Sawir&Sifayntii: 2aad

 

BoobeYuusufDucaale,

Hargeysa, 20/4/2018

Maantana, waa markii saddexaad ee aynu ku kulmaynno madasha wadaagaha sawirrada.Waxaynu taxaashiyo tameshlaba ku tegaynaa xaggaa iyo qaaradda Yurub, weliba qaybteeda galbeed.Waxaynu markan ka degaynaa dalkaa Denmark gaar ahaan xaruntiisa Copenhagen.Waa afartii bilood ee danbe ee 1998kii.Waxaan ka imid magaalada Helisinki ee dalkaas Finland oo aan Jaamicadda Abbo Turku ka gaqayb-galay Shirweyne Cilmi-baadhista Soomaaliyeed ku saabsanaa.Ka mira yar ayaan iska sitay oo sawirrada xusuusta ah ku qaadanayay.

Soomaalidii halkaa aan ugu teagay, waxa ka mid ahaa Cabdi Aadan Xaad oo ku magac-dheer Cabdi-qays. Halkaas ayuu berigaa ku noolaa. Waxaan magaalada ugu marti ahaa oo aan la deggenaa Cali Seenyo. Malahayga Cabdi-qays iigama baahma in aan idin baro.

Waa hal-abuur erey iyo laxanba.Waa muusigyahan heesaa ah. Waa jilaa, waxaanu leeyahay Diiwaanka Darmaan iyo Dalxiis.Immika Hargeysa ayuu ku noolyahay Taansaaniyana carrab ka kamadhigo. Caafimaad iyo cimri-dherer.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *