Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Wil-wile:

Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Wil-wile:

 

Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanku kaalin mudan ayay kaga jireen nolosha dadka Soomaaliyeed.

 

Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanku kaalin mudan ayay kaga jireen nolosha dadka Soomaaliyeed. Golaha ciyaartu macno badan ama ujeeddooyin door ah ayuu u lahaa barbaarta. Mar medadaalo iyo iyo maaweelo ayuu u ahaayoo, noloshu, tan maaddiga ah oo keliya ma ahayne, waxa iyaduna jirtay tan ruuxiga ah oo ciyaarta Hiddaha iyo Dhaqanku qayb ka mid ah ay buuxin jireen. Mar kale golaha ciyaartu wuxu ahaa meel ay gabdhaha iyo wiilashu si hufan oo aan xumaan lahayn isugu iman jireen, labadii calaf isugu jiraana ay iska raaci jireen.

Mar kale golaha ciyaartu wuxu ahaa madal ay barbaartu lab iyo dheddigba ku tababartaan oo ay ku baaq-baaqaan awooddooda curineed ama hal-abuurninmo, kartidooda faneed iyo hoobalnimo. Mar afraadna golaha ciyaartu wuxu ahaa madal ay ku mededaashaan oo ay isku illowsiiyaan ama kaga daal-tirtaanba noloshoodii adkayd ee reer-miyinnimo.

Ciyaaro door ah ayaa dhaqan ahaan looga ciyaaraa Somaliland oo jaan iyo jiibba leh. Ciyaaraha qaarkoodna durbaan ayaa wheliya, gaar ahaan kuwa haweenku ciyaaraan. Waxa jira ciyaaro raga iyo dumarkuba wadaagaan, ciyaaro dumarka u gaar ah oo ay keligood ciyaaraan iyo qaar kale oo ragga oo keliya u gaar ah.

Gobollada iyo degmooyinka dalka marka aad eegto ciyaaro kala duwan ayaa laga ciyaaraa. Ciyaarahaasi waxa ay ku kala duwan yihiin meelo ama waxyaabo badan. Waxa ay ku kala duwan yihiin: sida loo ciyaaro, jiibta, jaanta iyo sacabkaba. Ciyaaraha qaarkood meelo badan ayaa laga ciyaaraa, qaarkoodna degaammada qaarkood ayay ku kooban yihiin.

Innaga oo isku deyi donna bal in aynu ciyaaraha inta aynu ka gaadhi karno soo bandhigno, bal aan ku bilaabo ciyaarta Wilwilaha oo ka mid ah ciyaaraha ugu quruxda badan oo weliba ah kuwa ragga u gaarka ah oo marka aad abtirsiinteeda sii raacdana noqonaysa ciyaaraha dagaalka.

Bal aynu eegno Caqli Nuur Buux oo belo ku qaba ciyaaraha Wilwilaha iyo Xoog-weynta oo ah ciyaar aad u da’ weyn oo haatan dabar-go’ba ku dhow. Waxa kale oo uu Caqli Nuur Buux caan ku yahay ciyaaraha: Saddexleyda, Jareyda, Shaxleyda, Hirwada, Geblaha iyo qaar kale oo badan.

Caqli Nuur Buux inta aanu ina dul keenin golaha ciyaarta waxa uu inoogu bilaabayaa:

“Tir-tirfaha halkaa ayaa la soo joogsanayaa marka golaha ciyaarta lagu soo socdo, markaasaa la odhanayaa:

‘La wareeryoo,

Warmaheennaa,

Laga waabtoo,

Laga waashee,’

Ka dibna colka kale ee ka roganaya ayaa odhanaya:

‘Barbaareeyooy hooy,

Annagaa reebi ogeynee,

Riddo weeyee,’

Sidaasaa lagu soo soconayaa, midna wuu soo tir-tirfanyaa inta kalena waa ay rogaysaa.”

Innaga oo Caqli Nuur Buux ku soo noqon donna, bal aynu in yar oo kooban ka nidhaahno tir-tirfaha. Waa socod xarrago leh oo ninka tir-tirfanayaa gacanta ku qabsanayo golxobkiisa ama hootadiisaba oo sidii uu wax ku turqayo hadba gacanta cel-celinayo isaga oo soconaya intii kalena ay daba socoto oo ka rogayso.

Aynu ku noqonno gaaxdii Caqli Nuur Buux oo halkii inooga sii wada ciyaartii Wilwilaha, waxaanu yidhi:

“Tir-tirfaha marka aynu intaa ku dhaafno waxa la imanayaa golihii ciyaarta, markaasaa ninkii Wilwilaha goynayay gudaha u tegayaa, ka dibna halkaas ayuu heestii ka bilaabayaa. Ku-ye:

‘La hoobeeyooy Alla Hoobeeyooy,

Hari maaddee ha na haaban,

Ciyaarta ninkaan samayn jirinow,

Hari maaddee ha na haaban,

Samayn jirinee sargoyn jirinow,

Hari maaddee ha na haaban,

Hadhow dili doona daa dhaha eey,’”

Wuxu Caqli Nuur Buux intaa ku darayaa:

“Ragga oo keliya ayaa ciyaara, waxaana la qaataa dharka hiddaha iyo dhaqanka, billaawahana waa la sitaa oo ninka goynaya ciyaarta ayaa si qurux badan bog iyo beerba billaawaha iska marinayaa.”

Waxa iyaduna aad u qurux badan tir-tifaha iyo sida xarragada leh ee qofka tir-tirfanayaa u soo soconayo. Ninba ninka uu ka dheer yahay kana dhuuban yahay wuu kaga qurux badan yahay tir-tirfashada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *