Ducadii Cabdilaahi Suldaan “Timacade” ee Xaalad Abaareed oo Taagnayd Ku-Sinaan 1970.

Waxaan Ka Soo Garoocnay Maansada Seetadii.
” Abaar Solohday Jiilaal Surgacan, Samada oo Qiiqday.
Dhulkoo Seemman Geedkoo Solmiyo, Cawsha Socon Wayday.
Siigadii Hawaariyo ilaa, saxalkii Dooryaanle.
Intay Sigatay Waxaa ii Waramay, Soo Jireennada’e.
Mid Ka Sii fad Kulul Maynu Arag, Sebenka Maantaaye.
Waa Tii Saraayiyo Colaad, Loo Sakaar Jabaye.
Waa Tii Surkaa Wada Gigtee, kibir Saloognayde.
Saydheerihii Muu Onkodo, Lala Saqaafaayay.
Subuc Iyo Waxaa Lagu Baqdaa, Sadarka Yaasiine.
Samir Iyo Salaad Iyo Ducaa, Lagu Sugnaadaaye.
Marka Ay Suruqdo Uun Bay Indhaha, Sare u yuubtaaye.
Subaxday Nimcadu TaaganTahay, Waa Sidii Kala’e.
Hadii Aad Is-Wada Saamaxdaan, Saaka Wuu Curanne.
Ilaahii dhibcaha Siin Jiroow, Way Silloon Tahaye.”
Sidaana Wuu Ku Duceeyay, Aamiin Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *