Waabeeye waabee: Kulmiyaana kadan”

(Qalalaasaha Kulmiye ma kow baa mise waa ka badan)

Qalinka: Boobe Yuusuf

www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Uma hollan in aan wax badan idin idhaahdo. Qalin daansho-socodka derrimaha madheedhka leh tiiq-tiiqsan jiray, ayaan dabar iyo hoggaanba sudhayaa si aanu idiin la taraarin. Dooh, aan idaahdo oo weliba didibsana ugu daro.

Waa mowduuc aad beyr ka qabtaan oo ay adag tahay in warbaahinta lagu soo qaadaa, weliba inta uu khuseeyaa. Waa mowduuc ay adag tahay sida fagaare loola yimaaddaa, bal se faqa hoose iyo mefrishyada lagu falanqeeyaa. Annaga ayaa inta daalacanta dhalatay ku jirna oo aanay waxba dhulka naga oollin ee bal aan idiin bilowno in aad ku dhiirrataan in aad si togan uga hadashaan idinka oo aan naxli iyo nac midnaba beerayn.

Dhacdadu ma fogeyn. Waa Khamiistii oo ay bisha Jeeniweri ahayd 24, kuna beegnayd 12ka Rabiical Awal, 1434ka Hijriyada. Waa Wargeyska Jamhuuriya Vol. 20, cadadkii 5034 oo wareysi dheer la yeeshay Xildhibaan Waabeeye oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye. Wuxu si aan mugdi ku jirin u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Mudane Seylici ay mar labaad ugu sharraxan yihiin xisbiga Kulmiye Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen.

Madaxeynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkuba milgo iyo maamuus ayay inaga mudan yihiin, oo aynu iyagana sida oo kale xaq, xeer iyo xaaqaanba ugu leenahay. Innaga ayaa doorannay si ayn inoogu adeegaan muddada Dastuurku u xadeeyay. In si qumman oo edeb leh loo tilmaamo, loo toosiyo, loona dhalliilaa waa xaq Dastuuriya oo aynu leenahay. Iyaguna waa halkii Hadraawi e’, guudaan waa in aanay ku liqin ereyga geedaysan.

Dhacdadii ku soo noqo. Wax la yaab leh ma aha in ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku mar kale Xisbiga Kulmiye murashixiin u noqdaan. Kollayba hawl aniga ii taal ma aha, bal se waa go’aan u yaalla hay’adaha hoggaaminta ee Xisbiga Kulmiye oo aan aamminsanahay in dastuurkoodu wax ka qorayo. Dhacdadan aan laga fiirsan ee sida bambada Xildhibaan Waabeeye xisbigiisa ugu dhex tuuray, waxaan u arkaa in aanay ahayn qaabkii ugu fiicnaa ee arrintan loo dhigi lahaa. Waxa intaa raaca in aanay labadan hoggaan ama mas’uulba ee uu soo qaaday sidaa ka mudnayn oo aanay sharaftooda ahayn. Xisbigiisa uu hoggaanka ka yahay ayaan ka mudnayn. Shacbiga tabaalaysan ee boqolka dab ku baxayaan ayaan ka mudnayn. Marxaladdan si kasta u adag ee la marayo ayaan ka mutaysan.

Tuduc Timacadde lahaa ayaa odhanaya:

“Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye,”

Waxa inaga bakhtiya ayaaba iska yar.

Kol haddii ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku xaq iyo xurmaba u leeyihiin in ay mar labaad isa soo sharraxaan, miyaanu dawga iyo dastuurka Kulmiyaba ahayn in ay hay’adaha hoggaaminta ee Xisbigu ka fadhiistaan? Ma Xildhibaan Waabeeye oo keliya ayay sidaa ula muuqatay oo waa ra’yi shakhsiya? Mise madax kale ayay sidaa isla og yihiin? Mise Guddoonka Xisbiga Kulmiye ayaa kulan albaabbadu u xidhan yihiin yeeshay oo sidaa go’ansaday? Ma Guddoomiyaha Kulmiye iyo Ku-xigeennadiisa ayaa arrintan go’aamiyay? Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye muxuu ka ogaa? Mise, intaasiba waa salleello e’, arrinkan Guddi-fulineed ayaa ka fadhiisatay oo aan warkeeda iyo go’aammadeeda la baahin? Mise Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yeedhay Golaha Dhexe ee Kulmiye oo sidaa go’aamiyay? Mise Guddi Joogto oo aan tiradeeda iyo tayadeedaba la garanayn ayaa go’aamisay oo Xildhibaan Waabeeyana af-hayeen u yahay?

Kunkaa su’aalood iyo kun kale oo la mid ah ayaa madaxaaga ku soo dhacaya markaas ayaad jawaab u waayaysaa. Waa ay adag tahay sida ay arrintan oo kale uga dhacdaa Xisbiyada kale ee mucaaradka ah, in kasta oo aanay saddexda xisbi wax sidaas ah ku kala duwanayn. Dhammaantood waxa u qoran iyo sida ay run ahaan u dhaqmaan is-ma laha. Guddidii Fulinta ee hawl-maalmeedka Xisbiyada qaban jirtay sida aad ku maqashaa waa ay adag tahay, dhammaantoodna waa ay ka siman yihiin. Shirweynayaashu waa shantii sannadood hal mar, waa haddii ay dhacaanba. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Kal-fadhiyada Golaha Dhexe hal mar ayaa laga yaabaa in ay qabsoomaan sannadkiiba. Guddiyada gobollada, degmooyinka iyo laamaha dibadduba waa iska magac-u-yaal oo sida raha gu’gii loo arko, ayaa maalmaha doorashooyinka loo arkaa. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Waxa had iyo jeer lagu cel-celiyo ee lagu dhego-barjoobaa waa Guddoomiye. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Wixii soo raacaaba waa Murashax-madaxweyne. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin.

Timacadde oo doorashooyinkii 1964kii ka hadlayay ayaa lahaa:

“Habar habartan loo kala baxiyo, hiririgtii yeedhay,

Harqadii gidaarrada la sudhay, dumarki heesaayay,

Hadaf baa dhismaha Baarlamaan, lagu hubeeyaaye,

Hadbana shicibku caynkuu yahaa, lagu hoggaanshaaye,

Hannaankii wax loo dooran jiray, weli ma haysaan e’,”

Maxaa maalmahaa, maalmahan uga eg? Waa goorma? Ma raad-qaad ayaynu weligeen ahaanaynaa, miyaynaan dhaqaaqaynba. Gu’ inoo kordha mooyaan e’, miyaan garaadba inoo kordhayn? Maantana miyay Cabdillaahi Suldaan iyo af-maalkii suugaanta ku soo halgamay nool yihiin. Xaaladdii aynu 1964kii ku jirnay meel ka sii liidata ayaynu taagan nahay. Bal adba!

Qormadii: 2aad

Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku Kulmiye waa ay is-sharrixi karaan in la yidhaahdaa, denbi ma aha. Ciddii ku dooddaa waa in ay daliilkeeda iyo dawgeeda la timaaddaa. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku Kulmiye iskama sharrixi karaan in la yidhaahdaana, denbi ma aha. Ciddii dooddan la timaaddaa waa in ay daliilkeeda iyo dawgeeda golaha la timaaddaa. Labadan arrimood meel-marintooda waxa loo cuskanayaa wixii uu Dastuurka qaranka iyo Xeerarka la xidhiidhaa ka odhanayaan. Taasi waa wixii Somaliland ahaan inaga dhxeeya. Waxa intaa soo raacaya Dastuurka iyo xeerarka Kulmiye waxay murashaxnimadooda ka odhanayaan. Laakiin dhibta taallaa waxay tahay in hadallada qaarkood Kulmiye dhexdiisa denbi u ekaanayaan oo aan la lahaynba dhiirranaanta lagu odhanayo. Taasina waa hawl iyaga u taal oo haddii ay soo dhaafto xanafteeda iyo xadaafiirteeda inagu yeelanaysa.

Midh weynu ka wada dheregsanayn oo Xukuumad iyo Xisbi kulmiye la yidhaahdo oo isku xidhan oo wada socdaa ma jirin, immikana ma jiraan. Waa muran ma-doon, qofkii ka murmayaana bannaanka ha u soo baxo. Xildhibaan Waabeeyena wareysigan uu Jamhuuriya siiyay 24/1/2013ka wuxu ku caddeeyay oo si aan mugdi ku jirin dibadda u soo dhigay in aanu xisbiga Kulmiye naftiisu isku xidhnayn oo aanu wada socon.

Midi hubanti ayay u badan tahay oo laaxin laga jari maayo. Waxa uu Xildhibaan Waabeeye og yahay, Xildhibaannada ay saaxiibka yihiin ee aan Madaxtooyada ka dhammaan waa ay la og yihiin haddii aanay qorshaba la dhigin. Marka xaal sidaa yahayna wax la yaab leh ma aha in ay Madaxtooyada/Madaxweynuhuna ka dheregsan yihiin. Sidaana in loo badiyo waa laga yaabaa.

Meeday Guddidii Diiwaan-gelinta ee dimuqraadiyadda iyo habsami-u-socodka hawlaha Xisbiyada loo diray ee ilaalinaysay? Waxan dhacaya miyaanay arkayn? Mise barkimo dheer ayay dhigteen oo diiwaan-gelinta danbe ayay sugayaan? La arki doonee?

Isku dhici meysaan oo isu badheedhi meysaan e’, aanu wax idin kala nidhaano. Sow tii hore loo yidhi: “hal libaax arkaysaa, ma godlato.”

Xisbiga Kulmiye mid aan idhaahdo:

Xanaftii doorashooyinka, Xaq-soor iyo dhimashadii gaadhay, Seylac, guulaha diblomasiyadeed ee Soomaaliya gaadhay, Shirka Meey ee London iyo qaar kale oo badan.Xaaladda dal iyo dadba la marayo waad aragtaan e’, dildillaac danbe uma taag haynno e’, naga daaya. Ha nagu deyina e’ naga daaya. Ha isu marina warbaahinta e’, inta aad qol isku xidhataan maryihiinna tosha. Is-ururiya. Is-doonta oo marka hore xisbiga isku xidha marka danbena xukuumadda idinka hawootay doonta. Waa haddii aad karaysaan oo aad isla garataan. Haddii kale dadkaa idin ka tashan doona, waana la idin ka dul guuri doonaa. Wax fogna ma aha ee waa wax taagan oo waqtigeedii la gaadhay. Idinka ayaaba soo deddejinaya.

Bal noo sharxa oo noo bayaamiya sababta aad idinka oo Xisbiga Kulmiye xilal ka haya warbaahinta si habaqle ah u adeegsanaysaan ee aad Golayaashiinnii Dastuuriga ahaa ee hoggaaminta uga maagaysaan ugana baqanaysaan?

Madaxweynahana midh aan idhaahdo:

Shacbi ahaan xaq iyo xurmo is-weydaar ah oo labada dhinac ama dhanba u socota ayaynu isku leenahay. Wixii aad xaq iyo xeerba u leedahay ee aad mudan tahay si cad oo badheedh ah u doono oo yaan lagaa xumeyn. Uma baahnid mashqac iyo fal-celis aad ka hesho arrimo aan si togan loo soo bandhigin. Haddii uu damacaasi kugu jiro, Kulmiye kuuma cusba, abbaanna uma baahnid ee si’ badheedh ah damacaaga u soo bandhig. Balaf waxaan ku haystaa oo igu maqaale ah qof kasta oo xubin ka ah Golaha Dhexe ee Kulmiye in uu Murashaxnimo isu soo taagi karo. Ma wax golayaasha hoggaaminta ee Kulmiye kaa hor jooga ayaa jira, oo laga door-bidayo qaabkan ay Waabeeye iyo u soo bandhigayaan Murashaxnimadiinna? Ma wax baa si’ ah?

Waad og tahay sidaad mar labaad Madaxweyne ku noqon karayso. Marka la dhaafo shuruudaha Dastuuriga ah iyo wixii ay Xeerarka laga dheegay qorayaan, Waa laba shardi oo fudud: Xisbi ku soo sharraxa iyo shacbiga oo aad codka ka hesho.

Mudane, Madaxweyne, midina waa iga dardaaran e’ iska ilaali oo ka digtoonow fiqi-duurrayaasha siyaasadda ee aan waayo-aragga ahayn. Waa la yeeli jiray uma baahnid. Waxaad u baahan tahay curin iyo hal-abuur xilliga iyo waayaha la socda oo la jaan-qaadaya, jar-iska-xoornimada dadka qaarkii u hanqal-taagayaanna inaga reebban.

Dadweynahana mid baan odhanayaa:

Runi marka ay runteed tahay waa xilli adag iyo duruufo qallafsan oo haddii aynu sii eeganno aynaan ka geyoon doonin. Waa xaqiiqadaa ina hor taal haddii aynaan is-yeel-yeelayn. Sidii gorayada yeynaan madaxa ciidda gashan. Gurmad degdeg ah ayaa loo baahan yahay. Ma doonayno dhibaato iyo dibudhac ku yimaadda Xukuumadda iyo dawladnimadaba. Madaxtooyada iyo inta joogta oo keli ahi wax ku waayi maayaan e’, dhammaanteen weynu ku waayi doonnaa oo waa aynu u dhutin doonnaa haddii aynaan u dhimanba. Wixi inaga xumaadaa kama xumaanayaan oo keliya Mudane Siilaanyo iyo inta aynu ku tuhmaynno ama u tirinaynaba in ay ku xeersan yihiin oo marin-habaabinayaan.

Shacbi ahaan wixii aynu talo iyo tusaaleba haynno aynu ka diyaar-garowno. Xukuumadda iyo dawladduna ha diyaar-garoobaan. Dhacdooyinka inala soo dersay wax aynu eegan karayno ma aha ee aynu ka gurmanno. Haddii sidaa la yeeli waayo meel fog ayaa la inaga dooni doonaa. Waa sidii uu Hadraawi u yidhi oo:

“Ganbo-xoorka waayaha haddii, la isu minan-guursho,

Ma-guurtada dad uun baa lahaa, goobiii baxaye,

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye,

Galladduna waxay saran tahay, wax isu geyngeyn e’,”

Xisbiyada Mucaaradka ahna midh aan idhaahdo:

Ma muuqataan e’ idin mee? Meeshiinnii baa madhan. Kaalintiinnii baa maqan? Malkadaad lahaydeen, madashiinnii baan jirin. Mise, weli durbaankii iyo damaashaadkii ayaad ku jirtaan? Haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto, meel loo durbaan tunto oo lagu xafladeeyaaba waa ay hadhay e’, ka soo baxa dhufaysyada iyo dhaanto-beenaadka. Muddaaharaaddo iyo bannaan-baxyo la eedo oo la dagaalo idin ka dooni meyno. Taasi dhaqan Kulmiye lahaan jiray ayuu ahaa. Maanta hadal keliya ayay taagan tahay, iyo mawaaqiif shariif ah oo laga qaato waxayaabaha taagan. Marka ay ummaddu baahan tahay haddii aad u soo gurman weydaan, berrito karis xun iyaduna ku la’. Si kale haddii aan u idhaahdo, idinkuna berrito marka aad codka shacbiga u baahataan, la idiin soo gurman maayo. Sidaa ku xakamo-ruuga haddii la idin waayo..

Waa tii Hadraawi maansadiisii ‘Daalacan’ ee Deelleeydii ku lahaa:

“Bulshadeennu waa duul,

Daacad iyo xishood badan,

Dun xariir ah weeyaan,

Ninka maamul dalabliyo,

Dabbaal joogto hoosiyo,

Dibindaabyo ugu maqan,

Degdeg uma tilmaamaan,

Nabar kulama duulaan,

Dulmigiisu waw keyd,

Dib bay ugu muddaysaa,”

Wa billaahi Towfiiq.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *