Maansada Baroor-diiqda ah:

Hordhaca Diiwaanka Ilmadii Hal-abuurka
(Waa Qormo xiiso badan oo aan qoray Juulay, 2013kii oo aan idiin ka soo minguuriyay Diiwaanka la magac-baxay “Ilmadii Hal-abuurka” ee aan ku ururiyay maansooyinkii iyo maqaalladii loogu baroor-diiqay Macallin Gaarriye. Run ahaantii waa Hordhacii Buugga oo aan dib u yara nakhtiimay si aan ula wadaago intiinna aan fursadda u helin in ay Diiwaankaa daalacato.)

Boobe Yuusuf Ducaale,
cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, dharaaro.net
Hargeysa, 20/4/2018ka,

Waa Buug ama Diiwaan noociisu curad ku yahay nolosha iyo taariikhda bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna Somaliland. Waa markii inoogu horreysay taariikhdeenna iyo nolosheennaba ee aynu ururinno, tifaf-tirno isla markaana daabacno Buug baadi-soocdan gaarka leh.

Kow uma aha Diiwaan suugaan iyo maqaallo lagu soo ururiyay, bal se wuxu kow u yahay oo aan hortii la arag, Diiwaan lagu ururiyay maqaallo, maansooyin iyo wareysiyo baroor-diiq ah oo loo tiriyay loona curiyay suugaanyahan, murti-dhaadhi, halgamaa, af-aqoon, macallin iyo cilmi-baadhe ay ummaddii uu ka baxay ugu barooratay iyada oo muujinaysa kaalinta uu ku banneeyay.

Maansada Baroor-diiqda ah ee Soomaalidu waa maanso-dhaqameed soo-jireen ah oo malahayga intii Soomaali gabyaysayba suugaanta ka mid ahayd. Sida qaalibka ah ama laga dheehan karaba maansooyinka la hayo, waxa loo tirin jiray hal-doorka nin-karameedka ah ee kaalin ku banneeyay mujtamacii uu ka midka ahaa. Waa hadba hal-doorka tiisii dhammaatay. Ma ay reebbanayn in xilliyada ama mararka qaarkoodba maansoyahan ereyo damaq iyo xusuusba leh ku muuneeyo marwo uu u han weynaa oo mowdku kala qaaday.

Maansada baroor-diiqda ahi ma aha wax ku cusub dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed midnaba. Maansada baadi-soocdan wadataa waxay ka soo bilaabmaysaa xilliyo hore oo lagu simi karaba xilliyadii ay maansada Soomaaliyeed calan-sidayaasha ka ahaayeen raggii ay ka midka ahaayeen Raage Ugaas iyo. Maansooyinka baroor-diiqda ah ballaysinkoodii waxa lagu suntadaa, tix uu Raage Ugaas ugu baroor-diiqday xaaskiisii Barni oo uu libaax ka cunay. Haddii aynu godollo ka soo qaadanno, waa kii lahaa:

“Sida koorta Yucub oo la sudhay, korammo buubaal ah,
Ama beelo keynaan ah oo, kor u hayaamaaya,
Ama sidii shinni kaaluf galay, koronkorkoo oomi,
Kolola’aygii xalay ma ledin, kaammil reeruhuye,
Kub miyaan ka jabay bixiyaan, kabayo loo hayn e’,”

Haweenka qudhoodu kama ay madhnayn maansadan baroor-diiqda ah oo kaalin muuqata ayay ku lahaayeen in kasta oo uu aawan yahay janjeedh lab oo wax walba Ina rag u nisbaynayaa. Haddii aynu godollo ka soo qaadanno, nin baa dumar uu wada qabay u baroor=diiqeen. Midkood ayaa laga hayaa::

“Cirka ma ahayn oo,
Dhulka ma ahayn e’,
Saddexeeyahayow,”

Waxa kale oo la yidhi islaan la odhan jiray Roobo Waadhowr ayaa odeygeedii Hode Xirsi oo Beel-daajiye caan ah ahaa mudoo la dul fadhiyay isaga oo sakaraad ahaa. In badan ayaa loo duceeyay oo loo alla-baryay. Markii danbe ayay tiisii noqotay oo uu go’ay. Maalintaana Roobo Waadhowr oo odeygeedii u baroor-diiqaysay waxa laga hayaa:

“Allowda la hay,
Oodo la hor qabay,
Ooli waa Hode,”

Waxa kale oo jiray buraanbur baroor-diiq ah oo ay ninkeedii u tirisay gabadh la odhan jiray Tooxyar Cabdille Xasan oo ay walaalo ahaayeen Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Tooxyar waxa qabay Cabdi Maxamed Waal oo ka mid ahaa raggii Sayidku ku dilay dhacdadii dhagareed ee Gonde-gooye la baxday xyar buraanburkaa baroor-diiqda ahaa ee gaabnaa waxay ku tidhi:

“Billaawahaan daabka la hayaa, hadduu I dilay,
Dadkiina idlaaye aakhiro, hadduu u dego,
Haddii Cabdi la igu daro, darajadee ka roon.”

Tooxyar lafteedii ayaa loo dardaar-weriyay oo lagu yidhi waa lagu raacin, waa taa se ka badheedhay.

Maansooyinka kale ee siiyaalka ah (classic) ee ay dadka Soomaaliyeed ku suntadaan ama hal-beegga uga dhigtaan suugaanta baadi-soocdan baroor-diiqda leh, waxa ka mid ah oo ku dhawaatay in ay hal-haysba noqoto tixdii Cali Jaamac Haabiil uu ugu baroortay markii uu geeriyooday Xirsi Goonle oo aynu ka soo qaadan karayno:

“Faaraxow galgaladkaan dhigiyo, gama’ la’aantayda,
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay,
Gasiinkii la ii dhigay waxaan, gawska uga daayay,
Dar guryii ka yimi baa war baas, iila soo galaye,
Geeridii Xirsay sheegayeen, gacal ha waayeene,
Goblamooyin waxay ii wadeen, guul-darriyo hooge,
Gabbal baa u dumay reerihii, geliga Booc yiille,
Abidkii rag waa go’i jiree, tani se waa gaw’e,
Lix hal oo u wada gaar ahaa, gocanayaa mooyi,”

Maansada baroor-diiqda ahi kuma ay koobnayn oo keliya dadka saamaynta ku lahaa nolosha Soomaaliyeed, bal se mararka qaarkood ayay gararka goosan jirtay oo ay bad iyo berriba ka tallaabi jirtay. Suugaanyahanka Soomaaliyeed waxay maansooyin iyo heeso baroor-diiq ah ka tiriyeen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid qaar ka mid ah halgamayaasha Qaaradda Afrika. Waxaynu tusaale nool u soo qaadaynaynaa geesigii lagu goblamay ee Patrice Lamumba ee dalka Koongo oo 1961kii ay gumeystayaashii inta ay dileen oo hilibkiisii qurbeen ‘asidhna’ ku shubeen si aan raadba ugu hadhin oo uu u wada gubto. Dhacdadaa murugada leh kama ay aammusin suugaanyahanka Soomaaliyeed, waxaanay ka tiriyeen maansooyin iyo heesaba.

Waxaynu ka soo qaadan karaynaa heestii Cabdillaahi Qarshe ee ‘Lamumba ma noola’ oo uu ku luuqeeyay, miyuusigna lagu tumay, waxaana ka mid ahaa ereyadii:

“Lamumba ma noola mana dhiman,
Muuqiisoo la waayo mooyaan e’,
In uu maqan yahay ha moodina,”

Waxa kale oo aynu dhacdadan murugada leh tusaale uga soo qaadan karaynaa, tixdii taariikhiga ahayd ee uu Cabdillaahi Suldaan, Timacadde geesigaa Afrika ugu baroor-diiqay, waana kii lahaa:

“Qarammadan gadaal-kacay Qarbigu, waa geddiyayaaye,
Gobannimada lama doonayaan, gadasho mooyaane,
Wiilkii garaad lagu tuhmaba, way ka gurayaane,
Gardarriyo is-yeel-yeel horaa, Gaandhi loo dilaye,
Kamaaludiinba qaar baw gabbaday, qaatay giniyaade,
Xarbigii guntaday bay qunbulo, haad u geliyeene,
Geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurube,
Geerida Lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye,”

2dii bishii Jeeniweri, 1961kii waxa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay Barkhad-cas. Maalintaana Cabdillaahi Qarshe ayaa markii ugu horreysay taariikhda fanka Soomaaliyeed hees baroor-diiq ah ka dul tumay qabrigii lagu aasayay suugaanyahankaa waddaniga ahaa. Heestaas oo caan-baxday hal-haysna u noqotay munaasabadaha muragada leh ee baroor-diiqaha oo inta badan Idaacadaha Soomaaliyeed ay astaanb uga dhigteen, waxa halkudheg u ahaa:

“Waa ayaanba ayaan,
Duni aakhir samaan,
Nin aroos gelayaa,
Ninna aas tegeyaa,”

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee taariikhda ummadda Soomaaliyed xabaal dusheed miyuusig iyo hees baroor-diiq ah laga tiriyo.

6/2/1973kii ayuu Cabdilaahillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde ku geeriyooday magaalada Kalabaydh, gelinkii dambe. Subaxnimadii ayaa meydkiisii loo soo qaaday magaalada Gebilay oo lagu aasay. Geeridaa naxdinta lahayd waxa laga tiriyay suugaan door ah oo tix iyo tiraabba lahayd. Bal hadda aynu marba godol ka soo qaadanno tixahaa iyo tiraabtaas baroor-diiqda ahayd.

Maxamed Xaashi Dhamac oo Gaarriye ku magac-dheeraa wuxu geeridaa Timacadde ka tiriyay maansada la yidhaahdo ‘Damaq iyo Xusuus’. Innaga oo aan halkan iyada oo dhan ku soo qaadanay, wuxu maalintaas yidhi:

“Codkiisii xarraankiyo,
Ka madhnaa xabeebtee,
Xuli jiray wadnaayee,
Xadhkihiisa mudanka ah,
Xadantayn ogaayee,
Wixii xay ah daayo,
Xawaallada gilgili jiray,
Xarka sawdkii tiri jiray,
Geelana xasilin jiray,
Xakab jabay hadduu yahay,
Xaaddaydii yaa kicin?

Geeriyeey xishoodlaay,
Xejiyaay fogeeyaay,
Xaasha e’ af-tahannimo,
Haddii uu xabaal galay,
Xeel-dheereheedii,
Haddii xawda laga jaray,
Abwaankii xiddigin jiray,
Murtidii xag loo dayo,
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higgaaddii,
Ayaa xarafkii hoos dhabi?
Faraski xiddaysnaa,
Xakamii ayaa sudhi?

Cali Ibraahin iidle ayaa isaguna geeridaa Timacadde ka curiyay gabay taariikhiya oo aynu ka soo qaadan karaynno:

“Ninkii sawdka aarkiyo lahaa, summadihiisiiba,
Abwaankii intuu saxo murtida, shicibka siinaayay,
Samirkiyo dulqaadkana ninkii, lagu sedee yeeshay,
Siyaasiyo dagaalkii ahaa, guusha sahankeeda,
Sebenkii la galay geesigii, simay sufuufteenna,
Siraadkii baxaayee mugdiga, subax ka yeelaayay,
Adoo seexday fiidkii hadduu, saaro gabaygiisa,
Sedrigiisa reenkii ka baxay, ururka saameeye,
Saqda dhexe ninkii aad hurdada, uga saqaafaysay,
Seeftii gumeysiga na dilay, seedda kala goysay,
Ee saacid kii yidhi Kufriga, si’na u seegaynin,
Ila siib kan oo keenna saar, saajicii bixiyay,
Socoy Ina Suldaan Timacaddii, noo sinnaan jiraye,”
.”
Bishii Diisambar 1980kii, waxa lagu aasay magaalada Muqdisho Xaaji Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo loo yaqaannay Muuse Galaal. Wuxu ahaa maansayahan, taariikhyahan, murti-dhaadhi, xiddigiye, cilmi-baadhe ah. Wuxu ka mid ahaa xeel-dheerayaashi u soo halgamay qoraalka farta Soomaaliyeed. Muuse Galaal wuxu ku dhintay madaarka magaalada Jidda isaga oo sakaraad ahaa oo lagu sii waday cisbitaal ku yaalla dalkaa Talyaaniga. Cali Sugulle Dun-carbeed ayaa maansadan baroor-diiqda ah ka tiriyay xabaashii lagu aasayay galabtaas, waxaana ka mid ahaa tuducyadii gabaygaas:

”Geeridu xaq weeyoo horaa, loo guddoonsadaye,
Geyigii Ilaahay hadduu, mowdku kugu gaaday,
Waa goobtuu Nebigii ku dilay, oo gunaanadan e’,
Gallad Eebbe mowdkaagiyuu, soo gadaal-celiyay,
Guriga hooyo aaskaagu waa, galabsigaagiiye,
Waa gaar ahaan iyo xusuus, muunad gooniyahe,
Waana guud ahaan iyo xus aan, abid gaboobayne,
Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,
Gocashiyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,
Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,”

Bishii Noofambar 1997kii ayaa Cabdillaahi Qarshe oo geeriyooday dalka Ingiriiska waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa. Wuxu ahaa sagootiskii malahayga ugu ballaadhnaa ee qof Soomaaliyeed loo sameeyo oo uu weliba ka soo qayb-galay Mudane Maxamed Xaaj Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii xilligaas ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Cabdillaahi Qarshe oo lagu qiimaynayay kaalintii la yaabka lahayd ee uu ka soo qaatay fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan miyuusigga iyo halgankii gobannimo-doonka ahaa, waxa loo tiriyay maansooyin door ah oo baroor-diiq ah oo aynu ka soo qaadanayno tusaalayaasha hoos ku taxan.
Hal-abuurkii, laxan-dhaadhigii maadeeyaha ahaa ee Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis), waxa laga guntay hees aynu ka soo qaadanayno tuducan hoos ku qoran:

“Hadda qof iyo dhowr iyo,
Qoys iyo kamuu tegin,
Qolo waxaad tidhaahdo e’,
Annagoo quruunuu,
Qormaduu fadhiyi jiray,
Qarshi nagu banneeyee,”

Cali Xasan Aadan oo loo yaqaanno Cali-Banfas oo ay Cabdillaahi Qarshe saaxiib iyo fan-wadaagba ahaayeen is-na baroor-diiqdiisa wuxu ku bilaabay:

“Fanku erey hadduu yahay,
Isir uu hiddaystoo,
Summad lagu arooriyo,
Aqal uu u hoydiyo,
Abtirsiimo loo qoro,
Carro-edeg abwaankii,
Udubkiisa taagee,
Adduunyada dhammaanteed,
Laga wada ogsoonaa,
Iilkiisa geerida,
Alle ha u siraadee,
Maanta aaska lagu noqoy,

“Waa ayaanba ayaan,
Nin aroosanayaa,
Ninna iil gelayaa,
Dhakhso looga idlaa,’”

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo ay Qarshe isku dheeraayeen suugaan-wadaagna ahaayeen ayaa is-na warku magaalada Jabuuti ku gaadhay. Isaga oo ka adkaysan kari waayay geerida naxdinta leh ee ku timid qodkii ugu wenaa ee fanka Soomaaliyeed, wuxu is-na halkaa ka soo dawiyay gabay baroor-diiq ah oo halkudheggiisu ahaa:

“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,
Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,
Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,
Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,
Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,
Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,
Saxarrada ayaa nooga guri, sawdka iyo luuqda,
Toloow yaa sarbeebtiyo midhii, siigo ka ilaalin,
So’da laga cabbaayuu ahaa, seben-abaareede,
Allahayow muxuu silic u maray, guusha sahankeeda,”

Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, isaguna tixdii uu maalintaa ugu baroor-diiqay cabdillaahi Qarshe waxaynu ka soo qaadanaynaa:

“Qacda yeedhay waa nabar,
Geed baa ku qolof dhacay,
Damal baa qarqoorsamay,
Jirrid ay ku qoran tahay,
Ma qallalo Gu’ iyo Deyr,
Ma qalloocdo abidkay,
Weligay ma Qaran-jabo,
Waayaha I qiimaa,
Qudha igama gooyaan,
Markay laani qaadhaba,
Mid kalaan qotomiyaa,
Nin quustaana ima geyo,”

Iyada oo aan la igu aqoon madasha suugaanta iyo curinteedaba, haddana waxaad ku dhex jirto debnahaaga iyo afkaaguba kama adkaystaane, aniguna intaa waxaan ku darsaday hees gaabnayd oo baroor-diiq ahayd oo dhowr beyd ka koobnayd oo beyd ka mid ahi ahaa:

“Muusigga cidaad iyo,
Culay kii u haystee,
Car-tirkana yiqiinow,
Caku weey! Qarshow,
Cabdillaahiyow!”

Ciise Warsame isaga oo London markaa joogay, heestan baroor-diiqda ah oo uu tiriyay codkana saaray ayuu isaga oo tumanaya kamankiisii ka qaaday BBC-da galabtaa Cabdillaahi Qarshe la aasayay:

“Haddaan nolosha aadmiga,
Ninna laga horreysiin,
Naxash laguma qaadeen,
Nasteexii Islaamkoo,
Nebigii Ilaahay,
Ka sameeyay nuurkaan,
Nabarka looga tudhi laa,
Dhibta looga nixi laa,
Naaraha Cadaabtiyo,
Nacaybkeeda aakhiro,
Allahayow ka nabad-geli,”

Xasan Xaaji Cabdillaahi oo loo yaqaan xasan-ganey isagan maalintaa waxa laga hayaa heesta cabdillaahi Waayeel oo qabriga dushiisa laga qaaday. Waa markii labaad ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed ay dhacdadan oo kale ku timid. Koox fannaaniin ah oo wiilal iyo gabdhaba leh ayaa heesa si tiiraanyo leh ugu qaadayay, waxaanay heestu tidhi:

“Wahdigii aqoontow,
Weligii samaantow,
Fanka Waalidkiisow,

Wacyi-gelinta Qarankiyo,
Weedhaha tilmaanta ah,
Wehel lagu yiqiinow,

Waddo lagu badheedhiyo,
Weji lagu xishoodaba,
Weyne kii u siiyow,
Qofna waari maayoo,
Wedna baajin maayee,
War baa adiga kaa hadhay,

Waxtarkaagii baa nool,
Wuxu waajib u lahaa,
Wanaag sii gutaad tahay,
Cabdillaahi Waayeel,
Adoo weyso qaba buu,
Kuu yimid Wafaatkuye,
Hadduu ruux wanaagsani,
Taariikhda weelka ah,
Waar dahab ah kaga yaal,
Adaa jira Waddaniyoo,
Waa tan adiga kuu qoran,

Kumanyaal wadaad baa,
Wardi kuu rogaayoo,
Wadartii dadkaaguna,
Waxay kugu waddacayaan,
Waddadii xaqa ahayd,

Qabrigu waasac kuu noqoy,
Nuur walac leh kuu noqoy,
Weydiin su’aalahaa,
Weji furan ku wada garo,
Weydaaran meyside,
Xuural-caynta wacan,
Weynahay ku geeyoo,
La wadaag Rasuulkii,”

Xasan Ganeyna intaa yidhi. Ilaahay ha ka abaal mariyo dhammaantood sida wanaagsan ee ay u sii gelbiyeen geesiga hoyday, Ilaahayna Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Aammiinta igu dara oo dhaha ha samaatoo ha la helo. Aamiin. Mahadna Eebbeha naxariista badan ayaa iska leh.

Axmed Yuusuf Ducaale oo dalkaa kanada deggan, magaalada Toronto ayaa isaguna Qasiido Carabiya ka tiriyay baroor-diiqdii cabdillaahi Qarshe, taas oo uu ku tilmaamayay kaalintii uu ka soo galay gobannimo-doonka iyo horumarinta miyuusigga Soomaaliyeed.
Maxaanu Diiwaankan ugu wan-qallay ‘Ilmadii Hal-abuurka’?
Maalmihii Gaarriye la aasay ayaan bilaabay ururinta maqaalladii iyo maansooyinkii loogu baroor-diiqay. Axmed Yuusuf Ducaale oo ay Gaarriye ahaan jireen: saaxiibbo, dhadhan-wadaag, fan iyo suugaan-wadaagba ah, ayaan uga sheekeeyay in aan damacsanahay in aan diiwaankaa isku dubbo-rido. Intaa markii aan u sheegay, ayaa wuxu iiga sheekeeyay nin dalkaa Masaarida u dhashay oo dal-dhibaan kacaanyahan ah ahaa oo la odhan jiray Sacad Saqluul Baashaa. Dalkaa Masaarida oo uu beryahaa Boqor ka ahaan jiray Boqor Fu’aad, ayuu Sacadna ka ahaa Ra’iisal wasaare intii u dhexaysay Jeeniweri 26dii, 1924kii ilaa Noofambar 1924, kaas oo noolaa 1859kii ilaa 23kii Ogos, 1927kii. Axmed Yuusuf Ducaale wuxu ii sheegay oo uu sheekada iigu daray in maalintii uu dhintay Sacad Saqluul Baashaa, gabayaagii carbeed waxay u tiriyeen maansooyin badan oo baroor-diiq ah, kuwaas oo uu ka mid ahaa Axmed Showqi (1868kii-1932kii), Xaafid Ibraahiim Bik (1872kii-1932kii) iyo qaar kaloo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’. Maansooyinkii markii ay bateen, ayaan Diiwaan lagu ururiyay, waxaana loo bixiyay “Dumuuc a(l) Shucaraa.”

Annaga oo halkaa ka dhaqaaqnay, ayaanu diiwaankan Gaarriye ugu wan-qallay “Ilmadii Hal-abuurka.”

Waxa mudan in hoosta laga xarriiqo in curintan iyo hal-abuurka qaybta ugu badani ka timid dhallinyaridii uu Gaarriye u ban-baxay hagiddooda iyo hawl-gelintooda. Maqaalladan, maansooyinkan iyo wareysiyadan ayaa si cad u muujinayaa kaalintii lama-illaawaanka ahayd ee uu Gaarriye kaga jiray hayaanka iyo digo-rogashada shacbiga Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Qof kasta oo dhinta cid baa u goblanta, Gaarriyena wuxu kow ka noqonayaa inta uu u goblamay afka Soomaaliyeed oo uu korintiisa, cilmi-baadhiisa iyo barbaarintiisa waqti badan geliyay.

Murtida Buuggan ku keydsani waxay ka imanaysaa saddex ilood oo kala ah:
Maqaallo la curiyay oo la qoray markii lagu war helay in Macallin Gaarriye dhintay,
Maansooyin curis ah oo la tiriyay markii la maqlay geeridii Macallin Gaarriye,
Wareysiyo aan badnayn oo aanu ka soo qaadannay intii aanu ka heli karaynay dadkii wax ka yidhi geeridii naxdinta lahayd ee Macallin Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye.
Ururintan iyo tifaf-tirkan si degdeg ah ayaanu ku sameeyaynay maalmo ka dib markii aanu ka soo darrernay aaskii Gaarriye. Waxaanu aad uga xun nahay in aanaan wada gaadhin dadkii Gaarriye wax ka yidhi in kasta oo aanu in badan u baaqnay oo aanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuullay.

Aaska Macallin Gaarriye, xukuumaddu waxay u saartay Guddi qabanqaabisa aas-qaran oo ka koobneyd wasiirro iyo muwaaddiniin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *