Xildhibaan Caasha Oomaar Warsame Marwadii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee cod dadweyne lagu doorto: Hargeysa, 1963kii

”Gurmashada dagaalkiyo,

 Gulufkiyo colaadaha,

 Goobaha naf-waagiyo,

 Halka la isku gawraco,

 Marka gorodda lays daro,

 Haddaan dumarku goonyaha,

 Guubaabo kicinayn,

 Sida galowga dhiilloon,

 Illaa geesi qeyrkii,

 Birta kuma gumaadeen,”

Hablaha Geeska Afrika, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

Hargeysa, 10kii, Juun, 2018kii

 

Magaaladu waa Hargeysa. Maalmuhu waa maalmihii xummadda doorashadu cirka heehaabaysay. Milayguna wuxu ku beegnaa dhammaadkii bishii Oktoobar ee 2017kii galbaday.

Waqtiga intiisa badan guriga ayaan ku qaataa. Cibaadada Eebbe, Jimicsi-jidheed iyo mid maskaxeed oo joogtaysan ka-sokow, wehelkayga kale waa Maktabadda, qalinka iyo tawaadda oo xilliyadan danbe la casriyeeyay oo ‘computer’ ujeeddo-badan ah noqday. Daalacashada, daawashada iyo dhegaysiga keydku waa ii nasasho.  Wixii ii raacaaba waa kulammada joogtaysan ee dhallinyarada gaar ahaan inta qoraallada ku hawlan. Waqti aan sidaa u sii badnayn ayaan siiyaa Baraha Bulshada oo dhallinyarada kula wadaagaa hadba wixii aawan. Sidu, waa sida aan ka door-biday in aan maqaaxi ku kallaho, mefrishna ku danbeeyo in kasta oo caafimaadkuna ma-dhaafaankiisa daqiiqad walba ku soo hordhigayo, in aad fulisona ku qasban tahay.

Hadraawi ayaa heestiisii Tuke Baal cad ku yidhi:

“Gabay baan badhaadhiyo,

Ka hayaa barwaaqoo,

Isagaa bar xoolaad,

Banka iigu foofee,

 

Aniga oo isku hallayn qaba oo aan Geedka ka fasax qaadan ayaan heestaa dheegtay oo idhi:

 

“Waqti baan badhaadhiyo,

Ka hayaa barwaaqoo,

Isagaa bar xoolaad,

Banka iigu foofee,”

 

Waa hees aad u dheer oo hawaale-warran ah ee yaanan waxba idin ku xiijin. Hadda Geedkuna waa Xaajiga oo waa kii isaguba lahaa:

“Garan waayay sheekada,

Waxay gacallayaashay,

Geed iigu bixiyeen,”

 

Intaasi waa arar dadab-galkeed iyo damaashaad qalinku leeyahay. Hoos aan ugu soo dego, dulucdiyo ujeeddada.

 

Marka hore aan is-barraxo oo sababeeyo waxa qoraalkan igu kellifay ama igu dhaliyayba. Si aynu jaanta iyo jiibtaba isula hello oo aanu dhabaq iyo kala-dhacba u iman aan idiin qodobbeeyo:

  1. Markhaati waxaad iiga tihiin in aan dad badan wax ka qoray, midba waxaan ka gaadhoba. Markan waxaan u holladay in aan tagtadaydii yar jalleeco. Dugsigaygii Dhexe oo Axmed Gurey ahaa ayaan soo gaadhay: 1960kii – 1964kii. Tacliinta oo keliya kama aan sheekaynayn ee duruuftii dalka ku xeersanayd ayaan wax ka taabanayay. Doorashadii Deegaanka ee 1963kii ayaa shaashaddii soo gashay. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale ayaa ka mid ahaa dadkii aan ka wareysanayay. Habeennadaa wareysiga, habeen ka mid ahaa ayuu ii taabtay gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay in berigaa la doortay. Caasha Oomaar ayuu iigu sheegay iyo in ahayd xaaskii nin Qadaax lagu naanaysi jiray. Markiiba habar-wadaaggay Axmed Jaambiir Kaahin ayaan tilifoon kula hadlay. Wuxu ii xaqiijiyay in ay tahay Jaamac-shabeel habar-yarrtiisii soo korisay. Anna idhi: “Ku jar hadalka ku jar.” Kadinka aan sheekadan ka soo galay waa kaas. Waxaan aad ula yaabay waxaan Caasha Oomaar hore ugu maqli waayay.. Markaasaan go’aansaday in aan taariikhda Caasha Oomaar cabbaar ku hakado oo aanan isku koobin soo-hadal-qaad kelia iyo in aan gawl-gawlo

 

  1. Cabashada iyo qayladaa badan. Dumarka ayaa ugu daran. In ay wax doortaan waa loo oggol yahay oo weliba qaarkood lagu gunneeyaa,. In la doorto se loo ma oggola. Waxaan is-weydiiyay tolow taariikhda Soomaalida xilli la doortay oo ay cod dadweyne ku soo baxeen ma jirtay? Sidee ayay ku suuro-gashay? Haddii ay hore u dhacday, maxaa suuro-geliyay ee maanta hor taagan? Hadda waa qaddarka Eebbe ka-sokow. Lixdannadii ayaan dib ugu noqday gaar ahaan 1963kii iyo magaalada Hargeysa. Weynu wadaagi doonnaa sheekhada oo waxna guud-mar kooban ayaan idiin ku samayn, waxna garaadkiinna iyo garashadiinna ayaan u deyn doonaa. Sideedaba sheekadaa wadaaggaa ku fiican. Waxaan ka wadi waayay in aanan hadalka idiin wada saafin, bal se idiin saro, illeyn da’-yartii haddaad tihiin berrito haddii Eebbe idmo idinka ayaa hoggaanka qaban doona e’,
  2. Qoraalkan aadka u kooban ee xuska iyo xusuustaba ah, waxa kale oo aan uga gol leeyahay in aan si gaar ah milge iyo maamuusba uga dhigo Marwo Caasha Oomaar Warsame oo da’ ah, kuna nool Degmada Maxamuud Haybe oo aan guriga ay deggen tahay ku booqday barqonimadii 17kii Oktoobar, 2017kii. Maalin sharfan oo ku suntan maalinta Shuhadadii SNM, naxarikistii Janno Ilaahay dhammaantood ha ka waraabiyo e’. Marwo Caasha Oomaar Warsame barqadaa aan booqday xusuus iyo hadalba waa ay gabtay oo ma aan wareysan karayn. Waxaan baadi-doon u galay dadkii yaqaannay ama qaraabada dhowba ay ahaayeen. In ilaa dhowr bilood gaadha ayaan waday hawshaas oo ay doorashadii iyo xanaf wixii ka dhashay ay weheliyaan. Waqtiga intiisa badan waxa iga qaatay wareysi ay VOA-du ka qaadday dhowr sannadood ka hor oo aanan ku guleysan in aan helo.

Intaa haddii aan dhigay, dhahay oo dhaabadeeyay bal aan qalin gaaxday darartiisa gaawaha idiin hoos qabto. 1963kii ayaa waxa dalkii Soomaaliya la odhan jiray ka qabsoomay doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka. Waxay ahayd dhacdo taariikhiya oo noloshayda I soo martay. Waxay ila noqotay ama ka wadi waayayba in aan cabbaar ku hakado doorashadaas. Gees marka aad ka eegto doorasho caadiya ayay ahayd, geesta kale marka aad iska taagtona in la dul joogsado ayay mudan tahay. Duruus badan oo aynu waayo-aragnimo siyaasadeed iyo aqooneedba ka korodhsan karno ayaa ku duugan. Dulucda sheekadeennu waa Caasha Oomaar iyo doorashadaas.

Sahra Cali Oomaar oo Marwo Caasha Oomaar eddo u tahay  ayaan galabtnimadii Jimcihii taariikhduna ahayd, 2/2/2018kii tilifoon ku wareystay. Iyada oo ka sheekaynaysay geeddi-nololeedkii hodanka ahaa ee Marwo Caasha waxaanay ku tiraabtay:

“Eddeday, Marwo Caasha Oomaar waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Jameecada oo ahayd xudduntii magaalada. Waxay dhalatay sannadkii 1936kii. Hooyadeed waxay ahayd Faadumo Xuseen Cali. Waxbarashadeedii bilowga ahayd waxay ku qaadatay Hargeysa. Dugsigii Dhexe waxay ka gashay Burco waanay ku dhammaysatay.”

Waxaan weydiiyay bal haddii ay midh iyo laba ka xusuusan karto hablihii ay isku gedaha ahaayeen ee wada hawl-geli jireen. Waxay ii sheegtay in ay saaxiibbo rumaad iyo hawl-wadaagba ahaayeen Marwooyin: Aamina Cabdiraxmaan Cadhoole (Xaaska Ibraahin Meygaag), Aamina Sheekh Ibraahin Sh. Cumar Sh. Madar oo Sucuudiga joogta iyo Weris Jaamac oo Cadan iyo Hargeysaba deggenayd.

Dabcan, waxa hablihii guubaabada iyo qiiro-gelinta ku caan-baxay beryahaa ka mid ahayd oo kale Marwo Faadumo Xirsi Cabbane oo Xamar iyo Hargeysaba iskaga dab-qaadday. Waxaan xusuustaa in Macallin Gaarriye ii sheegay in Faadumo Xirsi Cabbane laga soo mastaafuriyay Muqdisho oo Talyaanigii ku soo tuuray magaalada Gaalkacayo markii uu u adkaysan waayay suugaantii ay Xaruntii leegada (SYL) ka tirin jirtay. Sannadku wuxu ahaa sida uu ii sheegay bilowgii kontannadii. Fannaankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali ayaa wareysi uu siiyay RTD-da Jabuuti ku sheegay in marka la tegayo Xamar ‘Vise’ iyo ‘Passport’ la isku weydiin jiray Gaalkacayo.

Si aynu Marwo Faadumo Xirsi Cabbene u muunayno aynu godollo ka soo qaadannao suugaanteedii. Waa geeraar waddaniya oo ay isku difaacayso iyada oo eedo looga soo jeediyay Xafiiskii ‘Dhiisiga’ Degmadan Hargeysa. Waa sannadihii gumeysigii Ingiriisku dalka ka talinayay, waxaanay tidhi:

“Maanta waa madal weynoo,

Waana maalin tilmaan lehoo,

Taariikhaa la maraayaa,

‘Dhiiseygaa’ I maqlaayow’,

In kastoy miino dhacaysoo,

Madaxaa iga goyso,

Geeraarkaan marinaayo,

In aanan ka murmaynin,

Taasi waa mid caddatay,

Wixii aad ila maagtiyo,

Malahaaga caddeeyoo,

Jeelkuna waa madal weynoo,

Muslimiin iyo Gaalaba,

Nin xaqiisii u muuqda oo,

Laga maadin karayn baa,

Lagu sii melmelaa,

Haddii anu muunad lahayna,

Madaxweynihii Gaandiyo,

Nakruuma maad mariseene,

Wixii aad ila maagtiyo,

Malahaaga caddeeyoo,

Jeelka uun igu moos.”

 

(Rebuilding Somaliland 2005, APD/WSP)

6dii Bishii Maarj, 2018kii, oo maalin Arbacaad ahayd, barqonimadii ayaan furay ‘Whatsup-ka’ tilifoonka. Farriimo ku jiray ayaa waxa ka mid ahaa Aamina Sheekh Ibraahin oo Faakhir lagu naanayso, hooyadeed se ugu yeedhi jirtay Aamina-kinsi oo cod ku soo duubtay iyada oo Sucuudiga joogta. Hore ayaa la iigu sheegay in ay Caasha Oomar aad isugu xidhan yihiin ilaa maantadaa aynu jogno. Habeen sii horreeyay ayaan xidhiidh tilifoon la sameeyay, waxaanay ballan adag iigu qaadday in ay ii soo duubi doonto macluumaadka ay hayso ee Caasha Oomaar ku saabsan.

Marwo Aamina, waxay ku bilowday bariido iyo nabdaadin iyada oo tidhi:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Asalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatu.”

Waa dhal sheekh iyo caadadeed. Hadda Aamina waa Ina Sheekh Ibraahin Sheekh Cumar Sheekh Madar. Aad ayaan ugu farxay in ay warkii Marwo Caasha Oomaar ii bilowday. Bariidadaas barakaysan, waxay raacisay:

“Waxa weeye Ina-adeer, waadigii iga dalbaday in aan kuu sheego Caasha Oomaar sidii aanu isu barannay.”

Marwo Aamina waxay halkan inoogu sheegaysaa sababta ay u soo duubtay mullaaxdan oo ahayd in aan anigu ka codsaday. Markan, Ina-adeer ayay I leedahay, inta badan se waxay iigu yeedhaa Habo oo ay u soo gaabsatay Habar-yar. “Dhallaannimo hufnaydaa”, hees Gaarriye lahaa ayuu meeriskaasi baadi-sooc u ahaa. Xaafaddii Laba-nuux iyo carruurnimadaydii ayaan soo xusuustay.  Yaa salaam!

Marwo Aamina iyada oo sii wadda muddaakaraadkeedii, waxay intaa hore sii raacisay:

“Caasha Oomaar, waxaanu jaarnay 1958kii iyada oo ka soo guurtay magaalada Burco. Waxay wadatay inankaa Jaamac-shabeel ee ay habar-yarta u tahay iyo Xasan Muuse Sheekh Haaruun oo odeygeedii Qadaax ay ilmo-adeer ahaayeen. Odeygeedu wuxu ka shaqayn jiray ‘PWD-da’ Hargeysa. Dugsiyadeedii Hoose iyo Dhexeba waxay ku soo qaadatay Burco. Intaa ka dib waxay timid Hargeysa waxaanay gashay ‘Women’s Club-kii’, Intaa ka dib waxay gashay ‘CTC-dii” lagu baran jiray karraaninimada waanay dhammaysatay. Wixii intaa ka danbeeyay waa tii aynu xorriyadda qaadannay.”

Marwo Caasha waxay is-guursadeen Xaaji Muxumed Aw Maxamuud  Sheekh Haaruun oo loo yaqaannay Qadaax. Markii ugu horreysay oo ahayd intii Ingiriiskuba joogay wuxu ka hawl-geli jiray Agaasinkii Hawlaha Guud ee loo yaqaannay PWD-da. Gaar ahaan wuxu ka sii hawl-geli jiray Baakhaarradii waraaqaha (stationary-ga) sida aan ka soo xigtay Axmed Jaambiir Kaahin oo ay walaalkii Maxamed Jaanbiir Kaahin qol-wadaag ahaayeen. Beryahaas dhallinyaradu inta aanay guri yeelan ayay makhsinno wada kireysan jireen, waxaanu Qadaax ku danbeeyay hoggaankii Xisbigii Dimuqraadiga ee Soomaaliyeed (Somali Democratic Union, SDU) isaga oo ku horreeyay Xisbigii SNL ee gobannimada horseedka u ahaa.

Bal hadda aan ku yar nasanno xusuusta aan dugoobin ee Aamina ee kala-guurkaa labada xisbi ee Qadaax iskaga dab-qaaday, waxaanay tidhi:

“Xisbigii Sheekh Cumar Askar iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madaxda ka ahaayeen ee SNL, aniga iyo Caasha Oomaar kuma aanu jirin. Waanu dhiirri-gelin jirnay oo halkaas ayaanu sacabka ka tumi jirnay habeenka ay hadlayaan e’, kuma aanu jirin.”

Aamina waa runteeda oo sida ay u dhigtay iyada iyo Caasha Oomaar Xisbiga kuma ay jirin. Beryahaas si aad Xisbiga xubin rasmiya uga noqoto waa la is-diiwaan-gelin jiray, qaadhaan-bileed xubnuhu ka siman yihiin ayaa la bixin jiray si fir-fircoonna Xisbiga waa looga dhex shaqayn jiray. Laba macne oo kala duwan ayay lahaayeen Xubinta iyo Taageeruhu. Ka-sokow in ay Aamina iyo Caashiba Xisbigaa SNL u rixin jireen, maxaa u weheliyay. Aamini xusuusteeda ha inoo sii waddo

“Qadaax ayaa SNL ku jiray. Intaa ka dib waa tii aynu najaxnay ee xorriyadda ku guulaysannay. Markaa Xisbigii SNL wuu kala bax-baxay. Caasha Oomaar iyo Qadaax waxay u wareegeen Xisbigii SDU-da ee Calan-casta la odhan jiray. Xisbigaa waxa xarun u ahaa makhsin ku yaallay sii-jeedka woqooyi ee fooqa Cabdi Faarax Joome koonaha bari ugu xiga. Xisbigaa aniguna waan la galay. Caasha  oo waanu is-diiwaan-gelinnay. Caasha Oomaar waxay ka mid noqotay ‘Idaaradda’ sare, anigu se xubin caadiya ayaan ka noqday oo iyadu mutacallimad ayay ahayd.”

Halkan, in aynu ku yar hakanno ayaynu u baahan nahay. Idinka oo raalli iga noqonaya, taariikhdii Caasha oo keliya kama sheekaynayno, bal se waxaan isku deyayaa in aan idin dhex geeyo waayihii siyaasadeed ee ay ku noolayd sida toganna uga fal-celinaysay. Dareen-celintiinna marka aad akhridaan ayaan ka ogaan doonaa in aan tebintaa ku guulaystay iyo in kale. Waa imtixaanno qoraalku iska leeyahay, nin durbaan tuntayna cilaaq dalbay, horaa loo yidhi. “Canaan-ka-yaab reer ma doojana,” duqaydeennii horaa tidhi. Labadaa sida la isu cunsiinayo ee looga samato-baxayaana waa sheeko inoo wada taal.

Marwo Aamina ha inoo sii waddo aqoontii hodanka ahayd ee ay u lahayd saaxiibaddeed Caasha Oomaar, waxaanay intaa hore ku sii dartay:

“…..Markii la gaadhay xilligii doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Caashi waxay isu sharraxday Golahaas, waana laga oggolaaday. Xisbigii SDU-da ee ay ka tirsanayd ayaa Hargeysa ka soo sharraxay. Goobtii ay iska sharraxdar saddex murashax oo kale oo wada rag ah ayaa kula tartamayay oo ay ka wada guulaysatay. Iyada oo saddex sannadood ka mid ahayd Golaha Deegaanka ee Hargeysa ayaan u dhoofay Kuweyt.”

Qaar ka mid ah looga-qaateenkii xogogaalka ahaa ayaan weydiiyay, saddexdaa xisbi ee kale, waxay noqon karaan. Waxay iigu jawaabeen in ay suuro-gal tahay in ay xisbiyadaasi ahaayeen: SNL, NUF iyo SYL,

Inta aynaan Marwo Caasha iyo Xisbigii ay ka tirsanayd ku noqon aan cabbaar sidaa u sii badnayn ku hakanno sidii Xisbiyadu gudahooda la iskaga sharraxi jiray iyo siyaabihii ololayaasha doorashooyinka loo aloosi jiray. Laba ayaynu u kala qaadaynaa:

  1. Doorashooyinkii lixdankii: Qofka doonaya in uu is-sharraxaa arjigiisa codsiga sharraxaadda wuxu qoraal ugu gudbin jiray Guddida Degmada ee Xisbiga. Haddii ay ka oggolaato, Xarunta Xisbiga ayay ogeysiin u diraysay sidaas ayaanu qofku isku sharrixi jiray. Haddii laga diido oo aan inta badan dhici jirin, Xisbi kale ayuu furan jiray ama musharrax madax-bannaan ayuu doorashada ku geli jiray.
  2. Doorashooyinkii 1964kii & 1969kii: Qofka doonaya in uu is-sharraxaa Idaaradda ayuu u gudbin jiray codsigiisa oo ka oggolaan jirtay ama ka diidi jirtay. Haddii laga diido Xisbi ayuu furan jiray ama musharrax madax-bannaan ayuu noqon jiray, haddii aanu iskaba deyn.

Marka bilowgii doorashooyinka laga soo dhaqaaqo kharashku hadba kor ayuu u kacayay, waxaanu ugu yaraa doorashadii 1960kii. Qaadku mar walba dhex-roor aan hadhin ayuu ahaa. Si aynu cabbir uga qaadanno mugga jaadka doorashooyinka loo adeegsado aan u maragsanno tuduc uu lahaa Timacadde. Wuxu yidhi:

“Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateene,

Aadmiga xoroobaa Wasiir, uma ilmeeyaan,”

 

Mijinta jaadka ah marka laba loo qaybiyo waxay noqotaa laba caqaarood. Marka afar loo qaybiyona waxay noqotaa afar nadalo. Tuducu wuxu ina tusayaa in berigaa hal-beeggu ahaa nadalo, halka uu maanta ka yahay geed ama geedo. Halka dhowr iyo lixdankii laguu qanacsanaa laba qori oo jaad ah, maantana waxa laga hadlayaa kiilooyo Jebis ama Fujis ah oo Ijibane, Barje, Qarxis iyo Biyo-raacis ah. Hadda Nadalada waxa laga kici jiray salaadda casar.

Beryahaa hore hadhuudh cas-cas ayaa la bixin jiray halka immika Land-cruiser laga bixiyo. Subxaan!

Caasha Oomaar sidaas ayay Idaaraddii Xisbiga SDU-da oo ay ka tirsanayd ku soo sharraxday. Idaaraddu, waxay ahayd Hay’ad Xisbi oo sare oo ka koobmaysay marka ay shir mideysan ku kulmaan ama wada fadhiistaan Golaha Dhexe iyo Guddida Fulintu. Sidaas ayaad ku fahmaysaan miisaanka iyo ahmiyadda ay Idaaraddu lahayd.

Idinka oo raalli ah, ma is-tidhaahdeen akhristayaal cabbaar ayaad ku jirteen muquurta xisbiyada iyo doorashooyinka. Si aynu u yar nafisno aynu daaqadaha iska yar furno. Aan ka digo-roganno halkan oo Jaamac-shabeel oo ay Caashi habar-yar u tahay soona korisay  xusuustiisa ka martino. Galkaba seeftu uguma jirin, waxaanu ku bilaabay::

“Anigu horto waqtigaa aad ayaan u yaraa. Aniga Caasha Oomaar ayaa I soo korisay. Iyada ayaan ku caqliyaystay. Hooyaday ayay ii la mid tahay. Iyada ayaa dadba iigu horreysay qof aan dadka ka garto. Hargeysa ayaanu joognay. Iyadaa malcaamadda igu dartay. Caasha Oomaar wax ubad ah ma ay dhalin oo aniga ayaa ubad u ahaa. Noloshii Caasha ee Burco ilmo yar ayaan ahaa oo waa markii aan dhashay. Aniga garashadayda iyo xusuustaydu waa Hargeysa uun.”

Waa hagaag….hawraar san, Jaamac: “Aniga ayaa kaa soo hor jeeda oo hadalka kaa guraya dadkan ku dhegaysanayana ka wakiil ah e’, godli xusuusta, godliyoo maxaan kaa guntaa hadal?” Ku-ye:

“Waxaan xusuusnahay berigii Golaha Deegaanka ee Hargeysa loo doortay, 1963kii in ay Xisbigii ‘SDU-da’ Caasha iyo Odeygeedii Qadaaxba ka tirsanaayeen. Xisbi waliba toddobaadkii mar ayuu lahaa ‘Macfal’ ama kulan-dadweyne oo xubnaha Xisbiga loo qaban jiray si loo wacyi-geliyo loona war-geliyo. Barnaamajyo suugaan ahina waa ay raaci jireen.”

Jaamac, afku kuma go’o. Godlaye ma aragtaan. Ammusa ha inoo sii wadee. Jaamac ku dar, waxaanu ku sii kabay intaa hore:

“Habeenkaas ayaa la hadli jiray xubnaha Xisbiga iyo dadweynuhuna ay soo dhegaysan jireen. Caasha Oomaar iyo gabadh kale oo ay saaxiib ahaayeen oo ay guriga ku wada noolaayeen, ayaa is-raaci jiray. Weris Jaamac ayaa gabadhaa la odhan jiray. Haween kalena waa ay u iman jireen. Anigu aad ayaan u yaraa guriga ayaan ku hadhi jray. Goor danbe aniga oo seexday ayaa laga iman jiray. Mar ayay iyada iyo odeygeedu habeenkii Xisbiga ka soo wada rawixi jireen. Doorashada iyo waxaa ma aan fahamsanayn.”

Afkaaga caano lagu qabaye. Halkaa markii ay sheekadu maraysay, ayaan weydiiyay in uu Habar-yartii weligii xafiiska ugu tegay iyo in kale. Ku-ye:

“Haayoo,:waxa dhacday in aan mar xanuunsaday. Qadaax wuxu ku maqnaa Xamar oo Xisbigu markaa shir ku lahaa. Maa-daama ay hawlo xafiis ku mashquulsanayd habar-yartay Caasha Oomaar, abtigay ayaa cisbitaalka I geeyay. Xusuustayda ugu horreysa markii aanu cisbitaalkii ka nimid ayuu Caasha oo xafiiskii fadhida ii geeyay.  Sida aan xusuustayda ku hayo xafiis ayay fadhiday. Dad ayaa fadhiyay oo wax ayaa laga wada hadlayay. Macne shir oo kale ayay ahayd. Mar danbe oo aan is-leeyahay rawaxaaddii ayay ku beegnayd ayay iga soo kaxaysay. Xafiiskii waan bartay, waxaanu ahaa Xafiiskii Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka ee Hargeysa.”

8dii Maarj, 2018kii, ayaan Jaamac-shabeel ku wareystay xarun-dhaqameedda Hiddo-dhowr ee ku taal magaaladan Hargeysa.

Jaamac-shabeel ayaynu gaaxdiisii xusuuseed maalaynay. Aan ku nidhaahno: “Haki Jaamac geenyada”.

Si aynu sheekada dhafan-dhaaf uga dhiganno, wax yar ma ku noqonnaa Xisbigan SDU-da ee ay Caasha Oomaar iyo odeygeeda Qadaaxba ka tirsanaayeen. Jaamac-shabeel iyo Aamina-faakhirna cabbaar ha ina yar sugaan xusuustooda ka maarmi meynno e’.

Marka aynu ka hadlaynno Xisbigaa SDU-da, waxaynu guud ahaan ka hadlaynaa xisbiyadii berigaa jiray. Kala-duwanaansho wuu jiray,   bal se sawirka guud waa ay isu ekaayeen.

Xisbigaa dadku waxay u yaqaaneen ‘Calan-Cas’ maa-daama midabka calankoodu casaan ahaa oo badhtanka lagaga xardhay xarfaha magaca Xisbiga loo soo gaabsado ee SDU. Waxaan tilmaantaa ka soo xigtay Axmed Jaambiir Kaahin oo ii sheegay in uu ka tirsanaan jiray. Xisbigaasi  Xisbigu wuxu lahaa janjeedh Hantiwadaag ah. Wuxu ahaa Xisbi markii hore ka samaysmay Muqdisho, markii danbena xarumo ku yeeshay Gobolladii Woqooyi ee xilligaas, sidaana Hargeysa ku soo degay. Xubnihiisa rasmiga ahi waxay u badnaayeen dad ka soo wareegay Xisbigii SNL. Beryahaas digo-rogasho lama adeegsan jirin oo fudayd iyo damac qofeed ayaa ku ladhan. Qayb yar oo kale oo Xisbigaa SNL ka tirsanayd iyaduna waxay ku darsantay Xisbigii NUF (National United Front) oo waxay ku bahoobeen SNPL (Somali National Progressive League).

Doorashadii Baarlamaanka ee Soomaaliya ka qabsoontay bishii Maarj, 1964kii, Xisbiga SDU-du wuxu ka galay kaalinta saddexaad isaga oo ku guulaystay 15 kursi. Waxa ka horreeyay SYL (Somali Youth League) oo 61 kursi heshay iyo SNC Soma;I National Congress) isbahaysigii ballaadhnaa ee Cigaal hoggaaminayay oo 22 kursi ku guulaysatay. 25ka kursi ee soo hadhay xisbiyo yar yaraa oo badnaa ayaa qaybsaday. (African Elections). Marwo Caasha Oomaar, Xisbigaa SDU-da ayay ka tirsanayd iyada oo ka mid ahaan jirtay hablihii foolaadka ahaa ee abaabulka, kicinta iyo hoggaamintaba ku caan-baxay. Si aynu u fahamno dhumucda iyo dhererka ay xisbiga ula fal-geli jirtay bal hadda aad ugu fiirsada mugga iyo miisaanka raggii ay kula jirtay hoggaaminta Xisbiga ee in ay ka dheerayso mooyaan e’, marna aanay ka gaabin jirin.

Xisbigaa Calan-casta raggii ka tirsanaan jiray waxaynu ka xusi karaynaa: Cumar-hadraawi, Jaamac Saalax Axmed (Midhiq), Axmed-yaasiin Gabay-xaddi, Xaaji Qadaax, Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar-dheere), Cabdillaahi Suldaan (Timacadde), Axmed Warsame Baal-cadde, Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin), Xaaji-yaaxeen, Aadan-yare iyo Aadan-weris oo ay Timacaddena saaxiibbo ahaayeen oo wax badan iiga sheekeeyay iyo qaar kaloo badan.

Aragtidii Xisbigaa waxaad ka dheehan karaysaa suugaantii xilligaa la tirin jiray. Maansooyinka Timacadde qaarkood ayaynu u maragsan karaynaa aragtidii  uu ku cabbirayay gumeysigii cusbaa ee Afrika dib u qabsaday. Waa markii uu lahaa:

“Isticmaarku meeshuu ka tago, arami baa taalle,

Wiilashuu ababshay buu sii dhigtaa, kaalintii adag e’,

Irbaddiisu waayada danbay, eelo kicisaaye,

Waa waxaa Afrikaba kharribay, ugax dillaacdaaye,”

 

Mar kalena isaga oo Timacadde ka maansoonayay wax-tarkii Reer-bariga (dawladihii hantiwadaagga), waa kii lahaa:

 

‘intaa maanta loo aayay waa, oofti Reer-bariye,

Aarmiga haddaan Ruushku qaban, udub ma joogeen,”

 

Arday faro badan ayuu Xisbigaasi u diri jiray dalalkii hamntiwadaagga ku dhaqmi jiray ee Bariga, waxaana Xoghaye Guud u ahaan jiray nin la yidhaahdo ‘Berdo-cad’ oo Minnesota ku nool. Maalin aan sidaa u sii fogayn ayaan VOA-da ka dhegaysanayay isaga oo Jeneraal Maxamed Abshir geeridiisii ka taariikhaynaya. Intii Maxamed Siyaad Barre dalka ka talinayay noloshiisa inteedii badnayd Xabsiga ayuu ku qaatay.  Wuxu ka mid ahaa dadkii sida shakhsinnimada iyo reernimada ah ugu danaystay xisbiga iyo jamaahiirtii ka tirsanaydba. Aakhirkii reerkii uu ahaa ayuu u dhurtay oo ku khaatumo-xumaystay.

 

Gabayaagii kale ee Waddaniga ahaa ee Qaasin ayaa isaguna ka tirsanaan jiray Xisbigaa SDU-da. Haddii aynu isagana godollo ka soo qaadanno, sow kii lahaa:

 

“Xiddigtii Dagaariyo la dhaaf, diillintii Guraye,

Daba-gaabihii laga carceer, Sacona waa daaf e’,

Dabaylaha rag baa kala yaqaan, dawga loo maro e’,

Hadba waqalka dihin Ruushna waw, doogsin-cararaaye,

Daruurahan la weeraray nin ogi, dib uga faallooye,

Weli daab-gudiimo soo ma jarin, wiilashaan diray,”

 

Bal aad ugu fiirsada maansayahankani sida farshaxannimada iyo hal-abuurkaba leh ee uu isu qabadsiiyay ama iskugu qobtolayba noloshii raacatannimo iyo sahamintii hawada ee casriga ahayd. Waxaasaa fan iyo farshaxanba la yidhaahdaa, waana mid ka mid ah sababaha ay maansadu u duugoobi weydo. Dhallinyaro is-xil-qaantay ayaa maalin aan fogeyn Diiwaankiisii soo bandhigi doonta, haddii Eebbe idmo. Waa Bushaaro qaddinkeed.

 

Mar uu ‘Berdo-cad’ dhinacyeeyay oo hoggaamintiisii laga shakiyay, sow tii Qaasin lahaa:

“Berdow noqotay booraan, Xisbiga looga soo baxo,”

Berdow noqotay kay kuu baxsheen, barashadaadii,”

 

1963kii, waxa dalkii Soomaaliya la odhan jiray ka qabsoontay doorashadii Golayaasha Deegaanka. Marwo Caasha Oomaar waxay ka mid ahayd musharrixiintii doorashadaa u tartamayay. Ereyga musharrax asalkiisu waa Carabi la macno ah qurxin, bandhigid iyo macnayaal kale oo ku dhow. Erey-bixinta siyaasadeed wuxu ku soo biiray ama la soo geliyay oo la adeegsadayba markii ugu horreysay doorashadii 28kii Feeberweri ee 1960kii. Isaga oo maalintaa ulanayay sow kii Qaasin lahaa:

 

“Ololii mar uun baa la shidi, kii Arbacadiiye,

Markaasaa rag iimaanka qaba, la igman doonaaye,

Aagaan ka buuxsada dhawaan, ma urin doontaan e’”

 

Waa sida ay aniga ila tahay inta aan ka xusuusto. Doorashooyinka marka natiijooyinkooda la sheegayo waxa kale oo la adeegsan jiray beryahaa: wuu foosay iyo wuu dhacay. Wuu helay marar danbe ayay imanaysaa. Beryahaa hore goobaha qaar laguma tartami jirin oo kursi keliya ayaa la dhigi jiray. Radio Hargeysa marka nattiijada laga sheegayo, kuraasidaa waxa la odhan jiray: ‘Un-opposed’, dadka qaar se waxay u qaadan jireen in la leeyahay ‘ana fows’ oo ah waan guulaystay. Intan dadka qaar iskugu sheekeeyaan ayuun baan idiin soo qorayaaye, wax kale ma aha.

 

Si aynu noloshii xisbiyada ee waayadaa wax badan uga fahamno, bal ma isku yar deynaa in aynu da’-yarta waxoogaa u qeexno erey-bixintii siyaasadeed ee xilliyadaa la adeegsan jiray oo afka carabida u badnayd.

Erey-bixintii Siyaasadeed:

Xisbi   –   Xisbi

Mu’tamar  –  Shirweyne

Lajna Markasiya   –   Gole Dhexe

Lajna Tanfiidiya   –   Guddi Fulineed

Jadwal acmaal   –   Ajenda

 

Qaraar    –    Go’aan

 

Intikhaab   –   Doorasho

 

Rajci   –   Dibusocod

 

Ishtiraag   –   Qaadhaan

 

Nuwaab   –   Xildhibaanno

 

Farac   –   Laan

 

Waa iga tusaale intaasi. Haddii ay wax ka dhiman yihiin soo-jireenka looga-qaateenka ah ee idin ka ag dhow weydiiya. Waa sida aan wax u arkayay waanan qaldami karaa. Qof uun baan ka ahay dadka.

 

Qabcaddan aan dawaarka mariyo oo ku soo xidho in yar oo kaftan-dhabl ah. 1983kii ayaanu Harar ku gallay Shirweynihii 3aad ee SNM oo socday 9/7 – 24/7/1983kii. Muj. Xaaji-Yaaxeen oo jeclaa in uu ka qayb-galo ayaa Jabuuti ka yimid Shirweynihii oo dhammaaday. Wareysi ayuu bilaabay si uu u ogaado in Shirweyne qabsoomay iyo in kale. Hadda hal-beegyada uu sitaana ama wax ku cabbirayaana waa kuwii Xisbigii SDU-da. Ku-ye: “Ma Mu’tamar baa qabsoomay?” “Haa”. ayaanu ku nidhi. Ku-ye: “Jadwal acmaal ma lahaa?” “Haa”, ayaanu ku nidhi. Ku-ye: “Qaraaraad ma ka soo baxeen?” “Haa”. ayaanu ku nidhi. Inta ay neef weyni ka soo boodday ayuu yidhi: “Haddaa Mu’tamar baa dhacay.”

 

Waa tii aynu ku heshiinnay in aynu sheekada dhafan-dhaaf ka dhiganno ee aynu ku soo noqonno xusuusta Marwo Aamina Sh. Ibraahin Sh. Cumarr, waxaanay tidhi:

“Anigu carruur yar yar ayaan yeeshay oo I mashquulisay iyaduna waxay gashay xisbigii Calan-casta. Xisbiyada ayaa lagu yidhi soo doorta dadkii idin ka masili lahaa Golaha Deegaanka. Caasha Oomaar waxay ka mid noqotay mursharrixiintii waanay ku guulaysatay doorashadii. Muddo saddex sannadood ah ayay ka tirsanayd Golaha Deegaanka ee Hargeysa. Anigu waan dhoofay, iyadana waxaan kaga tegay iyada oo Golaha Deegaanka ee Hargeysa ku jirta. Caasha Oomaar walaalo ayaanu nahay ilaa immikana waanu xidhiidhsan nahay. Anigu intaas ayaan ka ogahay bal se nolosheedii iyo guurkeediiba waxay ka soo bilowday magaalada Burco.”

Dhankaana dhan dheh! Malaha waan idin yar xiijiyay oo maaratoon gaaban ayaan idin soo eryay e’, waxooga yar nasta oo daal-tirta. Weli waxaynu maalaynaa xusuusta la yaabka leh ee aan duugoobin ee Aamina Sh. Ibraahin oo ka muddaakaroonaysa saaxiibaddeedii nololeed ee Xildhibaan Marwo Caasha Oomaar Warsame.

Da’da soo kacaysiyo, Iyadoo dadkoo idil, la hadlaysa dabadeed, waxay Aamini intaa hore raacisay…..Hadda markan, waxay isku dayaysaa in ay inoo sababayso sida ay Caasha Oomaar guulahan ku soo hoysay.

Ku-te

“Ina-adeer hadalka kuma soo noqdeen ee waxa igu soo celiyay sababta Caasha Oomaar waxaas oo dhan u soo martay. Ma ay soo marteen ee sababta waxa iska lahaa Odeygeedii Qadaax. Wuxu ahaa nin aad u wanaagsan oo gacan-qabtay Caasha, isagaa tacliinta ku daray oo baray, Isagaa ku dhiirri-gelin jiray in ay wax barato sidaa daraaddeedna waa ay ku guulaysatay.”

‘Lillaahi Darrak.’ Marka xaal sidaa ahaa tolow, xidhiidhkii qoysnimo ee Qadaax iyo Caasha ka dhexeeyay sidee ayuu ahaa? Aamina ayaa su’aashan ka jawaabaysa, waxaanay si asluubaysan, kooban oo asturan ugu jawaabtay siddeeddan erey ee buugga noqon kara:

“Odeygeeda waa ay is-jeclaayeen, carruurna isuma ay yeelan.”

Soomaali iyo dhaqankeed, ubad-jacaylkeed iyo waayihii berigaa aloosnaa ayaan ka fekeray oo waxa igu soo dhacday: malaha Qadaax xaas kale  iyo carruur ayuu lahaa. Waxaan hoos iskula faqay: dannigu ma fiicna, Marwo Caashana ha ku xad-gudbin ee wax hubso.

Jaamac-shabeel oo aan 8dii Maarj, 2018ka ku wareystay xarun-dhaqameedka Hiddo-dhowr ayaan weydiiyay in Qadaax reer kale yeeshay iyo in kale. Wuxu iigu jawaabay in aanu Qadaax gabadh kale guursan Marwo Caasha Oomaar mooyaan e’. Marwo Caasha Oomaar ismaba lurin oo waxay soo korisay oo carruur u ahaa: Jaamac-shabeel, Xasan Aw Muuse oo dhintay iyo Ismaaciil Aw Muuse oo nool dibadahana ka shaqeeya. Dugsigii Saree e Benaadir ayaanu ku wada jiri jirnay, bal se berigaa ma aan ogeyn in Caashi Habar-yar u ahayd oo soo korisay, Caasha lafteedana ma aan aqoon. Isla doonasho Ilaah.

Qoysnimada Qadaax iyo Caasha Oomnaar sida aan ka tuujiyay wareysiyadan dhinacyada badnaa, waxay ku qotontay oo saldhig ma-guuraan ah u ahayd is-qaddarin iyo is-xaq-dhowr miisaaman oo talantaalliya. Dad qaddarka iyo Ilaahoodaba si dhab ah u aamminsan oo dhaqankeeda lahaa ayay ahaayeen. Qoysnimo waa ay wadaageen. Nolol ayay wadaageen. Shaqo ayay wadaageen oo isku xisbi ayay ahaayeen. Mabaadii ayay wadaageen. Halgan-wadaag ayay ahaayeen. Reer Hargeysa oo Beeraha ah ayay ahaayeen. Maxaa ka maqnaa? Noloshaa buuxda ee hodanka ah ayay soo wada qaateen. Waa tusaale nool oo ay tahay in lagu deydo.

Marwo Aamina Sheekh Ibraahin xog-warrankeedii waxay ku soo gunaanadday:

“Markii danbena Qadaax wuxu u guuray Muqdisho. Wuxu ka mid ahaa Agaasimayaashii Wasaaraddii Xannaanada Xoolaha ee shaqada laga fadhiisiyay. Markii aan Carabta ka soo noqday ayaan Caasha u tegay waxaanay ii sheegtay in ay ‘Local-kii’ uga soo baxday Qadaax oo Xamar loo beddelay. Aad iyo aad ayaanu Caasha isu le’kayn oo iskaga war haynaa. Immikana waa ay xanuunsanaysaa laakiin had iyo jeer Maxamuud ayaa iiga soo warrama.”

Intaana, waxaan ku soo dhaafayaa sheekadii xusuusta ahayd ee Marwo Aamina Sheekh Ibraahin Sheekh Cumar Sheekh Madar oo deggan dalka Sucuudiga oo iyada iyo carruurteedu ay xusuustan ‘Whatsup-ka‘ iigu soo duubeen. Marwo Caasha Oomaar Warsame ayay tan iyo 1958kii saaxiibbo rumaad oo si joogto ah isugu xidhan yihiin. Ilaahay ha ka abaal-mariyo, caafimaad iyo cimri dheerna ha siiyo iyada iyo qoyskeedaba. Idinkuna aammiinta igu dara, dalka iyo dadkana uga taga xusuustiinna.

Is-weydiinta ‘Miliiniyamku’ waxay tahay: sidee ayay xilligaa hore ku suuro-gashay in Marwo Caasha Oomaar la soo sharraxo ka-dibna loo doortay?

 

Xilligaa waxaan ku jiray Dugsigii Dhexe ee Axmed-gurey oo fasalka lixaad ayaan ahaa, dugsigana toddoba ayaa lagaga bixi jiray. Wax sidaa u sii badan oo hoose ka garan maayo waayihii siyaasadeed ee Xisbiyada oo aan ahayn ololayaashii iyo ‘macfalladii’ toddobaadlayaasha ahaa. Waxaan se idiin ku warramayaa aqoon-korodhsigaygii danbe iyo baadhiso kooban oo aan sameeyay.

 

Waayihii berigaa aloosnaa ayaa kala kaxeeyay saaxiibbo is-jeclaa. Aamina xaggaa iyo Carabaha ayaa nasiibku geeyay, Caasha Oomaarna dhabaq-guduuddii Xamar ayaa waayuhu u taxaabay. Waxba se inaga xumaan maayaan oo Jaamac-shabeel ayaa inoo la socday oo gaaxdiisii hadba gufaaco hor leh soo genbiyaya, waxaanu yidhi:

Iyada oo sidii ah oo si joogto ah oo aan habsaan lahayn u shaqo-tagta, ayuu odeygeedii Qadaax Muqdisho ku raagay. Shirkii iyo hawlihii kale ee Xisbiga ayaa u dhammaan waayay. Muddo sannad ku-dhawaad ah ayay qaadatay. Dadka in badan oo ka mid ahayd Xamar ayay u guureen. Gaadhi uu waday nin Cumar Af-weyne la yidhaahdaa ayuu lacag soo siiyay oo ku yidhi reerka soo rar.”

Xaaji Qadaax farriin afka ah ma soo farin ee warqad aan caddaysimo ahayn ee gunnaysan ayuu Marwo Caasha oo ku weyneyd u soo diray. Bal hadda Jaamac-shabeel godollo xusuustiisa ka mid ah ha inoo kalwiyo. Ku-ye:

“Lacagta oo keliya ma ahayn e’ ninka waraaqna wuu u soo dhiibay. Markii ay waraaqdii akhrisatay ayay fasax qaadatay. Markaa ka dib waanu guurnay oo sidii ayaanu ku tagnay Muqdisho. Waxay ahayd dhammaadkii 1965kii. Cabbaar markii aanu Muqdisho joognay ayay soo noqotay. Caasha Oomaar waxay yiqiinsatay in aanay isu keeni karayn labadii nololood. Hawshii Golaha Deegaanka ayay istiqaalad ka bixisay.”

Waa Xaaji Qadaax iyo Marwo Caasha Oomaar oo Muqdisho isugu tegay. Tolow hawlahoodu maxay ahaayee? Hanashada guriga ka-sokow tii Xisbiga ayaa iyaga mudnaanta koowaad u lahayd.

Bal   hadda godolladii Jaamac-shabeel ku deexday aan gaawaha guntiisa hoomayno in wax inoogu hadheen. Allow aanu gaaggixin, weli wax baa inoo sii yaal. Wuxu ku bilaabay:

‘Hawlihii Xisbiga ayay haddana Xamar ama Muqdishaba ka bilowday. Intan si fiican ayaan u garanayaa. Waxay isku xidhmeen gabadh Xaawa-yarey la odhan jiray oo isu sharraxday doorashadii Baarlamaanka ee 1969kii. Xisbigii SDU-da ayaa ka soo sharraxay Gobolladii Dhexe ee Soomaaliya. Caasha Oomaar ololihii ayay la gashay.”

Waa Caasha Oomaar oo hawl xisbi ka fadhiyi meyso. Xisbinnimada ayaa dhuux, dhimir iyo dhiiggaba raacday. Kaadirka Xisbiga ee derejada koowaad ayay ahayd. Halkii ay tagtaaba waa u halkii kale. Dabar iyo seeto midna horumarinta xisbiga kagama xidhnayn.. Xisbiyahan aan xuduud lahayd ayay ahayd. Bal Jaamac-shabeel oo ay muddaakaradu la fogaatay indhaha u sii yar daaya. Wuxu yidhi isaga oo habar-yartii ka warramaya:

“Muqdisho ayay ka soo baxeen iyada, Xaawa iyo Weris Jaamac. Markii hore Weris Hargeysa ayay nagaga hadhay. Waxoogaa ka dib ayay Muqdisho noogu timid. Maalmihii doorashadaasi soo dhaweyd waxay cagta mariyeen Dhuuso-ma-reeb, Cadaado iyo jiiddaa ku xeersan oo dhan. Markii ay natiijadii doorashadu soo baxday, waxa la odhan jiray odey ganacsade ahaa oo ay Xaawo-yarey isku reer ahaayeen ayaa boobay. Waxa la odhan jiray inta uu qoryo qaatay ayuu sanaadiiqdii cod-bixintaba rartay. Doorashadaasina waa tii Allow-sahalka iska ahayd, sidaas ayaanay Xaawo-yarey ku hadhay. Xisbigii Caasha iyo Xaawo-yarey kama ay bixin e’ sidii ayay ugu jireen. Inqilaabkii millateriga ayaa dalkii ku habsaday. Markaa taliska millaterigu taladii dalka la wareegay ayaa Xisbiyadii albaabbada loo laabay oo nolol ugu danbeysay.”

In yar halkaa ku raasukha oo is-weydiiya: Laba dumar ah oo isla xisbiya waxa midna 1963kii loo doortay, tii kalena 1964kii loo diiday in kasta oo ay doorashooyinku kala darajo ahaayeen. Cashar ama/iyo casharro ayaa ku duugan sida caqliga fayoobi ina siinayo. Miyaanay idnku jirin gabadh kheyr qabta ama wiil kheyr qaba oo inta uu ‘Marker-ka’ qaato halkaa cashar ka bixiyaa. Waan hubaa in uu idinku jiro ee fadlan isla taaga su’aal jawaabteed leh.

Bal Jaamac-shabeel aan ka codsado qofka ay tahay habar-yartii gacalo, Marwo Caasha Oomaar Warsame, waxaanu intaa hore raaciyay:

“Habo, Caasha Oomaar waa qof wanaagsan oo dadka waxaan walaal ahayn kuma tidhaahdo. Wanaaggeeda waxaan ku xaqiijinayaa, dumarkii ay saaxiibbada ahaayeen in aanu mid keliya ilaa maantadaa aynu joogno xidhiidhkoodii kala go’in. Intaa aan la noolaa ma arag dumar ay isku qaylinayaan oo hadalkoodu kor u baxay.”

Alleylehe, in aan Jaamac-shaneel ceebi ka raacin.

Marwo Caasha Oomaar Warsame, seygeeda ayay ka ag dagaallamaysay, waxaanay xubin fir-fircoon ka ahayd Xisbigaas. Wax ubad ah ma ay yeelan, maalintaa aan booqday dad waaweyn oo ay habar-yar u tahay ayay la noolayd oo gacan naxariis leh’ kalgacal waalidnimo iyo daryeel fiicanba ku hayay. Maalintaa aan soo booqday malayn meysaan sida loo hayay, hareeraha looga fadhiyay ee loo lahaa: “Ha dhicin…..Ha jabin Habo”. Waxba  uma ay ogeyn cidna. Waa kalgacal iyo qiimayn hooyannimo oo ay soo beeratay. Waa beer ay si fiican oo dadnimo leh ugu soo tacabtay oo ay amadkii goosanayso.

Qadaax iyo Caasha Oomaar waa laba si dhab oo aan munaafaqad lahayn Ilaahay iyo deeqdiisaba u yiqiinsan ama u yiqiinsanaa. Ubad la’aantu waa deeq Ilaahay oo iskuma ay lurin. Kuwii ugu dhawaa ee daryeelka iyo korintaba u baahnaa ayay ku tabceen abaal-celintiina waa ay ka heleen oo Ilaahay ma hungeyn.

Ilaahay ha dhowro e’, Marwo Aamina ayaa hadba doobi xoor leh oo xusuus ah Sucuudiga ka soo kalwinaysa si ay maankeenna iyo maskaxdeennaba u soorto. Tolow markanna maxay gocatay? Aynu wadaagno qudhaydu hadba wixii I soo gaadha, idin kagama bakhaylo e’:

“……Waxaan dalka dib ugu soo laabtay iyaga oo Muqdisho loo beddelay. Caasha Oomaar waxay ahayd qof wanaagsan oo akhlaaq leh. Aamina Cabdiraxmaan Cadhoole Dugsigii Hablaha ee Burco ayay wax ka baran jirtay. Fasaxyada Jabuuti ma ay tegi jirin ee Caasha Oomaar ayaa hayn jirtay intaa ay fasaxa tahay.

Weris Jaamac, waxay ahayd gabadh ka iman jirtay Cadan oo ay Caasha saaxiibbo rumaad ahaayeen. Caasha Oomaar deriska iyo dadkaba waa ay u wanaagsanayd. Dhowr iyo konton sannadood ayaanu immika saaxiib ahayn.”

Yaa salaam! Waxaasaa qiraal iyo qiimaynba la yidhaahdaa. Sidaas ayay Caasha Oomaar ubad ay dhashay bal se aanay ku dhibtoon u lahayd oo aanay goblan u ahayn sida dadka qaar moodayaan. Ereyada madow ee hoosta ka xarriiqan anigu ma lihi. Waxaan ka soo xigtay Xaajiya Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo igu odhan jirtay sida Alla igu og yahay mararka aan booqdo ama tilifoonba u diro: “Kii aan dhalay ee aanan ku dhibtoonow..” Fadlan faan ha iiga qaadannina ee xigashada ayaan sababaynayaa, waayo waxa laga yaabaa in qaarkiin aniga ii nisbeeyaan weedhaa aan maddanaha idiin ku suntay. Anigu ma lihi ee Xaajiya Shamis, Guduudo, ayay weedhaasi taariikhda u gelaysaa. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, qof wanaagsan ayay ahayd e’.

Marwo Aamina Sheekh Ibraahin Sheekh Cumar oo Sucuudiga deggeni hadba gufaaco hor leh oo xusuuseed ayay soo genbiyaysaa. Iyada oo dadnimadii, damqahadii, dareen-nuglaantii dadnimo iyo deris-jacaylkii Marwo Caasha iyo Qadaax ka sheejaynaysa, mar kalena sheekadan aan idiin xidhiidhiyay ayay ii soo duubtay, waxaanay tidhi:

“Waxa jiray nin bukay oo ceel ku lahaa dooxa Hargeysa meel ka hoosaysay halka ay Caasha Oomaar deggenayd. Wuxu lahaa xaas, afar carruur ah iyo dameer uu biyaha ku dhaamin jiray. Markii uu xanuunsaday wuu aammusay uun, laakiin wax kale ma uu qabin oo hadalka ayuun baa ka xidhmay. Gabadhii uu qabay ayaa dhexda u xidhatay in ay biyihii dhaamiso oo dameerkii kaxayso. Gabadhaasi inta ay shaqanayso odeyga ceelka ayay soo dul fadhiisisaa, afarta carruur ahna waa ay u dhiibtaa iyaduna waa ay shaqo tagtaa. Gabadhaasi marka ay hawsha soo dhammayso ee ay biyaha soo wada shubto, ayay odeyga iyo afarta carruur ahba kaxaysaa.

Caasha iyo Qadaax marka ay soo rawaxayaan ayay had iyo jeer arki jireen odeygaas oo carruurta ceelka dushiisa ku haya. Guriga Qadaax iyo Caaha waxa ku yaallay geed weyn oo gob ahaa. Geedkaas hoostiisa waa ay sharraxdeen oo burciiddii caddayd ee dooxa Hargeysa ayay ku gogladeen oo waa ay fadhiisan jireen. Odeygii xanuunsanayay iyo afartiisii carruur ahaa ayay dermo u soo iibiyeen oo geedkii u hoos dhigeen. Ilaa intii ay ka weynaanayeen geedkii ayay hadhsan jireen. Markii danbe hablihii mid ka mid ah ayay gurigii ka shaqaalaysiisay. Wanaagga heerarka ay ka gaadhay reerkaa bes beeli lahaa halkaas ayay ku korisay oo ay cuntadana ugu Karin jirtay, Hooyadood marka ay biyaha dhaamintooda soo dhammayso ayay odeyga iyo carruurtaba gurigoodii u hoyn jirtay.”

Innaa Lillaah! Bal ka warrama!  Malaha dhabankii iyo gacantii ayaad kala fujin kari la’dihiin. Yaa is-gaadhay!

Ma daayo in aan Aamina hadba su’aal igu soo dhacday weydiiyo, iyaduna ma deyso xusuus danbe oo ku soo dhacday in ay soo duubto. Maalin kale waxay ii soo duubtay intan idin la yar bal se buugaagta laga dareerin karo, waxaanay tidhi iyada oo aad ugu faraxsan taariikhda Caasha ee la qorayo:

“Allaa ya khalliik, Habo. In aad si fiican taariikhdii Caasha Oomaar u noolaysay. Ilaahay ha kaa abaal-mariyo. Caasha iyo Qadaaxba waxay ahaayeen laba qof oo dadka oo dhan u wanaagsan.”

Sida uu ii sheegay Jaamac-shabeel oo aan weydiiyay Xaaji Qadaax wuxu dhintay markii ay taariikhdu maraysay labadii kun, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.

Waan idin daaliyayba e’, aan soo gunaanado. Marwo Aamina ayaan u sheegay in aan laba sawir oo Caasha ah helay. Ii soo dir ayay igu tidhi. Markii ay heshay ayay geeddigeedii dheeraa ee xusuusta ahaa ku soo xidhay weedhan sida shamista u muujinaysa qaddarinta iyo qiimaynta la yaabka leh ee ay Caasha Oomaar u hayso, waxaanay hadalba ku jartay:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Waad mahadsan tahay, Habo. Caasha Oomaar oo aannaan immika dhowr iyo soddon sannadood is-arag, maqalna oo hadalkii ka go’ay oo aannaan wada hadlin, Ilaahay ha kaa jisaa;I siiyo in aad sawirkeedii I tustay oo aad magaceedii dib u noolaysay oo kor u qaadday. Magacaaga iyo magaca ubadkaagaba Ilaahay ha nooleeyo. Aakhiro iyo adduunkaba Alla ha ku saamaxo. Weji wanaagsan baad ii furtaye Ilaahay weji wanaagsan ha kuu furo. Wa Salaamu calaykum.”

Ila dhaha: “Ha samaatoo ha la helo.”

Intaa aan qoraalkaygan sida aadka iyo aadka ah u kooban ee Marwo Caasha Oomaar qorayay, hadba sawirkeedii ugu danbeeyay oo dhammaadka bogaggan ku yaalla ayaan dheehanayay. Indhaheeda oo meel aad u fog ku mudan ayaan kuwaygana ku darsaday. Duunkeeda iyo dareenkeeda hoose ayaan ku daaddegay. Hal su’aal ah ayaan is-weydiinayay, taas oo ahayd: Tolow Caasha Oomaar hadday hadlayso, maanta maxay idin odhan lahayd? Hirarkii indhaheeda iyo hadaaqii bishmaheeda waxaan ka tuujiyay murtidan dhaxal-galka ah ee dhexda iyo dhixirkaba sida qardhaasta ugu xidha:

“Dadkaa beri saas ahaa, Deriska ku xigaa mudnaa, Dabaca Xisbigaa wacnaa, Duunkeeda Hargeysa iyo, Dooxaa Herer baa ahaa, Naf-doojiye loo sinnaa, Dal-same lagu wada negaa,”

Marwo Caasha Oomaar Warsame, waxa mudan in aan halkan hoosta kaga xarriiqo laba doorasho-baarlamaan oo lagu kala doortay laba Mudane oo kale. Aaan xabbad-qaadno:

Ø Doorashadii Baarlamaanka ee 1960kii, waxa magaalada Hargeysa laga doortay Xildhibaan Maxamed Shuuriye oo ka soo jeeday beelaha la hayb-sooco oo ku tartamayay magaca Xisbigii SNL. Mudane Shuuriye wuxu ka badiyay Murashaxii la tartamayay iyada oo ay xubnihii xisbigu u codeeyeen iyaga oo isku dhafan. Taasi waa dhacdo,

Ø Dhacdada labaad waxay ahayd in Xildhibaan Cumar Maxamed Cabdiraxmaan oo loo yaqaannay Cumar-dheere laga doortay Hargeysa 1964kii isaga oo ku tartamay magacii Xisbigii SDU-da. Baarlamaanka ayaa loo doortay isaga oo ka soo jeeday Beesha Ogaadeen oo aan Hargeysa deegaan ku ahayn. Mabda’ iyo xisbinnimo ayaa lagu doortay. Doorashadii danbe ee 1969kii, wuxu iska soo sharraxay Af-madow oo Gobolkii Jubbada Hoose ka  tirsan.

Dhallinyaro, idinka oo iga raalli ah waan idin daaliyay e’, bal isku daya waxay beryahaa sidaasi u dhici jirtay ee aanay manta u dhacayn. Aan is yar xariifiyo oo macallinba iska yar dhigo e’, intaa hawl-guri (Home work) u qaata.

‘Wa billaahi Towfiiq’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *