Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida:

Qaybta 1aad

Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii)

“Ilaahayoow cadawgeenna,

Burjujuc iyo bagagac,

Bukur awr ku raftiyo,

Quraarad buur lagu tuuriyo,

Beed maroodi ku joogiyo,

Bisad uu jiidhay tareen iyo,

Bilaalahoo kala duuliyo,

Bad aleel ku dhacdiyo,

Buul dabeyli riddiyo,

Buurigoo la afuufay,

Ay dabeylina qaadday,

Ilaahow baabbah ka yeel,

Oo sidaasaan ku baryay,”

Ducadii Cabdillaahi Cabdi Shube

Hordhac:

Magaca Cabdillaahi Cabdi ayaa la odhan jiray, laakiin wuxu ku caano-maalay oo loo wada yaqaannay Shube. Curinta iyo hal-abuurka asaaggii tahan ayuu ka dhaqaaqay oo da’dii la filka ahayd higsi iyo hayaan midna kuma ay gaadhi jirin. Falkinta maansada murti-dhaadhi aaan midhihiisa la qawadin ayuu ahaa.

Murtida iyo maaddu agtiisa ayay iska yaal-yaalleen oo tabtii Timacadde ayuu ahaa kuna dhawaa in uu yidhaahdo: “U-meermeeri maayoo tixaan, meel dhow ku ogaa.” Si qurux badan oo fan iyo farshaxannimoba ku dheehan yihiin ayuu maansadiisa u falkin jiray. Hadba seeb ayuu u rogan jiray.

Cabdillaahi Cabdi Shube wuxu ku dhashay magaalada Bulloxaar 1926kii. Isaga oo yar ayuu halkaa ka yimid, waxaanu u soo wareegay m a g a a l a d a n Hargeysa oo uu ku barbaaray. Markii uu yaraa ee hore wuxu ahaan jiray reer miyi sidii dadkuba xilliyadaa u badnaa, laakiin markii uu Hargeysa soo galay wuxu u digo-rogtay oo uu noqday dhal magaalo. Beryihii ugu horreysay ee uu Hargeysa soo galay wuxu ka shaqayn jiray meel ku taallay halkan fooqa Shirkaddii “Bis” oo ganacsato Hindiyi deggeanaan jireen oo uu u ahaan jiray cunto-kariye, isaga oo la siiyay oo wadan jiray ‘Baaskiil’ uu ku soo adeegan jiray.

Sida uu noo sheegay wiilkiisa Aabi, Cabdillaahi Cabdi Shube intii uu halkaa ka shaqaynayay ayay is-barteen xubno ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu beryihii dambe ka mid noqday.

Cabdillaahi Cabdi Shube dhowr iyo kontannadii ayuu magaaladan Hargeysa ku guursaday Qamar Bile Cali Liibaan, waxaanay u dhashay toddoba carruur ah oo ay maanta ka nool yihiin: gabadh iyo saddex wiil oo kala ah: Axmed, Aabi, Aadan iyo Xayaat, halka ay ka shafeeceen saddex wiil.

Dad badan ayaa u haystay in ay maansooyinkiisa oo dhami Jacbur ahaayeen, bal se Cabdillaahi Cabdi Shube halka uu ka gaadhay curinta iyo farshaxannimada intaba wuu isku darsan jiray. Wuxu lahaa karti la yaab leh oo uu ku dhowro xaraf-raaca isaga oo maansadiisa isla markaana ka ilaalinaya laaxinka, taasina waa ta u suuro-gelisay in uu Cabdillaahi Cabdi Shube yeesho heeso caadiya oo ay fannaaniintu ku luuqeeyaan, sida aanu ka soo xigannay Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay taariikhdii iyo curintii aabbihii. Aabi oo keliya iskuma aanu koobin bal se dad badan oo kale ayaanu ka hubinnay oo ay Cabdillaahi Cabdi Shube aqoon fiican isu lahaayeen, heesahaana waxa ka mid ah:

  • Ma la dhuubtay awgaa: Maryan Mursal iyo Xuseen Tarabbi,
  • Dhibtan I haysa hadmaan illaawi: Maxamed saleebaan Tubeec,
  • Dul-qaad: Maxamed Saleebaan iyo Marwo Maxamed,
  • Buur baa kugu gudbane: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,
  • Hal-xidhaale: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,
  • Hees ay wada qaadaan: Axmed Muxumed Good (Shinbir) iyo Aamina Cabdillaahi,
  • Astaanta dalka: Seynab Xaaji Cali (Baxsan), marna Habboon Xaaji Cabdillaahi,
  • Cabashiyo caloolyow: Maxamed Saleebaan Tubeec,
  • Ii tali, aniga ii tali: Marwo Maxamed iyo Maxamed Saleebaan,
  • Ma tallaabsan karaayee: Xaliimo Khaliif Cumar (Magool),
  • Riwaayadihiisii waxa ka mid ahaa:
  • Bililigo,
  • Is-dhaafe dhallintiyo dadkii dhalay,
  • Ama Muumina keen, ama maalki I sii, ama aduun baa ii mehersan,

Haddana seebka kale ayuu u rogan jiray oo maansooyin Jacbur ah oo aanu xaraf-raaca dhowrin bal se laaxinka ka jiro ayuu lahaa. Xulashada ereyada, doorashada muuqaallada, sahansiga mowduucyada iyo sidii la yaabka lahayd ee uu ereyada u tixi jiray ayaa siin jirtay ama maansooyinkiisii ka dhigi jirtya fan gaar ah oo aanay cidina la wadaagi jirin ilaa maantadaa la joogana aanay la wadaagin oo uu isagu horseed ka ahaa. Foolaadkii fanka Jacburka iyo maadda ah ayuu ahaa.

Dhinac kale marka aad iska taagto curintii iyo hal-abuurkii Cabdillaahi Cabdi Shube, waxaad ku hafanaysaa tiraabtii uu xeel-dheerida iyo farshaxannimadaba ku falkin jiray ee aanay jirin wax loo dhigaa, isaga oo adeegsan jiray aqoontii iyo waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee uu u lahaa suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan miidhan ahaa. Wuxu intaa noogu daray in uu had iyo jeer jeclaa in uu xarragoodo oo suudh ku lebbisto. Waxa kale oo uu intaa noo raaciyay in uu ahaa nin nabadeed aan weligii dagaallamin rabshadahana aan jeclayn.

Aabi oo aanu ka wareysannay geeridii aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu sidii kuhaanka is-tafaafulay oo uu u dhintay sidii uu ku sheegay hees uu lixdannadii tiriyay oo Maxamed Saleebaan qaado oo uu kaga calaacalayay sidii loogu hungoobay midnimadii lixdankii. Waa kii Cabdillaahi Cabdi Shube heestaa ku lahaa:

“Cabashiyo caloolyow,

Ciil kaama bi’iyaan,

Talo cayn wareegtana,

La iskuma canaanto,

Cirku nimuu ku soo dumay,

Cidi kama dul-qaaddo,

Dhulku nimuu la ciirana,

Laga caawin maayoo,

Anna caawa taydii,

Iyaday cuslaysoo,

Cidna eersan maayee,”

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa noogu daray: “Waxaanu deggenayn dooxa qarkiisa meel u dhexeysa Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar iyo Beerta Xorriyadda. Goor habeennimo ah Cabdillaahi oo soo hoyanayay ayaa ku dhacay ceel dooxa ku yaallay, ka dibna wuxu ka jabay dhabarka. Muddo ayuu sii noolaa markii dambena nabarkii dhabarka ka gaadhay ayuu u dhintay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *