Thursday May 17, 2018
By: Abbie Wightwick
Tarjumaddii: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net
Hargeysa, 19/5/2018ka,
Diblomaasigii Soomaaliyeed eeku dhashay Wales’ ee Cabdi raxiim Caabbi Faarax (Midig)ee ku dhintay gurigiisa New York aad ayuu uga hawl-galay sii-deyntii Nelson Mandela (Bidix).
Hormayn:
Waa qormo aad u kooban una xiiso badan oo xus iyo xusuusba u ah Danjire Cabdiraxiim Caabbi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York laguna aasay isla magaaladaa maalintii Arbacadii ee 16kii Meey, 2018ka. Cabdiraxiim Caabbi Faarax bishii Oktoobar 22dii, 1919kii ayuu ku dhashay magaalada ‘Barry’ oo ku taal gobolkaa Wales ee dalka Boqortooyada Midowday (UK).
Qormadan oo ay Hiiraan Online ka soo xigatay WalesOnline waxa ii soo dirtay Yaasimiin Axmed Yuusuf Ducaale oo aan adeer u ahay oo deggen Toronto. Dabcan waxa ku hagay aabbaheed oo ay Cabdiraxiim shaqo-wadaag iyo saaxiibboba ahaayeen ilaa maalintan dhaweyd ee uu dhimanayay..
Qormadan xuska iyo xusuustaba ah, waxa qoray Abbie Whitwick oo ku saxeexan.Waxaan jeclaystay in aan idiin tarjumo si aan idiin la wadaago.Waa qiimayn aan ku qaddarinayo Danjire Cabdiraxiim oo aan mar mar isaga oo aan karayn tilifoonka kula hadli jiray maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa.Tarjumaddan waxa kale oo aan qiimayn iyo qaddarinba uga dhigayaa Marwo Hodan Muxumed Good oo ah xaaskiisii oo aan si joogto ah ula xidhiidhi jiray.
Qormadii Abbie Whitwick tarjumaddeediina waa tan e,’ shifo ku il-saar, oo shar kuuma leh:
Beryaha qaar ayaa loo yaqaannay Wiilkii ‘Barry’ ee gacanta ka geystay xoreyntii Mandela. Diblomaasigii Soomaaliyeed ee ‘Wales’ u dhashay, Cabdiraxiim Caabbi Faarax eeku dhintay gurigiisa ku yaal New York isaga oo 98 jir ahi,si aan la malayn karin oo aanu waxba la hadhin ayuu Qarammada Midoobay daahyada dabadooda uga hawl-galay sidii Nelson Mandela katiinadaha looga furi lahaa xorriyaddiisana loogu soo celin lahaa.Geeridaa naxdinta lahayd ee Cabdiraxiim Caabbi Faarax dhiillo culus ayay ku keentay adduunweynaha aadna waa loogu baroor-diiqay.
Ballaysinkii ama bilowgii Qarnigii 20aad ma ahayn waqti sahlan ama fudud oo loo dhasho Soomaali reer ‘Wales’ ah oo ku nool guryaha laamiyada qurxoon ee magaalada ‘Barry’, bal se qoyska Cabdiraxiim Caabbi Faarax iyaga oo aad u ladan ayay bulshadaa ka mudh baxeen iyada oo ay shacbiga ‘Wales’ ka soo kabanayeen burburkii ay ka dhaxleen dagaalkii dunida ee 1aad.
Midab-takoorka iyo saboolnimadu waxay ahaayeen arrimo dhiilladooda leh oo saamayn ku lahaa in badan oo bulshada ka tirsanayd, bal se Cabdiraxiim Caabbi Faarax dugsigii yaraa ee uu dhigan jiray, tacliinta ayuu u adeegsan jiray si uu wax uga beddelo aayahiisa iyo aayaha in badan oo kale oo aad uga fogayd ‘Wales’.
Cabdiraxiim aabbihii Caabbi Faarax oo ahaa bad-mareen Soomaaliyeed wuxu iskaga gooshay adduunyada si uu uga hawl-galo dekedda ‘Barry’ dhammaadkii qarnigii 19aad isaga oo noqday hoggaamiye bulsheed iyo aabbo soo jeeda oo carruurtiisa ku dhiirri-geliya tacliinta.
Cabdiraxiim isaga oo arday ka ahaa Dugsiga Hoose ee ‘Gladstone’ wuu ku dedaalay tacliintiisa waxaanu ku gudbay 11+ si uu uga mid noqdo ardaydii gelaysay dugsiga Barry Grammer School.Halkaa wuxu uga gudbay Exeter College, Oxford intii aanu noqon diblomaasi Soomaaliyeed oo caan-baxay oo Qarammada Midoobay ka hawl-geli jiray.
Isaga oo ahaa wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiyay Qarammada Midoobay, wuxu shakhsiyad saamayn la yaab leh ku lahaa arrimaha nabadaynta Bariga Dhexe waxaanu si naf-hur leh uga qayb-qaatay tirtiriddii Midab-takoorka.
25kii sannadood ee uu Qarammada Midoobay uga wakiilka ahaa Soomaaliya, Kaaliyaha Xoghayaha Guud wuxu ahaa 1979kii ilaa 1990kii isaga oo isla markaana Guddoomiye u ahaa Guddi gaar ah oo u dhisnayd la-dagaallanka Midab-takoorka oo gacan ka geysatay sii-deyntii Nelson Mandela.
Markii ay Soomaaliya xorowday 1960kii, wuxu Cabdiraxiim noqday Safiirkii Soomaaliya ee dalkaa Itoobiya.
1969kii ilaa 1972kii, diblomaasigii ‘Barry’ ku dhashay wuxu ahaa Guddoomiyaha Guddida Gaarka ah ee Dabar-goynta Midab-takoorka isaga oo isla markaana guddoomin jiray fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ah.
Waxa kale oo uu noqday Cabdiraxiim Wakiilkii Soomaaliya ee Jaamicadda Carabta intii u dhexaysay 1979kii ilaa 1990kii isaga oo beryahaas hoggaamiyay ergooyin nabadeed oo dhowr ah sida laga soo xigtay xaaskiisa.
Wiilka uu adeerka u ahaa ee weyn ee Steve Kheyrre oo isaga qudhiisu ah qof muddakar ah oo adeege-bulsho ah oo ku guulaystay abaal-gudka MBE ayaa adeerkii u xusuusan qof diirranaa oo aan isla weyneyn.
“Wuu nagu soo noqnoqon jiray si uu noo soo booqdo waxaana noogu danbeysay laba sannadood ka hor,” Steve ayaa laga guntay. Wuxu intaa ku daray: “Shaqadiisa oo diblomaasi ahayd inta badan si aan muuqan ayaa loo hawl-galaa isagu se si muuqata oo aad u sarreysa ayuu u shaqayn jiray, inta bandanna ergo nabadeed ayuu ahaa midab-takoorkana aad iyo aad ayuu u nebcaa.”
Steve, isaga oo adeerkii ka hadlaya waxa oo uu yidhi: “Bulshada sharaf ayay u tahay wixii uu soo qabtay. Baroor-diiqdiisii waxa lagu qabtay New York, laakiin halkanna xus ayaanu ku samayn doonnaa.”
Iyada oo ay baroor-diiqdiisu baraha bulshada aad u dhex maaxday, ayuu Cabdi Cali oo gadh-wadeen ka ahaa xafladaha baroor-diiqda ah ee bulshada Cardiff yidhi: “Maalin murugo ayay u tahay bulshada Cardiff. Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxu ahaa mudanka iyo foolaadka diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa farriin baroor-diiq ah oo uu ku soo qoray Twitterkiisa ku yidhi:
“Cabdiraxiim wuxu ahaa dib;omaasi sharfan oo u dhashay Somaliland. Aniga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoyskii iyo asxaabtiisiiba.”
Iyada oo shaqadiisa diblomaasinnimo macnaheedu ahayd in uu ka hawl-galo daahyada dabadooda oo si qarsoodiya u shaqeeyo, haddana sidaas oo ay ahayd dedaalkii uu ka galay sii-deyntii Nelson Mandela waxa u dabbaal-degay ururka samo-falka ee ‘Vale CVS Charity taas oo qayb ka ahayd xuska Bisha Taariikhda dadka madow. Ururkaa Samo-falku xuskaa waxay sameeyeen 2014kii, iyaga oo Cabdiraxiim Caabbi Faarax ku suntay “Wiilkii ‘Barry’ eeka gurmaday sii-deyntii Mandela”
Tobannaan gu’ oo uu Cabdiraxiim ka hawl-gelayay Qarammada Midoobay wax intaa ka badan ayuu qabtay, bal se tani waa mudanka lagu xusuusan doono. “Waxa ka sii jooga oo lagu xusuusan doonaa shanta carruur ah ee uu dhalay, iyo saddex ay walaalo yihiin oo uu ku jiro Brian Faarax,” sidaa waxa laga hayaa wiilka uu adeerka u yahay ee Steve.
Ka-sokow in guulihii badnaa ee Cabdiraxiim Caabbi Faarax meelo door ah oo adduunka ah ka hirayaan oo ka laacayaan,, Steve wuxu inagu war-gelinayaa in laba kale oo ay walaalo yihiin iyaguna wax ku barteen Jaamicadda Oxford, halka aabbihiina kaga guulaystay abaal-marinta MBE.
Caabbi Faarax waxa loo yaqaannay ama uu ku caan-baxayba aabbihii bad-mareennadii xilligii gumeysiga kuwaas oo Cardiff, Barry iyo New Port si joogto ah u booqan jiray. Bad-mareennada cusub iyo inta hawl-galeenka ahba wuxu u ahaa bar-kulan iyo meel ay talooyinka ka qaataan. Caabbi Faarax, waxa kale oo uu aasaasay Naadiyadii dadka Midabka leh ee Cardiff iyo Barry. Waxa kale oo uu Caabbi Faarax dhidibbada u taagay Naadiga Dhallinyarada ee Domino ee magaalada Barry. Caabbi Faarax waxa kale oo uu maamulay Naadiga dadka Midabka leh ee Cardiff. Hawlahaa iyo qaar kale oo badnaa dartood ayuu ku mutaystay Caabbi Faarax in la guddoonsiiyo abaal-marinta MBE waxaana gacanta ka saaray Boqorkii King George-kii 6aad, taas oo uu ku sii mutaystay adeegyadii uu u fidiyay Badmareennada xilliyadii dagaallada.
Sida Steve ku tiraabayo, waa sheeko qoys oo aynu ku qaban nahay in aynu marinno oo ka sheekaynno iyo qabcad taariikh gudeed oo ay lagama-maarmaan yahay in carruurta la baro.
Dhammaad
Fiiro Gaar ah:
Tarjumaddii Qormadu intaa sare ayay ku dhantay. Dedaal intaas ayuu iga ahaa, hagrashona ha sheegin oo Cabdiraxiim ayaan mudnaynba in wax laga hagrado, Ilaahay ha u naxariisto e’. Innaga oo marar kale isugu iman donna qormooyin noloshiisii la xidhiidha, waxaan tarjumadda ku dabo karayaa:
- Cabdiraxiim oo ku dhashay Barry oo Wales ku taallaa 22kii Oktoobar, 1919kii, wuxu Hargeysa yimid oo uu degay kana hawl-galay isaga oo 17 jir ah,
- 1938kii, maalintii Kheyriyada Hargeysa la furayay goob-joog ayuu ka ahaa,
- Wuxu ka mid ahaa Safiirradii ugu horreeyay ee Soomaaliya magacowdo 1961kii, kuwaas oo kala ahaa:
- Xasan Nuur Cilmi: Qarammada Midoobay,
- Cumar Macallin: Washington,
- Axmed Maxamed Aadan: Moscow,
- Maxamuud Cabdi Carraale: London,
- Maxamed Sheekh Xasan: Roma,
- Cabdiraxiim Caabbi Faarax: Addis-ababa,
- Cali Xuseen Guure: Qaahira,
Qoyskiisu waxay ii sheegeen in uu Cabdiraxiim ka tegay laba Geeddi ama ‘Volume’ oo buugaag ah oo uu taariikh-nololeedkiisii ku saabsan oo aan filayo in ay immika tifaf-tir ku jiraan si loo daabaco.
Ramadaan Kariim aniga oo Ilaahay ka rajaynaya in uu inagu simo fursado kale oo aynu ku kulanno, Cabdiraxiim noloshiisii hodanka ahaydna ku wadaagno.Aammiin.
Boobe