Milicsiga Dharaartii Dharaaraha 41Guurada curashadii SNM: (6/4//1981kii – 6/4/2021ka)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net

06/04/2022ka, Hargeysa.

 

 

“Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,

Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho,

Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye,

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,

Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,”

 

Gudgude, Hadraawi, 1990kii.

 

Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbigu tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday. Waa Dharaartii aynu ka hor geynay maalintii aynaan mahadin ee 21kii Oktoobar ee 1969kii. Dharaartani waa Dahraartii aynu ku ballaysinnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee aynu ku soo dhacsannay gobannimadeennii iyo madax-bannaanideenniiba. Dharaaruhu iskuma jiraane, waa 6dii Abriil. Weliba waa kow iyo afartan guuro

 

kow iyo afartan sannadood oo isugu jira: toban sannadood oo halgan hubeysnaa ahaa iyo kow iyo soddon sannadood oo ahaa: dibuheshiisiin, hub-dhigis, nabadayn, dibudhis iyo horumarba. Guure iyo galab-carrowba geeddiyaal badan ayaa la soo gooyay; welina fari kama qodna. Meel Ilaahay lagu mahadiyo waa aynu joognaa, in kasta oo ay wax badani inoo dhiman yihiin.

 

Waa Dharaar aan si fudud oo aan xus iyo xusuus lahayn inagu dhaafi karin. Waa Dharaar aynaan dhayalsan karin. Waxay ila noqotay in aanay Dharaartani si fudud igu dhaafin. Haddii aanay maanta dhisnayn Urur iyo Golayaal xuskeeda hidiyaa, waxa nool xubnihii xarakaddan ka tirsanaa, ku soo halgamay, hoggaaminteeda qayb ka ahaa amaba ku dhex dhashay oo ku soo dhex barbaaray. Waa Dharaar hiilkeeda iyo ma-huraankeeduba badan yihiin.

 

Bal hadda aan ku yar hakado Dharaartan iyo tagtadii SNM-ba. In badan ayaa ku doodda aniga/annaga ayaa SNM samaynay ama aasaasnayba. Marka sidaa loo hadlayo waa qof ama waa kooxba. Mar kale ayay dadkaa SNM aasaaskeeda sheeganayaa dibad iyo gudeba u kala baxaan. Marar kale ayaa aasaaska SNM ay isku qabsadaan magaalooyin. Marar kale qaarado ayaaba ku murma oo marna Afrika ayaa laga sheegtaa, mararna Khaliijka mararna Yurub oo ay London hormood u tahay.

 

Horaa loo yidhi: Maan rag waa mudacyo afkood. Qofba si haddii uu aasaaskii SNM ugu muuqday, anigana sidan ayay ila noqotay oo aan ka wadi waayay in aan SNM u sharxo:

 

“SNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii  Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiidii iyo ujeeddooyinkii Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay, halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. SNM waxa  laf-dhabar u ahaa oo intii ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba u badnaa dhallinyarada. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.”  

 

Bal hadda aan yar daymoonno sidii uu Hadraawi arrintan ugaga maansooday Tixdiisii mahadhada reebtay ee Daalalley. Wuxu yidhi:

 

“Nimaan diiftu saarreyn,

Dusha sare ka qolof dhicin,

Dubatadu ku shaacnayn,

Nimaan daawo-shiilleyn,

Ama degel ku sheelleyn,

Ama debed ku sheegnayn,

Daymadaydu suureyn,

Waxa loogu digayaa,

Dohdu Waamo ma ahee,

Dirir baa ka socotee,

Firdhisada iskaga durug,”

Shirweynihii aasaaskii SNM 6/4/1981, london

SNM waxa lagaga dhawaaqay magaalada London, 6/4/1981kii halkaas oo uu Shirweynihii ugu horreeyay ee SNM ku qabsoomay bishii Oktoobar ee sannadkaas. Taariikh yar dheeraan karta, si aan idiin ku soo kobo bal aan isku dayo in aan idiin shaxeeyo lixdii Shirweyne ee SNM soo maray:

No. Tirada Goobta Goorta Gudoomiyaha
1. Sh/weynihii aasaaskii SNM London 6/4/1981 Doorasho ma jirin
2. Sh/weynihii 1aad London 14/10/1981 ilaa 18/10/1981 Axmed Maxamed Guuleed(jimcaale)
3. Sh/weynihii 2aad Haadaamo 29/4/81–4/5/82  Sh. Yusuf Cali Sh. Madar
4. Sh/weynihii 3aad Harar 19/7/83 ilaa 24/7/83 Sh. Yusuf Cali Sh. Madar
5. Kal-fadhigii labaad ee G/dhexe Jigjiga 23/11/83 ilaa 29/11/83  Cabdiqadir Kosar cabdi
6. Sh/weynihii 4aad Jigjiga 3/8/84 ilaa 9/8/84 Axmed M.maxamuud Silanyo
7. Sh/weynihii 5aad Harar 28/2/87 ilaa 10/3/87 Axmed M.maxamuud Silanyo
8.  Sh/weynihii 6aad Balli Gubadle 31/3/90 ilaa 28/4/90 Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)

 

Inta aanan idin la fogaan wax aan sidaa u sii badnayn aan ka idhaahdo Shaxdan Shirweynayaasha:

Laga soo bilaabo 1981kii ilaa 1984kii kala-guurka Shirweynayaashu sannad ayuu ahaa ama Sannadkiiba mar ayaa la qaban jiray Shirweynaha. Arrintaasi waxay ka dhalatay sas laga qabay in qof xil hoggaamineed loo dhiibay kursigaba ka daaddegi waayo. Waxna kaga dara nidaamkii lala dagaallamayay ee taladu qofka iyo magaalada ku urursanayd;

Kal-fadhigii 3aad: ee G/Dhexe ee Nof 1983kii 

Bishii Juulay 1983kii ayuu Magaalada Harar ku qabsoomay Shirweynihii 3aad ee SNM, halkaas oo lagu doortay hoggaan ay u kala sarreeyeen: Sheekh Yuusuf oo Guddoomiye noqday, Xasan Aadan Wadadiid oo Guddoomiye-ku-xigeen ahaa iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo Xoghaye Guud loo doortay. Waa qaabkii ay SNM u dhisnayd beryahaa. Shirweynahaas oo lagu falanqeeyay Dastuurkii Ururka markii ugu horreysay ayaa lagu heshiin waayay. Ka dib Shirweynahaa waxa lagu gaadhay saddex Go’aan oo baadi-sooc gaar ah lahaa:

  • In Dastuurka SNM lagu falanqeeyo Go’aanna lagaga gaadho Kal-fadhiga Golaha Dhexe ee SNM ee Shirweynaha ka danbeeya,
  • In Xubnaha Golaha Dhexe Cod-badnaansho buuxa (Absolute majority) ku dalban karaan Kal-fadhi Gole Dhexe,
  • In Golaha Dhexe cod 2/3 ah ku beddeli karo hoggaanka Ururka, Guddida Fulintana cod hal-dheeri ah.

Sidaas ayaa Bishii Noofambar 1983kii Magaalada Jigjiga loogu qabtay kal-fadhigii 3aad ee Golaha Dhexe ee SNM. Wuxu ahaa Kal-fadhi taariikhiya marka la eego marxaladihii kala geddisnaa ee Ururka SNM soo maray. Kal-fadhigaa waxyaabaha lagu gaadhay waxa ka mid ahaa:

  1. Oggolaanshihii Dastuurka SNM,
  2. Oggolaanshihii Barnaamajka Siyaasiga ah ee SNM,
  3. Bedddelaaddii hoggaankii Ururka iyada oo halkaa lagu doortay:
    • Cabdil-qaadir Koosaar Cabdi: Guddoomiye,
    • Aadan Sheekh Maxamed (Shiine): Guddoomiye-ku-xigeen,
    • Maxamed Kaahin Axmed: Xoghayaha Guud,

Waxa xusuus gaar ah iyo xalladba lahayd duruufihii uu ku qabsoomay Kal-fadhigaasi, sidii uu u socday, sidii go’aammada loo gaadhay iyo dareennadii ka dhashay gude iyo dibadba. Waa sheeko sidii ay iigu muuqatay aan soo tebin doono haddii Eebbe inagu simo. Waxaan jecelahay in aan hoosta ka xarriiqo in aanu isku daynay in aanu berigaa dhismihii iyo qaabkii hoggaaminta wax ka beddello, bal se aanay si togan u shaqayn. Hoggaankaa saddexanka ah ee kor ku xusan ayaanu ku darnay laba xubnood oo kale, shantaas oo aanu ku magacawnay Guddida Hoggaaminta, bal se ma ay shaqayn:

  • Mar Dastuuri ma ay ahayn oo gedaan sharciyeed ma ay lahayn,
  • Mar labaadkana ma ay noqon wax si fudud loogu hawl-galo,
  • Labada xubnood ee aanu saddexda sare ku darnay waxa ay ahaayeen: Xasan Ciise Jaamac iyo nin la odhan jiray Cabdi-salaan Gorgor oo reer koonfureed ahaa.

Shirweynihii 4aad ee SNM oo 3dii bishii Ogos, 1984kii ka furmay Magaalada Jigjiga, waxa lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo laba sannadood. Si kale haddii aan u idhaahdo waxa la go’aamiyay in labadii sannadoodba mar la qabto Shirweynayaasha Ururka. Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay Magaalada Harar Feeberweri 1987kii ayaa mar kale lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo saddex sannadood, sidaas ayuu Shirweynihii 6aad ee SNM ku qabsoomayaa 31/3/1990kii. Waayihii Jabhadnimo ee aanu ku noolayn ayaa na barayay in muddada hadba la dheereeyo iyo in aan lagu deg-degin beddelaadda madaxda. Intaa aan kaga baxo tilmaamihii koobnaa ee aan ka bixinayay Shaxda Shirweynayaashii SNM.

 

Ku-sinnaan Bishii Feeberweri, 1982kii, xilligaas oo Dhagax-tuurkii Ardaydu ka dhacay magaalooyinka ugu waaweyn ee Gobolladii: Woqooyi-Galbeed, Tog-dheer iyo Sanaag, lana xukumay Barbaartii UFO, ayay saraakiishii ugu horreysay iyo Guutadii 4aad ee gaaskii axmed gurey ee jabhadii soomaali galbeed  u tallaabeen Itoobiya. In yar ka dibna Hoggaankii SNM oo dibadaha ku sugnaa gaar ahaan Khaliijka iyo London ayaa isna Addis-Ababa yimid. Si rasmiya ayay hawlihii Ururku halkaas uga bilaabmeen. Addis-Ababa oo SNM ugu suntanayd Saldhigga Guul-alle ayaa laga bilaabay hoggaamintii hawsha Ururka iyada oo in yar ka dibna hawsha baaxaddeedii loo soo wareejiyay Saldhigyadii Aroori ee Jigjiga iyo Raamaale ee Diri-dhabe.

 

Dagaal ballaadhan oo dhinacyo badan lagaga qaaday Nidaamkii Siyaad Barre ayaa bilaabmay. Dagaal yar ma ahayn ee dagaal ballaadhan  oo wejiyo badan leh ayuu ahaa. Dagaal shacbiya, hubeysan oo siyaasiya ayuu ahaa oo ummad gadoodday ku soo dhacsanaysay madax-bannaanideedii iyo xuquuqdeedii laga duudsiyay. Iyada oo Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM Durya ahaa, kaas oo la furay 8dii Feeberweri 1982kii, haddana Ururku isaga oo sii ballaadhinayay saldhigyadiisa maalinba maalinta ka danbeysa, Bishii Ogos 1982kii, waxa la furay saldhigyadii Raaca 2aad ee kala ahaa: Dibiile (Xarshin), Laan-qayrta, Awaare iyo Gaashaammo. Waxaan aad u xusuustaa maalintii noogu horreysay ee aanu Saldhigyadaa cusub u ambo-baxaynay. Duleedka Jigjiga, meel Bariga ka xigtay Xerada Garab-case ayaanu subaxnimo isku urursannay. Ciidan Itoobiyaan ah oo waddada sii miino-baadhay ayaa na sii kaxeeyay ilaa Qabri-bayax. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii raacay oo iyaguna ka hor jidka sii miino-baadhay. Harta-sheekha ayay na gaadhsiiyeen. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii kaxeeyay oo na geeyay Xarshin waqti ay saacaddu ku beegnayd 9.00kii habeennimo. Garo’ oo waxaanu Jigjiga ka soo baxnay waqti ku beegnaa 9.00kii subaxnimo ilaa 10.00nadii. Beryihii danbe inta aanu Diri-dhabe ama Harar ka soo qedayno ayaanu ilaa Baali-dhaye ku hoyan jirnay. Waa beryihii danbe ee aanu meel walba jabsannay. Waxaanan illoobayn soo-dhaweyntii diirranayd ee odey Dhego-caleen la odhan jiray oo reer Xarshimeed ahaa.

 

Beryahaa wax gaadiid ah waxaanu lahayn Baabuur yar oo Land-rover ah iyo Iska-roga Caseyd oo uu lahaa nin la odhan jiray Maxamed Faarax Rooble (Guraaye). Land-roverka waxa la soo tallaabay korneyl muj. Aadan Saleebaan cali, waxaana dirawal ka ahaa Cabdilqaadir-Wershed. Waxa kale oo jiray Baabuur yaraa oo Toyota ah oo uu la soo tallaabay Ciise Curaagte, bal se inta badan wuu jabnaa. Beryihii danbe waxaanu mari jirnay Jidka Qaaxo oo markii ugu horreysay uu maray nin Nirig la odhan jiray oo ku jaadlayn jiray baabuur Toyota ah oo buluuki ahaa. Baabuurkaa raqdiisii beryihii danbe waxay olli jirtay magaalada Rabaso.

 

Aniga oo aan maanta u ambo-bixin in aan si tifaf-tiran idiin ka sheekeeyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, aniga oo u holladay oo keliya in aan maalintan sharfan ee 41 guurada aasaaskii SNM xus iyo maamuusba inta aan hidin karo muuneeyo, bal hadda aan isku dayo in aan idiin qodobbeeyo marxaladihii kala geddisnaa ee uu halgankani soo maray aniga oo qaybtan ka soo xiganaya Barnaamajka Siyaasigee SNM.

 

“Denbiyadii laxaadka lahaa ee uu Nidaamkii Siyaad Barre u geystay shacbiga Soomaaliyeed ayaa dhaliyay Dahqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed (SNM) iyo halgankii hubeysnaa ee uu ku jiray oo soo maray marxalado dhowr ah:

  1. Marxaladdii guuxa, cabashada iyo ka-damqashada xukunkii Faashiga ahaa oo ahayd: 1969kii – 1980kii;
  2. Marxaladdii abaabulka dadweynaha iyo aasaasiddii Ururka oo ahayd 1980kii – 1981kii;
  3. Marxaladdii la gudo-galay halganka hubeysan, lana sii xoojiyay abaabulka iyo kicinta dadweynaha;
  4. Marxaladdii aad loo hirgeliyay qaabka dagaal ee dhuumaaleysiga (Guerilla warfare), kacdoonnaduna ay karaar qaateen sida Dhagax-tuurkii iyo Muddaaharaadyadii; 

Aniga oo aan halkan ku soo wada koobi karayn hawl-gallaadii taariikhiga ahaa ee ay Ciidammadii SNM ku jebiyeen kuna burburiyeen laxaadkii iyo cududdii ciidan ee Nidaamkii Siyaad Barre, waxaan jeclahay in aan hoosta ka xarriiqo:

  • Jebintii Xabsiga Dhexe ee Mandheera (Hawl galkii badbaado),
  • Hawl-galkii Bad-jeex ee lagu galay Miiskii Saraakiisha ee Hargeysa,
  • Dilkii Taliyihii Naba-sugidda ee Diisambar 1986kii,
  • Gudo-galkii 1984 ee saddexda jiidood ee Bari, Dhexe iyo Galbeedba laga galay,
  • Dagaalladii SNM ku qabsatay Xeebaha bari iyo kuwa Galbeedba,
  • Iyo qaar kaloo badan…..iyo qaar kaloo badan,

Hawl-galladaa ciidan waxa bar-bar socday oo kaabayay kuna ladhnaa, hawl-gallo siyaasadeed, warfaafineed iyo qaar ijtimaciyaba. 1982kii waxa magaalada London ka soo bixi jiray Jariidad Biloodle ah oo afka Ingiriisiga lagu qori jiray oo la odhan jiray “Somalia Un-censored”.Waxa kale oo isla xilliyadaa London ka soo bixi jirtay Jariidad kal-soo-bax (periodical) ahayd oo afka carabiga ku soo bixi jirtay oo la odhan jiray: “Al-Soomaal-Al-Jadiid”. “Somalia Un-censored” markii ay joogsatay, dhowr iyo siddeetannadii waxa kale oo London ka soo bixi jirtay “Liberty” oo Biloodle afka Ingiriisiga ku soo baxda ahayd. Saldhigii Guulallee ee Addis-Ababa 1983kii waxa is-na ka soo bixi jirtay Jariidad Toddobaadle ah oo af-Carabiya oo la odhan jiray “Al-Mujaahid”. Waa beryaha uu samaysmayo ama hano-qaadayo magaca can-baxay ee “Mujaahid”. Qormo danbe oo aan kaga hadli doono Cududdii Hubeysneyd ee SNM oo aan xus iyo xusuusba uga dhigayo Mujaahidiinta naftooda hurtay, ayaan si faah-faahsan mowduucaa ugu qaadaa-dhigi doonaa, haddii Eebbe idmo. Laantii SNM ee Woqooyiga Maraykanka iyo Kanada, waxa iyadana laga soo saari jiray kal-soo-bax saddex-biloodle ah oo la odhan jiray “Somali Horizon” oo afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray. Xaruntii SNM ee Baligubedlenah waxa ka soo bixi jiray “Dhanbaal” oo Biloodle ahayd, laguna qori jiray af-Soomaali.

 

Idinka oo ii dul-qaadan doona haddii aan ku yar hakado dhufayskan Warfaafiinta iyo Wacyi-gelinta oo ahaa dhufayskii aan waqti-halgameedkaygii intiisii badnayd ku qaatay, aniga oo aan dhufaysyada kalena ka madhnayn. Warfaafin ahaan dhuuntii ugu weyneyd ee aanu adeegsannay waxay ahayd Idaacaddii. Bishii Oktoobar 1982kii SNM iyo SSDF Heshiis ay wada galeen ayaa waxa ka abuurmay Codkii Jabhadaha dib u xoreynta oo loogu wan-qalay Radio Halgan kaas oo lagu beddelay Radio Kulmis oo SSDF-tu lahaan jirtay.

 

Bishii Abriil 1988kii markii ay Heshiiska wada galeen Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariyam ayaa la xidhay Radio Halgan oo Addis-Ababa ku yaallay. Qodobbadii Heshiiskaa aanay labadii odey mahadin ayaa waxa ku jiray in dacaayadda la kala joojisto. Maalin taariikhiya ayay ahayd maalintii la xidhay Radio Halgan. Bil ammaara waxa la xidhay 6/4/1988kii oo ku beegnayd sannad-guuradii 7aad ee SNM. Xuskaa maalintaa amran waxaanu ugu talo-gallay oo maalmahaa la duubay Heeso ay qaadayeen koox la odhan jiray Colka Maxamed Mooge oo aanu maalmahaa abaabulnay. Waxa ka mid ahaa: Axmed Maxamed Good (Shinbir), Cumar Xasan (Rooraaye), Xasan Arami iyo qaar kaleba

 

Feeberweri, 1989kii ayaanu Xaruntii Ururka SNM u rarnay Balli-gubadle oo uu ku qabsoomay Kal-fadhigii 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM. 5/5/1989kii ayaa mar kale la furay cod ku hadla magaca SNM kaas oo loogu wan-qalay Radio SNM oo ka hadli jiray Xaruntii Dhexe ee SNM. Radio SNM tan iyo maalintaa ilaa dibuxoreyntii dalka maalin keliya kama bixin hawada, marka laga reebo 12/4/1990kii oo ay Mujaahidiintii Idaacadda ka hawl-gelaysay muddaaharaad dhigtay mooyaane. Radio SNM wuxu ahaa mid wareega, Balli-gubadlena ilaa saddex xarumood ayuu ku lahaa oo hadba mid  ayaanu u wareegi jirnay.  

(Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadlaya Radyowgii wareegi jiray ee SNM. Sawirkan waxa qaaday Hamish Wilson)

 

Aniga oo aan qormadan kooban ku soo wada qaadan karayn qaybihii badnaa iyo wejiyadii kala duwaanaa ee uu lahaa halgankii hubeysnaa ee dibixoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, waxaan jeclahay in aan ku yar nasto oo cabbaar ku hakado kaalintii qiimaha lahayd ee ay haweenku ka qaateen halgankii dibuxoreynta Qaran. Waxaan door-bidayaa in aan idiin qodobeeyo aniga oo ku kalsoon kuna rajo-weyn in aan waqtiyo kale fursad aan kaga bogto u heli doono haddii Eebbe idmo:

  1. Haweenku doorkooda ayay ka qaateen halgankii hubeysnaa iyaga oo si toos ah u galay dagaalkii, ku dhaawcmay, ku shahiiday mararka qaarkoodna dhawaaca daaweyn iyo baanba dhex ordayay,
  2. Haweenku kama ay fogayn goobaha dagaalka iyaga oo ciidanka la daba-taagnaa jal, qulaamin iyo baanba,
  3. Haweenku iyaga ayaa gacanta ku hayay dhaawaca iyo bukaanka Mujaahidiintaba. Baan, daryeel iyo waqaqo wixii karaankooda ahaa waxba kama ay hagran,
  4. Haweenku af iyo addinba waa ay ka qayb qaateen halgankii hubeysnaa, iyada oo aan la soo koobi karayn suugaanta ay kaga qayb-galeen halgankii hubeysnaa,
  5. Haweenku waxay cid walba kaga tageen iyaga oo raggoodii, ubadkoodii iyo intii ay jeclaayeenba ku waayay halgankii hubeysnaa, xanuunkaas oo aanay cidina la qaybsan,
  6. Malahayga taakuleyntii ugu badnayd waxa SNM u soo guray haweenka,

Marka aan xusuusto kaalintii ay haweenku ka soo qaateen halgankii hubeysnaaba, laba arrimood ayaa igu soo dhaca: 

  1. Mujaahid Xagar-boodhle oo halhays u lahaa: “Khasaaraha ummad ahaan inoo soo gaadhay ma lagu daray dumarka tebiyay iyo dhibaatada gaadhay,”
  2. Tuduc uu Cabdi-qays lahaa oo is-na ahaa oo tixdiisii Geeddi-Baabuu ku jirtay oo ahayd: “Intii gaban la dhali laa,Gu’giisii ka baaqsaday,”

 

Waxaanay cidina moogayn kaalinta xurmada iyo xusuustaba lahayd ee ay haweenku ka soo qaateen hawlihii: Dibuheshiisiintii, Hub-dhigistii, Dibudejintii, Dibudhiskii, Nabadayntii,Horumarkii iyo geedi socodkii dimuqraadiyadeed. Waxaanu muran ka taagnayn in ay maanta haweenku yihiin isha nololeed ee qoysaska Somaliland gude iyo dibadba. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

 

Aniga oo aan halkan ku soo wada koobi karayn halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran bal se sidii hillaaca hadba meel bilig ka odhanaya si aan hadba meel iftiinka ugu daaro, bal aan in yar ku noqdo in aan wax aan badnayn ka idhaahdo baadi-soocdii SNM.

 

SNM waxay ahayd jabhad ballaadhan oo ay ku bahoobeen dad kala duwan oo lahaa aragtiyo siyaasadeed oo aan aad u qodnayn, kuwaas oo ku mideysnaa Barnaamaj Siyaasiya oo Urur. Waa wax dabiiciya oo dunidaba ka dhaca in ay mararka qaarkood iska hor yimaaddaan ama fikirkaba isku diidaan dad urur ku wada jiraa. Iska-hor-imaadkaasi mararka qaarkood dood iyo hadalba wuu noqdaa; mararka qaarkoodna dagaal hubeysanba wuu noqdaa. SNM waa Ururkii Soomaaliyeed ee ugu cimriga dheeraa Jabhadihii Xoreynta Soomaaliyeed, taana wuxu ku gaadhay dimuqraadiyaddii uu ku soo dhex barbaaray ee ururnimo iyo daabicii shacbiyeed ee uu Ururku lahaa.

 

Intii aanu halgankii hubeysnaa ku jirnay muranka iyo doodda-toosineed ee dhisme-u-jeedka ahi dhaqan ayay noo ahaayeen. Shirweynayaasha iyo Kal-fadhiyada Golaha Dhexeba waa lagu doodi jiray annaga oo mideysanna waanu ka soo bixi jirnay. Murankayaga iyo dooddayadu marna nagama saari jirin xeyndaabka urur ee aanu ku wada jirnay. Laba-codlayn iyo kala-hadal nalaguma baran, sidii dhaqanka u ahayd ama ilaa maantaba u ah ururrada kale ee Soomaaliyeed.

 

SNM waxay ahayd Jabhad ballaadhan. Waxa laga yaabaa in aanay dadka intiisa badani kala saari karin ama ay iskaga qaldamaanba Jabhadda iyo Xisbigu. Aniga oo aan ku fogaanayn Xisbigu wuu ka kooban yahay ama urursan yahayba Jabhadda oo waa Urur kulmiya in iskaga fikir iyo aragtiba dhow dadka Jabhad ku wada jira ama ay Jabhadi mideyso. Si kale haddii aan idiin ku dhigo Jabhaddu waa Dalladda oo kale oo waxa ku midoobi kara Ururro badan. Jabhadnimadii SNM kuma ay mideysneyn Ururro kala duwan ama kala fikir ahaa, bal se waxa ku mideysnaa oo ku wada jiray dad faro badan oo kala aragtiyo ahaa ama kala fakir ahaa bal se ku mideysnaa in la rido nidaamkii Siyaad Barre ka dibna dalka lagu xukumo nidaam dimuqraadiya

Xubinnimada SNM ama sida Ururka looga mid noqdaa wax adag oo murugsan ma ay ahayn, bal se mid furan oo fudud ayay ahayd; taas oo dhibteeda iyo dheefteedaba ku lahayd Ururka. Qof SNM ka tirsanaa ama aad ugu dhawaaba wuu milicsan karayay hirarka siyaasadeed ee aan tooxda iyo qotonka midna lahayn ee SNM ka dhex jiray. Saddex hirba SNM waa ay ka dhex muuqdeen sannadihii ay dhalatay, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Qubane Ururka muggiisa iyo baaxaddiisa ahaa oo aan yeelan ama lahaynba midab siyaasadeed oo ka baxsan xoreynta dalka;
  2. Hir siyaasadeed oo Diiniya oo aan ballaadhnayn, hoggaankiisuna u badnaa xubnihii dibadda ka yimid, gaar ahaan Khaliijka oo isla markaana hoggaanka SNM hayay ilaa Noofambar 1983kii;
  3. Hir siyaasadeed oo janjeedh taqaddumiya ama fikir siyaasadeed oo dimuqraadiya lahaa oo aan qudhiisu ballaadhnayn, xubnihiisuna u badnaayeen intii dalka gudihiisa ka timid;

Labada rabac ee danbe oo ahaa kuwa tiro ahaan Ururka ugu yaraa, waxay saamayn weyn ku lahaayeen hay’adaha hoggaaminta ee SNM sida Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Saraalkiisha Ciidammada. Haddii laga tegi waayo mararka qaarkood ayay labadan kooxood saamayn ku yeelan jireen saldhigyada qaarkood. Kooxda hore waxa loo yaqaannay “Wadaaddada”, halka Kooxda labaad looga yaqaannay “Calan-casta”. Labadan kooxood midkoodna magaca lama ay bixine waa loo bixiyay. Labada magac mid walba sida loo qeexaa waa ay adkayd. Qof waliba qofka uu doono ayuu meesha uu doono la mari jiray. Waxa se hubaal ah in ay jireen dad xuddun u ahaa labada kooxoodba oo loo nisbayn jiray hoggaamintoodu. Magacii Wadaaddadu waxaad mooddaa in uu hadhay markii Hoggaankii Ururka SNM lagu beddelay Kal-fadhigii Golaha Dhexe ee Jigjiga ku qabsoomay Noofambar 1983kii.

Geesta kale marka aad ka joogsato labada Kooxoodba waxay u badnaayeen shacbi (civil) in kasta oo ay ka dhex muuqdeen xubno kooban oo saraakiisha ciidammada ka tirsanaa. Beryihii danbe ayay saraakiishu ku soo badanaysaa kooxdii loo yaqaannay “Calan casta”. Xilli danbe ayay samaysmayaan labada Kooxood ee xilliyadii danbe halhayska noqday ee “Khaakhda” iyo “Shiishtu”. Badiba intii “Calan casta” loo yaqaannay ayaa magaca “Khaakhda” la siinayaa, halka kooxda kale oo aanay isku dan iyo ujeeddo ahayn looga bixinayo “Shiish”. Halka magacyadii hore laga yaabo in bixintooda ay dadweynuhu ka qayb galeen, labadan magac ee danbe bixintooda inta badan waxa loo tiriyaa in ay ka danbeeyeen labadan kooxood. In kasta oo ay labadan kooxood iska lahaayeen xag-jirayaashooda, haddana waxa aan meesha ka madhnayn in ay jireen qaar khadka cagaaran hadba halka dantoodu ka muuqato u tallaabaa. Hadba kooxda aan talada dalka hayn ama aan dawladda ka tirsanayn ayaa SNM ah, kuwa kalena waa mucaarid. Marka ay kooxi dawladda gasho ayay tidhaahdaa: “SNM waxay dhashay dawlad”. Marka ay kooxdaasi dawladda ka baxdana waxay ku dhawaaqdaa: “Xuquuqdii agoonta, naafada iyo Mujaahidiinta xaggee la dhigay?” Xaalka ayaa mararka qaarkood caynkaas iska ahaa.

 

SNM waayo-aragnimadeedii hodanka ahayd cidina kama faa’iidaysan. Kuwii dhiig iyo dheecaanba u huray ayaan waxba ku taransan. SNM waa ay isu rogi karaysay Xisbi ama Xisbiyoba. Waayo-aragnimo badan ayaa ku duugnayd. Jaamicad ayay ahayd, waxa se ayaan-darro ah in aan loogu iman kuwii ka tirsanaa ee waqti iyo nololba u soo huray. Ifafaalahani wuxu ahaa mid beri horeba dadka qaarkii u muuqday oo ay sii arkeen. Waxaan weedhan u daliishanayaa Tuduc uu lahaa Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo ku jiray Maansadiisii Jiitama ee 1984kii, kaas oo ahaa: 

“Dhudhun kaa hor jeedaa,

Ku dhirbaaxi maayee,

Dhumucdaadu hooy hooy,

Dhumacdaadu waar hooy,

Dhumucdaadu yeey hooy,

Dharab-roorka kugu jebin,

Inantaada Dhego-culus,

Dhiidhiibso kula tali,

Dhidar-fule Gashaantida,

Boqorkiyo dhaclaa xidhan,

Yaanu kaaga dheereyn,”

1984kii ayay midhahaasi curanayaan. Bal ka warrama. Waxa kale oo Maansadii Gudgude ee 1990kii ku jiray beyd odhanayay:

“Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaanin,”

Marka laga hadlayo qaababka ay u shaqeeyaan Jabhadaha, Xisbiyadaba ama Ururrada Siyaasiga ahiba, dhammaan qorshayaasha hawleed iyo barnaamajyada la fulinayaa waxay si cad ugu qeexan yihiin Barnaamajyada Siyaasadeed (Political Programs). Qaababka loo fulinayaana waxay ku qeexan yihiin Dastuurka Ururka. Wixii intaa soo raaca ee tusmo iyo tilmaanba laga dhigtaa waa Go’aammada Shirweynayaasha iyo Kal-fadhiyada Golaha Dhexe marka laga tago Go’aammada Guddiyada Fulinta oo iyagu saamayntooda ku leh socodsiinta hawl-maalmeedka Ururka.

 

Go’aammada Golaha Dhexe inta badan waxay tilmaamo ka bixiyaan hadba marxaladda la marayo. Shirweynuhu wuxu ka xisaabtamaa Go’aannana ka qaataa muddadii kala-guurka Shirweynayaasha hawlihii la soo qabtay, Kal-fadhiga Golaha Dhexena waxay ka xisaabtamaan laba Kal-fadhi dhexdooda wixii la qabtay ama sidii loo hawl-galay. Sidaa darteed Guddida Fulinta oo u xil-saaran socodsiinta hawl-maalmeedka Ururku waa in ay ku shaqaysaa oo ay ku hawl-gashaa: Barnaamajka siyaasiga ah, Go’aammadii Shirweynayaasha iyo Go’aammada kal-fadhiyada Golaha Dhexe. Waxay ahayd wax SNM ku adkaa oo aanay dhaqan u lahayn in kasta oo shirarkaasi heer ay ahaayeenba dhici jireen. SNM oo keliya ma aha ama ma ahayne xataa waa mid maanta ka muuqata xisbiyadeenna Siyaasadeed. Marka aan si mowduuciya u qiimeeyo qaabka ay Xisbiyada maanta inoo jiraa u shaqeeyaan, been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo SNM ayaa dhaantay heerka ay doontaba ha taagnaatee. Miyaanay taasi ayaan-darro iyo dibudhacba ahayn.

 

In badan ayaa ku doodda in ay SNM dalka iska soo gashay iyada oo aanay waxba u oollin ama u qornaynba. Dadka sidaa ku doodaa waa saddex qaybood:

  1. Dad ay daacad iyo niyad-samaan ka tahay oo aan arag ama ka war-qabinba wax SNM u yaallay ama u qornaaba;
  2. Dad og ama garan kara in SNM wax u qornaayeen oo si ay SNM iin ugu yeelaan ama u qiimo-tiraan ugu andacooda ama meelahaa kaga sheekeeya: “Waxba uma qornayne, qori dable iyaga oo la ordaya ayay dalka iska soo galeen;”
  3. Dad halgankii ka habsaamay ama ka soo hor jeeday oo aan waxbaba la jeclayn SNM;

 

Iyo qaar kaloo badan…….Iyo qaar kaloo badan.

 

Kooxda hore ee daacadnimada iyo niyad-samaantu ka hadlinayso si walaalnimo ku dheehan tahay ayaan ugu soo qaddinayaa Barnaamajkii Siyaasiga ahaa ee SNM, aniga oo ka cudur-daaranaya in aanu hore u faafin sababtu waxay doonto ha ahaato e’. Labada Kooxood ee danbe aniga oo wejiga kaga dhufanaya ayaan ku leeyahay: “Waa beentiin, hooya waa kan e’ horena waad u ogeydeene.”

 

Xaashaa wa kallaa! SNM wax waa ay u yaalleen….Waa ay u qornaayeen…..Weliba waxa ugu badnaa ee ugu hodansaanaa ee urur Soomaaliyeed oo siyaasiya oo hubeysani yeelan karayay ayaa u qornaa. Ayaa u yaallay.  Ayaan-darradu se waxa ay tahay: Waan la fulin…..Waan lagu dhaqmin. SNM waxay ahayd jabhad ballaadhan oo dad aragtiyo door ah lihi ku bahoobeen oo lahayd Barnaamij Siyaasiya oo guud ahaan laga mideysnaa. Nidaam aan cidna badbaadinayn ayaa lala dagaallamayay, markaa intii is-ogaatay in aanay nidaamkaa ka badbaadayn ayaa isku bahaysatay SNM si ay nidaamkaa ula dagaallanto.

 

Dhalliishu kuma jirto SNM baan wax u qornayn ama aanay waxba u oolline, dhalliishu waxay tahay: Wixii SNM u qornaa baan la fulin ama lagu dhaqminba. Markaa waa been fikradda ah SNM waxay dalka soo gashay iyada oo aanay waxba u qornayn.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *