aan meelna la dhaafin ayaa magaalda lagu galaa-bixiyay. Subaxnimadii ama maalinnimadii xigtay ee 20/12/1986kii, waxa la qaaday bendoodii, waxaana la bilaabay baadhis lagu raadinayo ciddii dilka geysatay.

Maxamed Oomaar wuxu ii sheegay in ay isaga iyo Bashiir 20/12/1986kii oo ahayd maalintii ku xigtay dilkii Axmed Aadan ay ka qayb-galeen xaflad lagu xusayay 43-guuradii dhismihii ciidanka booliska oo ahayd 1943kii oo ku qabsoontay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen. Wefdi culus oo Xamar ka yimid maalintaas ayaa xuskan ka soo qayb-galay oo uu hoggaaminayay Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Guddidii Siyaasadda.

Jeneraal Moorgan oo markaa ahaa Taliyihii Qaybta 26aad oo xarunteedu Hargeysa ahayd ayaa 20kii bishii Diisambar, 1986kii, subaxnimadii isugu yeedhay saraakiil badan oo ay ku jireen qaar u dhashay magaalada Hargeysa. Jeneraal Morgan, hadal koobnaa oo uu halkaa ka jeediyay wuxu ku sheegay in weli la baadho dilkii John F. Kennedy ciddi geysatay. Waxa kale oo subaaxdaa yidhi sidaa darteed, in kasta oo uu Axmed Aadan dhintay weynu ku qasban nahay in la baadho oo la helo cidda dilkiisa geysatay. Wuxu hadalkiisii ku soo gunaanaday isaga oo ku yidhi saraakiishii reer Hargeysa idinka ayaa meesha deggen oo nooga faro-dhuudhuuban e’ aad uga hawl-gala. Looga-qaateenkii sheekadaa ii marinayay ee maalintaa goob-joogga ka ahaa markii uu intaa igu lahaa, ayuu isu jawaabay oo yidhi: “Taasina runtiis ayay ahayd.”

14kii, Jeeniweri 1987kii ayay ciidammadii SNM daahir-yaa-shamis maalin cad soo weerareen saldhigga booliska ee Burco. Dhimasho iyo dhaawacba waa ay geysteen, hal baabuur oo gurmad ahaana miino ay u dhigeen ayaa la kacday. Waa uun 25 maalmood ka dib dilkii Axmed Aadan.

Ninkii Morgan ayaa Taliskii Guud ee Xamar iyo Madaxtooyadii canaan dhegaha goosteen oo lagu yidhi adigana berrito adiga oo iska fadhiya qudha ha kaa jareen. Arrintii ayaa dareen hor leh Morgan ku dhalisay, ka-dib wuxu ku tallaabsaday tallaabooyinkan hoos ku taxan:

  • Bendoo ayaa Burco iyo Hargeysaba lagu soo rogay,
  • Saraakiil badan ayaa la xidhay.
  • Burco iyo Hargeysa waxa laga soo raafay oo la xidhay ilaa 85 odey oo muddakarkii shacbiga ahaa,

Saraakiishaas oo qaarkood xidhnaayeen laba bilood, qaarna lix bilood inta la soo daayay ayaa dhammaantood loo mastaafuriyay koonfur. Markii la soo daayay, intii aan la mastaafurin ayuu dhammaantood Morgan u yeedhay oo ku yidhi hadal u ekaa waa la idin xidhay, waad dhibsateen xadhigga, annaguna dib idiin aammini meyno. Ilaa 19 sarkaal ayaa nimankaa la iigu sheegay.

Waxa kale oo la toogtay ilaa toddoba qof oo uu ku jiray Cismaan Xasan Xirsi oo ay Bashiir Ilmo-adeer ahaayeen isla markaana lagu helay qori dabo-laab ah oo Bashiir gurigiisa keenay.

Sidii uu ku shahiiday Mujaahid Bashiir

Mujaahid Bashiir wuxu shahiiday 3/4/1987kii xilli uu waqtigu ku beegnaa barqadii. Wuxu ku shahiiday guriga Reer Abshir Xuseen oo ku yaalla xaafadda Biyo-dhcay ee Hargeysa. Ilaa maantadaa aan joogno la iskuma raacsana qaabkii uu u shahiiday Mujaahid Bashiir. Dhowr aragtiyood oo kala duwan ayaa arrintan ka jira oo weli lagu muransan yahay. Bal hadda aan aragtiyahaa ama fikradahaa xabbad-qaadno:

  1. Aragtida Ciidammadii cadowga ee ku xeersanaa: Nimankaas oo badnaa oo saraakiil iyo dabley isugu jiray caddaymo sladhigga dhexe ee booliska ee Hargeysa lagaga qaaday oo laga saxeexay waxay ku sheegeen in ay Mujaahid Bashiir iyagu toogteen iyaga oo iska difaacayay rasaas baastooladeed oo uu ku soo riday. Nimankaas oo dhowr iyo toban ahaa waxay iska dabo-mareen in ay guriga oo wada xidhnaa qol-qol ay u baadheen, hal qol mooyaan e’. Waxay caddaymahooda oo saxeexan, taariikhaysan oo intooda badani makiinad ku garaacan tahay ku sheegeen in iyaga oo sii baxaya qol xidhnaa oo ay ka tageen oo aanay jebin rasaas laga riday. Sida ay ku andacoonayaan, inta ay dib ugu noqdeen ayay albaabkii jabiyeen. Waxay leeyihiin waxa halkaa ka dhacay dagaal faraha la isula tegay kaas oo ay ku dhaawaceen Khadar Abshir, halka Mujaahid Bashiir ku dhintay. Waxay qiraalkoodaas ku qoreen in labadaba dhaawac ku qaadeen bal se Mujaahid Bashiir naftu ka baxaday markii dhakhtarka la gaadhsiiyay. Waxa kale oo ay sheegeen in Khadar Abshir ay caloosha kaga dhacday, halka ay Mujaahid Bashiir ku sheegeen in uu gafuurka dhiig ku lahaa.

 

 

  • Aragtida qaar ka mid ah saaxiibbadii iyo Mujaahidiintii: Aragtidan oo ah ta labaad waxay odhanaysaa Mujaahid Bashiir wuxu ku dagaallamay baastooladdii uu sitay oo uu wax ku dilay waxna ku dhaawacay. Aragtidani waxay leedahay shan xabbadood oo keliya ayaa baastooladda ugu jiray. Saddex askartii ku xeerrayd ayuu ku toogtay oo dhaawac iyo dhimashaba ku geystay, labadii kalena mid Khadar ayuu caloosha kaga dhuftay, midna isaga ayaa afka gashaday oo isku dhuftay. Garo’ oo hadda iyaga qudhooda ayaa maragga isku furaya marka ay leeyihiin gafuurka ayuu dhiig ku lahaa. Looga-qaateenka ayaa sheegay in Mujaahid Bashiir xabbadda afka gashaday oo isku dhuftay.

 

 

 

Anigu maalmahaa, qof ahaan marka aan xusuustayda dib ugu noqdo, waxaan joogay magaalada Diri-dhabe. Maalmahaas ayuun baanu ka soo baxnay Shirweynihii 5aad ee SNM oo Harar ku qabsoomay, Siilaanyana mar labaad muddo saddex sannadood ah loo doortay Guddoomiyaha SNM. Markaa Kal-fadhigii 1aad ee Golaha Dhexe ayaa ka furmayay Diri-dhabe. Markii aan maqlay in Mujaahid Bashiir Hargeysa ku shahiiday waxaan fadhiyay gurigii Ilaahay ha u naxariisto e’ Axmed Liibaan oo loo yaqaannay Gabax.

 

 

Galabtaa aan magaalada Diri-dhabe ku maqlayo in Mujahid Bashiir shahiiday, warku wuxu nagu soo gaadhay in uu baastoolad ku dagaallamay, in uu saddex ciidammadii cadowga ahaa toogtay, labadii xabbadood ee u soo hadhayna mid saaxiibkii ku dhuftay oo caloosha kala helay, tii u hadhsanaydna afka iskaga dhuftay, sidaana ku shahiiday. Kaas ayuu ahaa warkii ugu horreeyay ee aan ka maqlaa qaabkii uu u shahiiday Mujaahid Bashiir.

 

 

 

 

Intii halgankii hubeysnaa kaga shahiidday Mujaahid Bashiir iyo xigtadiisa dhow:

 

 

Halgankaa hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Mujaahid Bashiir iyo qoyskii uu ka tirsanaa si naf-hur leh ayay uga qayb-galeen. Bal hadda aan ka soo dhaqaaqno markii uu ka soo ambo-baxayay magaalada Jabuuti qaabkii loo soo abaabulay iyo intii ay halkaa iska soo raaceen, intii danbe ee ku darsantay iyo intii uu saamaynta tooska ah ku yeeshayba.

 

 

Abaabulka iyo ururinta Mujaahidiinta ee magaalada Jabuuti, waxa iska lahaa oo xil-qaaday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ Axmed Sheekh Cabdillaahi Ciise

 

oo ay walaalo ahaayeen Sheekh Muuse Sheekh Cabdillaahi Ciise oo si la yaab leh oo geesinnimo leh ula shaqeeyay Mujaahid Bashiir. Dadka kale ee qoyska ka tirsanaa, waxay kala ahaayeen:

 

1. Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir): Shahiiday,

 

2. Yuusuf Ibraahin Xirsi: walaalkii oo shahiiday,

 

3. Cismaan Xasan Xirsi: Ina-adeerkii run ah oo shahiiday,

 

4. Cali Cbdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi (gorgor): Bashir Ina-abtigii oo shahiiday,

 

5. Xaashi Aw Aadan Ciise: Abti oo shahiiday,

 

6. Maxamed Ibraahin Geeddi: Abti-labaad oo shahiiday,

 

7. Adan Ahmed Awale (Dalab): Abti-labaad oo shahiiday,

 

Waayihii Jabhadeed ee Xaruntii Dhexe ee SNM

 

 

Waayahaasi, haddii uu Hargeysa iyo dalka gudihiisa ka taagnaa xilligaas, malaha waxa fiicnaan lahayd in aynu wax aan sidaas u sii badnayn iska weydiinno xaaladda ag taallay ee ka oognayd xarumihii looga talinayay SNM. Innaga oo aan aad isu feeraarin bal aan isku koobno xaruntii maamulka ee Saldhiggii Raamaale (Diri-dhabe) oo markaa ahaa xarunta looga taliyo ama laga hoggaamiyo SNM.

 

 

Bishii Feeberweri, 1987kii, waxa ku qabsoomay magaalada Harar ama Adari sida loo yaqaanba Shirweynihii 5aad ee SNM. Wuxu qabsoomayaa Shirweynahaasi laba sannadood iyo lix bilood ka dib markii uu xidhmay Shirweynihii 4aad ee ka horreeyay oo ku qabsoomay magaalada Jigjiga Ogos, 1984kii. Shirweynahan 5aad wuxu muddo-dhaafay lix bilood oo sifo aan sharci ama dastuuri ahayn loo kordhiyay. Waxaan aamminsanahay in muddo-kordhinta ay Somaliland eedday ee ay dagaashay halkaas iyo maalmahaas soo bilaabmayso.

 

 

Sidii dhaqanka ama dastuurka SNM ahaa, markii uu Shirweynuhu dhammaaday, waxay Golihii Dhexe iyo Guddidii Fulintu u soo wareegeen magaalada Diri-dhabe oo ay ku galeen Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM. Inta badan Kal-fadhiyada noocaas ahi shaqo kale ma qabtaan oo aan ahayn oggolaanshaha Guddida Fulinta oo uu soo bandhigo Guddoomiyaha Ururku.

 

 

Saddex dhacdo ayaa mudan in halkan hoosta laga xrriiqo:

 

 

 

  • Murankii iyo kala-qaybsanaantii SNM ragaadiyay oo ilaa maantadaa aynu joogno ifafaalaheedii sii muuqdo ayaa halkaas ka bilaabmaysa oo sannadkaas oo dhan socoday, waxaana si aan dhammaystirnayn loogu yar suuxinayaa Kal-fadhigii 1aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM oo Feeberweri, 1988ki ku qabsoomay magaalada Awaare. Waxay ahayd markii ugu horreysay intii ay SNM jirtay ee sidii ugu ballaadhnayd gurmad dibadeed ugu yimaaddo si loo maareeyo khilaaf riiqdiisii dheeraatay. Ergadaa Laamaha Dibadda ka timid waxaan ka sii xusuustaa: Cabdiraxmaan Axmed Cali, Ibraahin Meygaag Samatar, Ismaaciil Buubaa, Maxamed Cali Faarax iyo qaar badan oo kale. Ilaa dhowr iyo toban in ay ahaayeen ayaan u malaynayaa. Maareyntii la gaadhay waxa ka mid ahaa ama ugu mudnaaba in Guddidii Fulinta (Xoghayayaashii) oo lix ahaa loo kala qaybsaday saddex iyo saddex: Siilaanyo saddex ayuu soo magacaabay, Mucaaradkuna saddex ayay soo magacaabeen,

 

 

 

  • Waxa kale oo maalmahaas bilaabmaya isla markaana tis-qaadaya wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku ibo-furmay Jabuuti, kuwas oo iyagana riiqdoodii dheeraatay maantana saamayntoodii ku yeeshay Somaliland ka-dib markii la bilaabay wada-hadallada mugdiga badani ku xeersan yahay ee lagula jiro Soomaaliya. SNM ahaan Octoobar 1984kii ayaa noogu horreysay Guddoomiyaha SNM oo soo hadal-qaada waan-wwan iyo wada-hadallo lala yeesho nidaamkii Soomaaliya markaa ka talinayay. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahddo beryahaas ayaa noogu horreysay maqalka magaalada Istanbuul, ka dib markii Guddoomiye Siilaanyo Kal-fadhigaa Golaha Dhexe ka sheegay in ay tilifoon ku wada hadleeen Muuse Rabbiile oo markaa joogay Istanbuul.

 

 

 

  • Muranka iyo is-maandhaafka beryahaa taagnaa wuxu sababay in hoggaamiyayaal ciidan oo hal-doorka halganka ahaa la xidh-xidho, mowduucaas oo qudhiisu xuddun u ahaa waan-waantii laga dhex waday Muxaafidka iyo Mucaaradka,

 

 

Aniga oo aad uga xun in aan sheekadan xadantada iyo xanuunkaba leh idiin soo gaabiyo, waxan hadalkaygan ku soo gunaanadayaa in aan akhristayaasha u sheego in muranka iyo khilaafka hadhi waayay ee SNM ragaadiyay uu xilliga bilaabmay kana dhashay is-mari-waagii Muxaafidka iyo Mucaaradka. Haddii aan intas u sii dhaaf is-idhaahdo, mowduuceennii udub-dhexaadka sheekadaeennan u ahaa ayaynu ka ambanaynaa. Raalli ha la ahaado, haddii Eebe idmo fursado kale ayaymu isu heli doonnaa.

Dhaqankii, dhalankii iyo dhiirranaantii Mujaahid Bashiir

Bashiir 3aadMaxamed Ibraahin Xirsi Kaahin oo 1984kii markii uu SNM ku soo biiray qaatay magac-halgameedka ah Mujaahid Bashiir, wuxu ahaa ninkaas aanu idiin ka soo sheekaynay taariikh-nololeedkiisa oo kooban. Markii uu hawl-gallada ka bilaabay Saldhiggii SNM ee Dibiile ee uu sida tooska ugaga soo biiray halganka, wuxu isla markiiba noqday Taliye-xigeenka Sahanka Gudaha. Wuxu ka hoos shaqaynayay Mujaahid Raage-bidaar oo ahaa Taliyaha Sahanka Gudaha. Waxay ahaayeen koox dhan oo dhowr iyo soddon nin ku dhawaanaya. Xataa ciidankii Qabri-bayax duleedkiisa lagu tababari jiray iyaga ayaa madax u ahaa.

Mujaahid Bashiir iyo Raage-bidaarba marka ay la noqoto ama ay doonaan ayay Hargeysa soo geli jireen iyaga oo mar cadayleyaal ah, mar iyaga oo dawarsanaya maxaa yeelay waxay yaqaanneen xirfado badan oo ay adeegsadaan. Waxay awood iyo mowhibad la yaab leh u lahaayeen in ay masilaan ama jilaanba qofka ay rabaan. Sida ay noo sheegeen Mujaahidiintii xog-ogaalka ahayd, Mujaahid Bashiir qofka uu doono ayuu meteli karaayey. Waxa la ii sheegay in mararka uu wax metalayo ay aad isugu ekaayeen jilaagii weynaa ee hal-abuurka iyo maadeeyahaba ahaa ee Maxamed Cumar, Huuryo, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Xilliyada qaarkood, wuxu magaalada soo geli jiray, isaga oo habar masilaya oo Huuryo iska dhigaya oo dheer oo siigo leh ayuu soo galaayey magaalada oo islaan caanolay ah oo meel taagan oo kale ah. Waxyaabaha kale ee uu aad uga faa’iidaystay waxa ka mid ahaa lahjadda Xamariga ah oo uu si fiican u yaqaannay oo mararka uu doono uu iska dhigi jiray nin reer koonfureed ah.

Mujaahid Bashiir, ma uu ahayn nin wakhtiga ama waxyaabo kale ay dhibayeen oo ay walbahaar iyo walaacba ku hayeen.

Muuse Biixi oo Mujaahid Bashiir ka sheekaynayay, wuxu yidhi:

“Wuxu ahaa nin askarinnimo u dhashay. Dhowr jeer ayaanu wada sheekaysannay oo waxaanu u tegi jirnay ninkan Cumar Sheekh la yidhaahdo walaalkiisii ka waynaa Sheekh Muuse Sheekh Cabdilaahi gurigiisa oo reer miyi ahaa oo Durya kaga beegan dhinaca koonfur bari deggenaa. Adhi ayuu noo qali jiray oo aan u tagi jirnay oo marka uu soo noqdaba sidii baanasho oo kale uu odhan jiray waar ina keena bal maanta abtiyaashay ayaan u tageyaaye. Saacado badan ayaanu halkaas ku wada qaadan jirnay. Ninkaasi waxa ay dadku ka sheekeeyaan kama uu sheekayn jirin. Maanta oo dhan nolol kama uu sheekayn jirin, mustaqbal iyo raaxo midnaba kama uu sheekayn jirin. Ninkaasi afar iyo labaatanka saacadoodba wuxu kaaga sheekaynayaa waa hawl-gal oo sidaas iyo taa ha la sameeyo ah, wuxu ahaa shaqo ahaan nin yaqaanna farsamada laydhka, waana tan waayirrada la jiido. Markaa ma uu qori jirin far isku xidhiidhsan marka uu wax kuu sharxaayo ama uu ku leeyahay qorshe ayaan sameeyay. Mararka uu wax kuu sheegayo sida waayirrada oo kale ayuu fallaadho dhinac walba isku dhaafsan uu kuugu tilmaamayay.”

Inta badan Mujaahid Bashiir, Taliye Muuse Biixi uma uu keeni jirin warbixin. Bal se wuxu had iyo jeer ka dhaadhicin jiray fikrad oo inta badan isaga ayaa Taliska ku habi jiray fikradaha. Muuse Biixi hadba fikradda uu Bashiir u keeno wuxu u gudbin jiray oo uu la wadaagi jiray Shahiid Aadan Sheekh Maxamed, Aadan-shiine iyo Guddoomiyaha SNM oo ahaa Axmed Siilaanyo, isaga oo ka cararayay in uu hal-gallada qaarkood ku eedoobo.

Mujaahid Bashiir dabeecaddiisu waxay ahayd mar kasta oo aad wax weydiiso, wuxu kuu sheegayaa qorshe dagaal, mar kasta wuxu kuu sheegayaa yoolka weyn ee la hiigsanayo. Wuxu aad uga soo hor jeeday una dhibsan jiray dagaalladan fool-ka-foolka ah (conventional) oo uu odhan jiray dad badan ayaa inagaga dhimanaya.

Dooddiisu waxay u badnayd haddii aynaan cadowga gudaha ku cabsi-gelin, xuduudda iyo dibadda iskaga celin kari meynno. Wuxu ku doodi jiray cadowgu dibadda waa in uu ku baqaa, gudahana ku argaggaxaa.

Muuse Biixi oo hadalka sii wataa, wuxu intii hore ku kabay:

“….ninkaas wuxu ahaa nin u dhashay millaterinnimada ee weliba ah kooxahan war- doonka ee had iyo goor ciidammada ka horreeya ee meelaha adag loo diro oo sida kuwa ‘Gamma iyo Alpha’. Haddii uu tabobar heli lahaa noocaas wareerka ah ayuu noqon lahaa waayo maskaxdiisa ayaa taas u samaysnayd. Ninkaasi, weligii immika waa uu shahiiday oo ma ammaanayee, xaalad kasta oo timaadda ninkaas oo baahi ii sheegta ma aan arag. Xataa waan lugaynayaa oo kabo ayaan u baahanahay i muu odhan. In aad u timaaddo oo aad tidhaahdo surwaalkaas beddel oo kabaha noocaas ah ayaa loo baahan yahay uun moyaan e’, isaga oo hawl-gelaaya dacas iyo kabaha kabo u adag muu kala jeclayn. Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaan ka xumahay oo aan doonayaa in aan sheego Cismaan Xasan Xirsi oo Ina-adeerkii ahaa waa la dilay oo isaga dartii ayaa loo dilay oo afar mar la wada dilay ayey ahaayeen isaga iyo Ina-oogle iyo. Yuusuf Ibraahin Xirsi oo walaalkii ahaa in badan ayaan dagaalka ka reebay is-na dagaalkii ugu danbeeyey ee Hargeysa lagu galay ayaa uu ku shahiiday, tiraba afar shan jeer ayaan ka soo reebi jiray dagaalka, waayo odeygii tabcaan ayaa uu ahaa aabahood, ninkii u shaqaynaayey waa uu dhintay, ka hadhayna waa curyaan, waa laangadhe oo hore ayaan u ogaa reerka oo saddex walaalo ah ayaa ka dhintay Cismaan,Yuusuf iyo Bashiir oo Cismaan oo hortii dhintay oo dagaalkii Axmed Aadan loo dilay, Yuusuf oo 89kii Hargeysa ku shahiiday oo dee odeygii iyo islaantii oo iska goblan ah oo Abaadir u hadhay, ayaan aad uga xumahay. “

Dadka kale ee ka sheekeeyay dhaqammadii iyo dhiirranaantii la yaabka lahayd ee Mujaahid Bashiir waxa kale oo ka mid ahaa walaalkii oo loo yaqaanno saddex magac oo kala ah: Cabdiqani, Cabdikariim iyo Abaadirba. Waa nin lug ka ah naafo oo bakoorad raas-bi-raas ah cuskada. Waa xaas, waxaanu deggen yahay Gebilay.

 

Aniga oo uga mahad-celinaya Mujaahid Abaadirna taakuleynta hodanka ah ee uu ka geystay ururinta iyo qoraalka taariikh-nololeedka Shahiid Mujaahid Bashiir oo ah walaalkii, waxaan jeclahay in aan halkan ku xuso in uu Abaadir qoraallo taariikhiya oo suganti (document) ah iyo qoraallo uu qorayba noogu deeqay.

Mujaahid Abaadir, mar uu ka warramayay booqashooyinkii walaalkii Bashiir ugu iman jiray gurigooda isaga oo ka iman jiray saldhigyadi SNM, wuxu yidhi:

“Markii ugu horraysay ee uu noo yimid wuxu xaafadda joogay saddex maalmood. Waxaanu kala kulannay dhaqammo cajiib ahaa oo aniga qalbigayga ku cuslaa weligayna aanan samayn kareen.”

Oo maxaa ka mid ahaa dhaqammadaas la yaabka lehaa ee Mujaahid Abaadir labada dhaban gacmihii ku engegeen. Waxaanu Abaadir ku deexday:

“Warqad ayuu maalin iigu dhiibay Sarkaal aanu qaraabo ahayn oo kabtan ahaa jaarna aanu ahayn. Wuxu yidhi warqaddaa ninkaa u gee. Hadda Gebilay ayaanu joognaa. Markii aan dibadda ula baxay ayaan warqaddii akhriyay, waxaana ku qornaa: ‘Waa Maxamed Ibraahin Xirsi. Ma is-arki karnaa.’ Aad baan warqaddii ula yaabay. Aniga oo aan ninkii warqaddii u geyn ayaan dhexda ka soo noqday.

Walaalkay Bashiir ayaan dib ugu noqday. Aniga oo aan hadalba u furin ayuu igu qab-qabtay: ‘Muxuu ku yidhi?’ Waxaan ugu jawaabay: ‘Maya ayuu igu yidhi.’ Inta uu aad u xanaaqay ayuu yidhi uma aad geyn. Maxaad ugu geyn wayday? Waxaan ku idhi: ‘Waar ninkani waa ninkaa sarkaalka ah oo wuu ina sheegi doonaa. Waar ninkan oo kale la iskuma sheego e’ walaal arrinkaa inaga daa.’ Dood badan ilama uu gelin e’, wuxu igu yidhi: ‘Ku noqo oo u gee.’ ‘Waa yahay ayaan ku idhi.’

Su’aal ayaan weydiiyay intii aanan u kicitimin xaggii sarkaalka. Waxaan ku idhi walaalkay Bashiir: ‘Hadii uu igu yidhaa halkee ayuu joogaa maxaan ku idhaahdaa?’ ‘Guriga ayuu joogaa ku dheh,’ ayuu igu yidhi. Tanaaba tii hore igaga darnayd. Aniga naftayda calool-adayg kama maqnayn, bal se waxaan filan karayay iyo wuxuu qiyaasayay ayaa aad u kala haab fogaa.’

Abaadir sheekadii ha inoo sii wado, bal halka ay ku biyo-shubato:

“Sarkaalkan oo ka yimid koonfur toddobaad fasaxana ku joogay, gurigiisii ayaan ugu tegay. Inta aan u galay ayaan salaamay. Si fiican oo soo dhawen leh ayuu salaantii iiga qaaday, reerkana aad ayuu iiga wareystay. Annaga oo sheekadii reerkayaga ku jirna ayaan warqaddii uu Bashiir soo qoray u dhiibay. Wuu anfariiray… wuu yaxyaxay…..dhabanno-hays ayay ku noqotay. Inta uu is-hayn kari waayay, ayuu si cadho badani ka muuqatoo iigu yidhi: ‘Xagguu joogaa.'”

Mujaahid Abaadir bal hadda ha inoo sii gundhiyo sheekadan ma-hadhada ku noqotay, waxaanu intaa hore ku daray:

“Aniga oo ay naftuba igu sii dabo yar tahay, ayaan ugu jawaabay: ‘Xaafadda.’ Sarkaalkii aan warqadda u geeyay inta uu aad u naxay, ayuu dirir ay naxariisi ku jirto ii deddejiyay, waxaanu yidhi: ‘Waar ninkani hadduu lafiihiisa ka quustay oo uu nacay, waxaad ku tidhaahdaa ha galaafan odeygan iyo islaantan cadka ah ee ku noqo meeshaadi, xaafaddana deg-deg uga bax.’ Waa wixii aan rajaynayay weji-gabaxa noocan ahi iyo ku ka daraniba. Bashiir ayaan ku soo noqday iyo xaafaddii waanan u warramay. Wax hadal ah wuxu igu soo celiyay: ‘Ma sidaas ayuu ku yidhi.’ Ilaahay uun baa maalin kale noo dhigtay, bal se taasna Bashiir waanu isla soo marnay.”

Ma dha-dhawa. Weli waxa inoo socda oo ma-hadhooyinkiisii inooga muddakaroonaya, Mujaahid Abaadir oo ay Mujaahid Bashiir walaalo ahaayeen. Waa kan misana gufaaco kale soo rogay, waxaanu markan ku deexday:

“Maalin ayuu aabbo aad uga waraystay dadka aanu jarka nahay. Habeen habeennadaa ka mid ahaa ayuu naga baxay. Wuxu u galay nin aanu jaar ahayn oo Isbatoore (Xadhigle) taarwale ah ahaa. Qoys ahaan waanu isku xidhnayn oo waa uu ogaa in uu Mujaahid Bashiir tallowsan yahay oo maqan yahay. Runtii wuxu ahaa nin aad u necbaa millateriga iyo nidaamka dawladeed ee uu ka midka ahaaba. Mar walba aabbo ayuu u sheegi jiray goldaloolooyinka ka muuqda xerada iyo sida loo cadaadiyo. Ninkaas, waxa la odhan jiray Ismaciil Jibriil, beryihii danbena waa uu dhintay.”

Wuxu sheekadan xaradhaamada lahayd, Mujaahid Abaadir ku soo gunaanaday:

“Xadhigle Ismaaciil, markii uu gurigiisa ugu galayba waa uu isu sheegay. Aad iyo aad ayay habeenkii oo dhan u wada sheekaysanayeen. Ma ay sahlanayn in nin ciidanka millateriga Soomaaliya ka tirsan aad is aragtaan adiga oo SNM ka tirsan kana yimid oo hawlo u socday. Qof dun wanaagsan oo waddaniya ayay taasi ka suurtoobaysay, waanay jireen dad caynkaas ahi haba yaraadaan e’.”

Hadda halka aynu joognaa ee sheekadan la yabka leh aynu ku durduuranaynaa waa Gebilay iyo xaafaddii ay deggenaayeen reer Ibraahin Xirsi. Mowduuca sheekadu waa Mujaahid Bashiir iyo dhaqammadiisii halgameed. Waxa taxanaha sheekada inoo daaddihinaya Mujaahid Abaadir oo aynu gaaxdiisii halgameed maalaynaa.

Maah-maahdii Soomaaliyeed, ayaa ahayd: “Lababa isa saaray oo laba tagoogood is-ma saarin.”

Bal hadda u fiirsada sida ay xaaladdani halista ugu tahay qoyskan dhan iyo dadka ku xidhanba, iyo sida deggenaanshaha leh ee ay iyaguna iskaga daansho-daanshoonayaan. Muran iyo dood ayay iskaga jiraanba.

Bal hadda Mujaahid Abaadir, godollo kale oo ma-hadhadhooyinkii uu walaalkii Bashiir kala kulmay ah ha inoo sii mariyo, waxaanu yidhi:

“Habeen habeennadaa ka mid ahaa ayuu aniga iyo inan kale oo iga weynaa oo aanu walaalo ahayn noo yeedhay. Wuxu nooga sheekeeyay sida loo qoro waraaqo aan cid kale fahmi karin. Waxaanu tusnay qoraal af-soomaali ahaa oo aanu annagu ikhtraacnay kuna salaysnaa BTJ-dii oo aanu kala beddelnay, laakiin shaqallada sidoodii ayaanu u isticmaalaynay. Hal xaraf ayaa saa’ida R-da ayaa caadi ka dhignay.

B T J X K H D R S SH D H—- C G F Q K L M N W H Y

C G F Q K L M N W H Y —–B T J X KH D R S SH DH

“Af-soomaali aanu sidaa u kala-beddelnay ayaanu tusnay oo aanu waraaqo annaga oo keliyi aanu fahmaynno aan ku qori jirnay. Wuxuu nagu yidhi: ‘Waxa muhiim ah haddiiba askari inta uu ku baadho uu warqad kaa helo, in aan warqaddaa loo aqoonsan in ay sir tahay. Haddiiba warqaddaa loo aqoonsado in ay sir tahay waa la ogaan karayaa, marka ay ugu yar tahay waa lagu tuhmayaa, waana lagu xidhayaa. Sidaa daraaddeed, warqadaha aynu is-dhaafsanayno waxaynu u qorayna sidan: xerada millaterigu waa ayeeyo, askartuna waa caruurteedii, boolisku waa bahdii kale ee ayeeyo. ‘Sidaas ayaad warqadaha u soo qoryasaan,’ ayuu nagu yidhi.

Habeenkii u dambeeyay ee bixitaankiisa ayaa waxa loo soo iibiyay kalluun badan iyo tobaneeyo xabbo oo roodhi ah, sidaas ayaanu nooga anba-baxay.

Markanna, waa Mujaahid Abaadir oo ka sheekaynaya hilimmadii uu soo mari jiray Mujaahid Bashiir kolka uu gudaha soo gelayo, waxaanu yidhi:

“Xilliyada ama mararka uu gudaha soo gelayo inta badan wuxu soo mari jiray markuu dalka soo gelayo iyo markuu ka sii baxayaba Carrada malko/Marda. Waa lafta-boqor barigeeda miyiga oo ku dhow Lafta-boqor, halkaas oo abtigii Cabdiraxmaan Sheekh deggenaa. Bashiir waxa aad ula shaqayn jiray Ilaahay ha u naxariisto e’ Muuse Sheekh Cabdillaahi Ciise. Waa abtigayo run ahaa oo calool adkaa sheekhna ahaa. Wuxu ahaa ninka aad is-odhanaysay waa ninkuu ka raacay dhiirranaanta iyo geesinnimada. Sheekh Muuse, wuxu deggenaa Guluc halkaas oo iyaga oo qoryahooda sita ay u iman jireen. Wuxu Sheekh Muuse u soo qaadi jiray hubka iyo miinooyinka ay dalka gudihiisa gelinayaan isaga oo si badheedh ah ugu soo rari jiray Awr uu lahaa.”

Galaa-baxan Mujaahid Bashiir ee dalka Abaadir wuxu ku soo khatimay:

“Walaalkay Bashiir, intii uu uu SNM-ta ku jiray dhowr jeer ayuu xaafaddayada Gebilay noogu yimid, annaga oo deggenaan jirnay xerada millaterigu deggen yahay meel jago- buldhuq la yidhaa, taas oo uu Bashiir noo iibiyay intii aanu tallaabin.”

Abaadir oo aanay sheekooyinka walaalkii ka dhammaan oo hadba godol soo cusboonaysiinaya, ayaa wuxu xusuustay sheekadan kale, ka dib markii walaalkii Mujaahid Bashiir shahiiday. Markanna wuxu ku deexday:

“Intii uu shahiiday ka-dib ayaan abtigay Sheekh Muuse ku idhi: ‘Abti bal ninkaa ka waran calool-adayggiisii.’ Wuu ilko-caddeeyay, waxaanu igu yidhi: ‘Abti aniga ayaa ka yaabi jiray oo la yax-yixi jiray.’ Qisuu iiga sheekeeyay. Wuxu yidhi: ‘Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa annaga oo soconna Caraancarka Allaydabay korkeeda, awrka aanu wadannana uu miino la ciir-ciirayo is-na uu I ag socdo ayaa waxa nagu soo baxay 15 askari, waanay na joojiyeen. Nimanku waa jaad doon-doon. Markii aan sidaa ugu baxnay nimanka, Bashiir oo iga danbeeyay ayaan maqlayay qoriga uu ammaanka ka jaray. Hoos inta uu ii la hadlay ayuu igu yidhi abti ha ka werwerin intan aniga ayaa ku filan e’. Su’aalo badan ayay na waydiiyeen oo ay ka mid ahaayeen: maxaad siddaan, ninkani muxuu ahaa iyo qaar kale oo badan. Bal se nin ciidankaa ka mid ahaa ayaa indheer-garad iyo waayo-aragba u muuqday. Wuxu ahaa nin rarka wax ka yaqaannay. Wuxu ydhi: ‘Awrkani ma sido wax culus oo ka muuqda, culaysna wuu la tiicayaa maxaad siddaan.’ Annaga oo isla kadeedan, fadhiisina uu i leeyahay ayay ku soo baxeen dameero jaad sidaa. Kuwii baa Ilaahay nagu furtay oo ay ku wada yaaceen.”

Abtigii, wuxu sheekadan gaaban ku soo gunaanaday:

“Markii ay naga tegeen ayaan shucuurtiisa la yaabay oo waaba iska sidiisii. Waa maalinta qudh ah ee aan naxay ee aan is-idhi maanta galbate.”

Looga-qaateenkii hawl-galladan iyo sheekooyinka la yaabka leh ee la xidhiidha iga warramayay, waxay ii sheegeen in tiraba ilaa siddeed jeer ama sagaal jeer ay gudaha uga suurto-geli waayeen yoolalkii ay doonayeen. Suurto-gal-la’aantaasi waxay beertay shakiyo mararka qaarkood la isku maan-dhaafi jiray

Shakiyadaas waxa ka dhashay dacaayado, iyada oo ay kolkeeda horeba jabhadnimadu iska shakiyo badan tahay oo inta badan ay baci kugu xidhmayso. Sida aanu xogta ku hellay, hawlgalka ugu danbeeyey ee ay ku soo baxayaan Bashiir, Nuur Muhindis iyo Cismaan Awr-liqe saddexdoodu, Aadan Shiine, Cali-Gurey iyo Muuse Biixi derged yar oo Dibiile ku taallay ayaa muran badina ku dhec maray. Aadan-shiine oo arrimahan aad ugu canaantay Taliskii Aagga, ayaa ku andacooday in la joojiyo hawlahan, sahammadan iyo hawl-galladoodaba. Wuxu ku cel-celiyay in guul-darro lagala kulmi doono.

Sida ay looga-qaateenku noo sheegeen Mujaahid Bashiir ayaa markaa codsaday oo ku adkaystay in mar kale fursad la siiyo. Cismaan Awrliqe oo markaa magaalada ka soo baxay ayaa isagunana warka xooggiisa keenay. Mujaahid Bashiir, Nuur Muhindis iyo Cismaan Awr-liqe sidaas ayay ku soo ambo-baxeen.

Mujaahid Bashiir, dadkii sida la-yaabka iyo naf-hurkaba ula halgamay ee inta badan hawlaha la fulin jiray waxa ugu mudnaa abtigii Sheekh Muuse. Wuxu ahaa nin beeraley ah oo isla markaana xoolo-dhaqato ahaa oo weliba geelna lahaa. Galbeedka ayuu ku dhaqnaa oo aan inta badan loo aanayn geel-dhaqashada. Sheekh Muuse, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waa uu dhintay. Haddaba si aanu wax uga ogaanno kaalintii uu Sheekh Muuse kaga jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, waxaanu la xidhiidhnay oo aanu ka wareysannay Xaaskiisa, Aamina Xasan Suldaan oo Hargeysa deggen.

Iyaduba, Mujaahidiinta nafta iyo waqtigaba hurtay ayay ka mid ahayd e’, waxaanu ku booqannay gurigeeda oo Gol-janno ku yaalla, 27/9/2015ka, gelinkii danbe. Iyada oo si wanaagsan noo soo dhaweysay, waxay si kal iyo lkaab ah noogu duubtay wixii ay ka ogeyd Mujaahid Bashiir iyo Sheekh Muuse, waxaanay ku bilowday:

“Horta inta uu Mujaahid Bashiir noo iman jiray waa ay badnayd, waxaan immika tiro ku soo koobi karona ma aha. Mararka uu noo yimaaddo wuxu nala joogi jiray habeen, laba ama saddex habeenba. Wax ka badan nalama uu joogi jirin, laakiin nagama uu raagi jirin oo si deg-deg ah ayuu noogu soo noqon jiray.”

 

Sida aan ka soo xigtay, Muuse Biixi oo ii sheegay in uu inta badan booqashooyinkaa abtigii ku wehelin jiray, Mujaahid Bashiir inta badan waa loo loogi jiray oo neef ayaa loo qali jiray sidii qof la baananayo oo kale.

Mujaahid Aammina iyo xusuusteedii aan ku noqonno, waxaanay intaa hore raacisay:

“Marka uu noo yimaaddo reeraha aanu la naallay waxba ma ay dhibsan jirin, waanay garanayeen, reer Sheekh ahaanna waa ay ixtiraami jireen oo sheekh Cabdillaahi Ciise oo Sheekh Muuse aabbihii ahaa ayay si weyn uga danbeyn jireen. Sidaa daraaddeed ma ay dhibsan jirin oo dhibaato badan kama ay sheegan jirin, se mar qudh ah ayay nagu yidhaahdeen sida uu ninkani u socdaa waa qalad ee aad adna Sheekh Muusow ula socotaa, ileyn cabsi badan ayaa jirtay e’. Kolka la imanayo Alley-badey oo aad noogu dhaweyd, ayaa laga baqan jiray amaba se kolka la tegayo ayaa laga cabsan jiray in lagu qabsado. Baahida magaalada loo qabo ayaa mar walba taagnayd e’. Xusuustayda hal mar ayaa reerka cabashadaasi ka timid oo aan mar labaad lahayn.”

Bal hadda immikana Mujaahid Aamina ha inooga warranto halkii ay deggenaayeen iyo xoolaha ay dhaqan jireen, waxaanay tidhi:

“Annagu, waxaanu degganayn xagga xadka ka shisheysa ee Dibiile u dhow. Deegaan ahaan, waxaanu u dhexaynay Dibiile, Harta Sheekha iyo Durya. Meel Guluc la yidhaahdo ayaanu deggenayn. Xoolo iyo beeraba waanu lahayn. Geelii Sheekh Cabdillaahi wixii ka hadhayna waa ay noo joogeen. Tiro ahaan geelu ilaa soddomeeyo ayuu ahaa.”

Jilayaasha ma-hadhadan aynu taariikh ahaan u diiwaan-gelinayno, waxa ka mid ahaa Awr ma-naste ma-daale ahaa oo muddo laba sannadood ah aan inta badan heeryadaba lagu furin. Wuxu ahaa Awr halgamaa ah oo in badan ka adeegay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Awrkaasi wuxu ka mid ahaa arrimihii aanu ka codsannay Mujaahid Aamina in ay waxoogaa nooga muddaakarooto, waxaanay tidhi:

“Waxa jiray Awr ay adeegsan jireen inta badan. Awrka ay adeegsan jireen geela ayuu ka dhashay oo hashii dhashayba geela ayey ku jirtay. Lama soo iibsan, hasha awrkaas dhashayna waxa magaceeda la odhan jirayTaamur. Sidaas Awrkuna kula baxay Ina-taammur. Anigu immika tiro kuma garanaayo inta jeer ee ay rareen laakiin laba sannadood iyo dheeraad ayaa mar walba la raran jiray. Mujaahid Bashiir iyo Sheekh Muuse, waxay inta badan ku rari jireen Awrkaas hub iyo miino. Waxay ku rari jireen wax sida ubbooyinka oo kale u samaysnaa. Miinooyinkana marka hore Dibiile ayaa Awrka lagaga soo qaadi jiray, marka waxaanu lahayn laba guri Soomaali, mid ayaana lagu uruurin jiray, markaas ayaa haddana la soo tallaabin jiray oo Awrka lagu soo guri jiray.”

Awrkaas Mujaahidka ahaa ee Ina-taamurna sidaas ayaad ku diiwaan-gelinaysaan kaalintii xurmada lahayd ee uu ka soo qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Markii danbe Awrkaas Ina-taammur rarkii iyo culayskii badnaa ayuu ku garbo-beelay oo nabarro ku yeeshay guudka, gaar ahaan kuruska oo uu beryihii danbena u bakhtiyay. Qaantaasina waa ay inagu maqan tahay, Ina-taammur sidaas ayuu taariikhda ku gelayaa.

Aynu dib ugu noqonno Mujaahid Marwo Aamina iyo xusuusteedii, waxaanay tidhi:

“Awrka Ina-taammur mar qudha ayay adeegsan jireen oo marka la keeno Ceel-ginniiseed ama Dhagax-madoobe agagaarkiisa. Mararkaas oo kale muddo ayuu socon jiray, halkaasna waad garan kartaa inta ay jirto iyo halka la keenaayo wakhtiga ay qaadan karto oo wax markiiba lagu soo noqon karo ma ay ahayn. Sheekh Muuse, mar walba waa uu raaci jiray ama Awrka ha ka xaystaan amaba keli ha u socdaan e’. Mar kasta is-na waa uu raaci jiray, waana ay wada socon jireen oo waxoogaa ayay naga maqnaan jireen, annaga oo u baahan oo miyi la joogo, la iskana rafaadsan yahay ayay naga tagi jireen Awrkana naga ka xaysan jireen. Awr kalena geela kumay jirin markaa geel waa uu joogay e’ laakiin awr marka laga furo si fiican loo raran karo oo marka laga furo aan cabaadayn oo xoog weyn oo meel kasta kuu mari karaya ayuu awrkaasi ahaa, se markii danbe awrkaasi sidii loo raraayay ayay garbihii iyo kuruskiiba xanuuneen oo uu markii danbena ku dhintay.”

Bal ka warrama dee Ina-taammur. Halgankaa uu gartay, waxa jirtay in badan oo aadame ah oo garan weyday. Ina-taammur xataa wuxu iska illoobay xilalkii qoyska ka saarnaa oo dan qaran iyo halgankii hubeysnaa ayuu u anbo-baxay. Miyaanay ahayn isaga iyo qayrkiiba in aynu taallooyin u taagno.

Mujaahid, Marwo Aamina oo sheekadan oo inoo kalwinaysay, waxay ku soo gunaanadday:

“Markaa reerku wuxu ahaa reer aad iskugu dhow oo reer Sheekh oo dhan ayaa isku xidhnaa kuna xidhnaa SNM-ta, dee Maxamedna (Bashiir) nin reer Sheekha ayuu ahaa. Annagu inta badan Maxamed ayaanu u naqaanay oo Bashiir markii danbe ayaa loo bixiyey e’ in kasta oo magaca Bashiir ahaa magacii uu halkaas ku joogay, SNMta reer Sheekh Cabdillaahi Ciise oo dhan baa ku xidhnaa oo waxa jiray ilma-Cabdiraxmaan Sheekh, Gorgor baa is-na jiray, inankan ay Bashiir walaalaha ahaayeen ayaa is-na jiray oo Yuusuf la odhan jiray oo is-na shahiiday. Marka waxay ahaayeen dad badan oo ilaa Axmed Sheekh Cabdilaahi oo Jabuuti joogay, raganna soo diri jiray oo xaggaas soo marin jiray illaa Axmed Nuurkaas, waxay ahaayeen dad badan oo SNMta ka wada mid ah oo ku wada xidhan iyaguna isu xidhan, reerkaasna inta badan dadkii u ban-baxay ayay kow u ahaayeen.”

Mujaahid Marwo Aamina Xasan Suldaan, aynu aad ugu mahad-celinno xogta togan ee ay inaga siisay intii ay ka ogeyd Mujaahid Bashiir, Sheekh Muuse iyo Awrkoodii Ina-taammur ee mar walba ku lammaanaa halgankiina ku garbo-beelay ee markii danbena sidii ku dhintay.

Xogogaalka kale ee looga-qaateenka ah ee aanu ka wareysannay Mujaahid Bashiir iyo sooyaalkiisii halgameed, waxa ka mid ah Mujaahid Ismaaciil Cabdi Tani, waxaanu ku bilaabay xog-warrankiisii:

 

“Markii hore Sucuudiga ayaan ka soo noqday, Jabuuti ayaan imid ku-sinnaan aakhirkii Diisambar 1984kii. Aniga oo goor makhrib ah maraya Xaafadda Shanaad, ayaanu ninkii Cumar Aadan Cawaale ku kulannay oo aanu aad isku naqaannay oo aanu saaxiib nahay. Qaad yar ayuu sitay, waxaanan weydiiyay halka uu ku socday. Wuxu igu yidhi: ‘Waxaynu u tegaynaa nin aanu Ilma-abti nahay oo meel halkana deggen. Halkaas ayuu Cumar Aadan Cawaale isku kaayo baray Maxamed Ibraahim Xirsi oo beryihii danbe la baxay ama loo yaqaannayba Mujaahid Bashiir. Waxa kale oo maalintaa la joogay Yaxye Cabdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi oo ay Ilmo-abti ahaayeen. Halkii ayaanu ku sheekaysannay. Waa xilli ku beegnaa Guda-galkii gudaha ee 1984kii. Sheekadii dagaalladii buuraleyda ee berigaas ayaa la soo qaaday.

Markaas ayuu yidhi suuqa waxaas lagagama sheekeeyo e’, ninkii doonayaa ha tago oo kolkaaba qiiro ayaa ku jirtay kolkaas ayaan yaabay illeyn aniguna xaggan ayaan u socdaay e’. Waanu ballannay, ka-dibna maalin danbe ayaan anigu keligay goostay in aan u tago ‘Ambassadorkii’ Itoobiya. Aniga oo safaaraddii jooga oo ay foom-yar iga buuxinayaan ayay saddexdoodii oo wada socdaa ay noo soo galeen. Waa ka igu yidhi ma i garanaysaa aniguna haa ayaan ku idhi. Ka-dib markii aan waraaqahaygii soo qaatay, ayaan ku idhi waa inoo suuqa. Waan gartay in ay baxayaan, ka-dibna anigu diyaarad ayaan raacay iyaguna Tareenka ayay soo raaceen.

Waxaanu haddana iskugu nimid Diri-dhabe, halkaas ayaanu Diri-dhabe ka baxnay oo aanu Awaare tagnay. Urur tobnaad la odhan jiray oo Ururkii dhibbooga ahaa ah ayaaba uu Taliye ka noqday. Ka-dib Raage iyo qolooyin kale ayaa yimid, aniguna waan iskaga noqday xafiiskan ciidanka iyo tirada iyo waxaas. Mahdi Cali Faarax, Taliyaha dhibbooga Awaare ayuu ahaa. Markaa hawl-gal Balli-cabbane ahaa ayuu Muuse Biixi ka codsaday Mahdi in uu 150 Mujaahid uu keeno, markaa is-na kuwaas ayuu ku jiray uu Mahdi soo diray, aniguna Dibiile ayaan imid kolkaas.”

Intaa ka dib maxaa dhacay? Waa kan Ismaaciil Cabdi Taani oo sheekadiisii soo gunaanadayaa:

“Markii uu hawl-galkaas Bali Cabbane uu dhammaaday, ayaan isaga, Raage, nin Fooxle la yidhaahdo iyo nin Cali sandheere la yidhaahdo aan Afartaas idhi Mahdiyoow ii soo reeb, sahanbaan galaynaayee, waayo waxaan Awaare ku soo ogaaday dagaalkii 84kii in xaggan Galbeedka ay ka dhacday, dabadeedna markaas ayaan idhi sahanbaan galeyaa si aan dalka u kala baranno dadkii kalena aan hadhow uga faa’ideeyno, dabadeedna siddii ayaa afartii iigu soo reebeen, halkaas ayaanu ka baxnay oo buuralaydii ilaa Agabar iyo meeshaas ayaanu soo marnay, ka dib markii aan soo noqonay afartayadaasi ayaan waxa aan meesha ka sameeyey koox la yidhaahdo Sahanka.

Bashiir waxa uu ahaa nin aad u firfircoon oo qiiro wadaniyadeed ay ku jirtay, halgankuna ku dheera ayaan ku bartay.”

Ka-baxii dalka ee Reer Ibraahin Xirsi

Qoraalkan soo socda oo aan ku leeyahay tifaf-tirka ama quraaridda oo keliya, waxa inoo kalwinaya Mujaahid Abaadir oo aan ka martiyay xogta qoyska inteeda ugu badan, waxaanu ku bilaabayaa:

“Ka-hor intii aanu dhiman Bashiir dhowr jeer ayaa aabbahayo looga yeedhay xarunta ‘CID-da’ degmada Gebilay, ka dib markii odey caaqil noo ahaa u sheegay in wiil nagaga maqan yahay SNM oo ay iyagu markaa u yaqaanneen Qudhmista. Mar labaad ayaa loo yeedhay aabbo, waxaanu nooga sheekayn jiray hadba waxay ku yidhaahdaan.”

Bal hadda sheekadan xaradhaamada iyo xanuunkaba leh u fiirsada. Weli waxaynu maalaynaa gaaxdii Mujaahid Abaadir oo intaa hore ku daraya:

“Aabbo wuxu nooga sheekeeyay maalintan labaad ee loo yeedhay wixii lagu yidhi. Nimankii ‘CID’-da ayaa odeygii ku yidhi: ‘Wiilkaagii in uu tallaabay waanu og nahay. Markaa waxa lagu farayaa haddii uu soo galo in aad noo soo sheegto.’ Odeygii noo aabbaha ahaa arrintii fajac iyo anfariir ayay ku noqotay. Odeygii wuxu yidhi nimankii markii ay intaa igu yidhaahdeen, aniguna waxaan ugu jawaabay: ‘Adigu curadkaaga aan dilee ii keen miyaad iga yeeli lahayd, haddii halka aan ku jiro aad adigu ku jiri lahayd? Been mise run? Kuu soo sheegi maayo kuuna keeni maayo.'”

“Dhow dhowdu Cadduur umay dhicin,”Ma maqliin jirteen? Waa tii oo aan biyo is-marin. Miyaan hore loo odhan: “Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita.” Nimankan Faqashtu burkaba bahal kama ay filan! Mujaahid Bashiir aabbihii ayay sidan ula hadlayaan. Hadda waa kii Bashiirkan khaatiga laga joogo dhalay, ayay ku leeyihiin inankaagu marka uu soo galo soo sheeg ama noo keenba. Af-jabhadeedkayagii tan oo kale waxaanu ku odhan jirnay: “Halkee laga dheelaa.”

Waan iska qalin-taraaray e’ aynu Mujaahid Abaadir iyo godolladiisii ku noqonno oo ka durduuranno doobiyada culan ee uu inoo gaaxshay, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Aabbahay Ibraahin Xirsi yeedhistan iyo su’aalahan xanuunka leh waxa ku weheliya dad badan oo kale oo reer Gebilay ah. Beryaha Xukuumaddii Siyaad Barre, waxay soo rogtay in caaqil waliba soo sheego cidda ka maqan ee SNM-ta ku jirta ama Qudhmista sidii ay nafta ku maaweelin jireen.”

Allow ma run! Abaadir waa runtii oo ma ay ahayn arrin Reer Ibraahin oo keliya ku koobnayd. Waxay sheekadani I soo xusuusisay xanaftii iyo xanuunkii yeedhmooyinkaasi ku hayeen xaaskayga Mujaahid Marwo Faadumo-cawo oo si joogta ah saldhigga booliska ee Gebilay loogu yeedhi jiray, ilaa ay igu qasabtay in aan horraantii 1984kii Jabuuti geeyo, ka dibna aan dejiyo jiidihii hore ee dagaalka gaar ahaan Durya-dheer oo halgankaba hooyo u ahayd,

Dareenka ayaa I yar dhuftay oo waxaan mooday in Mujaahid Marwo Faadumo-cawo wax la weydiinayay ee iga raalli ahaada. Show Mujaahid Abaadir ayaynu muddaakarooyinkiisii dhex maaxaynay oo hadba inta aynu muquuranno madaxa la soo yar baxaynay. Wuxu intaa ku daray oo ku deexday:

 

“Yeedhitaankaa labaad ee aabbo loo yeedhay markii uu maqlay ayuu badhtamihii 1985kii Mujaahid Bashiir yimid miyiga Carrada Malko meel la yidhaahdo. Aabbo ayaa halkaa ugu tegay markii uu Mujaahid Bashiir farriin ka helay. Aabbo, wuxu Bashiir u sheegay in intaas oo jeer loo yeedhay oo la hor fadhiisiyay Sarkaal la odhan jiray Koore-jaan. Odeygu wuxu Bashiir u mariyay hadalladii qallafsanaa ee lagu lahaa iyo hatigaaddii loo geystay. Odeygu waxa kale oo uu Bashiir u sheegay in ay ku yidhaahdeen inankaaga waxa kaxeeyay nin laba gu’ ka weyn oo Yuusuf la yidhaahdo.”

Ninkii Bashiir ahaa aad iyo aad ayuu uga xumaaday marinnadaa xanuunka badnaa ee aabbihii la mariyay ee weliba ay walidiinta kalena la qabtay. Oo tolow, muxuu markaa yeelay? Waa kan Mujaahid Abaadir oo sheekada inoo sii kalwinayaa, waxaanu ku deexday mar kale:

“Mujaahid Bashiir aad ayuu uga xumaaday waxaa aabbihii iyo waalidiinta kaleba loo geystay. Falalkaa dadnimo-ka-baxa ahaa wuxu kaga jawaabay, laba xabbo oo ‘anti-tank’ ah ayay soo qaadeen Bashiir iyo abtigii Sheekh Muuse, waxaanay miinadii mid ku aaseen waddo isku-xidha Dhagax-madoobe oo Guuto ciidanka ahi deggenayd iyo Arabsiyo, miinadii kalena wuxu dhigay dhigay waddada u dhexaysa Gabilay iyo Dhagax- madoobe. Labadiiba waa ay qarxeen, laakiin dad waxba kuma noqon. Labadii miino midi gaadhi Sey-sey ah ayay hoboska hoose goysay, tii kalena gaadhii Koore Jaan,(Taliyihiin haystay guutadii deganayd Dhagax-madoobe), oo ahaa landcruiser nooca siiblaha looyaqaan oo markaa uu lasocday darawalkiisii oo kaliya Cabdi Sheekh Cumar Xuseen ayay xaggiisa danbe ka qaraxday xawaarihii uu ku socday awgeed. Aynu ku noqonno mowduuceennii ahaa sidii ay Reer Ibraahin Xirsi dalka kaga baxeen, ka-dib markii uu shahiiday Mujaahid Bashiir 3/4/1987kii. Abaadir wuxu yidhi ama qoraal igu siiyayba:

“Ka-dib markii aanu xaqiiqsanay in uu shahiiday walaalkay Bashiir, ayuu aabbahay go’aan ku gaadhay in aanu dalka iskaga baxno, iyada oo ay fududaatay in immika nala soo raadsado, kol haddii Bashiir oo nalgaga baqanayay shahiiday. 25kii Juun 1987kii ayuu aabbo nagu war-geliyay in aan isu diyaarinno in aanu dalka ka baxno.

Odeyga qudhiisa ayaa iska millateri ahaa oo amarrada sidii Bashiir iyo si ka daran u bixin jiray. Odeygu xagga ku-dhaca iyo dhiirrananta, mararka qaarkood waxaad is-odhanaysay isaga ayaaba Bashiirka ka darnaa. Waxa igu maqaale ah in Mo Faarax hooyadii lagu yidhi: “Wiilkaagii Maxamed ayaa adduunkii ugu dheereeyay oo lala wada yaabban yahay.” Waxa la yidhi Mo Faarax hooyadii ayaa ku-dareen-celisay: “Adduunkan yaabbani, waxaanu arag ka ii soo qaban jiray, mararka uu kaasi iga baxsado.”

Waxaynu, markanna joognaa magaalada Hargeysa. Waa 25kii Juun, 1987kii. Xafladdii calan-saarka lagu maammuusayay ayaa goobtaa ka dhacaysay. Bal hadda habeenkaana, Mujaahid Abaadir ha inooga warramo ma-hadhada isaga iyo aabbihii soo kala dhex-martay, waxaanu yidhi ama ii soo qorayba:

“Wuxu aabbo habeenkaa igu amray ama si adag ii farayba in aan tago xafladdaa calan-sarrka oo habeennimada 26ka Juun ka dhacda soona jeedaaliyo cidda madax timaadda iyo sida albaabka laga gelayaa uu yahay. Dhaqan ahaan aabbahay wuu nebcaa tegitaanka xafladaha noocan oo kale ah, waanu diidi jiray in aan tago. Bal se munaasabaddan uu ii diray waxaan u fahmay in aabbahay uu raadinayo goldaloolooyinka Faqashta iyo meelaha ay ka dagan tahay ee laga geli karo iyada oo ay xanafta mindidii ku dhcday ee geeridii Bashiir aabbahay aad u damqaday. Waan yaabbanaa oo waxaan is-lahaa malaha odeygu isaga ayaaba qoriga qaadan doona.”

Waagii ayaa beryay. Reerku wuxu u diyaar-garoobay in ay dalka ka baxaan. Intii aan la ambo-bixin ayuu Abaadir odeygii dhalay uga warramay xafladii calan-saarka ahayd ee uu xalay ku maqnaa odeyguna ku dudduucay in uu ka qayb-galo. Bal Abaadir taxanihiisii dheeraa halkii ha inooga sii ambo-qaado:

“Aroornimadii ayaan iyada oo uu diyaar noo ahaa baabuurkii aanu ku baxaynay, ayaan aabbo uga warramay sidii ay xalay xafladdii u dhacday, madaxdii joogtay iyo iyada oo albaabka aan dadka la baadhayn ee askar ulo haysta oo caruurta wixii aan qof weyn la socon joojinaysay. Intaa markii aan ku idhi aabbahay inta uu madaxa ruxay ayuu yidhi: ‘Haa…haa.’

Waxaan ugu jawaabay: ‘Aabbo bal ii warran, maxaad uga jeedday arrinka?’ Wuxu yidhi: ‘Ragga walaalkaa dilay, miyaanay kuwaa aan kuu dirayay ahayn? Maxaa adiga kaaga meel-yaalla ayuu yidhi?’ Aniga oo yaabban ayaan ku idhi: ‘Aabbo ma immikaad I weydiinaysaa,’ ayaan ku idhi: ‘Sow tii habeenkii Bashiir uu inala joogay ee aan lahaa Babastoolad ii keen aad ila yaabayseen ee aad lahaydeen weli waad yar tahay. Haddii Baastooladdii uu habeenkii sitay iiga tegi lahaa cawa aabbo rikoodh ayaan dhigi lahaa taariikh-gal ah.'”

Safarkii iyo ambo-bixii reerka ku soo noqo. Hadda Abaadir ayaa inoo weli gadh-wadeen inoo ah, waxaanu yidhi:

“Muragada iyo maroora-dillaacu iyada oo uu aad noogu badan yahay, qofna aanu qofka kale la hadlayn ayaanu fuullay. Gaadhigii 9kii aroornimo ee 26/6/1986kii ayaanu ka baxnay. Waxaanu ka koobnayn afar qof oo kala ahaa: aniga, walalo Rooda oo afar gu’ iga weyn, aabbo iyo hooyo.

Aroortaas oo ahayd markii aanau ka baxnay dalka, gaadhi Land-rover ahaa ooGuulwadayaashu lahaayeen ayuu na siiyay Maxamad Faarax Nuur oo aanu gacal ahayn, ka-sokow tolnimada guud. Laba askarina dusha ayuu noo saaray, waxaanu ku yidhi: ‘Reerkaa lama baadhi karo kaantaroolna lama joojin karo askariga taa-taabta soddonkaba ku tiriya. Sidaasna askartii ayuu kula dardaarmay.”

Gebegebadii sheekada, Abaadir sidan ayuu ku soo gunaanaday sheekadiisii xadantada iyo xaradhaamadaba lahayd, waxaanu yidhi:

“Gaadhigii, si nabad ah ayuu nagu geeyay Geed-ballaadh, halkaas oo maalin ka-dib aanu hore uga sii dhaqaaqnay. Waxaanu bil ku nagaannay Calool-la’ Geed-ballaadh ayay 4km ka xigtaa koonfur oo ah meel aanu degno beerana aanu ku leenahay. Waxaanu halkaa ugu tagnay walaashay Canab Ibraahin iyo walaalkay Aw Maxamed Ibraahin oo iyagu halkaaba deggenaa. Aabbo, wuxu u sii kicitimay xaggaa iyo Durya oo bishaaba uu ku maqnaa; waxaanu halkaa kula kulmay madaxdii SNM-ta oo uu ka mid ahaa Raage-bidaar oo ay Bashiir si gaar ah u wada shaqayn jireen ahaana ninka noogu soo dhaweynta badnaa. Guri weyn ayaa halkaa uu nooga dhisay, sidaas ayaanu markii danbe ugu wareegnay xarunta SNM ee durya.

Waxaan hore ka galay tababar ciidan badan oo iga horreeyay halkaa uga socday, aniga oo ah qof naafo ah maan geli karayn tababarka orodka iyo is-baacsiga bal se waxaan aad u bartay miinada noocyadeeda kala duwan, saabunaytida oo inta la ceejiyo nambar badan la iskugu geyn karo hal mel ah, caagad biyood shan litir ah lagu shubi karo amaba ka weyn baabi’in karaysana dhul baaxad leh iyo xasuusta baraarujinta xafladdii dayacnayd ee walbahaarku ku dhaliyay aabbahay.

Haatan iyo dan

Malqaacad wax ka yar ayaan idiin ka daray bad-weyntii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Intaas oo ma-hadho oo kale oo aan cidna u qornayn cidna u diiwaan-gashanayn oo mudan in bogagga taariikhda ma-guurtada ah lagu xardho ayaa yaal oo meel walba daadsan oo weliba dadkii xusuusta ku hayay sii gurmayaan oo sii galbanayaan.

Waxaan si kooban oo guud-mar iyo sar-ka-xaadisba ah idiin ku soo mariyay sheekadii xadantada iyo xaradhaamada lahayd ee Mujaahid Bashiir, saamayntii ay qoyskooda ku yeelatay iyo Mujaahidiintii ay wada hawl-geli jireen in ka mid ah oo ay sheekadu ila martay. Dhiilladaa aan idiin mariyay iyo kuwo kale oo ka daran oo aanay cidina weli daaha ka feydini, ummaddan meelna uguma qorna.

Waxa laga yaabaa in ay qaar idin ka mid ahi u haysteenba in aanay run ahayn waxan ay akhriyayaan, bal se uba haysteen in ay filim khayaaliya daawanayeen. Waa bogaag kooban oo ka mid ah taariikhdii xanuunka badnayn ee ina soo martay.

Duruusta aynu ka baran karaynaa saddarradan kooban ee aynu akhriyaynay waxa weeyaan wixii dhiillo iyo dhibaato shacbigan Somaliland loo geystay iyo sidii ay uga gilgisheen innaga oo tusaale nool u soo qaadannay Mujaahid Bashiir iyo muddadii labada sannadood ahayd ee uu ku hawlana halgankii hubeysnaa.

Maansadii Hadraawi ee Jiitama ayaa waxa ku jiray:

“Hadda shalay ma dheerayn,

Waxa dhacay ma fududayn,”

Raadkii ayaa weli qoyan iyo saymihii la soo maray ee dagaalladii dibuxoreynta qaran iyo kuwii sokeeye. Innaga oo intaas oo dhib ah ka soo marnay, ayaa raadkii oo qoyan, dhiiggii oo aan weli engegin loo taag la’ yahay is-bahaysi xaaran ah oo dhex-maray ganacsato bahalowday oo ku mamtay hantida ummadda iyo xukuumad iimaanka beeshay oo hantidii qaran hadba qayb iibinaysa. Dadku se waa kii. Waa kii gobannimada dhacsaday ee ku dagaallamay. Maantana dhacsiga qarannimada iyo badbaadinta qarankan lagu soo qudh-baxay uma baahna dagaal loo galo ee cod iyo doorasho ayuu xaalkuba taagan yahay.

Waa sidii Cabdillaahi Suldaan u yidhi oo:

“Danbarkeedi Maandeeq nimaan doonin baa dhamay,”

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *