Askar miyaa galbaday

“Dibno ii ma gooyaan,

Dakanooyinkaygee,

Laba daw mid iga xidhan,

Iga dayrsan nacasnimo,

Iga deyran lahashadu,

Iga duuban googgoos,

Boholyowna iga dedan,”

Daalalley, Hadraawi

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –

Waa maalin kale……maalin geesi kale galbaday….geerida loo dhalay waana wax aan la gafayn oo xaq ah….Guulluhu qabriga kuu nuur…Gabboodkaaga guryihii nagaa ee jannada ka yeel.

Waa 19kii Ramadaan 1431ka Hijriyada oo ku began 29ka Ogost 2010ka. Maalintu maalmo kuma jirto oo waa Sabti, marka maalmihii Soomaalidii hore loogu magac-dayona waa Soo-roga. Waa Ramadaan oo caadi ahaan bisha aan hawsha xafiiska ka fasax qaato ah, bal se qorshayaasha iyo hawlaha Akaademiga oo aan yarayn inta badan maalmaha qaarkood ayaan gaadhaa. Waa xilli saacaddu ku beegnayd ilaa 11.00kii saacadood ee subaxnimo. Tilifoonkii gacanta ayaa soo dhacay. Waan qabtay. Saa waa dhinicii kale oo leh: “Aabbo, waxa gurigii walaashii ee idaacadda ku dhawaa saaka ku dhintay Cabdillaahi Askar.” Waa wiilkaygii aan soddogga u ahaa ee Amiin Cabdillaahi Xaashi. Wuxu intaa iigu daray: “Aniga ayaa soo ogaan doona waqtiga la aasayo oo kuu soo sheegi doona.” Aniguna aniga oo naxsan ku idhi: “Hawraarsan, aabbo, haddii kalena anba waan soo ogaan doonaa.” Sidaa ayaan tilifoonkii ku dhigay. Wax yar ka dib ayuu I soo garaacay Mujaahid Kaariye oo aanu jabhaddii ku wada jirnay, halgan-wadaag iyo saaxiibbaba ilaa maantada aynu joogno nahay. Isna gabbalka dhacay ii sheeg. Dhowr tilifoon ayaan ma-huraankii jabhadda u diray, warka igu soo noqonayayna wuxu ahaa salaadda casar ayaa lagu tukanayaa. Sidii ayaan ku hoyday aniga oo murugaysan oo hadba sida hillaaca ay ii soo marayaan muqaalladii nololeed iyo jabhadeed ee Cabdillaahi Askar Barkhad aanu wadaagnay.

Waxay xusuustu dib iigu celisay Muqdisho iyo beryihii aanu halkaa wada joognay. Wuxu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga dalka ee Soomaaliyeed. Waxaan arki jiray isaga oo direyskii ciidanka lebbisan oo wata baabuur yar oo Jarmal ah oo buluuki ah oo malahayga ciidankoodu ergiso ahaan uga haysan jireen ciidankii booliska Soomaaliyeed. Waxaan sidaa u leeyahay, baabuurta noocaas ah Jarmalka ayaa deeq ahaan booliska u siin jiray, halka baabuurta millaterigu ka iman jirtay dalkii Midowga soofiyeti. Maalmaha qaar ayaanu wada fadhiisan jirnay. Waxay aad isugu xidhnaan jireen Axmed Maxamed Halac oo isna ahaa korneyl ciidanka booliska ka tirsanaa haddana naafo ahaan ugu nool dalka Iswidhen.

Beryahaa aanu Muqdisho joognay hadalhayntu wax kale ma ahayn oo aan ahayn sidii heeryadii Siyaad Barre la iskaga rogi lahaa. Beryahaa saraakiisha aan Muqdisho ku bartay ee hawlahan ku foognayd waxa ka mid ahaa Dayib Gurey oo isaguna maalmahaa aroos ku ahaa meel Guriga Shaqaalaha ka hooseysa. Hargeysa iyo Qaybtii 26aad waxaan ka sii xusuusnahay saraakiishii aan la kulmi jiray ee hawlahan ku jirtay: Maxamed Kaahin Axmed, Aadan Sheekh Maxamed oo Shiine loo yaqaannay iyo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle. Waxa kale oo Muqdusho isaguna aanu ku wada xidhiidhi jirnay Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo maareeye ka ahan jiray wersheddii hilibka ee Kismaayo. Mujaahid Koosaar wuxu saraakiisha kale dheeraa isaga oo ahaa dadka suugaanta xiiseeya ee sida aadka ah u dhandhamiya. Waxaan xusuustaa sidii aanu isugu cindanayn xilliyadii ay Deelleeydu aawanayd ee ay Muqdisho, dalka iyo dibaddiisaba haysatay.

Cabdllaahi Askar Barkhad, wuxu ku dhashay kuna barbaaray dalkaa Itoobiya. Waqti ku sinnaa 1966kii ayuu Dugsigiisii sare ku dhammaystay magaalada Diri-dhabe, beryahaa ka dib oo uu u soo wareegay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Wuxu qortay oo uu ka mid noqday ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo tababar ciidan oo madaafiicda ah loogu diray dalkii Midowga Soofiyeti oo uu saddex sannadood ku maqnaa. Hawlo badan ayuu ka soo qabtay xooggii dalka iasaga oo xilliyada qaarkood tababare ka ahaa dugsigii tababarka ee Kismaayo. Dagaalkii 1977kii wuxu ka galay Godey sidii ay in badan isaga iyo Cabdilqaadir Koosaar iiga sheekeeyeen. Waxaan sii xusuustaa nin sarkaal ahaan jiray oo la odhan jiray Ina Salaad Cawar oo ay aad uga sheekeyn jireen oo goobihii dagaalka ku dhintay.

 

Askar miyaa galbaday? – (Cabdillaahi Askar)

Cabdillaahi Askar wuxu ahaa nin dhexdhexaad ah oo xagga gaabnida xiga. Gadh isku jooga ayuu lahaan jiray. Dadka kulul ee inta badan xeyraanka ah ayuu ahaa. Inta badan marka uu hadlayo waa uu qaylin jiray isaga oo aad mooddo in uu xunbeynayo, sidaa darteed ayaa naanays ahaan loo odhan jiray Askar Qaylo. Qof dareen nugul oo hadba xaaladda uu ku jiro aad wejigiisa ka akhrisan karto ayuu ahaa. Cabdillaahi Askar wax kuma ay ahayn in uu ilmeeyo mararka uu xaaladaha qaarkood galo gaar ahaan marka uu aad u faraxsan yahay ama aad u naxsan yahay. Hadduu wax yar kugu qoonsado markaaba wuu kugu qaad-qaadi jiray, marka uu war helo ee uu ogaado in uu kugu qaldamayna isaga weli haddana ku dagaalaya ayuu raalli-gelin ku sii jiray.

Inta badan wuxu qaadan jiray surwaal Jiinis ah oo ku giigsan iyo shaadh uu hoosta marin jiray. Mar marka qaarkood ayuu garan u qaadan jiray. Qaad qamax aan maalinna ka qadin ayuu ahaa. Suufi aan sidaa u si fogeyn ayuu ahaa inta bandanna wuxu la fadhiisan jiray intaa ay suufinnimada wadaagaan.

Sidii aan hore u soo guud-maray Cabdillaahi Askar Barkhad 29kii Ogos 2010ka ayuu ku geeriyooday guriga walaashii Khadra Askar oo Radio Hargeysa kaga beegan galbeed. Waxa lagu ballamay in salaadda casar lagu tukado ka dibna lagu aaso xabaalaha Boqol-jire. Ilaahay ayuun baa ogaa wixii baabuur iyo dad halkaa isugu yimid. Waxay ahayd xaaladihii lagu sifayn jiray “Il-yarta ayaa is-qabatay iyo fallaadha circa loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn.” Halkaas ayaa Cabdillaahi Askar oo ummaddan milgo iyo maamuusba ku lahaa laga gelbiyay ilaa laga gaadhayay Masaajidka Ilmo Faarax Xarbi dhiseen ee shacabka ku yaal halkaas oo salaaddii casar ka dib lagu tukaday meydkii Cabdillaahi Askar. Qaybo badan oo dadkii iyo baabuurtii ka mid ahaa waa ay sii hor mareen maa daama aan lagaba geyoodeen saxmadda dad iyo baabuurba lahayd ee meesha ka jirtay.

Bartii xabaalaha ayaa la isugu tegay. Waa maxay dadka meesha marayaa! Waa maxay baabuurta meesha la safay! Waxa kugu soo dhacaysay in Hargeysiba ay meesha ku dhan tahay. Waxaad soo xusuusanaysay gelbisyadii ugu badnaa ee taariikhda Somaliland soo maray. Ma aaskii taariikhiga ahaa ee Cabdillaahi Qarshaa….Ma aaskii rikoodhkaba la jebiyay ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal baa. Gelbisyadaa taariikhiga ah ayuu ninkii galabtaa joogay soo xusuusanayay.

Madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirin. Xerta iyo uunka gelbiskaa Cabdillaahi Askar milgaha iyo maamuuska ku yimid waxa ugu mudnaa oo madaxa hayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo oo halgankii hubeysnaa bah-wadaag iyo halgan-wadaagba lagu ahaa. Waxa goobtaa marayay Madaxweyne-ku-xigeenka. Waxa kale oo joogay mudankii iyo xubnihii Golayaasha Qaranka oo Xildhibaanno iyo wasiirroba lahaa. Waxa marayay Hoggaamiyayaashii xisbiyada Qaranka. Waxa is-na ka mid ahaa dadka aaskaa Cabdillaahi Askar ka qayb-qaatay taliyaha Ciidanka Qaranka. Ma Mujaahidiintii baa….ma S-tii horaa…..Ma S-tii dhexaa……Ma S-tii danbaa….Ma abwaannadii iyo fannaaniintii baa….. maanta oo dhan haddii aan ma’da guro gabbalna inooga dhici maayo waana inooga beryi maayo.

Waxa dadweynaha aan xaddiga iyo tiradaba lahayn ee gelbiskaa Cabdillaahi Askar ka soo qayb-galay milge iyo maamuusba u kordhiyay bahdii war-baahinta oo dadka dhex mushaaxayay oo weydiinayay hal-doorkooda waxa ay ka hayaan taariikhdii iyo noloshii halgameed ee marxuumka aaskiisa loo joogay.

Cabdillaahi Askar Barkhad, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ wuxu ahaa sarkaal naftii-hure ah. Waxa aan si fiican u xusuustaa markii uu noo yimid ee uu SNM sida tooska ugu soo biiray in aanu wax badanba nala joogin ee uu markiiba gudaha isku tuuray. Been ku hadli mayo haddii aan idhaahdo maba cago-dhigan. Haddii aanan khaldanayn oo aanay xusuustaydu I dagayn wuxu Maraykan oo uu Akaademi Ciidameed oo West Point la yidhaahdo kaga jiray nooga yimid bilowgii 1983kii. Isaga oo aan cabbaar nala joogin ayuu u ambo-baxay hawl-galkii lagu qabtay ee markii danbena sida geesinnimada ah loo soo furtay.

Waxaan si fiican u xusuustaa maalintii uu ka ambo-baxayay Jigjiga oo goor barqo ah ahayd. Waxaanu joognay xaruntii SNM ee fooqa ahayd oo haatan la dumiyay markii ay waddo la ballaadhinayay ku soo hagaagtay. Maalin dhaweyd oo aan Jigjiga tegay ayaan soo arkay sawirkaa foosha xun ee lagu tirtiray dhisme taariikh ku lahaa halgankii hubeysnaa ee SNM.

Waxaan xusuustaa Cabdillaahi Askar Barkhad oo u diyaar ah in uu saldhigyadii Bari u ambo-baxo oo halkaa Hargeysa oo uu waajib ku haystay uga gudbo. Baabuur weyn oo Mercedes ah oo 19 ah ayuu sii raacay oo xamaantu ugu rarnayd. Waxa la taagnaa oo sii ambo-bixinayay Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo ahaa Taliyihii Guud ee ugu horreeyay ee ciidammadii dibuxoreynta Qaran ee SNM. Waxa kale oo aan si fiican u xusuustaa in agabka Cabdillaahi Askar Barkhad sii raranayay ay ku jireen Raadyowyo Rakaal ahi iyo kuwii gacanta lagu qaadanayay. Waa xilliyadii ama beri-samaadkii is-gaadhsiinta SNM oo saldhig wal iyo xarun waliba lahayd Raadyow ay xarumaha kale kula xidhiidho.

Cabdillaahi Askar Barkhad sidii ayuu ku ambo-baxay, Burco ku galay ka dibna uga gudbay Hargeysa. In yar haddii uu joogay Hargeysa isaga oo ku dhex jiray abaabulka iyo qabanqaabada hawlihii halkaa uu tegay ayaa Cabdillaahi Askar la qabtay oo la mariyay marinno xanuun badnaa oo raad aan tirmin kaga tagtay jidhkiisii. Naxdin iyo af-kala-qaad ayay ku noqotay shacbigii ku hoos noolaa nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre.

Haddii aan intaa hordhac iyo ararba ka dhigto, waxaan jeclahay akhriste in aan u gudubno hawl-galkii taariikhiga ahaa ee Cabdillaahi Askar Barkhad lagu soo furtay iyo ma-hadhadii ka raacday Maxamed Siyaad Barre iyo bahdiisii waayadii danbe lagu dur-duriyay. Waxaan jeclahay Qormooyinka soo socda in aan si tifaf-tiran ugu qaadaa-dhigo hawl-galkaa taariikhiga ah iyo sidii loo xaqiijiyay ee shacbiga Soomaaliyeed rajada iyo ididiilada u noqotay.

Marka hore aan ka afeefto xigasho-xumida mareegaha qaarkood (websites-ka). Waxa ayaan-darro xilliga la marayo iyo sida xeer iyo xaagaanba ka taggan ee mareegaha qaarkood u xigteen qormooyinkan taariikhiga ah. Qoraalladaydii iyo sawirradaydii hawl-galkan ku saabsanaa ayaa inta la iska qaatay magacyadii mareegaha qaarkood lagu qortay. Qofku ha qaato wixii uu u baahdo laakiin waa in uu sheegaa halkii uu ka keenay. Aan intaa kaga baxo afeeftan ka dhalatay waxaad adigu qortay oo cid kale magac iyo maamuus ku doonayso.

Aan ku noqdo Cabdillaahi Askar Barkhad iyo hawl-galkii loogu wanqalay Bad-jeex ee duhurka cad lagu soo furtay.

12kii Abriil 1983kii maxay Hargeysa ku waa-bariisatay? Hawl-galkii lagula baxay Col. Cabdillaahi Askar iyo xusuusta maalmihii qadhaadhaa. Bishii Abiil 12keedii 1983kii , waxay dadweynaha Reer Hargeysa ku waa-bariisteen natiijada hawlgal si la yaab ah uga fulay gudaha magaalada Hargeysa, habeennimadii 11kii Abriil ee isla sannadkaa, ka dib markii Xaruntii Rugta Saraakiisha ee Qaybtii xoogga badnayd ee 26aad lagala baxay Col. Cabdillaahi Askar Barkhad. Wuxu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii caanka ahaa ee ururka SNM oo wakhtigaa dagaal hubaysan kula jiray Taliskii Siyaad Barre. Ciidammadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay waxay gacanta ku dhigeen Col. Cabdillaahi Askar, isaga oo hawl-gal qarsoodi ah u yimid magaalada Hargeysa, kana soo galay fadhiisimadii Itoobiya ee ururka SNM.

Galabnimadii 11kii Abriil 1983-kii, Col. Cabdillaahi Askar, wuxuu laba-dible ugu xidhnaa qol yar oo ku dhex yaallay Xayndaabka Miiskii Saraakiisha Taliskii 26aad, waxaana ku xeernaa Ciidamo xooggan oo ka tirsan Askartii Qaybtii 26aad. Geesta kale marka aad eegto isla galabnimadaa waxa loo diyaar-garoobayay Xuskii Maalinta Ciidankii la odhan jiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sannad kasta loo dabaal-degi jiray 12 Abriil. Sidaa darteed, galabnimadaa, Gen. Maxamed Xaashi Gaanni oo ahaa Taliyihii Qaybtii 26aad, ayaa Xaflad ku waajahnayd 12 Abriil, ku qabtay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo uu doonayay in uu dadweynaha hor geeyo Col. Cabdillaahi Askar, uguna bushaareeyo in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii ugu waaweynaa Cadowgoodii SNM, isla markaana waxa qorshaysnayd in saacado kadib Col. Askar loo duuliyo magaalada Muqdisho oo ahayd Xaruntii Taliskii Siyaad Barre, halkaana dhegta dhiigga loogu darro.

Hase yeeshee, saacad ka hor oo ku beegnayd 5:30 markii Col. Cabdillaahi Askar la geyn lahaa Tiyaatarka Hargeysa oo uu ku sugnaa Gen. Maxamed Xaashi oo loo yaqaannay Gaanni, ayay 11 Mujaahid oo uu hor kacayay Col. Ibraahim Ismaaciil (Kood-buur), xoog kagala baxeen Col. Cabdillaahi Askar qolkii uu ku xidhnaa, ka dib markii ay hawl-gal culus oo ay ugu badheedheen ilaaladii xoogganayd ee ilaalinaysay Col. Cabdillaahi Askar ku ekeeyeen Miiskii Saraakiisha, halkaana ay albaabka ka jabiyeen, ka dibna tuurta ku qaateen Col. Cabdillaahi Askar, taas oo ay isaga oo bed-qaba saacado ka dib kala tallaabeen Xuduuddii u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhacdadaasi, waxay ahayd mid lama-filaan ah oo saamayn kala duwan ku yeelatay ugu yaraan saddex dhinac oo kala ahaa; dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Gobolladii Waqooyi, ururkii SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba dawladdii Siyaad Barre.

Dhacdadaasi, waxay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba Taliskiisii ku noqotay adhax-jab aan hore loo arag iyo dhirbaaxo kulul oo aanay ka soo waaqsan. Dhinaca ururkii SNM, waxay u ahayd guul aan hore loo arag, waxayna u soo jiidday Sumcad weyn oo millateri iyo Siyaasadeed intaba. Sidoo kale, dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Goboladii Waqooyi, waxay dhacdadaasi mar u ahayd farxad weyn, marna waxay u ahayd naxdin weyn, waayo? Mar waxay ogaayeen ama u caddayd in guusha SNM ka gaadhay Ciidamadii Siyaad Barre ee 26aad, iyaga loogu aari doono oo lagu samayn doono dil, xadhig iyo dhac. Marna, waxay ku faraxsanaayeen guushii la gaadhay.

Qoys ahaan marka aynu dib ugu noqonno Cabdillaahi Askar Barkhad wuxu ahaa xaas. Wuxu qabay Kinsi Muuse oo u dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Beryihii aanu halgankii hubeysnaa ku jirnay ayay reerku u guureen oo degeen dalka Holland oo ay ilaa immika ku maqan yihiin. Maxamed Kaahin oo aan mar dhaweyd oo aan maqaalkan diyaarinayay la hadlay ayaa ii sheegay in ay reerku imanayaan Hargeysa 1da sebtember 2010ka.

Col. Cabdillaahi Askar, waxa laga qabtay goor habeenimo ah meel u dhow Sinimoogii hore ee Hargeysa, iyada oo ay isaga iyo Cabdisalaan-Turki u yimaaddeen hawl-ciidan, waxaana muddo saddex habeen ah oo uu ku xidhnaa Taliska Qaybta 26aad loo geystay ciqaab Jidh-dil ah oo aad u adag.

Hawl-galkaas Cabdillaahi Askar lagula baxay waxa fuliyay 11 Mujaahid oo iska abaabulay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo mid mooyaane inta kale ay ka tirsanayd ciidankii Qaybtii 26-aad, waxayna ku hawlgaleen laba baabuur oo Landcruisers ah, waxayna ku hubaysnaayeen boobayaal fudud.

11kaa dagaalyahan waxa hawl-galkii kaga dhintay laba shahiid, waxaase maanta ifka kaga nool saddex nin.

“Maalmo aad u adag ayay ahaayeen,” ayuu yidhi Cabdillaahi Askar oo aanu khadka telefoonka kaga warraysanay dhacdadaas markii aanu qoraalkan diyaarinaynay isaga oo jooga magaalada Addis Ababa oo uu markaa ka ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya halkaas.

“Waxay ahayd naf u dhexaysa nolol iyo dhimasho. Hadday ‘torture’ (Jidh-dil) tahay jidh-dilkii u xumaa baa la I soo mariyey dunida,” ayuu yidhi cabdillaahi Askar.

Cabdillaahi Askar oo mar uu Addis Ababa joogay dareenkiisa la weydiiyay, waxa kale oo uu noogu jawaabay:

“Haddaad I weydiiseen dareenkaygu sida uu ahaa, runtii dareenkaygu wuxuu ahaa wax yaab leh, maba aanan filayn inaan intaa ku jirayo. Waxaan mar kasta waxaan is-lahaa aaway raggii aad wada socoteen, goor ma ayaad ka baxaysaa…” Cabdillaahi oo ka jawaabayay sida ay isu waafaqayaan dareenkiisa iyo deldelaaddii uu u xidhnaa, waxa uu yidhi: “Abadan, mar kasta waxay ila ahayd rag baa iga dambeeyay, niman waxaanu ahayn naftood hurayaal ah, soo diyaar garoobay, waxaan is-lahaa waar raggii xaggay ku hadheen.”

Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa 11kii Mujaahid ee Cabdillaahi Askar la baxay ayaa ka warramay sidii iyo qaabkii hawlgalku u dhacay, waxaana uu ku bilaabay:

“Bishii Abriil 8dii, 1983kii ayaa meel Sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdillaahi Askar lagu qabtay. In Cabdillaahi Askar la furtaa waxay ku dhalatay saaxiibbadii oo qaarkoodna halkan (Hargeysa) sii joogeen qaarna ay la socdeen. Fikradda soo-furashada markii ugu horreysay waxa annaga noola yimi Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqaaney Bir-jeex”.

Aadan Maal oo hawlgalka iyo tabaabushahoodii si faahfaahsan uga warramay waxa uu intaa ku daray oo sheegay in maalin maalmahaa ka mid ah iyaga oo fadhiya guri u dhow Bir-jeex ay go’aansadeen in ay fiidka la baxaan Cabdillaahi Askar, laakiin ay u suurta-geli weyday. “11kii Abriil annaga oo ka soo qadaynay hudheel ku yaallay xaafaddii Iftin ayaanu soo raacnay tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaallay meel Xabsiga Dhexe ee Hargeysa waqooyi-galbeed ka xigta. Waxa Guriga lahaa Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse Ducaale. Waxa noo qorshaysnaa in aanu hawlgalka ku dhaqaaqno afarta galabnimo. Qolooyin ayaa naga habsaamay oo goor danbe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii dib ugu diganay shanta galabnimo,” ayuu yidhi Aadan Maal.

Sida ku cad Warbixin uu qoray guddi taliskii waqtigaasi u saaray in ay soo baadhaan cidii ku lug lahayd hawlgalkaa, Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse waxa ay guddigaasi kiiskiisa u gudbisay Maxkamaddii Badbaadada, waxana nidaamkii Siyaad Barre ku toogtay magaalada Hargeysa 1984kii isaga oo kaga aar-gudanaya hawl-galkii SNM ee Buuraha ee sannadkaas.

Alle ha u naxariistee, Ismaaciil waxa la sheegay inuu xabbado baastoolad ah riday ka dib markii Cabdillaahi Askar lala baxay. Waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii sida weyn u taageertay hawl-galka, waxayna dad kale oo xogogaal ahi sheegeen in rasaastaa uu riday ay ahayd yool habaabis.

Dhaqan ayay uahayd ciidammadii Siyaad Barre in ay dadka aar-goostaan mar kasta oo ay SNM ka guulaysataba. Ismaaciil oo keliya ma ahayne, dad badan oo kale oo aan waxba galabsan ayaa sidaa ku dhintay. Magacyada aynu xusi karnana waxa ka mid ah shahiid cabdillaahi Cabdi Good oo Ismaaciil mar lala toogtay oo isaguna eeday taageeradii uu siin jiray halgankii hubeysnaa ee dibu xoreynta qaran ee SNM. Ynu gaaxdii aadan Maal dib ugu noqonno.

Aadan Maal isaga oo sii wada sheekadaas waxa uu sheegay in haddana ay suuro-gal noqon weyday in ay shantii galabnimo hawl-galaan, sababta oo ah waxa is-beddeli jiray laba gaadh oo midkiiba yahay 22 askari, taas oo ka dhigeysay tirada markaas meesha ku sugan 44 askari, sidaas darteed, waxay goosteen in ay iska sugaan inta labada gaadh kala hagaagayaan si ay 22 askari ay ugu beegmaan.

Isaga oo halkaa ka sii ambo-qaadaya wuxuu yidhi Aadan Maal: “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaallay ayaannu ka dhaqaaqnay. Dugsiga Sh. Baraawe galbeedkiisa ayaannu kaga soo dhacnay waddada (Laamiga xabsiga hor mara).

Waa 5 iyo 25 miridh. Ku talo-galku wuxuu ahaa in aanu marno waddada dhakhtarka ka dambaysa oo aanu ka soo laabno Sheekh Ibraahim Biliso halkii uu ku jiri jiray, ka dibna aanu hor marno xerada Turubataariyada oo sidaa miiska Saraakiisha ku tagno.

Aadan Maal wuxu intaa raaciyay: “Waxaannu u isu qaybinay laba kooxood oo midna afar tahay midna siddeed. Waxa hor gelayey gaadhiga siddeeddu saarnaayeen oo aan anigu ku jiray. Markii aanu Ibraahim Biliso meel u dhow marayney ayaannu ogaanay in baabuurkii afarta nin saarnaayeen naga hadhay. Halkii ayaannu ka soo noqonay. Annaga oo marayna meel aan ka fogeyn Xafiiskii nabadsugidda ee hore oo ah halka immika Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Dib-u-dejinta ku jiraan ayaanu aragnay baabuurkii oo taagan meel aan ka fogeyn guriga Edna Aadan ee cusbitaalka guud ka danbeeya. Dib ayaanu ugu soo noqonay, waanu riixnay arday meesha maraysayna waa ay nala riixday. Balse waanu kari weynay. Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay. Kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqy. Waddadii hore dabadeed, waanu ka leexanay oo waxaanu marnay tan Madaxtooyada hor marta. Intii aanu baabuurka riixaynay ayaa afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo iska tegayba.”

Hadda Aadan Maal ayaa weli inoo mahadhadii ay ka soo mareen furashadii cabdillaahi askar Barkhad oo miiska saraakiisha ee Hargeysa ku xidhnaa, waxaanuyidhi: “Markii uu baabuurkii oo hashkadaynayaa noo kacay ayaannu isagii nidhi na hor soco si aanu u ogaanno in uu is-taagay iyo in kale. Markii aanu gaadhnay geerashka Ina Abu-site ayaannu baabuurkii saddexdu saarnaayeen dhaafnay oo hor gallay. Waxa aanu ku nidhi soo soco oo hawshaadii qabso. Waajibkoodu waxa uu ahaa in ay albaabka shishe ee miiska ee galbeedka xiga ay istaagaan oo ay gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan. Annaga oo siddeed ahayn-na waxay hawshayadu ahayd in aanu albaabka soke ee bariga soo xiga ka gallo oo gaadhka gudaha ku jira kala calaf-qaadno.”

Halkan la joogaa ee lagu kala baxayaa waa miiska hortiisii. Waa halkii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa. Ka dib sidee ayay hawshii u dhacday. Aadan Maal isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

“Waxa direyskii Ciidanka lebbisnaa Ibraahim Kood-buur iyo Ibraahim Carab oo aan derejo sidan. Ballantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibraahin Kood-buur gaadhka ku yidhaahdo: ‘Waa Gaashaanle Ibraahim Kood-buur’, haddii ay socda yidhaahdaan-na in aanu nabad ku gallo haddii ay yidhaahdaan: ‘Nimankan dusha saarani waa maxay ama ay af-soomaali kale ku hadlaan-na baabuurku iska socda annaguna inta gaadhka ah ee halkaa taagan khaarajinno; baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado gurigii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa.”

Sidii la filayay markii Ibraahim Kood-buur isu sheegay ayay gaadhkii ku yidhaahdeen ‘soco’, colkiina wuxuu ku guuleystay in uu si nabad ah ku galo miiska. Hase yeeshee, haddii ay gooladdi labaad ka laabteen ayaa gaadhkii xeradu ka shakiyeen.

“Halkaa gooladda ah ee labaadna gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. Kuwiina degdeg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayay ilaalinayeen. Waannu iska dhaafnay. Waxa aanu tagnay gurigii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhowaa.

Halkaa waxa ku sugnaa baabuurkii kale ee saddexdu saarnaayeen. Sidii ballantu ahayd waxay ku qaybayeen gaadhka halkaa jooga si aanu anagu uga baxno annagoo bed-qabna marka aanu hawshayada gudanno. “Ninkaas ayaa dhibaato noo geystey,” ayuu yidhi Aadan Maal. Waa uu sii waday isagoo ka warramaya siday hawshooda u sii wateen:

“Siddeedayadii gudaha gallay hawshu waa ay noo kala qaybsanayd. Ibraahin Kood-buur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa in ay Cabdillaahi Askar qufulka ka jebiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa naloo sheegay inuu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Darawalka oo baabuurka ka mas’uul ahaa oo aanay ahayn in uu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalana aanu ka fogaan dhakhsona ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay shan Mujaahid. Annagana hawshayadu waxa ay ahayd khaarajinta gaadhka iyo ilaalinta Ibraahim Kood-buur, Cabdisalaan Turki iyo Cabdillaahi Askar. Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday, kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid. Waxa aanu ku soo hadhnay Saddex. Siciid isagu dhaawacii gaadhigaba kalama uu soo degin. Biixi se, waanu is-ag taagnayn oo bidixda ayuu iga xigay markii ay cuskatay, markaa ka dib ayaan arkay ninkii Biixi toogtay oo meel xas ah dhex rafanaya. Ninkii xaska dhex rafanayay, ayaan xabbad ku riday. Inta uu dhaqaaqay, ayuu cadceed-galabeedii isku beegay oo dhinaceeda naga maray. Cadceedduna way sii dhacaysay oo way na cawaraysay. Markaa ninkii iyo cadceeddii, ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Laakiin, haddana xabbad baan ku riday oo aan ku dhuftay, balse inta uu dhacay ayuu haddana siqay. Mujaahid Malloosh iyo Ibraahim Carab, ayaa ka daba wareegay, hase ahaatee waxa ka hor yimid gaadhkii dibadda ee aanu u qaybinnay gaadhkoodii kale ee dibadda, markaa kuwii ayay isla libdheen. Aniguna, waxaan u baydhay kuwii gaadiidka daaqadaha guryaha, si aan na looga soo toogan. Baabuurkii saddexdu saarnaayeen, dibadda ayay hawshoodii ka soo bilaabeen, taasina waxay keentay in gaadhkoodii la soo eryado oo ay xaggayagii iyo gudaha ku soo yaacaan.”

Halkaa markay arrintu maraysay, weli lama hayo Cabdillaahi Askar iyo halka uu ku xidhan yahay. Aadan Maal, wuxuu sheegay inuu markaas maqlayay Ibraahin Koodbuur oo ku musanaabayay “Waar ragga laayaay, waar ragga laayaay” wakhtigaas oo ay saddex albaab oo isku xigay ka baadhayeen Cabdillaahi Askar, isaga iyo Cabdisalaan Turki. “C/Salaan Turki, albaabkii bidixda xigay ayuu jabiyay, ka dibna wuxuu yidhi kuma jiro, markaasaan ku idhi ‘waar ka midigta. Waar ka midigta….’ Dabadeedna wuu ku orday oo gacanta ayuu ula tegay. Cabdillaahi Askar, markaa wuxuu bilaabay qaylo, waxaanu kor ugu dhawaaqay; ‘waar waykan…waar waykan..’ Malaha wuxuu maqlay, markii aanu is-lahayn kanna kuma jiro, kanna kuma jiro.”

Aadan Maal, isaga oo ka sii sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen daqiiqadihii markaa ku xigay, wuxuu yidhi:

“Dhawaaqii Cabdillaahi Askar ka dib, Cabdisalaan Turki ayaa albaabkii gacanta ula tegay, Ibraahim Koodbuurna qoriga dabbadiisa ayuu ku dhuftay, markaasuu mar labaadna ku celiyay oo ku dhuftay. Waxa jabay albaabkii, dabadeedna Cabdillaahi Askar oo qaawan, ayaa isaga oo boodaya soo dhaafay. Kamuu xidhnayn lugaha, balse waxa uu ka xidhnaa gacmaha oo keliya, Nigis yarna wuu xidhnaa, waxaana ku yaallay nabaradii lagu dhuftay. Markii uu soo baxay ayaan is-hor taagay, aniga oo ka soo jeestay xaggii daaqadaha, waxaanan ku idhi; ‘Waar Baabuurka fuul…. Waar baabuurka fuul.” balse anigii ayaabu iga shakiyay. Ibraahim iyo Cabdisalaan Turki oo uu soo dhaafay markii hore ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi; ‘waar ma baabuurkaan fuulaa?’

Ibraahim Koodbuur, ayaa la hadli waayay, markaas ayaan anigu ku idhi Ibraahim; ‘waar ninka baabuurka fuul dheh’ dabadeedna Ibraahim, ayaa u ishaaray in uu baabuurka fuulo. Ka dib, xaggii baabuurka ayuu u dhaaqay oo dhinacii darawalka ayuu maray, dabadeed waxaan ku idhi; ‘dhinaca kale mar oo

ka soo gal.’ Ibraahinna, gaadhigii ayuu fuulay oo shidhkii ayuu la galay. Aniga iyo Cabdisalaan Turki, waxaanu ku dhaqaaqnay Biixi X. Xasan oo dhaawacnaa. Dhawr goor, ayaa degdeg awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday, oo haddana naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday. Markaas baabuurkii in door ah ayuu naga goostay oo albaabkii laga baxayay ayuu ku dhowaaday, annaguna Biixi oo dhaawacan ayaanu daba sidnay. Markii dambe ayuu Biixi X. Xasan nagu yidhi; ‘waar anigu dhintaye, yaanu baabuurku idinka tegin.’ Sidaas ayaanu baabuurkii ku fuulnay, Biixi-na halkii baanu kaga tagnay oo naftu kaga baxday, nololna laguma soo gaadhin.

Sidaas ayaanu ku ambabaxnay, annaga oo baabuur keliya wadanna. Albaabka galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka Bari ka mara guriga Cabdillaahi Darawal immika ku jiro, ayaanu qaadnay, waxaanu u joogsanay saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaas, wax naga sii yaacaya mooyaane. Dugsigii 1da July ee immika Jaamacadda Hargeysa loo yaqaanno, ayaanu bari ka marnay, Masaajidka Isha Boorama ku yaallana dhinaca galbeed ayaanu ka marnay. Magaalo-qallooc oo ahayd Xeradii Ayaxa, ayaanu sii dhex jibaaxnay. Midig ayaanu u baydhnay oo dalcadda karasharka, dariiqa ka dillaaca ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay dalcaddaa, ayaa baabuurkii naga hashkadeeyay oo uu is-taagay. Waxaa naga horeysa xero Ciidan degan yahay iyo xaruntii Gantaalaha, labadaa dhexdooda ayaanu ku sugan nahay. Cadceeddu, markaa liiqay sii dhigaysaa, oo way sii dhacaysaa. Waxay nala noqotay in aanu Ciidankaa, cadceedda sii dhacaysa isugu toosino, taas oo annaga na caawinaysay. Xeradaa markii aanu dhaafnay, ayaanu bidix u baydhnay. Mar kale, ayaa baabuurkii hashkadii bilaabay, annaga oo marayna halka ay ku kala baydhaan waddada Madaarka tagta iyo ta Ina Naxar u soo leexata. Kucladdii gaadhiga, ayaanu in shidaalla ku shubnay, nasiib-wanaag wuu noo dhaqaaqay, markii aanu ilaa boqol tallaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Talo ayaa nagu caddaatay, haddana waxay nala noqotay in aanu wax is-weydiinno oo aanu tashanno. Intii aanu tashanaynay, ayay cadceeddu godkii gashay oo gabbalkii noogu dhacay halkaa. Dabadeed Cabdisalaan Turki, ayaa soo jeediyay in Salaatul Shukri aanu tukanno, sidaas darteed markiiba waanu tukannay. Markii aanu tukanay, ayaanu baabuurkii yar taataabanay oo wuu noo dhaqaaqay.”

Markaa ka dib, waxay qoorsadeen waddada Habaas-weyn. Darfacle, goobta loo yaqaan markii ay dhaafeenna, gaadhiga ayay laydhkii u shiteen. Makhaayad ku taallay tuulada la yidhaahdo Cunaaye ayay is-yar taageen, waxaanay halkaa ku waraysteen qaar ka mid ah dad deegaankaa deggenaa oo ay weydiiyeen, bal in waddada ay hayaan ay kala baydhayso inta aanay gaadhin Gunburaha Banka iyo in kale. Markaa waxay u sheegeen dadkii ay la kulmeen, in ay kala baydhayso inta aan la gaadhin Gunburaha. Meesha oo keyn ahayd awgeed, waxay weydiisteen dadkii in raaciyo cid dal-aqoon ah. Dadkii waxay u qaateen in ay yihiin niman Jaadlayaal ah, dabadeedna waxay ku dareen laba nin. Labadii nin waxay ku simeen ilaa Gunburaha Banka, halkaasna waxa ka sii raacay nin kale oo dal-mariye ah. Ka dib, waxay cagta saareen Waddada Gumar u baxda, muddo yar markii ay hayeenna waxa u muuqday kaaha Laydhka gaadhi hor-goynayay oo ka soo baxay dhinaca Ballay-gubadle, una jeeday dhinaca Gumareed, kaas oo ay markii dambe ogaadeen in uu ahaa Bee-bee Ciidamadii Faqashtu lahaayeen oo iyaga loo soo diray. Bee-bee-gu, wuxuu ku dhacay Xorfad, ciidankii saarnaana markii uu ku dhacay godka, ayaa midba meel ku duulay. Mid ka mid ah, wuxuu dusha kaga tuuray geed oo uu ka laad- laadiyay, mid kalena dhulka ayuu ku dhacay oo luqunta ayuu wax ka noqday. Intii ay shilkaa ku hawlanaayeen kooxdii Bee-beegu, ayaa Mujaahidiinta iyo gaadhigoodiina Xuduudda ka tallaabeen. Markaa ka hor, siduu sheegay Aadan Maal markii ay tuulada Gumar gaadheen, waxaa halkaa ku joojiyay Ciidankii Faqashta ee degganaa, hase yeeshee Ibraahim Koodbuur ayaa u sheegay in aanu nahay Koofiyad-castii qaybta 26aad oo baadi-goobaysa baabuur lagala soo baxsaday, sidaas darteed wuxuu ku yidhi Ibraahim Koodbuur Ciidankii halkaa degganaa; ‘Wax baabuur ahi miyay idin dhaafeen?’ waxaanay ugu jawaabeen; “Maya.”

Intaa ka dibna, wuxuu Ibraahim faray askartii in wixii baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan, waxaanu u sheegay in aanu xagga Balli-cabbane u dhaafayno. Alla ha u naxariistee, Ibraahim wuxuu markaa labbisnaa dirayskii milateriga, taasina waxay u saamaxday in uu xeeshaa kala hor tago askartii faqashta ee Tuuladaa joogtay.

Sidaas ayay kaga dhaqaaqeen Gumar, markii ay in yar ka socdeenna, waxay u baydheen waddo yar oo la yidhaa Waddo-tuug oo Xarshin ku beegan, Caraancarray-na xagga galbeed ka marta. Markii ay u baxeen bog-cadda geed-gaabka Xarshimeed, ayaa Siciid oo dhaawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi; ‘waar biyo I siiya, kol haddii aynu soo tallownay.’ Reer Banka afkiisa yaallay, ayay markaa joogsadeen oo ay biyo weydiisteen. Wakhti ayay ku qaadatay intii ay biyaha sugayeen, markii loo keenay ee ay Siciid biyihii siiyeenna raggii reerka joogay, ayaa u sheegay in haddii gabbal dhaco aan Xarshin la geli karin, weliba iyaga waxa u dheeraa oo ay siteen hub. Sidaas darteed taladii ayay qaateen, halkaas ayaanay ku negaadeen habeenkaa. Saacaddu markii ay ahayd 2:45-daqiiqo, ayaa dabadeed Siciid naftii ka baxday (Alla ha’u naxariistee). Subaxnimadii hore ayay tooseen, waxaanay damceen in ay dhaqaaqaan, iyada oo Meydkii Siciid gaadhiga u saaran yahay, hase ahaatee baabuurkii ayaa kici waayay, waxa ay arkeen in xabbadi kaga taallo qasabadda Batroolka, markaas halkii xabbaddu ka dhaawacday qasabadda ayay warqad ku duubeen, ka dibna waa ay riixeen gaadhigii, in yar dabadeedna wuu u istaadhmay. Abbaaro lixdii subaxnimo ayay ka dhaqaaqeen goobtaa, wakhti yar ka dibna waxa ay gaadheen magaalada Xarshin. Xaruntii SNM ee Xarshin ayay meydkii Siciid ku rogeen, halkaasna waa lagu aasay. Sidaas ayaanay ku nabad galeen xubnihii kale ee Mujaahidiinta ahaa oo ay ku galeen Itoobiya, intii dhimatay mooyaane.

