Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka)
“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,
Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,
Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,
Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,
Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,
Wixii na dhibaaya naga dhowr.”
Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg
Qalinka: Boobe Yuusuf
30/9/2014ka,
Waa Qormo aan laba sannadood ka hor qoray oo aan dib u nakhtiimay si aynu u maamuusno sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay geeridii naxdinta lahayd ee Macallin Feysal Cumar Mushteeg.Feysal waxa lagu aasay Hargeysa 21kii Sebtember, 2012kii.
Waa halkii Gaarriye e’: Alleylehe qod baa dhacay, Alleylehe qar baa dumay,” Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye isagana aan u soo wada ducayno. Ha samaato oo ha la helo. Aammiin.
Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, xabaashana ha u nuuro.
20kii Bishii Sebtember 2012kii, ayaanu booqasho ku tagnay qolalka danbe ee yar yar ee cisbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaanu u dan lahayn qolka 6aad oo safka hore ah oo uu deggenaa ama ku jirayba fannaankii caan-baxay ee Feysal Cumar Mushteeg. Afar ayaanu ahayn: Mustafe Kiiko, Baashe, wiilkayga Aw Yuusuf iyo aniga. Aw Yuusuf oo qolkiisa yaqaannay ayaa noogu hor degay. Soo-noqodkii uu soo socday waxaanu ka garannay, in Feysal laga saaray qolkii. Intii aanu aw Yuusufba na soo gaadhin, waxa qolkii bidix ka xigay ka soo baxay Cawil (Bulbul) oo macallin reer Hargeysa ah. Wuxu noo sheegay in la qaaday shalay oo ay u yimaaddeen rag ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Faruur iyo Basbaas oo ka qayb-gelayay Bandhig-faneedka sannad walba bisha Oktoobar lagu qabto magaalada London. La-ye bas ayay ku sii qaadeen, ka dibna Berbera ayuu ku sakaraaday oo waa la soo celinayay. Tilifoonkii Muuse Cali Faruur ayaan garaacay, waxaana iga qabatay inantiisii oo ii sheegtay in ay maalintaa subaxnimadeedii dhoofayeen.
In uu Feysal Cumar Mushteeg dhakhtarka Hargeysa ku jiro waxaan ku ogaaday aniga oo magaalada Jubba ee Koonfurta Soodaan jooga badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Maa daama ay Iiddii soo dhaweyd, Feysalna aan xarragadiisa ogaa weliba macawis-jacaylkiisii, yarkayga Aw Yuusuf ayaan u sheegay in uu macawis iyo cumaamad cusbayd oo guriga yaallay u geeyo shaadhna u sii iibiyo. Isaga ayaa ii sheegay in uu xanuunsanayo oo ay cisbitaalka isugu iman jireen fannaaniin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Aadan Dacar, iyo Basbaas.
Aw yuusuf isagana aqoon ayaa u korodhay oo wuxu goob-joog u noqday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Feysal Cumar Mushteeg oo marinaya qaar ka mid ah sheekooyinkiisii malabku ka hibitiqaayay ee qof dhegaystaa aanu afka isku dari jirin, dhegtana xoqan jirin.
Feysal Cumar Mushteeg ayuu magaciisu ahaa. Qaybo badan oo nolosha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah ayuu aad iyo aad uga muuqday. Si aynu u garanno shakhsiyadda Feysal Cumar Mushteeg aynu u noqonno halkii uu ka beermay iyo gurigii uu ka soo baxay ama ku soo barbaarayba. Laba aan kala liidan oo magac iyo milgaba ku lahaa Hargeysa ayaa dhalay. Aabbihii wuxu ahaa Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa dadkii ra’yal- caamka Hargeysa samayn jiray ama qarqoori jirayba. Dhanka kale wuxu ka mid ahaa xertii Qaraamka. Waxaan ka mid ahay inta nasiibka u heshay in ay aragto Cumar Mushteeg oo suuqyada Hargeysa taxaashaya. Beryahaa Hudheelladan badani ma jirin ee waxa ugu mudnaa Oriental Huteelka oo saraakiisha iyo foolaadka magaaladuba fadhiisan jireen. In badan ayaan u soo lignaa Cumar Mushteeg oo sii gelaya ama ka soo baxaya, oo macawis iyo koofiyad xidhan, shaadhka gacmaha laabtay oo suxullada dushooda ku duubay, cumaamadi degta u saran tahay ulna sita. In uu carrab-jalaqo yar lahaa ayaan u malaynayaa.
Daba-ka-eri oo ahaa nin gabayaa ah oo caan-baxay ayaa maanso u soo dhiibay Tuke, taas oo uu ku sifaynayay gabadh uu duunka hoose ka jeclaa. Dadka uu ku soo hal-qabsaday waxa ka mid ahaa: Cumar Mushteeg iyo nin uu ku sheegay Cabdi Ina Wadaad oo uu uga gol lahaa Cabdi-dhuudhi oo qudhiisu ka mid ahaa odayaashii foolaadka u ahaa magalada Hargeysa. Maansadaa Tukaha ee Aadan Jaamac Guuleed (Daba-ka-eri) ka soo diray magaalada Seylac oo uu askari ka ahaa, waxa ka mid ahaa:
“Cabdi Ina Wadaad iyo haddaad, Cumar Mushteeg gaadho,
Codka aan ku faro iiga gee, waan cadhaysnahaye,
Inantaad cadceed soo baxdiyo, canabka moodaysay,
Inantii ragguba caashaqee, ceelka Herer joogtay,
Dhulku idinla ciiryaye siday, Cadar idiin dhaaftay,”
Waxay sheekadu leedahay in uu Daba-ka-eri markii danbe guursaday gabadhaas oo la odhan jiray Canbaro Nuur Yeey oo u dhashay Faadumo iyo Maxamed.
Feysal, hooyadii waxay ahayd Aamina Maxamed Bulxan. Dumarkii muddakarka ahaa ee Hargeysa ayay ka mid ahayd. Waxay saaxiibbo ahaan jireen Habar-yartay faadumo Cabdi Ibraahin oo ‘Dararamle’ hooyadii ahayd. Dhammaantood Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Awowgii Maxamed Bulxanna (Cawar) wuxu ahaa gabayaa degellada Soomaaliyeed aad looga yaqaanno oo af-tahan ahaa. Gabayadiisa hal-ku-dhegga noqday waxa ka mid ah “Dal-dhammeeye”, oo uu ku bilaabay:
“Burhaan gabay Bullaalow beryaha, beeg is-ma lahayne,
Waa taan ka baaliday sidii, beeyo roob helaye,
Aan beyaamiyo waa taan tixaa, buuni ku ahaaye,”
Waxaana dhex-taal u ahaa beydka ah: “Dadka nimaan baguugaha mar noqon, buugga laga waaye.” Waxaan si fiican u xusuustaa habeen nin Jaamicadda Boosaaso macallin ka ahaa BBC-da ama VOA-da laga wareysanayay oo uu marinayay gabaygaa caan-baxay ee Maxamed Bulxan.
Feysal Cumar Mushteeg, aabbihii iyo hooyadiiba kama ay xumeyn in uu fannaan noqdo, bal se waa ay ku majeeran jireen. Waalidkii beryahaa joogay iyo qaar badan oo immika joogaa se la mid ma aha. Feysal Cumar Mushteeg dareenkan wanaagsan ee waalidkiisu dhiirri-gelin ayuu u ahaa.
Saaxiibbadiisii fanka ay ku wada jireen lama ay qabin dhiirri-gelintaas iyo dareenkaa wanaagsan. In badan oo la mid ahayd deyro iyo duflaal waalan ayaa la qoray, taas oo saamaynteeda taban ku yeelatay noloshoodii faneed rag ha ahaadeen ama dumarba ha ahaadeen e’.
Sidii uu sheegay Axmed Saleebaan Bidde, Feysal Cumar Mushteeg wuxu ku dhashay kuna barbaaray magaaladan Hargeysa oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay. Cabdillaahi Fidaar oo Feysal mar la wada qoray dugsiga ayaan ka wareystay dhalashadii Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu ii caddeeyay in ay labadooduba dhasheen 1940kii.
—-
Isla sannadkaas waxa ku dhashay magaalada Hargeysa Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaannay ‘Dararamle’ oo ay Feysal Cumar Mushteeg qaybo badan oo nololeed wadaageen, gaar ahaan fanka. Waxa kale oo uu sannadkani I xusuusinayaa in ay dhalatay, naxariistii Janno Alla ha ka waraabiyo e’, walaashay Ruqiya-Caneb Yuusuf Ducaale, oo 14kii Diisambar, 2010kii ku dhimatay laguna aasay Jabuuti. Had iyo jeer waxay iga wareysan jirtay “Dararamle’ oo ay igu odhan jirtay habeen iyo maalin ayaanu kala dhalannay. Waxaanu wada deggenayn Xaafaddii Laba-nuux. Xataa Feysal Cumar Mushteeg qudhiisa ayaa hal-hays u lahaa oo uu igu odhan jiray habar-wadaag.
Malcaamad Quraantii ka dib, wuxu dugsiga hoose ka galay magaalada Hargeysa. 1949kii ayaa la qoray dugsiga hoose ee Sheekh Bashiir oo berigaa la odhan jiray ‘Government school’. Mar danbe ayaa dugsigaa loo bixiyay ‘Fisher’, markii lixdankii la xoroobayna, waxa loogu wan-qalay ‘Sheekh Bashiir’ oo ilaa maanta lagu magacaabo. Waa ballaysinkii iyo bilowgii waxbarashada Somaliland ee ay yagleeleen Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Cabdillaahi Fidaar oo macallin iigu ahaan jiray dugsiga Axmed Gurey oo aan ka wareystay fahmadii Feysal ayaa ii sheegay in uu ahaa ‘A’ Student ama ardayda safka hore ku jiray. Wuxu intaa iigu daray in aanu Feysal Cumar dib u eegi jirin buugaagtiisa, bal se inta uu xiisadda ku jiro wax walba ka bogan jiray. Feysal Cumar Mushteeg 1954kii ayuu dhammaystay tacliintiisii dugsiga hoose, waxaanu u wareegay Cammuud oo uu tacliintiisii dugsiga dhexe ku dhammaystay 1958kii.
Intaa ka dib Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka hawl-galay xannaanadii xoolaha, gaar ahaan magaalada Burco. Feysal Cumar Mushteeg wuxu ahaan jiray ciyaartoy kubbadda cagta ah, waxaanu qaadan jiray lambarka 11aad oo beryahaa ahaan jiray koonaha bidixda. Halkaas ayuu goolka kaga shubi jiray, waxna waa uu ka dheerayn jiray.
Sida ay saaxiibbadii beryahaa la noolaa ii sheegeen in uu ka qayb-geli jiray oroddada qudhooda. Feysal Cumar Mushteeg, wuxu ka hawl-galay xafiiskii xannanada xoolaha ee Burco. Beryahaas ayuu bilaabayaa silsiladdiisii heesaha ahayd ee uu ku qaadi jiray codka ‘Subcis’. Dareen beryahaa ka dhashay ayuu ka tirinayay ereyadaa mahadhada reebay, markii danbena hal-ku-dhegga noqday.
Carruur ayaan ahaa maa daama aan dugsiga dhexe ka bilaabay Axmed gurey sannadku markii uu ahaa 1959kii lixdii bilood ee danbe. Waxaan xusuustaa in aan beryahaa ku dhegaysan jiray guriga walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale. In kasta oo aanan wada xussuusan, haddana waxaan ka sii hayaa oo weli xiskayga ku keydsan:
“Habeen dem ah oo dabaylo leh,
Duqii oo jooga daartii ka wada baxnayoo,
Dawaafnay buurta dacalladeedii,
Ma garan isku daal-dhaceennii,”
Waxa kale oo aan ka sii xusuustaa:
“Waxaan canbayow haadka kaa celiyaba,
Waxaan sida Cawsha kuu guciyaba,
Ma hadday ku cuneen cadaawuhu,”
Sida aan ka soo xigtay fannaanka caanka ee Busi oo ii sheegay in uu ereyadan ka qoray Feysal Cumar Mushteeg afkiisa, waxa kale oo ka mid ahaa:
“Burcoo idil baa bidhaamaysoo,
Baroo idil baa barwaaqooboo,
‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ Laydh,”
‘Parker wuxu ahaa sarkaal xukumayay. Intaa haddii uu yidhi fannaankeennii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg ayaa loo sheegay in uu Burco ka tago oo loo beddelay Bari, waxaanu intaa hore ku kabay:
“Anoon booqan Bari u bixi maayee,
Ma baahde Ilaahay baa la baryaa,
‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ laydh,”
Sheekadu waxay leedahay mar danbe ayuu maqlay in jacaylkiisii la guursaday, waxaanu intaa hore ku daray:
“Bustaankaan ka beeray Boorame,
Baaq-baaq baan islaa bilow dhow,
Bartiikhii la guursay waa been,”
1960kii Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka wareegay xafiiskii xannaanada xoolaha, waxaaanu galay Dugsigii ama Xaruntii Tababarka ee xirfadaha ee Cammuud oo loo yaqaannay “Vocational Training Center” oo loo soo gaabsan jiray “VTC” oo ay dad badani ka soo baxeen. Sidii ay saaxiibbadii ii sheegeen wuxu ka mid ahaa ardaydii tacliinta ugu fiicnayd, isaga oo halkiisii ka sii watay ka qayb-galkii ciyaaraha oo aad loogu majeeran jireen.
Laba sannadood ka dib ayuu ka soo baxay tababarkii waxaanu noqday macallin, isaga oo ka soo shaqeeyay meelo badan. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale wuxu ii sheegay in uu macallin u ahaan jiray. Walaashay Sacdiya (Baarcad) oo aan ku dhalasho xigayna waxay ii sheegtay in uu macallin ugu ahaan jiray dugsigii hoose ee New Hargeysa oo beryaha qaar la odhan jiray “Reece”. Sacdiya-Baarcad waxay ii sheegtay in uu daqiiqadaha hore oo dhan fasalka u heesi jiray. Waxay ii sheegtay in uu mar danbe odhan jiray xamaamkii ma is-taagay, markaa ka dib ayuu xiisadda bilaabi jiray.
Qaar badan oo idin ka mid ah ayaa is-weydiin kara goorta aan taxanahan qoro ama qorayba. Kan oo keliya ma aha ee waa kuwa kale ee badan. Badanaa marka aan taxanaayasha noocan oo kale ah qorayo, waa ay yar tahay inta aan qofka ama shakhsiyadda aan ka sheekaynayo ka aqaannaa. Badanaa taxanayaasha noocan ah waxaan qoraa maalinta qofka aan ka sheekaynayo la aaso maalinta ku xigta, ka dibna waxay qaadataa qormooyin badan oo taxane ah.
Laba siyaabood ayay arrintani ku dhacdaa. Midi waa inta aan qofkaa ka aqaan, ta labaadna waxa weeye xogta dheeraadka ah ee aan ku helo cilmi-baadhista aan sameeyo. Marka aan mowduucyada noocan ah gelayo, badanaa taxanayaashaydu waa gole-ka-fuul oo maalinta la daabacayo maalinta ka horreysa ayaan maalin kasta laba bog qoraa, aniga oo waqtigayga wax aan sidaa u sii badnayn ka hura.
Aan u soo noqonno taxanahan aynu maanta haynno ee daarran fannaankii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg. Aniga oo raadinayay xog dheeraad ah oo noloshiisii ku saabsan, ayaan, nasiib-wanaag la kulmay Maxamed Maxamuud Cige oo ‘Busi’ loo yaqaan. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’ wuxu inoogu deeqay taariikh badan oo hodan ah oo uu lahaa Feysal Cumar Mushteeg. Ma ahayn wax keligay la I siiyay, bal se waa mid uu iga oggolaaday in aan idin la wadaago.
‘Busi’ wuxu taariikhdan ka qoray Feysal Cumar Mushteeg, maalin Arbacaad oo ku beegnayd 15/10/1997kii. Innaga oo macluumaadkan siyaabo badan u adeegsan doonna bal aynu saxno dhacdooyin iyo taariikho aynu qormooyinkii hore ku soo aragnay.
Feysal Cumar wuxu sheegay in uu ku dhashay Xaafaddii Laba-Nuux ee Hargeysa sannadku markii uu ahaa 1941kii. Malcaamad Quraantii wuxu ka galay Malcaamaddii macallin Jaamac ee Heegada u dhaweyd.
Cammuud wuxu ka galay Xaruntii Tababarka Macallimiinta (Teacher’s Training Center, TTC). 1958kii wuxu ahaa dhakhtar xannaanada xoolaha ah oo Burco ka hawl-geli jiray. Waxa kale oo sixid iiga baahan in ay hooyadii ahayd Aamina ee aanay ahayn Nimco sidaan ku qoray qormo ka mid ah kuwii hore. Dhammaadka taxanahan ayaynu isku hagaajin wixii is-dhaafay iyo wixii khaldamayba. Saaxiib iyo Habar-wadaag aanu isku dheer nahay ayuu ahaa oo aan iga mudnayn in aan taariikhdiisa gal-gawlo. Xaasha!
Feysal Cumar Mushteeg mar uu ka sheekaynayay taariikh-nololeedkiisii wuxu sheegay in uu 1958kii ahaa dhakhtar xannaanada xoolaha ah, ka dib ilaa 1963kii ku shaqaynayay macallinnimo. Macallimiintii ay saaxiibka ahaan jireen oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Fidaar wuxu ii sheegay in uu macallinnimo kaga soo shaqeeyay: Arabsiyo, Hargeysa, Buraan, Qardho iyo meelo kale. Beddelkan macallinnimo ee uu ku tegay Buraan iyo Qardho suugaan hodan ah oo faro badan ayuu ka tiriyay, suugaantaas oo ay ka horreysay suugaantii uu Burco ku tiriyay markii uu xannaanada xoolaha ka shaqayn jiray ee kalgacalka iyo laxawgaba u badnayd.
Aniga oo jecel isla markaana door-bidaya in aynu curintiisii mar soo wada qaadanno, haddana haddii aan wax badnayn ka soo garoocdo, markii uu bari ku sii socday ee uu Saraar marayay, waxa odeyga laga guntay:
“Waxaan ku su’aalay saaxiib,
Tan iyo saaka weynu sii soconnee,
Saraari ma jidkii Siraadbaa,”
Show odeyga markii Arabsiyo laga beddelay ayaa bari la geeyay oo u ahayd markii ugu horreysay noloshiisa ee uu degelladaa cagta saaro. Ku-ye:
“Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee,
Ma haddaan galay Qaaba Qowseyn,”
Waxa xusuus gaar ah mudan in uu Feysal Cumar Mushteeg heestiisii ugu horreysay oo ‘Subcis’ ahayd u qabtay ama u duubayba Radio Hargeysa, sannadkuu markii uu ahaa 1958kii.
Maalmihii aan fursadda u helay in aan la sheekeysto, ayaa wuxu iiga sheekeeyay magaalada Buraan oo gobolka Sanaag ka tirsan mar loo beddelay. Nolol cusub ayay ku noqotay oo qaadkii iyo maaweeladiisii ayuu waayay. Markaana wuxu yidhi:
“Barbaartaan la bartiyo barigii ka imee,
Buraan ma badday ku taallaa”,
Reer Buraan ayaa isu tegay si ay u sooryeeyaan Feysal Cumar Mushteeg si aanay heesihiisu magac-xumo ugu soo jiidin. Aad ayaa loo sooryeeyay, qaadna waa loo keenay, maalintaana wuxu reer Buraan ku yidhi:
“Buurahan jinni baa isku baahinayee,
Buraan Herer ways bidhaanshaan,”
Heesaha kale ee uu beryahaa bariga loo beddelay tiriyay oo badnaa, waxa kale oo aynu ka soo qaadan karaynaa:
“Docmiyo bari baa I daashadayoo,
Dunida dabadeeda lay dirayoo,
Dayaxi waw galbeed dalkaan tegay,”
Sheekooyinka qaarkood ayaa odhanaya Axmed Saleebaan Bidde oo ka shaqaynayay Dayaxa ayaa ka cawday fogaanteeda, markaas ayuu Feysalna odhanayaa, halka aan joogo galbeed ayay u xisaabsan tahay.
Waxa kale oo buyuuddaa ka mid ahaa:
“Waddadaa bariyeey ku wewheshaday,
Warkiyo hayga goyn waraaqaha,”
Waxa kale oo aynu tusaale u soo qaadan karaynaa:
“Wiigganba War-idaad baan dul weehanayee,
Tanina ma Wadaamo-goobaa,”
Waxa kale oo aynu tusaale u soo qaadan karnaa buyuuddii ay ka mid ka ahaayeen:
“Ciyaartaan bartiyo casrigii ka imee,
Ceel Af-weyn caano geel ma yaallaan,”
Waxaynu xagga danbe mowduuc gaar ah kaga dhigan doonnaa saamayntii suugaaneed ee uu Feysal Cumar Mushteeg ku lahaa geeddi-socodkii iyo sooyaalkii taariikheed ee Qaraamiga.
Hal-hays wuxu u lahaan jiray sacabka ay reer Kuweyt tumaan oo runtii ka mid ah kuwa ugu quruxda badan adduunka. Habeen aanu aroos Gebilay ah joognay waqti aan u malaynayo in uu ahaa 1992kii ayaa wuxu igu yidhi: “Sacabka nin keliya oo reer Kuweyt ahi tumo, boqol Soomaaliyeed ma tumi karayaan.”
Markii uu dalka dib ugu soo noqday 1988kii markiiba waxa bilaabmay dagaalladii xoreyneed ee guda-galka ee SNM, ka dib Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka mid ahaa fannaaniintii soo baxday markii Hargeysa la soo galay 31kii Meey 1988kii. Waa colkii miyuusigga ee ay SNM dejisay “Camp Abokor”. Sidii ayuu halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ugu jiray ilaa dalka laga xoreeyay, ilaa maalintan uu dhimanayayna dalka wuu deggenaa.
Marka aynu u leexanno noloshiisii qoysnimo Feysal Cumar Mushteeg dhowr jeer ayuu guursaday, in kasta oo aanu wax ubad ah yeelan ilaa inta aan ogahay. Xaasaskiisii waxa ka mid ahayd Khadra Xaaji Cismaan oo Ina Guray ku magac-dheereyd oo uu Muqdisho ku guursaday 1969kii. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ waxa la ii sheegay in ay beri dhaweyd London ku dhimatay. Khadra waxay walaalo ahaayeen Ganacsade Idiris Xaaji Cismaan oo reer Nayroobi ah oo ka mid ah dadkii qaybta libaax ka soo qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM. Kama uu qayb-qaadan oo keliya e’, bal se waa uu u eedoobay oo xadhig, mastaafurin iyo xoolihiisii oo baaba’a ku mutaystay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
Waxa kale oo aan ka war-qabay in uu ‘Camp Abokor’ markii la soo qaxay ku guursaday gabadh la yidhaahdo Seynab oo aanay in badan is-qabin. Sheekooyinka aan maqlay waxa kale oo ka mid ah in uu mar kale Xamar ku guursaday gabadh reer Muqdisho ah. Aniga oo aan baadhis qoton iyo dhumucba u gelin noloshiisii qoysnimo inta aan ka xansaday waa intaas.
Feysalkii Fannaanka ahaa iyo saamayntiisii Fanka Soomaaliyeed:
Miyaa cid kasta fannaan lagu sheegaa, fannaanimadu se miyay is-qarisaa. Macallimiintii la shaqayn jirtay waxay ka maseyri jireen sidii uu dareenka ardayda iyo dhegahoodaba ugu qabsan jiray heesihii Carabiga (Nashaa’idkii) ahaa ee uu subaxda hore u qaadi jiray. Maxamed Mooge Liibaan ayaa la mid ahaa. Haddii aanay xiskayga ka tirmin kuwa ugu macaanaa waxa ka mid ahaa “Ayuha Nahru la tasiiri” (Webiyahow ha qulqulin).
Si aad u garato in uu qofku yahay fannaan ab iyo isirba leh uma baahnid in aad aragto isaga/iyada oo heesaya/heesaysa. Wejiga marka aad ku dhufato, samayska jidhkiisa iyo saansaankiisa ayaad ka garanaysaa. Feysal Cumar Mushteeg tahan ayaad ka arkaysay in uu yahay nin uu fanku waaxyaha jidhkiisa buulal ka samaystay, haddii uu afka kuu kala qaadana qosol ayaad jaanta wadhaysay.
Wuxu ahaa nin Ilaahay fahmo badan ku mannaystay oo af Soomaaliga ku wadh-wadhay si kale ku garan meysaan e’. Waxa taa ka marag kacaya habka iyo hannaanka soo-jiidashada leh ee uu u curiyay qaybaha uu kaga qayb-galay Qaraamiga, gaar ahaan heestii beer-qaadday ee ‘Subcis’. Waxa intaa u raacay aqoontii la yaabka lahayd ee uu u lahaa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aad ka dhandhansanayso midhihii uu ku darsaday ‘Qaraamka’ oo ka mid ah kuwa ugu shilis ee loogu hadal-haynta badan yahay.
Intaa waxa u raacay aqoontii dheeraadka ahayd ee uu ka korodhsaday waxbarashadiisii iyo dal-mareennimadiisii oo aad uga muuqatay curintiisii iyo hal-abuurkiisiiba.
Waxaynu kor ku soo sheegnay in uu Feysal Cumar Mushteeg heestiisii ugu horreysay ee ‘Subcis’ u qabtay ama u duubayba Radio Hargeysa sannadkii 1958kii. Waa xilli aan wax badan ka fogeyn xilliyadii ama sannadihii Qaraamku tisqaadayay. Bal arrintan aan daliil u raadinno.
Bishii Jeeniweri 1998kii, waxaan ku wareystay Hargeysa Club, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaannay Dararamle. Su’aal aan weydiiyay oo ahayd goortii ay Cabdillaahi Qarshe is-barteen wuxu iigu jawaabay 1956kii oo uu ka mid noqday Kooxdii ‘Walaalo Hargeysa.’ Waxa kale oo uu ii sheegay maalintaa in uu sannadkaa fanka soo galay heelladii ugu horreysay ee uu qaadayna ay ahayd “Isku-shuban”. Axmed Cali Haaruun wuxu ka mid ahaa da’dii Hargeysa ku dhalatay 1940kii oo walaashay Ruqiya-Caneb oo ay habro-wadaag ahaayeen ayay habeen iyo maalin kala dhasheen. Waxa kale oo is-na la waqti ahaa Cumar Dhuulle Cali oo qudhiisuna fanka ku ballaysimay heelladaa “Isku-shuban” oo laxankeeda uu curiyay Cabdillaahi Qarshe. Waxaan is-leeyahay Axmed Maxamed Good oo Shinbir loo yaqaannay, Maxamed Yuusuf Cabdi, Cismaan Maxamed Cabdikariim iyo fannaaniin badan oo kaleba isla xilliyadaas ayay dhasheen. Waxaan aamminsanahay in uu Maxamed Mooge Liibaan ka yaraa danbeeyay waxoogaa.
Bal hadda aan in yar ku hakanno Maxamed Axmed oo ‘Kuluc’ loo yaqaan. 11/12/2005kii ayaanu gurigayga Hargeysa wada fadhiisannay oo aan waxooga fanka Soomaaliyeed ka wareystay. Maxamed Axmed in kasta oo ay baasaboorka ugu qoran tahay in uu dhashay 1939kii, sidii uu ii sheegay, haddana taariikhda saxda ah ee dhalashadiisu tahay 1942kii. Maxamed Axmed wuxu ii sheegay in ‘Walaalo Hargeysa’ la aasaasay 1954kii.
Sida aan in badan ka maqlay dad looga-qaateen ah, labadii riwaayadood ee ugu horreeyay oo uu iska lahaa Xuseen Aw Faarax oo kala ahaa ‘Isa-seeg’ iyo ‘Cantar iyo Cabla’ waxay ku beegnaayeen 1956kii. Xuseen Aw Faarax Dubbad wuxu dhashay isaguna 1928kii. Haddii uu haddaba Feysal Cumar Mushteeg 1958kii Radio Hargeysa u duubay ‘Subcis’, miyaanay taasi inoo muujinayn in uu sannad iyo lababa ka hor ku jiray hawada fanka oo uu saaxiibbadii la lug iyo laabba ahaa.
Dararamle oo kale ma ay kala fogaan karayn. Fan-wadaag ayay ahaayeen. Isku xaafad ayay ahaayeen oo reer Laba-Nuux ayay ahaayeen. Labadooda hooyo oo kala ahaa Aamina Maxamed Bulxan iyo Faadumo Cabdi Ibraahim saaxiibbo ayay ahaayeen, fannaanimada wiilasha ay dhaleenna waa ay jeclaayeen.
Si aynu u fahamno halka Qaraamku ka soo hinqaday iyo waayihii uu ku dhashay bal aan dib u yar jalleecno qormo aad u dheer oo aan ka qoray Cabdillaahi Qarshe ka dib markii Hargeysa lagu aasay 3/11/1997kii. Inta aan qormadaa ka soo garoocdayna waa tan si aynu isula jaan-qaadno:
Nolosha faneed ee Cabdillaahi Qarshe waxay ka bilaabmaysaa markii uu Cadan ka soo guuray ee uu soo degay Hargeysa. Cabdillaahi Qarshe wuxu yimid Hargeysa beryihii uu dhammaaday dagaalkii dunida ee 2aad. Isla beryahaa waxa unug ahayd Balwadii oo galbeed iyo Boorame ka tisqaadday. Calan-sidayaashii Balwadu waxay ahaayeen Cabdi Deeqsi Warfaa oo loo yaqaannay Cabdi-Sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loogu wan-qalay kuna caan-baxday beryhii danbe Qadiijo-Balwo.
Cabdillaahi Qarshe, wuxu yimid Hargeysa isaga oo xiise iyo hammadba u hayay fanka gaar ahaanna miyuusigga. Markaa uu Hargeysa yimid Cabdillaahi ilaa heer ayuu ka gaadhay waxbarashadiisii oo aad ayay u adkayd si dalka looga helaa dad heerkiisaa gaadhsiisnaa. Waxa intaa u dheeraa waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee uu ka soo kasbaday degaannadii kala duwanaa ee uu ku soo barbaaray oo ay ku noolaayeen bulshooyin dhaqammadoodu kala duwanaayeen. Cabdillaahi Qarshe, waxa kale oo intaa u weheliyay afaf door ah oo uu degaannadaa kala duwanaa ku soo bartay, intaas oo dhammina saamayn laxaad leh ayay ku yeesheen guud ahaanba noloshiisii faneed. Qarshe wuxu ku dhashay dalka Tanzaniya, waxaanu ku soo koray Cadan isga oo dugsiyada la dhigan jiray arday: Carbeed, Hindi iyo qowmiyado kaleba.
Cabdillaahi, tan iyo yaraantiisii aad ayuu ugu hammiyi jiray tumista muusigga iyo heesahaba, sida laga hayo isaga iyo intii taqaannayba. Cabdillaahi Qarshe, mar lagu wareystay Telefishanka Jabuuti (RTD) 1993kii, isaga oo ariintaa ka hadlayay wuxu yidhi:
“Waxaanu lahaan jirnay hidde iyo dhaqan guun ah oo aad u gaboobay oo noocyo faro badan leh; laakiin ma aynaan lahayn miyuusig lagu tumo. Waxaa se jiray rag iga horreeyay oo damacsanaa in ay miyuusigga qabadsiiyaan. Waxa ka mid ahaa Qaraamigii – innamadii shaadhadhka gubi jiray ee dabka ku ridi jiray marna shaadhadhka jeex-jeexi jiray. Nimankaasi waxay isku deyi jireen in ay gabayga le’ekeysiiyaan heeso Hindiya, waanay u suuroobi weyday.”
Weli waxa inoo socota gaaxdii Cabdillaahi Qarshe iyo sidii uu fanka ku soo galay. Hadda xusuusnaada in Cabdillaahi Qarshe uu ku dhashay Mooshi (Tanzaniya) sannadku markii uu ahaa 1924kii. Isaga oo hadalkiisii sii wata intaa hore wuxu ku kabay:
“Markaa aniga hammadda ah in aan fanka soo dhex galo waxa igu kellifay, Cadan ayaa 1941kii lahaan jirtay Raadyow yar oo Cadan oo keliya laga dhegaysan jiray. Markii hore Idacaddaa yari afka Carabiga ayay ku hadli jirtay, marki xigayna waxa lagu daray af Soomaali iyo af Hindi. Saddexdaa qaybood oo midkiiba saacad badhkeed yahay ayay barnaamajyadu ahaayeen.
Markaa Carabtu miyuusig iyo heeso waa ay lahaayeen. Marka warku ka baxo ayaa heesaha Carabiga ah iyo Hindiga ah la saari jiray. Bal se marka warka af Soomaaligu ka baxo waxa la saari jiray gabayo oo heeso Soomaaliyeed ma jirin oo la saaraa. Markaa ardaydii aanu dugsiga ku wada jirnay meel ‘sentar’ (center) ah ayaanu ka wada dhegaysan jirnay. Ardayda Carbeed iyo kuwa Hindiga ah ayaa nagu qosli jiray oo odhan jiray: ‘Miyeydaan miyuusig lahayn.’ Markaasaan ku odhan jiray: ‘Waanu leenahay e’ waddankayagii ayuu jiraa.’ Markaa aniga hammaddaasaa igu kelliftay in aan fanka soo galo. Haddana ceeb ayay ahaan jirtay in qalabka miyuusigga la tumaa, sidaa darteed ayaan arrintii hoos u yar galay.”
Cabdillaahi Qarshe, isaga oo ay hammadaasi ku jirto ayuu yimid Hargeysa. Muxuu haddaba kala kulmay Hargeysa? Isaga oo arrintaa uga warramaya RTD-da Jabuutina wuxu Cabdillaahi Qarshe yidhi:
“Anigu markii aan Hargeysa imid waxaan markiiba la kulmay Balwadii oo soo baxday. Markii aan arkay habeenkii ugu horraysay iyada oo Hargeysa laga tumayo iyada oo ka soo baxday Boorame oo uu sharaf ku leeyahay, Alla ha u naxariisto e’ ninkii la odhan jiray Cabdi-Sinimoo ee aan maqlay ayaan aad iyo aad ugu farxay, wixii aan soo urursaday ee jacburka ahaana waan iska tuuray; oo waxaan idhi: ‘Rag baa xilkii kaa furtay.’ Markaa waxaan ka mid noqday dadkii dafka keliya gacanta ku garaaci jiray ee ku heesi jiray. Waxaan waayay cid wax I barta, waayo Carabta iyo Hindida ayaa wax tumi jirtay. Iyaguna waxay is-yidhaahdeen haddii aad kan Soomaaliga wax bartaan hadhow meheraddii tumistu waa ay idin ka wareegaysaa. Laakiin waxaan daba socdaba 1947kii ayaan gacanta hal cod keliya ku fadhiisiyay intii kale afka iyo Carabta oo ii tunta ayay ku ekaayeen.”
Codkii ugu horreeyay ee Cabdillaahi Qarshe sameeyo Kamankana ku tumaa wuxu ahaa hees waddaniya oo uu midhaheeda tiriyay Suudi Xaaji Aadan oo ay ka mid ahaayeen:
“Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan,
Ha maalin la leeyahay baan ahayeey,
Nin Hawd fadhiyoo harraad dilayoo,
Biyaha laga heegay baan ahayeey,
Nimaan hadalkiisu hadh-qoodaalka iyo,
Haweenkaba dhaafin bana ahayeey,
Dagaal nimuu haystoo meel halisoo,
Hubkiisu hangool yahay baan ahayeey,
Wixii ku habboon nin haybsanayoo,
Bahdii ka hor joogto baan ahayeey,”
Cabdillaahi markuu heestaa ku luqeeyay, ee la weydiiyay wixii markaa hor joogay, wuxu raaciyay:
“Waxa markaa jiray dhaqdhaqaaq ama hawo ummadda Soomaaliyeed ku jirtay oo ahayd in waddanka la kiciyo oo gobannimo-doon ahayd.”
Cabdillaahi Qarshe isaga oo guud ahaan ka hadlaya miyuusigga ama Codadka Soomaaliyeed wuxu intaa ku daray:
“Waxa jira xukun. Codadka si kasta ha loo sameeyo, qofka mu’allifka ah ee sameeyana si kasta ha ka ahaato e’ waa se hadba dadku siduu ka dhigto. Codka ‘Raaxeeye’ oo kale aroortii lama tumi karo, duhurkii lama tumi karo, waxa se la tumi karaa galabtii weliba marka aad loo mirqaansan yahay ilaa habeenkii oo dhan. Wixii intaa ka horreeya dhadhan ma laha. Waa mar hawl lagu jiro codkanina waa mid lagu raaxaystaa. Aroortii waxa la tumi karaa hees-hawleed, hees waddaniya, heeso shaqada lagu tago oo ujeeddada loo ambo-baxayo ku fadhiya. ”
Markaynu eegno tisqaadka iyo hana-qaadka qaraamka waxa inoo caddanaysa in da’dii ka adeegtay ay ahayd intii dhalatay sannadihii ku dhawaa afartanaadkii qarnigii hore. Waa da’dan ta ay Feysal Cumar Mushteeg iyo qayrkii ka joogaan.
Feysal Cumar Mushteeg, ifafaale cusub ayuu ku ahaa fanka Soomaaliyeed. Ifafaalahaas waxa ballaysimay oo bilaabay macallinkii weynaa ee Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille oo saamayntiisa ku lahaa tacliinta, fanka iyo siyaasadda Soomaaliyeedba. Haddii uu Yuusuf Xaaji Aadan sowraca caynkaas ahaa kow u ahaa, Feysal Cumar Mushteegna ka labaad ayuu ahaa. Waxa xigay iyaguna oo aan wax badanba ka danbayn: Maxamed Mooge Liibaan iyo Maxamed Warsame Qaasaalli oo noqday xiddigihii ugu caansanaa ee fanka Soomaaliyeed oo aan ilaa maanta laga xiiso-goyn. Waa amadkii (maxsuulkii) faneed ee ka soo go’ay miidaanka tacliinta.
Siciid Cali Muuse ayaa ii mariyay sheeko yar oo ku saabsan beryo uu Feysal Cumar Mushteeg Dugsiga Dayaxa macallin ugu ahaa. Waa xilli ku sinnaa 1965kii oo ay qiyaastii sannadkii 4aad ee Dugsiga dhexe ku jireen. Xisaabta oo af Ingiriisi lagu baranayo ayuu Feysal u bilaabay. Sabuuradda ayuu ugu qori jiray tirooyin ay ka shaqeeyaan, isaguna inta uu dibadda u baxo ayuu daaqadda furan jiray si uu u weydiiyo hadba in ay dhammeeyeen. Feysal daaqadda agteeda ayuu is-taagi jiray isaga oo daawan jiray doog ka horreeyay. Wuu foodhyi jiray isaga oo hadba hees ku foodhyaya. Carruurtu show xisaabba kuma maqna ee foodhida Feysal ayay dhegta u raaricinayaan. Hadba wuxu weydiiyaa in ay dhammeeyeen. Iyaguna si uu dibadda u sii taagnaado oo fodhida ugu wado, waxay ku odhan jireen: “Weli ma aanu dhammayn.” Arday ayaa maalin is-olloobay oo yidhi: “Waanu dhammaynnay.” Intii kale ayaa ku dgetay oo tidhi: “Maxaad u odhanaysaa waanu dhammaynnay, foodhida ha noo sii wade.” Waa mid ka mid ah sheekooyinkiisii gaaggaabnaa.
Bal hadda aan idiin dareeriyo midhihii uu Feysal Cumar Mushteeg ku lahaa ‘Qaraamiga’ si aad u garataan kaalintii uu ka galay ama kaga jiray guud ahaan fanka Soomaaliyeed. Bal hadda waxaad fiiro gaar ah u yeelataan saamaynta dhabta ah ee uu Feysal Cumar Mushteeg ku lahaa ‘Qaraamiga.’
Mar kale aniga oo u mahad-naqaya Maxamed Maxamuud Cige oo Busi loo yaqaan ayaa Feysal Cumar Mushteeg midhahan qoray, waxaanu fannaankeennii hal-abuurka ahaa ee Feysal yidhi:
“Ishaydaa jeclaatay araggaagoo,
Naftaydaa oggolaatay la jooggaagoo,
Garanba waayay goor aan kuu imid,
Ileys baad ii ahayd wax aan ku arkoo,
Aqooshayoo ooli kari meyside,
Ammaano alliyo is-araggeen,
Illowsho-dhawaan iska ogow,
Inaabtidu ways ilaashan jirtee,
Ax maad odhan oohintaydii,
Allaygu og uurkanaad ka baxdoo,
Alleylkii xalay waaban eleleday,
Allaygu og adiga mooyaane,
Ishaydu ma eegto inan kale,
Alleygu og waad I moogtahayoo,
Ayaankaygu way ambinayaa,
Allaygu og oomatadii ka go’oo,
Afkayga maba galo anfaacigu,
Agtaada insaanba kuma ihiyoo,
Alleylehe I maad abaal-marin,
Ibtilo raagtay lama illoobi karee,
Ogsoonow ayaamaheennii,
Haddaad ubax tahay mid aad u uroo,
Udgoon badan baad ahaan layd,
Muddaan ubaxyow ku eeganayee,
Hadmaad I anfaci adduunyada,
Udgoon iyo aragba igu deeqdee,
Ayaa ubaxyahow ku iibsada,
Nolosha dadka Soomaaliyeed ubaxu in kasta oo uu jiray oo dhulka ka bixi jiray, haddana sidan loogu heesayaa waa mid ku taxan nolosha magaalada iyo ilbaxnimadii danbe. Macallinnimadiina wax kaga dara.
Suugaanteenni hore ee la xidhiidhay qaab-nololeedkeennii miyiga, ubaxu dhex-roor iyo dhex-taal midnaba uma ahayn. Ubaxu in kasta uu dalka ka bixi jiray haddana qiime la isku ammaano kuma lahayn nolosheennii hore. Ubaxu wuxu suugaanteenna, gaar ahaan heesaheenna soo galay intii ay nolosha magaaladu samaysantay. Waa xilliyadii uu gumeysigu yimid ama aynu xidhiidhka la yeelannay dhaqammadii carbeed ee inagu xeersanaa. Shaki kuma jiro in ubaxaa la isku ammaanayaa u badnaa dadkii ama dhallinyaradii wax baratay oo uu Feysal Cumar Mushteegna ka mid ahaa.
Qurba-jooggii iyo dal-tabyadii kalgacalku ku ladhnaa ayaa Feysal Cumar Mushteeg ka keentay beydkan soo socda oo aanu shaki ku jirin in uu tiriyay intii uu qurbaha ku noolaa, waxaanu yidhi:
“Nafyahay orodoo arligii qaba oo,
Halkii aad ku ogeyd ka soo eeg,”
Waxaan xusuustay maalmihii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran, maalin ka mid ahayd oo aanu la fadhinay fannaankii la quudhi waayay ee Maxamed Mooge Liibaan. Doobtiisii xariirta ahayd iyo danankii kamankiisa ayaanu ku baananaynay nabarradii dal-tabyadu nagu dhigtay. Waa 18/8/1983kii, haddii aanay xusuustaydu I dagayn. Waa hudheelkii ‘Tasfay’ ee dhinaca woqooyi ka xigay faras-magaalada Diri-dhabe iyo Maxamed Mooge Liibaan oo xadantaynaya xadhkihii Kamankiisii “Deddo=gooye” ee uu la dal-maray.
Wuxu ku leexaysanayaa mid ka mid ah codadkii Qaraamiga ugu macaanaa. Waa codkii heesaaga cusub lagu imtixaani jiray ee “Beer-dillaacshe,” oo uu curintiisa lahaa macallinkii weynaa ee miyuusigga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe.
Maxamed Mooge Liibaan oo luuqdii la fogaatay oo cir iyo dhul dhexdood maraya, ayaa Korneyl Siciid Cali Giir oo goobta fadhiyay beydkaa xagga sare ku yaal warqad ku qoray oo Maxamed Mooge Liibaan ku hor tuuray. Markiiba mid ag fadhiyay oo fahmo badnaa ayaa la booday oo Maxamed Mooge Liibaan hor qabtay, markaasuu noo raaciyay beydadkii xaradhaamada lahaa ee uu noo marinayay. Innaa lillaah! Alla maalintaas beydadkaasi maxay dhul fog damqeen. Qof joogay ayuun baa garan karayay.
Iyo sidii uu Feysal Cumar Mushteeg ereyada u falkin jiray ugana sameyn jiray maanso dareenkaaga taabanaysa oo deddo-ruxaysa maankaaga iyo ibaha kalgacaylku ka godladoba. Bal hadda beydkan la yaabka leh nala eega:
“I deeqdoo aniga ii noqotee,
Anigu adigana ma kuu ahay,”
Waa kan mar kale isaga oo haddana ka hadlaya iyo sida uu beni-aadamku u jilicsan yahay ee ay naftu u hoggaamiso, waxaanu yidhi:
1963kii waxa waxbarasho xagga miyuusigga ah loogu diray magaalada Qaahira: Maryan Xaashi (Ammaano), Axmed Cali Haaruun (Dararamle), Feysal Cumar Mushteeg iyo Axmed Maxamed Good oo loo yaqaannay Shinbir.
Maalintan ay dhoofayeen tilmaan gaar ah ayay Hargeysa iyo fanka Soomaaliyeedba ku lahayd. Waa maalintii hal-abuurkii caan-baxay ee Xuseen Faarax Dubbad heestii ‘Ammaano’ sagootiska uga dhigay Maryan Xaashi oo ay markaa isku cindanaayeen. Sidaas ayay Maryan oo aan dalka dib ugu soo noqon ula baxday ‘Ammaano’. Hal-ku-dheggii heesta ayaa ahaa:
“Ammaanada Ilaahay,
Noqo kuma Illaawine,”
Sidii aan ka maqlay Feysal wuu ka tegay dalka Masar. Dhowr waddan ayuu soo maray oo u kala dab-qaaday. Suuriya wuu tegay. Sucuudiga in badan ayuu joogay. Ciraaq iyo Baqdaadna waa uu iiga sheekeeyay. Dalka Jarmalka (Kii galbeed) beryo ayuu joogay oo xataa mar waqti kooban uu ku xidhnaa. Feysal Cumar Mushteeg wuxu dalka ku soo laabtay 1967kii, waxaanu dib ugu laabtay shaqadiisii macallinnimada. Intan uu joogay Qurbaha, Sucuudigu ha ugu badnaado e’, suugaan badan oo Qaraamkii ah ayuu tirinayay (Buyuud Dhaanto ah). Waxaynu ka soo qaadan karaynaa:
“Naf yahay orodoo arligii qabo oo,
Halkaad ku ogeyd ka soo eeg,”
Buyuuddii uu ku calaacalay markii uu Sucuudiga joogay waxaynu ka soo qaadan karaynaa:
“Dammaam iyo Khobar ma doonaayoo,
Dariiqa Togbaa I daashadayoo,
Dookhayga dalkan waan la garan waayee,
Aan duulee dayaarad ii doon,”
Habeennadii uu baashaali jiray Qurbaha, Feysal Cumar Mushteeg waxa laga hayaa:
“Habeenba hir baan ka heesi jiree,
Caawana Hilton baan hawaarsaday,”
Maalmihii danbe laxawgii iyo kalgacalkiiba meelo fog ayay la mareen ninkii Feysal ahaa, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Jacaylka aan Cantar iyo Cabla’ kuu geynini ma jacayl buu noqonayaa. Odeygeennii Feysal Cumar Mushteeg ahaa waa ka ushii galoolka ahayd iyo labadii go’ ee cadcaddaa qaatay. Oo markanna muxuu yidhi? Ku-ye:
“Meeshii Cantar geela soo mariyiyo,
‘Mid-way’ baan murti kaaga tiriyaa,”
Maalmihii uu Qaahira ku sugnaa ayuu boholyowga awgii soo xusuustay jacaylladiisii. Ereyo ammaan ah u tiri ayuu is-yidhi. Wuxu door-biday quruxdii Qaahira taallay in uu ugu soo hal-qabsado, ka dibna wuxu yidhi:
“Saamiya quruxdii adaa ka sitoo,
Sabaaxna waad ka qaadday sowdkiiyoo,
Sidoodiina waad u socotaa,”
Saamiya waxay ka mid ahayd xiddigihii filimmada halka ay Sabaaxna heesaa ka ahayd.
Ilaa 1967kii wuxu ku jiray macallinimadii. Markaa ka dib ayuu raacay mowjadihii dadka ahaa ee xilliyadaa dalalka Khaliijka u tacabbiri jiray, waxaanu waqti badan ku qaatay dalka Sucuudiga.oo buyuuddan (midhahan) aynu kor ku soo dhaafnay intooda badan uu ka soo tiriyay. Ku-sinnaan 1973kii ilaa 1988kii wuxu ku maqnaa dhoof iyo qurbaha hadba meel uu joogayba.
Fanka Feysal Cumar Mushteeg waxa ka mid ahaa sidii la yaabka lahayd ee uu yaqaannay afafka. Ilaa maalintan uu dhimanayo af Jarmalka si fiican ayuu ugu hadli jiray. Baashe iyo xaaskiisa Hibo Maxamed oo Jarmalka deggan ayaa maalin la kulmay. Af Jarmal ayay isaga kaga wada-hadleen. Oo ma Feysal baa la dagayaa. Waa ku qabsaday ee sheekadii ku darsaday, yaab inta Ilaahay labadoodiiba u keenay ayay qosol jaanta wadheen.
Mararka uu lahjadaha carbeed ku hadlayo marba seeb ayuu u roganayaa. Gobollada Sucuudiga marba mid ayuu ku geynayaa. Mar khaliijka inta uu kula tago ayuu hadba Imaarad kula tegayaa oo lahjaddoodii ku hadlayaa. Mar danbe ayuu xaggaa iyo Kuweyt kuu la dhaqaaqayaa ku odhanayaa: “Eesh loonak.” (iska warran). Feysal mar kale ayuu xaggaa iyo Ciraaq kuu la dhaqaaqayaa oo ‘Abi Nuwaas’ iyo hal-abuurradii caan-baxay kaaga sheekaynayaa. Wuxu odhan jiray iyaguna waxay isku salaamaan: “Shucluunkum” ama “Shixwaalkum.” Xaggaa iyo Masar haddii uu kuula kaco, xaafadaha Qaahira lahjadahooda ayuu kaaga sheekaynayaa, markaasaad ku hafanaysaa suuqyada uu ku mariynayo. “Ramsiis” iyo ayaanu afkaa ka dhigi jirin.
Mararka qaarkood inta uu kula ambadaa ayuu xaggan iyo Afrika kuula soo kacayaa oo ku keenayaa Soodaan. Wuxu kuu marinayaa mahadhooyinkii ka soo maray iyo sidii ay foodda isu dareen fannaankii weynaa ee caanka ahaa ee Maxamed Wardi oo ay fan-wadaag iyo saaxiibaba ahaayeen. Masraxyadii caan-baxay ayaa la iska helayaa. Waa masraxyadii “Qowmiga” iyo “Waddaniga”. Maxamed Wardi ayaa ku dhufanaya: “Ya Binta Niilil gamar, booba caleyk.” Oo mee ninkii Feysal Cumar Mushteeg! Waa ka isku laba rogaya ee xaafadihii Hargeysa midba qurux la quudhi waayay ka soo qaadanaya. Oo xaafadahaasi kuwee ayay ahaayeen? Wuxu soo qaadanayaa kuwii beryahaa ugu magaca dheeraa: Beeraha, Daantaa, Laba Nuux iyo qaar kaleba. Meel walba wuxu sheegayaa inta u joogta: “Ithneyn, Talaata” iyo tirooyin. Mar alle yaale markaa uu tirada dhammeeyo ayuu masraxa isku laba-rogaa. Ku-ye: “Inanta diibka, timaa ku duubtay, dayax la mooddaan, doonayaa.” Qofkii joogay wuu joogay e’ ma cid baa ku wada-hadashayba.
Waxa jiray qaybo fanka ka mid ah oo aanay Feysal Cumar Mushteeg cid Soomaaliyeed la wadaagin jirin. Miyuu sacab idiin tumay iyada oo la heesayo? Miyaad aragteen isaga oo heesaya oo sacabka tumanaya? Waxa ka darnaa codadka kala duwan ee uu afkiisa oo qudha ka samayn jiray. Mararka uu heesayo ayuu afka neef ka buuxin jiray. Ka dib inta uu neeftaa soo daayo ayuu afka oo uu kala qaaday labada sacab afka hortiisa ka tumi jiray isaga oo sacabku isku dhacayo marka uu afka kala qaado. Boodaantii xooluhu in ay yeedhayso iyo in kale ma aad kala garanayn. Qofka aan madasha caynkaas ah joogini wuxu ku dawakhayaa qalabka la tumayaa wuxu yahay. Feysal ayuun baa sidaa yeeli kari jiray. Cid kale ma yeeli kari jirin. Suulkiisii iyo saxeexiisii ayuu kaga tegay
Waxa kale oo la yaab lahaa codadkii iyo dhawaaqyadii kale ee uu afkiisa ka samayn jiray inta la heesayo ama uu isaguba heesayo. Miyaad u soo joogteen taas. Bal xusuusta Feysal Cumar Mushteeg oo heesaya ama fadhiya meel lagu heesayo. Mise cimriga iyo nasiibkuba idin kuma simin. Wuxu hal-hays u lahaan jiray isaga oo qoslaya in uu sameeyo sanqadhaha ay ka midka ahaayeen: “ishkish….ishkish.” marka uu cabbaar wado ayuu ku soo jari jiray: “Heelle” ama “Hoobbo.’
Hal-hays wuxu u lahaan jiray sacabka ay reer Kuweyt tumaan oo runtii ka mid ah kuwa ugu quruxda badan adduunka. Habeen aanu aroos Gebilay ah joognay waqti aan u malaynayo in uu ahaa 1992kii ayaa wuxu igu yidhi: “Sacabka nin keliya oo reer Kuweyt ahi tumo, boqol Soomaaliyeed ma tumi karayaan.”
Markii uu dalka dib ugu soo noqday 1988kii markiiba waxa bilaabmay dagaalladii xoreyneed ee guda-galka ee SNM, ka dib Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka mid ahaa fannaaniintii soo baxday markii Hargeysa la soo galay 31kii Meey 1988kii. Waa colkii miyuusigga ee ay SNM dejisay “Camp Abokor”. Sidii ayuu halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ugu jiray ilaa dalka laga xoreeyay, ilaa maalintan uu dhimanayayna dalka wuu deggenaa.
Marka aynu u leexanno noloshiisii qoysnimo Feysal Cumar Mushteeg dhowr jeer ayuu guursaday, in kasta oo aanu wax ubad ah yeelan ilaa inta aan ogahay. Xaasaskiisii waxa ka mid ahayd Khadra Xaaji Cismaan oo Ina Guray ku magac-dheereyd oo uu Muqdisho ku guursaday 1969kii. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ waxa la ii sheegay in ay beri dhaweyd London ku dhimatay. Khadra waxay walaalo ahaayeen Ganacsade Idiris Xaaji Cismaan oo reer Nayroobi ah oo ka mid ah dadkii qaybta libaax ka soo qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM. Kama uu qayb-qaadan oo keliya e’, bal se waa uu u eedoobay oo xadhig, mastaafurin iyo xoolihiisii oo baaba’a ku mutaystay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
Waxa kale oo aan ka war-qabay in uu ‘Camp Abokor’ markii la soo qaxay ku guursaday gabadh la yidhaahdo Seynab oo aanay in badan is-qabin. Sheekooyinka aan maqlay waxa kale oo ka mid ah in uu mar kale Xamar ku guursaday gabadh reer Muqdisho ah. Aniga oo aan baadhis qoton iyo dhumucba u gelin noloshiisii qoysnimo inta aan ka xansaday waa intaas.
Feysalkii Fannaanka ahaa iyo saamayntiisii Fanka Soomaaliyeed:
Miyaa cid kasta fannaan lagu sheegaa, fannaanimadu se miyay is-qarisaa. Macallimiintii la shaqayn jirtay waxay ka maseyri jireen sidii uu dareenka ardayda iyo dhegahoodaba ugu qabsan jiray heesihii Carabiga (Nashaa’idkii) ahaa ee uu subaxda hore u qaadi jiray. Maxamed Mooge Liibaan ayaa la mid ahaa. Haddii aanay xiskayga ka tirmin kuwa ugu macaanaa waxa ka mid ahaa “Ayuha Nahru la tasiiri” (Webiyahow ha qulqulin).
Si aad u garato in uu qofku yahay fannaan ab iyo isirba leh uma baahnid in aad aragto isaga/iyada oo heesaya/heesaysa. Wejiga marka aad ku dhufato, samayska jidhkiisa iyo saansaankiisa ayaad ka garanaysaa. Feysal Cumar Mushteeg tahan ayaad ka arkaysay in uu yahay nin uu fanku waaxyaha jidhkiisa buulal ka samaystay, haddii uu afka kuu kala qaadana qosol ayaad jaanta wadhaysay.
Wuxu ahaa nin Ilaahay fahmo badan ku mannaystay oo af Soomaaliga ku wadh-wadhay si kale ku garan meysaan e’. Waxa taa ka marag kacaya habka iyo hannaanka soo-jiidashada leh ee uu u curiyay qaybaha uu kaga qayb-galay Qaraamiga, gaar ahaan heestii beer-qaadday ee ‘Subcis’. Waxa intaa u raacay aqoontii la yaabka lahayd ee uu u lahaa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aad ka dhandhansanayso midhihii uu ku darsaday ‘Qaraamka’ oo ka mid ah kuwa ugu shilis ee loogu hadal-haynta badan yahay.
Intaa waxa u raacay aqoontii dheeraadka ahayd ee uu ka korodhsaday waxbarashadiisii iyo dal-mareennimadiisii oo aad uga muuqatay curintiisii iyo hal-abuurkiisiiba.
Waxaynu kor ku soo sheegnay in uu Feysal Cumar Mushteeg heestiisii ugu horreysay ee ‘Subcis’ u qabtay ama u duubayba Radio Hargeysa sannadkii 1958kii. Waa xilli aan wax badan ka fogeyn xilliyadii ama sannadihii Qaraamku tisqaadayay. Bal arrintan aan daliil u raadinno.
Bishii Jeeniweri 1998kii, waxaan ku wareystay Hargeysa Club, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaannay Dararamle. Su’aal aan weydiiyay oo ahayd goortii ay Cabdillaahi Qarshe is-barteen wuxu iigu jawaabay 1956kii oo uu ka mid noqday Kooxdii ‘Walaalo Hargeysa.’ Waxa kale oo uu ii sheegay maalintaa in uu sannadkaa fanka soo galay heelladii ugu horreysay ee uu qaadayna ay ahayd “Isku-shuban”. Axmed Cali Haaruun wuxu ka mid ahaa da’dii Hargeysa ku dhalatay 1940kii oo walaashay Ruqiya-Caneb oo ay habro-wadaag ahaayeen ayay habeen iyo maalin kala dhasheen. Waxa kale oo is-na la waqti ahaa Cumar Dhuulle Cali oo qudhiisuna fanka ku ballaysimay heelladaa “Isku-shuban” oo laxankeeda uu curiyay Cabdillaahi Qarshe. Waxaan is-leeyahay Axmed Maxamed Good oo Shinbir loo yaqaannay, Maxamed Yuusuf Cabdi, Cismaan Maxamed Cabdikariim iyo fannaaniin badan oo kaleba isla xilliyadaas ayay dhasheen. Waxaan aamminsanahay in uu Maxamed Mooge Liibaan ka yaraa danbeeyay waxoogaa.
Bal hadda aan in yar ku hakanno Maxamed Axmed oo ‘Kuluc’ loo yaqaan. 11/12/2005kii ayaanu gurigayga Hargeysa wada fadhiisannay oo aan waxooga fanka Soomaaliyeed ka wareystay. Maxamed Axmed in kasta oo ay baasaboorka ugu qoran tahay in uu dhashay 1939kii, sidii uu ii sheegay, haddana taariikhda saxda ah ee dhalashadiisu tahay 1942kii. Maxamed Axmed wuxu ii sheegay in ‘Walaalo Hargeysa’ la aasaasay 1954kii.
Sida aan in badan ka maqlay dad looga-qaateen ah, labadii riwaayadood ee ugu horreeyay oo uu iska lahaa Xuseen Aw Faarax oo kala ahaa ‘Isa-seeg’ iyo ‘Cantar iyo Cabla’ waxay ku beegnaayeen 1956kii. Xuseen Aw Faarax Dubbad wuxu dhashay isaguna 1928kii. Haddii uu haddaba Feysal Cumar Mushteeg 1958kii Radio Hargeysa u duubay ‘Subcis’, miyaanay taasi inoo muujinayn in uu sannad iyo lababa ka hor ku jiray hawada fanka oo uu saaxiibbadii la lug iyo laabba ahaa.
Dararamle oo kale ma ay kala fogaan karayn. Fan-wadaag ayay ahaayeen. Isku xaafad ayay ahaayeen oo reer Laba-Nuux ayay ahaayeen. Labadooda hooyo oo kala ahaa Aamina Maxamed Bulxan iyo Faadumo Cabdi Ibraahim saaxiibbo ayay ahaayeen, fannaanimada wiilasha ay dhaleenna waa ay jeclaayeen.
Si aynu u fahamno halka Qaraamku ka soo hinqaday iyo waayihii uu ku dhashay bal aan dib u yar jalleecno qormo aad u dheer oo aan ka qoray Cabdillaahi Qarshe ka dib markii Hargeysa lagu aasay 3/11/1997kii. Inta aan qormadaa ka soo garoocdayna waa tan si aynu isula jaan-qaadno:
Nolosha faneed ee Cabdillaahi Qarshe waxay ka bilaabmaysaa markii uu Cadan ka soo guuray ee uu soo degay Hargeysa. Cabdillaahi Qarshe wuxu yimid Hargeysa beryihii uu dhammaaday dagaalkii dunida ee 2aad. Isla beryahaa waxa unug ahayd Balwadii oo galbeed iyo Boorame ka tisqaadday. Calan-sidayaashii Balwadu waxay ahaayeen Cabdi Deeqsi Warfaa oo loo yaqaannay Cabdi-Sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loogu wan-qalay kuna caan-baxday beryhii danbe Qadiijo-Balwo.
“Illeyn naftu way ku amartaayoo,
Hadday ibtilowdo kaa adag,”
Aynu ku sii soconno dareeerinta Qaraamkii dhadhanka iyo dareenkaba lahaa ee Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu yidhi marar kale:
“Arligaan iska joogay eed-li’iyoo,
Aadmigu ii yaqaannay inan edeb lehe,
Ayaantaan ku arkaan alhuumooboo,
Ibtilo igu reebtay abada ah,”
Ayaamaha nabsigu ma eexdaanoo,
Immika anigaa ilmaynaayee,
Billood adna maalin oydaa,
Immisaan arkay inan asluub badanoo,
Ab iyo isirkooda garanaayoo,
Haddana arki waayay awgaa,
Allaan kugu dhaariyee ubaxyahow,
Miyaanay Asli kaa udgoonayn,”
Bal ka warrama! Miyaanu Feysal Cumar Mushteeg dhaarin ubaxii. Waa halkii Maxamed Axmed (Kuluc) e’: “Waxaasaa jacayl ah.”
Intii Feysal Cumar Mushteeg uu ka qoray Busi ee ‘alifka’ ka bilaabmaysay, aan beydkan ku soo xidho:
“Intaan allifaayay ammaanteedaa,
Eedaankii arooryo ii baxay,”
Waa mar kale iyo gaaxdii Feysal Cumar Mushteeg. Waa qaybtii ‘Ba’leyda’ ahayd ee buyuuddii Qaraamka ee uu curiyay oo ilaa maanta nool. Bal aynu ku bilowno qaar ka mid ahaa kuwii uu ku muuneeyay jacaylkiisii dhabta ahaa ee beryahaa ku hawaarsaday ee uu raafba la rogi waayay. Iyo marka uu Subcis ku qaadayo. Nin maqlayna maqal, nimaan maqalla loo sawiri kari maayo. Bal Radio Hargeysa ayaynu ka raadin doonnaa in aynu Subcis ka hello, Ilaahayna ha inagu guuleeyo.
Bal hadda aan soo hormeeyo tuducyadii Qaraamka ahaa ee curintooda Feysal Cumar Mushteeg ku saxeexnaa, sida aan ka soo xigtay Maxamed Maxamuud Cige oo loo yaqaan Busi oo maansooyinkan ka qoray Feysal.
Waa maalmihii uu ka shaqayn jiray Burco, isaga oo ka hawl-geli jiray Xannaanadii Xoolaha, waxaanu ku bilaabay:
“Burcoo idil baa bidhaamaysoo,
Baroo idil baa barwaaqooboo,
‘Parkerow’ waxa timid ‘Blue Light,”
Illeyn nin waliba tuu caashaqaa waa u Canbaro Madow. Ma in uu roob da’ay oo la doogsaday ayaad moodaysaan? Xaasha! Kalgacalkiisii ayaa yimid, markaasaa dhulkii oo dhami barwaaqoobay. ‘Parker’ waa sarkaalkii Ingiriiska ahaa ee xafiiska Feysal ka hawl-galo madaxda ka ahaa.
Waxaan xusuustay ereyo uu Cabdillaahi Qarshe lahaa isaga oo isla xaaladdaa Feysal Cumar Mushteeg ku jiray oo Mandheera joogay. Kalgacalkiisii oo halkaa la joogtay ayuu isaguna hees ka tiriyay, waxaanu yidhi:
“Aqalkay ku jirtiyo intaa u dhow,
Mandheera oo dhami waa udgoon dhaha,”
Beydkani wuxu ku jiray hees uu Qarshe xaaladdaa ka tiriyay. Feysal Cumar Mushteeg oo qaadaya ayaan mar iyo laba ka maqlay.
Intaa hore wuxu Feysal Cumar Mushteeg ku kabay:
“Anigoon booqan bari u bixi maayoo,
Loo-baahde Ilaahay baa la baryaa,
‘Parkerow’ waxa timid ‘Blue Light’,”
Inta ka dib malaha Feysal Cumar Mushteeg xarafka ‘Ba’da’ ayuu jacaylkiisu jantay e’, waa kan Burco ka ambo-baxay ee hadda inala tegaya magaalada Boorame, waxaanu ku bilaabay ereyadiisii xadantada lahaa:
“Bustaankaan ka beeray Boorame,
Baaq-baaq baan is-lahaa bilow dhow,
Bartiikhi la guursay waa been,”
Wuxu intaas ku sii darayaa:
“Nafyahay Batalaale waad u bugtee,
Ku bogso badda mowjaddeedii,”
Bal beydkan u fiirsada. Wuxu ka mid yahay kuwa aynu Qaraamiga ugu maqal badan nahay, waxaanu yidhi:
“Sidii baxarasaaf ku yaalla bustaan,
Ayaad hadba ii bidhaantaa,”
Baxarasaafkaasi meel soke ayuu ahaaye, bal ka warrama marka aad kalgacalkaaga qayb jidhkaaga ka mid ah u hurto. Oo muxuu yidhi fannaankeenni Feysal Cumar Mushteeg:
“Beerkayga haddii badh loo jarayuu,
Bogsiinaayo kuma bakhayleen,”
Waxaasaa jacayl ah, illeyn wax walba jacayl laguma tilmaamo e’
Waa gaaxdii kalgacal ee Feysal Cumar Mushteeg, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Weli waxaynu dhex mushaaxaynnaa qaybtii uu ku lahaa Qaraamiga. Sidaas ayay inoogu hadhsan yihiin sheekooyinkiisii la yaabka lahaa.
Bal aynu eegno Qaraamkii iyo aqoontii markii la isku badhxay, wuxu Feysal Cumar Mushteeg ka soo tuujiyay. Malaha sugiba kari meysaan. Bal hadda dhareerka yar ceshada. Wuxu yidhi:
“Buyuuddaan ka baadhay Bukhaariga,
Burdahaan ku khatimay Ba’ iyo ‘Deel’”,
Miyuu badahaa jacaylku weli idin la maray! Haddaa maxaad isla waalaysaan waxba ma aydin arag e’.
Waa kan mar kale, waana sannadihii loo beddelay Bari. Wuxu ku sugan yahay magaalada Buraan ee gobolka Sanaag oo buuraley dhexdeed ku taal. Wuu cabanayaa, ku-ye:
“Barbaartaan la bartiyo barigii ka imee,
Buraan ma badday ku taallaa,”
Maalmo aanu wada fadhiisan jirnay bilowgii sagaashankii ayuu iiga sheekeeyay. Ka dib markii ay intaa maqleen ayay reer Buraan xanaaqeen. Waa kuwa isu tegay ee bahal casuumad ah u diyaariyay. Wuxu ii sheegay in maalintaana beydkan soo socdaa ka soo go’ay:
“Buurahan Jinni baysku baahinayee,
Buraan Herer ways bidhaanshaan,”
Ku-ye buurahan baas ayaan Buraan kharribaya e’, xataa Hargeysa ayaa muuqan lahayd.
Haddana waa ka xaggan iyo jacaylka laftiisii inoo la kacay. Awal si dadban ayuu abbaarayay e’, hadda waa kan dhuunta ku dhuftay. Ku-ye:
“Jacayl ma ba’oo ma baabba’a oo,
Waa laga bogsadaana waa been,”
Ballanka Ilaahay Cabdi Iidaan Faarax ayaa is-na bartaa ag dhigay, markii uu lahaa:
“Jacayl biri ma goysoo,
Biyo kaama maydhaan,”
Saa waa hal-abuurka laxan-dhaadhiga ah ee Cali Sugulle Dun-carbeed markii uu jacaylka ka hadlayay ee uu wiilku lahaa:
“Bilaneey kalgacaylku waa,
Dab baxaaya oo belelee,”
Ee gabadhuna kaga rogaysay:
“Baxsanow kalgacaylku waa,
Bidhaan quruxsan ood u bogtee,”
Axmed Libaaxna naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ heestiisa Axmed Mooge Liibaan qaado ee ‘dad haddaad is-qabataan’, jacaylka sidan ayuu u tilmaamayaa:
“Dab ku hura jalleecada,
Oo ka beerma daymada,
Deddo iyo xanuun iyo,
In uu cudur da’ weyn yahay,”
Haddii aynu intaa nidhi aynu ku noqonno gaaxdii Feysal Cumar Mushteeg ee Busi inoo soo gudbiyay iyo ‘Ba’leydii’ uu ku lahaa Qaraamkii. Markanna wuxu ka hadlayaa sidii ay isku seegeen madaxdiisii Ingiriiska ahayd ee jacaylka la garan weyday, waxaanu yidhi:
“’Parkerba’ waannagii ku kala boodnee,
Haddaan lay beddelin bishaa dabadeed,
‘Badenow’ tanna waan ka baxayaa,”
Halkanna waxaynu kaga baxaynaa ‘Ba’leydii’ Feysal Cumar Mushteeg wixii aanu ka haynay.
Waa qormo kale oo Qaraamigii ah. Weli gaaxdii Feysal Cumar Mushteeg ayaynu maalaynaa. Waxaynu gallay Ca’dii iyo wixii uu ka yidhi. Oo muxuu ku bilaabay:
“Ilaaha nin caydh ah cuud siiyow,
Nin cudur qaba caafimaad siiyow,
Cidhiidhi nin ku jira Allaha caawiyow,
Ka aan cidi arag caynka uu egyow,
Caaniyo nabad iigu soo celi,”
Subxaan! Bal siduu u sifeeyay awoodaha Ilaahay ee uu markii danbena gacmaha u hoorsaday eega.
Waa kan haddana mar kale inoola ambo-baxay Boorame iyo kalgacalkiisii guunka ahaa. Oo markanna muxuu yidhi:
“Canbayow waxaan haadda kaa celiyaba,
Waxaan sida Cawsha kuugu ciyaba,
Ma hadday ku cuneen cadaawuhu,”
Cadceed-u-eg caynka loo cawariyo,
Canbaha haadku cunayba waa calaf,”
Waa kan mar kale Feysal Cumar Mushteeg oo jacaylkii ku laxaadsaday ee laba-dibleeyay sababaynayaa, waxaanu intaa hore ku kabay:
“Cusbiyo kama maarmo geelu carroo,
Cirkiyo wuu ogyay halkii cosob loo,
Ceeb maaha in aan ku caashaqee,
Cidliyo ha iigu tuurin ciirsi la’,”
Bari iyo beryihii loo beddelay ee dhowr iyo lixdankii ayuu beydkanna Ceel-af-weyn ku odhanayaa:
“Ciyaartaan bartay iyo casrigii ka imee,
Ceel-af-weyn caano geel ma yaallaan?”
Waxa kale oo buyuuddiisii Qaraamiga ka mid ah:
“Ciilkayga kola caashaq deyn maayoo,
Ciyaarta cid kale la garan maayee,
Carsaanyo sigaarka hayla cabtee,
Ciiddiyo badda cagaha ii dhiga,”
Bal ka warrama marka uu kalgacalku kugu qasbo in aad badda iyo carsaanyada jamato. Weli isaga oo aan ka dhammaan mowduucii kalgacalka, wuxu haddana yidhi:
“Carsaanyoy baddii ka soo carartee,
Caagtaye ma cidlaad lugaysaa,”
Waa kaa carsaanyo la sheekaystay ninkii Feysal Cumar Mushteeg. Beydkan ugu danbeeya inta aan ka hayo intii uu ‘Ca’da’ ka falkiyay, wuxu odhanayaa:
“Cagaha socodkii ciddidii madhatoo,
Malaha cidhibtana cad kuma yaal”
Bishii Jeeniweri, 1998kii ayuu maalin aanu Hargeysa Club joognay Dararamle beydkan ku qaaday codka Qaraamiga ah ee ‘Caweys” oo uu Cabdillaahi Qarshe lahaa. Midhaha kale ee ‘Caweys’ lagu qaado Xuseen Aw Faarax Dubbad ayaa lahaa, waxaana ka mid ahaa oo aan maalintaa dhegaystay:
“Boggayga cadhadii cagaar ka baxyoo,
Dushaydu caleen ma leedahayeey,
Waxaan calashaaba waa caday oo,
Cunahaa waxba ii ma dhaafaan,
Iyo beydkan cajiibka ah:
“Sidii Cantar iyo Cablaynu nahee,
Miyaynu kala caajisaynaa,”
Ma cod iyo ayaad moodaysaan ‘Caweys”! Waa cod farxadeed oo kalgacal. Waa wixii la isugu heesi jiray habeen afar iyo tobnaad ah oo suxullada la mutay burciid daad maray oo cad oo weli rayskii ka sii qoyan yahay.
Waxaynu hore ugu sii soconaynaa qoraalka tuducyadii Qaraamiga ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg curiyay. Maa daama aynu xaraf xaraf u raacaynay, qormadan waxaynu ku gelaynaa qaybihii uu ka falkiyay xarafka ‘Da’ sidii uu inoogu soo tebiyay Maxamed Maxamuud Cige oo loo yaqaanno Busi, Ilaahay ha ka abaal-mariyo isaga iyo inta ummadda wax u keydisa ee is-xilqaantaba e’.
Wuxu ku bilaabayaa:
“Kii diray aniguu I doonaayoo,
Doqon baan garan hadalka loo dul-maree,
Tan iyo deyrta waan ka dabo-tegi,”
Garo’ oo jacalkiisii ayaa isaga oo aan ogeyn laga diray, sida ka muuqata tuducan. Calaacalkii ayuu sii wada uu kaga cabanayay jacaylkiisa laga kaxeeyay, waxaanu intaa hore ku kabayaa:
“Diyaarad ka saare degelkeennoo,
Daqiiqad Cadan bay dul taagneydoo,
Duhurkii Qaahiray ka sii duushoo,
Dawaafshe Rooma dacalladeediiyoo,
Ku dege Ingiriis dalkiisii,”
Wuxu ku sii darayaa:
“Hashaydaan daajiyaba nin iga didiyiyo,
Miyaanan dibindaabyo waayeyn,”
Waxa kale oo uu ku sii kabayaa:
“Nafyahay daashay aan ku daaddihiyee,
Ha ka didin wixii dantaada ah,”
Naftiisii ayuu u caqli-celinayaa, isaga oo leh:
“Nafyahay doqontii adays dilayee,
Duhurkii waxaad haysatood dejisiyo,
Doon-doonka habeenki kala daa,”
Beydkanna wuxu ka mid yahay kuwa aynu ugu maqalka badan nahay Qaraamiga innaga oo aan garayn ciddii tirisay, run ahaantiina Feysal Cumar Mushteeg ayaa ku saxeexan, waxaanu yidhi:
“Dakharkii cishqigaa I dooganayoo,
Dareemayoo waan damqanayaa,”
Beydkan qudhiisu kama dhaco, waxaanu yidhi:
“Dawee qalbigaa I daxalaystoo,
Hadalkaa I damqaaya iga daa,”
Bal hadda aynu eegno jacaylkiisii wuxu uga dhignaa, waxaanu yidhi:
“Daway ii ahayd an doonaayoo,
Dugsay ii ahayd I diirinayoo,
Naftayday daranyada u diidi jirtee,
Anigaa doqonoo mid kale ku daree,
Dabayshu hayga dhaafto dacallada,”
Markanna Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka cabanayaa intii is-jecel dadka isku dira, waxaanu leeyahay:
“Haddii lagu dilo anaa damqado,
Laysuma daayo laba is-doonaysoo,
Dadkeennu waxyeelladuu door-bidee,
Ku doortaye may ku daayaan,”
Isaga oo naftiisa ka hadlayana, intaa hore wuxu raaciyay:
“Hadday doqon kuu hagoogeen,
Direys u xidheen dib ii eeg,”
Beryihii ay dal-tabyadu daashatay ee uu ku noolaa dalkaa Sucuudigana buyuudda laga hayo wax aka mid ah:
“Dammaam iyo Khobar ma doonayo oo,
Dariiqa Togbaa I daashadayoo,
Dookhaygu dalkan wuu la garan waayee,
Aan duulee diyaarad ila doon,”
Weli waxaynu joognaa qurbihii. Waa kan mar kale Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu yidhi:
“Naf yahay daashay aan ku daaddihiyee,
Dimishiq ma ku maray dawaafkii,”
Waa mar kale iyo arrintii isku-dirka dadka is-jecel, waxaanu yidhi:
“Dareemay in laysku keen dirayoo,
La kala dilay daacaddeennii,”
Markanna waa habeen uu ku sigtay in aabbaheed dilo, waxaanu yidhi:
“Duqii waran buu I dari gaadhoo,
Dirqaan ku baxsaday daraaddaayoo,
Deeqay maqal laysku keen diid,”
Halkanna jacaylkii ayaa kula fogaaday, oo muxuu yidhi:
“Dharkana kama dilin dawaarluhuyoo,
Diricay gashataan I deyneyn,”
Kol ay digo tahay dubaabku ka tegay,
Nafiba naftay doonto waw dawee,
I daaya maxaygu kiin diray,”
Anigaa doortay deynna kari maayee,
I daaya maxaygu kiin diray,
Xarafka ‘Fada’ waxaanu ka hellay beydkan oo keliya:
“Kaliishoo fogaatay fore dhacaa,
Faniyay araggaaga lagu farax,”
Bal hadda aynu u gudubno xarafka’Ta’da’ iyo inta laga hayo, ama Busi ka qorayba habeenkaas, waxaana ka mid ah:
“Tilmaanta yartaan Tufaax ku masleed,
Timaha moodid naagihii Turkiga,
Aayar uun ka tag waa tu’ igu adage,
Tashadoo hadal wuxu isugu tegay,
In aan shaqadaba iskaga tago,”
Waa kan haddana isaga oo jacaylkiisii la hadlaya:
“Tufaaxay haddaad carrada ka tagtood,
Badaha ka tallowdo ta ugu dheer,
Tawaawac iyo taah la ledi maayee,
‘Tip-top’ kolley toob ka sii tolo,”
Sadarkaa ugu danbeeya ayaa tilmaamaya ilbaxnimadii iyo reer magaalonimadii Feysal Cumar Mushteeg, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’.
Immikana wuxu ka calaacalayaa siday naftu uga dakaatay ee uu ku seegay cibaadadii iyo salaaddii ku waajibtay, waxaanu yidhi:
“Markaan ku tashado in aan tukadaba,
Waxaanay tamartaydu taabayn iyo,
Tumashay naftu ii tilmaantaa,”
Bal immikana aan u tallowno buyuudda uu ka tidcay ama ka soohayba xarafka ‘Gada’, waxaanu ku bilaabayaa:
“Is-gabay waxna guursan kari maayee,
Meel baa I go’aysa goortaan arkee,
An geeriyoodee hay hor geynina,”
Gargoorkii ku yaallay Geed-deebliyo,
Gal-saxar mar labaad ma gaadhnaa,”
Wuxu ka mid yahay beydadka ugu caansan Qaraamiga ee aynu inta badan dhegaysanno.
Aynu u digo-roganno xarafka ‘Wa’da’ iyo intii Feysal Cumar Mushteeg ka yidhi. Wuxu ku bilaabayaa buyuuddan uu ku xusayo saaxiibkii Maxamed Wardi, fannaankii weynaa ee Soodaaniga ahaa, waxaanu yidhi:
“Aniga Wardi baa I waalaayoo,
Waadigii cishqigaa I walwaalanayee,
Waxaan qabo mayga werisaan,”
Haddana waa kan waddadii Bari u baaqaaya ee leh:
“Waddada bariyeey ku weheshaday,
Warkiyo hayga goyn waraaqaha,”
Wiigganba War-idaad baan dul weehanayee,
Tanina ma Wadaamo-goo baa,”
Wardi aynu ku noqonno:
“Haddaan wed I dilin wiiggaa dabadeed,
Sidii Wardi baan u wadayaa,”
Waxa kale oo buyuuddan ka mid ah, tuducyada caan-baxay ee ay ka midka yihiin:
“Markaan weynahay ku waafajinayn,
Waddada toosan waad ka weecan ogtoo,
Wadiiqad martaa wedkaaga ah,”
Wuxu ku darayaa:
“Waagii ii beryaba wareer ii kordhiyo,
Miyaanan wax I waala waayayn,”
Bal hadda beydkan u fiirsada sawirka uu bixinayo:
“Waan weydoobay kuu war noqon meysee,
Sidayda ma waalan gaadheen,”
Beydkanna wuu ku calaacalayaa:
“Wakiil adaga iyo waqtaan waayee,
Wanaagsan igamay wareegteen,”
Markanna waa xanuunka kalgacalka iyo laxawga, ku-ye:
“Wadniyo sanbab wada shaqaynaayoo,
Mid wiiqmay xanuun ma waayaan,”
Mar uu jacaylkiisa u barooran gaadhayna wuxu yidhi:
“Wehelo waayadaa war kama helinee,
Ma weertay siduu waalidkay go’ay,”
Markanna wuxu u digo-roganayaa xarafka ‘Ha’da’, waxaanu ku bilaabayaa:
“Nin tiisii helaa heblaayda hayee,
Aniga hawshu wey halkeedii,”
Isaga oo naftiisa la hadlayayna, wuxu yidhi:
“Naf yahay heedaddowday aan ku hagee,
Hargeysa ma joogtid hoygiiyee,
Waa in aad keligaa hadaaftaa,
Waa maalmihii dul-saarka ku ahaa ee uu qurbaha ku sugnaa. Habeen ayuu arkay isaga oo Hilton ku cawaynaya, ku-ye:
“Habeenba hir baan ka heesaayee,
Caawana Hiltankii hawaarsaday,”
Mar uu naftiisa la hadlayayna wuxu yidhi:
“Naf yahay haybisaa had iyo goor,
Markay hor timaaddana hogataa,
Haddaanad hadal kula hagaagayn,
In aad ka hadhaa habboonayd,”
Ammaantii kalgacalkiisa wuxu ka yidhi:
“Timaha halaqeed haldhaa mooddiyo,
Haybadda wejigee hiddo-u-dhaladka ah,
Hub-qaadkeedu hibasho igu reeb,”
Wuxu intaa raacinayaa:
“Habsaamay intaan u heesaayoo,
Harraaday intaan heblaayda hayee,
Hirdaayaye maan iskaga hadho,”
Weli waxaynu dhex maaxaynnaa badihii kalgacalka ee Feysal Cumar Mushteeg dhex muquuranayay, waxaanu mar kale yidhi:
“Heddaydii gacantaan ku haystaayoo,
Hadhkaagay naftaydu hoos taal,”
Isaga oo tilmaamaya meel hoo u baahan in aan hadal wax ka tarin, wuxu yidhi:
“Haddii geel harraday haro yimid,
Aseen biyo haqab-la’ loo hayn,
Hoobaydu ma harraad tiraysaa,”
Maalmihii uu gobollada Bari ee Soomaaliyadii hore joogayna, wuxu ku cawday:
“Huudhi bay dhex yaal Baddii Hurdiyoo,
Halkiyo Calawlaan ka soo hinqadee,
Hargeysa maxaad ku haysaan,”
Aynu u gudubno xarafka “Ja’da”, waxaanu ku bilaabayaa wax aka haysta jacaylka iyo Jubayl oo uu malahayga beryahaa deggenaa::
“Jidhkaygu naarti Jahannaba iyo,
Jaxiima ku noqoy jidhkaygiiyoo,
Jubayl baan jiibta kaaga tiriyaa,”
Xaaladdii nololeed ee uu ku jiray, wuxu yidhi:
“Waxaan ahay joogahaa maqanoo,
Waxaan ahay jiif nin loo diidoo,
Waxaan ahay ruux la kala jarayoo,
Jabuutiyo Jowhar kala jira,”
Aynu bilowno immikana intii uu ka yidhi xarafka ‘Sa’da’, waxaanu ka bilaabayaa buyuuddii uu Qaahira ka tiriyay beryihii uu miyuusigga ka baranayay, waxaanu yidhi:
“Saamiya quruxdii adaa ka sitoo,
Sabaaxna waad ka qaadday sawdkiiyoo,
Sidoodiina waad u socotaa,”
Waa Saamiya oo jilaa ahayd iyo Sabaax oo heesi jirtay. Waxay ahaayeen calan-sidayaashii xiddigihii Masaarida ee xilligaas. Waxa kale oo aan sii xusuustaa Faatin Xamaama.
Bal immikana aan eegno sida u sawiri lahaa haddii ay ciyaarayso, waxaanu yidhi:
“Sinnikhso sida awr la seeteeyoo,
Sinaha hadba gees u kala saar,”
Ma quruxdeedu sida ay u saamaysaa, wuxu ka yidhi:
“Subxaane Ilaaha taa sawiree,
Sameeyaa sabab iiga soo dhigay,”
Wuxu raaciyay:
“Ma seexdoo habeenkii waan selelaa,
Sayida waa la ii sawirayaa,
Maaqnaanshaheeda sida uu u dareemo, wuxu ka yidhi:
“Salaadda mid aan u seegaayoo,
Saaxiibkayow noo xidhnayd siri baa,
Sawaxankeedii ii sanqadhayaa,”
Mar kalena wuxu yidhi:
“Salaanina waa sedee Seynabeey,
Sidaasi miyay I qabataa,
Kolla caawa seexan kari maayee,
Siraadkii saliid ma leeyahay,”
Bal hadda immikana aan eegno xarafka ‘Ka’da’ inta kooban ee uu ka yidhi aan eegno:
“Immikay soo kartooy u kulushahayoo,
Kiiloo Batra kooras loo diray,”
Hadda wuxu sheegayaa waa ‘Cleoptra’, waana curisyada aqoontu ku soo kordhisay Qaraamiga.
Waxa kale oo uu yidhi:
“Kaskayga kolkii waxaan is-idh iyo,
Kurtinyahow waxaad noqotay kala kaan,”
Waxa kale oo uu ku darayaa:
“Kalgacalkaaga kow u odhan maayee,
Ha I keliyaynine igu kalsoonow,”
Xarafka ‘La’da wuxu ku bilaabayaa:
“Labadan cishaan ladnaan ku ledee,
Leylina ma la timid lurkeedii,”
Xarafka ‘Na’da oo uu waxoogaa ka yidhina bal aan eegno:
“Naf weyday naruuradeediiyoo,
Naafowday maxay ku nooshahay,”
Hadday naftu weyday tii nasin layd,
Waan nacay noloshii adduunyada,”
Naafowday hadday ku weydo naftuye,
Noolow anna way nasiib-xumo,
Nadarka indhahayga nuurkeedaay,
Naciimal-caadifeey ma nabad baa,”
Xarafka ‘Sha’du sidaa uma badna, waxaanu ku bilaabayaa sida aan qoraalkan ‘Busi’ ka soo xigto, wuxu ku bilaabayaa:
“Shaqadii baa I geysay shaanshaanee,
Tollay Shamis sheekadeedii,
Haddii shaab magaalo laga furo,
Shay buu nin waliba ka qaataaye,
Hablaha Shamis baan ku leeyahay,
Bal aynu immikana u guurno xarafka ‘Qa’da oo ku bilaabayo buyuuddii uu bariga ka tiriyay, waxaanu yidhi:
“Qardhiyo Laaso-bari roobkii ku qubtaay,
Waxaan u qushuucay quruxdaadoo,
Qacdaan ku arkaan is-qoonsadayoo,
Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,”
Bal hadda aynu u fiirsanno sida aanu jacaylkiisii u qiimayn hadalladii uu ku lahaa, waxaanu yidhi:
“Intaan qubay hadallo qaaliya,
Qasaariyay waa quruuruxa,”
Wuxu intaa raacinayaa:
“Qunbacay qalbigii I qoonnaayoo,
Qandhadoo waaban wada qadhqadhayaa,”
Waxa kale oo uu yidhi:
“Malaha qalbigaagu wuu qallaloo,
Qudhaydan baxaysa qaban meyside,
Qaaddirkaan u qayshan doonaa,”
Markanna waa beryihii uu ka cabanayay bariga waxaanu yidhi isaga Gebilay xusuusanaya:
“Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee,
Ma haddaan galay qaaba-qowseyn,”
Bal hadda immikana aan eegno sida uu kalgacalkiisii u ammaanayo, waxaanu yidhi:
“Qod baad tahay meel qabow ka baxoo,
Ubaxu dhaaxo aad u wada qariyoo,
Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,”
Feysal Cumar Mushteeg ma in laga dhammaanayo ayaad moodaysaan. Wuxu curiyay maanso bad ah oo aynaan ka geyoonayn. Bal hadda immikana aan u gudubno xarafka ‘Ma’da ah iyo wixii uu ka tidcay ereyo xariira oo ma-hadho iyo dhabanno-haysba reebay. Wuxu ku bilaabayaa:
“Magane waxaad tahay marwada dumarkoo,
Milgaha hadalkaad u odhanaysiyo,
Miyirka socodkaad mushaaxaysiyo,
Maraaraa luquntiyo dhexdaa madagta ah,
Midigtaad saydhay baw markhaatiya,”
Waah…Waah! Waxaasaa jacayl la yidhaahdaa. Allow ma ammaan! Bal adba! Intaa wuxu ku darayaa:
“Maroodi ma daayo mirashada,
Meyracaan u bartaan muhanayaa,”
Waa kaa u tallaabay in uu ka sheekeeyo Cilmi-boodhari, waxaanu yidhi:
“Miskiinkii Cilmi murugadii ku tegyoo,
Waxaaban u malaynayaa ma hubee,
In uu weli muusannaabaa,”
Haddana waa kan u tallaabay Qays iyo Leyla iyo mashaqadii soo martay, waxaanu yidhi:
“Maqashay Leyli Qays waxay marisoo,
Adoo miyir qaba maqnaan meyside,
Magooleey anaad I madiyeysee,
Mar uun baad adiguna muxtaaj noqon,”
Mar uu naftiisan joogsan weyday ka hadlayayna wuxu yidhi:
“Waa tan oo miridh kaa maqnaan weydee,
Maleeyoo bal maxaa I soo wada,”
Waxa kale oo uu intaa ku kabayaa:
“Ma-huraan gacal ahi ma kala maarmee,
Ma-naxaan nacab midigta hay gelinoo,
Munaay hayna kala maqnaysiin,”
Mar uu ka calaacalayay jacaylkiisii oo uu calfan waayayna, waxa laga hayaa:
“Hashaydii Mudheen maqaarka u siday,
Halkii mayay lehba hashaan marin jiray,
Hashaydaan manka iyo mirrowga u guray,
Maankayga midhkaasi geli maayee,
Ma maantaa lay yidhi nin kale maal,”
Bal hadda aynu ku sii soconno curintii la yaabka lahayd ee Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu intaa hore ku daray:
“Maxaygu musbaaray magaceedoo,
Sidii mara-boobta iigu marayee,
Macaaneeyay ruuxa iga maqan,”
Haddana waa kan inala tegay Sucuudigii iyo sannadihii uu ku maqnaa, waxaanu yidhi:
“Meeshuu Cantar geela soo mariyiyo,
‘Mid Way’ baan murti kaaga tiriyaa,”
Wuxu intaa hore ku darayaa:
“Marwaadka dhexdeenna maansho Allee,
Macbuud dhigay wuu macaan yahay,”
Malaha adigaa mabsuud u ledee,
Sidii baan u muusannaabaa,”
Immikana waa London. Wuxu ka daba-tegay kalgacalkiisii. Tilifoonnadan waddada mid ka mid ah ayuu kala hadlay, ka dib markii uu helay lambarkeedii. Wuu la hadlay. Waxay ugu soo jawaabtay: “Adigii ma tihid.” Kiiyoo tilifoonkii haysta ayuu tuducan soo socda ku qaaday codka ‘Jawhariyo Luul.’ Saddex nin oo caddaan ah oo daba taagnaa ayaa mid ka mid ahi yidhi: “Ilaa inta uu dhammaynayo waa aynu sugaynaa.” Busi ayaa iiga sheekeeyay, waxaanu Feysal Cumar Mushteeg yidhi:
“’Es double yuu wan’ (SW1) baad ka dheeshaayoo,
Ma dheeride waabad dhowdahayoo,
Dhawaaqayga waad maqlaysaaye,
Dhibtaydaad wanaag ka dhigataa,”
Ma ammaanteedii baa? Waa kan Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu yidhi:
“Labada dherer waw dhexeysaayoo,
Labada dheemman waw dhexaysaayoo,
Ma dhuubna dhumuc weynna lama siinnoo,
Ma dhiirrana dhagarna kama baqatoo,
Waa dheddig ninna way u dhigantaa,”
Immikana waa kan dhulkii la hadlaya. Ku-ye:
“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,
Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,
Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,
Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,
Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,
Wixii na dhibaaya naga dhowr.”
Waxa kale oo uu kalgacalkiisii ku yidhi:
“Dhiiggeenna midee la kala dhuray iyo,
Miyaanay ku dhibaynin dhalashadu,”
Immikana wuxu ka hadlayaa dhibaatada jacaylku u geystay iyo inta ay le’eg tahay, waxaanu yidhi:
“Dhibtayda dadkaa ka dhuumanayoo,
Dhirtoo maqashaan I dhaafteenoo,
Dhagaxay damqan laa dhadhaabta ah,”
Mar uu murtidiisa ka hadlayay, wuxu yidhi:
“Afkayga dhalay dhiil u soo qaatoo,
Bad baan dhurayaaye dhaansado,
Murtida kuwa dhabarka lagu sido iyo,
Kuwaan dhalan meel u sii dhiga,”
Sohdimaha ammaantana Feysal Cumar Mushteeg waa uu ka gudbay oo waa ka ereyadan ku muunaynaya kalgacalkiisii, waxaanu yidhi:
“Mid aan u dhigooy la dhaban tahay,
Ma dhalan dhabarkana laguma sido,”
Wuxu intaa ku daray:
“Dhaqaaqay jacayl I dhaan-dhaanyoo,
Is-dhiibay anoon afeef dhigan,”
Immikana waa kan xaggaa iyo Hawdkii inala tegaya, ku-ye:
“Dhugatoy sida geel dhukaan qaba,
Dhalaalayoo dhiiggu iga madhayoo,
Dhibiibyayoo waan is-dhalan-rogay,”
Mar kale wuxu jacaylkiisii ku odhanayaa:
“Wixii ku dhibaaba igu dheeroo,
Dhud yahay baxday laygu kaa dherer,”
Dhaayahoon ku arkayn dheguhu ku maqlee,
Dhawaaqaaqi sow lamaan dhicin,”
Mar kalena waa kan leh ama odhanaya:
“Dhuumashaa jirta dhabarku muuqdaayoo,
Nin weyn dhalanteed laguma sasabee,
Intaan xeedhiyo fandhaal kala dhicin,
Dhammee arrinkeennan kala dhiman,”
Halkanna hal-ku-dheg dhaxal-gal ah ayuu inoogu reebayaa. Oo muxuu odhanayaa:
“Dhimasho noloshii dhibaato leh,
In ay dhaanto ii ma dhaadhicin,”
Immikana waa kan ina leh:
“U dhuubtay sidii ulaha dhebigoo,
Dhexdayda surwaalkii wuu ka dhacee,
Dhan kale sow tan ii la dheelliday.”
Halkan hoosena aan idiin ku taxo buyuud aannaan xagga hore ku soo qorin oo aan is-leeyahay Feysal Cumar Mushteeg mar danbe ayuu xusuustay oo saaxiibkeen Busina ka qoray, waxaanu yidhi:
“Naqaa ka bixiyo labada naas,
Nimcada Herer waa ku noolow,”
Waxa kale oo ka mid ah beydkan hal-hayska noqday:
“Nabiilaay adigiyo nalkaa Mijir Koos,
Noolaada Herer waydin nuurteen,”
Waxa kale oo ka mid ah beydkan caanka ah:
“Nugaaleey waan jeclaa in aan ku noqdoo,
Nasiibkaygu waa annagoo nabadiyo,
Idinkoo nololiyo naq roobaad,”
Maxamed Cumar oo loo yaqaanno Maxamed-Dhuux, ayaa mar uu iiga warramayay Feysal oo ay isku fasal ahaayeen ii sheegay in curinta Feysal u badnayd gole-ka-fuul aanu waqti badanba ku qaadan. Wuxu iiga sheekeeyay maalin ay xiisad Juqraafiya ku jireen oo ‘Projector’ wax loogu dhigayay. Dersigu wuxu ku saabsanaa dalkaa Talyaaniga, gaar ahaan magaalada koonfurta ku taal ee ‘Napoli’. Macallinkii ayaa hadalkiisii ku daray: “Magaaladaa Napoli hablaheeduna waa wax qurux badan.”
Feysal, wax badanba kuma ay qaadan in uu isla markiiba beyd iyo laba ka tidco faalladii macallinka, waxaanu yidhi maalintaas:
“Nikoosiya oo naq roob helay,
Napoli way ka naago wacan tay,”
Nikoosiya waxay ahayd xaruntii dalka Qubrus oo ahayd ‘Nicosia’, looguna dhawaaqo ‘Nikoosiya’. Xaafad Boorame ku taallay oo Feysal dareenkiisu ku cindanaa ayaa berigaa la odhan jiray Nikoosiya.
Waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay, gaar ahaan Somaliland leedahay in ay dadka ama magaalooyinka u bixiyaan magacyada inta badan war-baahinta ku soo noqnoqda.
Beryihii uu bariga beddelka ku tegayna wuxu ku sii daray:
“Docmiyo bari baa I daashadayoo,
Dunida dabadeedaa lay dirayoo,
Dayaxi waw galbeed dalkaan tegay,”
Tixihii Qaraamiga ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg waxaynu ku soo koobaynaa xarfahan ‘La’da ah, waxaanu yidhi:
“Lawaaggii horaan la soo noqonnoo,
Malaha Leyla waaban laasimi,
Layli baa la I saaray leeddo ahoo,
Lur mooyee adduunyo liil ma lahoo,
Lammaankii naftaydu kala lume,”
Intaas ayaynu ku joojinaynaa curintiisii Qaraamka, isagana Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
Waa Qormooyinkii ugu danbeeyay ee aynu ku muunaynay fanaankii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg oo suulkiisii iyo saxeexiisiiba kaga tegay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna qaybaha curinta, luuqda iyo jilidda. Waxa intaa u dheeraa isaga oo ahaa sheekeeye wanaagsan oo aan maadeynta iyo qosolka loogu bir-dhigan.
Intaa ka-sokow wuxu lahaan jiray sheekooyin yar oo aad u gaaggaaban oo qosol miidhan ah. Haddii aynu sheekooyinkaa godollo ka soo qaadanno, waxa la sheegay in beri uu ka soo duulayay Madaarka dayuuradaha ee Abu-Dabi uu baasaboorkiisii mid gabdheed ku qaldamay. Gabadhaa waxa la odhan jiray ayaa la yidhi Sahra. Markii uu sarkaalkii socdaalka baasaboorkiisii u dhibay, ayuu sarkaalkii ku yidhi: “Magacaagu ma Sahraa?” Af-carabi ayaa su’aasha lagu weydiiyay, isaguna wuxu ku jawaabay: “Maya e’ magacaygu waa Warda.”
Waxa kale oo la sheegay in habeen qolo boolis ahi isaga iyo saaxiibkii goor habeennimo ah ku qabteen magaalada Jidda. Magacyadii ayaa la weydiiyay. Waa beryihii Boqor Feysal dalka Sucuudiga xukumi jiray. Ka dibna wuxu sheegtay magaciisii dhabta ahaa ee Feysal oo wuu iska illoobay magacii uu waraaqaha ku haystay. Saaxiibkii ayaa is-yidhi magaca Boqorka ee Feysal ayuu ku baxsadaye adna Fahad sheego. Sidii ayuu isaguna Fahad ku sheegtay oo ay ku nabad-galeen.
Beryihii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ayay maalin magaalada Balli-gubadle koox dayday ahi rasaas ka rideen. Sidii ballantu ahayd, shaqaalihii idaacadda ayaa alaabtii la cararay. Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa dadkii xarunta idaacadda ku sugnaa ayaa buste cusub oo kuwan shabeelku ku sawiran yahay ah oo Qadar looga keenay la isaguna cararay. Markii la isku soo noqday ayaa Feysal la weydiiyay wuxu kelidii u baxsaday ee uu alaabtii Idaacadda taallay wax uga guri waayay, waxaanu ku jawaabay: “Aniga ‘spare parts-kayga’ ayaan la helayn haddii ay wax igu dhacaan.”
Berigii Hargeysa la soo galay 1991kii ayaa Cajab halkan baabuurta lagu maydho la furay. Dadka magaalada markaa soo degay reer miyi ayuu u badnaa. Waa ay daawan jireen marka baabuurta la dallaco. Feysal Cumar Mushteeg ayaa maalin yar ag joogsaday. Mid ay saaxiibbo yihiin oo ag marayay ayaa ku yidhi; “Waar Feysal maanta jaad noo qaad.” Feysal Cumar Mushteegna wuxu ugu jawaabay: “Bal dadka aan dhex joogo eeg ee aad jaadka I weydiinayso.”
Beryihii Hargeysa lagu soo noqday ayuu dadkii wada garan waayay. Wuxu ku sii dawakhay dadkii buuxiyay shacabka iyo ‘Indian Line-ka’. Baar Hargeysa ayuu subaxdii iyo galabtii hor fadhiisan jiray. Wuxu eegi jiray dadka soo kallahay iyo inta sii carraabaysa. Waxba wuu ka garan waayay. Markaas ayuu yidhi: “Waa dadkii ay Hargeysi berigii hore ka buuxsantay.”
Dhowr iyo sagaashammadii annaga oo fadhina xaruntii hore ee Idaacadda ee Timacadde ayaa nin noo soo galay. Ninkaasi wuxu ka mid ahaan jiray shaqaalihii ka hawl-geli jiray Wakaaladihii Badroolka ee dawladdii Soomaaliyeed ee nidaamkii Siyaad Barre. Ninkii ayaa yidhi: “Xalay waan riyooday ee ma idiin sheegaa riyadaydii?” Feysal Cumar Mushteeg oo nala fadhiyay ayaa ugu jawaabay: “Maya ee aniga ayaa sheegaya.” Waanu yaabnay. Ka dibna Feysal ayaanu ku nidhi sheeg. Feysalna wuxu yidhi: “Waxaad ku riyootay adiga oo haamihii badroolka ee Berbera ku dabbaalanaya.” Isaga iyo ninkii oo maanta inaga hooseeyana Ilaahay dhammaantood ha u wada naxariisto.
Nin Mareykanka jooga oo qormooyinka Feysal Cumar Mushteeg akhriyay ayaa isaguna sheekadan yar ii soo diray, waxaanu yidhi:
“Feysal Dugsiga Qalax ee Gebilay waxaan u malaynayaa in uu hal ‘term’ ka shaqeeyay. Nin la odhan jiray Tallaaboo oo ku dhintay Sucuudiga, oo ahaa kooxdii naga horreysay ayaa iiga sheekeeyey sheeko soo kala martay Feysal markuu Qalax macalinka ka ahaa. Feysal ayaa ku sigaar beelay Qalax habeennimo, markaasuu soo toosiyay dhowr arday oo ku ogaa in ay sigaarka cabbaan. Wuxu yidhi Tallaabo ka mid baan ahaa ardaydaas. Wuxu yidhi aad ayaanu u naxsanayn oo macallinkii ayaa yidhi sigaarka ayaad cabtaan. Wuxu yidhi intaas ka dib Feysal ayaa sii jeestay oo yidhi idin ma arkayo e’ gacantaas sigaar ha la soo saaro. Markaas ayaanu jeebka gacanta gelinnay oo xabbad sigaar ah gacanta u saarnay”
Nin Xasan Ismaaciil la yidhaahdo oo fannaan ah ayaa Feysal maalin ku yidhi: “Waxaan doonayaa in aan xamar tago.” Waa dhowr iyo sagaashankii. Busi ayaa iiga sheekeeyay. Feysal baa wuxu ugu jawaabay: “Oo xabaalaha Hargeysa miyaa laguu diiday, halkan ayaaba laguugu faataxaynayaaye.” Xasan Ismaaciil ayaa hadalkii ku noqday oo yidhi: “Carruurta iyo xaaska ayaan is-lahaa soo kaxayso.” Feysal ayaa hadalkii ku celiyay oo markanna yidhi: “oo markii hore maad intaa noo soo horraysiisid.”
1997kii muddo sannad ku dhow ayaan ka hawl-geli jiray wargeyska Jamhuuriya. Maalin maalmahaa ka mid ahayd ayuu Fetsal Cumar Mushteeg noo yimid waqti galab ahayd, naxariistii Janno Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’. Wuxu naga codsaday in aanu ka qorno maqaal yar oo koobnaa oo uu doonayay in uu kula kaftamo Madaxwenihii jamhuuriyadda Somaliland ee xilligaas, waxaanu maalintaa yidhi hadal u ekaa: Aniga iyo ‘James Brownba’ waxaanu ahayn laba heesaa oo caalamiya oo madow oo heesi jiray toddobaatannadii. Markii aanu xabeebannay ayaanu iska daynay heesihii oo ka fadhiisannay. Haddaba is-weydiintu waxay tahay, tolw tan siyaasad ah miyaan lagu xabeeban iyada oo aan la iska daynin.
Feysal Cumar Mushteeg ma heeso badnayn. Bal se heesahaa koobnaa ee uu ku qaadi jiray, ma ay jirin cid la ag dhigo luuqdaas oo kale lahayd. Luuq la yaab leh oo in yar xabeeb ahi ku jirto ayuu lahaa. Waxa luuqdiisaa sii macaanayn jiray xabeebtaa yare e ku lammaanayd. Hadda xabeebtaasi haddii ay cid kale oo heesaa ah ladhi lahayd, waxa laga yaabaa in aan sidaa Feysal Cumar Mushteeg loo jeclaadeen.
Inta uu heesayo wuxu ku dari qosol uu fooladha qaawinayo. Waxa u raaci dhawaaqyadii iyo sanqadhihii la yaabka lahaa ee uu keligii samayn jiray, miyuusigga loo tumayana ku kaabi jiray. Sacabku isagu wax u gaar ah ayuu oo uu u tumi noocyo aynaan malayn Karin. Marka aan arko isaga oo tumayaba, waxaan is-odhan jiray tolow ma laga reebi oo da’-yartu ma ka dhaxli doontaa.
Heesaha uu qaadi jiray kuwa aan ugu jeclahay wax aka mid ahayd Subcis oo aan dhowr iyo kontonkii dhegaysan jiray aniga oo carruur ahaa. Sidaan hore u soo sheegay wuxu Radio Hargeysa heestaa u duubay 1958kii. Waa halka uu ku godlan jiray ee curintiisa ku barbarian jiray.
Heesaha kale ee la yaabka leh ee uu qaado wax aka mid heellada la yidhaahdo ‘Riftoor’. Waa magic laga soo dheegay sida aan u malaynayo cadar lagu isticmaali jiray Jabuuti oo la odhan jiray ‘Reve d’ or,’ oo markii la soomaaliyeeyay noqday ‘Riftoor’. Waxa ku luuqeeya oo si la yaab leh ugu leexaysta Feysal Cumar Mushteeg. Si aanan sharxi karayn ayuu u qaadaa. Marka uu qaadayo waxaad moodaysaaba in uu gucle-orod ku jiro oo uu meel buur ah fananayo. Waa marka ay ugu fiican tahay xabeebtiisu.
Heesaha kale ee uu qaado waxa kale oo ka mid ah:
Heedhe gabadhyay heedhe: Ereyadii Axmed Saleebaan Bidde,
Hay gabine: Cabdiraxmaan Xasan iyo beydka saddexaad oo Feysal Cumar Mushteeg ku daray,
Ha derderin Carrada ha doorin: Ereyadii xasan qowdhan,
Lacageey: Ereyadii Cali Sugulle Dun-carbeed,
Meydal qoor dheer: Ereyadii Axmed Saleebaan Bidde,
Mar qubnay mar cabnay: Cabdalle Sagsaag,
Subcis: Ereyadii Feysal Cumar Mushteeg,
Rifdoor: Ereyadii Feysal Cumar Mushteeg,
Sidaas ayay taariikhdu ku xusi doontaa feysal Cumar Mushteeg iyo kaalintii uu ka soo galay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed.
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana Samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Ilaahay ha ina kulmiyo mar kale iyo Qormooyinkan oo isku dhan isla markaana tifaf-tiran oo sawirro leh. Fadlan wixii aad noogu soo deeqi kartaan nagu soo caawiyo.
Waxaynu ku soo gunaanadaynaa tixdan ee baroor-diiqda ah ee uu Cabdirasaaq Maxamed ka dul tiriyay qabrigii Feysal Cumar Maxamed (Mushteeg) oo ay dad badani dul joogeen, waxaanu arar uga dhigay:
“Wuxuu ruux qadeeyaba hadday, qiricdii gaadho
Cudurrada wax qaatila, hadii qoorta loo geliyo,
Ee uu qal-dhabo.ee wax badan, quudka cuni waayo,
Ma soo booqataan maalin qudha, mana quwaysaan,
Qaadaa-dhiggeedii hadduu mowdku, Yara qaado,
Mid la qaliyo xoolaha waxaad, wada qorshaysaanba,
Qayo aad ka shiinto iyo maxaad, Timir u soo qaadi,
Noloshaa wax layskugu qabtaa, Qoommamada daaya,”
Dhammaad