(Xuska 60-Guurada 26kii Juun, 1960kii)
Arar:
“Geeska dheeree Afriikiyo,
Geedki Lowya-caddood,
Gubankeediyo Oogo,
Markaad mid gudubto,
Mid gubtaad aragtaaye,
Giddigood waa SNL,”
Timacadde,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale. Cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net,
Waa qormo inta qormo taariikheed koobnaan karto, urursan. Waxaan u holladay in aan wax aan sidaa u sii badnayn ka idhaahdo Sooyaalka Xisbigii SNL. Koobnaanta ugama gol lihi mowduuca ayaan xiiso lahayn, waa se duruufta jirta ee xaddidaysa dhaqdhaqaaqa iyo kulammada. Waxa intaa soo raaca la’aanta Xarumo laga raadiyo xog iyo macluumaadba. Dadka intii dhacdooyinkaa taariikheed goob-joogga u ahaydna waa gabaabsi ku filiqsan daafaha dunida oo ay adag tahay sida loo asteeyaa halka ay ku sugan yihiin ama geeri iyo nolol midda ay ku aaddan yihiin.
Sidaa daraaddeed, marka laga tago wax yar oo aad iyo aad u kooban macluumaadkayga iyo xogtayduba waxay ku tiirsan yihiin wareysiyo aan la yeeshay ama lala yeeshayba akhyaarta rug-caddaaga ah ee xagga danbe ee qoraalkan ku taxan oo aan aad ugu mahad-celinayo.
Weligay intii aan noolaa marna ma arag wax laga qoray Xisbigaa SNL ee horseedka u ahaa madax-bannaanidii aynu xaqiijinnay 26kii, Juun 1960kii. In la illoobo oo la duudsiyo taariikhda xarakaddaa gobannimo-doonka ahayd, aniga iyo in badan oo kaleba doqonniimo ayay ku tahay. Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in ay da’-yarta soo kacaysaa halkaa ka sii ambo-qaadi doonto. Ha samaatoo ha la helo, Aammiin.
1884kii ayay gumeystayaqashii Yurub u qori-tuurteen Qaaradda Afrika. Qaybtii ayaa dalalkii Yurub midba in ku qaytay, Somalilandna waxay qayb ku raacday Boqortooyada Ingiriiska.
Heshiiskii Saanta:
Qabsashadii Ingiriiska ee Somaliland ee 1886kii wax si’ fudud ku suuro-galay ma ahayn. Odayaal daan-cirroole ahaa oo tahan iyo daaqsin geel wax ka arkayay kana hilaadinayay ayaa shaxda la-dhigay. Judhiiba dhulka cagaha ka qaada oo doonyihiinna fuula ayay ku yidhaahdeen. Gumeystihii Ingiriisku isaga oo Doonnidii saran ayaa Heshiis saan lagu kala saxeexday. Intii ay mudnaanta odayaashu u arkayeen ayay ka saxeexdeen ilaa ay ka gaadhsiiyeen in aanu gumeysigu dalka Somaliland ilmo ku dhalin ee gabadhu marka ay uureysato dalkeedii loo qaado. Waana la fuliyay. Maxmiyad gumeystuhu dusha ka ilaaliyo ayaa Somaliland loo yaqaannay. Xaqiiqaduna waxay ahayd in uu dusha ka haystay oo ka xukumayay bal se aan la isku daadsan ee gumeystaha iyo dadka wax u kala soocnaayeen ama u kala soorraayeen. Sidii Talyaanigu iyo Faransiisku Xamar iyo Jabuuti u degeen, Ingiriiskii Somaliland uma barriinsan.
Sow kii Cabdi Aadan Xaad oo Qays loo yaqaannaa heestiisa Hargeysay ha dheelliyin tuduc ka mid ah ku lahaa isaga oo Heshiiskii Saanta ka hadlayay:
“Badda weyn dhexdeedaa,
Saan loogu dhiiboo,
Xeer la dhaabadeeyaa,
Dhaxal looga reeboo,
Weli gaal kumuu dhalan,
Dhudiyeey dushaadee,”
Sayid Maxamed Cabdille Xasan:
Guud ahaanba halgankii gobannimo-doonka ee Soomaaliyeed, gaar ahaanna kii Somaliland qof u holladay in uu ka hadlo oo aan Sayid Maxamed Cabdille iyo Daraawiishtii soo qaadini run xaajada kama sheegin. Maanta, iyada oo aanu ambo-baxaygu ahayn Sayidkii iyo waxay gumeystayaashii madowga iyo caddaankaba isla soo mareen, haddana kol haddaan u-qalin-qaatay halgankii siyaasiga ahaa, waa lagama-maarmaan in la soo qaadaa dharaarihii Sayidka.
1900kii – 1920kii, ayay Daraawiishtu halgan hubeysnaa oo dhiggiisu berigaa Afrikaba ku yaraa la gashay saddexdii gumeyste ee kala ahaa: Ingiriis, Talyaani iyo Xabashidaba. Halganka hubeysnaa xoggiisa waxay la galeen Ingiriiskii innaga oo goobihi ugu darnaa ee maryaha dhiigga lahaa lagu kala furtay ka xusi karna: Af-bakeyle, Fardhiddin, Daratoole, Dulmadoobe iyo Jidbaale. 41 goobood ayay Daraawiishta iyo Ingiriiskii ku kulmeen. Markii uu weerarradii Daraawiishta u adkaysan waayay ayuu dayuurado u dalbaday. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay gumeystayaashu duullaankoodii Afrika tamar dayuuradeed u miciinsadaan.
Sow tii Sayid Maxamed lahaa:
“Coomaadde duulaaya bay, Cadan ka keeneene,
Cirka iyo dhulkaa is-qabsaday, cadhadhaqdoodii,”
Sayid Maxamed Cabdille Xasan erey, af-cas iyo addinba wuu u adeegsaday iska-caabbigii iyo jabkii gumeysiga.
Tan iyo maalintaa ilaa 26kii Juun, 1960kii ayay ku hoos jirtay gumeysigaa Ingiriiska iyada oo markii danbe halgan siyaasadeed oo qadhaadhaa kana tilmaannaa kuwii Afrika soo martay, iskaga xoreysay.
Guuxa shacbiga iyo kacdoonnaduba maalinba maalinta ka danbeysa waa ay isa soo tarayeen. Soddonaadkii qarnigii 20aad ayaa waxa Maxmiyaddii Somaliland ka bilaabmay furitaankii xarumo bulsho oo loogu wan-qalay Kheyriyadaha. Waxay ahaayeen xarumo dadka magaalada wada deggeni ku kulmi jireen oo danaha dadka iyo magaaladaba lagaga wada hadli jiray. Madax wada-tashi ku timid oo heshiis lagu ahaa ayaa maamuli jirtay. Garo’ oo dareenkii qabaliga ahaa ayaa laga korayay oo mid madaniya oo waxoogaa ka korsan ayaa loo gudbayay.
Ururradii ka horreeyey ee gogol-xaadhka u ahaa SNStii:
Markii gumeysigii Ingiriisku dal iyo dadba ku habsaday, waxa bilaabmay guur-guur uu dadku ururro iyo naadiyo baadi-sooc kala geddisnaa lahaa isugu bahaysanayeen, waxaana ka mid ahaa oo aynu tusaale u soo qaadan karnaa:
1920kii, waxa la assaasay Ururkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee Somali Islamic Association (SIA). Waxa salka iyo seeskaba u dhigay hoggaamiyihii weynaa ee Faarax Oomaar oo beryahaa magaalada Cadan ku noolaa, Ujeeddooyinkii ugu weynaa ee laga lahaa waxay ahaayeen: gorfaynta arrimaha bulsho ee dadka reer Somaliland ee Cadan deggenaa iyo sidii dalka gumeysigii Ingiriiska looga xoreyn lahaa,
1925kii, waxaa la aasaasey Jimciyatu Caddiyatu Kheyriya Wadaniya oo meelaha qaarkood u qoran Jimciyatu Hadiyatu Raxmaan…hase yeeshee dadkaan waresytay waxay u badan yihiin Cadiyatu Raxmaan,
1933kii waxa la aasaasay Somali Officals Union (SOU) oo ahaa naadi madaniya oo ay ku bahoo been saraakiishii sare ee Soomaaliyeed ee dawladdu. Xaruntu waxay ahayd Guriga Shaqaalaha oo ay isugu iman jireen. Waa lagu shiri jiray laguna shaahayn jiray. Waxa kale oo lagu ciyaari jiray tenistii dheerayd. Saraakiishaasi, maa-daama ay ka kala yimaadeen reero kala duwan haddana waxa ay ku midaysnaayeen naadiga iyo sarkaalnimada. Sidaa daraaddeed, sawir guud ayay Somaliland ka bixinayeen.
1938kii waxa la aasaasay Somali Old Boys Association (SOBA) oo loo yaqaannay Al-madar oo ay wadaage ku ahaayeen dhallinyaradii ugu horreysay ee wax baratay dawladdana u shaqayn jiray. In kasta oo ay lahaayeen meel lagu kulmo ama naadi, haddana mararka qaarkood ayay Xarunta SOU-da ku kulmi jireen. Labadan Naadi ee SOU iyo SOBA marka aad raacdo dadkii xubnaha ka ahaa waxay wadaagayeen qolannimadu xuddun uma ay ahayn,
1939kii oo Riwaayaddii ugu horreysay ee Xajaaj Binu Yuusuf laga dhigay Boorame ayaa isla markaana laga aasaasay naadigii isboortiga ee Boorama. Naadigaasi ilaa qaar kale oo Jigjiga ka jiray ayuu la ciyaari jiray.
1941kii Radio Kudhu oo markii danbe u digo-rogtay Radio Hargeysa ayaa la furay oo saamayn la yaab leh ku yeeshay noloshii dadka. Wuxu horsed u noqday dhammaanba qaybihii: fanka iyo warbaahinta isaga oo aan ku koobnayn Somaliland bal se Soomaali oo dhan u adeegi jiray sidaana furihiisii ku noqday: HALKANI WAA HARGEYSA, RADIO SOOMAALI,
1945kii, Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf Xaaji Xasan Fiqi oo Cadan ka soo noqday ayaa ciidan abaabulay oo go’aansaday in uu la dagaallamo gumeysigii Ingiriiska. Wuxu weerarkiisa ka bilaabay Guddoomiyihii Degmada Burco ee Ingiriiska ahaa.
Aasaaskii Ururkii Somali National Society (SNS):
Ku-sinnaan 1945kii ayaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay Urur bulsho oo loogu wan-qalay ‘Somali National Society’ loona soo gaabsan jiray SNS.
Af-soomaali haddii aynu u rogno wuxu ku noqonayaa: Urur-bulsheedka Waddaniga ah ee Soomaaliyeed. Sida magacu tilmaamayo wuxu ahaa meel ay ku kulmaan bulshada waddaniga ahi oo ay ku gorfeeyaan danahooda iyo arrimaha aayahooga la xidhiidha. Waxa kale Xaruntaa loo adeegsan jiray kulammada maamulkii gumeysiga iyo madaxda bulshada mararka loo baahdo. Sida ka muuqatay dabciga iyo dhalanka odayaasha aasaasay oo ahaa indhihii dadka, xarumahaa lakabyadooda sare siyaasaddu kama ay muuqan. Haddana lama odhan karo waa ay ka madhnaayeen. Muuqaalka sare odayaasha ayaa ka muuqday, waxaana hoosta ka waday oo la shaqaynayay saraakiil dawladeed oo aan is-muujin jirin oo aynu tusaale u soo qaadan karno Yuusuf Xaaji Aadan, Cali Mire iyo qaar kale oo badnaa sida aan ka soo xigtay Xuseen Cabdillaahi Liibaan (Baakistaani) oo ka mid ahaa foolaadkii Xisbigii SNL.
Mar aan wareysanayay Axmed Jaambiir Kaahin oo ka mid ahaa raggii seeska u dhigay maamulkii Maxmiyaddii Somaliland, wuxu ii sheegay in SNStii gaadhay heer aan la tegin Saldhigyadii Bilayska ee iyada la iska soo ashkateeyo kalsoonidii lagu qabay awgeed. Waxa kale oo aynu tusaale nool u soo qaadan karnaa rug-caddaagii Maxamuud Jaamac Uur-doox oo maamulkii gumeysiga karraani u ahaan jiray markii danbena inta uu shaqadii iskaga tegay abaabulkii SNStii ka qayb-galay Xoghayihii Guud ee ugu horreeyayna noqday.
Ku-sinnaan 1945kii ayaa ururkii SNStii seeska loogu dhigay magaalada Burco wax raad ah oo qoran oo laga hayaa ama aan heli karayayna ma jiro. Xataa dadkii goob-joogga u ahaa ama xilliyadaa noolaa ayaan dad badani ka noolayn. Dedaal badan ayaan sameeyay si’ aan u soo ururiyo xogo baahidda qormadan inaga daboola.
Magacyo badan ayaan helay oo Degmooyinkii markaa jiray ka kala tirsanaa bal se dad la isku wada raacsan yahay ma ay ahayn. Waxaan ka wadi waayay in aan idiin soo dhigo Lajnaddii ama guddidii ugu horreysay ee Shirweynahaa aasaaska lagu oggolaaday. Qawl iyo qoraalba magacyadan waan ku helay, waxaanay kala ahaayeen:
Sida aanu siyaabo kala duwan odhaah ahaan iyo qoraalba u soo xigannay isla markaanaa uu Dr. Maxamed Sheekh Mukhtaar Xuseen digtooraadii uu kaga qalin-jebiyay Al-Azhar ku qoray, waxaanu halkan hoose idiin ku soo gudbinaynaa hoggaankii ugu horreeyay iyo Ujeeddooyinkii ururkii SNS
- Muuse Cabdi Cilmi: Guddoomiye,
- Maxamuud Jaamac Uur-doox: Xoghayaha Guud,
- Sheekh Cabdillaahi Sheekh Ibraahin (Abu-site): Khasnajiga,
Aasaaskii SNStu sida badiba la isku raacsan yahay wuxu ahaa 1945kii in kasta oo ay jiraan dad aamminsan taariikho kale. Taasina wax la yaab leh ma aha oo waa mid u taal taariikhyahannada sidii ay meel wax isugu geyn lahaayeen, innaga se dedaal ina faran sidii aynu inta aan waqtigu inaga dhicin xusuusteenna u weelayn lahayn.
Ujeeddooyinkii Ururkii SNS oo koobani waxay ahaayeen:
- In waddanka Soomaalida la mideeyo,
- In awooddooda wax-soo-saarka Beeraha la kordhiyo,
- In ay helaan xorriyad dhammaystiran oo ay wax ku sheegi karaan,
- La-dagaallanka qabyaaladda,
Alooskii iyo Abaabulkii Xisbigii SNL:
تَفَرَّقُوا لَاو جَمِيعًا اللَّهِ بِحَبْلِ اعْتَصِمُوا و
“Ku dheggenaada xadhigga Eebbe oo ha kala fur-furmina.”
Aayaddan Quraanka ah ayaa halkudheg iyo halqabsiba u ahayd Xisbigii SNL iyada oo far waaweyn ku qornaydna waxay ku xardhanaan jirtay albaabkii koonfur u jeeday ee Kheyriyadii hore.
Astaantii ama billaddii xisbigu sidii berigaa loo yaqaannay waa tan dusha ku sawiran. Macdanta maarta ayaa laga tumi jiray ama laga samayn jiray. Wadne ayay muuqaalkiisa lahayd waxaana ku xardhanaan jiray SNL. Xubnihii ka tirsanaa qaarkood halka ay jibbadu ka gaadhay shaadhka biinka kuma ay qaban jirin ee jidhkooda oo naaska dushiisa ah ayay ku qodbi jireen. Sheeko iguma aha ee shaahid ayaan ugu soo joogay.
Soo-if-bixii Xisbigii SNL ee horseedka u ahaa gobannimadii Maxmiyaddii Somaliland ee 26kii Juun, 1960kii ma odhan karayno aasaas ama dhalasho ayuu ahaa. Bal se maa-daama uu ka horreeyay Ururkii SNS oo ahaa unuggii halganka xornimo-doonka, waxaynu odhan karaynaa SNL wax kale ma ay ahayn oo aan ahayn SNS oo u digo-rogatay ama u xuub-siibatay Xisbi siyaasiya oo xornimo-doon ah.
Wuxu ahaa Shirweynihii lagu bilaabay Xisbigii SNL oo looga soo guuray SNStii oo markaa yar liicday ama hoosba u dhacday duruufihii jiray awgood. SNStii oo soo jirtay hawl-galna ahayd tan iyo markii dhidibbada loogu taagay Burco 1945kii, marxalado badan ayay ka soo gudubtay gumeysigii Ingiriiskana waxay ku noqotay laf dhuunta u mari weyday kana daaddegi weyday. Dagaal sokeeye oo saamayn aad u taban ku yeeshay midnimadii iyo wadajirkii shacbiga ayaa Hargeysa ka dhacay 1947kii. Dagaalkaas oo beelihii ku lug lahaa sii kala fogeeyay wuxu wiiqay midnimadii shacbiga iyo yuhuuntoodii gumeysi la dagaallanka. Dagaalkaasi wuxu dhex maray beelaha Awal iyo Garxajis. Dabcan sababo beeleed oo dagaalka huriyay in kasta oo ay maan-gal tahay in ay jireen, haddana dad looga-qaateen ah oo dhacdadan ka muddaakaroonayay waxay sheegeen in dabkaa hurintiisa aanu ka madhnayn gumeysigii Ingiriisku si’ uu u hakiyo xawligii iyo xawaarihii ay SNStu ku koraysay.
Abaabul siyaasadeed oo hor leh ayaa mar kale tisqaadaya oo ay ummaddu ku doonayso xornimadeedii iyo madax-bannaanideedii.
Bal hadda waqti aan sidaa u sii badnayn aan ku yar hakanno shirarkii SNL:
Shirweynihii 1aad ee SNL:
Waxa lagu qabtay magaalada Burco 1951kii. Maa-daama uu ahaa kii ugu horreeyay hawlaha la qabtay waxa ugu mudnaa doorashadii Guddoomiyaha, Xoghayihii Guud iyo Khasnajigii. Sida Mareegta Farshaxan ka soo xigatay Cismaan Xasan Axmed (Indhoole) Shir lagu raagay oo hawlo badan qabtay ama ay u yaalleen ma ahayn waxaana Hoggaanka loo doortay:
- Sheekh Jaamac Warsame: Guddoomiye,
- Maxamuud Jaamac Uur-doox: Xoghayaha Guud,
Xog intaa ka badan kama aanu helin Shirkaas. Waa hawl u taal cid kasta oo is-xilqaamaysa in ay meelaha bannaan gufeeyaan wixii khaldanna saxaan iyaga oo si’ mowduuciya oo xor ah u fekeraya bal se aan qof, qoys iyo qabiil u sed burinayn am aka sed burinayn.
Shirweynihii: 2aad: Sheekh, 1952kii:
Dad door ah oo ka mid ahaa dadkii aanu wareysannay waxay aamminsan yihiin in SNL Burco lagaga dhawaaqay 1951kii iyaga oo aan bishii iyo maalintii midnaba xuseyn. Intii aanu baadhistan ku jirnay ayaanu la kulannay Xuseen Cabdillaahi Liibaan oo loo yaqaanno Baakistaani, waxaanu noo sheegay:
- In Xisbigii SNL la aasaasay 18kii Jeeniweri, 1952kii Shirweyne lagu qabtay magaalada Sheekh,
- In Abokor Xaaji Faarax loo doortay Guddoomiyihii SNL iyada oo Xuseen ka mid ahaa Idaaraddii Xisbiga hoggaaminaysay. Ragga kale ee kula jiray wuxu ka xusay Cali Shire Naaleeye iyo Xaaji Diiriye Cabdi,
- In heesihii kicinta iyo abaabulka loo adeegsan jiray mid ka mid ahayd uu lahaa Abokor Xaaji Faarax, tuduc ku jirayna uu ahaa: “Darbaal baa la duubaa, Haddaydaan digiigixan, Miyay dawladnimadii, Ku soo doonanaysaa,”
- In go’aammadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay uu ka mid ahaa kicinta iyo abaabulka dadweynuhu si’ loo xoojiyo halgankii siyaasiga ahaa ee xornimo-doonka iyada oo isla markaana isha lagu hayay Soomaaliya oo toban sannadood oo Talyaanigu gacanta ku hayo Qarammada Midoobay go’aamiyeen,
Sida uu ii sheegay Fu’aad Sheekh Abuubakar Ismaaciil, mulkiilaha Mareegta Farshaxan, aragti aan tan ka fogeyn waxa qaba Cismaan Xasan Axmed (Indhoole) oo ahaa Badhasaabkii ugu horreeyay ee Hargeysa, Sida uu Cismaan wareysi ku siiyay Mareegtaa Farshaxan, Shir aan sidaa u sii weyneyn oo gogol-xaadh ahaa ayay SNL 1951kii ku qabsatay Burco, 1952kiina mid kii hore ka sii ballaadhan oo ka abaabulnaa ayay ku qabsatay Sheekh. Maxamed Sheekh Ibraahin Xujaalena Buuggiisa “All in The Family’’ wuxu ku qoray in Shirkaa Sheekh qabsoomay socdayna 17kii Jeeniweri ilaa 22kii, 1952kii.
Shirkii Faraca (Laanta) Degmada Berbera:
Shirkan, 1956kii ayaa lagu qabtay magaalada Berbera. Sababta ugu weyneyd ee loo qabtay waxay ahayd in Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal loo diyaariyo in uu qabto xilkii Xoghaya Guud ee Xisbigii SNL. Sidaa ayaa Cigaal loogu doortay madaxii Faracii Berbera. Axmed Yuusuf Ducaale wuxu ii sheegay in uu Yuusuf Xaaji Aadan ka maqlay siduu uga hawl-galay Yuusuf in uu Cali Qowdhan oo xilkaa hayay tartankana ku jiray u tanaasulo Cigaal sidaas oo danta xisbiga iyo dalkuba ku jirtay, waanu ka oggolaaday. Aqoonta ka-sokow waxyaabihii Cigaal lagu majeeranayay wax ka mid ahaa hantidii aabbihii siduu ugu gacan-bannaanaa iyo deeqsinnimadiisii oo kaabaysay qaadhaankii aan sidaa u sii badnayn ee Xisbigu ka helayay xubnihiisa.
Shirweynihii Burco: 1957k
Sida aan ku daawaday cajalad muuqaal ahayd oo Cigaal kaga sheekaynayay, wuxu ku qabsoomay magaalada Burco bishii Juun, 1957kii. Sida Cigaal cajaladdaa muuqaalka ahayd ku sheegay Qodobbadii ugu xiisaha badnaa ee lagu soo qaaday waxa ugu mudnaa dabuub u ekeyd: Horto shan Soomaaliyeed oo la mideeyo ayaynu ku dawakhnay e’. shantu intay isu yimaaddeen arrintaa ma ka wada hadleen? Cigaal maalintaa waxa laga guntay in Axmed Ismaaciil Cabdi oo Duqsi loo yaqaannay arrintaa ka dhawaajiyay. Dood adkayd oo dheeraatay ayaa laga yeeshay, waxaana la guddoonsaday marka Shirweynuhu dhammaado in ergo Xamar loo diro arrintaa gunteeda lagu soo xaadhayo. Markii Shirweynihii dhammaaday ayaa ergadii SNL u ambo-baxday Xamar si’ loo soo xaqiijiyo midnimadaa Soomaaliyeed iyo cidda u heellanayd. Dawladdii daakhiliga ahayd ee Cabdillaahi Ciise ayaa loo tegay waxaana lagu ballamay in shirkaa la qabto 1958ka dawladdaa Xamarna marti-geliso.
1958kii ayaa ergooyinkii shanta Soomaaliyeed masilayay Muqdisho ku kulmeen. Hungo iyo niyad-jab ayaa lagala soo noqday. Waa sida Cigaal tiraabay, Baraha Bulshadana waad ka daalacan kartaan.
Shirweynahaasi hawlihiisii caadiga ahaa ka dib wuxu doortay:
- Xaaji Cumar Askar Xirsi: Guddoomiye,
- Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: Xoghayaha Guud,
Xaruntii Xisbigii SNL:
Sida qormadan aadka u kooban ka muuqata aasaaskii SNL iyo Xaruntuba waxay ahaayeen Burco. Waa 1951kii. Dhowr sannadood oo danbena Burco ayaa laga hoggaaminayay hawlaha Xisbigii SNL. Waxaan si’ cad oo aan mad-madow lahayn u xusuustaa galab aan ka soo rawaxay malcaamaddii Ina Sheekh Ibraahin Baraawe oo ku taallay waddada Xil-moog ee Maxkamadaha tagta, Saldhigga Dhexe ee Bilayskana koonfur kaga beegan. Waxaan ku socday xaafaddayada oo Laba Nuux ahayd, waanan ku qasbanaa in aan Kheyriyada Hargeysa hor maro. Waa casar dheer. Waa 1955kii marka aan ka dhaqaaqo taariikhdaydii waxbarashadii bilowga ahayd. Xaflad aan dad badani joogin ayaa ka socotay. Waan yar joogsaday si’ aan u dhegaysto. Waa carruur iyo caadadeed. Siyaasad ma aan aqoon ee maaweelo ayay ii ahayd iyo bal waxa halkan ka dhacaya hubso.
Makrifoonkii ayaa laga sheegay in Xaruntii SNL loo soo raray Hargeysa, calankiina uu soo qaaday Cali Muxumed Xaaji Abokor oo Cali-mahdi loo yaqaannay. Cali inta uu calankii oo lab-laaban la koray manbarkii ayaa la saaray oo loo sacabbo-tumay. Intaasi waa xusuus carruurnimo.
Ujeeddooyinkii SNL:
Xisbigii SNL, sidii dabciga iyo dhaqanka Xisbiyadii la midka ahaa ay ahaayeen wuxu lahaa Barnaamaj Siyaasiya iyo Dastuur uu ku kala wado hawlihiisa. Halkan waxa mudan in aynu xusno in Xisbigu soo maray marxalado badan oo hadba mid ka digo-roganayay. Laba marxaladood ayaa mudan in aynu ku yar hakanno oo kala ahaa:
- Marxalad bilowgii ahayd oo ay Xisbiga SNL hoggaaminayeen odayaal qun-yar socod ahi oo dalka gudihiisa ku barbaaray, iyo
- Marxalad labaad oo Xisbigu galay markii ay ku soo biireen dhallinyaro ka timid magaalada Cadan saamayntoodana ku yeeshay Xisbigii SNL, Waxay la yimaaddeen afkaar Naasiri (Jamaal Cabdinaasir) ahayd oo carabnimo ku aroorta. Xisbigii shacbiyad xoog leh ayay u soo kordhiyeen. Al-fajral Jadiid’ ama Waaga Cusub ayay la baxeen. Ereyadii Carabiga ahaa ee ay ku soo dareen intii hore u jirtay waxa ka mid ahaa: Kifaax, Nidaal, Balaaq, Bayaan iyo qaar kale oo badnaa. Sida uu sheegay Jaamac Maxamed Qaalib oo VOA-da laga wareysanayay nimankaa wuxu ka xusay: Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale iyada oo uu Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) isaga laftiisuna sheegay in uu ka mid ahaa. Isagu markaa Qaahira ayuu ka yimid. Berigaa kooxdan waxa halkudheg u ahaa: AL-ISTIQLAAL WAL WAXDA,
Innaga oo marxaladahaa iyo waayihii xilligaa oognaa isku qaadaynna, Ujeeddooyinkii Xisbiga waxa ugu mudnaa:
- La-dagaallanka qabyaaladda iyo cudurradii ijtimaaciga ah ee bulshada kala kaxaynayay,
- Xoreynta dalka laga xoreynayo gumeysigii Ingiriiska,
- Mideynta dadka si’ awooddooda loogu jiheeyo la-dagaallanka gumeysiga,.
- Xoreynta iyo mideynta shantii Soomaaliyeed ee gumeysigu kala qaybiyay,
Aniga oo yar ayaan tegi jiray Macfalladii toddobaadlayaasha ahaa ee Xisbiyadii siyaasiga ahaa. Dhammaantood gaar ahaan Xisbigii SNL oo ugu shacbiyad badnaa ayaa ku celcelin jiray in gobannimada ka dib ay soo rogman doonaan webiyaal malab iyo caano ahi oo taa iyo taa la iska leefi doono. Si’ fiican ayaan u xusuustaa nin dadkii heesi jiray ahaa oo markii badhaadhihii la waayay lahaa:
“Meeyoo xagguu maray,
Wixii na lagu maan-lulay,
Meeyoo xagguu maray,”
Wacyi-gelintii ka bixi jirtay Xisbiyadii xornimo-doonka, dadweynaha waxa lagu disay oo ay rumaysteen in hantidoodii gumeystuhu cuno iyaguna ay ka qatan yihiin. Waxaynu u maragsan karaynaa tuduc ku jiray Geeraarkii ‘Kaana siib Kanna saar’ ee Timacadde calanka ku muuneeyay ee ahaa:
“Innaga oo sabarkeenna,
Dhexda suunku qarqooray,
Kii sedkeenna cunaayayee,
Surwaalkii ka yaraadayee,
Kabadh suuf laga buuxshiyo,
Sagaal booy iyo kuug iyo,
Mid baabuurka sifeeyiyo,
Aayad saarta carruurtiyo,
Weliba seeska lahaa,
Kii saabaanka u laabayow,
Sarreeyow ma-nusqaamow,
Aan siduu yahay eegno e’,
Kaana sib kanna saar,”
Xisbiyadii USP iyo NUF:
Hawsha, ayaa sideedaba wadaagga iyo dhafan-dhaafka ku fiican. Waxay ugu xun tahay ama ugu daran tahayba marka la isku daawado ama la isku eegaba. Waxay talo faro ka haaddaa marka hawl la wada leeyahay oo gudashadeedu aanay qof bulshada ka mid ah gaar u farreyn weliba haddana kii gudo is-yidhaahda lagu canaanto.Dhalliisha dhisme-u-jeedka ah iyo naqdiga caafimaadka qabaa waa halkooda. Inta daalacanta dhalatay ayaan isku tiriyaa, waa se yeelkood tamari meel ay I dhigtaba. Hadda qof kastaba dedaal faran.
SNL, waxa ku sidkanaa oo magacyadoodu islu dhafmeen Xisbigii USP ee masilayay Degmooyinkii dacalladii Somaliland ee Boorame iyo Laas-caanood oo xilli aad ugu dhawaa lixdankii samaysmay. Beryahaa Gobolladu ma jirin ee Maxmiyaddii Somaliland lix Degmo ayay ka koobnayd, Is-raacii iyo isku-milankii SNL iyo USP waxa ka dhashay Xisbigii SNL/USP oo Barnaamaj keliya iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo keliya yeeshay. Iyaga oo sidaa isugu dhafan ayay halgankii siyaasadeed ee lixdankii wada galeen, 33kii kursi ee doorashadii Baarlamaanka loo tartamayayna ku guulaysteen 32 kursi.
Toddobaadle Carabiya oo Al-saraaxa la odghan jiray oo uu Tifaf-tire ka ahaa Cabdilcasiis Dakharre nin la odhan jiray ayaa afkooda ku hadli jiray.
Waxa kale oo isaguna jiray Xisbigii NUF ee Nafta loo yaqaannay oo isaguna ka mid ahaa xisbiyadii gobonnimada dhaliyey. Markii hore waxa loo aasaasay jabhad ahaan in uu soo dhiciyo qaybti ‘Hawd & Reserve Area’ ee Itoobiya Ingiriisku ku wareejiyey. Beryihii dambe ayey jabhaddaasi xisbi siyaasiya isku rogtay.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu inagu simo waqti kale oo aad qalinka hinjisaan ama aniguba aan soo rogaal veliyo si’ aynu labadan Xisbi uga nidhaahno inta ay inaga mudan yihiin.
Qaababkii Wacyi-gelinta ee Xisbigii SNL:
Xisbigii SNL qaabab iyo siyaabo kala duwan ayuu xubnihiisa, taageerayaashiisa iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kaleba u guubaabin jiray una wacyi-gelin jiray. Ka-sokow Golayaasha dastuuriga ah oo dhexdooda lagu kala war qaadan jiray, waxa kale oo iyaguna hawl-gal ahaa fagaarayaal kale iyo agab kale oo loo adeegsan jiray wacyi-gelinta iyo kobcinta garaadka dadweynaha ee lagu soofayn jiray in ay gumeysiga iska xoreeyaan iyaga oo marka hore ujeeddadaa u midoobaya qabyaaladdana iska xoreynaya. Bal hadda aan qaababkaas si’ sar-ka-xaadis ah u guud-marro:
- Macfalladii: Waxay ahaayeen kulammo caadigoodu toddobaadle ahaayeen oo habeennadii lagu qaban jiray Xarumaha SNL, gaar ahaan Khayriyadii Hargeysa. Macfallo aan caadi ahaynna waa la qaban jiray marka loo baahdo ama arrin degdeg ahi yimaaddo. Barnaamaj yar oo kooban ayuu ahaan jiray. Aayado Quraan ah ka dib suugaan ayaa la tirin jiray guubaabin ah oo maansooyin iyo heesaba lahayd. Cabdillaahi Suldaan (Timacadde), Baadi Dubbad Ismaaciil (Baadi Caws-tume), Cabdi Xaashi (Xiid), Cabaade Geelle (Indhoolow Libaax), Faadumo Xirsi Cabbane iyo dad badan oo kale ayaa kaalinta maansooyinka buuxin jiray. Kooxdii Walaalo Hargeysa ayaa iyaguna kaalinta heesaha buuxin jiray. Waa sidii loo yidhi: “Beri-samaad waa badnaaye nolol ayaa ka badatay.” Markaa ka dib ayay khudabadaha tilmaanta iyo wax-sheeggu bilaabmi jireen, Casarka dheer ayaa loo sii diyaar-garoobi jiray,
- Wufuuddii: Waxa dhaqan joogto ah u ahayd xisbiyadii berigaa jiray oo ay SNL calan-side u ahayd in ay wufuud u diraan Degmooyinka iyo baadiyahaba, kuwaas oo dadka soo wacyi-gelin jiray. Waxa kale oo ay xogogaal u noqon jireen waayaha nololeed ee dadka iyo duunyadaba. Miyi iyo magaalo lama kala go’nayn ee salli ayaa lagu wada fadhiyay. Beryahaa dadku caasimadda uma ay badnayn bal se nolol miyi oo magaaladu ku tiirsan tahay ayaa jirtay. Kharashka safarrada waa la wadaagi jiray. Xisbigu baabuurka ama baabuurta lagu baxayo dadka magaalada ayuu u doonan jiray: deeq iyo deynba badroolkana waa ay ku shuban jireen. Degmooyinka iyo dadka loo tagaana marti-gelinta ayay lahaayeen. Wufuudda wax lagama sugi jirin ee waa lala sugi jiray oo waa loo loogi jiray,
- Toddobaadlihii Qarni-ifriiqiya: Waxa kale oo si’ aad iyo aad u kooban wacyi-gelinta iyo korinta garaadka dadkaba loogu adeegsan jiray toddobaadlihii Qarni Ifriiqiya ee afka Carabiga ku soo bixi jiray. Toddobaadlahaa Tirsigiisii ugu horeeyay wuxu iftiinka arkay 7/11/1958kii[1], Nasiib-darro lama kulmin cid xogogaal u ahayd Qarni Ifriiqiya iyo waayaheedii, waxaan se jeclahay in aan idin la wadaago Al-Liwa oo Axmed Yuusuf Ducaale iiga muddaakarooday, Qarni Ifriiqiyana aan ka fogayn, Wuxu ii sheegay in wareeggeedu ahaa 2.000 oo nuqul. Waxay soo bixi jirtay Khamiisaha, waxaana bogga hore lagu qori jiray in ay Jimcaha soo baxday. Dayuuraddii ‘Aden Airways’ ayaa la saari jiray ka dibna BOAC-da ayaa Yurub geyn jirtay. Degmooyinka dalkana waa lagu iibin jiray oo konton senti ayaa la siin jiray ama nus-shilin ama summuni. Al-liwa, waxay u janjeedhay xisbigii NUF, halka xisbigii USP uu ka lahaa toddobaadlihii Al-saraaxa
- Xidhiidhkii Laamihii Dibadda: Xidhiidhkii Laamihii Dibadda warar iyo macluumaadna waa lagu gudbin jiray, qaarna waa lagu qaadan jiray, Sanduuqii Boosta ee SNL wuxu ahaa 98.
- SNL, waxay lahayd barbaar u adeegi jirtay oo nidaamka ilaalin jirtay. Direys u gaar ah ayay lahaayeen. Isku-joog caddaan ahaa iyo jeeni-qaar doogo ahaa oo ay xarfaha SNL ku xardhanaayeen ayay xidhan jireen. Xafladaha ayay dadka soo ogeysiin jireen iyaga oo qaadan jiray bahal qori ka samaysneyd oo Qararac la odhan jiray. Gacanta ayaa lagu wareejin jiray ka dibna cod dadka soo jeediya ayay samayn jirtay. Ciidankaa Horseedku mararka qaarkood dadka waxay weydiin jireen yaad tahay? Qofka Soomaali ku jawaabi waaya ee qolo sheegta waa ay karbaashi jireen,
Qaab-dhismeedkii Xisbigii SNL:
Xisbigii SNL wuxu guud ahaanba u dhisnaa sida ay intada badan u dhisan yihiin xisbiyada caadiga ahi gaar ahaan kuwii la-filka iyo fekerkaba ahaa ee beryahaa jiray ama hawl-galkaba ahaa. Dhismahan hoos ku shaxaysan ayuu Xisbigu hawlihiisa u adeegsan jiray:
- Mu’tamar: Shirweyne dastuuri ahaa oo dhowrkii sannadood mar la isugu iman jiray. Waa hay’addii ugu sarreysay ee Xisbiga ee go’aammada kama-danbaysta ah lahayd laguna dooran jiray hay’adaha hoggaaminta ee Xisbiga,
- Lajna Tanfiidiya: Guddida Fulinta: oo inta badan ka koobnaan jirtay: Guddoomiyaha, Xoghayaha Guud iyo Khasnajiga (Xoghayaha Maaliyadda) oo Shirweynuhu dooran jiray,
- Idaaradda: Oo ka koobnayd wadarta Guddida Fulinta iyo ilaa 7 xubnood oo kale oo la magacaabi jiray oo foolaadka Xisbiga ahaa, sida aan ka soo xigtay Xuseen cabdillaahi Liibaan oo in badan Idaaradahaa ka mid ahaa,
- Lajnadda Faraca (Laanta Degmada): Waa Guddiyadii Degmooyinka oo iyaguna lahaa awooddooda dastuuriga ah,
- Faracyadii Dibadaha,
Sida dhaqanka Xisbiyaduba guud ahaan yahay SNL waxay lahayd oo ay ku shaqayn jirtay Barnaamij Siyaasiya iyo Dastuur. Dhammaan madaxda iyo xubnaha Xisbiguba lacag la’aan ayay ku shaqayn jireen tiro yar oo hawl-wadeenno ah oo saacado joogto ah oo shaqo lahaa mooyaan e’.
Erey-bixin carabiya ayaa la adeegsan jiray oo beryahaa erey-bixin siyaasadeed oo Soomaali ahi ma ay jirin. Ereyada kale ee la adeegsan jiray waxa ka mid ahaa:
- Cudwi: Xubin,
- Ishtiraak: Qaadhaan-bileedka,
- Jadwal Acmaal: Ajendaha,
- Qaraaraad: Go’aammo,
- Intihaasi: Danayste.
- Rajci: Dibusocod.
- Iyo qaar kaloo badan,
Deeqihii Waxbarashada:
Xisbigii SNL, wuxu arday u diri jiray Qaahira kuwaas oo mowduucyo kala duwan meelo kala duwan ku soo baran jiray saamayntoodana markii danbe ku yeeshay guud ahaanba nolosha dadka Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro in Xisbullaahi door shariif ka qaatay ololahaa tacliimeed,
Aasaaskii & Ujeeddooyinkii Ururkii Xisbullaahi:
Hilaad ku beegnayd dhamaadkii 1956kii ilaa bilowgii 1957kii ayaa magaalada Laan-mullaaxo lagu aasaasay Ururkii Xisbullaahi la odhan jiray oo janjeedh diiniya lahaa, siyaasadina aanay ka madhnayn. Ururkan waxa fikirkiisa iyo aasaaskiisaba iska lahaa Sayid Axmed Sheekh Muuse oo ahaa ganacsade deggenaa magaalada Qaahira ee xarunta u ah dalka Masar. Wuxu ahaa nin caalim ah oo ka qalin-jebiyay Al-azhar afkaartiisana ku daabici jiray buugaag yar yar oo kal-soo-bax ahaan jirtay. Sida aan ka soo xiganayo Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) oo aan tilifoonka ku wareystay. Rashiid oo markii hore ka baxay Machad Islaamiya oo Burco ku yaallay, markii danbena Qaahira wax ku soo bartay oo aan Sayid Axmed ka fogeyni wuxu ii sheegay in uu lahaa buugaag yar yar oo door ahayd.
Buugaagtaa waxa ka mid ahaa dhowr ku kala saabsanaa: Gumeysiga iyo dhibaatooyinkiisa, Islaamka, dhaqashada xoolaha iyo faa’iidooyinka laga helo iyo Deegaanka, Waa sida uu Rashiid-gadhweyne oo qaarkood akhriyay iiga muddakarooday.
Guddoomiyihii Xisbullaahi wuxu ahaa Xaaji Yaasiin Xandulle. Hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Ururkaa Xisbullaahina waxaynu u qaadan karaynaa Sayid Axmed Sheekh Muuse oo waayihiisa nololeed qasbayay in uu Qaahira degganaado dano badanina kaga daadsanaayeen.
Haddii aynu ilaa maantadaa aynu joogno xoolo u dhoofinno Qaahira, waxaan aamminsanahay in uu ahaa foolaadkii seeska iyo salkaba u dhigay,
Anigu aqoon caynkaas uma lahayn oo aan ahayn in aanu Dugsigii Sare ee Benaadir wada dhigan jirnay wiil uu dhalay oo Xaammud la odhan jiray. Warar mar-shub ah ayaan mararka qaar ka maqli jiray. Muddo gaaban ka dib ayaan isagana saxaafadda ku bartay wiil kale oo uu dhalay oo isagana Maxamed la odhan jiray, dhammaantood Ilaahay ha u naxariisto e’.
Dhinaca Tacliinta Sayid Axmed Sheekh Muuse iyo Xisbullaahida dowr shariif ah ayay ka qaateen. Laba dedaal aan tusaale u soo qaadanno:
Machadka Burco:
Dhismihiisii ka dib sidaan looga-qaateenka ka guntay waxa la furay ilaa laba bilood ka hor xornimadii 26kii, Juun 1960kii. Machad maamulkiisa u madax-bannaan ayuu ahaa, waxaana maamuli jiray Guddi Agaasimayaal (Board) laga sii xusuusto: Sheekh Cali Ismaaciil, Guddoomiye iyo Sheekh Xasan Geelle iyo Xaaji Jaamac Maxamuud (Mi’ateyn),
Xisbullaahi laba ujeedo ayaa ugu mudnaa sababihii loo aasaasay:
- In nabad joogto ah oo waarta laga dhex dhaliyo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadda sokeeye ragaadisay gaar ahaan tallowgii xuduudda oo ay dagaalladaasi u badnaayeen,
- In Xeerarka Soomaalida ee ay dadku ku dhaqmaan lagu beddelo Shareecadda Islaamka,
Ururkii Xisbullaahi ee berigaa jiray waxba lama-wadaageyn kuwa immika jira, maxaa yeelay kan hadda jiraa berigaa ma uunnayn oo toddobaatannadii intii ka danbeysay ayaa la sameeyay. Labadan Qodob waxaynu u soo qaadannay siday ahmiyadda ugu lahaayeen Ururka e’, Xisbullaahi kama madhnayn xoreynta iyo mideynta shacbiga Soomaaliyeed.
Kheyriyada: Xudduntii, Xaruntii iyo Xidhiidhkii Halgameed:
1935kii, waxa la furay Khayryadii Burco oo ahayd tii koowaad tii labaad ee ku xigtayna Hargeysa 1938kii. Intaa ka dib xarumihii Degmooyinka kale ayaa la wada gaadhsiiyay. Dareenkii gumeysi-diidka iyo xornimo-doonka ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogaysanayay.
Kheyriyadaha Somaliland waxa dhismahooda la bilaabay 1935kii iyada oo lagu ballaysimay ama bilaabayba Kheyriyada magaalada Burco oo xadhigga laga jaray 1935kii. Dadweynuhu furitaankeedaa waxay ugu yeedheen “Caddiyatul Raxmaan” ama haddii aynu soomaaliyeyno: Deeq Eebbe
Kheyriyaduhu waxay ahaayeen xarumo ay dadku danahooda in ay ku qabsadaan oo ku kulmaan u dhisteen. Xoolo iyo hanti lacageed oo dadweynaha laga guray ayaa lagu dhisay. Ruug-caddaaga arrimaha Maamulka iyo Maareynta, Axmed Jaambiir Kaahin oo aan dhismaha
Kheyriyadaha ka wareystay ayaa ii sheegay in aabbihii Jaambiir Kaahin oo ka mid ahaa foolaadka odayaashii Hargeysa u sheegay in uu qaalin geel ah ku deeqay markii Kheyriyada Hargeysa la dhisayay.
Ujeeddooyinka ugu mudnaa ee Kheyriyadaha loo dhisay waxa bud-dhig iyo aasaasba u ahaa in ay dadweynuhu magaalo ahaan ugu kulmaan oo danahooda ku falanqeeyaan si’ loo yareeyo saamaynta ay qabyaaladdu ku yeelan karto dadweyne ay mideyso magaalo ay ku wada nool yihiin.
kheyriyada Hargeysa iyo kuwa kale ee magaalooyinka kaleba ku yaallaa waxay soo mareen is-dhalan-rog la yaab leh oo ay marba kaalinta horumarka ee mujtamaca kaga jireen. Aan tusaale u soo qaadanno Kheyriyada Hargeysa oo bal taxno inta jeer ee ay is-beddeshay tan iyo ballaysinkeedii. Aan wadaagno xogta iyo macluumaadka ay suurto-galka ii noqotay in aan soo ururiyo ee daarran tagtadeedii iyo sidii ay hadba isu dhalan-rogaysay:
- Kheyriyada Hargeysa waxa la furay 1938kii,
- Qaybta bariga u jeeddaa Naadigii Hindida ayay ahaan jirtay. Kadinka laga soo galo waxa oolli jiray laba libaax oo si’ rasmiya u fadhiya oo la dhex mari jiray sibidhna ka samaysnaa. Bililiqadii 88kii ayuu dhaxalkaasina ku maqan yahay,
- Dhisme qurux badnaa oo aan dhiggiisu magaalada ku oolli jirin oo naqshad (Design) Faarisiya (Persian) berende shabeg looxaan ahaa ka samaysan oo daadsan ayuu lahaa. Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo khayryadaa baryaha qaar gacanta ku hayn jiray ayaa ii sheegay in qoriga ama looxa lagu dhisay laga keenay Jaziirada Sayloon. Xayaab ubax soo-jiidasho lahaa ayaa ka bixi jiray. Daayeerro aan badnayn ayaa iyaguna joogi jiray,
- Galabtii la furayay waxa khudbaddii furitaanka akhriyay Iimaan Dhoorre oo ahaa Horjoogaha Karraaniyiinta (Chief Clerk) Xafiiska Guddoomiyaha (DC) Hargeysa Mr. Parker oo loo yaqaannay ‘Weji-xun’, Mr. Parker galabtaa waxa la joogay turjubaankiisii oo ahaa Cali Ducaale. Waxa kale oo isaguna maamulkii Degmada ka mid ahaa goob-joogna u ahaa xafladdaa furitaanka Cabdiraxiim Caabbi Faarax oo khudbadda soo qalin-daraaleeyay[2]. Cabdiraxiim markaa wuxu ahaa karraani gacan-yare u ahaa horjoogaha Karraaniyiinta.
- 1941kii markii Talyaanigu dalka qabsaday Saldhig Bilays ayuu u rogay,
- Ingiriiskii markii uu dalka dib u qabsaday caabbaar ayay Kheyriyadu sii ahayd Saldhig Bilays,
- Ka dib Kheyriyadii waxa loo rogay oo laga dhigay Madrasad wax lagu barto iyada oo ardayda loo diri jiray Suudaan. Ardaydaa wax ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Cali Gurey, Guddoomiyihii 2aad ee SNM. Waxa kale oo ardaydii Khayryada laga diray ka mid ahaa: Maxamed Cumar Jees, Axmed Maxamuud Faarax (Laxwas) iyo Bile Rafle Guuleed sida uu ii sheegay Barre Nuux.
- Ka dib waxa loo rogay meel Kutubta lagu akhriyo, dhinaca kalena turubka lagu ciyaaro,
- Mar kale waxa la dhigay miisaskii ‘Table Tenista’ oo ciyaalka ayaa fasaxyadii ku ciyaari jiray aadna u cammiri jiray,
- Intii ka danbeysay markii SNL lagu dhawaaqay 1952kii waxay noqotay Xaruntii SNL oo dadka ayaa laga guubaabin jiray ilaa 1960kii,
- Cabbaar ayay sii ahayd Xarunta SNL oo hawlaheedii sii shiiqayeen wixii gobannimadii iyo is-raacii ka danbeeyay,
- Ka dib waxay u digo-rogatay Xaruntii Xisbigii SNC oo isagana Cigaal ka madax ahaa, Xaruntiisuna ahayd Muqdisho,
- 1969kii, inqilaabkii millateriga ka dib ayaa laga dhigay Xaruuntii Hanuuninta Dadweynaha.
- Cahdigii Bile Rafle Guddoomiyaha Gobolka ahaa dhismihii qadiimiga ahaa ayaa la dumiyay oo mid kale lagu beddelay,
- 1991kii waxay noqotay goob dadweynaha looga akhriyo khudbadaha oo lagu baraarujiyo oo inta badan Xukuumadihii dalka u kala danbeeyay adeegsadaan,
- Isla xilliyadaa waxa kale oo ay ahaan jirtay Xarunta Degmada 26ka Juun,
- 2012kii, ayaa qaybtii wajahadda ee dadka lagala hadli jiray la siiyay nin ganacsade ah oo hudheel laga cunteeyo loo rogay qaybtii danbena loo daayay Degmada 26ka Juun,
- 2019kii ayaa la sheegay in hoy taariikheed laga dhisayo, waa la dumiyay dhismihiina wuu socdaa,
Gebagebadiina, Tuduc ku jiray maansadii Gudgude ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi, ayaa ahaa:
“Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,
Galladduna waxay saran tahay, wax isu geyngeyn,”
Ilaahay tubta san ha ina waafajiyo, AammiinS
Raad-raac:
Maxamed Xaaji Mukhtaar Xuseen: Al-ashar Thesis.
Maxamed Xaaji Ibraahin Xujaale, All in the family,
https://www.horndiplomat.com/2018/02/18/the-rebirth-of-somaliland-1-history-of-somaliland/
Wareysiyo:
Axmed Jaambiir Kaahin,
Xuseen Cabdillaahi Liibaan,
Saleebaan Cumar-Ku-joog,
Axmed Yuusuf Ducaale,
Barre Xaaji Cabdillaahi Nuux,
Rashiid Sheekh Cabdillaahi Axmed,(Gadh-weyne),
Shabax Ismaaciil Baa-sarce,
Cabdi Sheekh Maxamed (Laangadhe),
Cabdillaahi Aadan (Congo).
Cismaan Xasan Axmed (Indhoole)
Maxamed Xaaji Ibraahin Xujaale,
[1] Axmed Yuusuf Ducaale oo madaxdii Al-Liwa ka mid ahaa ayaa ii sheegay in Tirsigii ugu horreeyay ee Al-Liwa soo baxay 24/10/1958kii, Qarni Ifriiqiyana laba toddobaad ka dib,
[2] Sheekadan waxa ii mariyay Axmed Yuusuf Ducaale oo ka xigtay Cabdiraxiim Caabbi Faarax oo uga muddaakarooday intii aanu dhiman,