Hawl-galkaas layaabka leh, waxa uu fulay sannad ka dib markii ururka SNM saldhigiisa millateri ka unkamay Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood ka dib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska (April 6dii, 1981kii). Hawl-galkaasi, wuxuu fure u noqday dhiirrasho xoog leh oo dhalisay in ururku gaadho guulo is-dabba jog ah. Mujaahidiintii hawl-galkaa fuliyay oo taariikhda baal dahab ah kaga jiraa, waxa maanta ka nool kow iyo tobankoodii, saddex Mujaahid. Magacyada 11-ka Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay, waxay kala yihiin:

Askar miyaa galbaday? – (Koodbuur)

1. Ibraahim Ismaaciil Maxamed (Koodbuur) oo ahaa Illaahay ha u naxariistee hoggaamiyihii hawl-galkaa. Ibraahim Koodbuur, wuxuu ku geeriyooday markii dambe magaalada Rabaso oo ka tirsan Kilinka 5aad ee Itoobiya, sannadkii 1987-kii, waxaana la sheegay inuu u dhintay xannuunka Kaneecada.

2. Cabdisalaan Turki, wuxuu ahaa Mujaahidkii la socday Cabdillaahi Askar markii hore ee ay Hargeysa soo wada-galeen, hawl-galkana ay ku wada-jireen. Cabdisalaan Turki, wuxuu hadda ku nool yahay dalka Ingiriiska.

3. Biixi Xaaji Xasan, Illaahay ha’u naxariistee isagu wuxuu ku dhintay Miiskii Saraakiisha, intii hawl-galku socday maalintaa April 11dii, 1983kii.

4. Siciid Birjeex, Alle ha’u naxariistee waxa isna la dilay intii hawl-galku ka socday Miiska Saraakiisha.

5. Siciid (Kur-libaax) Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku dhintay magaalada Berbera sannadkii 1991kii.

6. Axmed Xuseen Warsame (Malloosh), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, January 21dii, 2002dii.

7. Saleebaan Siciid (Saleebaan yare), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu geeriyooday June 1988kii, waxaanu ku aasan yahay Jigjiga,

8. Aadan Maal Caqli, wuxuu isagu ka mid yahay Xubnaha weli nool, waxaanu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

9. Maxamed Carab, waxa isna la sheegay inuu ku nool yahay Gobolka Sanaag.

10. Jaamac Maxamed Cali iyo

11. Axmed Ismaaciil Yuusuf, ayaa iyana ka mid ah Xubnaha Hoyday (intii dhimatay Ilaahay naxariistii Janno ha siiyee).

Gebegebada sheekada Cabdillaahi Askar:

Waxa aynu soo gunaanadayna sheeko dheer oo maalmahanba I noo socotay oo aan ku sagootiyaya geesi ummaddan naftiisii u huray. Hawl-galkan bad-jeex ee loogu quus-gooyay Ciidan hooyo-boobyo ahaa oo la baxay Bir-jeex maxaa maanso lagu muuneeyay. Maxaa ereyada mucda leh milge iyo maamuusba looga dhigay. Maalmihii hawl-galkaa la fuliyayba Mujaahid Aadan Tarabbi ayaa hal-muceedyadiisii ku yidhi:

Wax la yidhi Bir-jeex,

Waxa helay bad-jeex,

Wuxu intaa ku daray aniga oo aan maanta heestii oo dhan aan idiin soo gudbinayn:

Bishu waa Abriil,

Toban beriyo laba,

Bandhig Ciidammadu,

Isu soo baxeen,

Waxay baawar iyo,

Baaruud hayeen,

Badka soo dhigeen,

Baa Askar lagala baxay.

Aadan Tarabbi isaga oo si qurux badan oo farshaxannimo leh u sawiraya sidii loogu quus gooyay ciidammadii cadowga iyo sidii ay doobiga quusta u liqeen markii Askar lala baxayna, wuxu yidhi:

Badhbadhaadhnaydii,

Ba’ay baa xigtaa,

Booboow la yidhi,

Maansooyinku waa ay badnaayeen ee bal hadda markanna aan soo qaato dhaadashadii Hadraawi ee Daalalley, maansadii dadku sida kiniinka “Anti-pain”-ka ah u liqeen si aanay dagaalladu u xanuunjin, faqashtiina saska iyo baqaha ka qaadday. Isaga oo ku dhaadanaya wixii Bir-jeex qabsaday iyo sidii kabaha loola dul maray Hadraawina, waxa uu yidhi:

Bir-jeex deeddankeedii,

Laga diday kulkeediyo,

Degsan baan ku dhaartay,

Hawl-galkani wuxu marag cad u ahaa qiimihii ay Cabdillaahi Askar iyo halyeeyo badan oo la mid ahaa ku lahaayeen ummaddan xilliyo ay ku jirtay halgan hubeysnaa oo qadhaadhaa. Cabdillaahi qof ayuu ka ahaa halgankii hubeysnaa, haddana soo furashadiisii 11kii Mujaahid ee sida tooska ah ula baxay iyo sidii dadban ula shaqaynaysay ayaa loo sadqeeyay. Duunyo aan qiyaas iyo xaddi lahayn ayaa loo burburiyay. Dhafoor-taabasho ayay ahayd. Waa la gumoobi lahaa haddii kale. Dadka waa cusub oo rajo iyo ididiilaba cokan ayaa u baryay. Faqashtiina jab iyo halaag aanay ka soo waaqsan ayaa ku dhacay.

Waa cusub ayaa ummaddii dagaallamaysay u beryay, gabbal baas ayaa u dumay faqashtii iyo intii gargaaraysay.

Cabdillaahi askar iyo shuhadadiiba Ilaahay ha u naxariisto innaga samir iyo iimaan ha innaga siiyo. Agoontii iyo ooryihii ay ka tageen sidii aynu wax tari lahayn ayaa dhammaanteen ina faran waan qof iyo garashadii.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *