Qalinka: BoobeYuusuf Ducaale – www.dharaaro.com
Haa……Maba ay fogayn markii aanu indhaha iyo dhegahaba ula doogsin-cararray xaggaa iyo Ambassador Hotel Xagaagii dhawaa ee 2009kii. Waa habeennadii uu ku hooray tus-faneedkii Riwaayaddii ‘Baqayo-rogad’ ee ay Arbaha iyo Qalanjada ka ahaayeen Xil-diid Dhoobo-cantuug iyo Baar oo haweenba ka mudh-baxday oo tabtii hillaaca aad bilicdeeda ka bidhaansanaysay degellada Geeska Afrika iyo meelo kale oo ka shisheeyaba.
Maantana ma mar kale ayaa Riwaayad hor leh la soo bandhigay 31kii Juulay 2011! Riwaayaddu magaca ka miskiin ma ay ahayn. Waxa loogu wan-qalay oo bun iyo saloolba loogu dubay ‘Xusuus-wadareed’. Hadda xusuus oo keliya ma aha ee waxa ku jilan ereyga sharfan ee xoogga iyo xamaasaddaba xanbaarsan ee ‘wadareed’ oo ka soo jeeda ereyga Soomaaliyeed ee ‘wadar’ oo lidkiisa ama uma-dhigmihiisu yahay ‘waaxid’ ama keli.
Aan ereyadan isku lammaan macnahooda baadi-goobno. Xusuus waa dareen soo noqnoqonaya…..Waa muuqaallo soo noqonaya……Waa hadallo iyo hawraar soo noqonaysa…….Waa wax dhacay ama ku soo maray oo aad ka fal-celisay hibashadooda……Hiirtaanyadooda……Ku-halaan-halkooda……Ama ku-reyn-reyntooda….Ku-riyaaqiddooda. Waa xusuus. Si kale haddii aynu u dhigno waa xus oo la sii yar jiiday oo lagu daray ‘suuuuuuuus’. Xus iyo xusuus miyaanay ahayn laba erey oo waxyaabo badan wadaaga. Haddana waa wax la xidhiidha oo ku taxan xiskeenna. Xiska la’aantii xusuusi ma jirteen. Ereyga ‘Xas’ qudhiisa ayaan ka fogeyn oo marka aad maqashaba waxa kugu soo dhacaya wax la qariyay. Maskaxda maxaa ka qarsiimo badan! Maxay wax haysaa! Bal adba waxa ‘Xa’daa iyo ‘Sa’daa dhexdooda murti ku duugan eega!
Si fudud ayaa ereygan loo macnayn karaa. Waa wax aan mid ama keli ahayn. Waa laba…..Waa saddex……..Waa afar…….Waa shan ama waa wax ka badanba. Qoysku waa wadar. Qoladu waa wadar. Inta magaalo wada degtaa waa wadar. Inta gobol wadaagtaa waa wadar. Inta dal wada degtaa waa wadar. Inta qaarad wada degtaa waa wadar. Uumiyaha addunyadan ku nooli waa wadar. Kooxda SOCSA ee Riwaayaddan inoo jilaysaana waa wadar haddii aan la is-yeel-yeelayn.
Marka aynu waayaha Riwaayaddan u soo noqonno waxa laga hadlayaa guud ahaan wadarta ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna wadarta ummadda Somaliland. Sidaas ayuu magaca Riwaayaddani ku noqonayaa Xusuus-wadareed la wadaago oo aan cidna u gaar ahayn.
Saa waa Riwaayadda iyo curiyaha
Curinta Riwaayaddu waa CabdiraxmaanYuusuf Cartan ama Aw-gaabba in kasta oo uu ka xanaaqo intan uu Xildhibaanka Golaha Wakiillada noqday. Waa aqoonyahan sannado baranayay Masraxa. Waxa aan is-leeyahay malahayga waa kii ugu horreeyay ee mowduucaa u badheedha. Waxa kale oo aan is-leeyahay qayb ayuun buu ka soo bartay e’ in badan oo kale isaga ayaa ku darsaday amaba danta ayaa ku qasabtay in uu ku darsado. Waa mowduucyada ay adag tahay in aad dalkan iyo dadkan uga hesho kaabayaal tiiriya. Sidaa darteed ayuu iskaga noqday: Riwaayad-qore, soo-saare, suuq-geeye, maal-gelin-u-raadiye, iidhe-u-sameeye, lebbis-u-doore, masrax-habeeye iyo qaybo kale oo badanba. Waa mushkilad ay xirfadlayaal badan oo kaleba la wadaagaan, run ahaantiina hakad iyo hagardaamoba ku ah xirfadahan lama-huraanka u ah nolosheenna iyo horumarkeennaba. Waa mid haysata qorayaasha. Waxaad ku qasbanaanaysaa in aad noqoto: qore, garaace, tifaf-tire, daabacaad-sahamiye, kharash-raadiye, qaybiye iyo ugu danbayn iibiye lacagtana soo gura. Waa wax xirfadda niyad-jab iyo hakadba ku ah. Curinta iyo hal-abuurku waa badeecad marka danbe dadka loo bandhigo, xataa adiga oo aan lacag uga dan lahayn. Haddii Buuggaagu dadka hor tegi waayo oo la akhriyi waayo oo aad fursadda daabacaadda iyo iibinta weydo waad gaaggaxaysaa oo dib danbe u godlan meysid. Haddii ay Riwaayaddaadu dadka hor tegi weydo oo la daawan waayo, waad gudhaysaa, wax danbena dhiiqi meysid illeyn waxaan kaa baxayn ku daali meyside.