“Al-liwaa Qarni iyo Akhbaar sida,
Waxaan ahay tii afreynaysoo,
Aroor walba tayda waa la arkaa,
Adduun la baxshiyo ishtiraag ma lahoo,
Afkeedana way ku hadashaa”,
Maxamed Ismaacii Baa-sarce, Barkhad-cas, Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net
Hargeysa, 9/2/2019ka,
Maanta warbaahinta ama warfaafintuba saamaynta la yaabka leh ee ay adduunyada guud ahaanba ku leedahay waa mid aan cidna ka dahsoonayn. Awoodda 4aad ayaa loo yaqaanba. Dunidan aynu ku nool nahay ee bad, berri iyo buurba kala jiidani waa mid warbaahintu ka dhigtay edeg yar oo dadka ku nool aanay waxba u kala qarsoonayn. Dadka xaddigaa, midabbadaa, afafkaa iyo dhaqammadaa kala duwan lihi waa qaar ay warbaahintu qol keliya ku wada xeraysay. Duddadaa u kala rogan oo waxba iskuma seeggana. Habeenno, maalmo, sannado iyo qarniyo warbaahintu sidaa kuma noqonne, boqollaal sannadood ayay maalin-gaal, galab-carrow iyo guureba ku soo jirtay ilaa ay maanta ka noqotay mindidaa labada af leh ee xiiraysa ee qolaba si’ ugu adeegato.
Warbaahintaasi waa tan casriga ah ee aynu maanta u wada joogno. Waxa inooga horreysay ama ilaa maantaba barbar socota mid dhaqameed, dadban ama aan rasmi ahayn oo aynu dal ahaan iyo dad ahaanba u leenahay. Waa warbaahinta odhaahda ama afka ah ee ku aroorta dhaqankeenna isirka ah ee raacatonnimo. Maansada ayaa inoogu jirtay halka warbaahintan casriga ah oo aynu wax isugu gudbin jirnay waxna ku keydsan jirnay.
Bal tusaale aan sidaa u sii ridnayn oo dhaqameed aan soo qaadanno. Xooluhu mararka ay lumaan waa la yaboohiyaa. Geela aan soo qaadanno. Meelahaa dadku ku kulmaan ayaa laga yaboohiyaa. Waxa lagu ballaysimaa yaboohdaa: “Yaa baadida geela sheega oo baadidii bariday.” Waa sheeko yar dheer oo marka neefkiisii ninka u soo helay ugu duceeyo: “Baadidaa bariday.” Bal ka warrama ri’yahan magaalada jooga ee iyagii is-yaboohinaya? Lambarkii tilifoonka ayaa dusheeda ku qoran. Ma laga yaabaa in geeluna sidaa ku danbeeyo oo koorta iyo yagoohdaba ‘Mobile. looga guuro.
Guud ahaanba geyiga Soomaalidu degto Idaacadda ayaa ugu horreysay qalab warbaahineed oo gumeystihii keeno. Ujeeddadii ugu mudnayd ee uu u keenay waxay ahayd sidii uu maamulkiisa dal iyo dadba ugu baahin lahaa isla markaana bahalnimadiisa u qurxin lahaa. Bal se taasi meesha ka saari meyso in dadkuna siyaabo kale uga faa’iidaysteen ama horumarkoodaba mararka qaarkood u adeegsadeen. Waxaynu odhan karnaa xoreyntii ayaaba lagaga qayb-qaatay oo shaqo la iska eryo oo xabsiba waa lagu mutaystay. Ilaa maantadaa aynu joogno qabacadda miyuusigga ah ee BBC-du ku soo gasho ee loogu wanqalay ‘Socodkii Arraweelo’ hees gobannimo-doon ah oo gobolkaa woqooyi-bari ee Kiiniya loo tiriyay ayay ahayd. Godolladeedii wax aka mid ahaa:
“Dadkaa dhawaaqayaa,
Dhulkooda doonayaa,
Hadday u dhiidhiyaan,
Allahayow u dhiib,”
Ku-sinnaan bilihii Meey ama Juun gudahoodii 1949kii, ayaa isla magaalada Hargeysa waxa markii ugu horreysay ka soo baxday jariidaddii ugu horreysay ee geyi Soomaaliyeed ka soo baxda. Sidaa Idaacaddii Hargeysa loogu wanqalay Radio Soomaali ayuu aasaasihii toddobaadlahan af Carabiga lagu qori jiray wargeyska ugu magacaabay “Al-Soomaal.” Aasaase, Mulkiileba iyo tifaf-tireba waxa ka ahaa Maxamuud Jaamac Uur-doox oo ku magac-dheeraa “Caddaan Dhowrte.”
Axmed Yuusuf Ducaale oo ka mid ah foolaadka rug-caddaaga nool ee saxaafadda Soomaalida tifaf-tirena ka ahaa toddobaadlihii AL-liwa ee dhammaadkii kontonaadkii ilaa bilowgii lixdanaadkii Hatgeysa ka soo bixi jiray ayaa qormadan taariikhiga ah inteeda badan raad-raac iigu ahaa oo ila wadaagay isaga oo aan waxba igaga bakhaylin. Intii aan dad kale wax weydiin karayayna waan weydiiyay gaar ahaan intii ugu dhaweyd Maxamuud Jaamac Uur-doox.
Si’ aynu sheeko dheer oo kale oo warfaafineed u soo gaabsanno, bal ka warrama haddii aynu xabbad-qaadno dhacdooyin taariikhiya oo xuskooda iyo xusuustoodaba leh:
- 1941kii ayaa Hargeysa laga taagay Idaacaddii ugu horreysay ee geyi Soomaaliyeed laga furo. Muftaaxa ama Furaha ay ku soo gashaa wuxu ahaa: “Halkani waa Hargeysa Radio Soomaali.” Haddii Eebbe inagu simo 2021ka, ayaynu u dabbaal-degi doonnaa 80-guuradeeda,
- 1943kii wuxu ahaa sannadkii ay Balwadu ka curatay Boorame. Suulkeeda iyo saxeexadana waxa iska lahaa Cabdi-sinimoo. Haddii Eebbe inagu simo. Balwadii Cabdi-sinimoo waxay 80-jirsanaysaa haddii Eebbe idmo 2023ka,
.
- Heelladii Cabdillaahi Qarshe curinteeda lahaa iyaduna 2025ka ayay 80-jir tahay. Waxa labadaa meesiba ka adeegay oo biriish isku xidha ka ahaa Muusigyahankii Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire. Xaaji Diiriye Baal-baal ayaa isaguna hormood ka ahaa fadhiisintii Dhaantada si’ ugu digo-rogato badihii ka danbeeyay. dhammaantoodba naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’,
- Masraxa ayaa isaguna xilliyadaa curtay. Riwaayaddii ugu horreysay oo afka Carabiga lagu jilayay magaceeduna ahaa Xajaaj Binu Yuusuf Boorame ayaa laga dhigay 1939kii. Sheekh Cabdiraxmaan Nuur oo reer Boorame ahaa ayaa shakhsiyadda Xajaaj Binu Yuusuf jilayay. Bahdi Waxbarashada ayaa hawshaa dusha u ridatay. Iyaduna haddii aynu halkaa ka soo dhaqaaqno waa 80-guuro,
- 1944kii Riwaayad la odhan jiray Al Abbul Jaahil oo af Carabi iyo Soomaali iskugu dhafnayd ayaa Hargeysa bahdii Waxbarashadu ka dhigtay,
- 1956kii ayaa la dhigay Riwaayaddii ugu horreysay ee gebi ahaanba af Soomaali lagu dhigo. Xuseen Aw Faarax Dubbad ayaa iska lahaa waxaana la odhan jiray ‘Isa-seeg,’
Gololadeenna maanta waxa udub-dhexaad u ah Maxamuud Jaamac Uur-doox iyo toddobaadlihii ugu horreeyay ee Soomaaliyi soo saarto oo aynu sannadkan 2019Ka u dabaal-degayno 70-guuradiisii.
Axmed Yuusuf Ducaale oo dhacdadan taariikhiga ah iiga warramayay wuxu ku deexday isaga oo xusuus fog oo duugowday hadba dhinac ka dooxaya:
“……….Muuqaalka Al-Liwa iyo kuwii la midka ahaa ee Qarni iyo Al-saraaxa oo beryo danbe soo bixi jiray ayay u ekeyd. Waraaqihii lagu daabici jiray oo kale ayaa lagu daabici jiray. Qiyaastii ilaa afar bog ayay ahayd.”
Axmed waxaan weydiiyay in ay sheeko ku ahayd iyo in uu arkay oo qudhiisu
iibsaday nuqul ama nuqullo ka mid ah, waxaanu iigu jawaabay:
“Haa nasiibku wuu igu simay in aan arko oo waan iibsaday. Waxaan ka iibsaday dukaan u dhawaa ‘Sekatu Liire; oo u dhawaa fooqii Cabdi Jibriil ee halkaa ku yaallay. Fasalka 6aad ee Dugsigii Dhexe ee Sheekh ayaan ku jiray. Waxaan u malaynayaa in aan summuni siistay.”
Dhowr erey oo halkan ku jira ayaynu u baahan nahay in aynu ku yar hakanno:
- Midi waa fooqa Cabdi Jibriil oo waxoogaa faah-faahin ah inooga baahan. Fooqa Cabdi Jibriil waa rugtii iyo raaskii xertii Walaalo Hargeysa ee Macallin Cabdillaahi Qarshe madaxa hayay. Waa halkii fadhigooda galabeed ahaa ee ay ku tuman jireen. Waa ishii ay codadka iyo heellooyinkuba ka soo burqan jireen.
- Midna waa ‘Seketu Liire’ oo la-macno ah sekeddii Liiraha. Lacagta Talyaaniga iyo dalal kale ayaa la yidhaahdaa Liire. Waxaan is-leeyahay beryihii Talyaanigu dhulka haystay ayuu magacu baxay. Aniga oo yar waan garanayaa, hilaaddii se waxay ahayd meel u dhaweyd Dawladda Hoose ee Hargeysa oo galbeed kaga beegnayd,
- Ereyga saddexaadna waa summuni oo ka mid ahaa lacagtii shilinka ahayd ee beryahaa la adeegsan jiray. Sumuni waa shilinka badhkii ama konton senti,
Al-Soomaal wuxu ahaa toddobaadlihii ugu horreeyay ee geyi Soomaaliyeed laga soo saaro, sidii aan hore u soo sheegayna waxaynu mahaddaa iyo aabaalkaaba u haynaa Maxamuud Jaamac Uur-doox oo ahaa curiyihii, mulkiilihii iyo tifaf-tirihiiba. Ilaahay ha ka abaal-mariyo isaga iyo intii dedaalkaa la gashayba.
Haddaba Al-Soomaal jariidad noocee ah ayay ahayd? Waa kan Axmed Yuusuf Ducaale oo mar kale xusuus duugowday inoo hinjinayaa. Ku-ye:
“Waxay ahayd jariidad madax-bannaan tii ugu horreysay ee soo baxda in kasta oo aan dalka lagu daabici jirin. U malayn maayo in uu berigaa jiray War-soomaali-siduhu oo la rogi jiray kana soo bixi jiray Wasaaraddii Warfaafinta.”
Warsan iyo weedhsan. Waa magaaladii Hargeysa oo 1949kii ku waa-bariisatay wargeys toddobaadle carabiya. Sidee loo arkayay? Intee ayuu se socday toddobaadlahaasi? Xaaji Axmed xusuustiisa ha inoo kalwiyo waxaanu intaa hore ku karay:
“Dadweynuhu aad ayuu ugu farxay soo-bixitaankii wargeyskaa, markii uu joogsadayna aad ayaa looga naxay. Carruur yar yar oo fasalka 6aad ku jirta ayaanu ahayn. Aad ayaanu ula yaabnay joornaal af Carabiya oo Hargeysa ka soo baxa.”
Maxamuud Jaamac Uur-doox wuxu ku dhashay magaalada Cadan dhowr iyo labaatankii qarnigii 20aad. Hooyadii waxay ahayd Xaliimo Ibraahin. Waxbarashadiisii wuxu ku soo qaatay oo uu kaga soo baxay Dugsigiisii Sare magaalada Cadan. Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisigaba si’ fiican ayuu u yaqaannay. Wuxu noolaa nolol hodan ah oo saxaafadeed iyo siyaasadeedba.
SNS (Somali National Society) oo ahaa Unuggii ugu horreeyay ee ay ka soo unkameen xisbiyadii siyaasadeed ee gobannimo-doonka ahaa, gaar ahaan xisbigii SNL ayuu Xoghayihii Guud ee ugu horreeyay ka noqday 1943kii.
Sheekada ayaa dhafan-dhaafka ku macaan e’, aan ku noqonno wargeyskeennii dhex-roorka inoo ahaa ee Al-Soomaal ee ballaysinka iyo baalalayntaba u ahaa saxaafadda Soomaalida ee daabacan.
Jariidaddii Al-Soomaal waxa lagu diyaarin jiray qoraalkeeda magaalada Hargeysa. Iyada oo diyaar ah oo tifaf-tiran ayaa la saari jiray dayuuraddii ‘Aden Airways’ oo Khamiis kasta iman jirtay kana noqon jirtay Hargeysa. Magaalada Cadan ayaa lagu soo daabici jiray. Weliba ka-sii Cadan Weyn (Crater Aden) ayay madbacaddu ku taallay.
Madbacadda lagu daabici jiray Al-Soomaal waxa la odhan jiray ‘Fataatul Jasiira’. Isla madbacaddaa waxa lagu daabici jiray jariidaddii ‘Fataatul Jasiira’ iyo ‘Aden Chronicle’ oo afka Ingiriisiga ku soo bixi jirtay. Toddobaadlahaa Al-Soomaali afar tirsi ama cadad oo keliya ayaa ka soo baxay ka-dibna waa uu joogsaday aadna waa looga xumaaday. Haddii ay cidi ku faraxday, gumeysigii Ingiriiska ee uu karaka iyo kulaylkaba ku hayay ayaa ku farxay.
Maxamuud Jaamac Uur-doox si’ ballaadhan oo muuqata ayuu ugu dhex jiray qaybaha kala duwan ee nolosha mujtamaca. Wuxu ka mid ahaa foolaadkii ugu cad-caddaa ee gumeysigii Ingiriiska nafta isugu keenay ee hadba koone kaga soo wareegi jiray. Saxaafadda daabacan waa kaa horseedka iyo hormuudkaba ka ahaa ee jaridaddii ugu horreysay soo saaray. Siyaasadda waa kaas unuggii ugu horreeyay ee SNSta Xoghayihii Guud ee ugu horreeyay ka noqday. Nolosha ijtimaaviga ah iyo ta dhaqameedna kama maqnayn. Waxa la ii sheegay intii aan qoraalkan ku hawlanaa in beryaha qaar magaalada Berbera meherad ganacsi ku lahaa.
Idinka oo raalliya, bal aan dib ugu noqonno Madbacaddii lagu daabici jiray jariidaddii Al-Soomaal, xaqlaheedii iyo xidhiidhkii Maxamuud Jaamac Uur-doox ka dhexeeyay.
Madbacaddaa ‘Fataatul Jasiira’ waxa iska lahaa qoyskii reer Maxamed Cali Luqmaan. Tifaf-tire guud waxa ka ahaa Cali Maxamed Cali Luqmaan oo ay saaxiibbo aad isugu dhow ahaayeen Maxamuud Jaamac Uur-doox oo ahaa mulkiilihii iyo tifaf-tirihii Al Soomaal. Afartii cadad ama tirsi ee ka soo baxay Al-Soomaal halkaas ayaa lagu soo daabacay.
Intii aan mowduucan ku hawlanaa ayaan ogaaday in beryahaa ay magalada Hargeysa lahayd Maktabad yar oo hal qol ahayd oo ardaydu fasaxyada wax ku akhrisan jirtay u badnaa jaraa’id.
Axmed Yuusuf Ducaale oo isaga oo fasalka 6aad ku jira wax ku daalacan jiray ayaa ku deexday mar uu arrintaa qiimaha leh ka muddakaroonayay:
“Waxa kale oo aad qiimo u lahaa oo berigaa Hargeysa ka furnaa meel la odhan jiray ‘Qurfatul Muddalaca’. Dukaankii Ina Xasan Rakuub oo aanu berigaa lahayn agtiisa ayay ku oolli jirtay. Waxa oolli jiray oo la isugu keeni jiray Jaraa’id badan oo ka soo bixi jiray Masar. Waxa la yaab leh in ay iyaguna iman jireen jaraa’id Asmara ka soo bixi jiray. Mararka aanu fasaxa nahay halkaas ayaanu jaraa’idka ka akhrisan jirnay. Makhsinkaas wax lagu akhrisan jiray laba ilaa saddex sannadood ayuu furnaa. Waxaan la yaabi jiray Jaraa’id Asmara ka soo bixi jiray oo af Carabi ku qornaa kana hadli jiray arrimaha shaqaalaha.”
Axmed waxaan sii weydiiyay qolkaasi abbaartii saxa ahayd halkii uu ku yaallay. Wuxu iigu sheegay in uu dukaankaa Ina Xasan Rakuub galbeed ka xigay oo qol keliya ama laba u dhexeeyeen. Miisas iyo kuraasi aan badnayn ayaa oolli jiray. Furitaankan Maktabadduna waa 70-guuro kale. Waa curin hor leh oo dadka aqoon iyo iftiin u horseedaysay.
‘Qurfatul Muddaalaca ayaynu weli ku jirmaaye, bal Axmed oo wax yar oo kale sii gocday aan ka gurno:
“Beri danbe oo aanu waaweynaanay ayaanu ogaannay dadkii ka danbeeyay samaynta qolkaa wax lagu akhrisan jiray. Acyaanta ama odayaasha magaalada Hargeysa ayay ahaayeen, waxaanan ka sii xusuustaa Xaaji Maxamed Ducaale oo lagu naanaysi jiray Maxamed-cawar ama InaDucaale Gurey.
Qurfatul Muddaalaca sidii uu Maxamed Cawar ii sheegay odayaal reer Hargeysa ah ayaa furay, kuraas iyo miisas dhigay, jaraa’idna dhigay si’ carruurtu fasaxyada iyo mararka ay firaaqo leeyihiin waxd ugu akhristaan. Makhsinkaas Dukaankii Cabdillaahi Xasan Rakuub galbeed ayuu ka xigay waxaanu ku dhejisnaa dukaankii Jaamac Badawi.”
Maxamuud Jaamac Uur-doox ku soo noqo. Ma aan aqoonnin oo aad ayuu iiga weynaa bal se waan ku sigtay in aan barto. Waa Xamar iyo dhowr iyo lixdannadii. Dugsigii Sare ee Benaadir ayaan 1964kii galay. Beryahaa Maxamuud wuxu lahaa wargeys carabi ahaa oo toddobaadle ahaa. Waxa la odhan jiray: MAANTA. Kuwa ugu af dheer ee ugu naqdiga iyo dhalliisha badan xagga xukuumaddii markaa jirtay ayuu ka mid ahaa. In kasta oo aanan si’ u heli jirin haddana waxaan ku dedaali jiray in aanu tirsina I seegin.
Mowduucyadii aan ka akhristay ee aan weli xiskayga iyo xusuustayda ka tirmin waxa ka mid ahaa:
- Qormooyin taxane ahaa oo ka soo baxay baadhis saxaafadeed oo uu wargeysku sameeyay Taliyayaasha Bilayska ee saldhigyadii dalka oo dhan, Taliye walba wuxu soo qoray magaciisa oo saddexan iyo qabiilkiisa. Baadhistii waxa ka soo baxay in aqlabiyaddii ugu badnayd ay ka soo jeedday qabiilkii Janankii Bilayska ee Maxamed Abshir Muuse. Sidii ayaa Maxamuud Jaamac Uur-doox lagu dhaadhiciyay oo lagu xidhay,
- Maxamuud mararka qaarna wuxu odhan jiray: “Ka rog oo mid kale saar.” Beryahaa Cumar Dhuule ayaa aawanaa oo fankiisa magaaladu u raxlayn jirtay. Waa beryihii ay socotay heestii ‘Gacaladaydii aan lahaa ha naloo gar-naqo’. Show ninkan Maxamuud saarreyda fankana ciriq ayuu ku lahaa. Maalin danbe ayuu heestii Cumarba afka carabiga u tarjumay oo iyada oo far waaweyn ku qoran bogga hore soo dhigay. Taana waan u soo joogay,
Anigu 1964kii ayaan Dugsigii Dhexe ee Axmed Gurey Hargeysa ka galay. Xilligaa aan ardayga ahaa waxaan xusuustaa oo weli dhaayaha ku sii yaal Maktabadihii aanu wax ku akhrisan jiray oo ilaa dhowr ahaa. Halkii ‘Sibi senterka’ la odhan jiray mid aan filayo in uu Ingiriisku lahaa ayaa ku taallay fooqa. Halkan Golaha Wakiillada laga dhisayna mid Qunsuliyaddii Mareykanku maamuli jirtay ayaa ku taallay. Dalcadda Biyo-dhacay marka la korayo Sinimooga Mulacna mid Masaaridu lahayd ayaa ku taallay. Ma hubo in markaa la dhisay Xaruntii Thaqaafadda” ee Masaarida.
Waayaha hodanka ahaa ee curinta, carinta iyo cilmigaba cokanaa ayuu Maxamuudna ku dhex noolaa oo keentay in uu isaguna qaybtiisa ka qaato. Dadkaa isku tiirsanaa oo isku tashan jiray. Kala-tagga, tafaraaruqa iyo kala-tashigaa reebbanaa. Sidaasaa dadka hankooda iyo hiigsigooduba u fogaa oo ay dadka hormuud iyo horseedba u ahaayeen.
Axmed Maxamed Warsame oo “Genius” loo yaqaannay maanso la yidhaa Dhayalsi oo uu ka tiriyay Shirweynihii 4aad ee SNM oo Jigjiga ka furmay 6/8/1984kii ayaa dhex-taalkeedu ahaa:
“Waa Dharaaro yaabloon,
Ka dhammaan agtaydiyo,
Dhacdo waayaheedaba,
Nin kastoo dhegaystaa,
Dhabannada la haystee,
Dharaaraa na soo maray,”
Alleylehe Dharaaraa na soo maray iyo sida maanta maskaxdii looga abaaroobay,
Dhammaad