Qoyska

Dhalashadaydii:

Waayihii qoys iyo nololeed ee xilligaa taagnaa

Waxaan ku dhashay Xaafaddii Laba-nuux ee magaalada Hargeysa, 7/12/1948kii, sida uu ii sheegay walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerkayaga curad u ahi markaana ku jiray fasalka 5aad ee Dugsiga Dhexe ee Sheekh. Isaga ayaa ii bixiyay magaca Cabdiraxmaan isaga oo iigu magac-daray nin markaa fasalkooda ugu sarreyn jiray imtixaannada oo la odhan jiray Cabdiraxmaan Cilmi. Naanaysta aan ku caano-maalay ee Boobe waxa ii bixisay hooyaday. Dhinaca kale hooyaday Cibaado Xaaji Abokor Axmed oo mataan ahayd loona yaqaannay Cibaado Warla’ iyada oo wiilkii mataanka la ahaa dhintay markii uu dhasahyba, xilliga aan dhashay wuxu iyada ugu muuddaysnaa oo ay igu odhan jirtay: “Dagaalkii Awal iyo Gar-xajis ayaad dhalatay.” Sida la ii sheegayna waa xilli ku beegnaa 1948kii.

Marka aan dhalanayo qoyskayagu wuxu ka koobnaa: Wiil keliya iyo afar hablood oo u kala weynaa: Axmed-nuur (Col Madow), Caasha-naado, Ruqiya-canab, Xaliimo-basra iyo Sacdiya-baarcad. Sida ay hooyaday ii sheegtay xilligaa aan dhalanayo aabbahay cadho ayay ku kala maqnaayeen oo guriga ma uu joogin. Waxay ii sheegtay in markii uu maqlay in uu wiil u dhashay uu adhigii wan-qasha soo iibiyay oo uu gurigii ku soo noqday. Sidaa darteed ayay hooyaday iyada oo tirsanaysa in ay iga boobtay aabbahay oo aan xaggeeda jiro ama xigaba ay Boobe iigu bixisay Sidaas ayay hooyaday iigaga sheekaysay sababta ay iigu bixisay Boobe oo dadka intiisa badani ii taqaanno. Inta badan waxa la I weydiiyaa waxa aan boobay iyo goorta aan boobay. Markii magacan la ii bixiyay la imaba anqarin ee maxaan boobiba! Bal adba. Intaasi waa intayadii jirtay markaa aan dhalanayo. Anigana carruur kale ayaa iga danbeysay oo aynu qaybaha danbe ku soo qaadan doono. Cabdiraxmaan walaalkay Axmed ayaa ii bixinaya.

Aabbahay[1]
[2]Aabbahay wuxu ahaa Aw Yuusuf Ducaale Caynaan oo ahaa ganacsade yar oo aanay hayntiisu sidaa u badnayn. Bar, beer iyo xoolaba wuu lahaa oo waxa uu deggenaa meesha Ijiwaaji la yidhaahdo oo magaalada Gebilay kaga beegan koonfur. Xooluhu lo’ ayay u badnaayeen. Geelayagii ilaa shan halaad ayaan ka soo gaadhay iyo Geenyo caddaydba. Xataa waxaan weli xusuusnahay awrkayagii Cago-dable iyo Caddaawe oo ka horreeyay.

Waxaan garaadsaday isaga oo hudheel yar oo hilibka geela lagu kariyo ku leh magaalada Hargeysa meel ku dheggaan masaajidka macallin Jaamac ee xero-hadhuudhii hore kaga beegan koonfur. Nin Cali-toor la odhan jiray ayaa ka mid ahaa dadkii ay hudheelladaa wada lahaayeen ee ay saaxiibka ahaayeen. Beryihii danbe wuxu u guuray Gebilay oo uu ku lahaa dukaan yar oo uu haystay ilaa markii uu

Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor

dhimanayay oo ku beegnayd badhtamihii bishii Abriil ee 1964kii. Wuxu ku dhintay cisbitaalka lacagta (Payment Ward) ee Hargeysa waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa xabaalo ku oolli jiray meel ka tallowsan laagta yare e bariga ka xigta Dugsigii “Shacab Girls” oo hadda lagu magacaabo Gacmo-dheere.

Dadkii caanka ahaa ee xabaalaha lagu aasay waxaan ka sii xusuustaa hal-abuurkii waddaniga ahaa ee Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay “Barkhad cas” oo halkaa is-na lagu aasay 2/1/1962kii. Goor casar dheer ah ayaa “Barkhad cas” halkaa lagu aasay. Waxaan kubbad ku ciyaaraynay garoonkii ku oolli jiray halkii calankii Soomaaliyeed laga taagay 26kii Juun 1960kii. Markii aanu aragnay meydka la sido cabbaar ayaanu kubbaddii joojinnay annaga oo weydiinnay qofka meydkiisii la sido, waxaana naloo sheegay in uu ahaa “Barkhad cas”. Waa aaskii Cabdillaahi Qarshe ka dul qaaday heestii caanka ahayd ee “Waa ayaanba ayaan”.

Waxa kale oo hal-doorka xabaalahaa ku aasan ka mid ah Sheekh Ibraahin Xujaale oo ahaa foolaadka culimadii waaweyneyd ee dalka, gaar ahaan Hargeysa. Dhammaantoodba Ilaahay ha u naxariisto.

Aan wax aan badneyn dib ugu noqdo aabbahay iyo sidii uu u dhintay. Qiyaastii maalmo ka hor ayaanu ka saarnay cisbitaalka guud oo uu ku jiray maalmo. Sidaa ugama war qabin xanuunka uu u jiifay. Gebilay ayaan ku celiyay oo aniga ayaa sii qaaday. Guri aan dukaankiisii ka fogayn oo ka soo hor jeeday masjid jaamaca Gebilay ayaa la dhigay. Waxa la joogtay mid ka mid ahayd xaasaskiisii oo ahayd Aamina Cumar Abu-shanab oo daaddahaynaysay Maxamed Aw Yuusuf oo ahaa wiilka keliya ee ay u dhashay. Haddii uu halkaa dhowr maalmood jiifay ayaa haddana dib loo qabtay. Hargeysa ayaan ku soo noqday oo waxaan u tegay Maxamed Ismaaciil Dunbuqe oo ay Axmed Yuusuf Ducaale ooryo-walaalo noqdeen markii danbe ahaana sarkaal ka madax ahaa xafiiskii shaqaalaha ee dawladda oo la odhan jiray “Establishment”-ka. Baabbuur Land-rover ah oo “series one” ahaa oo qafillaa ayuu I siiyay. Sidii ayaan ku soo qaaday aabbahay oo aanu qaybtii lacagta ee cisbitaalka guud u dhignay. Malahayga laba iyo saddex maalmood markii uu yaallay ayuu subax hore dhintay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ markii danbe waxa la ii sheegay in uu u dhintay “Joonis”.

Muslin taqiya oo aan salad, salad ku darin ayuu ahaa. Marka uu hudheelkiisa cuntada ka miisayo iyo mararakii uu dukaanka iibin jirayba, salliga Nebiga afka kama qaadi jirin. Qaadka aad uma cuni jirin kama maqnaan jirin. Barqadii Ijibane aan badnayn ayuu cuni jiray, duhurkana wax aan sidaa u sii badnayn. Wuxu ahaa dadka sida laxaadka leh shaqada u jecel ee hawl-karka ah. Hawsha iyo shaqada kama daali jirin. Si laxaad leh oo dhakhso badan ayuu u tallaabsan jiray oo wuxu ahaa dadka socodka ku dheereeya. Marka uu socdo ee uu agtaada marayo waxaad moodi jirtay in dabeyli ku dhaaftay xawliga uu ku socday dartii. Waxaad ku war heli jirtay macawista oo baf…baf..bafta haysa. Waxay ku dhawaan jirtay in ay kala dillaacdo. Wuxu ahaa nin midabka casaan xiga oo wejiga furuq-doon ku lahaa. Wuxu lahaa golxo aan sidaa u sii weyneyn. Marka uu tallaabsanayo cagta si toosan ayuu dhulka u dhigi jiray isaga oo cidhibta ku horreysiin jiray. Qosolka wuu ilko caddayn jiray oo aad uma qosli jirin. Doob weyn oo cunihiisa ka soo yar taagan ayuu lahaa oo marka uu qoslayo noq-noqota. Fanax aan weyneyn ayuu lahaa. Dhaqan ahaan wuxu qaadan jiray macawis, shaadh, cumaamad, koofiyad iyo kabo sadhal ah.

Iyaga oo meel gubanka ah deggan oo ‘Cadayga’ la yidhaahdo ayaa Furuq dhacay beeshii oo dhan. Dad badan ayaa halkaa ku madhay oo qayb badan oo ka mid ahi ay ka tirsanaayeen Reer Caynaan Samatarkii aabbahay ka dhashay. Reer Ducaale Caynaan, gaar ahaan Bah-Meydhan oo aabbahay ka dhashay waxay ahaayeen 11 qof. Waxay ahaayeen sagaal wiil iyo laba hablood. Bah-Meydhan cudurkii Furuqa waxa ka kacay: laba wiil oo kala ahaa: Nuux iyo Aw Yuusuf, iyo laba hablood oo kala ahaa: Caasha iyo Faadumo.

Maalmihii aan Gebilay kula noolaa oo inta badan fasaxyada dugsiyada ahayd, dukaanka ayaanu wada geli jirnay. Cuntada halkaas ayaanu ku karsan jirnay. Dukaanka ayaan habeenkii dhex seexan jiray. Inta badan habeenkii wuxu Gebilay ka tegi jiray ilaa saacad ka dib marka uu cishaa’iga ku tukado masaajidka oo naga soo hor jeeday. Tooj ayuu sii qaadan jiray, waxaanu u hoyan jiray Ijiwaaji oo reerku yaallay beertuna ku taallay. Haddana subaxdii ilaa toddobbada subaxnimo ayuu dukaanka igu garaaci jiray. Miyi iyo magaalo midna hawli kagama baaqan. Maalmaha qaarkood ayaan Ijiwaaji u raaci jiray. Hadba dhakhsaha uu ku socday inta uu iga go’o ayuu I yar sugi jiray oo marka aan soo gaadho haddana iga dheereyn jiray. Waxa xusuus gaar ah igu mudan maalin aan 1992kii carruurtayda la lugaynayay meelihii aanu aabbahay wada lugayn jirnay. Sidii dhaqanka noo ahayd Ijiwaaji iyo beertii ayaanu ku soconnay. Wiilashayda maalintaa ila sicday waxa ugu weynaa Caynaan. Waxaan uga sheekeeyay sidii aanu aabbahay halkan u wada lugeyn jirnay ee uu hadba geed igu sugi jiray. Caynaan ayaa maalintaa hadalkii holladay. Ku ye: “Aabbo marka aad dhimato ayaanu carruurtayda halkan wada lugayn doonnaa oo aan uga sheekayn doonaa in aynu halkan wada lugeyn jirnay sidii aad adba aabbaha u wada lugeyn jirteen.” Run ahaantii waan yar naxay. In aan hadlo ayaan holladay, haddana waan iska aammusay. Weli waan xusuustaa hadalkii marka aan meeshii marayaba. Ijiwaaji waa degmo-beereed magaalada Gebilay kaga beegan koonfurta oo u jirta ilaa siddeed kilo-mitir.

Aabbahay beerta inta badan isaga ayaa ka hawl-geli jiray. Aniguna maalmaha aan fasaxa ahay waan la shaqayn jiray. Waxba ma qodi aqoonnin laakiin mararka qaarkood dibida ayaan u san-wadi jiray. Mararka qaarkood dibida ayaan daba socon jiray oo hadba halka ay irfidu marto ayaan gaantayga[3] iyo xarfada ka guri jiray. Marka odeyga barqada loo keeno shaaha qudheeda dibida ayaan soo waraabin jiray oo laagta Ijiwaaji ayay beertu dacalka ku haysay. Galabtaii marka uu dibida ka furo meerarka aniga ayaa daajin jiray. Xilliyada qaarkood ayuu igu soo noqon jiray si uu ii kormeero isaga oo werwer ka qabay in aanan si wanaagsan u daajin dibida. Galab galbahaa ka mid ahayd ayuu dib iigu soo noqday si uu ogaado xaaladdii dibida. Aniga qudhaydu duunka hoose ee aabbahay waa aan ka war qabay oo si wanaagsan ayaan dibida u daajin jiray. Waxaan xusuustaa galab aabbahay dib iigu soo noqday. Aniga oo soo-noqodkaa ka cabsi qabay ayaan dibida daajinayay faagga beerta oo dooggu aad uga baxay maa daama xoolaha biqilka laga ilaaliyo. Ul yar inta aan goostay ayaan xaggii biqilka iska taagay labadii dibi. Si wanaagsan ayay u dhergeen. Aabbahay markii uu I soo booqday dibi xaraash ahaa oo Xoogsade la odhan jiray ayuu salaaxay, ka dibna wuxu igu yidhi: “Oo aabbo illeyn nin xoolo-og baad tahay.” Ilaahay ayaa ogaa sidaan maalintaa hoosta uga farxay illeyn nin aabbihii xoolo-ogida billad ku siiyay ayaan ahaaye.

Waxaan xusuustaa galab uu iigu yimid beerta aniga oo weylihii ilaalinaya. Gebilay ayuu ka yimid waxaanu ii keenay oo I siiyay qeyd maraykaan ah si aan habeenkii u huwado. Wuu iga tegay oo xaggii reerka ayuu u dhaqaaqay. Qaalin yar oo dhiin ahayd oo weylaha ku jirtay oo cawarreyd ayaan qeydkii xakame u dhigay oo aan fuulay. Usha ayaan ku dhuftay. Inta ay boodday oo cabbaar aan saarnaa ayay bohol lug la gashay oo aan ka dhacay. Show intan aan saarnaaba qeydkii ayay calaalinaysay oo laba u kala go’ay. Talo ayaa igu caddaatay. Waqtigii aan weylaha xerayn lahaana waa ay igu soo dhawaatay. Qeydkii oo laba qaar ah ayaan beertii ku aasay. Kama aan fekerin halka aan ku aasayo. Waxaan ku aasay beerta intii aan qodnayn. Subaxdii ayuu aabbahay dibidii soo meeraray, mise irfidii ayaa markiiba soo saaratay qeydkii cusbaa oo laba qaar ah. Miyaanu odeygii cabbaar dullihii[4] dibida ila daba cararin.

Aabbahay inta aan xusuusnahay weligii inta uu gacan ii qaaday ima dilin. Weligii hadal xun ima odhan igumana xanaaqin, aniguna ninka weligiiba kor u eegay ma ihi. Ifka inta aan kula noolaa maalintaa la sawirayay ayaaan wejigiisa ka bogtay. Haddii laga tegi waayo maalin Jimce ahayd oo aanu masjid jaamicii hore ee Hargeysa ku wada tukannay ayuu aniga oo aan maqlayn show cabbaar ii yeedhay. Anna maba maqlayn. Xaafaddii markii aanu qedadii isugu nimid ayuu si kulul iigu yidhi: “Waar maxaad ii diidaysay markii aan kuu yeedhayay.” Ifka intii aanu wada joognay hadal xun oo uu I yidhaahdaa kaas ayuu ii ahaa.

Habeenkii marka aanu sariirta wada seexanno intaa gacmahayga iyo labada dhudhun ee lugaha ayuu hadba mid qaban jiray oo ka buuxsan jiray. Waxaan is-odhan jiray malaha in aad naaxday iyo in aad muruqyo yeelatay ayuu eegayay.

Hooyadayna waxay ahayd Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed.

 

Hooyaday waxay ku dhalatay kuna kortay magaalada Hargeysa. Qof wanaagsan ayay ahayd. Maa daama aabahay xilli hore dhintay, waxay ahayd xudduntii isku haysay qoyska. Waxay ahayd qof tolka iyo xigaalkaba aad u soo dhaweysa oo ku fiicnayd isku-xidhka. Baaho iyo bukaan midna kama ay maqnaan jirin. Dhowr arrimood ayaan aad ugu xusuustaa oo weliba aan is-leeyahay qaarkood waa aad ka dhaxashay, aniga oo aabbahay qudhiisa wax badan ka wata. Waxyaabahaa astaanta gaar ah leh ee aan hooyaday ku xusuusto waxa ka mid ah:

Sidii ay wax u madhxin jirtay ama u beekhaamin jirtay. Waxaan si fiican u xusuustaa aniga oo xaas leh oo Muqdisho deggenaa in ay noo timid oo ay guriga nagula nooleyd. Waa ilaa 1978kii xilli ku beegnaa. Maalin kasta raashinka la soo iibiyo ayay wax yar ka cantoobi jirtay oo meelo kala gaar ah ku shubi jirtay. Marka ay ururiso ayay malahayga tobankii cishoba laba maalmood xaaska ku odhan jirtay intan karsada oo waxba ha soo iibin. Aad baan ula yaabi jiray dhinaca kalena ugu bogi jiray.

Waxa ay ahayd qof Ilaahay curin iyo hal-abuurba siiyay. Waa marka hore e’ waa ay buraanburi jirtay in kasta oo ay ku koobnayd maansooyin shakhsiya ama qoyskaba saamayntooda ku lahaa. Mar labaadkana waxay ahayd qof ku xeel-dheereyd samaynta agabka Soomaaliyeed sida kuwa guryaha lagu dhisto, weelka iyo qaar badan oo kale oo daabacu ka mid ahaa. Waxay aad ugu xeel dheereyd samaynta Xeedhada iyada oo maalintii ay Hargeysa ka qaxday 1988kii aqalkii ay degeneyd kaga guurtay 14 fijaan oo dhammaa oo ay weliba magacyana u bixisay.

Hooyaday[5]
Waxay hooyaday dhaqan u lahayd keydinta. Waxa gurigayaga oolli jiray sanduuq weyn oo bir ah oo muggiisuna weynaa. Waxay ku ridi jirtay waxyaabaha ay keydinayso. Sanduuqaas oo aanu marka muddo la joogaba daawan jirnay waxyaabaha ku keydsanaa oo maacuun iyo dharba lahaa in badan ayaan ka sii xusuustaa. Waxa ka mid ahaa agabka sanduuqaa ku dhowrsanaa koob yar oo eeri midabkiisu doogo yahay ahaa oo ay noo sheegtay hooyaday in ay ku canqarisay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerka curad u ahaa. Waxa kale oo sanduuqaa ku keydsanaa mishiin-gacmeed kan bunka lagu ridqo ahaa oo ay noo sheegtay in uu qoyska soo galay dagaalkii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Waxa ku jiray sanduuqaas dahabkeedii iyo agabkeedii qurxinta oo aan ka sii xusuusto: Laasinkii, Canbarshii, Sindiyihii, Murriyaddii, Wasaakhyadii, Jimihii cunnabiga ahaa iyo agab kale oo badnaa. Waxa kale sanduuqaa ku jiray dharkeeda intii u dhowrsanayd oo isugu jiray qaar aanay xidhanba iyo qaar ay maalmaha iidaha iyo aroosyada u haysatay. Dharka halkaa ku jiray waxa ay ugu jeclayd oo aanay afka ka dhigi jirin dhar ay niman ay eeddo u ahayd Bariga Afrika uga keeneen. Dalalkaa waxay u taqaannay sawaaxil, dharkaana waxay odhan jirtay ama u taqaannay ‘Bulji’ oo aan filayo in ilaa maanta loo yaqaanno in kasta oo aan ereygan hadda aad loo adeegsan.

Waxyaabaha kale ee aan hooyaday ku xusuustaa waa cunto-karintii la yaabka lahayd. Cuntadu laxoox, bariis iyo cad ayay ahayd. Caanaha ayaa ku ladhnaa. Haddii aanu laxoox ku quraacanno inta badan isku dhex-karis ayaa qedada raaci jiray. Isku-dhex karisku kan maanta ma ahayn ee aad iyo aad ayuu uga fogaa. Ilaah baan ku dhaartaye marka uu dheriga saran yahay urta iyo udgoonka daaqsin-maqaleed ayaad sanka kala soo raaci jirtay. Intii aanu yar-yareyn dherigaa kama aanu fogaan jirin oo marka hilibka la qalaynayo ayaanu waslad yar oo aad isku goosato ku lahayn. Sideedaa ninkii u yidhi: “Beri-samaad waa badnaaye, nolol baa ka badatay.”

Madbakhii ama cuntadii berigaa jirtay waxaad odhan karaysaa Seylici ayay ahayd marka aad eegto sida il-baxnimada ah ee wax loo karin jiray. Waxa la yaabka lahaa wuxu ahaa xawaashkii cuntada lagu fasakhi jiray ee carfiga, udgoonka iyo macaankaba cokanaa ee aad faraha is-goosanaysay. Ma daqiiqda marka la xashayo ee la dubo. Horto marka hore daqiiqda lafteeda ayaa la hiddo-raaci jiray oo marwooyinku waxaan daqiiq Daabuuniya ahayn umaba ay fadhiisan jirin. Marka la dubo ayay cirkaa u tuuri jireen oo inta aanay sixniga ku soo dhicin hawada iyada oo maraysa ayay isku jebin jireen. Ma daqiiq ay Saluugla’ Xaaji dubi jirtay. Immika ayaa dhareerkii iga soo daadanayaa.

Noloshayda intii badnayd hooyaday ayaan la soo noolaa gaar ahaan intii aan barbaarayay. Hablo badan ayaan la dhashay, wiilalna keli ayaan guriga ku ahaa maa daama Axmed markii uu hana-qaadayba naga tegay. Si kale kuma garataane Boqor yar ayaan guriga ku ahaa hablahayaguna kolley aad ayay ii xaman jireen, marka aan xantooda yar dareemana waa aan ka xanaaqi jirya oo hooyo ayaan u caban jiray. Qalqaallinnimadu wiil soo koraya iyo caadadii ayay ahayde, hooyaday maa daama aan inta badan ag joogay mararka ay qoonsato dhaqankayga waa ay I dagaali jirta af iyo gacanba. Aqalladii aanu deggeneyn ee Soomaaliga ahaa waxa ku wareegsanaa ood iyo xeyramad. Inta badan marka ay gacanta ii qaaddo xeyramadkaas ayay ila dhici jirtay.Hooyaday kalgacalkii xad-dhaafka ahaa ee ay ii haysay mararka qaarkood dharka Cadan ayay iigu diri jirtay. Dumarkii Cadan ka baayac-mushtarayn jiray ee ay dharka iigu diri jirtay waxaan ka sii xusuustaa Faadumo Cabdi Ibraahin, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waxay ahayd Axmed Cali Haaruun (Dararamle) hooyadii oo haddana Habar-yar iigu toosnayd.

Dhallaannimadaydii ayaan soo xusuustay iyo beryo hore oo ay magaalada Hargeysaba xaafad Soomaali iskaga badnayd. Laba-nuux oo aan ku dhashay kuna barbaaray ayaanu deggenayn. Aqal Soomaaliyo ayay xaafaddu ahayd. Markaan Qormadan xuska iyo xusuusta ah diyaarinayay waxa madaxayga ku soo dhacay xaafaddaa aan ku soo barbaaray iyo beryihii agabka aqal Soomaaliga la samayn jiray. Harrarradii…Kebdihii…Aloolkii…iyo…iyo..iyo qaar kale oo badan. Waxa xiskayga ku soo dhacay habeen la tidcayay Caws la odhan jiray “Waaxyo-gooye.”

Habeenkaa, heesihii iyo sidii xafladdaa loo bilayba waan yar xusuusanayay, bal se wax badan ayaa igaga maqnaa. Hablihii habeenkaa “Waaxyo-gooye” wax ka tidcayay ayaan xusuustay. Qaar baan raadiyay, waxaana ii suurto-gashay in aan mid ka mid ah helo oo ahayd walaashay Caasho-naado Yuusuf Ducaale oo markan ayeeyo ahayd. Xafladdii habeenkaa cawska lagu tidcayay ayaan ka wareystay.

Walaashay Caasha-naado waxay igu tidhi:

“Waxa weeye berigii hore hiddaha iyo dhaqankii heeryada waa la samayn jiray. Heeryadaasi xariir bay ahayd. Cawska ama kebedda wanaagsan magac ayaa loo bixin jiray. Cawska marka la sameeyo waa la tidci jiray. Habeenkaa la tidcayo, maalinnimada casarka dheer ayay habluhu is-raaci jireen si ay u soo dalbadaan hablihii cawska tidci lahaa. Hablaha tidica loo dalbanayo waxyaabaha lagu soo xulan jiray waxa ugu mudnaa farshaxannimada iyo luuqda. Daaradda lagu tidcayo cawskaa ciid cad, saafiya oo burciid ah ayaa dooxa looga soo guri jiray. Waa la rushayn jiray. Daaradiba daaradda ay ka weyn tahay ayaa la adeegsan jiray. Daaradaha muskoodu ood iyo xeyramadba wuu lahaa. Mararka qaarkood ayaa muska xayaab ku bixi jiray oo ay biseylka midhahaasi casaan noqon jireen shinbiruhuna aanay ka dhammaan jirin. Waa maxay luuqda ay subcinayaan ee midiba nooc u dhawaaqaysaa! Qofku isaga oo aan is-ogeyn ayuu dhegta la raaci jiray.

Ilaa afar tiriig ayaa habeennimadaa la soo kireyn jiray. Hablihii la dalbaday ayaa ku fadhiisan jiray cawskii oo la goglay. Tidica ayay ku bilaabi jireen iyada oo ay mid waliba wixii uu Ilaahay baray ee luuq iyo farshaxannimo ahaa badka keeni jirtay. Heesta iyo luuqda ayaa isu bixi jiray. Cawskan aynu ka sheekaynayno oo gabadhii samaysatay u bixisay “Waaxyo-gooye” wuxu ahaa caws dheer, qurux badan oo wanaagsan. “Waaxyo-gooye” waxa loogu bixiyay dhererka iyo isaga oo ku soo laabmi jiray aqalka. Wuxu ahaa isku-joog xariir ah. Habeenkaa “Waaxyo-gooye” la tidcayay haddii aan heesihii loo tiriyay godollo ka sheego, laba hablood oo miyiga iyo magaalada kala daafacayay ayaa isku baxsaday.

Waxa ku horreysay gabadhii miyiga daafacaysay oo tidhi:

“Dildillaac furasashkii,

Soo daaday lebenkii,

Ninka Daawi law ladan,”

Iyada oo dadka ku baraarujinaysay dhaqashada geela. Gabadhii magaalada u hadlaysay ayaa meel aan fogayn ka soo tuurtay:

“Geelu waa dareeraa,

Dabadeed la qaadaa,

Adhina duunyo noqon waa,

Dahabka iyo daaraha,

Ha ka daganne daba roor,”

Cawskaa Waaxyo-gooye gabadhii samaysatay iyada oo u buraanburaysa, waxa ereyadii ay cawskaa ku muunaysay ka mid ahaa:

“Sabool-diidoow waxaan kuu samaynayaa,

Aydintaadana waxaan iinta uga jiraa,

Gob-loo-dadabyoow waxaan kuugu goohayaa,

In aan wiil keydsan oo kula hela kinsiya.”

Hablaha cawsaska tidci jiray tiro ahaan way kala duwanaayeen oo cawsba dhererkiisa ayay ku xidhnaayeen hablaha tidcayaa. Cawsaska qaarkood shan iyo toban hablood, qaarna labaatan baa ku fadhiisan jiray. Bal se habeenkaa “Waaxyo-gooye” la tidcayay waxa ku fadhiistay soddon hablood. Qiyaastii gabadh kasta waxa ku soo hagaagayay ilaa afar taako oo ay tidcaysay.”

Caasho-naado ayaa xusuusteedii iyo sheekadeediiba halkaa marisay.

Waxa kale oo aan xususstaa oo intaa dhex socday dhex-taalna u ahaa heestii caanka ahayd ee cawsku lahaa ee ahayd:

“Cawskanoow sabool-diidoow, Hooyal

In aan suuqa lagu dhiginoo, Hooyal

Soddon lagugu baayicinoo, Hooyal

Yaa sameeyay lagu odhan,

Ay hooyalaayooow,

Hooyaloow hooyee,

Hooyalee,”

Marka ay habluhu tidica cawska dhameeyaan ayaa foolad lagu bilaabi jiray oo nacnaca iyo buskutka lagu dul daadin jiray oo mashxaraddu isu bixi jirtay. Markaas ayay carruurtuna oodda soo jebin jirtay si ay nacnaca wax uga gurtaan. Daaradda dusheeda waxa tubnaan jiray raggii hablaha cawska tidcaya gayaanka u ahaa oo guur-u-meera oo quud-darraynaya bal in ay calafkoodii halkaa kala kulmaan. Munaasbadaha iyo xafladaha cawska lagu tidcayaa waxa kale oo ay astaan u ahaayeen in gabadhaa cawska loo tidcayaa gudatay qayb ka mid ah xilalkii ay ugu diyaar-garoobaysay aqal-galkeeda. Malaha eedi igu raaci meyso haddii aan idhaahdo munaasabad ogeysiis ah ayay iska ahaydba. Waxa kale oo ay munaasbadahani ahaayeen qaar ay ku kulmaan hablaha iyo raggu. Kulan la is-arkayay oo la wada hadlayay ma ay ahayne, raggu iyaga oo oodda dusheeda tuban ayay halkaa ka qoraansan jireen hablaha iyaga oo dhegta u raaricinaya luuqdooda iyo midhaha ay ku heesayaanba. Hablo iyo ragba hagoog baa jiq la ahaayoo waxa inta badan gabadha lagu tilmaansan jiray go’a ay hagoogan tahay iyo halka ay safka kaga jirto. Wuxu iskaga badnaa haasaawe aammusan oo asturan, hufan oo dhaqan iyo hiddaba hagoognaa. Hablo iyo wiilalba waa la sarrigan jiray oo xumaan la isuma quudhi jirin. Diinta iyo dhaqankaa dabar iyo seetaba ahaa, mujtamacuna sidan uu u dhaqan-doorsoomay ma ahayne xishoodkaa qiimo lahaa.

Kaasi wuxu ahaa aqal-Soomaaligii iyo habkii loo samayn jiray agabkiisa, gaar ahaan cawskii “Waaxyo-gooye” oo ka mid ahaa cawsaskii taariikhiga ahaa ee soo maray magaalada Hargeysa ku-sinnaan kontonnadii qarnigii hore.

Waa walaashay Caasho-naado oo curaddayda Bilan Boobe ugu sheekaynaysa geed hooyaday hoos fadhiisan jirtyay oo ku yaalla gurigayga Gebilay. Waa xilli ku beegnaa ilaa 1998kii. Waxaan filayaa in ay goor barqo ah ahayd. Caasha-naado waxay tidhi:

“Bilaneey, aniga oo saddex iyo toban jir ah ayaanu gabadh aanu ilmo-abti nahay wada sheekaysannay. Markaa nin baa ka dhintay, waxaana u soo baxay in ay kala doorato wiil dhallinyaro ah iyo wadaad. Markaas ayaan ku idhi wadaadkan iska daa oo wiilka dhallinyarada ah iska guurso. Waxay iigu jawaabtay wadaadkan ayaan doonayaa. Saddex iyo toban jir baan ahaa. Waxaan ku idhi wadaadkan kulama doonayo ee wiilka dhallinyarada ah iska guurso. Gabadha Xaliimo Nuur ayaa la odhan jiray oo Dhiil-geel ayay walaalo ahaayeen. Waxay igu tidhi: ‘Wadaadka maxaad ku neceb tahay? Aabbahaa waa wadaad…adeerkaa waa wadad….reerkiinna oo dhammi waa wadaad.’

Waxaan ugu jawaabay anigu wadaadka ma jecli e’ I dhegayso, waxaanan idhi:

Asuulo-wanaagsaneey waana aabbahay,

Xayaa la hadlaa wadaad xarako aad ah ma leh,

Asuulo-wanaagsaneey waana aabbahay,

Xayaa la hadlaa wadaad xoolo badan ma dhaqo,

Asuulo-wanaagsaneey waana aabbahay,

Xayaa la hadlaa wadaad xiisihii ma qabo.

Fidde hadduu helana farxad buu u kala go’aa,

Halkii axan joogo waa soo ilaaliyaa,

Agoon iyo maati eexuu ka geysan jiray,

Halkii lagu ba’ana belo waa ku beerraqaa,

Hashuu kula maalo mooyee haakah ma leh,

Hurinta Reer Yoonisey laguma hawkar baxo.

Markii aan intaa ritay ayay igu tidhi: “Car adigu Ina Aw Yuusufey yaanad raacin wiil yar oo xun oo qadaad-xiir ah raacin, waxaanay ku kabtay:

Sigaarku ragguu ku leelaystay sida sibbaaq,

Haweenkoodi kuwaa haragga looga riday,

Qadaad-xiirrada haddaan qorigu iigu dhicin,

Mahad Ilaah weeye meherkooda haddaanan qabin,

Oo waan gam’aayaa haddaan lay guhaadinayn,”

Waxaan ugu jawaabay:

“Caleenta ninkii cunaayaa cisaayad badan,

Sigaarka ninkii cabbaa waa sarkaal is-huba,

Ciraabo-wanaagsaneey cududda reer Isaaq,

Wiil I caashaqay hadduu galab I soo calmado,

Raaci maayee hadduu reerkayaga u tago,

Guddoonku hadduu ku dhaco geesiyada tolkay,

Gabbaati hadduu ka dhigo giniga xoogga weyn,

Run baa la hadlaa haddii raaxo la isu helo,

Aabbahay kuu gartaa geesi lagu hubaa,”

Waxay igu tidhi: “Haddaba Ina-abti khaati ayaan kaa joogaaye iska kay daa.” Waxaan ku idhi: “Waayahaye odeygaa iska daa.” Waxay igu tidhi: “In lagu bixin u malayn mayo e’ qadaad-xiir in aad meelaha ka raacdo ayaan kaaga baqayaa.” Waxaan ku idhi:

“Karraani nimaan ahayn keefay oo is-huba,

Direewal nimaan ahayn deniya oo la hubo,

Nimaan dahabkii gacmaha soo diyaarinayn,

Xariirtiyo shied nimaan xadhigga buuxinayn,

Nimaan kumanyaal Rubbood maalin keenihayn,

Nimaan boostiyo tegayn Baanka lacagtu taal,

Casiiska wax uumayow calaf wax haygu darin,”

Awowgay Ducaale Caynaan sida la ii sheegay wuxu ku dhintay meel woqooyi-bari kaga beegan magaalada Baabbili ee Itoobiya. Adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan oo “Geeble” loo yaqaannay, ayaa annaga oo wada soconnay oo bas saarnayn barqo aanu magaalada Baabbili maraynay igu yidhi: “Halkaas ayuu Ducaale ku dhintay oo uu ku aasan yahay.” Markaa wuxu farta iigu fiiqayay meel woqooyi-bari kaga beegan Baabbili oo aan aad uga sii fogayn. Dhanka kale eddedey Ardo Ducaale Caynaan oo 2008dii ku dhimatay magaalada Jabuuti oo 84 jir ahayd ayaa ii sheegtay in Ducaale Caynaan ku dhintay halkaas oo ay iyada oo yar goob-joog u ahayd. Waxay intaa iigu dartay in abaar dalka looga qaxay awgeed ay halkaa u daqaqameen.

Waxa kale oo ay ii sheegtay in ay yarayd oo ay wada socdeen walaasheed Caasha Ducaale Caynaan oo halkaa lagu guursaday. Abwaankii taariikhyahanka ahaa ee Xasan Sheekh Muumin wuxu ii sheegay is-na 2002dii mar Boorame kula kulmay in ay xiliigaa dhacday abaar dal iyo dadba aan waxba ka reebin oo la odhan jiray “saamo-dubad” oo dadku markii ay waayeen waxay cunaan saamaha la duban jiray. Wuxu xilligaa iigu muddeeyay 1927kii. Abaaruhu waxay ahaayeen saymo iyo saxariir si joogto ah ugu soo noq-noqon jiray nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa ka mid ahaa inta aynu maqallo: Hawaara, Harga-cuna, Haarriya, Abaaleys, Saamo-dubad, Habtii, Dabo-dheer iyo qaar kale oo badan.

Ayeyday aabbo waxay ahayd Meydhan Allaale, nasiibna uma aan helin in arko amaba nolol ku soo gaadho. Awowgay hooyo wuxu ahaa Xaaji Abokor Axmed oo caan ku ahaa dalka laguna yaqaannay gar-naqsiga. Wuxu ahaa dadka looyarnimada loo qabsan jiray markii gartu ay taallay geedka. Halkudhegyadiisii iyo hal-muceedyadiisii waxa ka mid ahaa beri ay qolo uu u doodayay Baqal uu fuulo ugu ballan-qaadday haddii ay garta helaan. Xaaji Abokor wuu dhutin jiray oo sida aan sheekada ku helay Turkigii dalka xukumi jiray ayaa sabab u ahaa. Markii gartii la helay ayay qoladii ballan-qaadka u samaysay marka uu Baqashii weydiiyaba, ku odhan jireen: “ Waa gar oo waad nagu leedahay.” In badan markii ay intaa ku cel-celiyeen, Xaajiguna baqal uu fuulo u baahnaa, ayuu markii danbe reebay odhaahdan: “Ma gar baan fuuli.” Ayeyday hooyana waxay ahayd Qoran Cawaale oo aan nasiib u yeeshay in aan nolol ku soo gaadho, waxaanay dhimatay 1958kii annaga oo deggan xaafad aan ka fogayn deyrka bari ee Dugsiga Hoose ee Biyo-dhacay. Run ahaantii dugsiga waxa na kala qaybinayay garoonka kubbadda cagta oo keliya. Waa xaafaddii aanu soo degnay 1958kii markii aanu ka soo guurnay ama nalaga soo rarayba xaafaddii aan ku dhashay ee Laba-nuux oo beryahaa dhismihii daaruhu soo gaadheen.

Awowgay aabbo wuxu ahaa Caynaan Samatar Cigaal oo lagu naaneysi jiray “Caynaan Guud-yare”. Timo ma lahaan jirin sida la ii sheegay bal se wax badnayn oo timo ah ayaa kaga oolli jiray xaggaa danbe ee qadaadka. Wuxu ka mid ahaan jiray raaggii beesha arrimaheeda gacanta ku hayn jiray ee looga danbeeyay.

Ayeyday hooyo waxay ahayd Qoran Cawaale. Aabbahay waxay wada dhasheen oo aan nolol ku soo gaadhay: Ardo Ducaale, Nuux Ducaale iyo Muxumed Ducaale oo “Geeble” loo yaqaannay oo dhintay sannadkii 1997kii Gebilayna lagu aasay.

Hooyaday waxay wada dhasheen oo aan soo gaadhay abtigii keli ahaa ee aan lahaa oo la odhan jiray Muxumed Xaaji Abokor Axmed. Habar-yar ma aan yeelan oo kalgacalkaasi mid aan la soo noolaaday ama dhadhamiyay ma aha.

Aabbahay Aw Yuusuf Ducaale Caynaan wuxu dhintay bishii Abriil 1964kii. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerka curad u ahaa wuxu ii sheegay in uu aabbo dhintay isaga oo 57 jir ah qiyaastii. Halkaa marka aan ka dhaqaaqo aabbahay wuxu dhashay sannadkii 1907kii. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor waxay ku dhimatay Gebilay bishii Noofambar 1999kii. Labadayda waalidba Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo e’, hooyaday waxay iyaduna ii sheegtay in ay Axmed Yuusuf Ducaale ku curatay iyada oo 20 jir ah. Axmed Yuusuf Ducaale wuxu dhashay 1935kii. Marka laga jaro 20kii sannadood ee ay hooyaday ka weyneyd, waxa halkaa ka soo baxaysa in hooyaday dhalatay 1915kii. Axmed Yuusuf Ducaale oo aan e-mail ku weydiiyay sannadkii ay hooyaday dhalatay wuxu ii soo qoray in ay 1999kii dhimatay iyada oo ilaa 84 jir ah.

Taariikhahan aan idiin soo taxay waxaan ka tuujin karaa in qoyskayaga reer Aw Yuusuf Ducaale Caynaan dhidibkiisa la taagay waqti ku beegnaa 1933kii.

[1] Aabbahay sawirkan waxa lagaga qaaday taswiirlihii Cali Qowdhan ee ku oolli jiray galbeedka fooqa Bis. Wuxu ahaa taswiirlihii ugu horreeyay ee Hargeysa laga furo. Sawirkan waxa la qaaday 1962kii sida aan u ma;aynayo, waan la socday aabbahay galabtaas..

[2]

[3] Gaantay waa dhoobada iyo xarfada isku guntanta ee adkaata oo beeraha marka la qodayo laga guro,

[4] Dulle, waa suun dheer oo harag ama saan ah oo dibida lala dhaco marka beerta la qodayo, shaabuug oo kale,

[5] Hooyaday waxa sawirkan lagaga qaaday magaalada Muqdisho sannadkii 1967kii. Taswiirlahan waxa lahaan jiray nin Talyaaniya. Sawirkan waxa laga qaaday sannadkaas oo ay soo gudanaysa Xaajka.