Qaybta 2aad: Sooyaalkii & Halgan-siyaasadeedkii SNL (Xuska 60-Guurada 26kii Juun, 1960kii)

Qaybta: 2aad

Sayid Maxamed Cabdille Xasan:

Guud ahaanba halgankii gobannimo-doonka ee Soomaaliyeed, gaar ahaanna kii Somaliland qof u holladay in uu ka hadlo oo aan Sayid Maxamed Cabdille iyo Daraawiishtii soo qaadini run xaajada kama sheegin. Maanta, iyada oo aanu ambo-baxaygu ahayn Sayidkii iyo waxay gumeystayaashii madowga iyo caddaankaba isla soo mareen, haddana kol haddaan u-qalin-qaatay halgankii siyaasiga ahaa, waa lagama-maarmaan in la soo qaadaa dharaarihii Sayidka.

1900kii – 1920kii, ayay Daraawiishtu halgan hubeysnaa oo dhiggiisu berigaa Afrikaba ku yaraa la gashay saddexdii gumeyste ee kala ahaa: Ingiriis, Talyaani iyo Xabashidaba. Halganka hubeysnaa xoggiisa waxay la galeen Ingiriiskii innaga oo goobihi ugu darnaa ee maryaha dhiigga lahaa lagu kala furtay ka xusi karna: Af-bakeyle, Fardhiddin, Daratoole, Dulmadoobe iyo Jidbaale. 41 goobood ayay Daraawiishta iyo Ingiriiskii ku kulmeen. Markii uu weerarradii Daraawiishta u adkaysan waayay ayuu dayuurado u dalbaday. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay gumeystayaashu duullaankoodii Afrika tamar dayuuradeed u miciinsadaan.

Sow tii Sayid Maxamed lahaa:

“Coomaadde duulaaya bay, Cadan ka keeneene,

Cirka iyo dhulkaa is-qabsaday, cadhadhaqdoodii,”

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan erey, af-cas iyo addinba wuu u adeegsaday iska-caabbigii iyo jabkii gumeysiga.

Tan iyo maalintaa ilaa 26kii Juun, 1960kii ayay ku hoos jirtay gumeysigaa Ingiriiska iyada oo markii danbe halgan siyaasadeed oo qadhaadhaa kana tilmaannaa kuwii Afrika soo martay, iskaga xoreysay.

Guuxa shacbiga iyo kacdoonnaduba maalinba maalinta ka danbeysa waa ay isa soo tarayeen. Soddonaadkii qarnigii 20aad ayaa waxa Maxmiyaddii Somaliland ka bilaabmay furitaankii xarumo bulsho oo loogu wan-qalay Kheyriyadaha. Waxay ahaayeen xarumo dadka magaalada wada deggeni ku kulmi jireen oo danaha dadka iyo magaaladaba lagaga wada hadli jiray. Madax wada-tashi ku timid oo heshiis lagu ahaa ayaa maamuli jirtay. Garo’ oo dareenkii qabaliga ahaa ayaa laga korayay oo mid madaniya oo waxoogaa ka korsan ayaa loo gudbayay.

 

Ururradii ka horreeyey ee gogol-xaadhka u ahaa SNStii:

Markii gumeysigii Ingiriisku dal iyo dadba ku habsaday, waxa bilaabmay guur-guur uu dadku ururro iyo naadiyo baadi-sooc kala geddisnaa lahaa isugu bahaysanayeen, waxaana ka mid ahaa oo aynu tusaale u soo qaadan karnaa:

 

1920kii, waxa la assaasay Ururkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee Somali Islamic Association (SIA). Waxa salka iyo seeskaba u dhigay hoggaamiyihii weynaa ee Faarax Oomaar oo beryahaa magaalada Cadan ku noolaa, Ujeeddooyinkii ugu weynaa ee laga lahaa waxay ahaayeen: gorfaynta arrimaha bulsho ee dadka reer Somaliland ee Cadan deggenaa iyo sidii dalka gumeysigii Ingiriiska looga xoreyn lahaa,

 

1925kii,  waxaa la aasaasey Jimciyatu  Caddiyatu Kheyriya Wadaniya oo meelaha qaarkood u qoran Jimciyatu Hadiyatu Raxmaan…hase yeeshee dadkaan waresytay waxay u badan yihiin Cadiyatu Raxmaan,

 

1933kii waxa la aasaasay Somali Officals Union (SOU) oo ahaa naadi madaniya oo ay ku bahoobeen saraakiishii sare ee Soomaaliyeed ee dawladdu. Xaruntu waxay ahayd Guriga Shaqaalaha oo ay isugu iman jireen. Waa lagu shiri jiray laguna shaahayn jiray. Waxa kale oo lagu ciyaari jiray tenistii dheerayd. Saraakiishaasi, maa-daama ay ka kala yimaadeen reero kala duwan haddana waxa ay ku midaysnaayeen naadiga iyo sarkaalnimada. Sidaa daraaddeed, sawir guud ayay Somaliland ka bixinayeen.

 

1938kii  waxa la aasaasay Somali Old Boys Association (SOBA) oo loo yaqaannay Al-madar oo ay wadaage ku ahaayeen dhallinyaradii ugu horreysay ee wax baratay dawladdana u shaqayn jiray. In kasta oo ay lahaayeen meel lagu kulmo ama naadi, haddana mararka qaarkood ayay Xarunta SOU-da ku kulmi jireen. Labadan Naadi ee SOU iyo SOBA marka aad raacdo dadkii xubnaha ka ahaa waxay wadaagayeen qolannimadu xuddun uma ay ahayn,

 

Qaybta: 3aad

 

1939kii oo Riwaayaddii ugu horreysay ee Xajaaj Binu Yuusuf laga dhigay Boorame ayaa isla markaana laga aasaasay naadigii  isboortiga  ee Boorama. Naadigaasi  ilaa qaar kale oo Jigjiga ka jiray ayuu la ciyaari jiray.

 

1941kii Radio Kudhu oo markii danbe u digo-rogtay Radio Hargeysa ayaa la furay oo saamayn la yaab leh ku yeeshay noloshii dadka. Wuxu horsed u noqday dhammaanba qaybihii: fanka iyo warbaahinta isaga oo aan ku koobnayn Somaliland bal se Soomaali oo dhan u adeegi jiray sidaana furihiisii ku noqday: HALKANI WAA HARGEYSA, RADIO SOOMAALI,

 

1945kii, Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf Xaaji Xasan Fiqi oo Cadan ka soo noqday ayaa ciidan abaabulay oo go’aansaday in uu la dagaallamo gumeysigii Ingiriiska. Wuxu weerarkiisa ka bilaabay Guddoomiyihii Degmada Burco ee Ingiriiska ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *