Sawir & Sifayntii: 4aad

“Qacda Kamiradaydiyo.
Buug xusuusta qaadiyo,
Qabashada rikoodhkiyo,
Qalinkiyo tawaaddiyo,
Qoraalkaygu way whel,”

Boobe Yuusuf Ducaale,
Hargeysa, 26/4/2018ka,
Waa taxanaheennii gaabnaa ee Sawir & Sifayntii. Wax kale ugama gol lihi taxanahan oo aan ahayn bal in aynu dhaqan ka dhiganno in aynu diiwaan-gelinno taariikhaha dhaxal-galka ah ee muuqaallada aynu iska reebno. Markanna waa 1983kii. Waxaan filayaa in ay ahayd bishii Juulay ee sannadkaas oo aanu magalaada Harar ku qabsannay Shirweynihii 3aad ee SNM oo socday 24/7/1983kii – 9/8/1983kii. Waa mararkii koobnaa ee noloshayda aan Hudheelka Raas ku dego. Goor barqo ah ayaan agabkan sariirta saaray oo aan sawirkan xaggayga taariikhiga ah ka qaaday. Waa intii xaggayga halganka iigu mudnayd ee inta badan noloshaydaa wehelka rumaad ii ahayd. Galkii ayaa sariirta saran ee kamiradii waa ta aan ku sawirayo. Canon A ayay ahayd. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabbi ayaa magaalada Jubeyl ee Sucuudiga iiga soo diray. Wuxu iigu soo dhiibay oo ii keenay Xildhibaan Mataan Al-humaami. Muddo yar ka dib ayaa Diridhabe la igaga xaday. ‘Lens-kii’ gaabnaa waa lagu qaatay, ‘Zoom Lens’ dheer oo ka hadhayna waxa igaga dhaartay oo aan guddoonsiiyay Mujaahid Shahiid Hurre Xaaji Xasan oo si la yaab leh u jeclaa una xiisayn jiray sawir-qaadista. Qof kaga habboonaa oo aan siin lahaa garan mayo. Waxaan is-lahaa halganka hubeysan iyo buuraha Sanaag ha isla doonto, bal se isaguna ma calfan oo 1986kii ayuu shahiiday. Ilaahay waxaan ka durraaman jiray in ‘Zoom Lens-kaasi’ cid si togan ugu adeegata u gacan-galo. Waxaan aad u qoomammeeyaa maalmo aan haystay kamirada oo isu dhan oo aanu toddobaad Axmed-genius Durya wada joognay oo aanan mar keliya xaggiisa ku fiiqin. Wixii intaa ka danbeeyay waxaan adeegsan jiray kamiro yar oo kuwii casriga ah ka mid ah mid ahayd berigaa oo summad-ganacsiyeedkeedu ahaa PENTAX oo walaashay Sacdiya-baarcad iiga soo dirtay London.
Waan idin ku dheereeyee, waa inoo kal kale iyo kulan kale haddii Kariimku ina karsiiyo.
Beryo danbe oo aynu dalkaba ku jirnay oo ahayd 1998kii ayaan London tegay. Nin baa Holand iiga soo diray kamira Canon A ah. Nasiib-darro iyadana muddo yar ka dib ayaa meel aan deggena la igaga xaday. Waxaan is-idhi magac-ganacsiyeedkaasi Canon A mid kuu qaaliban ma ahayn. Mise kamirooyinka kale ee aan ka eexday ayaa il xun igu soo eegay. Oo Shirkadda Canon ma I og tahayba.
Raalli iga ahaad si qaldan Ayaan taxanihii kan ka horreeyay Tirsiga 2aad u siiyay isga oo 3aad ahaa. Waa kii Cabdi-qays ku sawirnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *