Muj. Yuusuf Cabdi Xasan: Erey sagootin ah

(1958kii – 2019kii)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

cankaabo@Hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

 

Hargeysa, 26/3/2019ka,

 

“Dhulka hanad ka duuliyo,

 Duryaan ku dhaatay,

 Daalacaan ku dhaatay,”

 

Daalalley, Hadraawi, 1987kii

Axaddii hore ee bishan Maarj oo ay taariikhdu ku beegnayd 17/3/2019ka ayaa Mujaahid Yuusuf-weyne laga qaaday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Isaga oo sakaraad ah ayaa laga dejiyay magaalada Xeydar Abaad oo Cisbitaal halkaa ku yaal la dhigay. Axaddii xigtay oo ay taariikhdu ku sunyanayd 24/3/2019ka ayuu xaqii ku soo degay oo uu halkaa ku geeriyooday. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, Hooyadii, Xaaskiisa, ubadkiisa, walaalihii, Mujaahidiinta iyo saaxiibbadiiba Ilaahay Samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Muj. Yuusuf-weyne wuxu ku dhashay magaalada Gebilay 1958kii. Hooyadii waa Faadumo Cabdi Cali, aabbihii Cabdi Xasanna  cunto-kariye (cook) ayuu ka ahaan jiray Jabuuti odayaasha dadka u arrimiyana ka mid ayuu ahaa. Dugsigiisii Hoose iyo Dhexeba wuxu ku qaatay Gebilay. Sida ay xaaskiisa Raxma i9i sheegtay Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay magaalada Buulo-burde. Ku-sinnaan dhowr iyo tddobaatankii qarnigii 20aad ayuu qortay ciidankii Xoogga Dalka. Tababar laba ilaa saddex sannadood ahaa ka dib wuxu noqday Xiddigle.

1981kii isaga oo laba-xoiddigle ah oo saad-haye u ahaa Guutadii 8aad ee Gaaskii 3aad ee Dharkeynley deggenayd ayaa halkaa duhur cad, daahir yaa shamis iyada oo aan geedna loogu soo gabban Gaashaanle Dhexe Cabdillaahi Siciid halkaa lagu toogtay. Yuusuf-weyne iyo Maxamuud Xasan (Gacmo-dheere) ayaa bartii iyaga oo aan cidna waxba weydiin ka soo dhaqaajiyay oo cidhib barako leh ku soo dhuftay.

Maalmihii dhawaa ee uu cisbitaalkan Hargeysa jiifay ayuu sheekadan ii marinayaa, Col. Cabdillaahi Siciid waxa la toogtay 27/3/1982kii, Yuusuf-weyne iyo Gacmo-dheerena bilowgii Feeberweri 1982kii waxay joogeen oo ay ka mid noqdeen Ciidankii Unugga iyo Aasaaskaba u ahaa SNM ee Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhadda Soomaali-galbeed.

Cabdillaahi Ibrahin oo Guutadaa ka tirsanaa oo iiga warramayay ayaa ii sheegay in Guutadii 4aad ay xuduudda Itoobiya inoo dhyexaysa ka tallowday 5tii Feeberweri. 1982kii. Muddo saddex maalmood ahayd ayay Guutadii 4aad ku sugnayd Tuulo yar oo Siyaarada la yidhaahdo. 8/2/1982kii oggolaansho ayay ka heleen ciidamkii Itoobiya ee ku beegnaa si’ ay u soo tallaabaan.

Dadku dadkan maanta nool ma ahayn. Hanka, hiyiga iyo hiigsiguna kuwan maanta ma ay ahayn ee tahan ayay ka durugsanaayeen. Himiladu waa ay fogayd hayaankuna aad ayuu u dheeraa. Dadku hafeefta waa ay wada qabeen iyaga oo mideysan in ay halgan hubeysan kaga fal-celiyaan ayay guddoonsadeen. Hal-beegyada hummaagga ah ee maanta jira qof kasta oo ku cutiyaa wuu ambanayaa haadaan ayuu ka dhacayaa. Maalmahaasina maalmo ayay ahaayeen, maantana  waa maalmo kale. Guutadii 4aad ee Durya Soomaali iska daaye ciidan Abbo ah oo Mujaahid Maxamed-cali Faarax la socday ayaa xataa ku jiray. Heerarkaas ayay garashada iyo bislaanshuhu salsallaabayeen. Maanta maalin mashruuc iyo muraad iskaba gaaban ma aha. Waa maalmihii malaha iyo mutuhinta. Waa maalmihii male-awaalka iyo marin-bixinta guud. Kol haddii aynu Daalalleydii soo qaadnay, waa maalmihii ‘Dabka loogu xiddigin jiray.’

Marwo Raxma Xaaji Cabdi Cabdillaahi ayuu guursay sannadkii 2000. Waxay isu yeesheen ubad 5 ah oo kala ah: Nasra, Naxamed, Naciima, Sakariye iyo Yaxye. Intuba waa ay nool yihiin oo way dhaqan yihiin, Ilaahay ha dhowro e’.

Anigu qof ahaan Yuusuf-weyne waxaan ku baranayaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Dhammaadkii Bishii Ogos, 1982kii ayaan Jigjiga iska soo xaadiriyay oo aan si’ toos ah ugu soo biiray halgamkii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Markaa aan imanayo saldhig ciidan waa Durya oo keliya. Jabhadduba saldhiggaa ayay wada deggenayd, In yar oo hoggaanka iyo maamulka ahayd ayaa deggenayd Hudheel Havana la odhan jiray oo aan u malaynayo in uu 8 qol oo min laba sariirood yaalleen ahaa. Gaadhi waxa la haystay Land-rover iyo iska-rogadii casayd ee Maxamed Faarax Guraaye. Berigaa ay loxoska ahayd SNMtii la hayn waayay ee nidaamkii Maxamed Siyaad Barre jilbaha u dhigtay, sidaas ayay iska ahaydba.

Yuusuf-weyne saldhiggii Guutadii 4aad ee Durya-dheer ayaan ku bartay mar aan soo booqday. Jabhad caadiya oo duruuftii meesha taallay la qabsaday oo aan Mujaahidiinta iska sarreysiin madaxna iskaga dhigin ayuu ahaa. Siigada ayay wada huwan jireen, sallaxana waa ay wada barkan jireen, waa halkii Gaarriye e’.  La-qabsashada duruufta jabhadeed iyo xero-joogga ama xero-qabatinka foolaadka lagu majeerto ayuu ku jiray.

Dhaqan iyo dha;anba Mujaahid caadiya ayuu ahaa. Mujaahidiinta xerada ayuu si’ joogto ah ula joogi jiray, wax ugu wada cuni jireen oo u wada seexan jireen. Waxba uma kala qarsoonayn sidaas ayaanay isku aammineen oo ay ku wada hawl-geli jireen. Sidii ay Mujaahidiintuba u badnayd hawl-galladii uu ka qayb-galay waa ay badnaayeen. Qaar Jugta weyn ahaa iyo qaar saldhigeed oo farac ahaaba waa ay lahaayeen.

Guda-galkii 1984kii Mujaahidiintii ka qayb-gashay ayuu ahaa. Dagaalladii ugu adkaa uguna ba’naa ee SNM gasho ayuu dagaalkaasi ahaa. Intii faro-ku-tiriska ahayd eek a soo baxday ayuu ka mid ahaa. 1988kii iyo qaar kale oo badnaaba waa uu soo galay. Berigaas ayaan waqtigii ugu badnaa saldhig ciidan ku wada qaadannay aniga ilaa afar bilood la deggena Buurta Waraabaley ee Arabsiyo dusheeda ah.

1989kii ayaanu galab cirku aad u tusnaa ka wada baxnay Allay-badey annaga oo ku soconnay Idhankaa Kalabaydhka u dhow. Wuxu Yuusuf-weyne fuushan yahay shidhka baabuur Toyota ah oo qori saran yahay’ Aniguna waxaan saarnaa baangadda Beebee ku xigay. Halkii aanu ku soconnay markii aanu in yar u jirnay ayuu ciidankii joojiyay. Halkaan saarnaa ayuu ka naxay ayaan is-idhi. Gaadhigii inta uu ka soo degay ayuu halkiisii I saaray. Isaguna Beebbeegii ayuu fuulay oo wuxu ku fadhiistay furka laga galo ee furma. Sidaadii aanu u dhaqaaqnay ayay Beebbeegii miino la kacday. Yuusuf habeenkaa bowdada ayuu ka kala duulay oo Bartii Caafimaadka ee Durya ayaanu ku celinnay. Aniga biihaana wuu ii galay, waana igu qaan in kasta oo ay ahayd wax Eebbe qaddaray. Mar kasta oo aan arkaba waan xusuusan jiray, naxariistii Eebbe naxariistiisii ha ka waraabiyo e’.

Yuusuf-weyne markii dalka la xoreeyay wuxu si’ hagar la’aan ah uga qayb-qaatay hawlihii iyo ololayaashii is-daba-joogga ahaa ee dalka ka socday. Wuxu si’ xarrago leh uga muujiyay dedaal badan hub-dhigistii iyo dhismihii ciidanka qaranka. Wuxu qayb libaax ka qaatay dibuheshiisiintii iyo nabadayntii. Wuxu ka mid ahaa foolaadkii dhisay eek a hawl-galay Xarunta Sooyaal ee rug-caddaaga halgankii hubeysnaa ee SNM. Tan iyo 2005tii wuxu ahaa madaxa Hay’adda ‘International NGOs Security Organisation (INSO) oo Soomaali ku noqonaysa Ururka Badbaadada Hay’adaha Caalamiga ah.  Yuusuf-weyne wuxu ka tirsanaa ciidanka Qaranka waxaanu ahaa Gaashaanle-dhexe.

Yuusuf sidaa magaciisu sheegayo wuxu ahaa shakhsiyad doc kasta oo aad iska taagtaba u weyn. Ilaahay baa weyne, dhumuc iyo dherer oo keliya weynida looguma bixin. Ka-qayb galkii halgankii hubeysnaa waajib saarnaa ayuu u arkay. Ma ahayn dadka halgankii iyo dadkaba u tar sheegta. Isaga oo meelahaa ka calaacalaya kana cataabaya ma aynu maqal. Isaga oo si’ joogto ah ‘computer’ ugu shaqaynayay haddana sawirkiisa Google-ka waan ka waayay. Lama arag isagoo TV-yada ka hadlaya oo leh: “Tanaan dhigay iyo tanaan dhigay.”

Qoyska waan aqaan horena waan u aqaannay iyo carruurtaba. Hooyadii Faadumo ayaan cisbitaalka ku bartay. Werwer iyo walaac badan ayay xanuunkiisa ka qabtay. Yuusuf-weyne macaan ayuu qabay oo mar ayaa lugta ilaa kubka wixii ka hooseeya la jaray. Immikana kelyaha ayuu u dhintay waxna waa ay u weheliyeen. Maalin maalmahaa ka mid ahaa waxay ugu ducaynaysay: “Ilaahayow ha na kala horreysiin.” Gabadh gogosha tagtayna waxay Hooyo Faadumo ka sheegtay in ay lahayd weligii erey xun ima odhan. Bal ka warrama xanuunka iyo xanafta hooyooyinkaa naftood-hurayaashaa geeri u joogga ahaa dhalay. Tan aynu maanta dhex joogno dhibtaas ayuu xanuunkaas ayaa loo soo maray oo qoys kasta si’ toos ama dadban u taabatay.

Wixii qaylo iyo sawaxan inaga soo maray ururro iyo xisbiyo siyaasadeed Yuusuf-weyne dheg jalaq uma siin ee danta qaranka ayuu ka raacay. Dhammaantiinba waan idin ka raalli-gelinayaa qormadan aadka u gaaban ee gole-ka-fuulka ah. Intaa iyo in ka badan Mujaahidiintu waa ay inaga mudan tahay.

Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana Samir iyo iimaan ha inaga siiyo,

‘Fii amaanillaah.’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *