‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin……
Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah
(Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka)
“Waa ha hadlin,
Oo ha arkin,
Oo ha maqlin,
Waa habaar,
Waa habaar,
Waa habkaynu nahee,”
Riwaayaddii ‘Kala-haab’, 1966kii,
Cali Sugulle Dun-carbeed,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –
, www.dharaaro.com
Qormada: 1aad
Bilowga iyo Ballaysinka:
‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin…….Si aynaan tubta toosan uga lumin waa aynu is-tilmaamaynaa is-na toosinaynaa…..Maantana toddobku wuxu ka dul hoorayaa Xeer la taseeyay oo tubtii uu lahaa, kii u talin lahaa ee taakuleyn lahaa kala tallaabay.
Qudhu waa ‘qabax’ iyo quud aan qoryo loo guran…..Qabo waa in qummaati loo carbiyay iyo qaniinyadoodii…….Qolo waa higsad loo quluulay oo qiyamkii suubbanaa iyo qarannimadii lagu qasaalay…….Laba aan is-qaban…….Laba aan isu qalmin……Waa laba aan is-qaadanayn……Qof kasta oo isku qaldaa qufac aan hadhin iyo qunbacashuu ka qaadaa…….Xilliyada qaar waa dhadhaabtii dhamacda loo quudhay ee Dun-carbeed kala qaab dhigay kana qayliyay in aan la isku qaldin……Laba aan la isu quudhin oo aan isu qalmin: Waa Qaran iyo Qabiil……Qacdu waa qori…..Qabtu waa qufullada albaabbadii qadhabida lahaa…..Qamtu waa laambadihii kolka horeba qiiqayay oo la bakhtiiyay…….Qaaqdu waa qowsaarradii la qallaxay ee ay nabarradu qudhmeen…..Qaylada iyo hayaaydu waa quruumo ka qaylinaya qawlallada dhawaan la hoolinayo in la qodbo……Qiriricdu waa diric birtii qoobabka loo sudhay xubnihiisii kala qaartay……Qasuumadu waa barbaarta qulubka la luudaysa ee doonyaha qayrkood la qarraqmay ka qoommamoonaya……Qamuunyadu waa debnaha qarracanka foolasha goostay ee qiirada la qal-dhebaya.……Qiyaamuhu wuxu ka joogaa qalinka la doonayo in dawaaddii habaysay la kala qariyo.……Qayladu waa shacbi qowdhamay oo aan qarqarsi iyo qoor-qabad midnaba biyo ku qudh-qudhin……Waa
dadkii qoriga iyo kaaraha qafilan qaaraha ku furtay……..Qun baa lagu dhaqaa ummad ee qallooc laguma dayo……..Qaniimadda Qarankuna qurbaan iyo qadhiidh u noqon meyso qof moodaya in ‘qusum’ wax lagu qaybsanayo.
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aan dadweynaha Somaliland ku hoga-tusaaleynayo in aynaan maanta nooleyn xilliyadii Siyaad Barre ee dadka la xuuraami jiray ee la dabo-geli jiray. Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aan dawlad iyo dadweynaba ugu muujinayo in aynaan ku jirin xilliyadii guuxa iyo dareemmada laga tarjumi jiray, bal se aynu ku jirno xilliyadii la doobinayay ee la dhibi-shaxanayay. Maxaa la xuuraamaa haddii qallaylkaba la iskugu xiirayo oo aan waxbaba la kala qarsanayn. Maxaa ciidan, adduun iyo tamar kaleba laga luggoynayaa, kol haddii uu qofka wax maaggani ‘daahir yaa shamis’ kula hor imanayo wuxu tabanayo. Ma cid baa wax qarsata, sow ta TV-yada iyo war-baahinta kale laga doobinayo. Xuuraanku xaggee ayuu markaa ka imanayaa. Mise anigaan wax ogeyn e’ qaaddiradii qaxar ina soo maray ayaa weli ina wada haysa, markaas ayaynu jibbada la qal-dhebaynaa. Bal adba!
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku qaadaa-dhigayo: halka uu ka yimid Xeerka Sir-doonka qaranku? Halkii lagu soo kariyay iyo intii xansaska iyo xaabada lagu huriyaba u doontay? Inta gacmood ee iska beddeshay diyaarintiisii? Asalkiisu halka uu ka yimid iyo afafkii laga soo minguuriyay qalin-daraalayntiisa? Inta lagala dhuuntay ee xaq u lahayd ogaanshihiisa, intii la dhuumatay, intii u dhuumatay iyo sida aan la iskaga xil-saarin oggolaanshihiisa ee la inoogu qariyay.
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aynu ku eegayno sida ay iskugu dhex daateen Golaheennii Wakiillada iyo Golaheennii Xukuumadda ee kormeerka iyo dabo-galka isku lahaa. Ma maqli jirteen: “Heedhe dhanna inooma fayooba.”
Xilow ba’! Haddii xaynka loo sudhay nimaan xilba dhibayn……Nimaan xilba solin…….Nimaan ku xasilin…..Nimaan ku xamdiyin. Nimaan xeer iyo xaagaanba wixii uu lahaa aan marin. Wixii laga xishoon jiray ayaa lagu xarragoonayaa. Oo weliba inta xariir loo xidho lagu xafladaynayaa. Niman aynu xulannay oo xoolaheennii ku doorannay ayaa xilkoodii baal-maray oo Xeerkan ina xidh-xidhaya inagu xeeriyay. Xil-dhibaanno ayaynu u naqaannaa. Lixdankii markii la is-raacay waxa loo yaqaannay ‘Dibitaatiyaasha’ iyo ‘Anuun baa nool.’ Magac iska baxay ma ahayn, bal se wuxu ahaa mid loo xiddigiyay. Lixadannadii waxay wadan jireen nimankaasi baabuur yar yar oo u badnayd Fiat, 1,100 (millecente D ama R) ah. Waxa baabuurtaa yar yar ugu oolli jiray lambar laga horreysiiyay AN. Labadan xaraf waxay u taagnaayeen ‘Assemblea Nazionale’ oo af Talyaani ahayd una dhigmaysay ‘National Assembly’ oo loo tarjumi karo ‘Golaha Shacabka’. Shacbigu markii ay arkeen dhaqankoodii dad-nacaybka ahaa iyo sidii aanay ummaddii soo dooratay dan uga lahayn, waxay shacbigii ku suntadeen: ‘Anuun baa Nool.’ Sidaas ayay dadku isku waafajiyeen lambarkii ay siteen iyo dhaqankoodii danayn la’aanta, dillaalnimada iyo dadnimo-ka-baxa ahaa. Sida raha loo
arko xilli-roobaadka, ayaa iyagana loo arki jiray marka ay doorasho jirto oo keliya, sida immikaba mararka qaarkood dhacda. Markaana hadhuudh cas-casaa oo kii fardaha la siin jiray ahaa ayay dadka ula iman jireen.
Intaas kuma ay koobnayn e’, maansooyinkii iyo heesihii halkudhegyada noqday ayaa raacay. Sow tii Cabdillaahi Suldaan, Timacadde lahaa:
Qormadii: 2aad
“Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale e’,
Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,
Danbarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,
Dastuur iyo qawaaniin ayaan, cidina doon-doonin,
Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degine,
Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,
Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay,
Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane,
Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarka gaajaysan,
Goortaan horoo loo durkiyo, derejo eegaayay,
Hadduun baa sidii Buul Duqeed, daaha loo rogaye,”
Axmed Ismaaciil oo Qaasin, loo yaqaannay markii uu ka yaabay arxan-darradoodii iyo dareen-la’aantoodii sow kii laha:
“Dayaxaa la kala boobayaa, Dirirkii cawleede,
Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf, Diillintii Guray e’,
Dib baa Laxaha loo eegayaa, sacana waa daafe,
Duqii samada lagu sheegayiyo, dide Cir-jiidhiiye,
Dabaylaha rag baa kala yaqaan, dawga loo maro e’,
Hadba waqalka dihin Ruushku waw, doogsin-cararaaye,
Daruuraha la weeraray nin ogi, dib uga faallooye,
Nin da’dii halkaa gaadhay oo, daallan baan ahaye,
Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee, doqoni waa mooge,
Daab gudimo weli sooma jarin, wiilashaan diraye,
Halka dunida lagu geeddi yahay, deyiba maayaane,
Umaddii daryeel weli ma helin, daacadda ahayde,
Sidii bay u dooyeysan tahay, damashii weyneyde,
Sidii bay duleedadda dhar-li’I, ugu dab-jeexaane,
Sidii baa du’ddada aar dhiciyo, dacaw u joogaaye,
Sidii baa dugaag uga gurtaa, daaqa xoolaha’e,
Sidii bay docii aqalladii, uga daloolaane,
Sidii baa darroorimada iyo, daad u gelayaaye,
Sidii baa degmadu ceelashii, ugu dar-leeftaaye,
Sidii baa Ducaaloow biyaha, loo dawariyaaye,
Sidii bay u daba goosi tahay, haradii Doolloode,
Oo weliba dibindaabyo-iyo, diriri joogtaaye,
Waa kaa dareersaday Axmaar, dayr-cadkii dhalaye,
Denbi ku hadli mayo e’ ma arag, dawladdaan rabaye,
Is-ma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,
Dusha midabka Soomaali baad, dugulka mooddaaye,
Misna laguma diirsade qalbigu, waadirkii Karal e’,
Meeshaan dad aan urursho iyo, darar ka eegaayey,
Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay,
Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,
Sidii aan deyeys nahay miyaan, dawgii ka habaabay,”
Axmed Ismaaciil Diiriye oo Qaasin loo yaqaannay wuxu sawirkan bixinayaa waa 1964kii. Bal hadda isu eega xaaladda aynu maanta ku sugan nahay, iyo xaaladdaa murugada leh ee uu Qaasin xilligaa fog sawirayay. Miyaanay maansooyinkani noolayn!
Haddii aynu godollo ka soo qaadanno Xaaji Aadan Af-qallooc, sow kii isaguna lahaa:
“Tallaabada mid gaalkii shabbaha, tegay ma-liibaane,
Adigoo wuxuun tabanayoo, tegay halkuu joogo,
Kolkuu sida libaax raqi u taal, qoorta kor u taago,
Oo uu ‘tayga’ luquntiisa sidhan, taabto faraqiisa,
Oo in aad addoonkiisa tahay, taana la ahaatay,
Oo aan dadkana taakulayn, calanna taageerin,
Oo in uu adduun badan tabcado, taa qudhaw jeeda,
Iyana waa tabaalaha waqtiga, taynu aragnaaye,
Tu’ kaloo ka daran baa jirtee, taana bal an sheego,”
Sawirkaasi waa kii taagnaa 1960kii ilaa 1969kii, markii ay ciidammadu taladii dalka qoriga ku maroorsadeen.
Nidaamkii Maxamed Siyaad malaha qiyaastii markii uu 10 sannadood xilka hayay, ayaa wax doorasho-ku-sheeg ahaa lagu soo dhisay wax markaa la odhan jiray Golaha Shacabka oo dhoob-dhoob ahaa. Berigaana dadweynuhu ma ay mahadin oo waxay ku suntadeen oo ay ula baxeen ‘Darka Sacabka’. Haddii aanan qaldanayn ama aanay xusuustayduba I dagayn, waxa kale oo ay beryahaa dadweynuhu ula baxeen oo ay Golahaa ma-dhalayska ahaa u qarin jireen ‘Shinbirayahow heesa.’ Hees ay Xaliimo Khaliif (Magool) qaadi jirtay oo aan u malaynayo in uu Xasan Sheekh Muumin lahaa ayaa halkudheggaa hadaaqa dadweynaha noqday laga soo qaatay.
Sow tii uu Muuse Cali Faruur, maansadiisii Deelleeyda ee ‘Deelleey markhaati leh’ ku lahaa:
“Ummad uma danaynin e’,
Waa darajo-siin iyo,
Dibitaatiyaashaan,
Darka Sacabka geynnee,
Doorashada ku sheegnee,
Ma mid aan dareen iyo,
Dar Ilaah ku keennoo,
Danta hoos u eegnaa,
Nagamana dahsoonee,
Dadku waxay ogsoon yiin,
In ay tahay duruuftani,
Dalka maanta taallaa,
Mid la sii diyaarshoo,
Dan-yar lagaga xoogsado,”
Qormadii: 3aad
Beryahaa uu macallinkii Maxamed Siyaad Barre dalka ka talinayay, sidaas ayaa loo yaqaannay Baarlamaan-ku-sheeggii dalka ka jiray.
Intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna ee aynu samaynay Jamhuuriyadda Somaliland, naanaysaha u baxay Golaheenna Wakiillada waxa ugu mudnaa ama ugu magac-dheeraa, sida aad ka wada dheregsan tihiin magaca ‘Dhaameel’. Waa intii aanay xukuumadda maanta dalka ka talisaa kursiga ku fadhiisan.
Maanta, marka aynu dheehanno xaaladdan aloosan iyo sowraca xeerarkan ay inagu sharciyaynayaan, iyo sida aanay u danaynayn goldaloolooyinka maamulka ku jira, maxaa loo bixin lahaa ama loogu wan-qali lahaa? Malahayga waxa ila fiican in aynu ku deysanno tuduc Hadraawi lahaa oo odhanaya:
“Dib baa looga sheekayn,
Ka-daraa u-magac-bixin,”
Waxaan hordhacan gole-ka-fuulka ah ee kooban ku soo khatimayaa, tuducyo aan ka soo qaadanayo maansadii Taariikhiga ahayd ee ‘Daba-taxan’ ee 5/1/1997kii Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, ka tiriyay Shirweynihii Guurtida ee xilligaa ka socday Hargeysa, waxaanu yidhi maalintaas:
“Afartaa dheh: ‘Deelleey,’
Dig siiyee ku soo noqo,
Demmenaha warkiisii,
Dadka waxa ka soo dhacay,
Duruustii la barayoo,
Daarihii burburay shalay,
Waxa maanta kaga daran,
Iimaan-darraantiyo,
Nabaad-guurka Diintiyo,
Kaga dhacay damiirkoo,
Dal waxaan ku noolahay,
Saddexdii dalaaqood,
Lagu furay dadnimadii,
Dal waxaan ku noolahay,
Runtu arag-darraysoo,
Daaddihi la yidhi been,
Hadday dunida ceeb tahay,
Dus-duskiyo khiyaamadu,
Noo dabeecad weeyaan,
Nin dillaala mooyee,
Degmadaan ku noolahay,
Nin daryeel yidhaahdaa,
Dulli buu ka qoran yahay,
Hebel laga ducaystiyo,
Mana laha nin dooroo,
Dayaxii u soo baxa,
Daammur baa la mariyaa,
Mooralkaana laga dilay,
Danabyadii u kici laa,
Markii geela loo diray,
Kii maqasha daayacay,”
Maanta oo dhan ka geyoon meynno xigashada Gaarriye ee waxyaabaha dalkeenna ka dhacaya ee aynu goob-joogga ka nahay ee aan weliba la iskula yaabayn.
Waxaan is-lahayn, siday ugu soo xiiqeen ee ay ugu xoolo beeleen si ay kursigan u fadhiistaan iyo dareen-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta maanta taagan. Beyd Hadraawi lahaa oo maansadii Gudgude ku jiray ayaa igu soo noq-noqda oo ahaa:
“Gunti furay nin caashaqay haddii, guudka loo sudho e’”,
Waxay ahayd oo xeer iyo xaagaanba inoogu qoran in aynu wax-qabadka iyo hawl-gallada Golaha Fulinta ee Madaxweynuhu hoggaamiyo uga cabanno ugana dacwoonno Golayaasha Xeer-dejinta. Waa se sillan-sugan oo waa sidii kale. Golihii Wakiillada ee aynu u dacwoon lahayn ee aynu Waaxda Fulinta uga caban lahayn, ayaynu Madaxweynihii Waaxda Fulinta u madaxda ahaa uga dacwoonaynaa. Wax walba madaxiisii minjo ayaynu u rognay. Meeday dimuqraadiyaddii baarlamaaniga ahayd ee aynu ku naalloonaynay. Waa Wakiillo dadweynaha ka wakiil ah oo la soo doortay oo ay tahay in ay ra’yiga dadweynaha la shir-yimaaddaan Sidaas ayay Wakiillo ku noqonayaan, illeyn Golaha Wakiillada soo wada fadhiisan meynno oo inama wada qaadayo e’. Iyaguna waxay isu qaateen in la Boqray oo aynu addoomo u hoggaansan nahay. Xildhibaanku marka uu Golaha Wakiillada dhex fadhiyo ayuun buu ina dheer yahay hadalka ama doodda uu ka qayb-gelayo iyo farta uu taagayo. Ma haddii kalaa, waa qof caadiya oo magaciisa loo raacinayo Xildhibaan ee wax kale yaanay isu qaadan. Miskiinnimadeenna ayay arkeen. Fulin iyo Xeer-dejinba innaga ayaa dirannay. Waa in ay inoo adeegaan oo aanay inoo qaadan in aynu innagu u adeegayno. Karaamada iyo Haybaddaba innaga ayaa iska leh.
Gole Xeer-dejineed iyo Gole Fulineed oo isku jiq ah meel ku gaadhi meynno. Laba isu nacamleeyana kob caano leh kaga soo durdurin meynno. Mid waliba xilkiisa si nadiif ah ha u guto oo dadka iyo dalka ha u shaqeeyo ee yaan laga shaqaysan oo aan loo heshiin ma-huraanka maanta la hagranayo, horena loo hagraday, dibna loo hagran doono haddaan laga gurman.
Waxba yaan qalin-taraarin e’, aan meel gaaban oo aan sidaa u sii fogayn ka soo kala fireeyo.
Mowduuceennii Hay’adda Nabadgelyada ku soo noqo:
Hay’addan Nabadgelyada ama Nabad-sugiddu wax adduunka ku cusub ma aha. Dhanka kale marka aad iska taagto, adduunyadu waa ay ku kala duwan tahay aragtida ay ka kala qabto Hay’adahan Nabadgelyada. Siyaabo badan ayaa loogu kala duwanaan karaa ama la iskugu khilaafi karaaba.
Marka mowduucan Xafiiska Nabadgelyda laga murmayo waxa laga kala dhaqaaqayaa aragtiyaha ay ku dhisan yihiin dawladaha kala duwani. Midi iyadu shaki kuma jirto oo waa geed-ka-go’an: Talis milleteri ah oo qori caaradii dal ama ummadba ku qabsaday, Hay’adda nabadgelyo ee uu dhistaa waa mid cadaadin, cabbudhin iyo xasuuq dadweyne loogu talo-galay si aanay uga hor iman nidaamkaa dalka ka talinaya.
Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwa la midka ah ee xukuumadaha qoriga ku qabsada, la yaab ma laha in ay samaystaan Hay’ad Nabad-sugideed oo dadweynaha u cabbudhisa una ciqaabta. Maxaa wacay? Nidaamyada baadi-soocdaa lihi waxay marka horeba halkan soo dhigtaan in aanay xukunka ka deign, haddii aanay weliba marka danbena dhaxaltooyo ka dhigin.
Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay: innagu nidaam ahaan miyaynu sidaas oo kale noqon karynaa? Jawaabtu waa MAYA far waaweyn ku qoran. Dalkan Dastuur ayaa lagu maamulaa, xilkuna waa meerto oo waa muddeysan yahay. Kolka xaal caynkaas yahayna sabab la isu xuuraamo, la isu dabo-galo, la isu dhega-dhegaayaa meesha ma taal. Dastuurkii ayaa dammaanad qaadaya dimuqraadiyad si badheedh ah oo xalaal ah la isugu dhalliilayo, la isugu ololeeyo si uu xilku meerto u noqdo oo aanay cidi ugu dheggenaan. Laba jeer wax ka badan in aad xilka hayso Dastuurka ayaa xaaraantimaynaya. Markaa maxaa looga baahan yahay in dadka guuxooda iyo dareemmadooda laga tarjumo. Mise wax aynaan ogeyn ayaa jira, oo burkaba bahal kama aynaan filan.
Nidaamyada keli-taliska ah waxa ka duwanaan kara sida caqliga fayoobi ina siinayo, Hay’adaha Nabadgelyada ee ay dhistaan xukuumadaha Barlamaaniga ah ee ku dhaqma nidaamka dimuqraadiga ah. Waxyaabaha kale ee lagu kala tegi karo waxa iyaguna ka mid ah:
- Ujeeddooyinka gude iyo dibadba laga yeelan karo hay’adaha noocan ah,
- Baaxadda jiidaha ama aagagga laga hawl-gelayo,
- Miisaaniyadda ama adeegyada la haysto si loo hawl-geliyo hay’ad noocan oo kale ah,
Qormadii: 4aad
Halkan waxa soo gelaya in ay ku kala qaybsamaan oo ay ku kala duwanaadaan dawladaha yar-yar iyo quwadaha waaweyn ee ujeeddooyinka caalamiga ah lihi. Dhaqanka iyo aaminaadda qudhooda waa lagu kala duwanaan karaa, oo dadka qaar in muwaadiniinta la daba-galaa waa u xalaal, qaarna waa wax akhlaaqiyaad u diidaa ay jiraan oo ay ummad ahaan u aamminsan yihiin.
Waxaynu u baahan nahay oo lama-huraan ah in aynu wax walba wada yeelanno oo aynu kalsooni buuxda isku qabno. Waxa lama-huraan ah oo aynaan jiritaankeenna iyo wada-joogenna uga maarmayn in aynu hello Golayaal Qaran oo dadweynaha Jamhuuriyadda si buuxda oo kalsoonideeda leh u masila oo aynu ka dhaqaaqno wax kasta oo shakhsiya oo qarannimadeenna wax yeelaya.
Aragtidii SNM ee Xafiiska Nabadgelyada
Uma aan ambo-bixin in aan mowduucan si qoto dheer u dhex-galo, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in aynu waqti intan ka badan u hello. Intii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran Xafiiskan Nabadgelyadu wuxuu ka mid ahaa kuwii ugu hadalka badnaa. Marka hore aan halkan ku caddeeyo in uu Xafiiskani ku koobnaa xidhiidhkaa sir-doonka. Dabciga iyo xaaladdii ay Jabhadda SNM ku sugnayd ayaa sidaas qasbayay.
Inteenna aan xogxogaalka ahayni si aynu uga boganno, waxaynu ku yar hakanaynaa oo si kooban u guud-maraynaa SNM iyo ujeeddooynkii shariifka ahaa ee ay u taagnayd, si aad ugu cabbirtaan Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee muranka demi waayay dhaliyay.
Waxaan jecelahay in aynu cabbaar is-dul taagno halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd iyo taariikhdiisii oo kooban si ay inoogu kala caddaadaan: WIXII LAGA HALGAMAY IYO WIXII LOO SOO HALGAMAY.
Waxaan doonayaa in ay I noo kala caddaadaan in aan Maxamed Siyaad Barre qoys ama qolo ahaan loo qoonsan oo loola dagaallamin, bal se laga gilgishay qaabkii eexda, quudhsiga iyo xasuuqa ahaa ee uu ummadda Soomaaliyeed 21kii sannadood ee xanuunka badnaa ee ummadda sida bahalnimada ah ugu talinayay.
SNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.
Xubinnimada SNM ama sida Ururka looga mid noqdaa wax adag oo murugsan ma ay ahayn, bal se mid furan oo fudud ayay ahayd; taas oo dhibteeda iyo dheefteedaba ku lahayd Ururka. Qof SNM ka tirsanaa ama aad ugu dhawaaba wuu milicsan karayay hirarka siyaasadeed ee aan tooxda iyo qotonka midnaba lahayn ee SNM ka dhex jiray. Saddex hirba SNM waa ay ka dhex muuqdeen sannadihii ay dhalatay, kuwaas oo kala ahaa:
- Qubane Ururka muggiisa iyo baaxaddiisa ahaa oo aan yeelan ama lahaynba midab siyaasadeed oo ka baxsan xoreynta dalka;
- Hir siyaasadeed oo Diiniya oo aan ballaadhnayn, hoggaankiisuna u badnaa xubnihii dibadda ka yimid, gaar ahaan Khaliijka oo isla markaana hoggaanka SNM hayay ilaa Noofambar 1983kii;
- Hir siyaasadeed oo janjeedh taqaddumiya ama fikir siyaasadeed oo dimuqraadiya lahaa oo aan qudhiisu ballaadhnayn, xubnihiisuna u badnaayeen intii dalka gudihiisa ka timid;
Nuqulka Xeerkii Nabadgelyada ee SNM:
Xafiiska Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,
Lambarka Xeerka: X -8/GDH/3-05/88 Xarunta Dhexe
Soo baxay: 12/3/1988,
Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Nabadgelyada:
- Dhisidda Xafiiska Nabadgelyada & iyada oo la diyaarinayo qorshe hawl-maalmeedyada Xafiiska iyo xaqiijinta fulitaankooda,
- Xulashada iyo tababarka hawl-wadeenka Xafiiska,
- Magacaabidda, beddelka iyo xil-ka-qaadidda hawl-wadeenka Xafiiska iyada oo uu Guddoomiyuhu oggolaanayo ilaa heer qaybeed iyo xarunta Dhexe,
- Diyaarinta iyo maamulka Miisaaniyadda Xafiiska,
- Raadinta, sugidda iyo ururinta wararka cadowga ee ciidan, siyaasadeed iyo dhaqaale,
- Wax-ku-qabsiga iyo isu-gudbinta xogaha cadowga iyadoo Ciidammada Xoreynta & Waaxaha kale ee ay khuseyso lala kaashanayo,
- Ilaalinta nabadgelyada xubnaha, hantida & saldhigyada Ururka,
Qormadii: 5aad
(Waxa weli idiin socda Xeerkii Nabadgelyada ee SNM ee 1988kii)
1. Ka-hor-tegidda, kharbudaadda cadowga, qabashada basaasiinta, adeegayaashiisa iyo u-gudbintooda hay’adaha Xeer Ilaalinta,
2. Is-kaashiga iyo kala-qayb-qaadashada Waaxaha Ciidammada sahanka fog,
3. Samaynta iyo ilaalinta xidhiidhada gudaha ee hawlaha nabad-sugidda khuseeya,
4. Wada-shaqaynta & war-is-dhaafsiga Hay’adaha nabad-sugideed ee saaxiibka lala yahay,
5. Diiwaan-gelinta dhammaan xubnaha muhiimka ah & daaquudyada u shaqeeya Taliska Siyaad Barre,
6. Diiwaan-gelinta xubnaha iskood Ururka uga baxay, kuwa laga saaray, kuwa cadowga u gala iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada si la isu hor taago wixii waxyeello ay Ururka ku keeni karaan,
7. La-socodsiinta Guddoomiyaha & Guddida Fukinta xaaladda nabadgelyada Ururka si joogto ah,
8. Guud ahaan la-socodka xeryaha Qaxootiga si aanu cadowgu ugu soo dhex darsan basaasiin,
9. Ka-hor-tagga dacaayadaha af iyo qoraalba leh ee wax loogu dhimayo jiritaanka Ururka iyo xubnihiisa,
10. Ka-war-qabka & hubinta nabadgelyada waddooyinka wax u soo maraan Ururka,
11. Ilaalinta siraha Ururka,
Saxeexa Saxeexa
Maxamed Ibraahin Warsame Cabdi Yuusuf Ducaale
Guddoomiyaha Guddida Joogtada Xoghayaha G/Dhexe iyo G/Joogtada
Bal hadda immikana aynu guud-mar kooban ku samaynno maamulladii u kala danbeeyay Somaliland iyo waxyaabihii ay ka qabteen Xafiiska ‘CID’-da iyo Sir-doonka
Qaranka ee Somaliland. Idinka oo raalli iga noqon doona, ma aha baadhis qoto-dheer bal se si sar-ka-xaadis ah oo aan qoto dheer lahayn ayaan idiin ku soo gudbinayaa.
Maamulladii Somaliland iyo Sir-doonka:
Maamulkii Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): 1991kii-1993kii
Muddadan ama xilligan kala-guurka ahaa, 18/5/1991kii-18/5/1993kii, ee uu Cabdiraxmaan Axmed Cali oo loo yaqaannay Tuur hayay hoggaaminta SNM iyo dalkaba, wax badan oo qabsoomay ma jirin. Waxay ahaayeen laba sannadood oo kala-guur ku suntanaa oo ku dhammaaday dagaallo iyo colaado sokeeye oo la eeday oo aan la mahadin. Nasiib-wanaag waxa qabsoomay Shirkii Nabadaynta ee Sheekh oo lagu go’aansaday Shirweynihii Guurtida ee 1993kii ku qabsoomay Boorame.
Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: 1993kii-2002dii
Madaxweyne Cigaal waxa lagu doortay Shirweynihii Boorame iyada oo la siiyay laba sannadood oo ku-meel-gaadh ah oo ay ahayd in uu Dastuur Qaran ku diyaariyo. Ma ay dhicin, waxaana loo kordhiyay muddo 18 bilood ah oo kale. Iyada oo ay hawlo badani qabsoomeen, waxaynu halkan uga gol leenahay maxaa laga qabtay hay’adaha Amniga.
Intii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal talada dalka ahay waxa dhismay: Ciidammadii booliska, asluubta iyo ciidanka qaranka. Maamulkaa Cigaal waxa kale oo uu culayska saaray dhismaha Laanta Denbi-baadhista ee loo yaqaanno CID’-da. Maa daama uu Cigaal madax ka ahaan jiray maamulkii Soomaaliya xilliyadii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa, wax la yaab leh ma aha in uu dhiso booliska iyo weliba laanta ‘CID’-da.
Cigaal, waayo-aragnimo badan oo door ah ayuu u lahaa dhismaha dawladeed iyo hoggaaminteedaba, taasina waa ta keentay in uu lahaa dhismihii ugu mudnaa uguna horreeyay ee hannaanka dawladnimo, wixii ka danbeeyay 1991kii. Wax la yaab leh ma aha in aanu Madaxweyne Cigaal aad u danaynin dhismaha Hay’ad Sir-doon ma daama uu ka mid ahaa dadkii siyaasiyiinta ahaa ee ugu necbaa nidaamkii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre.
In kasta oo aanay ku koobnaan jirin baadhista denbiyada oo keliya, haddana waxay ahayd ‘CID’-du gacantii uu Cigaal u adeegsan jiray cabbudhinta saxaafadda oo mararka qaarkood xabsiyada loo taxaabi jiray.
Maamulkii Mudane Daahir Ra’ayaale Kaahin: 2002dii-2010kii
Daahir Ra’yaale Kaahin, waa uu ka duwanaa dhammaan Madaxweynayaashii Somaliland soo maray: mid dhintay iyo mid noolba. Iyada oo ay Laantii Baadhista Denbiyada ee ‘‘CID’-du ay iska sii koraysay ayuu ku guulaystay in uu dhiso shebeked Sir-doon oo la yaab leh oo gude iyo dibadba laga dareemay. Taasi mid qiimayntayda qof ahaaneed ku timid ma aha, bal se waa wax duniduba u qirtay.
Waxa loogu wan-qalay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Dad maanta ka mid ah mas’uuliinta Muqdisho ayaa igu yidhi mar ay Hargeysa yimaaddeen, Sir-doonka ugu fiican ee Soomaaliya ka hawl-galaa waa ka Somaliland. Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan iyo in hoosta laga xarriiqaba in aanu Sir-doonkaa Daahir Ra’yaale inta badan isku hawli jirin hawlo lagu cadaadinayo shacbiga. Wuxu ku hawlanaan jiray arrimaha la xidhiidha argaggixisada iyo wixii minja-xaabin ah ee Qarankan curdinka ah lagu waday.
Tan macnaheedu ma aha in aan la cabbudhin jirin saxaafadda iyo xorriyatul-qowlkaba. Haa…tasi waa ay dhici jirtay, waxa se inta badan loo adeegsan jiray Laanta Baadhista Denbiyada ee loo yaqaan ‘CID’-da. Daahir Ra’yaale wuxu ku guulaystay in uu sameeyo Sir-doon hawl-gal ah oo gude iyo dibadba isku xidhan. Waxa kale oo la yaab lahaa iskaashigii mugga iyo baaxaddaba lahaa ee uu Sir-doonkaa Qaranku la lahaa dhiggiisa dibadeed: mid goboleed iyo mid caalami ahba.
Ceebta halkan ka muuqatay waxay ahayd in aanay Hay’addaa Sir-doonka Qaranku sharciyaysnayn oo aanay wax Xeer ah lahayn iyada oo haddana si rasmiya u hawl-geli jirtay.
“Intaa waxan ku soo dhaafayaa, dhiilladii hore,” iyo sidii ay maammulladii Somaliland iskaga danbeeyay uga hawl-galeen Hay’adaha “CID”-da iyo sir-doonka Qaranka.Bal hadda immikana si aynu sawir uga qaadanno aan eegno oo oo dhex-qaadno Xeerkii Nabad Sugigga Soomaaliyeed ee Nidaamkii Siyaad Barre, kaas oo aynu ku dhererin doonno Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland.
Qoramadii 6aad
Cabdillaahi Suldaan, mar uu xaaladdii tagneyd sawir ka bixinayay waxa laga hayaa:
“Iyada oo isku huurtayoo,
Ninba meesha uu haysto,
Hudheelkiisii la moodoon,
Xafiis loogu hagaaginoo,
Cidiba soo hor maraynin,
Haybaddii naga duushay,
Habeenkaanu hellow,
Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tarjumayaa dareenkii baahay ee shacbiga ahaa ee lagu naawilayay in ay sida roon wax isu beddelaan. Waa tii maansayahnkii Axmed ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasim, qudhiisuna saadaasha ka bixiyay ee lahaa:
“Cishadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, caalimka ahaaye,
Anigaa se moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, caabud iyo gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,”
Nidaamka bahaloobay wuxu ku soo af-jarmay dilkii bahalnimada ahaa ee Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo 15kii Oktoobar 1969kii nin askari ah oo ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood. Lix maalmood ka dib, iyada oo ay qoyskii talada dalka maroorsaday iyo intii ku xeerreyd ku shirayaan Xaruntii Xisbigii SYL, ayay ciidammadii qalabkii siday ee Xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre inqilaab milleteri taladii dalka kula wareegay.
Maansayahankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde, mar uu habeenkaa sifaynayay wuxu yidhi:
“Annaga oo habayaaqnayoo,
Meel fog heeryada saarrayoo,
Qeyrkeen hoos ka marriyo,
Hadda oon is-ogeynoo,
Hog dheer laynagu duugaa,
Heddu waa waqtigeedee,
Hoggay Leego (SYL) gelaysay,
Hugun weyni ka yeedhayoo,
Anaa qaadi hoggaankiyo,
Anaa xoolo huraayiyo,
Hayb saran ka dhashay,
Ninba hoygi ku faanayoo,
Hig tidhoy kala yaacdayoo,
Hormaba gees u dullaantayoo,
Heshiis layska dhex waayay,”
Maxamed Siyaad Barre, taladan dalka ee uu qoriga caaradiisa kula wareegay ma ay ahayn mid ku-soo-booddo ah oo habeen uu seexanayay ku dhalatay, bal se waxay ahayd fikrad uu ka baaraan-degay oo uu soo diyaarinayay tan iyo 1967kii sida ay noo sheegeen looga-qaateenkii abaabulkaa wax ka ogaa.
Si uu dalka u maamulo oo uu gacantiisa ugu jiro, wuxu markiiba sameeyay wax uu ugu yeedhay Golaha Sare ee Kacaanka. Garo’ oo inqilaabkii uu talada kula wareegay ayuu asturay oo u bixiyay ‘Kacaan’, bal se ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kadeed aan ilaa maanta ka hadhin ayuu u ahaa. Golaha Sare ee Kacaanka afka Ingiriisiga waxa lagu odhan jiray ‘Supreme Revolutionary Council’ oo loo soo gaabsan jiray SRC. Golaha Sare ee Kacaanka waxa loo soo gaabsan jiray GSK. Ereygan ‘Kacaanku’ beryodanbe ayuu baxay e’ maalmihii hore waxa la odhan jiray ‘Towradda’. Labada waxa caan-bacay oo ay dadku inta badan ku hadaaqi jireen amaba hal-hays u lahaayeen ‘SRC’-da. Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre si uu taladii dalka gacanta ugu dhigo isla markaana ay ugu suuro-gasho in uu ummadda sas iyo khalkhal ku abuuro, wuxu samaystay Hay’adihii cadaadiska iyo cabbudhinta ee uu ummadda ku san-dulleyn lahaa. Hay’adahaan cadaadiska waxa ugu horreysay oo dhidibbada loo taagay Hay’addii la eeday ee magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) lagula kufay, oo markii danbena dadku iyaga oo liidaya ay ula baxeen Ninka Suubban Siyaad (NSS) maa daama Axmed Saleebaan Cabdalle oo hay’addaa madax ka ahaa uu qabay Suubban Maxamed Siyaad Barre.
Xeerkan, aan maanta idiin soo tarjumayo waa markii iigu horreysay ee aan indhahayga saaro. Aniga oo ka soo hawl-galay Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Muqdisho ayay haddana maanta kow ii tahay in aan Xeerkaa Soomaali oo dhan gumeystay markii iigu horreysay arko. Miyaanay Deelleeydii Cabdi Cali Weyd ee ‘Dacawaa cir ku onkoday’ ku jirin tuducan soo socdaa:
“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”
Ma aniga iyo cid baa ku seexatay 10 sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo 21 sannadood oo madax-bannaani la haystay ayaa la isku qabsan doonaa Xeer Sir-doon Qaran iyo magacyadii jaan ee ummadda laga xoreeyay.
Sow tii Raage Ugaas lahaa:
“Anuun baa ‘abeed’ lehe rag sow, ima ilaalaysan,
Sow waxaan illobaba nin xumi, ima ogeysiiyo,”
Aynu u soo daaddegno Hay’adda, Xeerkii lagu dhisay iyo ujeeddooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre ka lahaa.
Hay’addii Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee loo soo gaabsan jiray NSS, waxa lagu dhisay Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee soo baxay 15kii Feeberweri, 1970kii. Sharciyayntii Xeerkan waxa lagu ballaysimay, annaga oo soo xiganayna Xeer Lm. 14 laftiisii oo PDF Ingiriisi ku qorani, wuxu ku bilaabmayaa:
Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,
Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:
Qormadii: 7aad
Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,
Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:
http://dharaaro.com/images/PDF/nss.pdf
Qodobka: 1aad
(Dhismaha Hay’adda)
Laga bilaabo 8da Jeeniweri, 1970ka, waxa la dhisay Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed,
Qodobka: 2aad
(Hawl-wadeennada)
- Iyada oo la raacayo Amarka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka, hawl-wadeennada NSS-tu waxay ka koobnaan doonaan xubno laga soo wareejiyay ciidanka Xoogga dalka, Booliska iyo qaybaha kaleba,
- Hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa, Xeerka Anshaxa ee Ciidammada Xoogga dalka iyo wixii Xeerar kale jira. Xeerarkani waxay dhaqan-gal ahaanayaan ilaa inta Guddoomiyaha GSK Xeerar u gaar ah Hay’dda NSS-ta u soo saarayo,
Qodobka: 3aad
(Sharciyadda)
Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin karaa dalka dibaddiisa,
Qodobka: 4aad
(Awoodda baadhista iyo qabashada)
Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo, hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,
Qodobka: 5aad
(Awoodda ay meelaha ay u baahdaan ku gelayaan)
Hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu waxay awood u leeyihiin ay ku galaan meel kasta si ay baadhis ugu sameeyaan wixii la xidhiidha ammaanka Qaranka,
Qodobka: 6aad
(Awoodda qabashada iyo xidhista)
- Hawl-wadeennada NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ sidan waxay awood u leeyihiin in ay cid kasta qabtaan/xidhaan,
- Arrimaha lagu soo qaaday Qodobbada 4aad, 5aad iyo 6aad, waa in iyada oo aan lala daahin ama lala habsaaminba loo gudbiyaa Maxkamadda Badbaadada,
- Maxkamadda Badbaadada ee xil-gudashadan u idmani, marka ay hesho ogeysiinta Qodobbadan la xidhiidha, waa in ay soo saartaa oggolaansho ay ku amrayso go’aan-qaadasho kama-danbays ah,
- Golaha Sare ee Kacaanku (SRC) wuxu beddeli karaa ama dhinac iska dhigi karaa, iyaga oo dhan ama qayb ahaan arrimaha lagu xusay Qodobbada sare,
Qodobka: 7aad
(La-shaqayn qasab ah)
Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,
Qodobka: 8aad
(Baabi’inta Hay’adihii hore ee jiray)
Marka la dhiso Hay’adda NSS-ta, waxa tir-tirmaya oo baaba’aya Laantii Gaarka ahayd (Special Unit) ee Booliska iyo War-doonkii Sirta ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana faylashooda, agabkooda, aarkiifiyadooda, gaadiidkooda iyo qalab kasta oo ay leeyihiinba waxay ku wareejinayaan NSS-ta,
Qodobka: 9aad
(Xuquuqda iyo hawl-gabka)
Inta Xeer u gaar ah laga soo saarayo, xuquuqda iyo hawl-gabka hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa Xeerarka lagu xaq-siiyo Ciidammada Qalabka Sida,
Qodobka: 10aad
Xeerkani wuxu dhaqan-gelayaa 8da Jeeniweri, 1970ka, waana in lagu daabacaa, laguna baahiyaa Faafinta rasmiga ah,
Muqdisho, 15ka Feeberweri, 1970ka,
Saxeexa
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka (GSK)
Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre
(Tarjumad aan rasmi ahayn oo aan anigu si degdeg ah u sameeyay si aad fikir uga qaadataan xeerkan ummadda Soomaaliyeed ku reebay ma-hadhadan ilaa maanta ku taairiisiga ahaan. Xidhiidhka Mareegta fadlan ka daalaco nuqulkii asalka ahaa ee Ingiriisiga ahaa)
Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intaas oo keliya iskuma uu koobin, bal se markii uu muddo joogaba baahi ka qarsoonayd ummadda ayaa isaga hadba u muuqanaysay, markaa ayaa lagu dhaqaaqayay in Hay’ad cadaadineed oo sir-doon la sameeyo, waxaana ka mid ahaa Hay’adahaa dhagareed ee ummadda Soomaaliyeed lagu xasuuqay:
1. Guddidii Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed,
2. Hangashtii,
3. Halgankii Hoose,
4. Iyo qaar kale oo badnaa oo midiba mid basaasaysay kana daba-shaqaynayay,
Dadweynaha in ay daba-galaan ka-sokow, iyaga ayaa isku maqnaa oo midiba mid daba-guraysay, meelo kala duwanna waa laga kala xukumayay. Ilaa heer gobol iyo degmo ayuu dhismahoodu u soo dhaadhacayay. Ma in ay cidi ka badbaadday ayaad u haysatan. Idinka waa idin ku sheeko.
Qoysaskii is-dhalay ee is-qabay ayaa is-basaasay. Ardaydii iyo macallimiintii wax baraysay ayaa is-basaasay.
(La soco……………………………………..)
Qormadii: 8aad
Curintii Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland (National Intelligence Agency)
Qormooyinkan kooban ee taxanaha ah ugama jeedno in aan Xafiis Sir-doon oo Qaran aan la samayn, bal se waxaanu uga gol leenahay ujeeddooyinka laga leeyahay Xafiiska noocan ah oo kan la saxeexay aanay wax dan ahi ugu jirin dal iyo dadba.
Xeerkani, werwerka iyo walaac ballaadhan ayuu ku abuuray bulshada Somaliland sida ay u dhan tahay iyo weliba beesha caalamka, gaar ahaan kuwii u ololeynayay Aqoonsiga Somaliland. Xeerkan dhiillada culus ee la xejin waayay ku noqday shacbiga reer Somaliland, sida aanu warar xog-ogaal ah ku haynno, bilowgiisii waxa soo qalin-daraaleeyay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Sida ay noo sheegeen looga-qaateenku, qabyadii Xeerkani waxay u soo gudubtay Madaxtooyada. Intaa ka dib ayaa loo soo gudbinayaa Golaha Wakiillada si uu waajibkiisa uga maro.
Inta badan diyaarinta qabyada qoraallada Xeerarka Golaha Wakiillada soo gala waxay ku soo horreeyaan Guddi-hoosaadyada, oo mid waliba Xeerka khuseeya ama loo igmado ayay ka soo shaqaysaa. Haddaba, Golaha Wakiilladu, Xeerkan lagu suntay ‘Sir-doonka Qaranka’ wuxu u wakiishay oo ka hawl-galay diyaarintiisa Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada. Caqliga fayoobi wuxu Ina siinayaa oo ay ahayd in Guddida-hoosaadka Dastuurka, Garsoorka, Caddaaladda iyo Xuquuqal-insaanka gacanta ku dhigaan oo ay xil-qaadaan soo-diyaarintiisa.
Bal se sida aanu ku hellay, xog sugan oo u dhuun-daloosha hawlaha Golaha Wakiillada, iyada oo la eegayo in hawlaha ammnigu ay hoos yimaaddaan Guddida-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, ayaa Xeerkan Sir-doonka iyada loo xil-saaray.
Sidaas ayuu Xeerkani ku imanayaa Golaha Wakiillada oo lagu ansixinayaa iyada oo aan waqti badanba lagu qaadan. Xeerkani in uu si degdeg ah uga gudbo Golahan Wakiilladi ma ay ahayn wax sidaa u sii ridan, waayo waxay u muuqataa in ay ahayd arrin si laxaad leh looga hawl-galay.
Aroortii la keenayba, cabbaar ka dib Xeerkan goluhu wuu oggolaaday oo la iskumaba raagin, arrintaasina mid iska dhacday ma ay ahayn. Wararka aanu looga-qaateenka ka hellay waxay sheegayaan in aanay Qabyadii Xeerkani soo marin shanta La-taliye ee Golaha Wakiillada kala taliya xagga sharciga. Si kale haddii aan u dhigno Qabyadii Xeerkan ma-hadhada inagu noqday looma eegin ama laguma dhererin Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda beni-aadamka.
Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada marka aad dhex qaaddo, ma kala saar-saarayo xilalka Guddi-hoosaadyada, hal mar ayaanu si qodobbaysan isugu qaadayaa. Bal hadda aad ugu fiirsada qaar ka mid ah waajibaadkooda:
- Waxaa xubnaha Guddiyada xilka xulistooda iska leh Shir-gudoonka, iyagoo tixgelinaya aqoontooda cilmiyeed iyo waayo aragnimada ay xubnuh u leeyihiin hawlaha loo xilsaarayo,
- Guddi-hoosaad kasta waxa ay ka koobnaanaysa ugu yaraan toddoba (7) xubnood marka laga reebo Guddida Joogtada ah oo ka kooban toddoba iyo toban 17 xubnood,
Halkani, waxay inooga baahan tahay in aynu yar dul joogsanno oo weliba cabbaar ku hakanno. Waxaynu ku qasban nahay in aynu is-barbar dhigno qaabkii loo hoggaamin jiray Golihii Wakiillada ee kan ka horreeyay iyo kan immika jira. Berigaa hore aad uma aynu maqli jirin Shir-guddoon bal se waxa hawlaha gadh-wadeen ka ahaa oo Golaha hoggaamin jiray: Guddoomiyaha, haddii uu maqan yahayna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, haddii kaasi maqnaadana Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad.
Marka aynu eegno Dastuurka Qaranka, Qodobka 52aad oo ka hadlaya shaqaalaha Golaha Wakiillada, wuxu dhigayaa:
- Golaha Wakiilladu wuxu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiillada, kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, waxaanu yeelanayaa ku-xigeen,
Intaas ayuu Dastuurka Qaranku ka xusayaa Shir-guddoonkan hawlihii Golaha oo dhan dhex iyo minjaba ku martay. Tan iyo maalintii Golahan Wakiillada ee maanta jiraa hawl-galay, waxaynu ku dhego-barjownay Shir-guddoon saddexan ah oo wax walba iyagu maamula. Xataa mararka qaarkood ayay kuu la ekaanaysaa in aanu jirinba Guddoomiye xil-gudasho gaar ah ku leh Golahani.
Xaaladdani mid iska abuurantay ma aha ee waa mid ka dhalatay hannaankii lagu caaridayay xukuumaddii Daahir Ra’yaale Kaahin. Sidii ayay Hay’addaa Shir-guddoonku u shaqaysaa. Marka aad dhex-qaaddo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilla ee maanta jira, wax sidaa u sii ridan oo faah-faahsan lagama bixin Shir-guddoonkaa oo aan ahayn in awooddiisa lagu xusay Qodobka 17aad oo dhigaya:
Qodobka: 17aad)
Awoodda Shir-gudoonka
Awoodda Shir-gdoonka waxaa caddaynaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka. Waxa kale oo ka mid ah awoodahooda.
(Faallo: Hadda Dastuurka Qaranku laba jeer oo keliya ayuu xusayaa ereyga Shir-guddoon, waxaanay ku qeexan yihiin Qodobka: 52aad, Faqradaha 1aad iyo 3aad oo keliya. Haddaad Dastuurka dhex qaaddo ma arkaysid meel uu Shir-guddoon awoodo Dastuuriya ku siinayo.)
- Inay soo diyariyaan miisaaniyadda Golaha iyaga oo kala tashanaya Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.
2. Inay u xulaan saraakiisha gudan kara xilka jagooyinkan:-
b. Xog-haye guud,
t. Ku-xigeenka xog-hayaha guud iyo shaqaalaha kale ee Golaha,
j. La-taliyaha Sharciga,
x. Iyo la taliyeyaasha kale ee Dastuurku jideeyey.
- In ay u magacabaan xubno ka tirsan Golaha Wakiilada hawlo dalka debediisa, ama gudihiisa ah marka loo baahdo. Shir-gudoonku wuxuu xidhiidh la yeelan karaa Shir-gudoonada dhigiisa ah ee ka jira dalalka shisheeyaha ah.
- Hawlaha ku saabsan xidhiidhka dalka debediisa iyo gudihiisaba waxaa hogaaminaya xubinta uu Shir-gudoonku u garto.
- Soo diyaarinta anjandaha kal-fadhi kasta ee Golaha Wakiilada.
- Xubnaha Shir-guddoonku kama wada maqnaan karaan fadhi-shaqo oo Goluhu leeyahay haddii aanay ku war-gelin Golaha fadhiga maalinta hore.
- Awoodda Shir-gudoonka waxa ka mid ah dalacsiinta, darajo hoos u dhigga kala bedelka iyo shaqo ka joojinta shaqaalaha Golaha, markay sidaa ugu muuqato Shirgudoonka ama ay Xoghayaha Guud ka helaan soo jeedin.
Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu awoodahaas ayuu siinayaa Shir-guddoonka. Bal hadda aynu ag dhigno awoodaha uu siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada:
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
GOLAHA WAKIILADA
QAYBTA KOOWAAD
Qodobka1aad
Erey-Bixinta Xeerka
Xeerkan gudihiisa waxa ereyadan loola jeedaa:
Hay’adda: Hay’adda Sirdoonka Qaranka (National Intelligence Agency
“NIA”).
Agaasimaha Guud : Agaasimaha Guud Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Xubin: qof kasta oo ka mid ah Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Xog qarsoodi ah: xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah, taas oo
bixinteeda ama sheegiddeeda aan la ogolaani ay khatar ku tahay
ilaalinta amniga iyo danta qaranka.
Qodobka 2aad
Magaca Xeerka
Xeerkan waxa loogu yeedhayaa Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Qodobka 3aad
Aasaasidda Hay’adda
Xeerkan waxa lagu aasaasay Hay’adda Sirdoonka Qaranka (National
Intelligence Agency “NIA”) oo yeelanaysa shakhsiyad qaanuuni ah.
Qodobka 4aad
Madaxbanaanida Hay’adda
Hay’addu waxay hoos tagtaa Madaxweynaha JSL, waxaanay u gudanaysaa xilka
iyo waajibaadkeeda si madaxbanaan oo Xeerka Waafaqsan .
Qodobka 5aad
Ujeeddooyinka Hay’adda
1. Ujeeddooyinka loo aasaasay Hay’addu waxa ka mid ah:
a. Raadinta,Xuuraaminta (intelligence) xogta iyo wararka.
3 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
b. Ka saadaalinta iyo dabagalka (monitoring) waxkasta oo waxtar u leh
sugida iyo xasiloonida amniga qaranka.
c. Ka hortaga shirqoolada af iyo adinba kaga iman kara cadawga gudaha
iyo dibada oo loola jeedo in lagu wax yeeleeyo laguna wiiqo haybada,
sumcada iyo harumarka qaranka wejikasta ama meelkasta oo ay ku
abaaran yihiin. Kuwaasi oo marka war la hello kadib si aqoon iyo
digtoonaan cuskan loo maarayn karo loona furdaamin karo ama looga
hor tegi karo inta aanay iman hadii ay markaa ciqaab mudantahayna la
mariyo.
d. Ka soo warbixinta meel kasta guddo iyo dibadba iyo cid kasta oo ay u
aragto inay ku lug leedahay ama wado dibindaabyo qaran dumisnimo,
curyaamin iyo wax kasta oo wax yeelo ku ah habsami u socodka
hawlaha qaranka, iyagoo markaa diyaarinaya habkii ama talaabadii ku
haboonayd ee wax lagaga qaban karo arrimahaas.
2. Ka turjumidda, war-bixinta iyo u kuur gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyo
meel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu haboon warbixin buuxda uga
siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go’aanno iyo xal uga soo saaro
QAYBTA LABAAD
Qodobka 6aad
Awoodda Hawlgalka Dhulka,Badda iyo cirkaba
Hay’addu waxay awood u leedahay in ay ka hawlgasho dhulka,badda iyo Cirka
Jamhuuiryadda Somaliland ee ku gudo-jira xuduudihiisa caalamiga ah, waxa kale
oo ay ka shaqayn kartaa meel kasta oo ka baxsan xuduudaha dalka, iyadoo la
eegayo danta qaranka, marka loo baahdo.”
Qodobka 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda
Hay’addu waxay leedahay xilalka iyo waajibaadka hoos ku qoran:
1. Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho(intelligence
service);
2. Dabagalka (monitoring) iyo la socodka xaalada amniga guud ee qaranka iyo
xasiloonida dalka iyo dibadaba;
4 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
3. Ka warbixinta khataraha jira ama ku soo fool leh amniga qaranka gudo iyo
dibedba;
4. ka saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo
waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada falal kasta
iyo xad gudub kasta oo ah danbiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn
karo qaranka.
5. dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa
argagixisada.
6. Taageeridda iyo gacansiinta laamaha Dawladda ee qabilsan amniga iyo
Dhamaan meel kasta oo kale oo ay waxtar ka geysan karaan.
7. La socodka iyo dhaqdhaqaaqa Hay’adaha shisheeye.
8. Tira koobka xog u haynta dublimaasiyiintooda (Diplomatic missions).
9. Tiro koobka ajanebiga wadanka ku sugan iyo isla markaana sugida amaanka
cida ku xusan xarfaha G & i.
10.Ka hortaga dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada,sumcada
iyo sharafta qaran nimada JSL.
11.La socodka qalabyada warbaahinta,qoraalada iyo meel kasta oo ay ku
wajahanyihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsanyihiin iyo waxkasta oo
ku duugan (publication press and propaganda)
Qodobka 8aad
Awooddaha Hay’adda
Hay’addu si ay u gudato xilkeeda iyo waajibaadkeeda waxay leedahay awoodaha
soo socda:
1. In mar kasta oo ay ka war-hesho, ama sabab macquula ah awgeed ku
rumaysato in la qorshaynayo fal-dembiyeed, ay wargeliso hay’adaha
qaabilsan ka-hortagga dembiyada.
2. Xubnaha Hay’addu waxay qaadan karaan hub fudud, si ay isugu difaacaan,
Si waafaqsan Xeerka Hubka fudud.
5 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
3. Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u
leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin
isla markaasna la kaashanaya hay’addaha nabad-gelyada waxaanay la
wareegi karaan qalabkasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.
Qodobka 9aad
Qaab-dhismeedka Hay’adda
Hay’addu waxay yeelan kartaa qaab-dhismeedkeed ka kooban Agaasime
guud, Agaasime xigeen iyo waaxo, qaybo ama unugyo, oo lagu soo saarayo
xeer Madaxweyne.
Qodobka 10aad
Shuruudaha Agaasimaha Guud iyo Ku-xigeenka Agaasimaha
Qofka loo magacaabayo Agaasimuhu waa:
a. In uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland.
b. In uu haysto shahaado Jaamacadeed , leeyahayna waaya-aragnimo
maamul iyo khibrad aqoon shaqada loo igmaday oo mudadeedu aanay ka
yarayn 5-10 sano.
c. In aanuu ku dhicin xukun ciqaabeed oo kama danbays ah oo ugu yaraan
saddex sannadood oo xadhig ahi,
Qodobka 11aad
Xilka Agaasimaha
Agaasimuhu wuxuu:
a. Mas’uul ka yahay maamulka Hay’adda.
b. Uga warbixiyaa Madaxweynaha shaqada Hay’adda.
c. U gudbiyaa Madaxweynaha xogta iyo war kasta oo taabanaya amniga
Qaranka.
d. U gudbiyaa Hay’addaha kale ee amniga Qaranka xogta la xidhiidha
amniga.
e. Mas’uul ka yahay oo Maamulaa qul-qulka xogta la helay.
f. Mas’uul ka yahay in uu la yimaado hab uu:
i. ku hubinayo in Xubnaha Hay’addu xilkooda u gudanayaan si hagar
la’aan ah.
ii. kaga hortegayo in xogta hay’addu debedda u soo baxdo.
iii. ku ilaaliyo inaan la sheegin isha xogaha.
iv. ku ilaaliyo in aan la sheegin xubnaha qarsoodiga ah ee Hay’adda.
6 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
v. kaga hortagayo gelitaanka ogolaansho la’aanta ah ee Xarumaha iyo
goobaha Hay’adda.
Qodobka 12aad
Xilka Agaasime Ku-xigeenka.
1. Agaasimuhu markuu maqan yahay ama aanu u gudan karin xilkiisa sabab
kasta ha ahaatee waxaa dhamaan hawshiisa fulinaaya agaasime kuxigeenka.
2. Agaasime ku-xigeenku wuxuu qaban karaa xilkasta oo agaasimuhu u
igmado.
Qodobka 13aad
Magacaabista iyo Xil ka qaadista Agaasimaha
Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabista iyo xil-ka-qaadista Agaasimaha.
Qodobka 14aad
Qaabka Shaqo Qorista, Mushaharka iyo Gunnooyinka Xubnaha
Qaabka shaqo qorista, mushaharka iyo gunnooyinka Xubnaha Hay’adda waxa lagu
soo saarayaa Xeer Madaxweyne.
Qodobka 15aad
Warqadda Aqoonsiga
1. Agaasimuhu waxa uu siinayaa Xubin kasta oo ka tirsan Hay’adda warqadda
aqoonsiga (ID Card).
2. Qaabka qoraalka warqadda aqoonsiga, waxa qeexaya Agaasimaha oo ku soo
saaraya qaabkeeda faafinta rasmiga ah.
3. Xubintu waa in ay tusto warqadda aqoonsiga qofka ay ku fulineyso
awoodaha ku xusan xeerkan.
QAYBTA SADDEXAAD
Fal-dembiyeedyada iyo Ciqaabaha
Qodobka 16aad
Falalka Ka Reebban Xubnaha Hay’adda
Xubin kasta oo ka tirsan Hay’addan waxaa ka reebban :
7 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
a. In ay si toos ah iyo si dadban toona uga qayb-qaadato dhaqdhaqaaq
xisbi/urur siyaasadeed.
b. In ay si aan xeerka waafaqsanayn u gasho ama u baadho goob gaar loo
leeyahay, amaba u qabato hanti hab aan waafaqsanayn xeerkan.
c. Xubinta ku gefta faqradda “a” ee qodobkan waxa abaalmarinteeda loo
raacayaa Xeer-Hoosaadka Hay’adda.
d. In ay qof muwaadin ah ku xadgudbaan xorriyadiisa aasaasiga ah ee
distuuriga ah iyad oo looga faa’iideysanayo dano siyaasadeed”
e. Xubinta lagu helay inay ku geftay faqradda “b” ee qodobkan, waxa lagu
xukumayaa xadhig u dhexeeya 6-bilood ilaa 2-sanadood iyo ganaac aan
ka badnayn 2,000,000/= (laba milyan oo SL Shilling ah).
Qodobka 17aad
Bixinta Sirta
Xubin kasta oo ka tirsan Hay’adda oo iyada oo ogolaansho ka helin Agaasimaha
Hay’adda sheegta, faafisa, daabacda ama si uun uga dhigta wax la ogyahay;
a. Aqoonsiga qof Hay’adda u ah il-wareed .
b. Xubin Hay’adda ka tirsan oo ku hawlan hawl qarsoon.
c. Xog hay’addu heshay oo xaasaasi ah.
Waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 6 ilaa 10 sano; haddii xogta la bixiyey
ay Qaranka ku keentay khasaare, waxa xubinta bixisay lagu xukumayaa xadhig u
dhexeeya 10 ilaa 20 sanno.
Qodobka 18aad
Gelidda Goobaha Hay’adda
Qof kasta oo:
a. gala dhulka ama goobaha Hay’adda,
b. sawir ka qaata dhulka ama goobaha Hay’adda,
isaga oo aan ogolaansho ka haysan Hay’adda, isla markaana si macquul ah loogu
rumaysan karo in gelitaanka goobta ama sawir ka-qaadisteeda laga lahaa in lagu
waxyeeleeyo hay’adda ama qaranka, waxa uu galay dembi, waxaana lagu
xukumayaa 2 ilaa 3 sanadood.
8 Golaha Wakiilada JSL. Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
Qodobka 19aad
Dhaarta
a. Agaasimaha iyo Xubin kasta oo ka tirsan Hay’addu intaanay shaqada
gelin waxay marayaan dhaartan: “Waxa igu Wallaahi ah, oo igu Bilaahi
ah, inaan daacad u noqdo Qaranka Somaliland, xilkaygana u guto si
waafaqsan Xeerkan”
b. Agaasimaha Hay’adda Madaxweynaha hortiisa ayaa lagu dhaarinayaa,
waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamada sare.
c. Xubnaha kale ee Hay’adda waxa lagu dhaarinayaa Agaasimaha hortiisa.
Qodobka 20aad
Wada Shaqaynta Waajibka ah
Qof kasta oo deggan wadanka gudihiisa, marka laga reebo diblomaasiyiinta
shisheeye, waxa ku waajib ah in uu la shaqeeyo xubnaha Hay’adda ee gudanaaya
wajibaadkooda shaqo.
Qodobka 21aad
Miisaaniyadda Hay’adda
Hay’adda waxaa miisaaniyada Qaranka looga qoondaynayaa miisaaniyad ku filan
oo ay ku fuliso waajibaadkeeda.
Qodobka 22aad
Xeer-nidaamiye
Madaxweynuhu, ka dib marka uu la tashado Agaasimaha, waxa uu soo saarayaa
Xeer-nidaamiye lagu dhaqan-gelinayo Xeerkan.
Qodobka 23aad
Dhaqangalka Xeerka
Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa marka uu saxeexo Madaxweynuhu, laguna soo
saaro faafinta rasmiga ah.
C/risaaq Siciid Ayaanle Baashe Maxamed Faarax
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Ku-simaha Gudoomiyaha, ahna
Gud Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada JSL.
___________________________________ _________________________________________
Qormadii 9aad
Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu awoodahaas ayuu siinayaa Shir-guddoonka. Bal hadda aynu ag dhigno awoodaha uu siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada:
Qodobka 14aad:
Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Gudoomiyuhu wuxu furayaa, xidhayaana fadhiyada, wuxuu sheegayaa saacadaha iyo ajendaha fadhiga soo socda, isaga oo af-ahaana ku war-gelinaya Xubnaha Golaha Wakiilada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu mas’uul ka yahay fulinta iyo ku dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan.
Gudoomiyuhu wuxuu hadalka u qaybiyaa Mudaneyaasha, wuxu hogaamiyaa doodda, wuxu soo jeedinaya su’aalaha, wuxuu nidaamiyaa habka codaynta, wuxuna ku dhawaaqaa natiijadooda.
Gudoomiyuhu wuxuu kormeerayaa shaqada Golaha iyo hawl-maalmeedka ay qabtaan xoghayntu.
Gudoomiyuhu wuxu matalaa, kuna hadlaa magaca Golaha Wakiilada. Wuxuu xidhiidhiyaa Golaha iyo baarlamaannada adduunka ee dhiggiisa ah.
Haddii Gudoomiyuhu heshiis caalami ah soo galo, wuxu Goluhu ku ansixinayaa heshiiskaas cod haldheeri, (aqlabiyad fudud).
Gudoomiyuhu wuxu saxeexaa heshiisyada caalamiga ah ee Goluhu la galayo baarlamaannada adduunka ee dhigiisa ah.
Gudoomiyuhu wuxu dhaariyaa Xoghayaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo la-taliyeyaasha.
Gudoomiyuhu wuxuu saxeexa go’aamada Golaha iyo waraaqaha kale ee rasmiga ah. Marka uu maqan yahay ama uu buko waxa saxeexaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha marka labaduba maqan yihiina Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
Gudoomiyuhu wuxu iska leeyahay furista Golaha marka kooramku buuxsamo, iyo xidhitaankiisa hadaan Golaha soojeedin kale ka iman.
Gudoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah mudaneyaasha marka laga reebo xaalada codkiisa loo baahdo.
Waa qof iyo maankii sida uu u qiimeeyo is-barbar-dhigga labadan awoodood ee Xeer-hoosaadkani kala siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Shir-guddoonka.
Falanqaynta Qodobbo ka mid ah Xeerkan Sir-doonka Qaranka:
Qodobka: 1aad: Erey-bixinta Xeerka:
Faqradda 4aad ayaa ah:
Xog qarsoodi ah: Xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah, taas oo bixinteeda ama sheegiddeeda aan la ogolaan ay khatar ku tahay ilaalinta amniga iyo danta qaranka.
Faallaynta Qodobka: 1aad, Faqradda: 4aad
Halkan waxa aan caddayn, aan muuqan, aan sugnayn, aan qeexnayn, aan meel oollin oo aan taagnayn oo madmadow badani ku jiraa: Maxaa noqonaya xog qarsoodi ah. Waxa kaaga sii daran, xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah. Halkan waxa la iska weydiin karaa: dabeecadda iyo qiimaha xogtu waxa ay noqon karaan. Waxa intaas oo dhan ka sii daran marka ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqoto.
Goorma ayay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqotaa? Sidee se ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi ku noqotaa? Tolow, yaa sargooya ee go’aan ka gaadha goorta ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqoto? Hadal waa margi ayaa la yidhi, waana maah-maah Soomaaliyeed oo ilaa aammanuu soo jirtay. Alla, Xukuumaddeennu belaayaysanaa iyada oo aan saddex jirsan ayay durtaba haysataa qalab aanay dawladaha waaweyni haysan oo lagu cabbiro daabeecadaha iyo qiimaha xogta qarsoon ee xasaasiga ah. Sacabka ha loo tumo.
Hay’addani Madaxweynaha ayay hoos imanaysaa, isagana haleelkiisa iyo waqtigiisuba waa ay iska yar yihiin. Sidee ayuu ku ogaanayayaa in ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaanba xasaasi tahay? Yaa uuga mas’uul noqonaya si uu uga go’aan-qaato? Yaa uuga mas’uul ah in aan Muwaaddiniinta daacadda ah ee dal iyo dadba u shaqaynaysa lagu wanjalayn?
Haddii aanu jirin oo aanu hawl-gal maanta ka ahayn Xukuumaddeen barakaysan hab-dhaqankii iyo caadooyinkii sadhaysnaa ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, maxaa keenay in laga fekero dhismaha Hay’ad Sirdoon Qaran loogu wan-qalo oo ummadda lagu bah-dilo oo aan soo marin jaranjarooyinkii Hay’adaha Qaranka lagu dhisayay. Xataa hanashadii iyo agaasinkii ammaanka ayaanay ku fiicnayn oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku tahay. Hawlaha ammaanka waxa ka go’aan-qaata Hay’adaha ammaanka ee Ciidan Qaran iyo Boolis Qaran leh.
Qodobka: 5aad
(Ujeeddooyinka Hay’adda)
Ujeeddooyinka loo aasaasay Hay’adda waxa ka mid ah:
a. Raadinta, xuuraaminta (intelligence) xogta iyo wararka,
b. Ka-saadaalinta iyo daba-galka (monitoring) wax kasta oo wax-tar u leh sugida iyo xasiloonida amniga qaranka,
c. Ka hortaga shirqoolada af iyo adinba kaga iman kara cadawga gudaha iyo dibada oo loola jeedo in lagu wax yeeleeyo laguna wiiqo haybada, sumcada iyo harumarka qaranka wejikasta ama meelkasta oo ay ku abaaran yihiin. Kuwaasi oo marka war la hello kadib si aqoon iyo digtoonaan cuskan loo maarayn karo loona furdaamin karo ama looga hor tegi karo inta aanay iman hadii ay markaa ciqaab mudantahayna la mariyo,
d. Ka soo warbixinta meel kasta guddo iyo dibadba iyo cid kasta oo ay u aragto inay ku lug leedahay ama wado dibindaabyo qaran dumisnimo, curyaamin iyo wax kasta oo wax yeelo ku ah habsami u socodka hawlaha qaranka, iyagoo markaa diyaarinaya habkii ama talaabadii ku haboonayd ee wax lagaga qaban karo arrimahaas,
Ka turjumidda, war-bixinta iyo u kuur gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyomeel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu haboon warbixin buuxda uga siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go’aanno iyo xal uga soo saaro.
Faallaynta Qodobka: 5aad:
Ma maqli jirteen: “Ku-kaadshe ayaan nin u aqaannaa.’ Waa taa teedii. Car bal waa qofka fahma weedhahan iyo ereyadan xeerka la inoogu soo qoray. Bal Ilaahay ayaan idin ku dhaariyay e’ u fiirsada Faqradda 2aad ee odhanaysa: “Ka-turjumidda, war-bixinta iyo u-kuur-gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyo meel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu habboon warbixin buuxda uga siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go’aanno iyo xal uga soo saaro.”
Qormadii: 10aad
(Fadlan halkan ka daalaco Xeerka Sir-doonka Qaranka)
http://dharaaro.com/images/PDF/xeer.pdf
Waxaan ka yaabay demmenaanta dadka xeerkan qoray. Xilliyadan aynu nool nahay ma noola. Weli waxay ku jiraan ‘Noomal Kahaf’ iyo xilliyadii wax-saareenka ahaa ee Siyaad Barre. Waxaanu idin ka nidhi: “Cidiba immika ma guuxdo e’ waa la doobyaa oo rakaadda la laba-celiyaa ee taa wax lagu cabbiro ma haysataan.”
Waxa jira wax afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Context’ oo aynu u tarjuman karno ‘xaalad’. Tusaale haddii aynu soo qaadanno waxaynu odhan karnaa Xeerka ina wareeriyay ee ‘Sir-doonka Qaranka’ ‘context-kii’ ama ‘jawigii ama xaaladdii’ lagu qoray maxay ahayd. Xaqiiqadu waxay tahay in dadka qoray aanay ahayn qaar hadda nool bal se ay ahaayeen qaar weli ku jiray xilliyadii madoobaa ee nidaamkii Siyaad Barre.
Waxaad is-odhanaysaa miyaanay Wargeysyada akhriyin? Miyaanay telefishannada daawan? Miyaanay arag inta Baar-qab reeraha ku jirta ee habeeen kasta iyo maalin kasta qaybaha war-baahinta doobta ka ridda? Ma cid baa wax qarsata? Ma daba-gal iyo xuuraan ayaa loo baahan yahay?
Reerku, qofku, kooxdu, ururku, xisbigu, cid waliba waxay berri ku dhaqaaqayso war-baahinta ayay marisaa oo cid wax qarsataa ma jirto. Markaa, maxaa la xuuraamayaa? Maxaa la dhega-dhegaynayaa? Qof baa maanta argaggixiso loo xidhayaa ama hanti- ummadeed oo uu dhacayba. Subaxnimada cid kasta oo ay arrintaasi khusayso oo xukuumadda ka tirsan ilaa Madaxweynaha, waxa albaabbadooda garaacaya reerkii oo isku duuban oo is-wada wata. Ma Wasiirkii baa! Ma Xil-dhibaankii baa! Ma sheekhoodii iyo shariifkoodii baa! Ma Madax-dhaqameedkii baa! Ma Ganacsadihii baa! Ma Indheer-garatadii baa! Bal idinku wada ilaa inta aad ka daalaysaan. Haddii la soo waabiyo wax ma qarsadaan e’, markaaba shir-jaraa’id oo dhagareed ayay ku dhaqaaqayaan oo war-baahinta ka sii deynayaan waxay fali doonaan oo aan been ahayn. Ma dadkaasaa Hay’ad Sir-doon Qaran u baahan oo xuuraanta ama guuxooda dhegaysata. Bal adba!
Qaybta: 2aad
Qodobka: 6aad
(Awoodda Hawlgalka Dhulka, Badda iyo cirkaba)
Hay’addu waxay awood u leedahay in ay ka hawlgasho dhulka, badda iyo Cirka Jamhuuiryadda Somaliland ee ku gudo-jira xuduudihiisa caalamiga ah, waxa kale oo ay ka shaqayn kartaa meel kasta oo ka baxsan xuduudaha dalka, iyadoo la eegayo danta qaranka, marka loo baahdo.
Faallaynta 6aad:
Bal hadda Qodobkan 6aad ee Xeerka Sir-doonka Somaliland aan ag dhgno Qodobkii 3aad ee Xeerkii Nabad-sugidda ee Siyaad Barre oo ahaa:
Qodobka: 3aad
(Sharciyadda)
Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin karaa dalka dibaddiisa,
Faallaynta Qodobka: 3aad
Waxa iska cad in aan xeerkan diyaarintiisii curin iyo hal-abuur badan lagu lumin ee xeerarkii kelidii-taliyihii hore si fudud la iskaga soo qaatay. Xeerkii Hay’adda Nabad Sugidda ee maamulkii Siyaad Barre ayaaba ka koobnaa oo ka urursanaa. Annagaa belo aragnay.
Qodobka: 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda
Hay’addu waxay leedahay xilalka iyo waajibaadka hoos ku qoran:
- Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho (intelligence service);
- Dabagalka (monitoring) iyo la socodka xaalada amniga guud ee qaranka iyo
xasiloonida dalka iyo dibadaba;
- Ka warbixinta khataraha jira ama ku soo fool leh amniga qaranka gudo iyo dibeddaba;
- Ka-saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada falal kasta iyo xad gudub kasta oo ah danbiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn karo qaranka.
- Dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa argagixisada.
- Taageeridda iyo gacansiinta laamaha Dawladda ee qabilsan amniga iyo dhamaan meel kasta oo kale oo ay waxtar ka geysan karaan.
- La socodka iyo dhaqdhaqaaqa Hay’adaha shisheeye.
- Tira-koobka xog u haynta dublimaasiyiintooda (Diplomatic missions).
- Tiro koobka ajanebiga wadanka ku sugan iyo isla markaana sugida amaankacida ku xusan xarfaha G & i.
- Ka hortaga dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada, sumcada iyo sharafta qarannimada JSL.
- La socodka qalabyada warbaahinta, qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahan yihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin iyo wax kasta oo ku duugan (publication press and propaganda)
Faallaynta Qodobka: 7aad:
Bal hadda Qodobbadan dhex qaada oo wax macno la taaban karo samaynaya ka soo saara. Waxaan magan idiin ka ahay in aad u fiirsataan oo aad hoos u dhugataan faqradda 11aad ee ugu danbaysay ee aan hoosta ka xarriiqay. Bal waxaad ag dhigtaan Qodobbada Dastuuriga ah ee dammaanad-qaadaya xorriyatul qowlka iyo xaqa is-cabbiraadda ee muwaaddiniinta. Hadda xeerkan waxa waqti geliyay oo inta badan inoo qalin-daraaleeyay Gole Wakiillo oo aynu doorannay oo aynu waqti iyo maalba u hurnay. Sidaa ay tahay ayay weliba ku faanaan in ay xeerkan iyagu saxeexeen.
Qormada: 11aad
Qodobka 8aad
Awooddaha Hay’adda
Hay’addu si ay u gudato xilkeeda iyo waajibaadkeeda waxay leedahay awoodaha soo socda:
- In mar kasta oo ay ka war-hesho, ama sabab macquula ah awgeed ku rumaysato in la qorshaynayo fal-dembiyeed, ay wargeliso hay’adaha qaabilsan ka-hortagga dembiyada,
- Xubnaha Hay’addu waxay qaadan karaan hub fudud, si ay isugu difaacaan, si waafaqsan Xeerka Hubka fudud,
- Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay’addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalab kasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.
Faallaynta Qodobka: 8aad
Marka hore bal Faqradda: 3aad Qodobkan: 8aad ee Hay’addeenna Sir-doonka Qaranka waxaad ku qiyaastaan ama ag dhigtaanba Qodobkan 4aad ee hoosta ku qoran ee Xeerkii Nabad Sugiddii Soomaaliya ee Siyaad Barre. Maxaa iskaga eg!
Qodobka: 4aad
(Awoodda baadhista iyo qabashada)
Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo, hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,
Waxa la yaab leh labadan Qodob sidaa ayay isu xanbaarsan yihiin iyada oo la wada aamminsan yahay in nidaamyada kala lahaa ab iyo isirba ku kala duwan yihiin. Haddaa maxaa isu ekaysiiyay?
Bal aynu ku dhudhuminno ama ku dhererinnaba Dastuurka Qaranka. Waxaynu soo xiganaynaa Qodobka: 25aad oo ku xusan bogga 18aad ee Dastuurka Qaranka, waxaanu dhigayaa:
- Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn,
- Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan markaa denbi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi,
- Dawladda ayaa muwaaddinka u dammaanad-qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad-gudubkooda,
- Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasilloonda dalka ama xuquuqda qof kale,
Qodobka: 17aad
(Bixinta Sirta)
Xubin kasta oo ka tirsan Hay’adda oo iyada oo ogolaansho ka helin Agaasimaha Hay’adda sheegta, faafisa, daabacda ama si uun uga dhigta wax la og yahay:
- Aqoonsiga qof Hay’adda u ah il-wareed,
- Xubin Hay’adda ka tirsan oo ku hawlan hawl qarsoon,
- Xog Hay’addu heshay oo xaasaasi ah,
Waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 6 ilaa 10 sano; haddii xogta la bixiyay ay Qaranka ku keentay khasaare, waxa xubinta bixisay lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 10 ilaa 20 sanno.
Faallaynta Qodobka: 17aad
Annagaa yaab aragnay ma maqli jirteen. Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee aynu ka hadlaynaa waa kan kor ku qoran ee xataa xadaynaya ciqaabta qofka loo geysanayo. Golaha Wakiillada ayaa oggolaaday oo Madaxweynaha ayaa saxeexay. Ma taas oo kale ayaad aragteen. Ma wax ay qabtaan ayay waayeen marka ay xadaynayaan muddada qofka la xidhayo. Bal ka warrama dee, dhabanka iyo gacanta ha isa saarina e’.
Halkaa u dhaafi maayo, waayo wixii intaa ka badan waad ku hafan doontaan. Lexejeclo badan ayaan idin ka qabaa oo indhihiinna ayaan u tudhayaaye, raalli ahaada oo tareenkan halkaa kaga hadha.
Waa Xeer aanay farshaxan iyo farsamayaqaanno helin oo la iska xar-xarriiqay. Wuxu ku qoran yahay af-Soomaali aad u liita oo xataa kii maamulkii Maxamed Siyaad Barre ka liita. Kuma qorna siiqad sharciyeed oo aad fahmi karayso.
Qodobka: 20aad:
(Wada Shaqaynta Waajibka ah)
Qof kasta oo deggan wadanka gudihiisa, marka laga reebo diblomaasiyiinta shisheeye, waxa ku waajib ah in uu la shaqeeyo xubnaha Hay’adda ee gudanaaya waajibaadkooda shaqo.
Faallaynta Qodobka: 20aad:
Bal hadda Qodobka: 20aad ee xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland ku dhereriya Qodobka: 7aad ee Xeerkii Nabad Sugidda ee nidaamkii aan la mahadin ee Siyaad Barre. Maxaa iskaga eg! Bal hadda waa kan hoos ku qoran ee isagana ka noolaada.
Qodobka: 7aad
(La-shaqayn qasab ah)
Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,
Bal waxaad aad ugu fiirsataan sida labada qodobba loogu adeegsaday ereyada ah ‘Ergooyinka Diblomaasiyadeed’. Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre diblomaasiyiin ayaa u joogtay e’, bal innagana maxaa ina daba dhigay. Mise naawilaadda iyo nayaayirka ayaa inala galay. Wax Diblomaasiyiin lagu sheego waxaynu haynaa oo inala jooga Hawl-wadeennada Xafiiska Ganacsiga ee Itoobiya. Laakiin waxaynu ka wada dheregsan nahay boqollaalka haddii aanay kunba gaadhin ee madow iyo caddaanba leh ee dalkeenna hawlaha Hay’adaha u jooga. Tolow, kuwaasina ma qasban yihiin? Xaggee lagu tiriyay iyagana oo uu Xeerkan Sir-doonku ku og yahay.
Bal ka warrama haddii aynu curin-la’aan iyo hal-abuur la’aan halkaa ka taagan nahay. Waxaynu soo wada raranno oo aynu eedno oo dagaallo mooyaan e’, miyaynaan waxba curin karayn innaga oo xaaladeenna nololeed iyo waayaha aynu hadba ku nool nahay ku sar-goynayna?
Ummaddu waxay heegan buuxa ugu jirtaa in ay dal iyo dadba daafacdo oo nabadgelyadeeda u soo jeeddo. Miyaa illowdeen Degmada Dhoqoshay iyo sidii ay dadweynuhu argaggixisada ugu badheedheen ee ay u soo qab-qabteen iyaga oo dagaal la galay oo naftoodii huray! Ma xeer iyo xaagaan Madaxweyne iyo Gole Wakiillo soo saareen ayaa dirtay. Mise wixii ay kaga fal-celiyeen weerarkii dalkooda iyo dadkoodaba qabsaday “Garashaa ku tidhi yeel.”
Ma qabno in Qodobkan looga gol leeyahay in dadweynaha wax lagu faro, bal se wanjal iyo wajaaf baas ayaa ka soo uraya. Dadku waa heegan, waanay u diran yihiin dalkooda iyo dadkooda ee maxaa laga rabaa? Ma laga yaabaa in dal iyo dadba la nacsiiyo oo wixii ay soo sheegi lahaayeen ay qariyaan. Bal adba!
Qormada: 12aad
Bal hadda sheekooyinkan, idinka oo iga raalli ah iga gura. Waxa la yidhi nin soo-galeeti ah oo bas la socday ayaa dirawalkii ku yidhi: “Marka aad bakhaarka hebel marayso ii jooji.” Waa maalmihii ay argaggixisadu ugu hadal-haynta badnayd. Markiiba rakaabkii baska ayaa ninkii haleelay. Ku-ye: “Oo bakhaarka hebel maba taqaannid? Haddaa xaggeed ka timid?” Su’aalo intay ku hafiyeen ayay la degeen oo saldhigga geeyeen.
Maalmihii diiwaan-gelinta ee 2008kii, ayuu baabuur Toyota ahi meel magaalada Wajaale ka yar baxsan oo Xaafado ah is-taagay. Cabbaar ayuu taagnaa. Wixii dumar iyo carruur xaafadda deggenaa ayaa isku xeeray. Badhna boolis ayay dooneen. Mar danbe ayaa la ogaaday in uu shixnad koontarabaan ah qaadayay.
Kun sheeko oo kale ayaynu marin karaynaa. Ma xeer baa diray? Maxaa dadka caynkaas ah loo xujaynayaa ee xeer iyo waxaan jirin loogu xajiimaynayaa?
Ammaankeenna iyo badbaadadeenna Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa haya. Qof kasta oo reer Somaliland ka mid ahi waa heegan. Nabadgelyada dalkeennaa taallaa waxay salka ku haysaa soo-jeedka shacbiga reer Somaliland, iyada oo aan la yaraysan karayn kaalinta ma-dhaafaanka ah ee ay hanashada nabadda kaga jiraan ciidammada Qaranka ee: Booliska, Asluubta, Ciidanka Qaranka iyo ilaalada xeebuhuba.
Ma gunaanadkaygiyo gebegebada sheekada:
Raalli iga ahaada waan idin daaliyay e’. Waxa la yidhi odeygii maansayahanka iyo murti-dhaadhigaba ahaa ee Cali Dhuux ayaa beryihii danbe indho-beelay. Markaas ayaa lagu yidhi: “Cali Dhuuxow waa adigan indho-beelay, ee immika miyaanad gabaygii iska daynayn? Wuxu nimankii su’aashaa weydiiyay ugu jawaabay: “Xaggee ayaan ku daayaa immika ayaaban u indho- belay e’.”
Aniguna maanta halkaa Cali Dhuux taagnaa ayaan taaganahay oo immika ayaaban qoraalkii u shaqo-beelay ee xaggee ayaan ku daayaa.
Maxaa Siyaad Barre ku kellifay in uu samaysto xeerar iyo ciidan Nabad Sugideed? Maxamed Siyaad Barre markii uu taladii dalka kula wareegay qori caaradii wuxu tirtiray wax alle yaale wixii dimuqraadiyad iyo xorriyadba u adeegayay:
1. Dastuurkii Qaranka waa la tuuray,
2. Barlamaankii waa la kala diray,
3. Xukuumaddii waa la wada xidhay oo xabsiga ayaa loo taxaabay,
4. Xisbiyadii siyaasadeed iyo ururradii samo-falka oo dhanba albaabbada ayaa loo xidhay,
5. Madbacadihii waa lala wareegay iyo wixii wax lagu daabacayay oo dhanba,
6. Wargeysyadii dhammaantood waa la xaaraantimeeyay,
7. Wax la daawado, wax qoran, wax la dhegaysto oo dhanba waxa loo sameeyay Guddi Faaf-reeb oo eegta isla markaana hubisa waxa ku jira. Xataa waraaqaha caadiga ah ee dadku isu dirayo iyo cajaladaha waa la eegi jiray, la akhriyi jiray lana dhegaysan jiray,
8. Waxa la soo saaray Axdigii 1aad ee Kacaanka iyada oo muddo ka dibna la soo saaray Axdigii 2aad ee Kacaanka. Labadaa Axdi waxa ku sawirnaa oo astaan u ahaa: Gacan saran kitaab qouraan ah oo furan, qori AK ah iyo koofiyad bir ah oo tan millateriga ah. Astaantaasi waxay sheegaysay in uu Siyaad Barre ku dhaartay in uu tooganayo wixii ka hor yimaadda, waanu yeelay isaga oo weliba ka badbadiyay.
9. Waxa la xaaraantimeeyay in ay dadku kulmaan ama shiraan. Saddex qof wax ka badani meel ma ay wada joogsan jirin,
10. Waxa la dhisay Maxkamaddii Badbaadada ee ciddii denbiyadaa lagu helo la taagi lahaa,
11. Waxa la qoray xeerkii lagu qaadi lahaa oo ahaa Xeer Lambar: 54 oo dhigayay dil iyo hantida qofkaas oo lala wareego,
Waa markaas marka uu Maxamed Siyaad Barre u baahday in uu helo cid u soo dhegaysata wixii waxaa ka baxsan. Markaas ayuu bilaabmayaa: daba-galka, xuuraanka, dhegeysiga, dhega-dhegaynta iyo waxyaabaha la midka ah.
Maanta marka aynu dalkeenna eegno intaa uu Maxamed Siyaad Barre tirtiray oo dhan ayaa jirta. Waa xaalad kale oo ka duwan tii uu samaystay si uu u hawl-geliyo Ciidankii Nabad Sugidda ee halkaa maanta ay Soomaaliyi taallo dhigay.
Dhiilladan fiintu ka qaylisay ee maanta dalkeenna ka aloosan waxa u aabbo ah Golaha Wakiillada oo ay hor kacayaan Shir-guuddoonka iyo Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Xeerkan inagu sharciyaysay. Waa hubaal in ay taariikhdu magacyadooda xusi doonto meel gaar ahna ku qori doonto.
Aynu ku yar hakanno Golaha Wakiillada. Sida magacoodu sheegayo waa Wakiillo oo waxay masilaan dadweynihii soo doortay. Shacbiga ayay Golaha ugu jiraan oo ay Wakiillo ka yihiin. Sida ay iyagu u haystaan una aamminsan yihiin dantooda Golaha uguma jiraan. Ma doonayno Gole wakiillo ah oo xukuumadda jiq ku siiya oo ay taab la rogi weydo, isla markaana ma doonayno Gole Wakiillo ah oo xukuumadda jeebkeeda ku jira. Waxa loo baahan yahay laba Gole oo si togan oo Dastuuriya oo kala madax-bannaan u hawl-gala iyaga oo heshiis ah oo dal iyo dadba u adeegaya. Ilaahay ayaanu ka maqan gallay in ay bisad iyo jiir isku noqdaan, iyo in ay noqdaan laba isku lammaan danahooda u wada qadhaabta.
Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee ma-hadhada reebay saacad laguma jirin dooddiisa sida looga-qaateenka laga hayo. Badanaa Golaha si loo fadhiisiyo dirqi iyo si fool adag ayaa lagu soo helaa “Quorum”-ka ama tirada ansixinta fadhiga, marka erey-bixintii shirarka ee SNM la raaco.
Golaheennii Wakiillada ee aynu ku soo dhabar-jabnay ma haynno. Waxay isku milmeen Xukuumaddii oo ay laba hawlood oo kala duwan ay leeyihiin. Bal u fiirsada xeerarka ay inagu jidaynayaan. Xukuumaddu wixii ay doonayso waa ay marsanaysaa. Madaarradii ayaa la inagaga qaadayaa cashuuro aan mid iyo laba ahayn oo aan sharciyaysnayn. Wixii ay Xukuumaddu doonto – xeer iyo xeer-darro – waa ay oggol yihiin.
Bal hadda u fiirsada Xeerkii la celiyay ee ‘Kootadii’ haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxa la ina barayaa in uu Madaxweynuhu arrintan oggolaaday, bal se ay Golaha Wakiilladu diideen. Madaxweynuhu wuxu doonayo Golaha Wakiillada wuu mariyaa, xeerkanna wuu marin lahaa haddii ay sidaasi jirto. Sidii Miisaaniyadda iyo Xeerka Sir-doonka sida fudud loogu mariyay, ayaa kan ‘kootada’ haweenka iyo dadka laga tirada badan yahayna loo marin lahaa.
Go’mmada ay Golaha Wakiilladu qaataan waxay ku qaataan dhowr iyo soddon cod. Waa kuwa ugu sarreeya sida codkii ay Miisaaniyaddi aanay ka doodin ku oggolaadeen. Waa Golaha Hay’ado aan xeerba lahayn oo aan biraysnayn oo aan sharciyaysnayn miisaaniyad u sii daayay ee odhan kari waayay: “Xeerkii lagu dhisay mee.” Miisaaniyadba ha u sii daayaan Hay’addaa oo sida warbaahinta lagu fidiyay weliba siddeed Wasaaradood wadartooda ka lacag badan. Waa TV-ga Qaranka. “Iyaba waa tabalaha adduun, taynu aragnaa.”
Qormadii: 13aad
Hadda maalintii Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta la ii magacaabay Madaxweynuhu ereyadii uu adeegsaday waxa ka mid ahaa dhiig-bax ayay nagu tahay kirada TV-ga Qaranka laga qaadaa ee arrimaha aad wax ka qabanayso ha ugu horreyso. Maantana isaga oo aan sharciyaysnayn ayuu siddeed wasaaradood ka miisaaniyad batay. Ma maqli jirteen: “Midi waa yaab, midna waa yaabka yaabkii.” Wixii hore oo dhami salleelo ayay iska ahaayeen e’, yaab iyo yaabka yaabkii waa kan maanta jira ee dhabanno-hayska inagu riday.
Bal aan soo xiganno Wargeyska Hubaal, Vol. 01, Cadadkii 136aad, Isniin, 07dii, Jeeniweri, 2013ka oo qoray:
“Qormada maanta iyo Dhaliilaha Miisaaniyadda waxa aynu ku soo qaadan doona kuna lafo guraynaa mid kamid ah Hay’addaha Madaxa banana oo runtii Miisaaniyaddiisu ka badan tahay wadarta lacagta siddeed (8) wasaaradood oo ku jira miisaaniyadda. ……haa siddeed bay ka badan tahay weliban ah kuwo laf dhabar inoo ah. Hay’addani waa SLNTV oo bilo ka hor uu laga hoos saaray Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta oo uu ka tirsanaan jiray. Tv-ga qaranka waxa Miisaaniyadda sanadkan loogu daray lacag qadarkeedu yahay 15,591,636,540 Slsh, (Shan iyo Toban Bilyan, Shan boqol iyo Kow iyo Sagaashan Milyan, Lix boqol iyo Lix iyo Soddon Kun, Shan boqol iyo Afartan Shilin. waxa ku laban-laabmaysaa Wasaaraddii laga madax bannaaneeyey ee warfaafinta oo iyadda miisaaniyadeedu tahay keliya 8,170,279,600 Slsh. SLNTV waxa uu la miisaaniyad yahay wasaaraddaha:
1. Warshadaha oo loo qoondeeyey 1,419,670,000 Slsh
2. Dib-u-dejinta oo loo qoondeeyey 1, 890, 403,000 Slsh
3. Diinta iyo Awqaafta oo loo qoondeeyey 2, 217,810,000 Slsh
4. Qorsheynta Qaranka oo loo qoondeeyey 2, 253, 987, 000 Slsh
5. Gaashaandhigga oo loo qoondeeyey 1, 692, 133,000 Slsh
6. Beeraha oo loo qoondeeyey 2, 612, 324, 000 Slsh
7. Kalluumaysiga oo loo qoondeeyey 2,199, 128, 00 Slsh
8. Caddaaladda oo loo qoondeeyey 1, 784, 720, 000 Slsh.
Wasaaraddahaas oo aanu tusaale u soo qaadanay uun balse ay jiraan kuwo la mid ahi waxa isu geynta lacagta sannadkan loogu daray miisaaniyaddu noqonayaa 15, 78,060,175 Slsh Bilyan (Shan iyo Toban Bilyan, Toddoba Boqol iyo Sideetan Milyan, lixdan kun iyo boqol iyo Shan iyo toddobaatan shilin), lacagtaas marka laga gooyo Miisaaniyadda TV-ga dawladda waxa waliba uu dheeraanayaa oo uu ka badan yahay 531, 455 Slsh oo ah nus malyuun (shan boqol iyo kow iyo soddon shilin). Arrimahaas oo dhan marka laga yimaado waxa Caqliga saliimka ahi is weydiinayaa sababaha amaba baahiyaha daruuriga ah ee uu daboolo TV-ga qaranku maxay yihiin, muxuu dheer yahay Warbaahinta kale ee madaxa banaan TV-yada kale ee dalka ka jiraa se Tayo ahaan muxuu kaga tilmaaman yahay ee uu dheer yahay, iyadoo walba Tv-yada kale ee madaxa banaani iyagoo aan dhaqaale ahaan meel ku tiirsanayn ay iskood isu bixiyaan waliba bulshadu kaga kalsooni badan tahay TV-ga Qaranka. Su’aal kale ayaa khadka qalinka ka dhex guuxaysa oo uu jawaabteeda la’ yahay, oo waa wasaaraddan xaqeedii la duudsiyey ee Warfaafinta, Maxaa godobta Intaa le’eg looga galayaa ee iyadoo ah muraayaddii qaranka koboca Miisaaniyaddeeda looga door biday Waax yar oo hore u hoos iman jirtay. Miyaan loo baahnayn Waaxaha dawladdu ku xisaabtanto ee warfaafintu ka kooban tahay, Miisaaniyaddan aan tobanka Bilyan gaadhin ee loogu daray sanadkani sidee ayay u maarin kartaa Waaxdii Radio Hargeysa, DAWAN, SOLNA iyo waliba waaxdii dhaqanka ee laga soo wareejiyey Wasaaradda dhalinyarada. Haddii laga maarmi waayay oo dhaqaale intaas loo heley, bal waxa ay ku xidhnaan doontaa masuliyiinta warfaafinta oo Siday u madhxinayaan ama musuqa lagu xanto ku xidhnaan doontaaye, TV-gan yaa gaar loogu seeteeyey, Dhaqaalahani ka badan baahi uu qabo e Ma naas nuujin baa lagu sharciyeynayaa. Awalba Shaqaalaha dawladda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta oo madax-xigeennada miisaaniyadda loogu daro tayaynta iyo taakulaynta baahiyaha lasoo gudboonaada hore loo farsamaysan jiray ayaa haddana TV-gii oo caaglayaal hadda la ciir ciiraya la doonayaa in magacii iyo duruufihii shaqaalaha lagu maxaafsado.”
Maanta xaaladda dalkeenna iyo dadkeennu ku jiraa waa ay ka duwan tahay xaaladihii nidaamkii Siyaad Barre ku amar-ku-taaglayn jiray. Looma baahna cid la xuuraamo iyo cid la dabo-galo. Meel walba waa laga doobyayaa oo dawladdii ayaa looga hanjabayaa. Madaxweynihii dal iyo dadba ugu sarreeyay ayaa waxaan milgihiisa ahayn lagula hadlayaa maalin walba…….habeen walba…….saacad walba……..daqiiqad walba. Cid wax qarsata oo la soo xuraamaa ama la daba-galaa ma jirto. Wixii wejiga ayaa la iska saarayaa oo adiga oo arkaya ayaa laguu sheegayaa. Habeen walba TV-yadii……Maalin walba Wargeysyadii……ayaa wax walba laga odhanayaa. Cidi is-ma qariso, waxna inooma kala qarsoona. In aynu is-qabqabanno ayuun baa inoo hadhsan.
Uma baahnin Hay’ad Sir-doon oo tii Nabad Sugidda ee Siyaad Barre oo kale ah. Bal waxaan ku talin lahaa:
a. Kolka hore aynu ogaanno oo qeexno waxaynu u baahan nahay wuxu yahay,
b. Ujeeddooyinka aynu ka yeelan karnaa maxay yihiin,
c. Sidee ayaynu u waafajinaynaa Dastuurka Qaranka iyo Bayaannada caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka ee aynu qirnay in aynu aamminsan nahay,
d. Dastuur ahaan saddex Ciidan Qaran oo keliya ayaa I noo sharciyaysan ee midkee ayaynu hoos geynaa? Haddii aynu doonayno in ay noqoto Hay’ad Madax bannaan oo Madaxweynaha hoos timaadda sidee ayaynu Dastuurka Qaranka iyo Xeerarka kale ee dalka u yaalla u waafajinnaa?
Had iyo jeer waxa inoo caado ah in aynu qoraalladeenna ku jar-jarno ama ku qurxinno: murti, maah-maaho iyo maansooyinba. Inta bandanna waxay galaan halkii ay qoraallada aynu xiganaynaa inoo geli lahaayeen. Sidaa darteed ayaan aniguna inta badan maansooyinka u soo xigtaa. Maxaa yeelay, wixii ina soo maray ee taariikh ahaa waxaynu ka heli karaynaa heesaha iyo maansooyinka. Kolka ay sidaa tahay, kuwa loo iisho ama inta badan la soo xigtaa waa kuwa qoran ama mareegaha laga heli karayo. Waxaan qormooyinkeennii koobnaa ee taxanaha ahaa ku soo xidhayaa tuduc aan ka soo ammaanaysanayo Cabdillaahi Suldaan (Timacadde). Waxaan tuducan ka soo qaadanayaa maanso uu Wareeggii NFD ka tiriyay 1964kii, waxaanu yidhi:
“Wixii dhacayba nimankaan ku waday, in aynu weydiinno,
Mar hadday u weysaysatoo, weliyo loo haysto,
Aniga yaan waxbaynu isu nahay, laygu weyrixinne,
Ninkii weliba sii eegayaa, haw wishiirriyo e’,”
Ugu danbaynna bal iga guddooma maanta heestan aan ku soo gunaanadayo taxanahaygan 2aad ee taariikhiga ahaa. Waa hees gaaban oo aan kaga warramayo dhibaatadii xornimada loo soo maray, waxa taagan iyo in ay xaaladdu ku danbayn doonto sida Eebbe qaddaro iyo doonista ummadda sidii looga soo joogay goobihii taariikheed ee ina soo maray.
Xil nimaanu solin weli:
Xusul-duubka orodkii,
Xarbigii dagaalkiyo,
Dirirtaan u xeydnaa,
Xabkii aan buruurshiyo,
Xinjirtii an daadshiyo,
Xoolihii la saydhiyo,
Xasuuqii dadkaygiyo,
Marinnada xanuunka leh,
Xornimadaan u soo maray,
Xil nimaanu solin weli,
Xummaddiisa aan qabin,
Dantiisuun u xoogsada,
Oon weliba xeer iyo,
Xaagaan dabbaashiyo,
Xadhig aan ka yaabayn,
Xaabaduu naf moodiyo,
Xansaskuu rakaabsaday,
Xer-u-dhalanta tayda ah,
Gaws uma xaraashaan,
Inta geesi xay yahay.
Qarannimadu waa xubin,
Xannaaniyo daryeel iyo,
Xanan laga idleeyiyo,
Xakab loo adkeeyiyo,
In la xoojo kaa mudan,
Haddii ay dad loo xulay,
Xumaynteeda doortaan,
Xoor kama durduurtaan,
Xigsintii asaaggood,
Dacar uun ka xooxsade.
(Dhammaad iyo mahadnaq waqtigii aad Qormooyinkan koobnaa aad ku qaadateen.)