Khudbadda Xafladda Xil-wareejinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta (19ka Maarj 2012ka)

Khudbadda Xafladda Xil-wareejinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta (19ka Maarj 2012ka)

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta/Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Axmed Cabdi Xaabsade,

Agaasimayaasha iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta,

Marti-sharafta kale ee xafladdan ka soo qayb-gashay,

Dhammaantiin Asalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa barakaatu,

Maanta waxaynu halkan u joognaa, si aan u tirsado xilkan culus ee Wasaaradda Warfaafinta. Halkan ama Wasaaraddan uma aan iman in aan ka shaqaysto. Halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan Uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in gaadhi ka iibsado. Uma aan iman in aan si kale ugu danaysto. Han garoocan idiin lama aan iman. Xaashaa! Gurmad ayaan idiin ku imid. Waajibkii Qaaxo iyo halgankii hubeysnaa isku keen baday ayaa maantana ii yeedhay. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayay. Mushaharka aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqaaladna ka bixiyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud, Siilaanyo, ayaa xilkan ii gartay oo iigu yeedhay, anna waan ka guddoomay. Waxaan uga oggolaaday aniga oo aamminsan in qaranku cid walba xaq ugu leeyahay in uu waajib ugu yeedho.

21 sannadood ka hor ayaan ahaan jiray Xoghayihii Waaxdii Warfaafinta ee SNM, xilkaas oo aan bishii Meey 91kii ku wareejiyay Wasaaraddii Warfaafinta ee Jamhuuriyaddii Somaliland ee Burco ka curatay. Sidaas ayaan ku garanayaa in badan oo halkan maanta joogta oo aanu soo wada gallay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd, iyo in badan oo kale oo aanu xilliyadii danbe si dadban iyo si toosanba u wada hawl-gallay. Dhammaanteen Ilaahay ha inaga wada abaal-mariyo.

13 sannadood ayaan ka hawl-gelayay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka. Waxaan ka noqday cilmi-baadhe caadiya, waxaan ka noqday hoggaamiye cilmi-baadhiseed, waxaan ka noqday Isu-duwaha Barnaamijyada, ugu danbayn markii aan immika ka soo tegayayna waxaan ka ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta. Hawlo badan ayaan ka soo qabtay aniguna wax badan ayaan ka soo bartay. 13kaa sannadoodba arday ayaan ahaa, waxaanan is-leeyahay hawlina kuguma baaqan. Mahad iyo abaal badan ayaan u hayaa Akaademiga iyo inta ka hawl-gasha, saaxiibbada Akaademiga, dawladihii Somaliland ee kala danbeeyay, dadweynihii nala soo hawl-galay iyo hay’adda Interpeace oo wax badan na taakuleysayba,

Waxaanu ku shaqayn jirnay hab-raac (methodology) cilmi-baadhiseed oo ‘PAR’ la yidhaahdo oo ah hannaanka cilmi-baadhista dihin ee wadaagga ah.

Waxaan maanta halkan hortiinna ka ballan-qaadayaa in aynu waajibaadkeenna iyo xilalkeennaba u gudan doonno si wadaag iyo wadajirba ah. Wasaaraddan Warfaafinta iyo hawlaheedaba waa aynu wada leenahay innaga oo uga wakiil ah dadweynaha iyo dawladdaba. Waxaan hortiinna ka ballan-qaadayaa in aan idin la hawl-gelayo aniga oo aan cidna ka buuxin oo tunka ku sidan, cidna ku buuxin oo aan takoorayn.

Waxaan idiin ku baaqayaa dhammaantiin in aynu si wadajir ah u wada hawl-gallo innaga oo gacmaha is-haysanna oo talooyinka iyo hirgelintoodaba wadaagaynna. Waxaan si kal iyo lab ah idiin ku baaqayaa in aynu si dhab ah oo cilmiyeysan u ogaanno halka aynu taagan nahay, waxa inaga qabyada ah iyo sida aynu baylahdaa iyo qabyadaa u tiraynno. Waxaan idiin ku baaqayaa in aynu suntanno halka aynu geeddiga ku nahay. Waxaan idiin ku baqaayaa in aynu wadajir uga tashanno siyaabaha aynu ku gaadhaynno. Waxaan idiin ku baaqayaa in aynu si qumman u tusmaysanno siyaabaha aynu ku heli karno tamar iyo taakuleynba inta aynu u baahan nahay. Intaa wixii I noo raacaaba, waa xisaabtan aynu ka xisaabtanno in aynu qorshaheennii fulinnay iyo in kale. Ugu danbaynna, waxaynu abaal-marin doonnaa inteenna sida qumman xilalka u gudata, si aynu u dhiirri-gelinno inteenna gaabisa.

Waxaan idiin ku ballan-qaadayaa in aanu qaddarinta iyo tix-gelinta ugu mudan siin doonno daryeelka shaqaalaha iyo hawl-wadeennada Wasaaradda oo ah hantida ugu qiimaha badan ee ay wasaaraddani leedahay.

Waxaan ugu baaqayaa saxaafadda madaxabannaan in si wadareed oo wada-jir ah loo wada hawl-galo. Waxaynu nahay laba aan kala maarmin. Mataano is-hurran oo aan meelna kala tegayn ayaynu nahay. Somaliland maanta waxay u baahan tahay war-baahin mideysan oo xooggan. Waxaynu u baahan nahay war-baahin feejigan oo daymada tukaha leh. Waxaynu u baahan nahay war-baahin firfircoon oo si degdeg ah oo cilmiyaysan uga fal-celisa falalka aan fiicnayn ee inagu soo fool yeelan kara. Waxaynu u baahan nahay war-baahin darban oo inaga gudbin karta marxaladda adag ee kala-guurka ah ee aynu gallay.

Shirkii London ee 23kii Feeberweri ka dib, waxa la galay marxalad adag oo isku-duubni iyo midnimo u baahan. Kol haddii aynu go’aansannay in aynu ka qayb-gallo fagaarayaasha caalamiga ah, shaki kuma jiro in ay ina soo geli doonaan adduun iyo aragtiyo wada socdaa, taasina waxay inooga baahan tahay feejignaan faro badan. Waxaynu ka hor tegaynaa oo ay tahay in aynu daafacno, u babac-dhigno oo ka adkaanno qaybo war-baahineed oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba inooga badan. Taasina dedaal iyo darbanaan ayay ina faraysaa oo ay waajib inagaga dhigaysaa.

Intiinnii hanbalyada ii soo dirtay, intiinnii ii soo ducaysay, intiinnii qoraalladayda aanu bah-wadaagta ku ahayn, dhallinyaradii aan ka tirsanaa ee aan afartayda Buugba u hibeeyay, bulshadii rayidka ahayd ee aan 13ka sannadood ka tirsanaa, culimadii, Mujaahidiintii, hal-abuurkii iyo fannaaniintii, haweenkii, madax-dhaqameedyadii, ganacsatadii, intii aanu xidhiidhka ku lahayn mareegta dharaaro iyo mareegaha kaleba, qurbo-joogtii aanu e-maillada ku xidhiidhi jirnay iyo dhammaan dadweynihii kale ee aanu xidhiidhka joogtada ah lahaynba, waxaanu uga fadhinaa taageero iyo hiil aan kala go’ lahayn oo aanu ku hormarinno Wasaaraddan horumarkeenna iyo korinta garaadkeennaba halbowlaha u ah. Aniga oo huba in aan halkan wax badan ka baran doono isla markaana gacan ka geysan doono hawlaha ka socda, Ilaahay waxaan ka baryayaa in aynu noqonno kuwii guulaysta ee Ilaahay xilalkooda ku asturo. Waxaan u mahad-naqayaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, mahad iyo abaalba waxaanu ugu haynaa muddadii uu hoggaaminayay hawlaha Wasaaraddan.

“Nabad baa naas la nuugo leh”

Wa Billaahi Towfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *